09/08/2026
DAAWO: Furniinka Qurbaha waxa laga dhaxlo aragti murugo iyo Hilbo Kala dadasho 💔
Tani waa arrin murugo iyo farxadba xambaarsan. Bal ka warran carruur aad adigu dhashay, kuwaas oo qurbaha ku koraya, haddana nin kale oo aan Muslim ahayn uu kuu hayo, hadiyado u iibinayo, xitaa baraya sida loo kaxeeyo baaskiilka.
Runtii aad ayaan uga murugooday muuqaalkaas. Mararka qaar waxaan is leeyahay, “Isaga ayaa laga yaabaa inuu carruurtaas uga fiican yahay aabbayaashii dhalay,” waayo haddii nin carruurtiisa dayaco oo uu ka maqnaado noloshooda, qof kale ayaa booskaas buuxin kara.
Waxaa laga yaabaa in aabbaha carruurtu uu shaqo adag hayo, sida truck driver, ama uu nolol raadis ku mashquulsan yahay. Laakiin su’aashu waxay tahay: sidee ayay xaalad sidan oo kale ah ku gaartay adigoo carruur aad dhashay dayacay, nin aan Muslim ahayna uu noloshooda qayb weyn ka noqday?
Qurbaha mararka qaar waxaa ka dhasha xaalado adag oo qofka ku keeni kara inuu diintiisa, dhaqankiisa iyo qiyamkiisa la tacaalo. Gabadhani waxay muuqaalka ka sheegtay in ay weyday nin Muslim ah oo Soomaali ah oo guursada, sidaas darteed ay dooratay inay xiriir la yeelato nin aan Muslim ahayn. Waxay sidoo kale sheegtay in aysan awoodin inay iska bixiso kirada gurigeeda iyo kharashaadka nolosheeda, taasina ay qayb ka ahayd sababta ay go’aankaas u qaadatay.
Si kastaba ha ahaatee, qof walba wuxuu leeyahay xaaladdiisa iyo duruufihiisa. Waxaan rajaynayaa in gabadhu Alle u noqoto oo uu Alle hanuuniyo, ninkana Alle ha ku hanuuniyo Islaamka, carruurtana Alle ha dhowro oo ha ku barbaariyo nolol wanaagsan, diin iyo akhlaaq.
Ugu dambayn, qurbuhu fursado badan ayuu leeyahay, laakiin haddii qofku ka fogaado diintiisa iyo qoyskiisa, waxaa iman kara dhibaatooyin aan sahlanayn. Alle ha inoo dhowro ubadkeenna, hana inoo hagaajiyo qoysaskeenna. Aamiin.
FG: Gabadhan Waxay ku nooshahay Minneapolis MN.