Abdifatah motinho

Abdifatah motinho 🎓MPM, Lifestyle Coach, Author, Design & Filmmaker, Advertiser, Unboxing Reviews & Brand ambassador. My commitment is good cooperation.

Abdifatah Motinho is a video creator and social media influencer who makes lifestyle videos and photos in various categories, including style, fashion, grooming, dressing, and self-development. also a Somali novelist, author, teacher, MPM, BBA, cognitive and MHPSS, advertiser, L-Coach, M&E, WASH, and Somali translator, salesman, and marketer. I can provide you with various services: sponsorships,

unboxing reviews and brand ambassadors, giveaways, event contests, advertisements, making designs, video editing, and filmmaking. I have worked for these companies as a brand ambassador: Telesom Company, Kow Media, and some VIA Online work. These companies include: TaurosWallet, Crowdify App, RozeLA® or Rozelosangeles, Muzmm Backpacks, and Teespring. My purpose is to make people comfortable and offer them useful and entertaining content. You can contact me at:
[email protected]

Waxaan bixiyey waraysigeygii ugu horreeyay ee telefishin caalami ah i waraysto anigoo ah “Lifestyle Content Creator.” Wa...
12/10/2025

Waxaan bixiyey waraysigeygii ugu horreeyay ee telefishin caalami ah i waraysto anigoo ah “Lifestyle Content Creator.” Wareysigani wuxuu ku beegnaa tirsiga markii uu ahaa Khamiis, 4-tii Oktoobar 2025 (taasoo ku beegneed Khamiis, 11-ka Rabi’ al-Thaani 1447 Hijri), waxaana laygu waraystay waraysi dhinacyo badan taabanaya anigoo ku sugan magaalada Hargeysa.

Marka h**e, waxaan u mahadcelinayaa Alle oo i gaadhsiiyay maalintan oo kale. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa walaalkay Hamse Hayd oo i waraystay, iyo Telefishanka Caalamiga ah ee CBA.

Dhammaan dadka safarkan bilowgiisii ila socday, taageerayaasha i dhiirrigeliyey, iyo cid kasta oo cusub oo hadda i daawanaysa - idinka ayaa sababay in waraysigan layga qaado. Haddii aadan ila socon, iguna taxnayn si maalinle ah, oo aydaan igu taageerin falcelin iyo la wadaag joogto ah waxyaabaha aan soo gudbiyo bulshada inteeda kale, ma gaadhi lahayn fursadan; idinka ayaanan idiin hibeeyay waraysigan.

Haddii Alle idmo, h**e ayaan u sii wadi doonaa hawsha haddii Alle idhaahdo, meelo ka saraysana waynu gaadhi doonaa. Waan idin mahadcelinayaa dhammaantiin.

19/09/2025

Hal Garan/Funaanad oo Polo T-shirt ah ayaan ka sameeyay 3 labis oo kala duwan? Turn 1 Polo T-shirt into 3 completely different outfits? Hal garan/funaanad ma ka samayn kartaa labisyo kala duwan - hal labis nala wadaag?

Hadii aad xayaysiis u baahantahay in aan Ganacsigaaga kuugu sameeyo, fadlan ila soo xidhiidh, ama buuxi form-kan hoose: https://form.jotform.com/250150746133549

Channels-kana igala soco:
YouTube: https://www.youtube.com/,
Instagram: https://www.instagram.com/abdifatah_motinho/,
TikTok: https://www.tiktok.com/.mo

Waxaan aad ugu diirsaday maanta gaadhista 19,000 oo walaal oo ku taxan kootadayda Facebook. Tani iigama dhigna tiro la t...
15/09/2025

Waxaan aad ugu diirsaday maanta gaadhista 19,000 oo walaal oo ku taxan kootadayda Facebook. Tani iigama dhigna tiro la tirinayo oo keliya, balse waa xusuusin muuqata oo muujinaysa awoodda bulshada iyo isku xidhnaanta.

