
28/06/2025
Ku Simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed Dr Ali Said Fiqi ayaa Furey Madasha Kulanka Agaasimiyaasha Guud Dowladda Koonfur Galbeed oo Diirada lagu saaray Hanaanka Hogaaminta iyo Adeeg gaarsiinta meelaha laga xureeyey AS.
Madasha kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Qorshaynta, Agaasimaha Guud Madaxtooyada, Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha Rayidka iyo Dhamaan Agaasimiyaasha Guud Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed Waxaana
Madasha Kulanka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha ee uu Furey Ku Simaha Madaxweynaha waa madal rasmi ah oo isku keenta Dhammaan Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda si ay uga wada hadlaan, iskuna dhaafsadaan Xogaha, Qorshayaasha, iyo Istaraatiijiyadaha Horumarinta Adeegyada Dowladeed,Madashan waxay door muhiim ah ka qaadataa kor u qaadidda isku-xirka, Wada-shaqaynta iyo Waxqabadka hufan ee Hay’adaha Dowladda.