Abdiqani Qasim

Abdiqani Qasim بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ

Student of the Market | Futures Trader | NQ/ES

Ninki Nasir Cige aha oo horay usoo noqday la taliye ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha & Ra'iisalwasaaraha Soomaaliya ahna ...
18/11/2025

Ninki Nasir Cige aha oo horay usoo noqday la taliye ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha & Ra'iisalwasaaraha Soomaaliya ahna Diblomaasi sare ayaa haatan ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax Madaxweyne Doorashada 2026 ee Soomaaliya.

Follow | Like | Share

"Xumaanta waxaa tirtira wanaagga."Haddii qof sabool ah la siiyo funaanad qurux badan oo laga sameeyay maro qaali ah, isl...
16/11/2025

"Xumaanta waxaa tirtira wanaagga."

Haddii qof sabool ah la siiyo funaanad qurux badan oo laga sameeyay maro qaali ah, isla markaana uu ku nool yahay tuulo ay dadka ku nool ay aad u daneeyaan qofka muuqaalkiisa, sidee ayuu qofkaasi ula dhaqmi lahaa funaanaddaas? Dabcan, wuxuu dadaal badan gelin lahaa inuu nadiifiyo, hagaajiyo, mar kasta oo ay wasakh noqotana, si dhaqso ah ayuu u dhaqi lahaa si uu u ilaaliyo sumcaddiisa bulshada dhexdeeda. Taasi waa arrin caqli gal ah.
Hadday arrintu sidaas tahay, bal ka feker haddii ninkaasi yahay adiga, funaanadda la siiyayna ay tahay qalbigaaga, halka qofka eega uu yahay Rabbigaaga, wasakhduna ay tahay dambiyadaada.
Sidaas darteed, xasuusnow taladii nebi muxamed uu siiyay muslimiinta:

عن رسول اللّٰه ﷺ قال: اتق اللّٰه حيثما كنت وأتبع السيئة الحسنة تمحها ، وخالق الناس بخلق حسن. (رواهُ التّرْمذيُّ وقال: حديثُ حسنٌ.)

Alle ka cabso meel kasta oo aad joogto, oo wanaagg raaci xumaanta si ay u tirto Kula dhaqan dadka si wanaagsan.
Alle waa og yahay in dhammaanteen aynaan dhameystirneyn khaladaad iyo danbina naga marneyn, waayo waxaan nahay bini'aadam.
Qof kastaa wuu gafaa, laakiin Alle ayaa astura.
Sidaas darteed, wuxu noo jideeyay in aan dembidhaaf weydiisanno, oo xumaanta aan ku beddelno wanaag.
Sida uu Qur'aanku leeyahay:

إِنَّ الْحَسَنَاتِ يُذْهِبْنَ السَّيِّئَاتِ (114) سورة هود
"Xumaanta waxaa tirtira wanaagga."

Dhammaanteen waan gafnaa, mararka qaarna waan gaabinnaa, laakiin ma siman yihiin midka ku adkaysta danbigiisa isaga oo aan u laaban Rabbigiisa iyo midka xasuusta Rabbigiis oo toobad keena?

وَالَّذِينَ إِذَا فَعَلُوا فَاحِشَةً أَوْ ظَلَمُوا أَنفُسَهُمْ ذَكَرُوا اللَّهَ فَاسْتَغْفَرُوا لِذُنُوبِهِمْ وَمَن يَغْفِرُ الذُّنُوبَ إِلَّا اللهَ وَلَمْ يُصِرُّوا عَلَىٰ مَا فَعَلُوا وَهُمْ يَعْلَمُونَ (135) سورة
آل عمران

"Kuwa falay xumaan ama dulmiyay naftooda, xusa Alle oo waydiista dambidhaaf dambiyadooda. Cidnana ma dhaafi karto dambiyada aan aheyn Alle aan ku sii adkaysanna wixii ay xumaan faleen iyagoo og."
Marka aan gafno, waa in aan Alle dambi-dhaaf weydiisanno, si dhaqso ahna camal fican u sameyno.
Waa in aanan dheg jalaq u siin Shaydaanka marka uu inoo yimaado oo uu inagu yiraahdo: "Sidee baad Alle u caabudi kartaa adigoo gafay? Ma munaafaq baad tahay?" Maya! Waa in aad Alle caabuddo, cibaadadana aad sii badiso, maxaa yeelay, Shaydaanku wuxuu doonayaa inuu kaa hor istaago nadiifinta qalbigaaga.
Qalbigaaga markuu dambiyada la buuxsamo, wuxuu noqdaa mid madow oo aan dareemin xumaanta dambiyada . Heer aad gaartid in Dambi kasta uu kula noqdo caadi caadi, ilaa uu qofka u guuro xaalad aan lahayn xishood iyo toobad keen iyo cabsiba Maalinta Qiyaame, dadku waxay Alle ula imaan doonaan qalbiyo daahir oo nadiif ah, halka kuwa xun ay ula imaan doonaan qalbiyo wasakhaysan, mugdi iyo cudur ka buuxo.
Maalintaas, waxba ma tarayaan maal iyo caruur:

قال لله تعالى: يَوْمَ لَا يَنفَعُ مَالُ وَلَا بَنُونَ (88) إِلَّا مَنْ أَتَى اللَهَ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ
(89) سورة الشعراء.

Follow | Like | Share

19/08/2025

Follow | Like | Share

Modelkaan 😮‍💨🤑One setup, Every day.
27/07/2025

Modelkaan 😮‍💨🤑One setup, Every day.

Address

Kars

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdiqani Qasim posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdiqani Qasim:

Share

Category