11/10/2026
Salaan dhammaan shacabka reer Waqooyi Bari, gaar ahaan bulshada aan ku metelo Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Waxaan in muddo ah ka shaqaynaynay sidii loo mideyn lahaa dhammaan dadka ku nool deegaannada Waqooyi Bari, waxna looga qaban lahaa arrimaha bulshada, amniga, siyaasadda iyo guud ahaan baahiyaha muhiimka u ah nolosha iyo horumarka bulshada.
Haddaba, dadaalladii aan muddoyinkan wadnay waxaa ugu dambayn suuragashay in beelaha gobollada Sanaag iyo Haylaan ay saamigooda ka helaan Ciidamada Qaranka, gaar ahaan Taliska Qaybta 26-aad.
Fursaddan oo aan muddo dheer sugaynay, waxaa ku guuleystey Gaashaanle Dhexe Cabdiraxman Cawad Baalcadde oo ah nin dhallinyaro ah oo tababar sare leh, isla markaana aan isku degmo ka soo jeedno, kaas oo loo magacaabay Taliyaha Qaybta 26-aad ee Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Waxaa xilkan loogu soo xulay aqoontiisa, kartidiisa iyo waddaniyaddiisa, waxaana loo igmaday shaqo qaran oo ka mid ah waajibaadka ugu muhiimsan ee dalkeennu maanta u baahan yahay. Anagana waxay noo tahay sharaf aad u weyn in mid ka mid ah labeenta dadkeena xilkaa qaran loo magacaaabo, waana uga mahadcelineynaa Madaxda Qaranka iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.
Hase yeeshee, waxaa nasiib darro ah in Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi Bari, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, halkii uu soo dhoweyn lahaa magacaabistan, uu ka horyimaado, khilaafna ka abuuro, taas oo keeni karta kala qaybsanaan bulshada dhexdeeda ah iyo in dad ehel ahi ay isku dhacaan. Arrintaasi waxay dhaawac u geysan kartaa wadajirka bulshadeenna iyo guud ahaan dadka reer Waqooyi Bari, waxayna horseedi kartaa cawaaqib aan wanaagsanayn.
Sidaas darteed, waxaan cambaaraynayaa tallaabooyinka uu qaaday Madaxweyne Ku-xigeenku ee sababay khilaafka iyo kala qaybsanaanta bulshada. Waxaan sidoo kale ka soo horjeedaa in hay’adaha amniga la siyaasadeeyo, lana hor istaago dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkooda wax u soo bartay, diyaarna u ah inay qarankooda u adeegaan.
Waxaan ugu baaqayaa Madaxweyne Ku-xigeenka inuu joojiyo tallaabooyinka dhibaatada iyo kala qaybsanaanta ku keenaya dadka iyo deegaanka. Haddii uu ku sii adkaysto tallaabooyinkan, mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhasha isaga ayaa qaadi doona.
Mahadsanidin,
Xil. Axmed Siciid Faarax “Madaale”
Laascaanood, Waqooyi Bari