Somali Mobile News

  • Home
  • Somali Mobile News

Somali Mobile News Welcome to the Official Somali Mobile News!

WARARKA MAANTA: 3da Nofeembar 2025Su’aalaha Maanta: Maxay odaayashanka dhaqanka ee  beelaha Harti kadiideen Madaxda   Iy...
03/11/2025

WARARKA MAANTA: 3da Nofeembar 2025
Su’aalaha Maanta: Maxay odaayashanka dhaqanka ee beelaha Harti kadiideen Madaxda Iyo ? Maxaa ka cusub maxaabiistii ay dagaalka ku qabatay Dowladda Waqooyi Barri? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Dan-Qaran”? Yaa warbaahinta qasbay inaysan soo gudbin fashilkiisa? ?Maxaa ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? 1. Waa diiday inuu sameeyo 2. Waa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah 3. Waa diiday inuu dalka u sameeyo lacag Soomaali mar labaad asagoo Madxweyne ka ah dalka ? 4. Waa diiday inay Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada si wada-jir ah u shaqeeyaan 5. Waa diiday inuu mucaaradka si fiican ula dhaqmo 6. Waa diiday in shacabka la caawiyo, waxuuna ugu daray barakicin iyo dhac joogta ah 7. Waa diiday inay labada aqal si wada-jir ah u shaqeeyaan si ay ula xisaabtamaan xukuummadda 8. Waa diiday inuu hantida dadweynaha si sharciga waafaqsan u naadiyo 9. Waxay Dowladda Soomaaliya ku soo uruurtay qoyskiisa iyo in yar oo luflufka ka hara xadaaya 10. Waxuu hadda raadinayaa muddo koroorsi laba sanno ah! Ha wiqleyso!
Mogadishu 3da Nofeembar 2025 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer degdeg ah ku sameeyay xarun ka tirsan Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha Qaranka (NIRA) oo ku taalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaddib cabashooyin ballaaran oo ay shacabka muujiyeen.
Kormeerkan ayaa yimid kaddib markii muuqaallo iyo sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ay muujinayeen xaalad adag oo ay wajahayeen haween iyo gabdho Soomaaliyeed oo habeenkii ku hoyanayay bannaanka xarunta NIRA si ay u helaan kaararka aqoonsiga qaranka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in xaaladdaas aanan la aqbali karin, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in shacabka si cadaalad ah oo sharaf leh loogu adeego.
“Xaaladda aan ku aragnay baraha bulshada waa mid aan la aqbali karin, Gabdhaha Soomaaliyeed waa in aan lagu khasbin inay yimaadaan habeenkii ama ay bannaanka seexdaan, taas waxay khatar gelinaysaa amnigooda, sidoo kale waa arrin aan habboonayn,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa faray madaxda hay’adda NIRA in ay ballaariyaan saacadaha shaqada si loo yareeyo ciriiriga iyo saxmadda dadka, isla markaana adeegyada loo dhoweeyo bulshada si ay si fudud u helaan kaararka aqoonsiga.
Sidoo kale, wuxuu amray in la habbeeyo nidaamka adeeg bixinta, iyadoo la kala saarayo safafka dadka iska diiwaangelinaya iyo kuwa kaararka qaadanaya, si looga fogaado in qof doonaya inuu kaliya qaato kaarkiisa uu waqtigiisa ku lumiyo safar aan isaga khusayn.
Mogadishu 3da Nofeembar 2025 Taliska Ciidanka Danab ee Puntland ayaa sheegay in maamulka hadda jooga uu joojiyay dhammaan xuquuqdoodii iyo mushaarkii ay ku lahaayeen, isla markaana ciidankooda lagu hayo hanjabaad joogto ah.
War-saxaafadeed maanta kasoo baxay taliska Danab ayaa lagu sheegay in ciidanka Danab ay yihiin ciidanka u geeriyooday una dhaawacmay difaaca Puntland, haddana weli ay heegan u yihiin ilaalinta amniga shacabka iyo dalkooda.
Ciidanka Danab waxay sheegeen inay shaqadooda sii wadi doonaan, inkastoo ay muujiyeen in ay ka walaacsan yihiin xaaladda haatan ka jirta Puntland.
Waxay so dhoweeyeen dhalinyarada cusub ee aqoonyahannada ah ee kuso biiray ciidanka booliska, iyagoo sheegay inay la shaqayn doonaan, si loo xoojiyo amniga caasimadda.
Ciidanka Danab oo uu hoggaamiyo sarkaal lagu magacaabo Gen. Jimcaale Jaamac Takar, waxay ahaayeen ciidamadii h**ey uga horyimid doorashooyinka qof iyo cod, islamarkaasna ku lug lahaa dagaalkii ka dhacay magaalada Garowe sanadkii 2023, kaasoo ay ku dhinteen illaa 30 qof.
Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen warar ku saabsan in maamulka Puntland uu mushaaraadkii ka goosay ciidanka Danab iyo ciidamo kale oo Puntland uga howlgalayay Sool iyo Cayn.
Mogadishu 3da Nofeembar 2025 Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim ah kuwaas oo kala ah Sharciga Barakacayaasha Gudaha iyo Sharciga Kaalmo Sharciyeedka Federaalka.
Fadhiga maanta ee Aqalka Sare ayaa guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdullaahi Timacadde , waxaana lagu ansixiyay shuruucdan kaddib akhrinta saddexaad oo ay soo jeediyeen guddi-hoosaadyada ku shaqada leh arrimahaas.
Sanatar Deeqo Xasan Xuseen, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare, ayaa soo bandhigtay akhrinta saddexaad ee Hindise-sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha, iyadoo tilmaantay in sharcigan uu siinayo ilaalin iyo xuquuq sharciyeed dadka ku barakacay gudaha dalka, kuwaas oo ka badan 4 milyan oo qof.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Xoosh, ayaa uga mahadceliyay Sanatarrada Aqalka Sare ansixinta sharcigan muhiimka ah, isaga oo xusay in uu door weyn ka ciyaari doono xoojinta nidaamka federaalka iyo u adeegidda bulshada nugul.
Sidoo kale, Sanatar Saciid Cawke, oo ka tirsan Guddiga Caddaaladda iyo Garsoorka Aqalka Sare, ayaa soo jeediyay akhrinta saddexaad ee Hindise-sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka, kaas oo dhigaya nidaam lagu xaqiijinayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan kaalmo sharciyeed marka ay wajahaan dhibaatooyin sharci ama maxk**adeed.
Sanatar Naciima Xasan Gadhwayne, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda iyo Garsoorka, ayaa iyaduna u mahadcelisay Sanatarrada Aqalka Sare, iyadoo sheegtay in sharcigan uu kor u qaadi doono helitaanka caddaalad iyo sinnaan sharciyeed dhammaan muwaadiniinta dalka.
Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin, ayaa bogaadiyay go’aanka Aqalka Sare, wuxuuna ku tilmaamay guul sharci-dejin oo muhiim u ah dowladnimada iyo daryeelka shacabka Soomaaliyeed.
WAR SAXAAFADEED
Muqdisho, November 03, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa shalay howlgal qorshaysan ka fuliyay tuulada Ceel-weyne, oo hoos tagta deegaanka Ceel-baraf, degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxaa halkaas lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta, iyada oo la dilay 23 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad. Howlgalkan ayaa la qaaday kaddib markii la xaqiijiyay in argagixisadu ay Maleeshiyaadkooda isugu keentay goob ay maalmihii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen, si ay halkaas uga dhigtaan gabbaad ay kasoo abaabulaan falal lagu carqaladeynayo amniga. 30-kii October 2025, waxaa sidoo kale goobtan ka dhacay hawlgal midkaan lamid ah kaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Khawaarijta. Intii uu socday howlgalkan lagu naafeeyay cadowga ma jirin wax khasaare ah oo gaaray shacabka. Haddaba si loo ciribtiro Khawaarijta fadlan muwaadin, haddii aad aragto wax khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.

Enjoy the videos and music that you love, upload original content and share it all with friends, family and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA: 2da Nofeembar 2025Su’aalaha Maanta: Ma ogtihiin inuusan Raysal Wasaare Mudane Xamsa tagi karin maamulada...
02/11/2025

WARARKA MAANTA: 2da Nofeembar 2025
Su’aalaha Maanta: Ma ogtihiin inuusan Raysal Wasaare Mudane Xamsa tagi karin maamulada uu ku matalo dowladda Federaalka? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Dan-Qaran”? Yaa warbaahinta qasbay inaysan soo gudbin fashilkiisa? ?Maxaa ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? 1. Waa diiday inuu sameeyo 2. Waa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah 3. Waa diiday inuu dalka u sameeyo lacag Soomaali mar labaad asagoo Madxweyne ka ah dalka ? 4. Waa diiday inay Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada si wada-jir ah u shaqeeyaan 5. Waa diiday inuu mucaaradka si fiican ula dhaqmo 6. Waa diiday in shacabka la caawiyo, waxuuna ugu daray barakicin iyo dhac joogta ah 7. Waa diiday inay labada aqal si wada-jir ah u shaqeeyaan si ay ula xisaabtamaan xukuummadda 8. Waa diiday inuu hantida dadweynaha si sharciga waafaqsan u naadiyo 9. Waxay Dowladda Soomaaliya ku soo uruurtay qoyskiisa iyo in yar oo luflufka ka hara xadaaya 10. Waxuu hadda raadinayaa muddo koroorsi laba sanno ah! Ha wiqleyso!
