GOL JANO

GOL JANO Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from GOL JANO, News & Media Website, Columbus, OH.

04/14/2020

Abdihakin Br, Happy Khallif, Abti Liban, Somali Comedy 2020,

03/21/2020
03/21/2020
02/12/2020
11/08/2019
04/03/2019

HA KU DAALIN JEEDAAL

Ha wareegto GIRAANTU
04/03/2019

Ha wareegto GIRAANTU

XOG: Xasan Sheekh, oo qorsheynaya fashilinta qorshaha amniga caasimadda.
-------------------------------------------
Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya ahna Guddoomiyah xisbiga Nabadda iyo Dimuqaraadiyadda Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan siyaasiyiin iyo xildhibaanno mucaarad ah ayaa xarunta xisbiga kula kulmay dhallinyaro gaaraya 50 oo kamid ah dhallinyarada Muqidsho.

Xasan Sheekh ayaa dhallinyarada u sheegay inuu ugu yeeray fulinta qorshe lagu fashilinayo qorshaha amniga caasimadda ee ay dowladda Soomaaliya dejisay isaga u sheegay in dowladdu ka soo horjeeddo qabaa’ilka Muqdisho deggan.

Qorshaha dhallinyarada loo sharraxay oo aan helnay isaga oo dhameystiran ayaa u degsan in la abaabulo mudaharaad kooban oo dhallinyaradu ay qaadaan ilaa 15 dhagax oo yaalla gobaha baaritaannada Booliska isla markaana ay muqaallo isak duubaan iyaga oo Facebook Live galaya.

Madaxweynihii h**e Xasan Sheekh ayaa yiri: “Ciidanka jidadka taagan dhammaantood waa reer Muqdisho oo waa wiilasheenna, waan idinka hubaa in aysan idin dileynin oo aysan xabbad idinku fureynin ee howshaan ku dhaqaaqa, wixii dhaqaale ahna waan idinku taageereynaa”.

Mr Xasan oo ka sheekeeyay waagii maxkamadaha iyo sidii hoggaamiye kooxeedka loola dagaallamay ayaa hadlkiisu gaaray “haddii ay ugu badato hal qof ayey dilaayaan kadibna halagu yaaco, markey arkaan xamaasaddiina wey kala cararaayaan” wuxuu hadalkiisa raaciyay in ay bixin doonaan diyada qofkii dhallinyarada kamid ah ee dhinta.

Guddomiyihii h**e ee gobolka Yuusuf Madaale oo kulanka qeyb ka ahaa ayaa isna yiri “Magaalooyinka kale ee Soomaaliya sida Kismaayo jidadka lama xiro ee arrintaan halaga dhiidhiyo waa ujeedo gaar ah oo dad gaar ah lagu bar-tilmaameedsanayo”.

Qaar kamid ah dhallinyarada ayaa soo jeediyay in madaxda mucaaradku ay horkacaan mudaharaadka, warbaahintana loo yeero si loo weyneeyo, basle waa lagu gacan seyray.

Xasan Sheekh oo dhowr jeer sanadkaan gudihiisa booqday Imaaraadka ayaa la aaminsan yahay in uu lacago ka soo helay balse dowladda Soomaaliya ay ka mamnuucday in lacagtaas dalka la soo geliyo.

Address

Columbus, OH

Telephone

+16148063495

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when GOL JANO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share