06/17/2026
kawaran haddii nabigeena Muxammad joogi lahaa hadda?
Si daacad ah lagu weydiiyo, “Muxuu samayn lahaa Nabi Muxammad (NNKH) haddii uu wajihi lahaa xaalada Gaza?”, jawaabtu waxay noqon lahayd mid aad u cad oo culus: wuxuu abaabuli lahaa ciidan difaac ah, wuxuuna ka dhigi lahaa isdifaaca waajib.
Wuxuu u istaagi lahaa dadka la xasuuqayo, ma uusan mashquulin lahayn fariimo baraha bulshada lagu qorayo, mana uu ka welweli lahayn waxay ka fikiri doonaan dadka caddaanka ah ree galbeedka ee dimoqraadiyadda sheegta. Ma uusan u dhiibi lahayn oo iska ilaalin lahayn in laga xanaajiyo Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Waxa uu kala dhax istaagi lahaa kuwa la dilayo ito kuwa wax laynaya si uu dadka u badbaadiyo.
Nebi Muxammad (NNKH), markuu wajahayaay baabi'inta dadkiisa, ma uu amrin samir iyo cambaarayn baraha bulshada Twitter, Facebook iyo youtueb. Ma uusan ku fariisan rooggiisa isagoo ducaynaya oo sugaaya cadaalad alle intay samada ka imanaysa. Wuxuu isku abaabulay ciidan Wuuna isdifaaci lahaa. Wuxuu ka dhigay waajib in dadka raacsan ay iska caabiyaan dulmiga.
Quraanka laftiisu wuxuu si cad u farayaa waajibkaas:
*"Maxaa dhacay oo aad inaad la dagaalami weydeen jidka Eebbe iyo kuwa la dulmiyay ee ah rag, dumar iyo caruur oynaya, 'Eebbow naga soo bixii magaalada dulmi lagu hayo!'” (Quraanka, 4:75)
Tani ma aha fasiraad xagjir ah ama xad dhaaf ah. Waa aragti ku jirta asalka diinta Islaamka: jihaadka isdifaaca waa waajib marka umad lagu hayo xasuuq ama dabar goyn. Nebi Muxammad (NNKH), difaaca dadka tabarta daran uma uusan arkin wax la dooran karo ama la iska dayn karo. Waxay ahayd wax dhab ah Waxay ahayd difaac hubaysan, Waxay ahayd mid aan laga gorgortami karin.
Kani waa maqaal lagu baahiyey wargaysta caan ah ee middle East.
Turjumay ✍️ Abdihalim Hillaac