Tooshka Shacabka

Tooshka Shacabka Tooshka Shacabka waa soo tabiyaha xogaha daahsoon iyo dabagalka arrimaha bulshada ka qarsoon.

Soomaliland oo ku guuldaraysatay in ay  la fariisato  Odoyaasha Gobolka Sool Gudoomiyaha golaha guurtida Soomaliland Sal...
01/08/2023

Soomaliland oo ku guuldaraysatay in ay la fariisato Odoyaasha Gobolka Sool

Gudoomiyaha golaha guurtida Soomaliland Saleeban Maxamuud Aadan oo ka hadlay fadhi gaar ah oo ay golaha guurtida ka yeesheen xaalka laasacaanood ayaa sheegay in aysan hayn cid ay wadahal la furaan si xiisada loo dajiyo.

Gudoomiye Saleebaan ayaa sheegay in ay tagayaan laasacaanood xubna ka socda guurtida oo qeyb ka noqon doona xal u raadinta laascaanood oo kacdoonka bulshadu galay maalinkii 18 aad.

Hadalka Saleebaan Maxamuud aadan ayaa ku soo aadaya iyadoo waxgaradka Gobolka Sool ay soo saareen bayaan ay ugu baaqeen Soomailand in ay isaga baxdo guud ahaan Gobolka Sool.

Tooshka Shacabka
like comment and share

𝐊𝐀𝐗𝐀𝐍𝐃𝐇𝐀𝐀𝐋𝐋𝐄: Maamulada Galmudug Puntland iyo DDS oo Xoolo iyo Gaadiid u kala Wareejiyay Beelo Ood-wadaag Walaalo ah dee...
01/08/2023

𝐊𝐀𝐗𝐀𝐍𝐃𝐇𝐀𝐀𝐋𝐋𝐄: Maamulada Galmudug Puntland iyo DDS oo Xoolo iyo Gaadiid u kala Wareejiyay Beelo Ood-wadaag Walaalo ah deegaanada maamuladaasi dagan

Shirkaan oo ay ka qayb galeen mas,uuliyiin ka kala socoda maamulka Galmudug oo uu hogaaminayay Wasiir ku xigeenka Wasaradda amniga dawlad goboleedka Galmudug, hoggaanka nabad galyada dagmada Gallaadi ee gobolka Doollo, Guddoomiyaha dagmada Saaxo ee Puntland,maamulka santarka Kaxandhaalle, Guddoomiyaasha Bandiiradlay Gallinsoor iyo masuuliyiin kale.

Shirkaan ayaa waxaa lagu kala wareejinayay xoolo iyo gaadiid ay kala dhaceen dadka deegaanka

Waxaana Sidoo kale looga hadlayay adkaynta amniga iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo nabada iyo daganaashaha dadka walaalaha.

Hogaanka Nabad-galyada Gallaadi, Guddoomiyaasha degmooyinka Saaxo iyo Bandiiradlay oo shirka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay Ujjeedada Shirkaan.

Wasiir ku xigeenka wasaarada amniga Galmudug Cali Baashi Cabdullaahi Cigaal ayaa Sheegay in Galmudug Puntland iyo Dowlad deegaanku iska kaashanayaa sugida amniga deegaankaan xuduuda ah.

Tooshka Shacabka
like, comment and share.

Sheikh Ibraahim Sh.Xasan guureye ayaa loo doortay Gudomiyaha ururka arrimaha islaamka iyo dawladdaha carabta.shir balaar...
01/08/2023

Sheikh Ibraahim Sh.Xasan guureye ayaa loo doortay Gudomiyaha ururka arrimaha islaamka iyo dawladdaha carabta.

shir balaaran oo ka dhacay dalka qadar ayna iskugu yimaadeen dhammaan dawladdaha xubnaha ka ah ururka arrimaha islaamka ee dalalka jaamacadda carabta ayaa waxaa guddoomiyaha ururkaa loogu doortay Sh.ibrahim Hassan gureeye oo ka socday dalka soomaaliya.

ururka arrimaha islaamka ee dawladdaha xubnaha ka ah jaamacadda carabta ayaa ah urur ka shaqeeya danaha islaamka iyo sidii loo hormarin lahaa.

sh.ibrahim ayaa horay usoo noqday guddoomiyaha ururka ahlusuna waljameeca iyo wasiirka waxbarshada Galmudug ayaa ah shaqsi astaan u tahay dadaal iyo waxqabad.

waa markii ugu horaysay ee shaqsi matalaya wadanka soomaliya uu noqodo Guddoomiyaha ururka arrimaha islaamka waxaan talabadan aad u soo dhaweeyay shacabka soomaaliyeed oo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin.

