09/28/2025
Dumarka Aqligooda Heerarka uu soo Maro.
Muhiimada koowaad ee dumarku iska ilaaliyaan marnaba ma noqdo nin faqiir ah, Laakiin Nolasha ayaa u run sheegta, Dumarku waxaa ku dhaca isbedelo kala duwan.
Gabdha marka ay u dhexeyso (15~25)
-Aniga Ayaa aduunka ugu qurxoon
-Aniga nin ii qalmo maba arko
-Naag uu qarash ku baxay ayaan ahay.
-Gabdh wax baratay ayaan ahay.
-Nin dhinac kasta ka dhisan ayaan rabbaa.
-Wiilasha secandaryga dhigta iyo kuwo iyaga aan shaqo haysan suit isaga xaragooda ayey dhawacyo culus u geystaan.
NOTE: Xilligaan weli aad indhaha gabdha uma soo furmin siddaasi darteed filashooyinkoodii ayaa aad u badan.
-------
Marka ay gaarto inta u dhexeysa (25~35)
-Qof daacad ah ayaan rabbaa
-Laakiin dhaqaale ahaan Normal ah.
-keliya Xasilooni iyo Nolal ayaan rabbaa
-Guri in aan dhisto ayaan rabbaa...
-Nolasha waa isfaham.
-Lacag loogama tago qof.
-Xilligani filashooyinkeedii XASILOONI, GURI BUUXA, DHAQAALE AHAAN FADHIYA STABLE AH oo aysan helayn darteeed in lasoo furo ayey u badan tahay, Ama ilaa Levelka sare ay uga gudubto Nolashani mowjadaha leh ayey ku qanceysa kaddibna Groupka dhaha "Guurku waa Stress ayey ku biireysaa".
NOTE: Waxaa ay ku jirtaa xilligii qaangaarka maskaxeed, Laakiin ma dhamestirmanin.
----------
Marka ay gaarto inta u dhexeysa (35~40)
-Ninkaaga adeec u hogaansan.
-Ciriiriga ugu sabar, Dhib ha uga tagin.
-Haddii uu lacag haysanin adiga ugu dar.
-Nolashu waa ubad iyo wax isku darsi.
-Nabaradii iigu soo dhacay Allaha gabdhaha kale haka badbaadiyo.....
Maamooyinka iyaga oo la qabo haddana Extra dukaamo khudaar ama shaah ku iibiya suuqyada , Nolashani in ay suuqa wax ku iibiyaan si ay biil uga helaan Iyaga oo 20 sano jir ah shaqadani ma bilaabin kumana aysan riyoonin iyaga oo 35 sano ka wayn ayey bilaabeen shaqooyinkani marka ay Nolasha dhabta ah soo fahmeen. Maamooyinkani ulama joogaan nimankoodii Romantic ahaan ee waxaa ay ula jeedaan hab AQLI GAL AH STRATEGIC LOGICALLY ah oo dhinac weliba ka miizaaman, Nin aysan xiise u qabin iskala noolyihiin.
-----------
Laakiin Kolkani casharadii ay Nolasha kasoo barteen MAAMOOYİNKANİ si qaldan ayey u comment gareeyaan. Hab cuqdad ay ku jirto oo kale ayey gabdhaha ugu soo gudbiyaan booskii loo baahnaa si waafaqsan waaqica Nolasha farqiga u dhexeeya ''XAQİİQADA İYO RİYADA'' uma sheegayaan. Maamooyinkani booskii ay, Gabdhaha wacyigoodii sare u qaadi lahaayeen wixii ay kasoo barteen Nolasha waxaa ay ka doorbidanayaan in ay dhahaan "Nin Faqiir ah ka fogow...." Gabadha yar wax iyada u fiican uma sheegayso way lugoynaysaa kaddibna Silsilada Markale ayey soo noqoneysaaa.
DUMARKA İYAGA AYAA İS LUGOYN İSUGU FİLAN lol😁.
Raggu iyaga oo yaryar ayey Xaqiiqada Nolasha lasoo qabsadaan iyo dhibka, Maskaxdoodii dhankani way ka kortaa laakiin dumarku jaaniskani ma haystaaan, Xalka ugu fiican ee ugu wanagsan dumarka: Waa keliya in ay adeecaan Ninka masuulka ah ee loo amaanay ee daacada ah +In ay sabraaan dhib iyo dheefba. Laakiin gabdh kasta challanges-kaan k**a soo bixi karto ilaa kuwa u alle u naxariistay dad wanaagsanna ka dhashay.
Qoray ✍️ - Abdirashid Ahmed