Fooddey Media TV

Fooddey Media TV Fooddey Media TV

26/07/2025

WAR MURTIYEEDKA SHIRKII

25/07/2025

Odaygaan Ka hadlaaya Taariikhda Beelweenta Biimaal Waxaa macquul ah in uu Aqoon buuxda uusan u laheenin Taariikhda Biimaal jamaame; Runtii inta badan waa soo dha dhaweeyay lkn Rag badan oo Laf dhabarka u ahaa ayuu kategay Hadii ay tahay dhanka jamaame iyo Hadiii ay Tahay dhanka Sh/Hoose : Mala is dhihi karaa ma odaygaa DHAGAR QABE AH MISE SHIRKA LOO FADHIYO AYAA DHAGAR QABE AH ?????? WAA IGA SU.AAL ?????

Xaqiijin Rasmi ahإِنَّا لِلّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَWaxaan si rasmi ah u xaqiijinayaa in uu geeriyooday Adeerkay...
24/07/2025

Xaqiijin Rasmi ah

إِنَّا لِلّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

Waxaan si rasmi ah u xaqiijinayaa in uu geeriyooday Adeerkay Shiiqoow Cali Cismaan, maanta oo Khamiis ah, 24 Luulyo 2025, isagoo ku geeriyooday Tuulada Cadeedgeri ee Degmada Jamaame, kadib markii uu muddo xanuunsanaa isla markaana daaweyn iyo Qur’aan lagu sameeyay intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho. Iyo Degmada Jamaame

Marxuumka wuxuu Aduunka uga tagay xasuus, ducayaal, dardaaran iyo dad jecel. Waxaa na barakeeyey in xanuunkiisa lagu weheliyo garab istaag qoys iyo qabiil, laguna sagootiyo salaad iyo xushmad.

Allaha u naxariisto, jannatul firdowsa ha ka waraabiyo.
Qoyska, ehelka, asxaabta iyo beesha Warable samir iyo iimaan ha ka siiyo. Aamiin.

W/Q
Nabadoon Ali Fooddey

22/07/2025

Daawo: warbixin ku saabsan xaalada adag ee ka jirta Qasa.

22/07/2025

Waxaa soowada dhaweeyay dhamaan beelihii kasoo qeyb galay shirweynahaan beesha Biimaal oo Muqdisho ka qabsoomay.

Fooddey Media TV

18/07/2025

Ilaahy wuxuu leeyahy Dunidu ma ahan meeshii cadaalada ilaahy k**a dambeysta ah laga muujinayay,

18/07/2025

Warbixin: Kulan Hordhac ah oo Ka Tirsan Kulanka Beesha Biimaal ee “Dhurqabe”

Magaca Kulanka: Dhurqabe
Goobta Hordhaca: Hotel Java, Degmada Hodan, Muqdisho
Taariikhda Hordhaca: 13 Luulyo 2025

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 13-ka Luulyo 2025 ayaa waxaa Hotel Java ee degmada Hodan ka qabsoomay kulan hordhac ah oo la xiriira kulanka weyn ee Beesha Biimaal ee “Dhurqabe”. Kulankan hordhaca ah ayaa ahaa mid gogol-xaar u ah shir weynaha rasmiga ah ee dhici doona dhammaadka bishan.

Kulanka hordhaca ah waxaa ka soo qeyb galay:

Odoyaasha dhaqanka

Aqoonyahanno

Dhalinyaro iyo haween

Qabanqaabiyeyaasha kulanka weyn

Waxaana lagu go’aamiyey:

In kulanka weyn ee Dhurqabe la qabto inta u dhaxaysa 21–25 Luulyo 2025

Inuu ka dhici doono Hotel Dayax, degmada Hodan, magaalada Muqdisho

In la diyaariyo qodobbada ajendaha, la soo xulo khudbad-jeediyeyaasha, lana sameeyo wacyigelin buuxda oo beesha la gaarsiiyo

Kulanka Weyn Ee Dhurqabe

Furitaanka: 21 Luulyo 2025

Soo xiritaanka: 25 Luulyo 2025

Goobta: Hotel Dayax, Muqdisho

Kulankan waxaa la filayaa inuu noqdo mid xambaarsan himilo iyo hindise cusub oo ku saleysan horumar, midnimo, iyo hoggaan dhab ah oo ay beesha Biimaal leedahay.

