Nabaad MEDIA

Nabaad MEDIA Nabaad Media Waa Warbaahin Kashaqeysa Nabadda iyo Hormarka Wadanka, Gobolkaaga Iyo Degmadaada.

🚨 DEGDEG | Nabaad MediaAgaasimaha Xarunta La-dagaallanka Argagixisada ee Mareykanka, Joseph Kent, ayaa si rasmi ah xilka...
03/17/2026

🚨 DEGDEG | Nabaad Media
Agaasimaha Xarunta La-dagaallanka Argagixisada ee Mareykanka, Joseph Kent, ayaa si rasmi ah xilka uga degay, isagoo ka hor yimid dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan.

🇸🇴 Soomaaliya: Dal Fursado Leh, Laakiin Fikir La’aan Ku Lumay | Nabaad MediaSoomaaliya maanta ma aha dal si fudud lagu f...
03/17/2026

🇸🇴 Soomaaliya: Dal Fursado Leh, Laakiin Fikir La’aan Ku Lumay | Nabaad Media

Soomaaliya maanta ma aha dal si fudud lagu fahmi karo. Waa dal leh taariikh dheer, khayraad badan, iyo juqraafi istaraatiiji ah oo dunidu ku tartamayso—laakiin haddana ku nool xaalad ka fog awooddiisa dhabta ah.

Sanado badan oo isbeddel caalami ah socday, Soomaaliya waxay u muuqataa mid ku dheggan wareeg aan dhammaan: horumar gaabis ah, jahawareer siyaasadeed, iyo nidaam aan lahayn isla xisaabtan dhab ah.

Tan iyo 2012, markii la dhisay nidaamka federaalka, waxaa jiray rajo weyn. Dadku waxay filayeen dawlad shaqeysa, nidaam sharci ah, iyo hoggaan leh aragti qaran. Laakiin rajooyinkaas si tartiib ah ayay u daciifeen.

Maanta, nidaamka jira wuxuu u muuqdaa mid ku urursan hal meel, halka hay’adihii ilaalin lahaa sharciga iyo isla xisaabtanka ay noqdeen kuwo daciif ah ama aan shaqeyn. Taasi waxay abuurtay jawi ay hoggaamiyeyaashu khaladaadkooda ku celceliyaan iyagoo aan ka baqayn wax jawaab ah.

Laakiin dhibku ma aha hoggaanka oo keliya.

Bulshada Soomaaliyeed lafteedu door ayay ku leedahay xaaladdan. Dareenkii ahaa “dawladdu waa hay’ad nala xisaabtanto” wuu yaraaday. Waxaa beddelay dano gaar ah, raadinta fursado, iyo ku dhex milanka siyaasadda si shaqsi ahaan wax looga helo.

Waxaa meesha ka baxay cadaadiskii shacabka ee lagu saxayay nidaamka.

Qodobka ugu weyn ee xaaladdan sii adkeeyay waa qabyaaladda.

Qabiilku maanta wuxuu gaaray heer uu qofku uga tanaasulo xaqiiqda. Sax iyo khalad lama kala saaro—wax walba waxaa lagu cabbiraa “yaa nala ah”. Taasi waxay meesha ka saartay fikraddii qaranimo, waxayna siyaasadda u beddeshay tartan kooxo dano gaar ah leh.

Marka doorasho soo dhowaato, dalka oo dhan ayaa si ku meel gaar ah u “soo noolaada”. Waxaa muuqda laba dhinac: mid doonaya inuu sii joogo, iyo mid doonaya inuu beddelo. Labaduba waxay ka hadlaan mustaqbalka dalka, laakiin hadalladaasi inta badan waxay ku egyihiin ololaha.

Marka doorashadu dhammaato, doodii way baaba’daa, dalkuna wuxuu ku noqdaa halkiisii.

Haddii la barbar dhigo dalal kale oo burbur kasoo kabtay sida Vietnam, farqiga waa mid cad: hoggaan leh aragti qaran iyo bulsho diyaar u ah isbeddel.

Soomaaliya wali halkaas ma gaarin.