Mogadishu 2da Nofeembar 2025 Saxaafaddu waa mid muhiimad wayn leh, waxaa muhiimad taa la mid ah leh badqabka kuwa ka shaqeeya – soo afjarida isla xisaabtan la'aanta dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta waa shuruud muhiim ah oo lagu dammaanad qaadayo xorriyadda hadalka iyo helitaanka macluumaadka dhammaan muwaadiniinta.
Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Isla xisaabtan la'aanta Dambiyada Ka dhanka ah Saxafiyiinta, ayey bahda QM ee Soomaaliya xaqiijinaysaa taageerada ay siiso shaqaalaha warbaahinta Soomaaliyeed iyo dadaallada socda ee lagu hubinayo inay si xor ah oo badbaado leh u tabin karaan wararkooda.
Waxaa sawirka ka muuqda, saxafiyiin da’yar oo ka qayb qaadanaya barnaamij tabobar ah oo ay taageertay Qaramda Midoobey.
Muqdisho 2da Nofeembar 2025 Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka iyo Caddaaladda Aqalka Sare Sanatar Naciima Xasan Gadhwayne, ayaa furtay kulan wadatashi ah oo looga arrinsanayo doorka iyo duruufaha Haweenka ka howlgala hay'adaha Amniga iyo Caddaaladda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Maraykanka 2da Nofeembar 2025 Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa dib u soo nooleeyay baaqyadiisii h**e ee ahaa in la masaafuriyo xildhibaan Ilhan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka.
Madaxweyne Donald Trump ayaa baraha bulshada kusoo faafiyay muuqaal h**e oo ay ku jirto Ilhaan Cumar (D-MN) oo ah muwaadin Mareykan ah oo dhalasho loo siiyay.
“Waa inay dib ugu noqotaa dalkeeda,” ayuu Trump ku qoray barahiisa bulshada ee Truth Social, isagoo faafiyay muuqaal Ilhaan Cumar ay kaga hadlaysay munaasabad ay ku sheegtay in Soomaaliya tahay gurigeeda. Muuqaalkan ayaa markii h**e lagu faafiyay Twitterka.
Trump muddo dheer ayuu Ilhaan Cumar bartilmaameed ugu ahaa inuu masaafuriyo. Bishii September ee sanadkan, Trump ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal ku tagay Maraykanka u sheegay inuu h**ey usii kaxaysto Ilhan Cumar.
Maraykanka. Dad badan ayaa si degdeg ah u cambaareeyay hadalo si qaldan loo turjumay oo laga faafiyay xildihibaananda Koongareeska.
Nairobi 2da Nofeembar 2025 Ciidamada amaanka dowladda Kenya ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada saacadahii lasoo dhaafay deegaano dhowr ah oo ku yaala xadka ay la wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Howgalka ciidamadaan ayaa la sheegay inuu yahay ujeedkiisa mid looga hortagayo dhaqdhaqaaqyo xubno ka tirsan kooxda ay ka wadaan deegaanada dhaxa xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.
Ilo xog ogaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Militariga dalka Kenya oo garab ka helaya kuwa sida gaarka u tababaran ee GSU in dadka ku nool deegaanada ku yaala xadka iney weydiinayen su’aalo la xiriira inay arkeen dad aan deegaankooda kasoo jeedin oo isaga kala gudbaya deegaanada qaar.
Saraakiil ka tirsan hay’adaha amaanka Kenya ayaa sheegay in marka la gaaro bilaha ugu dambeeya sanadka iney si weyn u kordhiyaan kooxda Al-shabaab weerarada ay ka geysato qeybo ka mid ah gobolada Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Howlgaladaan ciidamada Kenya ka wadaan deegaanada ku yaala xaduuda Soomaaliya iyo Kenya ayaa kusoo aadaya, iyadoo kooxdu marar kala duwan weeraro khasaare baaxad leh geystay ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya.
Gammudug 2da Nofeembar 2025 Wararka ka imaanaya deegaano hoos yimaada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in hooyo iyo carruurteed lagu weeraray dhacdo argagax leh oo dhacay, taas oo sababtay dhimashada hooyada iyo dhaawac culus oo soo gaaray carruurteeda.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka ay geysteen kooxo hubeysan oo aan ilaa hadda la garanayn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa falka, hase yeeshee wararka hordhaca ah ay tilmaamayaan in uu yahay weerar salka ku haya arrimo qabiil.
Hooyada la dilay ayaa la sheegay in ay ahayd qof caan ka ah deegaanka, halka carruurteedana xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo xarun caafimaad oo ku taalla halkaas.
Weerarkan ayaa si weyn uga nixiyay bulshada deegaanka, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen inaysan horay u arkin hooyo iyo carruurteed oo si toos ah loo beegsado.
