02/01/2026
WARARKA MAANTA 1da Janaayo, 2026 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: iMaxuu kashifay Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Gaas Mahad Shubka? Maxay xukuummadda fashilantay ee Dan-Qaran isu-caynaayaan baraha bulshada? Yaa beddelay dastuurka federaalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo maqaamka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho 1da Janaayo 2026 Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo inta badan ka jawaaba eedeymaha loo jeediyo Villa Somalia, ayaa ka falceliyey hadallo ka soo yeeray xildhibaano iyo wasiirro ka soo jeeda deegaanada Somaliland, kuwaas oo ka hadlay kulan ay dhowaan la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya, kaddib aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland.
Wasiirku wuxuu yiri:
“Saaxiibadeen xildhibaanadu way hadleen, balse waxay ka hadleen wax kasta oo aan ahayn Netanyahu iyo ictiraafkiisa. Waxay eedeymo guud dusha uga tuureen dhammaan dowladihii Soomaaliya soo maray, oo ay ku jirto tan ay iyagu ka tirsan yihiin, eedeymahaas oo intooda badan aan sax ahayn.
Waxaa la yaab leh in aysan marna soo hadal qaadin gooni-goosadnimada iyo sida ay u khaldan tahay, iyo sidoo kale ictiraafka Ra’iisul Wasaare Netanyahu, arrimo aanay labadaba ku midaysnayn dadka deegaanada Somaliland la isku dhihi jiray isla degganaa.
Waxay ku hadleen magaca deegaanada Somaliland la isku dhihi jiray, iyadoo sawirrada kulanka ay ka muuqdeen qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirrada deegaanadaas ka soo jeeda, taas oo muujinaysa in aragtidaasi aysan ahayn mid la isku waafaqsan yahay.
Si kastaba ha ahaatee, walaalaheen iyo saaxiibadeenna xildhibaanada ah waxaa ka saaran mas’uuliyad ah in ay si cad ugu iftiimiyaan dadka ay metelaan khataraha ka iman kara mowqifka ay qaadeen iyo waddada halista ah ee ay galeen, isla markaana ay mowqifkooda ku aaddan arrintan la barbar taagaan kan dowladda ay ka tirsan yihiin.”
Muqdisho 1da Janaayo 2026 Wasaaradda Awqaaafta Arrimaha Islaamka Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waxey ku wargelineysaa islamarkaasna ay faraysaa dhamaan imaamyada iyo khadiibyada Masaajidda Dalka in khudbada Jimcaha ee maalinta berri ah 02/01/2026 looga hadlo
Ahmiyadda Midnimada iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed iyo Khatarta ay leedahay Faragelinta Yuhuudda.
Muqdisho 1da Janaayo 2026 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si cad u qeexay mowqifka k**a dambaysta ah ee Dowladda Soomaaliya ka qaadatay faragelinta Isr’!l ay ku soo qaadday madax-bannaanida dalka.
Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyay kulan fagaaro ah oo uu kula hadlayay qaar ka mid ah hal-doorka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee isugu yimid magaalada Dhuusamareeb, ayaa faah-faahin ka bixiyay sababaha ka dambeeya weerarrada lagu beegsaday dalka, isaga oo xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay difaaca madax-bannaanida, midnimada iyo karaamada Qaranka, isla markaana ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida dalka.
Muqdisho 1da Janaayo 2026 Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay, in Puntland aysan waxba ka beddelin mowqifkeeda ku aaddan midnimada Soomaaliya, isla markaana aysan marnaba taageersanayn go’itaanka Somaliland.
Wasiirka oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Garowe, ayaa sheegay in Soomaaliya ay haatan wajahdo khataro caalami ah oo ay sabab u tahay sida uu sheegay hoggaan xumo ka jirta dalka, isagoo tilmaamay in quwadaha shisheeye ay hadda ku loo lamayaan dalka.
“Waxaan u baahannahay hoggaan mideeya dalka, haddii aanay jirin hoggaan noocaas ah, ma jiro wax la qaban karo,” ayuu yiri.
Wasiirku wuxuu ka digay faragelinta shisheeye ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, isagoo tilmaamay in ay saameyn ku yeelan karto xasilloonida iyo horumarka dalka.