Dunida maanta waxay gashay tartan adag—khayraad, marinno ganacsi, iyo saameyn siyaasadeed. Soomaaliya waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan caalamka. Laakiin faa’iido k**a soo baxdo, sababtoo ah ma jirto siyaasad qaran oo cad oo ka faa’iideysanaysa.

Adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha waa kuwo aad u liita. Dawladdu ma bixiso adeeg buuxa, bulshada na waxaa lagu mashquuliyaa arrimo yaryar oo aan lahayn qorshe fog.

Hadallo dhowaan ka yimid Donald Trump oo Soomaaliya ku tilmaamay meel aad u hooseysa marka la eego horumarka caalamka—inkastoo ay yihiin hadallo siyaasadeed—haddana qayb ka mid ah xaqiiqda ayuu taabanayaa.

Soomaaliya maanta waxay ku burburaysaa saddex arrimood:

• Hoggaan aan lahayn qorshe qaran
• Mucaarad aan lahayn aragti dhab ah
• Bulsho la qabsatay xaalad liidata

Bulsho aan lahayn dareen qaran ma dhisi karto dawlad xooggan. Marka dadku ay aayahooda ku beddelaan qabyaalad iyo dano gaar ah, mustaqbalka wadajirka ah wuu baaba’aa.

Tani waa halista ugu weyn ee maanta taagan.

Dunida cusub ee soo socota ma sugayso cid. Haddii Soomaaliya aysan is beddelin, waxay noqon doontaa goob ay quwadaha kale ku tartamaan—halkii ay iyadu ka noqon lahayd ciyaaryahan leh dano u gaar ah.

🔚 Gunaanad | Nabaad Media

Soomaaliya waxay u baahan tahay dib u fikir qaran oo dhab ah:

• Hoggaan leh aragti qaran oo ka baxsan qabiil
• Mucaarad leh xal iyo hal-abuur
• Shacab leh dareen qaran oo dalbada isla xisaabtan

Haddii saddexdan la waayo—dalka wuxuu sii ahaan doonaa mid fursado leh laakiin aan ka faa’iideysan.

Laakiin haddii la helo—Soomaaliya si degdeg ah ayay u geli kartaa waddo cusub: waddo sharaf, awood iyo mustaqbal jiilasha dambe ku faanaan.

03/16/2026

🚨 WAR DEGDEG AH

Ali Larijani ayaa soo saaray fariin ka kooban 6 qodob oo uu u diray muslimiinta caalamka iyo dowladaha Islaamka, isagoo ka hadlay xiisadda ka dhex taagan Iran iyo United States iyo sidoo kale Israel.

Nuxurka fariinta:

1️⃣ Weerar qarsoodi ah oo lagu qaaday Iiraan
Larijani wuxuu sheegay in Mareykanka iyo Israa’iil ay weerar ku qaadeen Iiraan xilli ay socdeen wada-hadallo, ujeedkuna ahaa in dalka la wiiqo ama la burburiyo.
Wuxuu sheegay in weerarka lagu dilay hoggaamiyeyaal, saraakiil iyo dad rayid ah, balse Iiraan ay si adag uga hortagtay.

2️⃣ Taageero la’aan ka timid dowladaha Islaamka
Wuxuu sheegay in dowlado badan oo Islaam ah aysan si cad u taageerin Iiraan, inkastoo ay weerar la kulantay.
Sida uu sheegay, Iiraan waxay qaadatay go’aanno adag oo ay kaligeed iskaga difaacday cadowga.

3️⃣ Dagaal ka dhan ah “Shaydaanka weyn iyo Shaydaanka yar”
Larijani wuxuu ku tilmaamay Mareykanka “Shaydaanka weyn” iyo Israa’iil “Shaydaanka yar.”
Wuxuu sheegay in dowladaha Islaamka qaarkood aysan ka jawaabin baaqyada muslimiinta, isagoo xusay hadal Nabiga ﷺ ku saabsan ka jawaabidda baaqa muslimiinta dhibban.

