03/13/2026
DEGDEG:- Ali Larijani oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Iran ayaa sawir ku baahiyay akoonkiisa rasmiga ah ee baraha bulshada X, isagoo muujinaya ka qayb-galka uu ku lahaa socodka International Quds Day ee lagu qabtay caasimadda Tehran.
Larijani ayaa sawirka ku lifaaqay qoraal uu ku yiri:
“Socodka Maalinta Qudus, Waddada Kacaanka, Tehran, 22 Maarso 2026 — kadib 13 maalmood oo laga joogo shahiidnimada Aayatullaahi weyn Sayid Ali Khamenei.”
Hadalkan iyo sawirkan ayaa muujinaya sida mas’uuliyiinta Iran ay u sii wadaan ka qayb-galka munaasabadaha siyaasadeed iyo diimeed ee waaweyn ee dalka, xilli xaalad xiisad leh ay ka jirto gobolka Bariga Dhexe.
Socodka Maalinta Qudus waxaa sanad kasta lagu muujiyaa taageerada Falastiin iyo diidmada Israel, waxaana ka soo qayb-gala kumannaan qof.