Somali funs

Somali funs political analysis, writters, designer, blogger,

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa la kulmay Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo ay ...
15/09/2024

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa la kulmay Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo ay ka wada-hadleen arrimaha gudaha Puntland iyo dalka gaar ahaanna xal u helista khilaafka DFS iyo PL.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray howlgelinta xa...
15/09/2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray howlgelinta xarunta Bangiga Dhiigga ee Muqdisho, ayaa tilmaamay muhiimadda ay xaruntan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in la helo dhiig ku filan oo lagu badbaadin karo nolosha dad badan oo u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah.

Xarunta Bangiga Dhiigga ayaa ah mid casri ah oo laga hirgeliyey caasimadda, isla markaana la dhigay mishiinadii ugu danbeeyey oo casri ah ayaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaataan samata bixinta bukaannada u baahan dhiigga, iyada oo gacan weyn ka geysan doonta yareynta helitaanka dhiig caafimaad qaba oo ku filan bukaannada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale waxa uu booqday Isbitaalka Banaadir, halkaas oo uu kormeeray qaybta dhaqidda kelyaha oo Iyana la dhigay qalab casri ah, isla markaana si lacag la’aan ah bukaanka ugu adeegi doonta.

Mudane Xamsa waxa uu xusay in horumarinta adeegyada caafimaadku ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee qorshaha xukuumadda, isagoo ku nuuxnuuxsaday in caafimaadka bulshada uu yahay aasaaska horumarka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay shaqaalaha caafimaadka in ay sii wadaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo in adeegyada caafimaadku ay noqdaan kuwo waxtar leh oo gaara dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo gacan ka siisay hirgelinta iyo dib habeynta qaybahan caafimaad.

Xukuumadda DanQaran ayaa ku howlan dardar-gelinta qorshayaasha horumarinta adeegyada caafimaadka, si loo hagaajiyo tayada adeegyada caafimaad ee dalka, loona xaqiijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo dhan walba ah.

15/09/2024

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle ayaa xarunta Safaaradda ku soo dhaweeyay arday Soomaaliyeed oo wax ka barata Iskuulada Tacliinta Sare ee Kenya.

Ardayda ayaa waxa ay Safiirka uga warbixiyeen xaaladooda waxbarasho ee dhanka Tacliinta Sare, iyagoo warbixin ka siiyay caqabadaha mararka qaar soo wajahda ardayda oo ay codsadeen in Safaaraddu ay wax ka qabato.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ardayda u sheegay in Safaaraddu ay markasta u furantahay oo ay wax kala qabaneyso wixii caqabad ah ee la soo gudboonaada.

“Farxad ayay ii tahay inaan martigeliyo arday Soomaaliyeed oo ka kala socday machadyada tacliinta sare ee Kenya. Ardaydu waxay nala wadaageen caqabadaha soo wajaha & hannaanka ay Safaaraddu ugala shaqayn karto wax ka qabashada arrimahan. Sidoo kale waxaan diiradda ku saarnay hirgelinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay dhawaan kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya iyo Soomaaliya, waxa ay u abuuri doonaan fursado cusub ardaydeena, korna u qaadi doonaan iskaashiga aqooneed ee labada dal. Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wadahadalka iyo iskaashiga aan la leenahay Ardayda si loo xaqiijiyo guusha ardaydeena ku sugan gudaha ”. Ayuu yiri Danjire Jabriil Ibraahim.

Sooomaaliya marka ay dhameystirto ku biirista Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika waxa ay ardayda Soomaaliyeed ay fursad u heli doonaan inay si toos ah wax uga bartaan iskuulada ku yaala dowladaha xubnaha ka ah Ururka.

14/09/2024

Dardar galinta nabadaynta Gaalkacyo ayaa maanta laga daah furay labada maamul ee putland iyo Galmudug baa ka shaqaynaya sidii gobolkaasu xasilooni loogu soo celin lahaa beryahan oo colaado kq taagnaayeen

14/09/2024

Ascaabtayda dhaamaan aad baad u mahadsantiin

Dowladda Suudaanta Koonfurwwd ayaa samaysatay muddo-kordhin hor leh, iyada oo ku darsatay muddo laba sanno ah, waxa ay s...
14/09/2024

Dowladda Suudaanta Koonfurwwd ayaa samaysatay muddo-kordhin hor leh, iyada oo ku darsatay muddo laba sanno ah, waxa ay sheegtey in aysan diyaar u ahayn doorasho.

DEGDEG::  Wasiir itoobiyan ah ayaa Xanaaq iyo Xadgudub kala duldhacay Wasiirka arimaha dibada soomaaliya Axmed Fiqi.Wuxu...
14/09/2024

DEGDEG:: Wasiir itoobiyan ah ayaa Xanaaq iyo Xadgudub kala duldhacay Wasiirka arimaha dibada soomaaliya Axmed Fiqi.

Wuxuu yiri" “Waa wax lagu qoslo in wakiillada Shabaab oo iska dhigaya mas’uuliyiin dowladeed aan ka talin karin meel dhaafsiisan gobolka Banaadir ay aflagaadoodaan iyaga oo hoos jooga qaranimo daciif ah oo ay gadaal ka riixeyso nidaam dowladnimo dhexe oo qabiil ku saleysan. Dad noocaan oo kale waxay wiiqayaa horumarka ay sanadaha badan soo gaareysay Soomaaliya iyaga oo horseedi kara kala qobqob”

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Itoobiya, Nibyu Tesla. ayaa sidaas ku qoray Barta Twitter ka.

Maxay kula tahay ????

Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, oo ah labada Xisbi ee loollanka weyn dhex maray doorashadii madaxtnimada ee 2017-kii, doo...
14/09/2024

Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, oo ah labada Xisbi ee loollanka weyn dhex maray doorashadii madaxtnimada ee 2017-kii, doorashada soo socotana la filayo in mar kale ku loollamaan, ayaa soo bandhigay barnaamij-siyaasadeedyo ay doonayaan in loogu codeeyo ayadoo uusan ololaha doorashada weli si rasmi ah u billaaban.

14/09/2024

Hogaamiye firdhiye ayaa sheegay in dawlada federalku xaq u leeday in heshiisyo la gasho ceelka shidaalka hol hol ee sool balse ay tahay in ssc xaqeeda la siiyo..

Shaqaalaha dowladda waxaa loo fasaxay Dhalashadda Nabigeenna Muxammad naxiis iyo janno allaha siiyee. Waana maalin mudan...
14/09/2024

Shaqaalaha dowladda waxaa loo fasaxay Dhalashadda Nabigeenna Muxammad naxiis iyo janno allaha siiyee. Waana maalin mudan in la weyneeyo.

. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa furay Bandhiga Dalxiiska Soomaa...
14/09/2024

. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa furay Bandhiga Dalxiiska Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Bandhigan, wakiilo ka socda Midowga Afrika, Turkiga iyo marti kale ayaa ka qeyb galay bandhiggan.
Sanad walba maanta waxaa loo asteeyay maalinta dalxiiska Soomaaliya, waxaana lagu soo bandhigaa goobaha ugu wanaagsan Dalxiiska Dalkeenna iyo fursadaha Maagashi uu dalka ku horumarin karo.

Address

Yei Road
Juba

Telephone

+211929707035

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali funs posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somali funs:

Share