
01/06/2025
Kulan hordhac ah oo loogu sii gogol-xaadhayo Shirweynaha 2aad ee Xisbiga Barwaaqo oo furmay saaka.
Fagaarahan wada xaajoodka hoggaaminta Xisbiga Barwaaqo oo halku-dheg looga dhigay "Dhaqan ka sarreeya weedh ama fikir", oo loogu gogol-xaadhayo Shirweynaha 2aad ee Xisbiga Barwaaqo ayaa ka qabsoomay madasha kulamada ee Mac'hadka Maareeynta iyo Adeegga Shacabka DDS.
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar oo ka hadlay fagaarahan ayaa si qoto-dheer uga warramay waxqabadka taabo'galay ee xisbiga talada Dalka haya ee Barwaaqo iyo jihooyinka hadda la raacayo iyo Qorsheyaasha Miiska Saaran