Somali Mobile News

  • Home
  • Somali Mobile News

Somali Mobile News Welcome to the Official Somali Mobile News. Somali Mobile News is a Property of Somali Media Empire. http://www.somalimediaempire.so/

WARARKA MAANTA 7da Abriil 2022Su’aalaha Maanta: Maaxay tahay sababta Raysal Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble u eryey...
07/04/2022

WARARKA MAANTA 7da Abriil 2022
Su’aalaha Maanta: Maaxay tahay sababta Raysal Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble u eryey Madaxii Hoggaanka Hawl-Galka Nabad Ilaalinta ? Maxuuse Madaxweynaha xilka ka dhammaaday u diiday in la eryo Danjire Fransiis Madeera? Yaa Soomaaliya ka noqon madaxweyne 2022? Yaa Dowlad ah ama Shabaab ah? Yaa masuulka ah xiriirka wadashaqaynta Dowladda Iyo Ururka Argagixisada AL-Shabaab “Fahad Yaasiin? Yaa yiri Madaxweynihii h**e ee xilka ka dhammaaday Mudane Farmaajo “Been-Hawaas” qabiili ma ahan? Maxuuse ku sameeyey labadii Guddoomiyayaasha ee golaha shacabka Soomaaliya kuwaasoo kala ah Shariif Aadan “Shariif Sakiin” Iyo Prof. Maxamed Shiikh Cismaan “Jawahari”? Maxuuse ku qoray buuggiista qalinjabinta ee “Thesiskiisa” asagoou gafaya beel-weynta ee xukunka u dhiibtay? Meeqo madaxweyne ayaa musharax u ah jaggadda madaxweynaha ? Maxuuse qaban doonaa Raysal Wasaare Mudane Rooble oo shirqool dil ah loo habaynaayo sida madax h**e loo galay?
Muqdisho 7da Abriil 2022 Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa soo dhoweeyay dhismaha howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). António Guterres ayaa sheegay inay Qaramada Midoobay ka go’an tahay inay si buuxda u garab taagan tahay howlgalka ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.
Xoghayaha guud ee QM ayaa ku booriyay dhammaan bah-wadaagta Soomaaliya inay si degdeg ah u xaqiijiyaan maalgelin waara oo loo fidiyo ATMIS-ka iyo dib-u-dhiska ciidamada amniga Soomaaliya si ay u taageeraan isbeddelka amniga ee dalka.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ammaanay guulaha la taaban karo ee ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ka gaareen Soomaaliya 15-kii sano ee la soo dhaafay.
Wuxuu u mahad-celiyay ciidamada AMISOM- iyo dalalka booliiska ku deeqay sida ay uga go'an tahay horumarinta nabadda Soomaaliya, wuxuuna sida uu sheegay soo dhoweeyay naf hurnimada AMISOM.
Muqdisho 7da Abriil 2022 Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa toogasho ku dilay nin dil u geystay askari ka tirsanaa ciidamada Minishiibiyada, kaasoo ku sugnaa deegaanka Garasbaaleey ee duuleedka Caasimadda Muqdisho. Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalo balaaran oo ay ka sameeyeen goobta uu dilka ka dhacay, isla markaana ay u suurta gashay in dilaan mid ka mid ah ragii ka dambeeyay toogashada lagu askariga Minishiibiyada.
Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ragga hubeysnaa ay askariga toogteen isagoo ku guda jira howlahiisa shaqo, islamarkaana ay dilkaasi si deg deg ah uga jawaab celiyeen ciidamada Booliiska ee ka ag dhawaa goobta, kuwaas oo toogtay ninkii dilay askariga.
“Dhagar qabayaal ka tirsan Shabaab ayaa weerar ku soo qaadey Askari minishiibiya ah oo Joogay deegaanka Garasbaalay gaar ahaa waaxda 3-aad ee Geedi ferdhiye Waxaana goobtii lagu diley Askarigii minishiibiyada, Ciidankii Booliiska oo Goobta ku sugnaa ayaa isla goobtii ku toogtey mid ka mid ah kooxdii argigixisada aheyd ee soo weerartey, kuwa kalana waan ku aba joognaa” ayaa yiri Afhayeenka Taliska Booliiska Soomaaliya.
Inta badan magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ee dalka, waxaa dhaca dilalka noocaan oo kale ah ee lala bartilmaameedsado askarta iyo shaqaalaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kuwaas oo ay fuliyaan xubno ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab.
Muqdisho 7da Abriil 2022 Hoggaamiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyey Ra’iisul Wasaarihii h**e ee Soomaaliya ahna musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre inuu ka dambeeyey lacagaha laga xanibay Somaliland.
”Khayre oo musharax madaxweyne ahi waxuu ahaa ninkii joojiyey lacagaha Somaliland,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
Bishii September 2013 waxaa la aas-aasay Somaliland Special Arrangement oo loogu talo-galay in saddex (3) sano lagu shaqeeyo, si beesha caalamka ay Somaliland ula macaamisho si gaar ah oo ka madax-banaan dowladda federaalka, waxaana ogolaaday dowladdi madaxweyne Xasan Sheekh.
