30/11/2025
Itoobiya oo ku fantay in ay soo ceshatay Kalsoonida Soomaaliya.
Machadka Daraasaadka arrimaha dibada Itoobiya (IFA) ayaa soo saaray warbixin cusub oo muujinaysa in Soomaaliya qaadday tallaabo diblomaasiyadeed oo waxtar u leh xiriirka labada dal, taas oo calaamad u noqotay bog cusub oo ku saabsan iskaashiga Addis Ababa iyo Mogadishu.
Warbixinta IFA ayaa tilmaamtay in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya muddo dheer uu ahaa mid uu dhaawacay khilaaf taariikhi ah ee ka dhashay qorshihii madaxweyne Siyaad Barre ku doonaayay soo celinta dhulka Soomaaliyeed, balse tan iyo 2018 diblomaasiyadda labada dowladood ay qaaday waddo cusub oo ku dhisan isu-soo-dhawaan iyo iskaashi gobolka ah.
Machadku ayaa xusay in xasaradaha siyaasadeed ee sanadihii dambe, gaar ahaan kadib MoU-gii Itoobiya iyo Somaliland, ay mar kale abuureen xiisad cusub, balse wadahadalladii Ankara ee 2024 ay dib u soo celisay jawi isfaham.
Machadka IFA wuxuu sheegay in ka qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee furitaanka mashruuca Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD) bishii Sebtembar 2025 uu ahaa tusmo muujinaysa isbeddel muhiim ah oo ka dhacay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya. Sidoo kale, hadalladii Madaxweynaha Soomaaluya ee uu ku taageeray GERD iyo aragtida Itoobiya ee ku saabsan marin-badeedka ayaa loo arkay “dib u hagaajin istaraatiiji ah oo ka turjumaya dan guud oo goboleed”.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Soomaaliya ay hadda isu muujisay dal u diyaar ah inuu kaalin ka qaato iskaashiga gobolka, maadaama ay leedahay xeebta ugu dheer Geeska Afrika iyo boos juqraafiyeed muhiim u ah marinnada caalamiga ah sida Suez Canal iyo Bab-el-Mandab.
IFA waxay sheegtay in taageerada Soomaaliya ee mashruuca GERD iyo fahamka ay ka muujisay baahida Itoobiya ee marin-badeed ay kor u qaadi karto:
Ammaanka gobolka
Maalgashi iyo isku-xirnaanta dhaqaalaha
Kalsoonida diblomaasiyadeed ee labada dal
Fursadaha koronto, ganacsi iyo kaabayaasha dhaqaalaha
Ugu dambeyntii, warbixinta Machadka Daraasaadka Itoobiya ayaa ku boorriyay labada dowladood inay sii xoojiyaan wadashaqaynta, maadaama guulaha diblomaasiyadeed ee la gaaray ay muhiim u yihiin mustaqbalka Geeska Afrika iyo xasilloonida gobolka.