Clicky

Sadiiq Axmed Rashiid

  • Home
  • Sadiiq Axmed Rashiid

Sadiiq Axmed Rashiid waxan ahay wiil farxad jecel waxaa arki dontaa in sha alah , ciyaaraha , siyaasadda , waxii aad jeceshihiin .

Operating as usual

Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa Madaxda DFS ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan dibad uu qayb ka ahaa oo lagu rasaaseeyay...
19/02/2021

Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa Madaxda DFS ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan dibad uu qayb ka ahaa oo lagu rasaaseeyay Muqdisho. 👉 https://bit.ly/3dv9Ze2
.

Banaanbaxayaal ay hogaaminayaan Xasan Cali Kheyre, C/kariin Xuseen Guuleed, C/raxmaan C/Shakuur, Xildhibaan Mahad Salaad...
19/02/2021

Banaanbaxayaal ay hogaaminayaan Xasan Cali Kheyre, C/kariin Xuseen Guuleed, C/raxmaan C/Shakuur, Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow, Xildhibaan Odowaa ayaa ka Socda Wadada Xiriirisa KM4 iyo Garoonka Aadan Cadde.
.

Deg Deg : Cabdiraxman Cabdishakuur iyo dhalinyaro uu hogaaminayo ayaa go’aan ku qaatay inay lug ku tagaan Daljirka Daahs...
19/02/2021

Deg Deg : Cabdiraxman Cabdishakuur iyo dhalinyaro uu hogaaminayo ayaa go’aan ku qaatay inay lug ku tagaan Daljirka Daahsoon iyagoo wata Boorar looga soo horjeedo Madaxweynaha waqtiga uu ka dhacay ee Farmaajo.
.

19/02/2021

wariyaasha ku soo qoraayo Baraha Bulshadda wararka Been Abuurka iyo waxii shacabka cabsi galinaayo ha iska joojiyaan , mar walbo saxafadda markii laga hadlaayo waxaa uu horayso Runta in la sheego , wararka loo soo gudbinaayo dadweynaha , waa in la iska hubiyaa ma been baa mise Run .

ha isku dayin labada dhinac la jidho Dowladda mise mucaarad , wariyaha wanagsan waxaa lagu yaqanaa in uu dhaxdhaxad ka noqdo, labadda dhinac oo midna uu janjeerin hadii uu ka helo wararka uuna soo qoraa si cadaalad ku sallaysantahay .

mar walbo wariyaasha ha eegeen danta , dalka , diinta , Allow noo hagaaji wadankeena .

waxii intaasi ka sii dheer oo aad aqoon uu ladahay waa ku sii dari kartaa su,aasha is weydiin mudan waxay tahay .

sidee ku heli kartaa wariyaal wanagsan iyo siyaasiyiin fiican ee jumco mubarik ?.
.

19/02/2021
Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa joojisay isu socodka Gaadiidka Waddooyinka Magaalada Muqdisho. 👉https://bit....
19/02/2021

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa joojisay isu socodka Gaadiidka Waddooyinka Magaalada Muqdisho. 👉https://bit.ly/3blpqmw.
.

19/02/2021

xiligan Rasaas baa socodo degmooyinka qaar magalladda muqdisho Allow Umadda kala badbaadi .
.

saan maxay tahay waxuu yidhi Dariinta ban soo qadanaa baa ka dhacday sidan oo kale waligiin ma aragteen . .
18/02/2021

saan maxay tahay waxuu yidhi Dariinta ban soo qadanaa baa ka dhacday sidan oo kale waligiin ma aragteen .
.

XAALADDA MUQDISHO EE GALABTA IYO MUUQAALKA DALJIRKADhoolatuska Murrashaxiinta ay galabta ku sameeyeen Taallada Daljirka ...
18/02/2021

XAALADDA MUQDISHO EE GALABTA IYO MUUQAALKA DALJIRKA

Dhoolatuska Murrashaxiinta ay galabta ku sameeyeen Taallada Daljirka Dahsoon waxay muujinaysaa labo arrimood:

1 - In Amarkii Dowladda ee ahaa shan qof ka badan iskuma imaan karaan in la jebiyay, dhegna aan jalaq loo siinin

2 - In Ciidanka Dowlada aanan la kaala xigin mucaarad iyo muxaafadba.
.

Farhan Jimale .

18/02/2021

Shariif Sheekh iyo banaanbaxa Beri.

