19/09/2025
Aamina waxay ahayd gabar da’yar oo nolol riyo leh ku noolayd, ilaa maalintii madoobeyd ee dagaalku ka dhacay xaafaddooda. Rasaasta iyo qaraxyada waxay kala Geesay qoysas badan, iyadana waxay ku weyday ninkeeda – Cumar – oo ahaa tiirkii qoyskooda. Habeenkii ay maqashay warka dhimashadiisa, dunideedu waxay isu beddeshay mugdi.
Aamina waxay kali ku noqotay wiilkeeda yar, Maxamed, oo markaas jiray saddex sano. Indhihiisa yaryar ayaa weli ku xardhan su’aalo aan hadal lagu oran karin: “Aabbe ma soo noqonayaa?” Mar kasta oo uu sidaas weydiiyo, Aamina waxaa qalbigeeda ku go’a miciyo murugo. Waxay isku daydaa inay ku qanciso hadal jilicsan, iyadoo ilmada ka qarinaysa.
Maalmaha qaar Aamina wax cunto ah ma hesho. Waxay saacado badan ku fadhiisataa dariiqyada magaalada Muqdisho, iyadoo gacanteeda ku haysa weel madhan oo ay ku baryooto dad socda. Qorraxda kulul ayaa ka dhigta mid jilicsan oo tabar daran, laakiin marka ay eegto Maxamed oo gaajo la ooyaya, xoog cusub ayaa ku dhasha.
Hal maalin, Maxamed oo yar ayaa arkay hooyadii oo ilmeynaysa, Wuxuu si tartiib ah gacantiisa yare ku tirtiray ilmada wejigeeda, wuxuuna yiri:
“Hooyo, adiga ha ooyin. Aniga ayaa weynaandoona oo ku ilaalin doona.”
Ereyadaas yaryar waxay qabsadeen qalbigeeda sidii iftiin mugdi dhexdiisa ah. Laakiin Aamina waxay ogtahay in jidka uu wiilkeedu mari doono uusan sahlaneyn. Waxay ka cabsi qabtaa inuu ku koro dagaal, gaajo iyo barakac, sida kumannaan carruur Soomaaliyeed oo kale.
Markii habeenkii mugdiga la gaaro, Aamina waxay kuu ducaysataa:
“Alloow, haddii aan wax kale helin, carruurtan yar naxariistaada ha ila seegin.”
Waxay ku seexataa dhulka qabow iyadoo wiilkeeda ku hoynaysa laabta, rajadeeda kaliya ay tahay in maalinta xigta uu noqdo mid iftiin yar la socda.
W/Q Liban Iyow