
27/06/2025
Waxa nasiibku igu beegay inaan noqdo Sarkaalkii dejinayey calankii Ingiriiska oo ahaa mid u gaar ahaa Somaliland Protectorate, Juun 26, 1960. Garoonka ka dambeeya Dhakhtarka Edna Aadan ee xerada ciidammada ayaa lagu saaray calanka oo lagu dejiyey kii Ingiriiska. Waxa is-weydiin mudan calanka aynnu saarnay kee ayuu ahaa? Wuxu ahaa kii Soomaaliya. Waxa marka h**eba la go’aansaday is-raaca labada dal oo la sii raadiyo saddexda kalena. Sidaa awgeed, calanka buluugga ah ee xiddigta shanta gees leh ayaa sidaa lagu macnaystay. Salaanta calanka waxa qaadanayey Maxamed Ibraahin Cigaal. Halkaa waxa ka dhacay dammaashaad aanan faahfaahin karin oo ahayd maalintii noloshayda ugu fiicnayd. Waxay ahayd maalintay Somaliland dawlad noqotay ee ay ka xorowday maamulkii Ingiriiska. Marka aan calanka saaray waxa joogay uun madaxdii Ingiriiska iyo madaxdii Somaliland, hase ahaatee mar kale ayaa la yidhi ha la saaro oo dadweynuhu ha ka qaybgalaan. Waxaana lagu saaray meesha laga dhisay Masaajidka Ibraahin Dheere ee Jeelka u dhow. Halkaa waxa ku qaatay salaanta badhasaabkii oo ahaa Cismaan Indhoole, waana halka dadku isugu yimi. ”
Habeennimadii ayaa la sameeyey xafladdii ugu weynayd oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan fannaniintii, gabayaagii, heesaagii iyo dadweynihii reer Somaliland oo isaga yimi dhinac kasta. Waxay ahayd maalintaa iyo habeennimadii maalmo aan xasuusta dadkii goobjoogga ahaa ka hadhin oo ay da’ kasta oo ay yihiin xasuustaan.”
Sidaa uu sheegay Cabdillaahi Koongo, waa habeenkii gabayada badan laga tiriyey ee Cabdillaahi Suldaan Timacadde uu tiriyey “Kaanna Siib Kanna Saar”. Waxa ka mid ahaa dadkii debbaaldegayey kooxdii Walaalaha Hargeysa. Cabdillaahi oo sii wada xusuustiisii habeenkaa ayaa yidhi:
“Habeennimadii waxa aan xusuustaa Hargeysa oo aan laydh iftiimiya lahayn ayaa habeenkaa wada iftiintay. Tiriigyo ayaa la shiday. Ka dib magaaladuba waxay isu baddashay sidii maalin dharaar ah. Waxa la ridayey rash meel kasta ka dhacayey. Maalin aan h**e u soo marin Hargeysa.