Tooshka Shacabka

05/10/2022

"Waxaan baaq u dirayaa shacab-weynaha Soomaaliyeed, meel walba oo ay joogaan, waxanan si qaddarin leh uga codsanayaa in ay mar kale igu garab istaagaan dib-u-doorasho ku dhisan danta shacabka. Xubin kasta oo ka mid ah baarlamaankeenna, waxay matashaa ku dhawaad 60,000 oo shacab ah. Waxaan Allaah uga baryaynaa in uu dalkeenna ugu deeqo nabad waarta iyo nolol wanaagsan." Madaxwayne Farmaajo.

.

Safiirka safaaradda JFS ee dalka Itoobiya Mudane Abdullahi Ahmed Jama (Ilkajiir) ayaa qado sharaf ku casuumay Diblomaasi...
06/20/2021

Safiirka safaaradda JFS ee dalka Itoobiya Mudane Abdullahi Ahmed Jama (Ilkajiir) ayaa qado sharaf ku casuumay Diblomaasiyiinta iyo Shaqaalaha kashaqeeya Safaaradda.

Addis Ababa:- Waxaa kulanka qadada ee uu Safiirka kucasuumay Diblomaasiyiinta kala soo qeyb galay mas'uuliyiin uu ka mid yahay Safiirka soomaaliya ee dalka Kuwait Mudane Cabdulahi Maxamed Odawa, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda gaadiidka duulista iyo hawada Mudane Abdirahman Dheere, wasiir abdirashid Janan, xildhibaan Zakariye iyo gudoomiyaha doorashooyinka qaranka soomaaliya xaliimo yarey oo ka mid ah korjoogtada doorashooyinka kadha

Gudoomiye xaliimo yarey oo uu Safiirka kusharfay inay furto kulanka ayaa bogaadisay shaqada iyo dadaalka safiirka cusub, iyadoo kasheekeysay waxqabadkiisii inta uu kashaqeynayay dawladdnimada qaranka soomaaliyeed.

Dhinaca kale wasiir Abdirahman dheere oo isagana goobta kahadlay ayaa sheegay taageerada ay safaaradda uga baahan tahay dawladda inuu gaariis doono madaxda qaranka.

Kulan ka qadada oo ahaa kii ugu h**eeyay oo uu Safiirka kula kulmo Diblomaasiyiinta Safaaradda ayaa ujeedadiisu ahayd isbar

Ugudanbeyn waxaa qaddada kadib kulanka soo xiray Safiirka Safaaradda JFS ee dalka Itoobiya Mudane Abdullahi Ahmed Jama (Ilkajiir) oo balan qaaday in la joogteyn doono kulamadan oo kale oo bishii ba hal mar la isugu imaan doono.


Like,comments and share.

Dil ka dhacay Caabudwaaq Iyo Fashilka maamulka Dagmada... (Aqriso)Allaha u naxariistee waxaa subaxnimadii horre ee saaka...
06/12/2021

Dil ka dhacay Caabudwaaq Iyo Fashilka maamulka Dagmada... (Aqriso)

Allaha u naxariistee waxaa subaxnimadii horre ee saaka lagu dilay dagamada caabudwaaq marxuun Axmed odawaa oo kamid ahaa muruq-maalka deegaankaas.

Koox ku hubaysan bastooladdo ayaa toogtay marxuunka xili uu salaadda subax kasoo baxay oo isku diyaarinayay inuu shaqo tago. Dilka ka dib dabylaydii dilka gaysatay ayaa goobta iskaga baxsaday.

Marxuumka ayaa ahaa shaqsi si wayn looga yaqaan caabudwaaq kanasoo jeedda beesha jareer-wayn ayaa waxaa dilkiisa ka xumadaay dadwaynaha deegaanka waxaa ayna sameeyeen dibad baxay balaadhan oo ay ku dalbanayeen in caddaaladda la hor keeno dadka ka dambeeyay dilkiisa.