Doorashadii Soomaaliya iyo xukun kala wareegiddii 2016/2017 ayaa sanad qaadatay oo daahisay in dib loo cusboonaysiiyo heshiiskii SomalilUgu dambeyn June 9, 2018 ayaa xukuumaddii Xasan Cali Kheyre iska diiday in Somaliland Special Arrangement la cusboonaysiiyo, waxaana isla xilligaas joogsaday mashaariicdii caalamku siinayey Somaliland.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Axaddii fasaxay lacag dhan 11.7 milyan oo dollar oo Somaliland laga xanibay, taasi oo isla shalay loo diray guddiga gurmadka suuqa Waaheen ee Hargeysa.
and Special Arrangement.
Muqdisho 7da Abriil 2022 Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa u jawaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku dooday in marka la gaaro 14-ka bishaan haddii aan xal loo helin khilaafka haatan jira aysan suurta gal aheyn in la dhaariyo baarlamaanka, maadaama aysan joogin xubnaha laga soo doortay Koonfur Galbeed.
Jaamac oo hadalkaasi ka jawaabayey ayaa sheegay in Mursal uusan xaq u laheyn ka hadalka arrintaasi, isla-markaana ay quseyso beelaha sida gaarka ah u leh kuraastaas oo uu ku jiro kursigii oo uu isagu h**ey ugu fadhiyey wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.
“Dooda kuraasta FEIT ay dib u celisey waxa ay quseysaa beelaha sida gaarka ah u leh kuraasta ee gudiga qaran u gudbiyay cabashooyinkooda. Waxaa la yaab leh in siyaasi beel kale ka soo jeedo uu afka la galo ka hadalka kuraas beelihi lahaa faraqa heystaan, xilli isagu uusan meel ku sheegin kuraasti la xijinaayay,” ” ayuu yiri wasiir Cabduqaadir.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Afka Koonfur Galbeed waxaa ku hadli karo oo kaliya qof xur ah oo ugu yaraan kursiga uu ku fadhiyo u madaxbanaan,”.
Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in hadallada kasoo yeeraya siyaasiyiinta qaar ay khatar weyn u horseedi karaan dalka oo dhan, sida uu hadalka u dhigay.
“Hadallada dadka qaar ka soo yeeraayo waxa ay khatar weyn u horseedi karaan dalka oo dhan, musuuliyadana lama wada qaadi doono e’ waxaa qoorta loo suri doonaa qofki balaayada u wanqalay,” ayuu markale qoraalkiisa jawaabta ah ku yiri C/qaadir Maxamed.
Muqdisho 7da Abriil 2022 War goor dhow naga soo gaaray xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in gaari uu watay wiil la dhashay marwada koowaad Seynab Macallin looga shakiyay inuu qarax sido, laguna celiyey albaabka.
Gaarigaan ayaa markii uu gelayay iridka Villa Somalia, gaar ahaan kontoroolka koowaad waxaa ku qeyliyay oo ka shakiyay eeygii baarayay oo ka cararay, sidoo kale waxaa ka cararay eey labaad, waxaana meesha ka dhashay cabsi iyo tuhun xoogan oo galay ilaalada madaxtooyada oo isugu jiray Soomaali iyo ciidanka ATMIS.
Daqiiqado kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamada miino baarista, kuwaasi oo ku guuleystay inay xaqiiqda ogaadaan.
Ciidamada miino baarista ayaa sheegay in wax qarax ah uusan saarneyn gaariga balse waxa eyga uu ka shakiyay ay tahay lugta baabuurka oo soo maray meel baaruud leh, sidaasina uu u bixiyay digniinta.
Guud ahaan waxaa la fasaxay isu socodka oo horay loo joojiyay in dhaq dhaqaaqa Villada Somalia.
Dhacdadaan ayaa kusoo beegantay xili feejignaan sare ay ka jirto gudaha Villa Somalia, markii NISA ay ka digtay weeraro kusoo fool leh Farmaajo iyo Rooble oo la doonayo in lagu dilo, balse mucaaradka iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa dignaantaasi u aragtay in ay tahay mid ku socotay Rooble.

Muqdisho 7da Abriil 2022 Ma jiro ogolaansho uu bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tallaabo looga qaadayo Danjire Madeira, mana jirto warbixin ay soo gudbisay Wasaaradda Arimaha Dibadda oo tilmaamaysa inuu ku kacay ficillo ka hor imaanaya madaxbannaanida dalka.
Sidaas darteed, Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu farayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay gudato waajibaadkeeda shaqo, ayna gaarsiiso Midowga Afrika in go’aanka la sheegay uu yahay mid aysan u dhammayn Dowladda Federaalka, kana soo baxay xafiis aanan lahayn awood uu kaligiis ku gaaro go’aan culeyskaas leh.
Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalkeenna waa mid sal adag oo aan ku dhisnayn caadifad, abaal dhac iyo dano gaar ah, Soomaaliyana waxa ay kamid tahay asaaseyaasha Midowga Afrika oo hawlgalka Soomaaliya ku bixiyay dhiig iyo waqti aysan shacabka Soomaaliyeed ilaawi doonin.
Dalkeennu wuxuu ku jiraa xilli ay doorashadu gabogabo marayso, ayna lagama maarmaan tahay taageerada saaxiibada Soomaaliya, gaar ahaan Hawlgalka Midowga Afrika oo gacan wayn ka gaysanaya amniga doorashooyinka iyo xasilloonida guud ee dalka.
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ka digayaa tallaabooyinka aan ka fiirsiga lahayn ee carqaladayn kara amniga doorashooyinka iyo habsami u socodka hannaanka lagu dhammeystirayo, lagana fogaado wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara, waana xilliga aan ugu baahi badannahay inaan ilaashanno xasilloonida, iskaashiga iyo wadashaqeynta dhexdeenna ah iyo tan aan la leennahay saaxiibada caalamka.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku boorinayaa Madasha Wadatashiga Qaran inay diiradda saarto sidii loo soo gabagabeyn lahaa doorashooyinka, si wadar-ogol ahna lagu dhammeeyo arrimaha taagan ee xalka u baahan si dalku uu h**e ugu sii socdo.
DHAMMAAD
Muqdisho 7da Abriil 2022 Falcelin xoogan iyo hadal heyn ayaa ka dhalatay tallaabadii uu qaaday ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo dalka ka ceyriuey wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Fransisco Madeira ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu ka kacay hadallo gef ku ah Rooble, madaxweynayaashii h**e ee dalka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in Madeira uu laaluush ka qaadanayey Villa Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
Mahad Salaad ayaa sidoo kale shaaciyey inuu siyaasadeeyey howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaas oo hadda lagu beddalay ATMIS.
“Madeira kuma ekayn laaluushka uu ka qaadanayay Villa Somalia ee wuxuu ka shaqeynayay marin habaabinta beesha caalamka iyo sidii dalkaan u qarbudi lahaa, sida aad ka dheehan kartaan codka laga soo duubay ee ugu gafayo RW Rooble, Madaxweyneyaashii h**e, Madaxweyneyaasha maamulada qaarkood, siyaasadeynta doorka nabad ilaalin ee Amisom iyo ku qalqaalinta ciidamada Amisom in ay Farmaajo la saftaan si xukunka xoog loogu sii haayo!,” ayuu yiri.
Dhankiisa Axmed Macalin Fiqi ayaa ka falceliyey eryida wakiilka Midowga Afrika, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay calooshiis u shaqayste.“Fransisco Madeira wuxuu ahaa calooshiis u shaqayste CBB da Farmaajo ka mid ah, waxaana laga laaluushi jirey canshuurta dadka Muqdisho laga qaado,” ayuu yiri siyaasi Fiqi.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu ka gudbay xeyndaabkii iyo anshixii uu yaallay diblomaasiyadda
“Wuxuu ka soo gudbay xeyndaabkii iyo anshaxii diplomaasiyadda, wuxuuna u caytamayaa sida CBB-da Farmaajo oo kale, talaabada lagu eryay waxay ahayd mid sax ah, Farmaajaha waqtigu ka dhamaaday ee waraaqaha fadhi ku dirirka ay uga soo hartayna waxba laga weydiin maayo eryidda calooshiis u shaqayste Madiera” ayuu raaciyey.
Sidoo kale wasiirkii h**e ee arrimaha gudaha Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo qoraal kooban soo saaray ayaa isna yiri “Mudane Danjire Medeira, waxaa na haysta dhibaatooyin dhexdeenna ah. Fadlan naga tag oo ku bax wakhtiga laguu cayimay gudaheed,”.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo uu Farmaajo si weyn u difaacay Fransisco Madeira, isaga oo sidoo kalena ka horyimid tallaabada uu qaaday ra’iisul wasaare Rooble.
Muqdisho 7da Abriil 2022 Dowladda Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa markale deeq gargaar ah maanta usoo dirtay Soomaaliya, taas oo ka timid magaalada Abu Dhabi, isla-markana loogu tala-galay dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha.
Deeqdaan oo lagu keenay illaa 4 diyaaradood ayaa waxaa la wareegay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.
Gargaarka ayaa ah 26 Kunteenar oo ay ku jiraan noocyada kala duwan ee raashinka, sida ay shaacisay wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo qoraal kooban soo saartay
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaan goor dhow kala wareegnay 26-Kunteenar oo ay ku jiraan noocyada kala duwan ee raashiinka. Waxaa deeqdan si rasmi ah ula wareegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka XJFS Mudane Axmed Abuukar Axmed,” ayey tiri wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee xukuumada federaalka Soomaaliya.