4️⃣ Su’aal ku wajahan dowladaha Islaamka
Wuxuu dhaliilay dowladaha qaar oo Iiraan ku eedeeyay weerarrada ay ku qaaday saldhigyada Mareykanka ee ku yaal gobolka.
Larijani wuxuu yiri saldhigyadaas waxaa loo adeegsadaa weerarrada ka dhanka ah Iiraan, sidaas darteedna ay xaq u leedahay inay iska difaacdo.
Wuxuu yiri dagaalka hadda socda wuxuu u dhexeeyaa Iiraan iyo dhinaca Mareykanka & Israa’iil, isagoo yiri:
➡️ “Wado saddexaad ma jirto – dhinac ayaad la safanaysaan.”

5️⃣ Baaq ku socda shucuubta Islaamka
Wuxuu ugu baaqay shacabka Muslimiinta inay ka fikiraan mustaqbalka Islaamka, isagoo sheegay in Mareykanku uusan daacad u ahayn muslimiinta, Israa’iilna ay tahay cadowga Islaamka.

6️⃣ Midnimo Islaami ah
Larijani wuxuu ku soo gabagabeeyay fariinta isagoo sheegay in haddii muslimiintu midoobaan ay awood u yeelan doonaan inay ilaaliyaan amniga, horumarka iyo madax-bannaanida dalalkooda.

03/16/2026

🚨 Xog Siyaasadeed | Nabaad Media

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xidhiidhkii u dhexeeyey Villa Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, uu caawa si weyn u xumaaday, islamarkaana uu ku dhow yahay inuu gebi ahaanba kala go’o. Khilaafkan ayaa la sheegay inuu muddo soo jiitamayey, balse hadda uu gaaray heer cusub.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in Laftagareen iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo wada joogay magaalada Makka ay isku afgaran waayeen arrimo siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Laftagareen uu qorsheynayo inuu Baydhabo ku qabto doorasho madaxtinimo oo dadban, halka Villa Soomaaliya ay doonayso doorashooyin toos ah oo ay hormuud ka yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo xubno ka tirsan xukuumadda.

Dhanka kale, xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed waxaa si dhow ula socda Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo la sheegayo inay doonayaan in maamulkaasi uu ka baxo safka ay hadda wadaagaan Villa Soomaaliya, Hirshabeelle, Galmudug iyo Waqooyi Bari Soomaaliya, si uu ugu biiro xulafada Puntland iyo Jubbaland.

👉 Haddii xaaladdu sidaas u sii socoto, Koonfur Galbeed waxay noqon kartaa meesha ugu cusub ee uu ka qarxo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

— Nabaad Media

03/15/2026

🚨 War Cusub | Xiisadda Bariga Dhexe

Madaxa Amniga Qaranka ee Iran, Ali Larijani, ayaa sheegay in dowladda Tehran ay heshay xog sheegaysa qorshe la doonayo in lagu fuliyo weerar la mid ah kii dhacay intii lagu jiray September 11 attacks, kadibna eedda weerarkaasi lagu saaro Iran.

Larijani wuxuu caddeeyay in Iran ay si buuxda uga soo horjeedo falalka noocaas ah, isagoo ku tilmaamay “mashaariic argagixiso”. Wuxuu sidoo kale sheegay in Tehran aysan wax colaad ah u haynin shacabka Mareykanka, isla markaana aysan doonayn waxyeello loo geysto dad rayid ah.

Hadalkan ayaa imanaya xilli xiisadda siyaasadeed iyo midda militari ee u dhexeysa Iran, United States iyo Israel ay sii kordhayso, iyadoo hadallo kulul iyo eedeymo is-daba joog ah ay ka imanayaan dhinacyada isku haya khilaafka.

03/11/2026

🚨 War Degdeg Ah | Nabaad Media

Hay’adda International Energy Agency (IEA) ayaa ku dhawaaqday inay sii deyn doonto 400 milyan oo foosto oo shidaal ah oo laga soo saarayo kaydkeeda istaraatiijiga ah. Tani waxay noqoneysaa sii-deyntii ugu weynayd ee shidaal taariikhda hay’addan.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii qiimaha shidaalka caalamka si degdeg ah kor ugu kacay, kaddib dagaalka u dhexeeya United States, Israel, iyo Iran.

Ganacsatada tamarta ayaa ka cabsi qaba in dagaalku sababo xiritaanka ama carqaladeynta marinka muhiimka ah ee Strait of Hormuz, oo ah marin badeed ay maraan qiyaastii shan meelood meel (20%) shidaalka adduunka.