Kootadayda Facebook ee 19,000 gaadhay maanta – waa kooto ay ku kulmaan, kuna kala aragti bedeshaan haldoor, waxgarad, culimo, barayaal, aqoonyahanno, dhalinyaro, waayeel, haween, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Intii aan ku jiray tabinta “Lifestyle-ka”, qof kasta oo ka mid ah 19-ka kun wuxuu ku daray wax qiimo leh kootadan – ha ahaato ka-qaybgal, falcelin, faafinta muuqaalada, ama talo iyo tusaale.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa walaalahaas 19-ka kun ah ee safarka dheer ila soo maray, maxaa yeelay waxa ay matalayaan koboc, kalsooni, iyo taageero wadajir ah - una yihiin kootadan. Markasta oo aan saxanahay way i garab taagnaayeen, hadaan khaldamana way ii hogatusaaleynayeen si toos ah iyo si dadban-ba. Waxaad ahaydeen kuwo iga garab istaaga, qayb ka noqda, tusaale ku darsada, aragti ku kordhiya, taas oo inooga dhigan inaan ka duwanaano kumanaan kale oo ku jira baraha bulshada.

H**e ayaan u soconaynaa idanka Alle. Ballan-qaadkaygu waa in aan sii wado kor u qaadista bulshada, ballaadhinta Lifestyle content-ka, iyo abuurista ololayaal kor u qaada dhaqanka iyo soo nooleyntiisa. Si wadajir ah, waxaan u sii wadi karnaa inaan gaadhno wax ka badan 19,000 – idanka Alle, inaan xoojino codkeena, isla markaana aan abuurno mowduucyo saameyn leh oo gaadha jiilasha maanta iyo berri.

Waad ku mahadsan tihiin qayb ka noqoshada safarkan. Cutubyada ugu quruxda badan wali waa inagu soo socdaan, waxaana sharaf weyn ii ah inaan qayb idinka ahay.

Mahadsanidiin dhammaantiin,
Abdifatah Motinho

Salaam dhamaantiin,Waxa ka soo wareegtay wax ka badan labo toddobaad tan iyo markii aan soo dhigay muuqaalkaygii ugu dam...
02/09/2025

Salaam dhamaantiin,

Waxa ka soo wareegtay wax ka badan labo toddobaad tan iyo markii aan soo dhigay muuqaalkaygii ugu dambeeyay August 17. Haddii aad isweydiinaysay meesha aan ku maqnaa, halkan ka ogow: waxaan ku mashquulsanaa diyaarinta waxyaabo cusub oo waawayn – Alle ayaa wayne, hal-abuur badan, oo saameyn shakhsiyadeed leh marka loo eego wax walba oo aan h**e idiinla wadaagay. Tani ma aysan aheyn nasasho inaan ku maqnaa – waa diyaargarow cusub.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaan qorsheynayay, duubayay, oo hagaajinayay mawduucyo kor u qaadaya qaabkaaga, noloshaada, iyo horumarkaaga shakhsiyadeed si ka duwan sidii aan h**e u sameeyay. Muuqaalkasta, fikrad kasta, faahfaahin kasta waxaa si taxaddar leh kuugu diyaariyay in ay kugu dhiirrigeliso, ku madadaaliso, isla markaana kuu soo gudbiso waxyaabo ficil ah oo waxtar leh.

Daaha k**a wada qaadi karo wax walba, laakiin waxaan ballan qaadayaa: waxyaabaha todobaadkan soo baxaya waa kuwo cusub, oo ka duwan wixii h**e aad uga aragtay Abdifatah Motinho.

Aad baan ugu mahadcelinayaa dhammaan dadkii dareemay maqnaantayda, ila soo xidhiidhay, isla markaana iga war hayay intii aan maqnaa. Fariimihiinna wax badan ayay iiga dhignaayeen.

Filo barnaamijyo cusub! Haddii Alle idhaah.

Mahadsanid,
Abdifatah Motinho

Jimce wanaagsan dhamaantiin. Qofkasta meeqaamkiisa ayaan ku salaamay.
29/08/2025

Jimce wanaagsan dhamaantiin. Qofkasta meeqaamkiisa ayaan ku salaamay.

Address

Canet, Merkez, 1004. Sk No:33, Bağcılar/Istanbul
Istanbul

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdifatah motinho posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category