11/10/2022
Wiil yar oo caqli badan iyo oday dabaal ah oo sheeko layaab leh dhexmertay
Hada kahora ayaa waxaa jiray wiil oo ehelkiisa kunoolaayeen xaafad yar wiilka ayaa maalin kasta waxa uu aadaa iskuulka xaafada
isagoo wax kasoo barta, balse maalin kaste waxaa wiilka jidka ugala ninka madax ka ah xaafada, isagoo ciyaarsiiya, is la markaana u haysta in wiilka yari uu dabaal yahay
Ninka xaafada madax ka eh ayaa maalintii danbe waxa uu uyimid aabihii dhalay wiilka yar, waxa uuna kuyiri asigoo qoslaya ma ogtahay in uu wiilkadu dabaal yahay?
Aabihii oo yaabin ayaa yiri, maxaa dhacay oo aad ku araktay inankeyga ?
Madaxii xafada ayaa ku jawaabey
maalin kasta wiilkaada waxaan usoo bixiyaa dhagax dahab ah iyo mid qalin ah waxa aan ku dhahaa mid dooro waxa uu doortaa mar walba dhagaxa qalinka ah
Sidaas darteed ayaan ku ogaadey in uu wiilkaadu doqon yahay oo uusan garneynin qiimaha dahabka
Aabihii oo yaaban ayaa uwacay inankiisa waxa uuna ku yiri aabe miyaa taqaanaa farqiga udhaxeeye dahabka iyo qalinka ?
Wiilkii ayaa kujawaabey aabe haa waan aqaanaa.
Aabihii ayaa weydiiyey wiilkiisa oo hadii aad taqaanid qiimaha udhaxeeya dahabka iyo qalinka muxuumaalin walba kuugu maadsadaa ninka xaafada madaxda ka ah
oo markii udahab iyo qalin uu kuu keeno oo aad udoorataa qalinka ?
Wiilkii ayaa aabihis fiiriyey waxa uuna ku jawaabey aabe soo bax wax aan kusoo tusinaa wiikii ayaa aabihiis waxa uu geeyay qolkiisa waxa uuna tusay 100 dhagax oo qalin ah
waxa uuna kuyiri aabe maalin kaste oo aan iskuulka aadaayo waa uu icayaarsiinjiray hal dhagax qalin ah isiin jiray hadii aan dahabka qaadan lahaa ima ciyarsiin laheyn waxa uuna ogaal laha in aan caqli leeyahay
👍👍👍