Ilaa iyo hadda, maamulka Galmudug k**a aysan hadlin dhacdadan naxdinta leh, iyadoo bulshada deegaanka ay ugu baaqeen mas’uuliyiinta in cadaalad loo helo, lana soo qabto kuwii ka dambeeyay weerarkaasi.

✔ Subscribe ✔ Share ✔ Like ✔Suldaanka Tv Channel You Can Get This Channel Somali Update News 24 Hours Daily #.

WARARKA MAANTA: 1da Nofeembar 2025Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Maxay ku fashilantay xukuumm...
01/11/2025

WARARKA MAANTA: 1da Nofeembar 2025
Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Dan-Qaran”? Yaa warbaahinta qasbay inaysan soo gudbin fashilkiisa? ?Maxaa ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? 1. Waa diiday inuu sameeyo 2. Waa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah 3. Waa diiday inuu dalka u sameeyo lacag Soomaali mar labaad asagoo Madxweyne ka ah dalka ? 4. Waa diiday inay Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada si wada-jir ah u shaqeeyaan 5. Waa diiday inuu mucaaradka si fiican ula dhaqmo 6. Waa diiday in shacabka la caawiyo, waxuuna ugu daray barakicin iyo dhac joogta ah 7. Waa diiday inay labada aqal si wada-jir ah u shaqeeyaan si ay ula xisaabtamaan xukuummadda 8. Waa diiday inuu hantida dadweynaha si sharciga waafaqsan u naadiyo 9. Waxay Dowladda Soomaaliya ku soo uruurtay qoyskiisa iyo in yar oo luflufka ka hara xadaaya 10. Waxuu hadda raadinayaa muddo koroorsi laba sanno ah! Ha wiqleyso!
Mogadishu 1da Nofeembar 2025 Toddobaadkan Barnaamijka 𝗧𝘂𝗯𝘁𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮, waxaan u dabbaaldegaynnaa Maalinta Caalamiga ah ee la xisaabtanka dembiyada laga galo suxufiyiinta oo sanad walba la xuso 2-da Nofembar, iyadoo la milicsanayo doorka muhiimka ah ee suxifiyiinta ka hawlgala Soomaaliya, caqabadaha ay wajahaan, iyo sababta joojinta la xisaabtan la’aanta dembiyada laga galo weriyayaasha ay muhiim ugu tahay nabadda Soomaaliya, xasilloonida iyo mustaqbalka.
Qaybta koowaad, Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kaga hadlaya tallaabooyinka muhiimka ah ee Wasaaradda ay qaadayso si ay u ilaaliso xorriyadda saxaafadda una abuurto jawi nabdoon oo ay ku hawlgali karaan suxufiyiinta. Wuxuu qeexayaa tallaabooyinka la hirgelinayo si loo xaqiijiyo in dambiilayaasha galaya dambiyada ka dhanka ah weriyeyaasha loo aqoonsado loona maxk**adeeyo.
Qaybta labaad, Faarax Cumar Nuur, Xog-Hayaha Guud ee Xiriirka Weriyayaasha Soomaaliyeed ayaa ka hadlaya halista socoto iyo rabshadaha ka dhanka ah weriyeyaasha Soomaaliyeed. Wuxuu sharraxayaa sida Xiriirku ula tacaalayo caqabadahan si loo soo afjaro dambiyada ka dhanka ah weriyeyaasha loona dhiirrigeliiyo dhaqan difaaci karo isla markaasna horumarin karo xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya.
Waxaa barnaamijka martigelinaya Faa’isa Cabdi iyo Cabdicasiis Diiriye.
Puntland 1da Nofeembar 2025 Garoowe: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Bulshada Gobolka Nugaal kala qeybgalay kulan wacygelin ah oo ku saabsan Booliiska iyo bulshada, iyadoo caasimadda Garoowe ay kusoo wajahanyihiin Ciidanka Booliska cusub ee dhowaan kasoo baxay kulliyadda tababarka Booliiska ee Carmo.
Munaasabadda oo ka dhacday fagaaraha Jaamacadda PSU, waxaa kasoo qeybgalay Goleyaasha Dowladda, La-taliyeyaal Madaxweyne , Saraakiisha Ciidanka Booliiska Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe , Isimada, Haweenka , Dhallinyarada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caasimada Garoowe.
Dowladda Puntland ayaa dejisay qorshaha horumarinta Booliiska, waxaana hadda diyaarsan 500 oo Ciidan Booliis cusub ah kuwaasi oo dhowaan howlgelaya, sidoo kale waxaa jira 500 oo kale oo iyana dhowaan tababar u furmay, isbedelka ku socda Booliiska Puntland wuxuu horseeday in dhallinyaradii waxbarashada dhameysatay oo ay ku jiraan kuwo heer Jaamacadeed ah ay maanta ka midyihiin Ciidanka cusub ee la tababaray.