Wuxuu si gaar ah uga hadlay doorka dalalka sida Turkiga, Israel, Imaaraatka, Qatar, Itoobiya, Eritrea iyo Masar, isagoo xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay midnimo iyo iskaashi gudaha ah si looga hortago saameyntooda.
Dirir waxa uu adkeeyay in Puntland ay taageersan tahay midnimada Soomaaliya, isla markaana ay muhiim tahay in Soomaalidu ay mideysnaato si looga hortago faragelinta shisheeye.
“Faragelinta shisheeye waxay burburin kartaa nidaamka iyo xasiloonida guud ee Soomaaliya, waxaana muhiim ah in Soomaalidu ay mideysnaato,” ayuu yiri.
Inkastoo ay Puntland sheegtay inay ku taagan tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya, haddana marnaba wasiirka warfaafintu ma cambaarayn ama masoo hadal qaadin talaabadii Israaiil ay ku aqoonsatay Somaliland.
Dhammaan maamulada kale dalka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa cambaareeyay faragalinta Israaiil ee madax bannaanida Soomaaliya, hase ahaatee, Puntland iyo Jubbaland oo uu khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo Dowladda Federalaka ayaa noqday labada maamul aan weli caddayn mowqifkooda arrintaas.
China 1da Janaayo 2026 Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa maanta qabatay shir jaraa’id kaddib markii Israa’iil ay si hal dhinac ah ugu dhawaaqday waxa ay ugu yeertay aqoonsiga qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale si cad u muujisay mowqifkeeda rasmiga ah ee ku saabsan midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
Shirka jaraa’idka waxaa hoggaamisay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, oo sheegtay in tallaabadaasi ay ka hor imaanayso sharciga caalamiga ah, isla markaana aan wax saameyn ah ku yeelan karin xaqiiqda sharci ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Danjiraha ayaa carrabka ku adkaysay in Soomaaliya ay tahay dal mideysan oo madax-bannaan, xuduudaheeda caalamigana si rasmi ah loo aqoonsaday tan iyo xornimadii 1960-kii. Qayb kasta oo ka mid ah dhulka Soomaaliya, ayay tiri, waa mid aan laga goyn karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mana jirto cid shisheeye ah oo xaq u leh inay wax ka beddesho midnimada ama xuduudaha dalka.
Waxay xustay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu arrintan si cad uga hadlay kulan degdeg ah oo ay wada yeesheen labada Aqal ee Baarlamaanka, isaga oo ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay muujiyaan midnimo, feejignaan iyo adkeysi qaran.
Danjiraha ayaa sidoo kale tilmaantay in mowqifkan uu yahay mid ay isku raacsan yihiin hay’adaha dowladda, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay si mug leh u muujiyeen in midnimada qaranku ay tahay arrin aan gorgortan geli karin.
Gabagabadii, Danjire Hodan Osman Abdi ayaa uga mahadcelisay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee iyagoo raacaya sharciga caalamiga ah Soomaaliya ku raacay difaaca Gobanimadeeda iyo midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhuleed, iyadoo si gaar ah u xustay Dowladda Shiinaha oo si cad u taageertay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Nairobi 1da Janaayo 2026 Agaasimihii h**e ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa sheegay in Somaliland aanay wax aqoonsi sharci ah ka helin Israel, inkastoo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ku dhawaaqay arrin la xiriirta aqoonsi.
Fahad Yaasiin ayaa ku dooday in waxa la shaaciyey aanu ahayn go’aan sharciyeed oo ay meel mariyeen hay’adaha dowladeed ee Israel, sida golaha wasiirrada ama Knesset-ka, balse uu yahay hadal siyaasadeed oo shaqsi ah.
Wuxuu intaa ku daray in waxa uu Madaxweyne Cirro ku tilmaamayo “aqoonsi” aanu ka badnayn cinwaan warbaahineed iyo warbixin wariye diyaariyey, isla markaana uusan lahayn sal sharci iyo mid dowladeed.
"Mashxaradda ka dhacaysa Cirro, iyo Taageerayaashiisa waxay heleen waa saxiixa Netenyaahu oo ah go’aan siyaasadeed iyo dikreeto maamul oo kaliya ah. Hoggaanka Netenyahu hadduu is baddalo ama xaaladda gobolka wax ku soo kordhaan, warqad kale oo dikreeto ah ayaa lagu burin kaa ama in laga aamuso oo aanan lagu dhaqmin ayaa ku filan. " ayuu qoraalkii oo baraha bulshada ku faafiyay ku yiri Fahad Yaasiin.
