11/13/2025
4000-5000$ qofka shaqeeya iyo sida ay uga baxda
700 -1200$ kiro guri.
300-500 caysmiska gaariga.
800-1200$ cunto.
700-1000$ hadii aad gaari qaadatay waana sida badan
50-65$ telefan.
400-700$ caymis caafimaad.
150-200$ shidaal
1000-3000$, waxaa lagu taageeraa ehel.
Kuma darin:
1. Qaaraan
2. Sadaqa
3. Qof mar kugu soo dhaca
4. Qabrigii lagugu duugi lahaa oo Sanadkii mar la baxsha.
Hadii aan celcelis u sameyna, waxaa soo baxeysa inuu jira kala duwanaansha u dhaxeysa lacagta soo gasha iyo tan baxda, sidee ay ku xaliyaan?.
Waxey ku xaliyaan dhawr qaab oo kala duwan
1. In badan oo kamid ah waxeey heystaan CREDIT CARDS ka oo qaar ay ugu jirta 100kun- 10Kun oo doolar, lacagtaasi ayey isaga xaliyaan oo ah deyn iyo ribo wada socda ah oo qofkaan haduusan bixin deynta xiligii laga rabay, waxaa korayo lacag riba ah. Waxaa dhacda qofka kaararkaasi leh inuu noqda bad credits kadib markuu bixin waayo lacagtii deynta iyo ribada wada socday waana arin xanuun badan.
2. Deymo uu ka qaato ehelkiis ama saaxiibo.
3. Shirkadaha xawaaladda oo marar badan iga xali la yiraahda.
4. Ayuuto ayuuto ku gud.
Taasi waa noolasha iskaabulada, waxaa kuu soo haray qoysaska, ayagu qarashkoodaa waa 10000$- 13000$. Waa sababka diiday in la qaato vaccinations, waa sababka diiday caruurta in la dajiya xaafadaha uu hooseeya dambiyada oo leh nidaam waxbarash oo tayo leh, waa sababka loo shaqeeya saacado tiro badan, waa sababka isku buuqa badan keena, waa sababka qoysaska u burburaan, waa sababka wax barashada carqaladeeya, waa sababka gabdha badan oo Afrika jooga loo furay kadib markeey adkaatay in loo tago, waa sababka dad badan ay u jaraan dadkii dad ugu xigay.
F.G: sidaasi waa sida guud, waxaa dhici karto tiro aad iyo aad u yar ineey ka baxsadaan shabaqaan qoorta u wada suran.
Xigasho: Cali Adam