- DHAMMAAD-
Beledweyne 1da Nofeembar 2025 Gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed oo Xalay si rasmi ah ula wareegay xilkaan ayaa balan qaaday inuu wax badan ka qaban doono amni xumada ka jirta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Guddoomiye Maxamed Xuseen Carab ayaa xafladii uu Xalay xilka kala wareegaayay guddoomiyahii h**e ee gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ka sheegay inuu soo afjaro doono dhibaatooyinka la xariira dhaca dadweynaha.
"Caawa kadib lama arkin doono Tuugo Dhibaateeyneysa Hooyooyinka maskiinta ah ee ku nool Baledweyne, waxaan ku qaban doonaa burcada iyo kooxaha kale ee amni darada ka geystay magaalada gacan bir ah" ayuu yiri guddoomiye Maxamed Xuseen Maxamed.
Wuxuu sidoo kale dalbaday guddoomiye Carab in dadka reer Baledweyne ay kala shaqeeyaan amniga iyo horumarka guud iyo sidoo looga gudbi lahaa caqabadaha ragaadiyay gobolka Hiiraan.
Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dadka ku nool magaalada Baledweyne ay la daalaan dhacayaan dhibaatooyinka la xariira dhaca iyo dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah ee ku nool xaafadaha Baledweyne.
Switzerland 1da Nofeembar 2025 Switzerland ayaa qorsheyneysa inay si qarsoodi ah ugu celiso Muqdisho dhowr muwaadiniin Soomaaliyeed, iyadoo sameynaysa duulimaad qarsoodi ah. Weli lama oga kaalinta ay dowladdu Soomaaliya ku leedahay arrintan.
Hay’adda Socdaalka ee Switzerland (SEM) ayaa qorsheyneysa duulimaadyo gaar ah oo lagu celinayo muhaajiriinta Soomaaliyeed ee aan dooneyn in dalkooda lagu soo celiyo. Duulimaadkii ugu horreeyay ayaa lagu wadaa inuu dhaco sida ugu dhaqsaha badan.
Dowladda Switzerland weli ma haysato oggolaansho rasmi ah oo ay ka heshay dowladda Soomaaliya si ay usoo musaafuriso muwaadiniinta Soomaaliyeed. Laakiin, maamulka socdaalka ee Switzerland oo ay taageerayaan booliska, waxay qorsheynayaan inay heshiis la galaan saraakiisha xuduudaha Soomaaliya marka ay tagaan garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Sannado badan, dowladda Soomaaliya waxay hor istaagtay duulimaadyada noocan ah, balse hadda xiriirka labada dal ayaa u muuqda inuu is beddelay.
Muhaajiriinta la rabo in la celiyo ma haystaan dukumentiyada safarka ee Soomaalidu aqoonsan tahay. Sababtaas awgeed, Wasaaradda Caddaaladda iyo Booliska ee Federaalka Switzerland (FDJP) ayaa si iskeed ah u bixisay dukumenti la yiraahdo laissez-passer (taasoo ah dukumenti beddelka baasaboorka).
Go’aanka ay dowladdu Switzerland ku bixisay dukumentiyo aqoonsi oo ay iyadu samaysay waa arrin aan h**e loo maqal. Wargeyska caan ka ah Switzerland ee WOZ – die Wochenzeitung ayaa maanta daabacay warbixin dheer oo ku saabsan fadeexaddan.
Qorshaha hay’adaha socdaalka ee Switzerland waa mid jebinaya xuquuqul insaanka. Duulimaadyada qarsoodiga ah waxaa lagu fuliyaa si xoog ah. Ka hor duulimaadka, muhaajiriinta waxaa lagu xidhaa xabsiyada maamulka muddo gaari karta ilaa 18 bilood.
Hay’adda Augenauf waxay ogtahay hal isku day oo dhacay bishii Luulyo 2025, markii hay’adaha socdaalka Switzerland isku dayeen inay muhaajir Soomaali ah ku celiyaan Muqdisho, balse duuliyihii diyaaradda ayaa diiday inuu qofkaas qaado.
Mas’uuliyiinta Switzerland waxay ku andacoonaya in muhaajiriinta Soomaaliyeed ee la celinayo ay yihiin dambiilayaal khatar ah, kufsadayaal iyo dad rabshado badan. Laakiin, Augenauf waxay sheegtay in tani ay tahay borobogaando, ayna badankoodu yihiin dad aan khatar weyn ahayn.

✔ Subscribe ✔ Share ✔ Like ✔Suldaanka Tv Channel You Can Get This Channel Somali Update News 24 Hours Daily #.

WARARKA MAANTA: 31ka Oktoobar 26, 2025Su’aalaha Maanta: Maxay ka qortay Warbaahinta caalamka  Madaxweye Mudane Xassan “D...