Waa deeqdii shanaad oo ka timaada dalka Imaaraadka Carabta oo h**ey gargaar kala duwan usoo gaarsiiyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
“Dowladda Imaaraatka waxa ay inoo soo gaarsiisay deeq raadhiin ah oo lagu keenay afar diyaaradood tani waa deeqdii shannaad oo ay dalka soo gaarsiiyaan,” ayey sii raacisay.
Imaaraadka ayaa u muuqdo inuu ku dadaalayo dib u soo nooleynta xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, kaas oo xumaa 5 tii sano ee lasoo dhaafay.
Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo isku dhawaasho ay sameeyeen xukuumadaha Muqdisho iyo Abu Dhabi, kadib markii uu Imaaraadka gaaray Ra’iisul wasaare Rooble.


https://www.youtube.com/watch?v=WwMVKdftk4c

WARARKA MAANTA 6da  Nofeembar 2021 Sir!  Su’aallaha Maanta Yaa doorasha xalaal ah   ka qaban kara ma dhurwaa/waraabe hil...
06/11/2021

WARARKA MAANTA 6da Nofeembar 2021 Sir!
Su’aallaha Maanta Yaa doorasha xalaal ah ka qaban kara ma dhurwaa/waraabe hilib dagan arka mise libaax goosha waxay ugaarato ka xooggaya? Yaa Madaxweyne ka noqon doona Danjire Daahir Geele ama Mudane Xassan Shiikh Maxamuud? Yaa ka dhigay dalka adduunka ugu musuqmaasuqa badan “Farmaajo Been-Hawaas”? Yaa diiday in maxkammad la keeno argagixiso maal-geliye Argagixiye Fahad Yaasiin oo amaray dilka Marxuumad Kornayl Ikraam Tahaliil? Maxayse Warbaahinta dalka u aflagaadaynayaa Ummadda Soomaaliyeed kadib markii looga guullaystay kiiska badda ee ICJ? Ha wiqleyso!
Muqdisho 6da Nofeembar 2021 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay diblomaasi u dhashay dalka Uganda, Simon Mulongo, oo ah ku xigeenkii safirka midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo muddo toddobaad ah loo qabatay inuu uga baxo dalka
Mr Mulongo oo xalay isagoo ku sugan Muqdisho khadka telefoonka kula hadlay wargeyska monitor ee kasoo baxa Uganda, ayuu u sheegay in ay wax lala yaabo ku noqotay go’aanka ay ka qaadatay Soomaaliya, isagoo sheegay in uusan ogayn wax khalad ah uu sameeyay.
“Ma garanayo sababta go'aankan ka dambeysa. Wax fikrad ah uma hayo. Waxaan rabaa in aan xaqiiqada ka hadlo, ee ma ahan in aan wararka xanta ah wax ka sheego,” ayuu yiri isaga oo ka jawaabayay su’aalahii laga weydiiyay sababta loogu amray in uu Soomaaliya ka baxo.
Mar la weydiiyay waxa xiga tallabadan, ayuu ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, sheegay in ka jawaabidda arrintaas ay tahay arrin u taalla Hoggaanka midowga Afrika.
Dowladda Soomaaliya ayaa go’aanka ay dalka kaga saarayso Mr Mulongo u sababaysay inuu faraha kula jiray arrimo ka baxsan waajibaadka uu ku joogo Soomaaliya isla markaana uu kaga tirsan yahay howlgalka Midowga Afrika.
Muqdisho 6da Nofeembar 2021 Waxaa la soo bandhigay wareysi ay Dalsan TV horay u siisay Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo sheegeysa in qof beesheeda ka dhashay oo kursiga kula tartamaya uusan jiri doonin sanadkaan, iyadoo balan qaaday xilligaas hadii la helo qof aqoonyahana oo metelaada beesha kala wareega ay siyaasadda ka nasa doonto.
Hase yeeshee kursiga xildhibaan ee Khadiijo Diiriye ay ku fadhisay 20-kii sano ee lasoo dhaafay waxaa hadda u sharaxan gabar aqoonyahanad ah oo lagu magacaabo Baarliin Biin, waxaana haatan Khadiijo Diiriye soo wajahay qalqal xoog leh.
Dhowr jeer ayey Khadiijo Diiriye fagaareyaasha ka soo muuqatay maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo juhdi badan ku bixineysa sidii gabadhaas ay uga tanaasuli laheyd hankeeda siyaasadeed.
“Wiil ama Gabar qofkii isku soo sharaxa kursiga xildhibaan ee aan ku fadhiyo anigaa ku wareejinaa, waan daalay caafimaad ahaan, waan jeclahay inaan siyaasadda ka nasto oo cariishka Hooyadey iyo Aabehey ay Jowhar ku leeyihiin aan ku nasto, laakiin rajada Alle lagama quusto oo laxaw jeclaa dalkaan iga heysa,” ayey tiri Kadiija Diiriye oo bilo ka hor wareysigaan bixisay.