Qaar kamid ah dadkii ka cadhaysnaa dilka marxuumka ayaa u sheegay in hay'addaha amaanka dagmada ay ka gaabiyeen baadigoobka iyo soo qabashada kooxdii falkaa ka dambaysay.

Saraakiisha nabadgalyada oo aan la xidhiidhnay ayaa diiday in ay wax faahfaahin ah ay nasiiyaan. Ma jiro wax howlgal ah oo ay sameeyeen booliska iyo dhamaan hay'addaha amniga dagmada oo lagu soo qabanayo gacanku dhiiglayaalkii falka gaystay. arrintaa ayaa aad uga cadhaysiisay dadka deegaanka waxa ayna ku tilmaameen cunsiriyad iyo caddaalad darro.

Amniga dagmada caabudwaaq ayaa ah mid faraha kasii baxaya waxaana inta badan ka dhaca falal liddi ku ah amniga dagmada, sida dilal kufsi iyo kooxo budhcad ah oo xiliyada hamaynkii ah dadwaynaha xaafaddaha u gaysta dhac.

Maamulka dagmada ayaa ah kuwa ku fashilmay amniga deegaanka iyo guud ahaan addeega bulshada, gansatada dagmada ayaa inoo sheegay in bilkasta laga qaado lacaggo baad ah oo ay canshuur ahaan u bixiyaan balse aysan jirin cid wax ugu qabata dhaqaalaha laga qaado deegaanka.

Boqolaal kun oo doolar oo ah Lacagta canshuurta ee kasoo xaroota dagmada ayaa ku dhacda jeebabka rag ka tirsan maamulka fashilka ah ee caabudwaaq.

Kusimaha guddoomiyha dagmada mahad Cumar iyo xubnaha maamulka oo la magacabay 05/November/2015 ayaa ah kuwa xili h**e waqtigu ka dhamaday.

Sh.Ibrahim gureeye oo dalka Lebanon uga qaybgalay kulan lagu taageerayo guusha falastiin. (+Sawiro).Waxaa magaalada Beir...
06/11/2021

Sh.Ibrahim gureeye oo dalka Lebanon uga qaybgalay kulan lagu taageerayo guusha falastiin. (+Sawiro).

Waxaa magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lebanon ka dhacay kulan lagu taageerayo guushii dhawaan ay falastiiniyiin ka gaartay qudus kadib duulaankii yahuuddu kasoo qaaday shacabka reer falastiin.

Kulanka oo ay ka qaybgalayaan wafuud ka kala socota dalalka islaamka ayaa waxaa dalka soomaaliya kumatalaya Sh.Ibrahim sh. Xasan Guureeye, waxaana wafdiga kulankaas ka qaybgalaya soodhawayn qasriga dalka Lebanon looga taliyo ugu sameeyay madaxwaynaha dalka lubnaan Michel aun.

Sh.Ibrahim gureeye ayaa Tooshka Shacabka u sheegay in u jeedka kulanka uu yahay mid dalalka islaamka taageero iyo garab istaag ugu muujinayaan walaalaha reer falastiin.

Masuuliyiinta kulanka ka qaybgalaya ayaa la filayaa in gabagabada kulankooda ay soo saaran warsaxaafaddeed ay ku tageerataan falastiin sidoo kale ay ku cambaaaraynayaan dhibaatada maamulka yuhuuddu ku hayso shacabka reer falastiin.

.
Like,comments and share.

  :-Qorsha Ali Eid & Caqabadda Irad Hashi ee Golaha deegaanka Balanbal.Kadib markii xalay la xaliyay beelihii qabay Taba...
05/30/2021

:-Qorsha Ali Eid & Caqabadda Irad Hashi ee Golaha deegaanka Balanbal.

Kadib markii xalay la xaliyay beelihii qabay Tabashada Dhismaha golaha deegaanka Degmada Balanbal ayaa waxaa soo baxaya in Wakiilka Hay'adda Relief and development committee (RDC) ee Degmada Balanbale oo ah Musharax ay wateen garabka Mucaaradka ah ee Diidan Dhismaha Maamulka Degmada Balanbal ayaa waxaa uu diiday Saaka inuu ka qayb galo Tartanka Doorashada.

