15/08/2025
Ukraine: Quwaddii Nukliyeerka ee Ka Tanaasushay Awooddeeda — iyo Natiijada Maanta
Markii ay Ukraine ka madax-bannaanatay Midowgii Soofiyeeti 1991-kii, waxay si lama filaan ah u noqotay quwadda saddexaad ee ugu weyn hubka nukliyeerka adduunka, kadib Mareykanka iyo Ruushka. Hubkaas waxaa ku jiray boqollaal gantaal istaraatiiji ah oo gaadhi kara Mareykanka, kumannaan madaxyo nukliyeer ah, iyo diyaarado xambaari kara hubkaas culus.
Hase yeeshee, Ukraine waxay ahayd dal cusub oo aan lahayn khibrad, kaabayaal ammaan, iyo awood farsamo oo ay si madaxbannaan u maamuli karto nidaamkan khatarta badan. Arrintaas ayaa furtay albaabka cadaadis caalami ah.
Budapest Memorandum – Rajo iyo Ballanqaad
Mareykanka iyo Ruushka ayaa noqday labada dhinac ee ugu saameynta badan go’aanka Kyiv. Washington waxay ku dooday in dal aan lahayn kaabayaal adag iyo waayo-aragnimo amni uusan hub nukliyeer ah ku sii hayn karin. Waxaa lagu ballanqaaday taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed, haddii Ukraine ay ka tanaasusho hubkaas.
Dhanka kale, Ruushka oo isu arkayay dhaxal-sugaha rasmiga ah ee awooddii nukliyeerka Soofiyeeti, wuxuu dalbaday in hubkii ku haray Ukraine, Kazakhstan iyo Belarus lagu wareejiyo Moscow. Arrintan waxaa lagu xalliyay heshiis la yiraahdo Budapest Memorandum oo la saxiixay 1994, kaas oo Ukraine ku aqbashay inay hubkeeda nukliyeerka ku wareejiso Ruushka, iyadoo helaysa dammaanad in madax-bannaanideeda iyo xuduudaheeda la dhowri doono — dammaanad ay saxiixeen Mareykanka, Ruushka iyo Ingiriiska.
Dammaanad La Jebiyay
Sannadihii dambe, heshiiskii Budapest wuxuu noqday warqad aan qiimo badan lahayn. 2014, Ruushka wuxuu xoog ku qabsaday Crimea, halka 2022 uu weerar ballaaran ku qaaday Ukraine, isagoo maalin kasta burinaya dammaanadihii siyaasadeed ee la siiyay Kyiv.
Mareykanka iyo reer Galbeedka, inkastoo ay taageero ciidan iyo dhaqaale siiyeen Ukraine, haddana waxay weli masiirka Kyiv ku go’aamiyaan miisas ay ku fadhiyaan Putin iyo Trump — iyada oo mustaqbalka Ukraine loo falanqeynayo khayraad iyo saameyn istaraatiiji ah.
Casharka Adduunka
Sheekada Ukraine waa digniin caalami ah: dal ka tanaasula awooddiisa ugu weyn ee is-difaaca, wuxuu khatar ugu jiraa in masiirkiisa lagu go’aamiyo meel aanu ku jirin. Waxaa muuqata in dammaanadaha siyaasadeed ee qoran aysan beddel u noqon karin awoodda aad gacanta ku hayso.
Gunaanad:
Ukraine waxay mar ahayd quwadda saddexaad ee nukliyeerka, maanta waxay ku jirtaa dagaal ay qabsadeen kuwii dammaanadda u qaaday. Taariikhdani waxay fariin adag u tahay dalalka yaryar iyo kuwa cusub ee madaxbannaan: Awoodda difaac waa dammaanadda ugu weyn ee jiritaanka qaran.