Mar la weydiiyey in beesheeda Yaxar laga heli karo qof aqoonyahana oo kursiga ay ku fadhiso ku meteli kara iyo inay iyadu fursadaha u diido dadkeeda ayey ku jawaabtay, “Mar kasta beesheydu waxay itiraahdaa nama aadan ceebeyn, xattaa beelaha kale ayaa I amaana, beesheyda waa ku jiraan wiilal iyo gabdho waxbartay, laakiin anigay I dhaheen nametel.”
Sidoo kale Khadiija Diiriye waxay wareysigaas ku sheegtay inay ku faraxsan tahay hanaanka awood qeybsiga dowladnimada Soomaaliya ee 4.5-ka, oo beesheeda u aqoonsan ‘nus’ ama beel barkeed.
Muqdisho 6da Nofeembar 2021 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan dhanka deegaanka Garasbaaley.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan labo qof oo shacab ahaa, halka uu ku dhaawacmay mid kale, kadib markii ay miinadu qabsatay mooto ay saarnaayeen.
Dadka ay waxyeelada soo gaartay ayaa ka soo jeeda degmada Afgooye, waxaana ku jiray Macalin aad looga yaqiinay halkaasi.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda oo waxyar ka hor maray halkaasi, siday ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, iyaga oo howl-gallo kooban ka sameeyey wadada uu qaraxu ka dhacay.
Uganada 6da Nofeembar 2021 Maxkamad ku taalla dalka Uganda ayaa saddex qof kusoo oogtay dacwad argagixisanimo oo la xiriirta qaraxii la fashiliyey ee lala beegsan lahaa tacsida Jeneraal dagaal xooggan kooxda Al-Shabaab kula galay Soomaaliya.
Jeneraal Paul Lokech oo loo yaqaan “Libaaxa Muqdisho” ayaa laba jeer soo noqday taliyaha ciidamada Amisom, wuxuuna hoggaamiyey howlgalkii Al-Shabaab looga saaray Muqdisho 2011-kii, taasi oo uu ku muteystay naaneysta “Libaaxa Muqdisho. Wuxuu bishii August ku geeriyooday dalkiisa.
Dacwad-oogayaasha Uganda ayaa sheegay in saddexda qof ee dacwadaha lagu soogay ay yihiin rag xubno ka ah kooxda mucaaradka ee ADF, oo Kampala ay sheegtay inay mas’uul ka ahaayeen qorsheynta weerarka lagu qaadi lahaa tacsida “Libaaxa Muqdisho,” bishii August.
Kooxda ADF, oo asal ahaan aheyd mucaarad Uganda ah, ayaa lagu eedeeyey inay kumanaan qof oo shacab ku dishay bariga dalka Jamhuuriyadda Dimqoraadiga ah ee Congo, sanadihii dhowaa.
Bishii March, dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah kooxda ADF ula xiriirisay kooxda Daacish.
Geoffrey Turyamusiima, oo ah qareenka saddexda nin ee la eedeeyey, ayaa weriyayaasha u sheegay in kalyantigiisa lagu jir dilay xabsiga kadib markii la xiray bishii August.
Maraykanka 6da Nofeembar 2021Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa mar kale dib usoo saartay abaal-marin 19 milyan oo dollar ah oo ay ku yaboohday akhbaaraad la xiriira halka ay ku sugan yihiin afar ka mid ah madaxda Al-Shabaab.
Qoraal afartii bishan lasoo dhigay twitter-ka Rewards for Justice (Abaal-gudka cadaaladda) oo ah barnaamij ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in afarta hoggaamiye ay kala yihiin; Abu Cubeydah, Mahad Karate, Fu’aad Maxamed Khalad iyo Jacfar.
Abu Cubeydad oo magaciisa saxda uu yahay Axmed Diiriye ayaa hoggaaminayey Al-Shabaab tan iyo markii duqeyn diyaaradeed lagu dilay hoggaamiyihii uu xilka kala wareegay ee Axmed Cabdi Aw-Maxamed oo la yaqiin Axmed Godane, bishii September 2014. Mareykanka ayaa madaxa Abu Cubeydah dul dhigay 6 milyan oo dollar.
Mahad Karate oo magaciisa saxda uu yahay Cabdiraxmaan Maxamed Warsame ayaa ah ku-xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab. Waxa uu sidoo kale mas’uul ka yahay qeybta amniyaatka ama sirdoonka kooxda Al-Shabaab. Mareykanka ayaa Mahad Karate ku raadinaya 5 milyan oo dollar.