Tallaabadan ay qaaday IEA ayaa lagu doonayaa in suuqa caalamiga ah lagu dejiyo isla markaana la yareeyo saameynta ka dhalan karta haddii sahayda shidaalka ay yaraato.

— Nabaad Media

🚨 War Degdeg Ah | Nabaad MediaDowladda Spain ayaa si rasmi ah ugu yeertey safiirkeedii dalka Israel u fadhiyey, taasoo m...
03/11/2026

🚨 War Degdeg Ah | Nabaad Media

Dowladda Spain ayaa si rasmi ah ugu yeertey safiirkeedii dalka Israel u fadhiyey, taasoo muujinaysa khilaaf diblomaasiyadeed oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya labada dal. Go’aankan ayaa yimid kadib markii Madrid ay si adag uga soo horjeesatay dagaalka ay Mareykanka iyo Israel ku qaadeen Iiraan, iyo sidoo kale weerarrada ka socda marinka Gaza.

03/11/2026

🚨 Xog Milatari | Nabaad Media

Iiraan waxay leedahay kayd aad u ballaaran oo ah doomaha dagaalka ee dheereeya (fast attack boats) kuwaas oo laf-dhabar u ah istaraatiijiyadda ciidankeeda badda. Halkii ay xoogga saari lahayd maraakiib waaweyn sida dalalka kale, Iiraan waxay dooratay qorshe ka duwan: hub jaban oo tiro badan leh.

Warbixinno ay daabacday Machadka Marshall Center, oo ka shaqeeya daraasaadka amniga, ayaa sheegaya in Iiraan ay leedahay qiyaastii 1,500 doomood oo dagaal oo dheereeya. Qayb ka mid ah ciidamada badda ee loo yaqaan “Mosquito Fleet” (Guutada Kaneecada) ayaa keliya la rumeysan yahay inay haystaan ku dhowaad 1,000 doomood.

Doomahan yaryar balse halista ah waxay gaari karaan xawaare ilaa 200 km/saacaddii, taas oo ka dhigaysa kuwo si degdeg ah u weerari kara ama uga baxsan kara goobta dagaalka.

Waxaa sidoo kale la sheegay in kayd badan oo doomahan ah lagu qariyo saldhigyo dhulka hoostiisa ah oo u dhexeeya 100 ilaa 500 mitir, si looga ilaaliyo weerarro cirka ah.

Inkasta oo ay yar yihiin, doomahan waxay qaadi karaan:

🚀 Gantaallo lid ku ah maraakiibta

🔫 Qoryo culus

💣 Miinooyin badeed

Istaraatiijiyaddan oo ku dhisan “tiro badan + weerar degdeg ah” ayaa u oggolaanaysa Iiraan inay khatar weyn ku abuurto maraakiibta waaweyn, gaar ahaan meelaha ciriiriga ah sida marinka Hormuz.

— Nabaad Media

🚨 WAR KOOBAN | NABAAD MEDIAMadaxweynaha Golaha Midowga Yurub, Antonio Costa, ayaa sheegay in Ruushka uu yahay dalka kali...
03/10/2026

🚨 WAR KOOBAN | NABAAD MEDIA

Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub, Antonio Costa, ayaa sheegay in Ruushka uu yahay dalka kaliya ee ka faa’iidaya dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan.

Costa wuxuu tilmaamay in kororka qiimaha shidaalka iyo in indhaha caalamku ka leexdaan dagaalka Ukraine ay si toos ah faa’iido ugu yihiin Ruushka.

— Nabaad Media

03/10/2026

🚨 WAR DEGDEG | NABAAD MEDIA

Iiraan ayaa soo bandhigtay tallaabo diblomaasiyadeed oo culus oo si toos ah u saameyn karta dhaqaalaha dunida iyo isu socodka shidaalka.

Tehran waxay sheegtay in dal kasta oo Carbeed ama Yurub ah oo ka saara safiirrada Maraykanka iyo Israa’iil uu heli doono xorriyad buuxda oo uu maraakiibtiisu ku mari karaan marinka Hormuz si ay u qaadaan shidaal — arrin la sheegay inay dhaqan geli karto saacadaha soo socda.