31/10/2025

WARARKA MAANTA: 31ka Oktoobar 26, 2025
Su’aalaha Maanta: Maxay ka qortay Warbaahinta caalamka Madaxweye Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” oo xaday dhaqaallaha shacabka Soomaaliyeed? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Dan-Qaran”? Yaa koobi ku shaqeeynaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Meeqo mashruuc oo been ah ayaa beesha caalamka laga saxiixday oo aan weli xisaabtooda la helin? Yaa warbaahinta qasbay inaysan soo gudbin?Maxaa ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? 1. Waa diiday inuu sameeyo 2. Waa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah 3. Waa diiday inuu dalka u sameeyo lacag Soomaali mar labaad asagoo Madxweyne ka ah dalka ? 4. Waa diiday inay Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada si wada-jir ah u shaqeeyaan 5. Waa diiday inuu mucaaradka si fiican ula dhaqmo 6. Waa diiday in shacabka la caawiyo, waxuuna ugu daray barakicin iyo dhac joogta ah 7. Waa diiday inay labada aqal si wada-jir ah u shaqeeyaan si ay ula xisaabtamaan xukuummadda 8. Waa diiday inuu hantida dadweynaha si sharciga waafaqsan u naadiyo 9. Waxay Dowladda Soomaaliya ku soo uruurtay qoyskiisa iyo in yar oo luflufka ka hara xadaaya 10. Waxuu hadda raadinayaa muddo koroorsi laba sanno ah! Ha wiqleyso!
Puntland Oktoobar 31, 2025 Puntland ayaa gabi ahaanba joojisay mushaharkii iyo raashinkii ay siin jirtay ciidamadii ka howlgalayay gobollada Sool iyo Cayn, kaddib markii deegaanadaas ay noqdeen maamul madax-bannaan oo lagu magacaabo Waqooyi Bari.
Ilo-wareedyo la hadlay HOL ayaa sheegay in go’aankan uu ka dhashay caro ay qaaday Puntland, kaddib markii qaar ka mid ah ciidamadii iyo saraakiishii ku sugnaa gobolladaas ay ku biireen maamulka cusub, isla markaana ay diideen inay ku shaqeeyaan awaamiirta dowladd goboleedka Puntland.
Ciidamada laga joojiyay mushaharka waxaa kamid ah kuwo hoos yimaada madaxweyne ku-xigeenkii h**e ee Puntland, Axmed Karaash, oo kamid ah siyaasiyiinta door weyn ku lahaa dhismaha maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Saraakiisha ciidamadaas ayaa dhawaan kulan la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor, oo kasoo jeeda gobolka Sool, iyagoo ka codsaday in uu wax ka qabto go’aanka lagu joojiyay mushaharkooda iyo raashinkooda.
Waxay sheegeen in muddo saddex bilood ah aysan helin wax mushaar iyo raashin ah, isla markaana ay ka fiirsanayaan tallaabooyin ay qaadaan, oo ay ku jirto in ay jidgooyooyin dhigtaan haddii aan laga jawaabin cabashadooda.
Dhawaan ayay ahayd markii maamulka Puntland uu sidoo kale mushaarkii iyo adeeggii ka goostay ciidanka guutada Danab oo uu hoggaamiyo Gen. Jimcaale Jaamac Takar, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku xiran yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Carta Djibout Oktoobar 31, 2025 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in la joogo waqtigii Soomaaliya ay si buuxda uga gudbi lahayd nidaamka 4.5, kaas oo uu ku tilmaamay mid waqtigiisii dhammaaday, islamarkaana caqabad ku ah dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan sinnaanta iyo cadaaladda.
Madaxweynaha oo ka hadlayay arrimaha siyaasadda iyo dib-u-habaynta nidaamka dowladeed, ayaa xusay in nidaamka 4.5 uu Soomaaliya kusoo caana maashay, balse uu ahaa xal ku-meelgaar ah oo lagu soo gudbay xilli adag oo dalku burbursanaa.
“4.5 wuxuu yimid maalin aysan Soomaalidu waxba haysan, wuxuuna ahaa xal labo sano ku-meelgaar ah oo lagu soo gudbo, Laakiin waqti dheer ayuu naga soo qaatay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in si loo dhaafo nidaamkaas ay lagama maarmaan tahay in laga saaro siyaasadda danaha shakhsiga iyo qofka, isagoo sheegay in qofku is beddeli karo, balse waddanku u baahan yahay in la abuuro nidaam mideeya ummadda oo ku dhisan hufnaan iyo cadaalad.
