13/05/2026
Abdikarim Ahmed Mooge wuxu raad siyaasadeed oo oday - ka sheekee noqon doona kaga tegay siyaasada Somaliland. Waa mucjiso mudan ku cibro qaadasho. Waa lama - arag iyo lama - maqal in qofka isirka Soomaalida ku abtirsadaa uu balan fog qaado. Ku ololeeyo in hadiiba la doorto; aanu gelin ku darsanayn muddo xileedkiisa. Dhacday, oo dad weynuuna shaahid iyo marag u noqoy dhacdadaas.
Waxa xusid mudan, isagoo ahaa shaqsigii u horeeyay ee cod lagu doorto musharax jago ugu badnaa oo helay 26,299; haddana uu noqday adeege bulsho kii ugu waxqabad ka badnaa 35 kii sano ee ina soo dhaafay hadaynu Somaliland nahay.
Anigoon u nisbaynayn kaligii inuu gaadhay guusha uu ka gaadhay adeeg daadajin waaxyaa Dawlada Hoose Hargeysa kaligii, balse ay ku weheliyaan golaha deegaan ka caasimadu. Waxa lagu xasuusan doonaa waxqabadkiisii baaxada lahaa ee ahaa:
1. Adeeg daadajinta shaqada DHH;
2. Ilaalinta hantida danta guud ee Degmada Hargeysa;
3. Dhisida, iyo qalabaynta dhamaan waxyaaha ay ku hawl galaan shaqaalaha DHH;
4. La dagaalanka musuqmaasuqa, iyo wax - isdaba marinta;
5. Xaqsiinta, joogtaynta iyo mushahar kordhinta shaqaalaha DHH;
6. Daadejinta adeega caafimaadka iyo waxbarashada. Isagoo dhisay, qalabeeyay, ama dayac tiray tiradii ugu badnayd ee goobo caafimaad, ama waxbarasho;
7. Ilaalinta khilaafaadka golaha iyo xildhibaanada dhexdooda;
8. Soo xero gelinta mashaariicdii ugu badnaa ee DHH abid hesho;
9. Dhiraynta, nadiifinta, iyo fayo - dhawrista Hargeysa;
10. Kasbashada kalsoonida shacabka, iyo beesha caalamka;
11. Dhisida, dayac - tirka iyo isku xidhka magaalada Hargeysa, iyo qurxinteeda iyadoo la jaanqaaday magaalo caasimadeedyada caalamka;
Intaan xusay, iyo tiro kale oo aanan xusin oo qalinku aanu ii qaban waxay kamid tahay shaqooyinka la taaban karo ee uu qabtay Duqa Degmada Hargeysa ee xilka sii banaynayaa.
Haddaba, waxaan u rajaynayaa Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan mustaqbal dambe oo wanaagsan, waana shakhsi hantiyay quluubta dadka reer Soomaliland.
Walow, dadweynaha, cuqaasha, sulaadiinta, aqoon yahanka, iyo daneeyayaasha Dawlada Hoose Hargeysi isku dayeen inay ku qanciyaan inuu sii joogo. Wuxu ku adkaystay goโaankiisii geesinimada lahaa ee ahaa inu xilka baneeyo. Duco ayaan ku sabootiyayaa Cabdikariim oo ahaa saxiibkay iyo ka dadweynaha.
Halka uu Cabdikariim Hargeysa dhisay, dhaqay, dhulka ka qaaday, oo dhaafiyay qayrkeed. Amarka Ilaahay, degmooyinkii kale way hadheen, oo madax - xumaysteen marka Berbera laga reebo.
Qore: Khaalid Saahid Dirir