Isxaaq Xasanow Iidow waa 12 jir ku nool xaafadda Waydow oo aan maanta kula sheekeystay iridka masjidka Marwaaz ee degmad...
18/02/2021

Isxaaq Xasanow Iidow waa 12 jir ku nool xaafadda Waydow oo aan maanta kula sheekeystay iridka masjidka Marwaaz ee degmada Xamarweyne.

Nolosha qoyskoodu waxay ku tiirsaneyd Cali Xasanow oo ah curadka qoyskooda, oo ku shaqeyn jiray bajaaj kiro ah oo uu nin kale ugu shaqeynayay. Wuxuu ii sheegay in ay 2 sano kahor waayeen walaalkiis Cali, loona sheegay in uu ka mid ahaa ciidan loo qaaday Eritrea. Ayna isku dayeen in ay arrinkaas xaqiijiyaan, balse ay waayeen cid ay kala hadlaan xaaladda wiilkooda oo aysan nolol iyo geeri midna ku ogeyn.

Bishii h**e ayay suuqa ka maqleen in ciidankii loo qaaday Eritrea la geliyay dagaalkii ka socday gobolka Tigray, taas oo walwal badan ku abuurtay qoyskooda, si gaar ahna hooyadiis oo uu curad u ahaa, aysanna helin cid ay wax ka waydiiyaan. Isxaaq wuxuu ii sheegay in ay ka qaybgaleen banaanbaxyo ay waalidiin badan dowladda uga dalbanayeen in ay meel ugu sheegto wiilashoodii, balse aysan wali dowladda jawaab ka helin.

Intii aan sheekeysanaynay ayaa waxaa meesha soo martay gabar facemask iibinaysa, wuxuuna ka gatay labo xabbo oo uu midkood xirtay. Waxaan waydiiyay sababta uu ugu baahan yahay fasemask, wuxuuna iigu jawaabay in isaga iyo hooyadii ay berri ka qaybgali doonaan bannaanbax ka dhacaya Daljirka Daahsoon, ayna xiran doonaan fasemask si ay uga gaashaantaan fayraska Coronavirus. Isxaaq wuxuu ii sheegay in uu jeclaan lahaa in berri fursad loo siiyo in uu fagaarahaas farriin uga diro Madaxweyne Farmaajo oo uu ka dalbanayo in uu meel ugu sheego nolosha iyo geerida walaalkiis Cali.

Isxaaq Xasanow markii walaalkiis la waynayay wuxuu dhiganayay Dugsi Quraan oo uu ka marayay suuradda Anfaal, balse hadda wuxuu galay booskii aabbenimo ee uu ka baxay walaalkiis Cali, wuxuuna qoyska ku biilaa shilimaadka uu caseeyaha ka soo helo.
.

W/Q Hussein Sabriye

Wasaaradda Caafimaadka Iyo daryeelka Bulshadda Waxa ay la wadaagaysaa Bulshadda Soomaliyeed Fariimaha Wacyi-galinta ee c...
18/02/2021

Wasaaradda Caafimaadka Iyo daryeelka Bulshadda Waxa ay la wadaagaysaa Bulshadda Soomaliyeed Fariimaha Wacyi-galinta ee caabuqa COVID-19 , oo maalmahaan dhibaato badan ku hayo Bulshadda Soomaliyeed.

1. Xiliyada kulamada isu imaatanka fadlan istcimaal AFXIRKA/ FasceMASk si ad u badbaadiso naftaada iyo dadk kale.

2. U Dhaqa Gacmahaaga si joogta ah si aad u yarayso faafida caabuqa COVID-19 oo ah jeermis dilaa ah , Fadlan u istcimaal gacmahaaga biyo nadiif ah iyo Shaambo/Saabuun si joogta ah maalin walba.
.

18/02/2021

Maxay ku kala duwan yihiin hargabka iyo xanuunka Corona ?
Drabdiwali Ahmed Hirey ayaa noo haya jawaabta.
.
.

