02/08/2025
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraca Galmudug
WARBIXIN: 10 SANO OO ADEEG WAXBARASHO SARE AH:
Jaamacaddu waxay ka mid tahay xarumaha ugu muhiimsan ee waxbarashada sare ee dalkeenna Soomaaliya, waxaana sanadkan lagu xusayaa 10 sanno oo guul ah. 10-kii sano ee la soo dhaafay, Jaamacaddu waxay noqotay astaan muujinaysa horumarka iyo dadaalka bulshada ee dhinaca waxbarashada sare iyo cilmi baarista.
Laga soo bilaabo markii bulshadu ku fakartay aasaaska Jaamacad ku taala goboladda dhexe , gaar ahaan Caabudwaa, ayaga oo ka duulaya baahida bulshada hor-u-tabinta u leh, waxaa Caabudwaaq laga yagleelay Jaamacad. Maamulka Jaamacadda oo kaashanaya Bulshada deegaanka waxay ku guulaysteen dhismaha iyo horumarinta kaabayaasheeda. Dhismayaasha casriga ah ee jaamacaddu waxay noqdeen goobaha waxbarashada ugu muhiimsan ee ardaydu ay jeclaysato, Midowgii Jaamacaddaha "Jaamacadda Galguduud iyo Jaamacadda Ummadda" waxay ka dhigtay mid ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn ee dalka.
WAXBARASHADA: Ardayda Jaamacaddu waxay helaan manhajyo tayo sare leh, waxaana kor loo qaaday adeegyada waxbarasho iyo fursadaha cilmi baaris ee ardayda. Inkastoo Jaamacadda ay dhigtaan boqolaal arday ah, ayna soo saartay boqolaal kale oo kaqalinjebisay, haddana waxaa jira baahi weyn oo loo qabaa horumarin joogto ah, si ay u soo jeedato Arday badan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira meelaha qaar oo kaabayaashu ay u baahan yihiin in si dhameystiran loo hagaajiyo, si loo suurtogelin karo jawi waxbarasho oo habboon iyo cilmi-baaris dheeraad ah.
HORUMARKA KAABAYAASHA: Dhinaca kaabayaasha, Jaamacadda oo kaashanaysa bulshada waxay ka shaqeysay dhismaha iyo hagaajinta xarumaha loogu talagalay Adeegga ardayda iyo barayaasha. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira baahi loo qabo in si dhab ah loo qalabeeyo maktabado casri ah, shaybaaro iyo waaxyaha cilmi baarista oo si hufan ugu adeegaya baahida bulshada iyo sayniska dalka. Kulliyadaha muhiimka ah sida Medicine, Engineering iyo kuwo kale ayaa weli u baahan in la dhammeystiro si loo siiyo ardayda fursad buuxda oo ay ku helaan aqoon tayo sare leh.
ISBEDDEL IYO HORUMAR: Xilligan, jaamacaddu waxay gaartay marxalad muhiim ah oo u baahan dib u eegis iyo qorsheyn cusub si loo gaaro horumar waara. Waxaa la isweydiin karaa in hawlwadeenadda jaamacadda xaggooda ay ka jiraan caqabado iyo inay jiraan caqabado ka baxsan? Ma jiraan habab cusub oo loo hirgelin karo si loo horumariyo jaamacadda, gaar ahaan dhinacyada kaabayaasha iyo ardayda ee muhiimka ah?
GUNAANAD IYO MAHADCELIN: 10 sanno oo Jaamacaddu jirto waxaa lagu xusuusan doonaa dadaalka iyo horumarka ay ku tallaabsatay, laakiin weli waxaa jira baahi weyn oo loo qabo in la dhammeystiro hawlaha qaar, si loo helo jawi waxbarasho oo dhammeystiran oo u diyaarsan ardayda iyo cilmi-baarayaasha. Haddii la sii wado dadaalkan, Jaamacaddu waxay noqon doontaa mid ka mid ah xarumaha ugu awoodda badan ee waxbarashada sare iyo cilmi baarista ee dalka.
Waxaa muhiim ah in loo sameeyo qorsheyaal dhab ah oo lagu xoojinayo kaabayaal, qaababka waxbarasho iyo adeegyada cilmi barista, si loo gaaro himilooyinka waaweyn ee jaamacadda ee mustaqbalka. Sidookale, waxaa muhiim ah in Ardayda soo qalinjebisay lagu garab siiyo sii wadida heerarka sare waxbarashada iyo shaqo abuurka.
Waxaan u mahadcelinaynaa cidkasta oo kaga qayb qaadatay fikir iyo dhaqaalo intaba; mid dhulkiisii ku deeqay, mid dhaqaalihiisii ku baxshay, mid gaadiid keenay, mid gurigiisii ku tabarucay iyo mid Juhdi geliyay inuu bulshada wax uga abaabulo.
Waxaan leenahay dadaalkiina wuxuu mudan yahay mahadcelin balaaran iyo xusitaan joogto ah! - beerkana idinka ogsoonin - waa halkii Abwaan Xaaji gabay;
"Bowdada markii aan ka jabay, boqonka taaggiisa
Habeenkiiba waa i bidhan lahaa, bahalkii cawlnaaye
Raggii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni
Bah-Cillaamo goortay dhammaan, iga dul booyaysey
Bah-Sadhaysna "baga" inay i tidhi, beerka ka ogsooni
Ninkii Burunji inuu iga cuno, ii barriidinaayey
Ee aan bar kale ii tarayn, beerka ka ogsooni
Ninkii Belad shisheeye iga jiray, ee soo bixi waayey
Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni
Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu
Haddii uu biixiyaha Eebbahay ,isugu kay beego
Abaal badh ah abaal bur ah abaal bur iyo dheeraad ah
Ninba kiisa kaan ugu beddeli, beerka ka ogsooni".
ALLE AYAA MAHAD LEH!
Mohamud Dirir