10/16/2026
Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga horyimid jadwalka doorashooyinka ee uu shaaciyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isaga oo ku tilmaamay tallaabo hal dhinac ah oo aan loo marin habraacyada sharciga ah.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in go’aanka guddigu uu dhaliyay walaac la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka, isaga oo su’aal geliyay sharciyadda jadwalka la shaaciyay iyo habraacyadii loo maray. Wuxuu ku adkeystay in arrimaha doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah ay u baahan yihiin hannaan sharci ah oo waafaqsan dastuurka dalka.
Khilaafkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha siyaasadeed ee ku saabsan nooca doorasho ee Soomaaliya yeelan doonto iyo sida loo xaqiijin karo heshiis siyaasadeed oo ay dhinacyada kala duwan ku wada qanacsan yihiin. Mowqifka Shariif ayaa sidoo kale muujinaya kala aragti duwanaanshaha ka dhex jira hoggaanka siyaasadeed ee dalka ee ku aaddan hannaanka doorashooyinka soo socda.