DEG DEG: Sanbaloolshe oo ka hadlay Mudaharaadka la filayo in maalinta berri ah ka dhaco Muqdisho ayaa Yiri "Qof kasta oo...
18/02/2021

DEG DEG: Sanbaloolshe oo ka hadlay Mudaharaadka la filayo in maalinta berri ah ka dhaco Muqdisho ayaa Yiri "Qof kasta oo Muqdisho ku nool waa in uu saligiisa soo qaataa una soo tukadaa Barxada Daljirka Dahsoon, Banaan baxan waa kii lagu muuji lahaa Tabar yarida Rajiimka, awooda yar ee ismahadiyay"

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri "Ciidamada waxaan u sheegayaa waxa banaan baxaya waa Hooyooyinkiin, Aabayaalkiin, walaalihiin, waxa hogaaminayana, Waa madaxdii idiin soo xushay in aad qaranka u shaqeeysaan yaan been la idii sheegin"
.

Maxay kula tahay?
Hansare Media .

hadii lagu yiraahdo Hal Talo sii madaxweyne maxamed Abdullaahi Farmaajo maxay tahay maadama Berri in sha alah la filaayo...
18/02/2021

hadii lagu yiraahdo Hal Talo sii madaxweyne maxamed Abdullaahi Farmaajo maxay tahay maadama Berri in sha alah la filaayo in uu Bananbax dhaco Berri in sha alah maxay tahay Aragtidada .
.

Somaliland ayaa gabi ahaanba mamnuucdey isticmaalka lacagta kontonka doollar ah, kadib markii suuqa ay soo gashay lacag ...
18/02/2021

Somaliland ayaa gabi ahaanba mamnuucdey isticmaalka lacagta kontonka doollar ah, kadib markii suuqa ay soo gashay lacag been abuur ah oo $50 (Kontonka dollar ah), sida uu sheegay guddoomiyaha baanka dhexe Cali Ibraahim Baqdaadi.

Guddoomiyaha baanka dhexe waxa kale oo uu sheegay in ay dalbadeen mishiino aqoonsan kara lacagaha been abuurka ah.

Somaliland waxa kale oo ay sheegtay in lacagtani ay kasoo gashay dhanka Itoobiya, isla markaana kahor itoobiya ay lacagtani ka timid magaalada Muqdisho.
.

KHALID FOODHADHI FUNS .

Dawlada Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda kusugan magaalada Muqdisho ugu baaqday inay ka feejignadaan banaanbaxa looga so...
18/02/2021

Dawlada Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda kusugan magaalada Muqdisho ugu baaqday inay ka feejignadaan banaanbaxa looga soo horjeeda MD Farmaajo maalinta barri ah.
.

Maka mid tahay adiga Boqolaalka qof ee isku diyaariyey  ka qeybgalka banaanbaxa barita  ka dhici doona muqdisho. Diyaar ...
18/02/2021

Maka mid tahay adiga Boqolaalka qof ee isku diyaariyey ka qeybgalka banaanbaxa barita ka dhici doona muqdisho. Diyaar ma tahay barito in sha alah . Haa Ama miyaa aragtidaada maxey tahay?.
.

18/02/2021

.



By: Abdirahman Abdulaahi Osman.

Tartan adag, dooro wariyaha ugu wanagsan? Codkaaga commentiga kureeb. Like saar pageka. number ama magac waad kucodeyn k...
18/02/2021

Tartan adag, dooro wariyaha ugu wanagsan?

Codkaaga commentiga kureeb.
Like saar pageka.

number ama magac waad kucodeyn kartaa. share dheh si'uu dad kale ugaaro.
.

Deg Deg waxaa gordhaw magalladda muqdisho ku geeriyooday fanankii caan ka ahaa Faarax siidow Alaha uu naxaristo .
17/02/2021

Deg Deg waxaa gordhaw magalladda muqdisho ku geeriyooday fanankii caan ka ahaa Faarax siidow Alaha uu naxaristo .

17th February 2021: Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19  guud ahaan wadanka: 637o Laga Helay: 127o Bana...
17/02/2021

17th February 2021:
Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 637
o Laga Helay: 127
o Banadir: 126
o Hir-Shabelle: 1
o Lab: 73
o Dhedig: 54
o Dhimasho: 9
Tirada Guud ee Laga Helay: 5,500
Bogsashada Guud: 3,750
Dhimashada Guud: 172.
.

Waxaa qoray Cali-Yare Kuxigeenka maamulka Gobolka Banaadir.“Isbitaalka Martiini oo aan Galabta tagay waxaa yaala musiibo...
17/02/2021

Waxaa qoray Cali-Yare Kuxigeenka maamulka Gobolka Banaadir.