Gunaanad

Kulanka hordhaca ah ee ka dhacay Hotel Java ayaa muujiyay biseyl siyaasadeed iyo diyaargarow wanaagsan. Beesha Biimaal waxay u muuqataa mid si taxaddar leh isu abaabulaysa, iyadoo doonaysa inay ka timaado go’aan mideysan oo mustaqbal u horseeda beesha oo dhan.

Sheekada: Labadii Mukulaal Ee Hilibka Ku Heshiin WaayayWaxaa jiray laba mukulaal oo saaxiibo ahaa, muddo dheer ayey si f...
12/07/2025

Sheekada: Labadii Mukulaal Ee Hilibka Ku Heshiin Waayay

Waxaa jiray laba mukulaal oo saaxiibo ahaa, muddo dheer ayey si fiican u wada noolaa, waxaase dhacday in maalin maalmaha ka mid ah ay heleen hilib cad oo ay si lama filaan ah u wada heleen. Mid kastaa wuxuu rabay in uu kaligii qaato, midna midka kale ma rabin inuu wax siiyo. Markii ay murmeen, oo mid walba uu lahaa: "Anigaa helay!", ayay go’aansadeen in ay keensadaan garsoore si uu u kala xukumo.

Waxay tageen daanyeer garsoore ah. Daanyeerkii wuxuu ku yiri:
“Waxaan ahay nin caddaalad jecel. Waxaan idiin kala qaybinayaa hilibka si siman.”

Wuxuu hilibkii u jaray laba qaybood, balse si ula kac ah ayuu mid uga dhigay mid ka weyn midka kale. Markaas ayuu yidhi:
“Waa inaan labada dhinac simaa, aan wax yar ka cuno qaybta weyn.”

Wuxuu ka cunay qaybtii weyn. Laakiin markuu cunay, qaybtii yar ayaa noqotay midda weyn. Mar kale ayuu yidhi:
“Hadda tii h**e ayaan ka dhigay mid weyn, aan ka dhigo siman.”

Wuxuu cunay qaybtii kale. Sidaas ayuu mar kasta u cunayay midda “weyn” isagoo leh “waan sinnaayaa”, ilaa uu gebi ahaanba hilibkii cunay. Kadibna wuxuu u sheegay labada mukulaal:
“Hadda hilib ma jiro, ee marka xigta waa inaad si fiican u heshiisaan.”

Cibrooyinka laga dhaxlo:

1. Kalsooni la'aanta dhexdooda waxay sababtay in ay lumiyaan wixii ay haysteen.

2. Markaad is khilaafdaan, cadow ayaa kaa faa’iideysta.

3. Garsoore xun wuxuu kaa qaadi karaa wixii aad lahayd isagoo ku marmarsiyoonaya “cadaalad.”

4. Midnimada iyo kalsoonidu waa furaha guusha.
Admin

28/06/2025

Sagootinta iyo macsalaameynta
Walaalkeena Abdulaahi Sheekh Barre
Waxay aheyd mid aad loo soo agaasimay
Waxaan ilaahy ka baryeynaa kulan kale oo qiimo badan
Iyo isku soo noqod kheyr leh anagoo cafimaad qabna
Muuqaalada waxaad ka daawan kartaaan

Maxamed Sheikh Maxamed Nuur

28/06/2025

Abdulaahi Sheekh Barre
Walaalkena waxaa ku leenahy macsalaamo
Ilaahy nabad hakuugu geeyo,

Address

Mogadishu

Telephone

+252615161119

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fooddey Media TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share