Qodobada ugu muhiimsan ee arrintan:

🚢 Dal kasta oo aqbala shuruudda Iiraan
— wuxuu heli doonaa marin “xor ah oo ammaan ah” oo uu kaga gudbi karo Marinka Hormuz, halkaas oo maraakiibta shidaalka badankoodu maraan.

🛢️ Qiimaha shidaalka adduunka
— ayaa durba kor u dhaafay $100 halkii foosto, iyadoo boqolaal markab oo shidaal sida ay weli ku xaniban yihiin badda.

📉 Shirkadaha caymiska maraakiibta
— intooda badan waxay diideen inay caymis siiyaan maraakiibta maraya marinkan, taasoo ka dhigaysa safarka mid dhaqaale iyo amni ahaan khatar weyn leh.

⏰ Caawa dunida oo dhan
— wasaaradaha arrimaha dibadda ee dalal badan, laga bilaabo Abu Dhabi ilaa Berlin, waxay ku jiraan xisaab adag:
Daacadnimo Washington mise shidaal iyo dhaqaale?

🌍 Falanqeeyayaasha siyaasadda
— waxay arrintan ku tilmaameen cadaadiska diblomaasiyadeed ee ugu weyn ee marinka shidaalka lagu adeegsado tan iyo cunaqabatayntii saliidda ee 1973-kii.

Iiraan maanta gantaal ma ridin, drone ma dirin.
Laakiin waxay dunida u dirtay farriin cad: dooro dhinac.

— Maraykan mise dhaqaalahaaga
— Israa’iil mise shidaalkaaga

Dalal badan — gaar ahaan kuwa Afrika — doorashadaas ma samaynayaan, balse haddana qiimaha ugu badan iyaga ayaa bixin kara haddii shidaalku sii qaaliyoobo.

❓ Haddii dalkaaga caawa lagu khasbo inuu dooro — maxaad sameyn lahayd?

— Nabaad Media

𝗚𝗮𝗻𝘁𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗖𝗿𝘂𝗶𝘀𝗲-𝗸𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗣𝗮𝘃𝗲𝗵: 𝗛𝗮𝗻𝘁𝗶 𝗜𝘀𝘁𝗶𝗿𝗮𝗮𝘁𝗶𝗶𝗷𝗶 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗖𝘂𝘀𝘂𝗯 𝗼𝗼 𝗜𝗿𝗮𝗻 𝗞𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮𝗻𝗮𝘆𝘀𝗼Tehran - Iran ayaa si rasmi ah u soo ...
03/10/2026

𝗚𝗮𝗻𝘁𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗖𝗿𝘂𝗶𝘀𝗲-𝗸𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗣𝗮𝘃𝗲𝗵: 𝗛𝗮𝗻𝘁𝗶 𝗜𝘀𝘁𝗶𝗿𝗮𝗮𝘁𝗶𝗶𝗷𝗶 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗖𝘂𝘀𝘂𝗯 𝗼𝗼 𝗜𝗿𝗮𝗻 𝗞𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮𝗻𝗮𝘆𝘀𝗼

Tehran - Iran ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay gantaal cusub oo cruise ah oo ay soo saartay, kaas oo lagu magacaabo Paveh. Kicinta gantaalkan ayaa lagu sameeyay sanadkii 2023, iyadoo loo tilmaamay inuu yahay jiilka cusub ee gantaallada cruise-ka ee waddanku leeyahay, kuwaas oo ka tirsan bahda Soumar / Hoveyzeh.