“Isbitaalka Martiini oo aan Galabta tagay waxaa yaala musiibo bin,aadamtinnimo oo balaaran, meydka ayaa ka buuxa bakhaar weyn oo xiga dhanka Badda waxaana is dabo-maraya gaadiidka gurmadka degdega ah.

Covid19 waa musiibo markale ay wajihi doonaan dadka Soomaaliyeed waana mid ka culus kii h**e”.
.

warsaxaafeed.
17/02/2021

warsaxaafeed.

WAR DEG DEG AH: Dawladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba joojisay kulannada dadweynaha, cudurka COVID19 agwii, sidaas waxaa...
17/02/2021

WAR DEG DEG AH: Dawladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba joojisay kulannada dadweynaha, cudurka COVID19 agwii, sidaas waxaa sheegay Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe.
.

Alaha unaxaristo Sheikh nuur Baaruud Gurxan oo xalay ku geeriyooday magalladda muqdisho .ehelkii iyo dhaman umadda sooma...
17/02/2021

Alaha unaxaristo Sheikh nuur Baaruud Gurxan oo xalay ku geeriyooday magalladda muqdisho .

ehelkii iyo dhaman umadda soomaaliyeed samir iyo imaan Alaha ka siiyo .
.

16/02/2021

Ra'iisul wasaare Rooble
Walaalayaal Aan iska jirno cudurka Corona Virus oo soo labakacleeyay.
Si aan u badbaadinno nafteenna, qoysaskeenna iyo guud ahaan dadkeenna aan raacno tilmaamaha Wasaaradda caafimaadka.
Badbaad oo Naf Badbaadi

Dadkeenna Allaha badbaadsho.
.

Ka taxatar cudurka covid-19 oo Raac Talloyinka dhakhaatirka,Allow naga badbaadi cudurkan Aduunka dhan ku baahay . .
16/02/2021

Ka taxatar cudurka covid-19 oo Raac Talloyinka dhakhaatirka,Allow naga badbaadi cudurkan Aduunka dhan ku baahay .
.

Murashax Madaxweyne Abdikarim Guled oo Shacabka Soomaliyeed ugu baaqay in ay ka soo qeybgalaan Banaanbaxa Nabadeed ee Ji...
16/02/2021

Murashax Madaxweyne Abdikarim Guled oo Shacabka Soomaliyeed ugu baaqay in ay ka soo qeybgalaan Banaanbaxa Nabadeed ee Jimcada ka dhacaya Muqdisho.

Naarta Jahanamo dusheeda Waxaa la saaray buunddo Lagu Magacaabo Siraadh 《 صراط》Oo Ah Jidkii Uu Mari Lahaa Qofka Rabo in ...
16/02/2021

Naarta Jahanamo dusheeda Waxaa la saaray buunddo Lagu Magacaabo Siraadh 《 صراط》Oo Ah Jidkii Uu Mari Lahaa Qofka Rabo in Uu Janno galo " Allow Na Amaanso.Aamiiin.😭😭

Sayidat Caa`isho ayaa Rasuulka CSW Weeydiisay Su"aashaan Waa Markii ay Soo dagtay Aayadan Cajiibka ah !!
《يوم تبدل الأرض غير الأرض والسماوات》:
Waxeey Ku tiri" Rasuulkii Allow Annagu Markaa Halkee Joogeeynaa Maadama Maalinkaa Dhulkii iyo Cirkii La badalayo?

Rsauulka CSW Ayaa Ku Jawaabay "Waxaan Saarnaan Doonaan Buundada Jahanamo Dusheeda "

Waqtigaa Aan Dulsaaranahay Siraadka dushisa Dhulka iyo Cirkane La badalayo Markaa Ayada ah Kaliya Sadax Goob ayaa banaan Ahaan doonto Oo Kala ah Jahanamo , jidka Siraadka iyo Janno.

Rasuulka CSW Waxaa Uu Yiri" Cidda Ugu H**eeyso Ee Ka Talaabi doonta Siraadka Jahanamo Waa Aniga iyo Umaddeyda
Umadda Ayaana Noqon doonto Umadda Ugu H**eeyso Ee Marida Siraadka bilaabi doontane Waa Umaddeyda"

❗ Hadaba Muxuu Yahay jidkaan Siraad Ama 《Buunadda》Jahanamo Dulmarta.⁉

1》 : Waxaa Uu Ka jilcee badan yahay Timaha
2》: Waxaa Uu Ka Af badan yahay Seefta
3》: Kaadida Diba Waa Uu Ka Qallooc badan yahay , Waligaa Ma aragtay Dib Kaadinaya.?

