Nuur bulshaawi

Nuur bulshaawi gabayo murti iyo madadaalo baan kusoo gudbinaa I.a fallowda ku booba

26/06/2025

Dhalinyarooy dhaliil baan arkaa.
Aad u dhumuc wayne.
Dhayal iyo waxay idinla tahay.
Nabadu dheedheele.
Dhiigiyo naftaa loo huriyo.
Dhaqasho xoolaade.
Dhagooyo wadaa loo cunoo.
Dhuuxa loo shubaye.
Dhufeyskana rag baa ugu jiroo.
Dhawra nabadaase.
Waa dhaxal awoow iyo
Awood soo dhignaan jiraye

24/05/2025

Naftu waxay dareentaa.
Kalgacal diirimaad badan.
Daganaanta xiisahey
Naftay daris wadaagaane.
Markaan ku daawado.
Ayey dhibi idaysaaye.
Dookha igu kaa simay.
Ayaa deeqay ruuxdaniye.
Duugoobi maayo cishqiga.
Waan dugsanayaaye.
Dunidaba dhamaanteed.
Adaan kugu dawoobaaye.
Hadba waxaan diyaar garow.
Idhaah dadab galkeenee.
Dumar kale ka saahiday runtii.
Oo ma daydayo e.
Dareenkayga adigaa ku ladhan.
Doorkaan maanta ahee.
Ilaa daayin abidkaa.
Ayaad wehelin doontaaye.
Waxaan kaa dugsanayaa.
Dhaxamaha dayrka nololeede.
Dacal jog naftaydani.
Aday kugu dagaysaaye.
Daryeel iyo waxaad ii hurtaa.
Darajo khayraade.
Diiftii I haysaa
Dhaqsay iiga duushaaye.
Markaasuu dareen caashaq
Lihi igu darooraaye.
Dibnahaadan goortaad furtid.
Eed dhihida dooneyso.
Dabuubtaad tiraahdiyo.
Kelmado daara noloshayda.
Qalbigaa ku doogsada.
Markaad damacdid weedhaase.
Wadnahaa dawoobiyo.
Kashani daacad kuu jecele.
Markaasey dul iyo hoos.
Farxadi wada dabooshaaye.
Hadba waxan ku daalacanayaa
Daaqad ii furan.
Daal tira doojaad tahay.
Iyo deeq ilaah wadaye.
Durdur iyo xareed baad tahay.
Ceeb ka daahirane.
Daruur caashaq baad ii tahay.
Iyo dagal barwaaqeede.
Waxaad ii da’daa goortii.
Uu daal isoo rido e.
Waxaad ii dadaashaa.
Markaan doono aragaaye.
Gobonimo qof loo doortay.
Oo duur xulaad tahay.
Kuma dagin kumaan doorsadeen.
Duni dhamaanteede.
Kuma dayn karaayo.
Naftaad door ku leedahay.
Dubaaqayda xiisaha.
Ku ladhan waa dumine.
Allaylehe dadkaba lama sinidoo.
Dawlad baa tahay

18/05/2025

1aad:

Juxa Sheeko Gaaban ,
Hadda ka hor baa Juxa la yiri adaa cod macaan lehee, salaada cishaha na tuji.
Markaas ayuu Juxa aqbalay.
Kadib dadkii baa Juxa kala dhamaan waayay, cod macaanidaa. Markaasuu Juxa yiri:
Weliba ma aanan weyso qabin, hadaan weyso qabi lahaa, waa la yaabi lahaa.

Gobtiyo gacalkeeygiyow geesiyaasha soomaliyeed guuleysta waligiin
18/05/2025

Gobtiyo gacalkeeygiyow geesiyaasha soomaliyeed guuleysta waligiin

18/05/2025

Ustaad ciise wacyi galin qiima badan masha allh alaha dhowro dadkeenu waxey ubaahan yihiin dhalinyara macalin ciise oo kale ah oo ka wacyi galiya jahliga iyo dhibaatada kuna wacyi galiya wanaga iyo wax barashada

18/05/2025

Soo dhawaada soomaliyey melkasta oo joogtaan kor ii qaada fallow isoo dhaha

Address

Xarardheere

Opening Hours

Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nuur bulshaawi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share