Kaaraamardha Tv

Kaaraamardha Tv Kaaraamardha TV is a Kenyan-based online media platform focusing on East and Horn of Africa politics and current affairs.

Fahad Yaasiin oo qodobka 7-aad ee War-murtiyeedkii shirkii Kismayo ku micneeyay foosto lagu riixay Md Xassan Sheekh.“War...
12/20/2025

Fahad Yaasiin oo qodobka 7-aad ee War-murtiyeedkii shirkii Kismayo ku micneeyay foosto lagu riixay Md Xassan Sheekh.

“Warmurtiyeedka Kismaayo waxaa ka muuqata bisayl iyo khibrad ay culeyska u leexiyeen dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh”.

0Qodobka 7aad wuxuu Madaxweynaha kala dooran siinayaa ajandaha siyaasadda iyo ajandaha qaranka”.

“Tan koowaad, inuu noqdo Madaxweynihii ugu dambeeyeay Jamhuuriyadda 3aad, taariikhdana ku galaya kala irdheynta iyo kala tagista Soomaalidii midaysnayd. Laba doorasho hadday dalka ka qabsoonto waa jab ay adag tahay in dib loo soo kabto”.

“Tan labaad waa Inuu noqdo Xasankii 2015 oo uu dalka isku hayo, oo doorasho heshiis lagu yahay qabto. Ajandaha qaran ee maanta waa inuu gogol ku baaqaa oo miiska wadahadalka soo fariistaa”.

Kaaraamardha Tv

Sawirada xafladda xiritaanka shirkii Golaha Mustaqbalka ee Magaalada Kismayo.Kaaraamardha Tv
12/20/2025

Sawirada xafladda xiritaanka shirkii Golaha Mustaqbalka ee Magaalada Kismayo.

Kaaraamardha Tv

War-murtiyeedka Shirka Kismayo.Kaaraamardha Tv
12/20/2025

War-murtiyeedka Shirka Kismayo.

Kaaraamardha Tv

12/20/2025

Kooxda Baambayda Oo Xafladda Shidaaya

Hoolka Daawad ay goordhow ka bilaaban doonaan khudbadaha Hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqablka iyo War-murtiyeed culus.Kaa...
12/20/2025

Hoolka Daawad ay goordhow ka bilaaban doonaan khudbadaha Hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqablka iyo War-murtiyeed culus.

Kaaraamardha Tv

12/20/2025

DEG DEG Xil.Xassan Firimbi''Xassan Sheekh Iyo Kooxdiisa Waa Mayd Socda Waqtigiina Waa Ka Dhammaaday''

12/20/2025

Xil.Daahir Jeesow''Madaxweyne Axmed Waxaan Kala Kulmay Farxad Iyo Tanaasul''

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa miiska saaran wax yar kadib Insha Allah.Kismayo, Jubaland, Somalia.Kaaraamardha Tv
12/20/2025

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa miiska saaran wax yar kadib Insha Allah.

Kismayo, Jubaland, Somalia.

Kaaraamardha Tv

Musharax Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Dr Mukhtaar Muhumed Sayid ayaa Magaalada Melmbourne kula kulmay Jaa...
12/20/2025

Musharax Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Dr Mukhtaar Muhumed Sayid ayaa Magaalada Melmbourne kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia.

“Waxaan magaalada Melbourne ee dalka Australia kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, kulan si heer sare ah loo soo agaasimay oo muujinayay midnimo, wacyi siyaasadeed iyo dareen wadaniyadeed”

“Kulankan ayaa ahaa fursad muhiim ah oo aan si toos ah ugu dhegeysto aragtida, talooyinka iyo walaacyada ay qabaan walaalaheenna qurba-joogta ah ee door muuqda ku leh horumarka iyo dib-u-dhiska dalka”.

“Intii kulanku socday, waxaan jaaliyadda la wadaagay himiladayda siyaasadeed, aragtidayda hoggaamineed iyo qorshayaasha aan u dejiyay sidii Soomaaliya looga saari lahaa marxaladda adag ee ay ku jirto, gaar ahaan dhinacyada nabadda, midnimada qaranka, caddaaladda, dowlad-wanaagga iyo horumarinta adeegyada bulshada”.

“Waxaan si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hoggaan ku dhisan daahfurnaan, isla-xisaabtan iyo wada-tashi dhab ah”.

“Sidoo kale, waxaan si qoto dheer u dhegeystay talooyinka qiimaha leh ee ay jeediyeen xubnaha jaaliyadda, kuwaas oo la xiriiray doorka qurba-joogta ee go’aan-qaadashada, ka-qaybgalka dhismaha hay’adaha dowladda iyo sidii loo heli lahaa dowlad loo dhan yahay oo u adeegta danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, waxaan uga mahadceliyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Melbourne soo dhoweynta diirran, waqtiga iyo dadaalka ay geliyeen kulankan, anigoo ballan-qaaday in wada-shaqeynta, la-tashiga iyo xiriirka joogtada ah ee aan la yeelan doono qurba-joogta ay noqon doonaan tiir muhiim u ah hoggaamintayda mustaqbalka”.

Insha Allah.

Kaaraamardha Tv

Xeebta Liido Ee Magalaada Kismayo Iyo Saaka.Kaaraamardha Tv
12/20/2025

Xeebta Liido Ee Magalaada Kismayo Iyo Saaka.

Kaaraamardha Tv

12/19/2025

DEG DEG Maxaa Kajira Qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Ee Shirka Kismayo?

12/19/2025

''Dadka Soomaaliyeed Waxaan U Sheegayaa Gogosha Kismayo Waa Gogol Nabadeed''Qaar kamid Ah Ka Qaybgalayaasha Shirka

Address

4505 Nathan Lane N
Plymouth, MN
55442

Telephone

+254725013717

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kaaraamardha Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Kaaraamardha Tv:

Share