Jidka Siraadka Waa Goob Aad Madow badan Hoostiisa Waxaa Ku Yaallo Naarta Jahanamo Oo Ayadane Aad U Mugdi ah , Jahanamo Waxeey Ku Dhawaatay in ay Qaarkeed Qaarka Kale Halaagto Caro darteed.

Si `Aad Janno U Gaarto Waxaa Waajib Kugu ah Marka H**e in Aad Halkaan Jidka Siraad ah Dulmarto , Haddaad Ka Gudubto Waxaad Toos U Arki doontaa Daarihii Jannada insh allaah Lkn Yaa Ka Gudbi Karo .?!! Ma is Weeydiisay.

Allah Weeyn Haddii Uu Kuu Qoro inaad Ka baxsato Ka Talaawdo Halkaa Markaa Waxaad Arki doontaa Albaabadii Jannada iyo Dabaqyadii

Meel Ka Sokeeyso Jannada Waxaa Taagan Oo Kugu Sugayo Nabi Muxamed CSW Aad Jecleed Wadadiisa Raacday , Kuna Sallin Jirtay
Ceeb ayeey Kugu tahay Halkan Markaad Mareyso in Aad Ku Salli Weeyso Xabiibkeenna CSW💔..✍

Qof Walba Dambigiisii Uu H**e U Soo galay ayaa Waxaa Looga dhigayaa Sida Jawaano Ciid ah , Culeeyskaa ayuu La dhaqaaqi Waaynayaa Haddii Aad Cuslaato Waa kugu dhib inaad Bad baado Halaag ayaadne Qarka U Saaran tahay.

Haddii ay Kuu fududaato Waxaad Ugu gudbi doontaa Sida Hillaaca Oo Kale

❗《Manaafuqiinta iyo gaalada Dadka Dambiyada badan Maxaa Keenayo in ay Ugu dambeeyn Ku dhacaan》.?

Siraadka Waxaa Uu Leeyahay Biro Oo U Eg Kawa Kawaanada Hilibka La Surto Ee Soo qaroofan Birahaas Waxeey Qab Qabsanayaan Dambigaga

Dadaalka Nabi Muxamed CSW Uu Halkaa Ka Wado Ma ahan mid Yar Maxaa Yeelay Marka Aad Halkaa Taagan tahay isaga Dhinaca Kale ayuu Kaaga Soo duceeynayaa Waxaa Uu Leeyahay " Rabbiyow Umaddeyda bad baadi :

Adoonka Halkaa Socda Waxaa Uu daawanayaa Qaar Ka Mid ah Dadkii Horsocday Oo Hoobtay Jaranjarta Ka dhacay Qaar Sii Daba gadoomayo

Waxaad Halkaa Ku Arkeysaa Hooyadaa, Aabahaa , Walalaaha, Lkn Dan K**a Lihid💔

Sayidat Caa`isho Markii ay intaa Maqashay Waa ay iska Ooysay Waxeey tiri Oo Miyaanu Isasoo Xasuusaneyn Aabayaasheena.? !

Rasuulka CSW Waxaa Uu yiri" Xabiibka Xabiibkisa Kale Sadax goob ayuu Ku Soo Xasuun Kara Oo Kaliya Waa Goobta Miizaanka , jidka Siraad, iyo Marka Kitaabka Qof Walba Gacanta Laga Saarayo "

Ee Sabra War Hooy Ku Sabra Aduunka Fidnadiisa Aan La Jihaadno Nafteena Wllo.
اللهم اجعلنا ممن يعبر الصراط بسلام ؛؛

Hadaad dhameysatay Qoraalka Kusalli Nabi Muxamed SCW. siina faafi. Hadey kugu Saliga Nabiga iska dhaaf.
Ahmed Osman .

Waxaa Qorey Danjire Yusuf GaraadShan su’aalood oo ku saabsan Bannaanbaxa Jimcaha.Marka h**e Afeef iga hoo.Xushmad iyo qa...
16/02/2021

Waxaa Qorey Danjire Yusuf Garaad

Shan su’aalood oo ku saabsan Bannaanbaxa Jimcaha.

Marka h**e Afeef iga hoo.

