Dulmi Diid

Dulmi Diid dulmiga rabi ma jeclo

10/18/2025

Ixtiraama dumarka waayo waa idin dhaleen waana idinla dhasheen waana dhasheen una dhaxdeen
Dulmi Diid

10/17/2025

Laba qof waligaa ma ilaaweysid, yeey yihiin labadaas..
Dulmi Diid

10/17/2025

🚍 go'aan qaadashada waa guul:

Abdiasiiz tuni sheegoow,
Muddo 15 sano ah ayuu baska cas ee London waday — roob iyo qorrax, subax iyo galab. Maalin ayuu makarafoonka qabsaday oo yiri:

> “Maanta waa maalintaydii ugu dambeysay darawal ahaan. Waad ku mahadsan tihiin inaad qayb ka tihiin safarkayga.”

Waxaa dhacay sacab diirran.
Laakiin safarkiisu halkaa kuma joogsanin…

Ninkii darawalka ahaa, oo aan lahayn GCSEs, maanta waa cilmi-baare PhD ah oo ka tirsan London South Bank University, kana shaqeeya sirdoonka artificial-ka ee basaska! 🤖

Fariintiisu waa mid keliya:
Meel kasta oo aad ka bilaabato, horumar waa suuragal.
Ha joojin barashada. 🌟


Dulmi Diid

10/16/2025

Waxaa la raadinayaa ehelka Amiin Sheikh Cabdi Sheikh Xasan, oo ku nool London, UK.

🔹 Aqoonsigiisa & Qoyska uu sheegay:

Wuxuu sheegay in uu ka soo jeedo Reer Ow Xasan

Hooyadiis: Faadumo Xaaji Isaaq Hilowle (Ogaden, Cawlyahan)

Walaashiis (ku hooyada ah): Sahro Xasan Murusade Foolculus

Eedadiis: Kaaho Sheikh Xasan

Qof kasta oo ka tirsan reer Ow Xasan ama garanaya ninkan iyo qoyskiisa, fadlan ha caawiyo Hana la xiriiro ehelkiisa.

đź“© Ciddii xog ka haysa ama garaneysa, fadlan hoos ha ku soo qorto ama fariin gaar ah ha soo dirto.

Fadlan SHARE dheh si fariintan ay u gaarto dadka laga yaabo inay garanayaan.
Mahadsanidiin 🤲
Dulmi Diid

10/15/2025

Duqda caadi ma ahan,, waxay ka Soo hartay reer magaaalkii h**e
Dulmi Diid

Ganacsade Cabdiweli Xasan oo maalgelin KSh 65 bilyan ku samaynaya mashruuc ballaaran oo 60-acre ah gudaha Tatu City, Ken...
10/14/2025

Ganacsade Cabdiweli Xasan oo maalgelin KSh 65 bilyan ku samaynaya mashruuc ballaaran oo 60-acre ah gudaha Tatu City, Kenya

NAIROBI, Kenya — Ganacsadaha Soomaaliyeed Cabdiweli Maxamed Xasan, aasaasaha Business Bay Square (BBS) ee Nairobi, ayaa helay oggolaansho uu ku maalgelinayo mashruuc isku-dhafan oo dhan KSh 65 bilyan (qiyaastii $503 milyan) oo ku fidsan 60 acre gudaha Tatu City Special Economic Zone (SEZ).

Mashruucu waxa uu noqon doonaa mid dhanka magaalo-dhiska ah, wuxuuna ka koobnaan doonaa:

Guryo dabaqyo leh

Xarumaha ganacsi iyo dukaamo

Xafiisyo

Warshado / bakhaaro

Iskuullo

Jardinooyin iyo meelo cagaaran

Masaajid

Adeegyo kale oo bulsho
Dhamaan qaybahaas waxaa lagu xiri doonaa kaabayaasha casriga ah ee Tatu City.

Qiyaastii 30 acres — kala bar mashruuca — ayaa loo qorsheeyay inay noqoto meel cagaaran si looga faa’iideysto bilicda deegaanka iyo in la dhiirrigeliyo nolol waarta.

Howlaha dhismaha waxaa la bilaabi doonaa sanadka soo socda, waxaana mashruuca lagu dhammeystiri doonaa muddo 10 sano ah.

Cabdiweli Xasan ayaa sheegay in mashruucani uu astaan u yahay jihada horumarineed ee magaalooyinka — taas oo ka guureysa xarumaha magaalada ee ciriiriga leh, kuna wajahan in la abuuro bulshooyin isku dhafan oo ku habboon in la shaqeeyosto la ciyaaro, lana ganacsado.

Tatu City, oo ah magaalo istiraatiiji ah oo leh SEZ, ayaa h**ey u soo jiidatay maalgashi ballaaran waxaana ka jira shirkado sida Naivas, Heineken, NCBA iyo kuwo kale.

Saameyn & Fursado:

Mashruucu wuxuu ballanqaadayaa in uu xoojiyo koboca hantida ma-guurtada ah (real estate) gudaha Kenya.

Abuurista fursado shaqo intii lagu guda jiray dhismaha iyo howlgallada mashruuca.

Horumarinta deegaanka Tatu City oo noqonaya mid ka mid ah meelaha maalgashiga ee ugu casrisan Bariga Afrika.

Korodhka awoodda soo jiidashada maalgashadayaasha gudaha iyo dibadda.
Dulmi Diid

Ha u laaban meel h**e oo farxad kugu reebtay…Mararka qaar xusuustu waa dabin qurux badan oo kugu hogaaminaya meel aanay ...
10/14/2025

Ha u laaban meel h**e oo farxad kugu reebtay…
Mararka qaar xusuustu waa dabin qurux badan oo kugu hogaaminaya meel aanay jirin farxaddii aad rabtay.

Wax walba way is beddelaan — dadka, goobaha, iyo adigaba. Ma tihid qofkii h**e, mana noqon doonaan sidii ay ahaayeen wixii tagay.

Waqtigu wuu socday, wuu is beddelay, wuuna dhamaaday wax walba oo markaas ku farxad gelin jiray.
Noloshu waa safar… waddooyin cusub ayaa ku sugaya, wejiyo cusubna qaddarku kuu qoray.

Ha ku dhegin wixii tagay — ku kalsoonow in waxa soo socda ay ka qurux badan yihiin wixii kaa tegay. 🌿
Dulmi Diid

10/14/2025
Gabar soomaliyeed oo loo guuriyay nin gaal ah ok Mexican ah waxaana ku Daray baadirad   Dulmi Diid
10/13/2025

Gabar soomaliyeed oo loo guuriyay nin gaal ah ok Mexican ah waxaana ku Daray baadirad
Dulmi Diid

Address

Dr Rogers
Minneapolis, MN
56763

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dulmi Diid posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share