“Si aan uga gudubno 4.5 waa in aan meesha ka saarno siyaasadda qofka, Soomaaliya maanta waxay qaaday wadadii toosnayd ee dunida, si ay ula jaanqaado nidaamyada casriga ah ee dawladnimada,” ayuu raaciyay Madaxweynaha.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkaan maanta ka jeediyay Magaalada Carta oo ah meesha lagu soo unkay nidaamka 4.5 kadib shir weyne dib u heshiisiineed oo Dowladda Jabuuti ay ugu qabatay qabaailka Soomaaliya si loogu dhiso Dowlad KMG ah.

Enjoy the videos and music that you love, upload original content and share it all with friends, family and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA: 30ka Oktoobar 26, 2025Su’aalaha Maanta: Maxaa ka cusub  ,   oo muddo kororsi la isku yeertay Madaxweye M...
30/10/2025

WARARKA MAANTA: 30ka Oktoobar 26, 2025
Su’aalaha Maanta: Maxaa ka cusub , oo muddo kororsi la isku yeertay Madaxweye Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Madaxweyne Mudane Ismaaciil “Kaligii-Talis”? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Dan-Qaran”? Yaa koobi ku shaqeeynaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Meeqo mashruuc oo been ah ayaa beesha caalamka laga saxiixday oo aan weli xisaabtooda la helin? Yaa warbaahinta qasbay inaysan soo gudbin?Maxaa ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? 1. Waa diiday inuu sameeyo 2. Waa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah 3. Waa diiday inuu dalka u sameeyo lacag Soomaali mar labaad asagoo Madxweyne ka ah dalka ? 4. Waa diiday inay Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada si wada-jir ah u shaqeeyaan 5. Waa diiday inuu mucaaradka si fiican ula dhaqmo 6. Waa diiday in shacabka la caawiyo, waxuuna ugu daray barakicin iyo dhac joogta ah 7. Waa diiday inay labada aqal si wada-jir ah u shaqeeyaan si ay ula xisaabtamaan xukuummadda 8. Waa diiday inuu hantida dadweynaha si sharciga waafaqsan u naadiyo 9. Waxay Dowladda Soomaaliya ku soo uruurtay qoyskiisa iyo in yar oo luflufka ka hara xadaaya 10. Waxuu hadda raadinayaa muddo koroorsi laba sanno ah! Ha wiqleyso!
UK 30ka Oktoobar 26, 2025 Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa digniin adag u dirtay maraakiibta ganacsiga ee isticmaala marin-biyoodka u dhow xeebaha Soomaaliya, kaddib markii lagu arkay dhaqdhaqaaqyo shaki leh oo ay sameynayeen doonyo shiraac ah, kuwaas oo la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin shabakadaha tahriibinta ee ay taageerto Iran.
War-saxaafadeed ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in la helay warbixin ku saabsan dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn oo ka dhacay badda u dhow magaalada Garaacad, oo qiyaastii 106 mayl badeed u jirta magaalada Eyl.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in ciidamada deegaanka ay qabteen mid ka mid ah labada doon ee la tuhunsanaa, halka tan kale ay baxsatay.
UKMTO waxay sheegtay in baaritaannada socda ay ku saabsan yihiin arrintaas, iyadoo ku boorrisay dhammaan maraakiibta ganacsiga ee maraya biyaha u dhow xeebaha Soomaaliya iyo kuwa gobolka inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, ayna si degdeg ah ugu soo wargeliyaan dhaqdhaqaaq kasta oo shaki leh xafiisyada UKMTO ama xafiiska howlaha badda ee Soomaaliya.
Warbixino amni oo dhowaan soo baxay ayaa tilmaamaya in doonyahan lagu tuhunsan yahay inay qayb ka yihiin shabakad tahriibin ah oo hub iyo daroogo u gudbisa kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, taas oo xiriir dhow la leh Iiraan.
Sidoo kale, xogahaasi waxay muujinayaan in ay sii xoogeysaneyso iskaashiga u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab, oo ah laanta Al-Qaacidda ee Soomaaliya.
Khubarada amniga ayaa sheegaya in maadaama la adkeeyay kormeerka iyo la-dagaallanka tahriibka tooska ah ee u dhexeeya Iran iyo Yemen, shabakadaha ay maamulaan Iiraan, Xuutiyiinta, iyo Al-Qaacidda ay u wareegeen isticmaalka xeebaha Soomaaliya iyo Suudaan, si ay uga dhigtan meel dhexe oo loogu sii gudbiyo hubka iyo daroogada taasoo muujinaysa halis cusub oo ku soo korortay amniga badda gobolka.
Jubbada Hoose 30ka Oktoobar 26, 2025 Ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland oo garab ka helaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgalo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada is kaashanaya ayaa howlgalada si gaar ah uga sameeyay deegaanada kala ah Qoraxey, Siirey, Farbulaay, Turdho, Yiirey, Janaale Jaay iyo Maleyley, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Jamaame.