Iraad Hashi (Irad Dhagool) oo horay dhaqaalo badan ugu soo bixiyay ka soo mid noqoshada Xildhibaanada Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Balanbal oo dhawaan dhismahooda lasoo gaba gabeeyay ayaa xiriir hoose la leh Xafiiska Madaxwayne ku xigeenka galmudug wuxuuna saaxiib dhaw la yahay ku xigeenka Qoor-qoor Cali Daahir Ciid oo shalay soo saaray Warqad sharci darro ah oo khilaafsan Dastuurka Galmudug.

Shuruucda iyo siyaasadda Hay'adda RDC ayaa waxaa ka mamnuuc ah wakiillada ha'yadda iyo shaqaalaheeda kamid noqoshada siyaasadda iyo shaqooyinka kale ee ha'ayadda kamadax banaan. Waxgaradka iyo odayaasha dagmada ayaa Tooshka Shacabka u sheegay in ay dacwad ka gudbiyeen wakiilkii ha'yadda RDC oo hadda xubin ka ah golaha deegaanka balanbal.

Gudiga Farsamada Doorashada Galmudug ayaa goordhow u yeeray Musharxiinta xilka Gudoomiyaha dagmada balanbal waxaana hadda xafiiska guddiga dhismaha maamulka oo ay shaqadu ka socota jooga Maxaxmed Yuusuf oo ka mida musharaxiinta u sharaxan goddoonka dagmada balanbal wuxuuna hada maraya sharuudaha laga rabo musharaxa doonaya qabashada Xilka Gudoomiyaha Degmada Balanbal.

Madaxwayne ku xigeenka galmudug Ali eid oo xiriir hoose la leh iraad dhagool ayaa isku dayaya inuu carqaladdeeyo habsami u socodka dhismaha maamulka dagmada balanbal. Ilo xogogaal ah ayaa Tooshka u sheegay in cali ciid isku dayayo tilaaba kasta oo uu ku hor istaagayo dhismaha maamulka balanbal.

La soco goordhow Documents caddayn ah oo aan ka helnay xafiiska Ali eid iyo wakiilka RDC irad dhagool.


Like and share.

02/17/2021

Warbixin:- Xisaab xidh la'aantii xukuumadda khayre iyo Qorshaha qarsoon.


Like and share.

02/08/2021

Inta jeer ee madaxwayne farmaajo tanaasul u sameeyay doorashada dalka.

.

Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda itoobiya.Caasimadda deegaanka tigree Maqale waxaa laga cabsi qabaa iney Xaaladu faraha k...
11/26/2020

Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda itoobiya.

Caasimadda deegaanka tigree Maqale waxaa laga cabsi qabaa iney Xaaladu faraha ka haado, Ra'iisal Wasaare Abiy Ahmed wuxuu amray Ciidamada Milatariga iney qaadaan talaabadii ugu dambeysay ee ka dhana Kooxda TPLF, wuxuuna Abiy Ahmed xusey iney ka dhamaatey 72 saac oo fursad loogu siiyay iney si Nabdoon isku soo dhiibaan.

Kooxda TPLF, waxay isku urursatey Magalada Mekele ee Xarunta Gobolkaasi Tigreega, waana Magalada uu Ra'iisal Wasaaruhu amray iney Ciidamada Milatariga ay si toos ah ugalaan soona qabqabtaan Maamulka Kooxda TPLF.

Hase ahaatee beesha Caalamku waxaa ay ka digayaan iney taasi Fududeyn oo Dagaal lagu riiqmo ay Itoobiya qarka usaaran tahay, Qaramada Midoobay waxay sheegayaan iney ka walwalsan yihiin Xaalada Mekele iyo kumanaanka ruux ee ku nool Magaladaasi waxa u dambeyn doona, balse Ra'iisal Wasaare Abiy Ahmed wuxuu sheegay in la badbaadin doono Shacabka.


Like,comments and share.

11/25/2020

HAJABAADDA MADAXDA XILDOONKAA.

Qabyaalad VS Qaran.


Like,comments and share.

Address

Columbus, OH

Telephone

+16145966815

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tooshka Shacabka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share