Xushmad iyo qaddarin weyn ayaan u hayaa murashixiinta damacooda sheegay ee raba in ay u tartamaan Madaxtinnimada dalka. Waa howl adag oo dhafar, daal iyo kharash badan oo inta bandan ku dhammaata guuldarro. Waan yara dareemi karaa culeyskaas oo h**e ayuu ii soo maray.

Waxaan si gaar ah xushmad ugu hayaa Madaxweynayaashii iyo Raiisal Wasaarihii h**e.

Waxaan caddeynayaa in aanuu jirin Hoggaamiye siyaasadeed oo aan kala tashaday iyo mid aan isla ognahay qoraalkan.

Bannaanbaxa nabadeed ee ay madasha Murashixiintu ku baaqday in uu Jimcaha ka dhaco fagaaraha Dalkjirka Dahsoon ee Muqdisho, ayaa igu dhaliyay su’aalo dhowr ah. Waxaan is tusay halis aan is leeyahay hadda waa laga baaqsan karaa.

Mid kastaa waxay ku saabsan tahay, sida aan is iri, halis hadda laga baaqsan karo.

Bannaanbaxa waxaa yoolkiisa lagu sheegay in la doonayo in lagu muujiyo in aan shacabka Muqdisho ka raalli ahayn in ay sii joogto Dowladda oo xilligeedii uu dhammaaday.

Waxaan goostay in aragtideyda shakhsiga ah oo kooban aan la wadaago murashixiinta iyo Dadweynaya Soomaaliyeed siiba kuwa Muqdisho.

Marka laga soo tago xoogsatada faraha badan ee danyarta ah oo qaarkood waayi doono dakhligooda maalinlaha ah, waxaa jiri karta halis amni oo aan la sahashan karin.

Dadweyne ay horkacayaan Madaxweynayaal h**e, oo goor iyo goob la shaaciyay oo fagaare ah ku ballansan, Allah k**a dhigee, sow halis uma aha qaraxyada iyo weerarrada noocyada kale ah ee ka dhaca Muqdisho?

Haddii taas laga nabadgalo, waxaa jirta halis labaad oo amni.

Waa haddii ciidanka murashixiinta ilaalinaya iyo ciidanka waddooyinka fadhiyaa
ay kala shakiyaan. Waa haddii uu midkood uu falalka midka kale u fasirto in ay yihiin daandaansi u baahan in laga falceliyo ama ugu yaraan la is hortaago.

Labada ciidan waxay ka wada tirsan yihiin ciidanka Qaranka, dhar isku nooc ah ayay ku lebbisan yihiin, waxay fuushan yihiin gaadiid isku nooc ah, waxayna sitaan hub iyo rasaas isla mid ah.

Murashixiintu ma hayaan si ay u baajin karaan in labada ciidan uu dhex maro iska horimaad hubeysan?

Labadaa qodob waxay igala culus yihiin ujeeddada Bannaanbaxa.

Amniga k**a baxsana oo waxaa lagu jiraa xilli uu Muqdisho ku laba kacleeyay Covid-19.

In dad badani ay goob isugu soo baxaan miyaaneey sahli karin sii faafidda cudurkan laayaanka ah?

Aan u soo laabto danta ay murashixiintu ka leeyihiin bannaanbaxa.

Maaddaama la og yahay in Bannaanbuxu aanuu shacabka ka imaan ee ay Murashixiintu ku dhaliyeen, abaabulayaanna, ma muuqataa si uu wax uga beddeli karo mowqifyada hadda la kala joogo?

Waxaas oo dhami waxay dhacayaan iyada oo uu maanta billowday shir hordhac u ah shir kale oo laga yaabo in uu isla Jimcaha ama maalmaha xiga ku dhawaaqo si’ iyo goor la isla oggol yahay oo doorashadu ay qabsoonto.

Ugu dambeyn, sow ma mudna in maalmo fara ku tiris ah laga warsugo wadahadlka uu hordhiciisu maanta ka billowday Baydhowa?

Waxaan hubaa in murashixiinta ay ka mid yihiin qaar iga khibrad iyo aqoon badan. Waxaan hubaa in ay talada h**e u gorfeeyeen, haatanna ay rogrogi doonaan. K**a filayo in iyaga oo wadajira ay ku dhaqaaqi doonaan fal ay halis uga imaan karto dadweynaha Muqdisho iyo guud ahaanba Soomaaliya.
.