Howlgaladaan laga fuliyay deegaanadaan dhowrka ah ee ka tirsan Jubbada Hoose ayaa lagu dilay ilaa 18 xubnood oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana sido kale lagu dhaawacay 32 kale oo kale, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay maamulka Jubbaland.
Howlgaladaan oo ahaa kuwa isugu jiray cir iyo dhul ayaa sidoo kale ciidamadu waxay ku burburiyeen godad ay ku dhuumaalaysanayeen kooxda Al-shabaab oo ku yaalay dhulka howdka ah.
Ciidamada Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa maamukka Jubbaland ayaa inta badan si wadajir ah deegaanada Jubbaland uga fuliya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
UK 30ka Oktoobar 26, 2025- Nin Soomaali ah oo magangalyo doon ah, kana diiwaangashan afar dal oo Yurub ah, ayaa qirtay inuu dilay mulkiilaha maqaayad ku taallay magaalada Derby ee dalka Ingiriiska, kaasoo lagu toogtay gudaha bangi ku yaalla bartamaha magaalada bishii May.
Haybe Cabdiraxmaan Nuur, oo 47 jir ah, ayaa qirtay inuu dilay Gurvinder Singh Johal intii lagu jiray maxk**adayntiisa oo ka dhacday Derby Crown Court bishii Agoosto, waxaana shalay lagu sii dhageystay xukunkiisa halkaas oo lagu soo bandhigay muuqaallo CCTV ah oo muujinaya weerarka.
Weerarku wuxuu dhacay 6-dii May abbaaro 2:32 duhurnimo, wax ka yar laba saacadood kaddib markii Nuur uu wacay hay’ad samafal oo taageerta muhaajiriinta, isagoo ku hanjabay inuu dili doono 500 qof ka hor inta uusan isdilin.
Ninkaan ayaa h**ey codsigiisa magangalyada loo diiday afar maalmood gudahood kadib markii la ogaaday in uusan lahayn sabab sharci ah oo uu magangelyo ku dalbado, maaddaama uusan ahayn qof la tahriibiyey. Waxaana lagu soo rogay xabsi magangalyo ah oo mamnuucaya inuu shaqeeyo.
Dacwad oogaha ayaa sheegay in ninkan uu h**ey uga galay dambiyo badan dalal Yurub ah ka hor inta uusan gaarin Ingiriiska. Dalka Talyaaniga, waxaa lagu xukumay hal sano oo xabsi shuruudaysan ah bishii May 2023 kaddib markii lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin dhaca, weerar dhaawac keenay iyo iska caabin boolis.
Booliiska Faransiiska, Luxembourg, iyo Jarmalka ayaa sidoo kale xabsiga dhigay dambiyo fudud sida xatooyo dukaameed, inkastoo aanu ku xukunmin dalalkaas.
Muqdisho 30ka Oktoobar 26, 2025 Nidaam cadaaladeed oo isla xisaabtan leh ayaa muhiim u ah xaqiijinta sareynta sharciga Soomaaliya oo dhan – khubaro dhanka asluubta ah oo ka socotay UNTMIS ayaa dhowaan ka taageeray Wasaaradda Caddaaladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kulan ay isku soo dubarideen waaxda cadaaladda dembiyada ee Dawlad Goboleedka xubinta ah Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa ka soo qaybgalay 17 daneeye oo ka kala socday Wasaaradda, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, Booliska, Asluubta iyo Ururka Qareenada si ay uga doodaan arrimaha ay kamid yihiin ciriiriga xabsiyada, waxaana la sameeyay xalal wax ku ool ah oo wax looga qabanayo caqabadaha la ogaaday.
Muqdisho 30ka Oktoobar 26, 2025 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabad lagu xusayo 25-sano guuradii ka soo wareegtay Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee lagu qabtay magaalada Carta sanadkii 2000.
Shirkii Carta ayaa lagu xasuusan doonaa aasaaskii Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, isla markaana wuxuu saldhig u noqday dib u soo noolaynta hay’adihii dowladeed ee dalka kaddib burburkii sanadkii 1991.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa martigelinaya munaasabadda, waxaana uu ku maamuusay madaxda Soomaaliyeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah ee ka qeybgalaya xuskan taariikhiga ah iyo daahfurka xarunta cusub ee Dib-u-heshiisiinta Geeska Afrika, oo loo bixiyay Taallada Nabadda ee Carta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo dalka Jabuuti kulamo gaar ah la qaadan doona Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxda kale ee sare ee dowladda Jabuuti, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xiriirka labada dal, iskaashiga amniga iyo ganacsiga.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo munaasabadda xuska, isaga oo kaga hadli doona guulihii iyo casharradii ay Soomaaliya ka dhaxashay shirkii dib-u-heshiisiinta Carta, iyo sida uu u horseeday dowladnimo casri ah oo ku dhisan midnimo iyo wadajir.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Mobile News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share