07/06/2026
Koonfur Galbeed waxay kasoo gudubtay toddobo sano oo ay dowladnimadu ku jirtay gacmo aan aqoon u lahayn maamulka, sharciyadda iyo dhismaha hay’adaha shacabka. Muddo dheer waxaa la dayacay amniga, horumarka iyo masiirka bulshada.
Maanta se xaaladdu way ka duwan tahay sidii h**e. Waxaa la joogaa xilligii dowladnimo dhab ah, kala dambayn iyo ilaalinta amniga shacabka. Cid kasta oo weli hub iyo qalalaase ku raadineysa dano gaar ah, isla markaana khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida Koonfur Galbeed, waa inay ogaataa in aan loo dulqaadan doonin. Gacan bir ah ayaa lagu wajihi doonaa, dhulka iyo cirka ayaana looga hortagi doonaa fal kasta oo lagu carqaladeynayo amniga iyo jiritaanka dowladnimada.
Qabiil dowlad ma noqon karo, dowladnimadana laguma cabsi gelin karo. Koonfur Galbeed waxay dooratay nabad, sharci iyo horumar, waxaana guuleysan doona shacabka iyo dowladnimada.
Zaki Media