Fu’aad Maxamed Khalaf waxaa la rumeysan yahay inuu yahay fududeeyaha dhanka maaliyadda ee kooxda. Sanadihii ugu dambeeyey waxaa la sheegay inuu u wareegay dhanka dacwadda ee kooxda. Waxay Mareykanka ku yabooheen 5 milyan oo dollar ciddii usoo gudbeysa aakhbaaraad la xiriira Fu’aad.
Jafar o sidoo kale loo yaqaan Amar, wax xog badan ah lagam hayo hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu yahay madaxa howlgallada ee kooxda Al-Shabaab, waxaana Mareykanka ay madaxiisa dul dhigeen 3 milyan oo dollar.
Mareykanka ayaa sababta uu u doonayo madaxdan ku sheegay qaraxyo ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya iyo inay “weli wadaan dhaq-dhaqaaqyo halis ku ah ammaanka, nabad-galyada iyo xasilloonida” gobolka.
Muqdisho 6da Nofeembar 2021 Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah musharixiinta sanadkaan u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa duray tallaabadii ay dowladda Soomaaliya dalka uga ceyrisay ku-xigeenka ergayga Midowga Afrika Simon Mulongo.
Geelle ayaa sheegay in tallaabadii ay qaaday Dowladda Soomaaliya aysan wax faa’ido ah kusoo kordhin doonaan Soomaaliya, sida uu isaga aaminsan yahay.
Geelle oo xaruntiisa ololaha doorashada kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in maamulka muddo xileedkiisu dhamaadey uu ku fashilmay in uu dadka la wadaago tafaasiil ku saabsan sababta uu u cuskadey go’aankaas.
“Horta tafaasiil badan lagama bixin. Dowladda waxay u muuqataa in ay rabtay in ay rikoor ka dhigto. Hadda kahor diblomaasi kale ayay sidaas u ceyrisay. Diblumaasigaas markii la ceyrinaayey wax sabab ah ma aysan muuqan laakiin wararka hadda dhacay wax xaqiiqo ah oo dowladda ay dadka la wadaagtey ma jiraan,” ayuu yiri Geelle.
Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa tallaabadaan ku sheegay mid lamid ah middii Soomaaliya looga ceyriyey Nicholas Haysom oo ahaa ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya.
“Muhiimadu waxay tahay cayrinta waa meesha ugu dambeysa ee diblumaasiyadda. Habab badan oo loo xaliya ayaa jirta oo wax lagu saxo dowladda waxaa moodaa in ay ka dhacsan tahay hababkaas. Shalay lagama faa’iidin ceyrintii diblumaasigii h**e, tanna lagama faa’iidaayo kaliya waxay dhaawacaysaa rikoorka diblumaasiyadda Soomaaliya,” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.
https://www.youtube.com/watch?v=ERf1HkqNX34

WARARKA MAANTA 26ka  Oktoobar 2021 Sir!  Su’aallaha Maanta: Maxay tahay sababta ay Dowladda   ugu qaaday weerar Ururka A...
26/10/2021

WARARKA MAANTA 26ka Oktoobar 2021 Sir!
Su’aallaha Maanta: Maxay tahay sababta ay Dowladda ugu qaaday weerar Ururka Ahlu Sunna ayadoo aan dalka ka sifayn Ururka Argagixiadda AL-Shabaab ee uu maal-geliyo Fahad Yaasiin? Yaa Madaxweyne ka noqon doona Danjire Daahir Geele ama Shiikh Shaakir? Yaa ka dhigay dalka adduunka ugu musuqmaasuqa badan “Farmaajo Been-Hawaas”? Yaa diiday in maxkammad la keeno argagixiso maal-geliye Argagixiye Fahad Yaasiin oo amaray dilka Marxuumad Kornayl Ikraam Tahaliil? Maxayse Warbaahinta dalka u aflagaadaynayaa Ummadda Soomaaliyeed kadib markii looga guullaystay kiiska badda ee ICJ? Ha wiqleyso!
Muqdisho 26ka Oktoobar 2021 Maamulka gobolka Sanaag ayaa shaaciyey inay soo dhamaatay waqtigii loo qabtay inay ku diyaar-garooban dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee ku sugan magaalada Ceerigaabo.
Badhasaab ku-xigeenka gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur iyo ciidamo badan oo wata gaadiiid kala duwan ee booliska ayaa saaka waddooyinka iyo suuqyada muhiimka ah ee magaalada Ceerigaabo ka bilaabay qab-qabashada dadka kasoo jeeda Koonfurta.
“14-kii cisho Shalay ayey ku eekeyd maanta waajibkayagu waxa uu yahay in aan qabano cid walba oo sharci ku joogin dalkan, waxaa waajib u haysataan in aad qabataan ama guri hoostii ha lagu haysto ama beer ha la dhex seexiye anaga waajibka haysana waa in 25-ka bishan 10-aad in aad qabataan dadka aan u dhalan Somaliland,” ayuu yiri badhasaab ku-xigeenka gobolka Sanaag.