Gantaalka Paveh wuxuu leeyahay astaamo farsamo oo heersar ah oo ka dhigaya mid khatar ku ah cadawga:

· Masaafo Dheer: Waxa uu gudbi karaa masaafo gaadhaysa ilaa 1,650 km, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah gantaallada cruise-ka ugu fog dalkaasi.
· Madax Qarax oo Culus: Waxa uu sidoo karaa madax qarax ah oo miisaankiisu u dhexeeyo 410 ilaa 450 kg, oo awood u leh inuu burburiyo bartilmaameedyo waa weyn.
· Awood Qarsoodi ah: Waxa uu si hoose u duulaa, isagoo jooggiisu ka hooseeyo 50 mitir, taas oo ka dhigaysa mid aad u adag in ay raadarka difaaca hawada (radar) h**e u ogaadaan.
· Hagid Sax ah: Waxa uu ku shaqeeyaa nidaamyo hagid oo horumarsan sida INS/GPS iyo hagid dhul-akhrin (terrain navigation) , taas oo u suurtagelisa inuu si sax ah ugu dhaco bartilmaameedkiisa.
· Dhuumasho & Dhaqdhaqaaq: Wuxuu ka duulaa dhulka toos, isagoo raaca qaabka "terrain-hugging" (dhulka ku dheggan), taas oo sii kordhineysa qarsoodiga iyo adkaanta in la ciribtiro.

Muhiimadda Istiraatiijiga ah ee Gantaalkan

Paveh waxa uu matalaa horumar la taaban karo oo ku yimid awoodda gantaallada ee Iran. Sababaha uu muhiimka u yahay waxaa ka mid ah:

· Waa gantaalka cruise-ka ugu fog ee Iran, taas oo siinaysa awood ay kaga hortagto ama ku garaacdo bartilmaameedyo istiraatiiji ah oo fog sida saldhigyo militari oo horumarsan, xarumo tamar muhiim ah, ama kaabayaal dhaqaale oo istiraatiji ah.
· Masaafadiisa dheer awgeed, Paveh waxa uu toos ugu dhuuxi karaa dalka Israa'iil iyo sidoo kale saldhigyada iyo xarumaha muhiimka ah ee ku yaal gobolka Bariga Dhexe oo dhan.
· Awooddiisa qarsoodiga ah iyo saxnaanta sare waxay ka dhigaysaa hub khatar u ah difaaca hawada ee cadawga, maadaama ay adag tahay in la ogaado lana ciribtiro.

Gantaalkan ayaa waxa uu si weyn u kordhinayaa awoodda Iran ee ku aadan howlgelinta difaaceeda iyo sidoo kale awoodda ay u leedahay inay ku celiso weerar kasta oo ka imaan kara, isla markaana ay muujinayso horumarka ay sameysey warshadaha militari ee dalkaasi.

Nabaad Media

03/08/2026

🚨 WAR CUSUB | NABAAD MEDIA

Warbixin uu daabacay Axios ayaa sheegaysa in Maraykanka iyo Israa’iil ay ka wada hadleen qorshe suurtagal ah oo ku saabsan in ciidamada gaarka ah (Special Forces) loo diro gudaha Iran si ay ula wareegaan keydka uranium-ka aadka loo hodmiyey ee dalkaasi leeyahay, haddii dagaalku sii socdo.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in maamulka Donald Trump uu ka dooday laba qorshe oo kala ah:

1️⃣ In gebi ahaanba uranium-ka laga saaro Iran oo dibadda loo qaado.
2️⃣ Ama in khubaro nukliyeer ah la geeyo gudaha Iran si ay u yareeyaan heerka hodanka uranium-ka halkaas gudaheeda.

Markii uu la hadlayay saxafiyiinta isagoo saaran diyaaradda Air Force One, Trump si cad ugama bixin in ciidamada dhulka loo diro Iran, balse wuxuu sheegay in tallaabadaas la qaadi karo oo keliya haddii ay jirto sabab aad u weyn.

Trump ayaa yiri:
“Waxaa laga yaabaa in mustaqbalka aan sameyno. Hadda arrintaas ma aanan beegsan, mana sameyn doono waqtigan, balse mustaqbalka waa suurtagal.”

Warbixintu sidoo kale waxay sheegtay in la falanqeeyay suurtagalnimada in la qabsado jasiiradda Kharg Island ee ku taalla Gacanka Faaris, taas oo laga dhoofiyo ku dhawaad 90% shidaalka cayriin ee Iran.

Haddii arrintan la fuliyo, waxay si weyn u saameyn kartaa dhoofinta shidaalka Iran iyo dhaqaalaha dalkaasi.

— Nabaad Media

Address

London, OH

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nabaad MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Nabaad MEDIA:

Share