Halbeeg Media Inc

  • Home
  • Halbeeg Media Inc

Halbeeg Media Inc Isha Wararka Caalamka iyo Dalkaba.

27/12/2025

Cheif Caaqil Cabdiraxmaan, Cheif Caaqil Cabdillaahi Faarax Uurciid, oo ah Cheif Caaqilka Beesha Cilmi Naalaye, kana mid ahaa madax dhaqameedkii ka qayb gashay aaska

marxuumad Caasha Xasan Yarre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo dhammaan reerka ay ka baxday. Caaqilku wuxuu Alle uga baryay marxuumadda naxariis janno, qoyska iyo ehelkana samir iyo iimaa

WAR SAXAAFADEED Mawqifka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ee ku aaddan aqoonsiga sharci-darrada ah .
27/12/2025

WAR SAXAAFADEED

Mawqifka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ee ku aaddan aqoonsiga sharci-darrada ah .

🚨 DEGDEGGolaha Wasiirrada Dowladda Waqooyi Bari oo yeeshay kulan aan caadi ahayn, warna goor dhow ka soo saari doona.
26/12/2025

🚨 DEGDEG
Golaha Wasiirrada Dowladda Waqooyi Bari oo yeeshay kulan aan caadi ahayn, warna goor dhow ka soo saari doona.

26/12/2025

Laascaanood iyo diyaar garawgii ugu danbeeyey ee shirwaynaha dhalinyaradda waqooyi bari oo doorkisi saddexaad caasimadda ka furmaya.

Shirweynaha dhalinyarada Waqooyi Bari oo uu soo agaasimay Ururka Dhalinyarada ee DEYR ayaa beri ka furmaya Caasimada Laa...
26/12/2025

Shirweynaha dhalinyarada Waqooyi Bari oo uu soo agaasimay Ururka Dhalinyarada ee DEYR ayaa beri ka furmaya Caasimada Laascaanood.

Shirkan oo ay kasoo qayb gelayaan in ka badan 27 Urur ayaa socon doona mudo laba beri ah.

Masuuliyiinta Wasaarada oo uu hogaaminayo Wasiirku ayaa caawa kulan ku aadan dardargelinta Shirweynaha la qaatay guddiga Shirka.

Xaflad loo qabtay arday Dhamaysay  Qur’aanka Kariimka, kuwaas oo ah dufcaddii saddexaad ee ka baxda Madarasada Cabdullaa...
26/12/2025

Xaflad loo qabtay arday Dhamaysay Qur’aanka Kariimka, kuwaas oo ah dufcaddii saddexaad ee ka baxda Madarasada Cabdullaahi Ibnu Cabbaas

Ayaa lagu qabtay Magaalada Awrboogays Xafladdan ayaa ahayd mid lagu muujinayey farxad iyo bogaadin, waxaana si gaar ah loo ammaanay dadaalka ardayda, hawlkarnimada macallimiinta, iyo doorka weyn ee waalidiinta ee ka qeyb qaatay hirgelinta guushan Intii ay socotay munaasabadda,

waxaa si weyn looga hadlay muhiimadda ay leedahay barashada Qur’aanka Kariimka ah iyo ku camal-falkiisa, si loo helo jiil ku dhisan aqoon, akhlaaq iyo diinta Islaamka.

Ugu dambeyntii, waxaa Alle looga baryay in ardaydan uu ka yeelo kuwa Qur’aanka ku camala,

26/12/2025

Laascaanood waxaa Xabaalaha Sayidka aas qaran loogu sameeyey, Allaah ha u naxariistee, Marxuumad Caasha Xasan Yare. Aaska qaran ayaa waxaa ka qeyb galay cuqaal, isimmo, masuuliyiin, culimo, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

26/12/2025

Xurmadle Garaad C/Laahi Garaad Saleebaan ayaa hoygiisa ku qaabilay Guddiga Nabadda iyo Wada-xaajoodka Waqooyi Bari, kuwaas oo maalmahan waday kulammo iyo la-tashiyo la xiriira nabadda, iyo dardargelinta geeddi-socodka wada-xaajoodka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray talo-wadaag, dhageysi iyo isku-duwidda dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo wada-jiridda bulshada Waqooyi Bari. Guddiga iyo Garaadkuna waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-tashi joogto ah iyo ka-qaybgal ballaaran oo bulshada ah.

26/12/2025

Caaqil Suul Cayn oo ka Hadlay Aaska Marxuumad Xaajiyad Caasha Xasan Yare

26/12/2025

Garaad Cabdikariim Cali Nuur Aaska Marxuumad Xaajiyad Caasha Xasan Yare

26/12/2025

Waxaa galabta aas ballaadhan loogu sameeyay Xabaalaha Sayidka ee magaalada Laascaanood Marxuumad Caasha Xasan Yarre.

Aaska ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin, cuqaal, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qayb galay aaska ayaa Marxuumadda u duceeyay,

isagoo Alle uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadiina Samir iyo Iimaan ka siiyo.

GAROWE:Mid ka mid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa soo bandhigtay in ay bannaan yihiin 5 boos oo shaqo, codsatayna...
26/12/2025

GAROWE:Mid ka mid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa soo bandhigtay in ay bannaan yihiin 5 boos oo shaqo, codsatayna in la soo dalbado waxaana fursaddaas soo xaraystay CV gooda 500 oo dhallinyaro ah .

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Halbeeg Media Inc posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Halbeeg Media Inc:

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share