“Kuwa tuulooyinka tagay ee aaminsan in tuulooyinka ay xukuumada xukumin ee aan qabano isaga oo magaalo ku ganacsiyaynaya wuxuu mudanaya waxa uu sharcigu ka qabo. Ninka diida amarka kasoo baxay xukuumadda waxa marinayna laamaha sharciga oo waa ka waajib qaadaneyna.”
Sidoo kale waxa uu digniin u diray dadka isku dayaya inay ka dhuuntan booliska, islamarkaana qorsheynaya inay kusii dhex ganacsadaan gobolka Sanaag.
“Tuulo ayaa ugu tageyna, degmo ayaa ugu tagayna, gobolka Sanaag oo dhan cidii ku sugan ee aan u dhalan Somaliland waajib waxa u haysana in aan qabano.” ayuu ugu dambeyntiina yiri Maxamed Khaliif Nuur
Muqdisho 26ka Oktoobar 2021 Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo dagaalka magaalada Guriceel ee u dhaxeeya ciidamada maamulka oo kaashanaya kuwa dowladda iyo Ahlu-Sunna oo dhinac ah.
Dadka dhigayay banaanbaxa ayaa isugu soo baxay Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan, waxayna taayiro iyo qashin ku gubeen wadada, taasi oo keentay isku socodka gaadiidka uu istaago.
Banaanbaxayaasha oo u badnaa Haween ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo ay uga soo horjeedan dagaalka khasaaraha badan ka dhashay ee ka socda Guriceel, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen “Qoor iyo Farmaajo doonimeyno”, “Dhiig sokeeye doonimeyno” iyo ereyo kale oo ka dhan ah maamulkaas.
Waxay sheegen qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta inaysan ogolaan doonin in lagu sii dagaalmo Guriceel, iyaga oo ku eedeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo madaxweynaha Galmudug inay colaada sii hurinayaan.
Sidoo kale qaarkood ayaa sheegay inay taageersan yihiin hogaanka Ahlu-Sunna ee xooga ku qabsaday Guriceel, islamarkaana ay maalmahan dagaalka kula jiraan ciidamada maamulka oo kaashanaya dowladda.
Dagaalka ka socda Guriceel ayaa galay maalintiisi saddexaad, waxaana weli qeybo ka mid ah magaalada laga maqlayaa rasaas teel-teel ah oo u dhaxeysa labada dhinac
Muqdisho 26ka Oktoobar 2021 Warbixin dheer oo wargeyska New York Times uu ka qoray howgallada hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in CIA-da ay mas’uul ka aheyd xil ka qaadistii 2015 lagu sameeyey taliyihii h**e ee NISA Jeneral Cabdiraxmaan Tuuryare.
Sida warbixinta ay tiri, waxaa sanaddii 2015 ii khilaaf soo kala dhex-galay Jeneraal Tuuryare iyo madaxii saldhigga CIA-da Mareykanka ee Muqdisho, oo aan magaciisa la shaacin.
Sarkaalka CIA-da ayaa ku eedeeyey Tuuryare maamul xumo iyo musuq-maasuq, hase yeeshee Tuuryare ayaa New York Times u sheegay inuu ahaa dhibanaha kibirka iyo isla weynida Mareykanka.
“Waxaan diiday inaan madaxa u raariciyo boqorka is-magacaabay,” ayuu Tuuryare u sheegay New York Times, isaga oo ula jeeda madaxa saldhigga CIA-da ee Muqdisho.
Muranka ayaa salka ku hayey maamulka iyo cidda ay ka amar qaadanayaan ciidanka Gaashaan ee ka tirsan NISA, balse ay tababaraan CIA-da. CIA-da ayaa si toos ah u maamusha Gaashaan, sida warbixinta lagu sheegay. Gaashaan waa ciidan xul ah oo ka kooban 300.
Muranka Jeneral Tuuryare iyo CIA-da ayaa socday muddo sanad ah, waxaana madaxda wasaaradda arrimaha dibedda Mareykana ay ka codsadeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu xilka ka qaado Tuuryare, taasi oo uu diiday.
Muqdisho 26ka Oktoobar 2021 Guddiga doorashooyinka ee Puntland ayaa maanta shaaciyey natiijada hordhaca ah ee doorashadii shalay ka dhacday degmooyinka Qardho, Eyl iyo Afeyn oo ay dadweynuhu codkooda dhiibteen, si ay u doortaan golayaasha degaanka degmooyinkaasi.
Natiijada hordhaca ah ee la shaaciyey ayaa ah illaa 11 goobood oo ka mid ah xarumihii ay shalay ka dhacday doorashada ee saddexdaas degmo.
Sida ay muujinayo natiijada la shaaciyey waxaa hoggaanka haya Ururka Kaah ee uu hoggaamiyo madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.
