Galsan TV

Galsan TV Here at GALSAN TV, facts are sacred, critical thinking is celebrated, and the pursuit of truth is unwavering.

Waxaan ahay Weriye Madaxbanaan oo aan Dowlad iyo Koox Midna aan u shaqeyn

Musharax Abdishakuur Mohamed oo ka qaybgalay StartupBREW FargoFargo, North Dakota – Agoosto 20, 2025 – Musharax Abdishak...
20/08/2025

Musharax Abdishakuur Mohamed oo ka qaybgalay StartupBREW Fargo

Fargo, North Dakota – Agoosto 20, 2025 – Musharax Abdishakuur Mohamed, oo ku tartamaya xilka Minnesota House District 4A, ayaa maanta ka qaybgalay madasha hal-abuurka ee StartupBREW Fargo, oo sanad walba lagu qabto magaalada Fargo ee gobolka North Dakota. Madashan ayaa ah mid muhiim ah oo lagu dhiirrigeliyo ganacsiyada yaryar iyo kuwa cusub ee gobolka.

Musharax Abdishakuur ayaa xusay in markii uu 2019 ku bilaabay Soma Employment Solutions, madalihii ugu horreeyay ee uu fikradihiisa ku soo bandhigay ay ahayd 1 Million Cups, oo hadda noqotay StartupBREW Fargo. Halkaa ayuu ka dhisay xiriir iyo kalsooni uu ganacsigiisu ku koray.

Musharax Abdishakuur wuxuu sheegay in StartupBREW ay tahay goob ay aasaasayaashu ku kulmaan, sheekooyinka lagu wadaago, iyo tamarta ganacsiga oo bulshada horumarisa. Waxa uu balan qaaday in aragtidaas uu ku hagi doono olohiisa, isagoo abuuri doona fursado iyo taageero loogu talagalay ganacsiyada yaryar iyo aasaasayaasha cusub ee District 4A.

Kulankan ayaa sidoo kale ahaa fursad uu Musharax Abdishakuur kula kulmay hoggaamiyeyaasha iyo saaxiibada ganacsiga, kuwaas oo ay ka mid yihiin Andrew Jason, Grand Farm Ecosystem Director, Brian Carroll, Chief Operating Officer & Co-Founder of Grand Farm, Jenny Sheets, iyo dad kale oo badan, taasoo muujinaysa muhiimadda madalaha noocan oo kale ah ee kobciya hal-abuurka iyo iskaashiga ganacsi.

Musharax Abdishakuur Mohamed ayaa ku booriyay bulshada in la sii wado dhiirrigelinta ganacsiyada yaryar, hal-abuurka, iyo fursadaha horumarineed, isaga oo aragtidiisa ku saleynaya in District 4A uu noqdo meel ay bulshada iyo ganacsiyada cusub si buuxda u kobciyaan.
Galsan TV

Delta, United Airlines  sued for selling windowless 'window seats'Galsan TV
20/08/2025

Delta, United Airlines sued for selling windowless 'window seats'Galsan TV

20/08/2025

Imisa dagaal ayuu Madaxweyne Trump si dhab ah u soo afjaray.

Gobol ka tirsan dalka Malaysia oo xabsiga dhigaya dadka salaadda Jimcaha tukan waaya. Mas'uuliyiinta gobolka Terengganu ...
20/08/2025

Gobol ka tirsan dalka Malaysia oo xabsiga dhigaya dadka salaadda Jimcaha tukan waaya.

Mas'uuliyiinta gobolka Terengganu ee dalka Malaysia ayaa digniin ku bixiyay in xabsiga la dhigi doono ragga Muslimiinta ah ee aan kasoo xaadirin salaadaha Jimcaha, iyada oo aanay jirin sabab la aqbali karo oo ay u joogaan.

Dadka markoodii ugu horraysay dambiga lagu helo ayaa sidoo kale mutaysan doona 2 sanno oo xadhiga iyo ganaax lacageed oo dhan 3,000 Ringgit una dhiganta 710 doolarka Maraykanka, haddii aanay jirin sabab cad oo ay salaadda uga baaqdaan.
Galsan TV

Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Syria, Asaad Al-Shibani, uu Salaasadii s...
20/08/2025

Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Syria, Asaad Al-Shibani, uu Salaasadii shalay kula kulmay magaalladda Paris wafdi ka socday Israel, oo ay ka wada hadleen xoojinta xasiloonida Gobalka iyo Koonfurta Syria.

