24/01/2026
Runtan Qadhaadh Liq:
Ma jirto cid awood u leh in ay afka naqabato.
1960–1991
‐——————
Dadka ku abtirsada SNM, waxay saluugeen sidii loo dhisay Dowladda ummada Soomaaliyeed, waxa kale oo ay saluugeen sidii ay u shaqaysay Dowladnimadii Soomaaliya.
1. M/wayne iyo Raysal wasaare: Koonfur
2. Caasimadii: Xamar
3. Xilalkii Koonfur
4. Goboladii iyo degmooyinkii waxa loo badiyey koonfur.
5. Illihii dhaqaalaha iyo mashaariicdii Dowladda koonfur ayey badidooda laga fuliyey.
6. Dad lagu beeray dhul ay lahaayeen beesha dhexe.
Saluugaasi markii la dhagaysanwaayey, inqilaab ayey isku dayeen 1961-kii, si ay waqooyi u qabsadaan, dibna loo qaabeeyo awood qaybsiga Soomaaliya.
Xaqiiq: eeg, xiligan ay beeshani wax tabanaysay baarlamaanka waxay ku lahayd 19/123.
Gudoomiyaha baarlamaanku iyaga ayuu ahaa.
Beeshani waxay ka mid ahayd ku dhawaad afartameeye beelood oo ahaa beelihii wada lahaa Dowladdii Soomaaliya.
Tirada dadka ugu badnaan waxay ka noqon karayeen 10% ilaa 15%.
Dhulka ummada Soomaaliyeed waxay ku lahaayeen 2.5 gobol iyo badh/ 18 gobol.
1981-kii, waxa lagu dhawaaqay halgan hubaysan, SNM, ugu danbayn sidiibay Dowladdii ku burburtay.
1991 illaa 2026
-————————
Marka adiga oo qabiil kaliya ah, sidee baad ku doonaysaa in lagula joogo iyada oo 95% Dowladdu tahay Isaaq, Caasimadii, kaabayaasha dhaqaalaha laga dhisay dhulkaaga, cashuurtii dadka ka dhaxaysay camal loogu sameeyey dadkaaga, laguna dhisay dhulkaaga, goboladii iyo degmooyinkii loo badiyey dadkaaga,sideed ku doonaysaa in aan taageero, jeclaado nidaam noocaasiya, sideed ula yaabtaa cida saluugsan waxaad shalay saluugtay iyo sidaad uga falcelisay, ulana yaabtaa falcelintooda.
Ma jirto nidaam cadaalad daro ku dhisan oo waaraa, intuu doono ha qaato wuu dumayaa, waxana duminaya kuwa la dulmay.
Ku meerayso, meel kalaa laga soo istaadhay, damiirkayaga ayaa na istaadhay, cid joojin kartaana ma jirto.
Xigasho:- Macalin