Ugu dambayn, Fahad Yaasiin ayaa uga digay bulshada Somaliland in lagu khiyaaneeyo xayeysiin siyaasadeed, isagoo xusay in go’aan kasta oo aan sharci ku dhisnayn uu si fudud u baaba’i karo marka hoggaanku is beddelo.
Muqdisho 1da Janaayo 2026 Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah u baahiyey magacyada xubnaha ku soo baxay goleyaasha deegaanka ee 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir, kaddib doorashooyinkii ka qabsoomay magaalada Muqdisho 25-kii bishii h**e.
Sida ay guddigu sheegeen, urur siyaasadeedka uu hoggaamiyo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa helay tirada ugu badan ee xubnaha goleyaasha deegaanka, isagoo ku guuleystay 177 xubnood.
Ururka siyaasadeedka Towfiiq, oo uu hoggaamiyo Sheekh Saakir Cali Xasan, hoggaamiyihii h**e ee Ahlusunna Waljamaaca ee gobollada dhexe, ayaa isna helay 49 xubnood, halka ururka Ramaas uu noqday kan saddexaad ee ugu codka badan, kadib markii uu helay 42 xubnood.
Degmooyinka Wartanabadda, Kaaraan, Yaaqshiid, Heliwaa, Dharkenley, Wadajir, Hodan, Dayniile iyo Howlwadaag ayaa mid kasta ka soo baxay 27 xubnood oo gole deegaan ah, maadaama ay ka mid ahaayeen degmooyinka A-da ah.
Dhanka kale, degmooyinka Boondheere, Shibis, Shangaani, Xamar-weyne, Waaberi, Xamar-jajab iyo Cabdicasiis ayaa mid kasta ka soo baxay 21 xubnood oo gole deegaan ah, kuwaas oo loo aqoonsaday degmooyinka B-da ah, sida horay uu guddigu u shaaciyey.
Guud ahaan, 390 xildhibaan oo gole deegaan ah ayaa lagu dhawaaqay, kuwaas oo 291 ka mid ah ay yihiin rag, halka 99 xubnood ay dumar yihiin.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in maalmaha soo socda ay xubnaha goleyaasha deegaanka degmo walba u dooran doonaan guddoomiyeyaasha, guddoomiye ku-xigeennada iyo xoghayeyaasha degmooyinka.
Muqdisho 1da Janaayo 2026 Howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu dilay labo sarkaal oo sare oo ka tirsanaa Alshabaab, kaddib weerar bartilmaameed ah oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Howlgalkan oo dhacay 10-kii December ayaa lagu beegsaday Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo loo yaqaanay Injineer Ismaaciil, iyo Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex), kuwaas oo ka mid ahaa maskaxda hawlgallada khatarta badan ee kooxda.
Injineer Ismaaciil waxa uu ahaa hoggaamiye gacanta ku hayay abaabulka qaraxyada, kooxda Amniyaadka iyo hawlaha marin-habaabinta warbaahineed ee ay Khawaarijtu ku faafin jireen fariimahooda.
Waxa uu kamid ahaa shaqsiyaadka sida gaarka ah loo baadi-goobayay, iyadoo madaxiisa lagu raadinayay abaalmarin lacageed oo gaareysay 5 milyan oo doollar, sababo la xiriira kaalintiisii weerarro waaweyn oo lagu hoobtay shacabka.
Wararku waxay sheegayaan inuu door muuqda ku lahaa qaraxii dhacay 14-kii Oktoobar iyo falal kale oo dhiig ku daatay oo ka dhan ahaa rayidka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex) ayaa ahaa sarkaal ka tirsan qaybta marin-habaabinta, isaga oo si gaar ah masuul uga ahaa isku-xirka hawlaha Khawaarijta ee gobollada Jubbooyinka.
Howlgalkan ayaa lagu tilmaamay mid si weyn u dhaawacay awooddii iyo qorshayaashii Khawaarijta, waxaana lagu soo afjaray halis amni oo ay muddo dheer ku hayeen shacabka Soomaaliyeed.
...