Lughaya TV

Lughaya TV Wargelin,
Waxbarid,
Waxsheeg,
Maaweelin iyo murti ugu imo boggayga Saxardiid Xaashi Ardaale is responsible this page .

Xamse Maxamed Cige ( kile ) oo ah Macalin  Wax ka dhigay Dugsiga Hoose Dhexe ee Awnuur Boorama ayay Maanta oo Sabti ah L...
10/03/2026

Xamse Maxamed Cige ( kile ) oo ah Macalin Wax ka dhigay Dugsiga Hoose Dhexe ee Awnuur Boorama ayay Maanta oo Sabti ah Laga Qaaday Dugsigii uu Macalinka Ka Ahaa
Waxaana Qaaday Gaadhi ay Wateen Ciidanka Sirdoonka Somaliland Sida ay noo Xaqiijiyeen ilo ku Dhow ehelkiisa
Xamse ayaan ilaa hada la Garanayn halka La Geeyay ama Lagu hayo hayb ahaana waxa uu ka Soo Jeeda beesha muusafiin.

Wariye Faysal Muuse

10/03/2026

Cajiib: Daawo isuduwaha wasarada beeraha gobolka Awdal oo wacdaro kadhigay garoonka Xaaji Daahir oo maanta kooxda wasarada beerihu ku ciyaareysay.

10/03/2026

"Muqdisho hoog iyo halaag ayaa yaala, wasiir ayuub wuxuu rabaa inuu Borama dumiyo"

Alfanaan Farxaan Xidig oo ah murashax u taagan golaha wakiilada Somaliland

Lughaya TV

10/03/2026

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane Xasan Daahir Xaddi(Xasan-Ciid)Gudoomiyaha Degmada Boorama Maxamuud Sh.Ibraahim Ayaa kulan la yeeshay Iskuduwayaasha laamaha Dawladda Ee Gobolka Awdal kulankani ayaa lagu Falaan qeeyey Habsi u socodka Hawlaha shaqo ee gobolka Awdal iyo sidii meel looga Soo wada jeesan lahaa Horumarka Gobolka.....

DEG DEG: Waxa hada La siidayay 6 Dhalinyaro oo Reer Boorama oo 25 Cisho in ka badan u Xidhnaa sirdoonka Hargaysa.dhaliny...
10/03/2026

DEG DEG: Waxa hada La siidayay 6 Dhalinyaro oo Reer Boorama oo 25 Cisho in ka badan u Xidhnaa sirdoonka Hargaysa.

dhalinyaradan oo Xamar ka soo Laabtay ayaa la qaqabtay.

10/03/2026

Dawlada u awoodi weyday 4000 dollar dhalinyaada Ciyaaraha, miyaa laga sugayaa dhismaha garoonka diyaarada Borama??

10/03/2026

Waxaanu Nahay Ragii Shalay Calanka Dejiyey Maantana tiibaa lawadaa.
Dhaliyarada Sportiga Gobolka Awdal oo ka cabanaya Madaxdii ku matalaysay Somaliland.

10/03/2026

DEG DEG: Guri ay leedahay Beesha ree Dudub ayaa ku gubtay degmada Xariirad.

Dhalinyaro iyo aqoonyaanka degmada Xariirad ayaa fariin u diray bulshada.

Lughaya TV

Dagaallo Cusub oo dhimasha iyo dhaawac  sababay oo ka dhacay Magaalada Tacis ee Dalka Yemen Saacadihii ugu dambeeyay ee ...
10/03/2026

Dagaallo Cusub oo dhimasha iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Magaalada Tacis ee Dalka Yemen Saacadihii ugu dambeeyay ee maanta.

Dagaallo xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda Yemen iyo Asarullah Al-Xuuti Ayaa saacadahii ugu dambeeyay kadhacay Magaalada Tacis oo dhacda koonfur-galbeed Yemen ayaa sababay dhimashada tobonaan qof.

24kii saac ee ugu dambeeyay ayaa lasoo wariyay dhimashada labada dhinac inaay gaartay 76 qof sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan labada dhinac oo la hadlay AFP.

Dagaalku ayaa ka socdaa dhowr jiho oo ku yaal agagaarka Magaalada Tacis, Xuutiyiinta ayaa doonaya inaay gacanta kudhigaan magaalada Tacis oo weli gacanta ay ku haysa dowladda uu sucuudiga taageero.

Ilo wareedyo militari oo ka tirsan dowladda Yemen ayaa u sheegay AFP in Xuutiyiintu ay qarxiyeen buundo yar oo ku taal waddada kaliya ee isku xirta Tacis iyo Cadan, oo ah xarunta dowladda ku meel gaarka ah ee Yemen, taasoo keentay in gaadiidka ukala goosha labada magaalo ay istaagaan taas oo saameyn kuyeelatay Ciidamada dowlada oo go'doon ku ah Tacis.

Go'taanka wadadaan ayaa horseedeysa inaay adkaata in sahay la gaarsiiyo Ciidamada Dowlada waana sida ay doonayaan xuutiyiinta.

Ciidamada dowladda Yemen ayaa ku sheeay inay qaadeen 474 duqeymood oo dhanka cirka ah oo lagu beegsaday Goobaha Dagaalka ee ay kusugan yihiin militariga Xuutiyiinta 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Duqeymaha ugu badan ee ay qaadayaan Sucuudiga ayaa laga fuliyaa aag magaalada Tacis oo ay ka dagaalamayaan Xuutiyiinta si culeyska weerarka uu ugu yaraada ciidmada dowlada hasayeeshee taasi waxba k**a badalin xuutuyiinta waxaana muuqata inay horumar kasameynayaan goobaha dagaalka waloow magaala Tacis maalma badan la isku horfadhiya.

Mohamed Koronto.

10/03/2026

Caasimada gobolka Selel ee Saylac oo siradan saaka.

Maxaad kula talin lahayd ree Saylac???

Address

Saint Paul, MN

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Lughaya TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Lughaya TV:

Shortcuts

Share