Ururada tartamaya oo gaaray illaa sideed ayaa waxa ay kala heleen:- Ururka Kaah 1687 cod, Ururka Mideeye 1300 cod, Ururka Sincad 1248 cod, Ururka Mustaqbal 192 cod, Ururka Horseed 180 cod, Ururka Runcad 47 cod, Ururka shaqaalaha xoogsatada 13 cod iyo Ururka Ifiye 8 Cod.
Dhanka kale guddiga ayaa weli sugaya qaar ka mid ah sanaadiiqda doorashada ee goobaha kale ee ay ka dhacday doorashada, taas oo ay ku xiran tahay natiijada rasmiga ah.
Doorashadan oo aheyd mid tijaabo ah ayaa waxaa codadkooda dhiibtay illaa 37,578 qof oo isku diiwaan-geliyey codeynta doorashada, kuwaas oo ka codeeyey illaa 54-goobood.
Muqdisho 26ka Oktoobar 2021 Howlgal militari oo ay sameeyeen ciidamada dowladda federaalka iyo Amisom ayaa kooxda Al-Shabaab loogala wareegay gacan ku haynta magaalada muhiimka ah ee Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Basra ayaa waxaa muddo haystay kooxda Al-Shabaab, halkaasi oo ay kasoo qaadeen weeraro badan oo dhimasho leh oo lala beegsaday Amisom, ciidamada dowladda iyo dad shacab ah.
War-saxaafadeed kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in howlgal socday 16-kii illaa 22-kii October oo fuliyeen ciidamada Gorgor, oo taageero ka helaya Amisom, uu horseeday in Al-Shabaab.
Howlgalkan toddobaadka socday ayaa ku billowday ayada oo ciidamada Gorgor iyo Amisom ay eryadeen Al-Shabaab ku sugnaa tuullada Baghdad ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada ayaa kadib dhexda u galay Al-Shabaab baxsad ahaa, tuulada Nadar Salaam, oo qiyaastii 1.5km Koonfur ka xigta magaalada Basra.
Taliyaha qeybta koowaad ee ciidamada Jeneraal Don Nabasa ayaa sheegay in qabsashada Basra ay muhiim tahay, sababtoo ah waxay aheyd saldhig ay weeraro dhimasho leh marar badan kasoo qaadaan Al-Shabaab.
“Basra waxaa sidoo kale loo adeegsan jiray in lagu soo diyaariyo baabuurta qaraxyada laga soo buuxiyo iyo in lacagta canshuurta looga qaado beeraleyda iyo ganacsatada gudaha,” ayuu yiri Jeneraal Don Nabasa.
Galmudug 26ka Oktoobar 2021 Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa lagu wadaa in dhowaan uu la hadlo wariyeyaasha, isaga oo ka warbixin doono dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Qoor Qoor ayaa sidoo kale shaacin doono mowqifka Galmudug ee ku aadan Guriceel oo maalintii afaraad uu ka socdo dagaal u dhexeeyo ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.
“Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa dhawaan ka hadli doona xaaladda degmada Guriceel iyo mowqifka Galmudug,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo maanta ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa horay u qaatay go’aanka dagaalka ee lagu wajahay xoogaga Ahlu Sunna, kaas oo illaa iyo hadda ka socda bartamaha Guriceel.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaaladaasi ayaa sheegaya in maanta xaaladda ay yara dagan tahay, waxaase weli is horfadhiya ciidamada labada dhinac dagaalamaya.
Ahlu Sunna ayaa ku sugan aagga Jaamacadda, halkaas oo ay dhufeyso uga jiraan xoogageeda, halka ay ciidanka dowlada ay ku sugan yihiin waqooyiga magaalada.
Galmudug 26ka Oktoobar 2021 Sarkaal sare oo ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca oo la hadlayey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka warbixiyey inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka xoogan ee weli ka socda gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Xasan Yare ayaa shaaca ka qaaday inay ku dhinteen illaa 120 qof, dagaalka haatan u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca.
Xasan Yare ayaa sidoo kale u sheegay Reuters in dagaalka ka socda Guriceel oo galay maalintii 4-aad ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 600 oo qof, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Ahlu Sunna aysan ka tanaasuli doonin mowqifkeeda, isla-markaana ay dagaallami doonto illaa uu dhinto askarigeeda ugu dambeeyo.
Waxa kale oo uu xusay in weli ay ku sugan yihin gudaha Guriceel, ayna iska caabin doonaan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ee dagaalka ku qaaday magaaladaas.
Marka la eego tirada dhimashada ee ay shaacisay Ahlu Sunna ayaa aad ugu badan mida ay sheegtay Galmudug oo horay u baahisay in dagaalkaas looga dilay 16 akari, loogana dhaawacay 45 kale, dagaalka culus ee ay haatan kula jirto ururka Ahlu Sunna
https://www.youtube.com/watch?v=S5sP06oLMac

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Mobile News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share

Our Story

Somali Mobile News is a Property of Somali Media Empire. http://www.somalimediaempire.com/