Wadahadallada u dhexeeyay dhinacyada Israa’iil iyo Suuriya ayaa diiradda lagu saaray in xiisadda la dejiyo iyo in aan la faragelin arrimaha gudaha ee Suuriya, sida ay sheegtay SANA.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu arkay doodo ku saabsan dib-u-soo-nooleynta heshiiskii 1974-tii ee Israa’iil iyo Suuriya ay kala tageen, kaas oo abuuray aagga Qaramada Midoobay ee buuraha Golan.
Galsan TV

Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa soo sheegay weerar weyn oo Ruushku qaaday habeenimadii isniinta iyo subaxnimadii talaada...
20/08/2025

Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa soo sheegay weerar weyn oo Ruushku qaaday habeenimadii isniinta iyo subaxnimadii talaadada — duqeymihii ugu waynaa ee habeenimo muddo todobaadyo ah - ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Ukraine Zelenskyy uu magaalada Washington kula kulmay madaxweyne Trump iyo hogaamiyayaasha Yurub.
Galsan TV

19/08/2025

Diphtheria cases,and deaths have risen sharply this year in Somalia.

Saxaafadda dalka Austria waxay maanta qorayaan sidan:Nin Soomaali ah oo 26 sano jir ah, oo tarxiil suge ahaa, kuna jiray...
19/08/2025

Saxaafadda dalka Austria waxay maanta qorayaan sidan:
Nin Soomaali ah oo 26 sano jir ah, oo tarxiil suge ahaa, kuna jiray xabsi laga tarxiili lahaa (Meel tarxiil dartiis loogu hayay) ayaa galabtii Jimcadii lasoo dhaafay sheegay in caloosha si aad u xun looga hayo.
Waxaa soo raacay askar, waxaa la geeyay Isbitaal lagu magacaabo LKH Hochsteiermark oo ku yaalla magaalada Leoben ee gobolka Steiermark ee dalkaasi Austria.

Isbitaalka dhexdiisa markii dhaqtarka loo geeyay wuu diiday in horay laga baaro, wuxuu sheegay inuu u baahan yahay marka koowaad suulliga inuu galo. Kaddib halkaas ayuu ku baxsaday ayadoo saraakiishii waday ay u maleynayeen inuu suulliga weli ku jiro.

Waxay dareemeen inuu u cararay dhanka xarunta tareemada laga raaco ee magaaladaasi Leoben.

Isla markiiba warkiisa ayay hawada geliyeen, ciidamo kale oo badanna way wacdeen, gawaari badanna way direen, 30 daqiiqo ayay joojiyeen tareemadii, baaritaan adagna way sameeyeen.

Balse way waayeen, wayna soo qaban waayeen ninkii Soomaaliga ahaa.

Galabtii Jimcada ayuu arrinka dhacay, illaa iyo hadda oo Arbaco ay soo galayso ninka waa la raadinayaa, waana la la' yahay weli.
Saacad kahor sidaas waxaa qorayay saxaafadda dalkaas.
Galsan TV

19/08/2025

"Waxaa Sharaf ii ah in Samafalayaashu ay 40% Haween yihiin, Si gaara bayna noo taabaneysaa" Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul insaanka Waqooyi Bari Suhuur Faysal Barre

19/08/2025

Ha'yadda Horseed ayaa qayb ka ahayd Xuska Maalinta Bini’aadanimada Aduunka 19August.

Meedad Daadsan Saxaraha Libiya Ayaa La Soo Shegay In Eey Somalia Yihiin.Waxeey U Dhinten Haraad Iyo Gaajo AUN.Galsan TV
19/08/2025

Meedad Daadsan Saxaraha Libiya Ayaa La Soo Shegay In Eey Somalia Yihiin.
Waxeey U Dhinten Haraad Iyo Gaajo AUN.
Galsan TV

Address


Telephone

+252688728422

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Galsan TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Galsan TV:

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share