Gaarigaan oo looga shakisan yahay Qarax ayaa yaallo isgoyska Xaaji baasto oo u dhow shaqaalaha!Fadlan ka digtoonaada mar...
14/02/2021

Gaarigaan oo looga shakisan yahay Qarax ayaa yaallo isgoyska Xaaji baasto oo u dhow shaqaalaha!

Fadlan ka digtoonaada marista jidkaas inta laamaha ammaanka ka xaqiijinayaan.
.

ISKA ILAALI QALADAADKAN XILLIGA SALAADDA.Iska jir Qaladaadkaan, waxey sababi karaan in la Aqbali waayo Salaaddaada. 1- I...
14/02/2021

ISKA ILAALI QALADAADKAN XILLIGA SALAADDA.

Iska jir Qaladaadkaan, waxey sababi karaan in la Aqbali waayo Salaaddaada.

1- Inaad meel Nijaaso ah ku Weyso qaadato sida Musqusha oo ay Nijaasadi kugu soo Fanfaniinto.

2- Inaad hadasho intaad Weyso qaadaneyso.
Ogoow, Hadalka wuxuu soo galayaa waxyaabaha karaahida ah xilliga weysada, waa hadli kartaa lkn waa karaahiyo hadduu hadal bilaa faa'iido ah yahay.

3- Inaad Wejiga biyaha ku Shushubto oo aad gacanta marmarinin.

4- In aadan Biyaha Weysada gaarsiinin meelihii loo baahnaa in la dhaqo oo aad ka tagtid meelaha qaar, Waxaa waajib ah inaad 1 jeer dhaqdo, lkn waxaa suno ah inaad dhaqdo 3 jeer waayo waa sunno Nabiga CSW, aan kaga dayaneyno in Saddex jeer aan dhaqno xubnaha weyso qaadka.

5- Inaad Ciribta iyo faraha dhexdooda gaarsiinin biyaha, oo aadan si fiican u dhaqin.
Rasuulka CSW, wuxuu yiri:-
(ويل للأعقاب من النار)
Taasoo ah in dadka aanan si fiican u dhaqin lugta lafta dhinaca ka soo buuran illaa iyo Ciribta ay Naar muteysanayaan.

6- Gabar haddaa tahay waa khalad inaad Dukato ayadoo Tintaada iyo Lugahaaga feydan yihiin ama banaan yihiin, Lugahaaga Astur, Tintaadana Astur.

7- Salaadda xiligeeda inaad wax kale isaga mashquusho oo xili dambe dukato mar ay kaa tagtay ayadana Allaah ma Aqbalaayo.

8- Haddaa qof walaalkaa ah la dagaashan tahay, Labadiina acmaashiina iyo Saladdiina madaxa ma dhaafayaan oo lama Aqbalaayo illaa aa ka heshiisaan.

9- Hadduu Ninkaaga kaa Careysan yahay oo Adeecistiisa aad diiday ama wuxuu ku faray aad diiday oo uu Seexday, asagoo kaa careysan Salaadaada madaxaaga ma dhaafeyso oo la Aqbali maayo.

FIIRO GAAR AH.

1- Markaa weysada bilaabeyso Bismillaah dheh.

2- Markaa weysada dhameyso dheh:-

(أشهد أن لا إله إلا الله وأشهد ان محمد رسول الله اللهم اجعلني من التوابين واجعلني من المتطهرين).
Qofkii dhaha markuu weyso qaato ka dib, wuuxuu Allaah u furayaa 8 da Albaab ee jannada midkuu doono ayuu ka galayaa.

3- Markaad kaligaada dukaneyso Hortaada dhigo Shey ama Wax, maadaama hortaada la marmaraayo, hana ogolaanin in uu Qof dul maro Saliga aad ku dukaneyso ama inta u dhexeyso meesha aa ku taagan tahay iyo meesha aa ku Sujuudeyso.

للحديث الصحيح يقول ﷺ: (إذا صلى أحدكم إلى شيء يستره من الناس فأراد أحد أن يجتاز بين يديه فليدفعه، فإن أبى فليقاتله فإنما هو شيطان).
.

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

Address

Arimaha Bulshadda Iyo Siyaasadda . Iyo Diinta Islaamka , Waxii Wanagsan Halkan K

Opening Hours

10:00 - 23:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sadiiq Axmed Rashiid posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos