Somali National News Agency - SONNA Somalia

Somali National News Agency - SONNA Somalia Welcome to Somali National News Agency Sonna Somalia. www.somalinewspaper.com

WARARKA MAANTA: 31ka Oktoobar 26, 2025Su’aalaha Maanta: Maxay ka qortay Warbaahinta caalamka  Madaxweye Mudane Xassan “D...
10/31/2025

WARARKA MAANTA: 31ka Oktoobar 26, 2025
Su’aalaha Maanta: Maxay ka qortay Warbaahinta caalamka Madaxweye Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” oo xaday dhaqaallaha shacabka Soomaaliyeed? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Dan-Qaran”? Yaa koobi ku shaqeeynaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Meeqo mashruuc oo been ah ayaa beesha caalamka laga saxiixday oo aan weli xisaabtooda la helin? Yaa warbaahinta qasbay inaysan soo gudbin?Maxaa ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? 1. Waa diiday inuu sameeyo 2. Waa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah 3. Waa diiday inuu dalka u sameeyo lacag Soomaali mar labaad asagoo Madxweyne ka ah dalka ? 4. Waa diiday inay Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada si wada-jir ah u shaqeeyaan 5. Waa diiday inuu mucaaradka si fiican ula dhaqmo 6. Waa diiday in shacabka la caawiyo, waxuuna ugu daray barakicin iyo dhac joogta ah 7. Waa diiday inay labada aqal si wada-jir ah u shaqeeyaan si ay ula xisaabtamaan xukuummadda 8. Waa diiday inuu hantida dadweynaha si sharciga waafaqsan u naadiyo 9. Waxay Dowladda Soomaaliya ku soo uruurtay qoyskiisa iyo in yar oo luflufka ka hara xadaaya 10. Waxuu hadda raadinayaa muddo koroorsi laba sanno ah! Ha wiqleyso!
Puntland Oktoobar 31, 2025 Puntland ayaa gabi ahaanba joojisay mushaharkii iyo raashinkii ay siin jirtay ciidamadii ka howlgalayay gobollada Sool iyo Cayn, kaddib markii deegaanadaas ay noqdeen maamul madax-bannaan oo lagu magacaabo Waqooyi Bari.
Ilo-wareedyo la hadlay HOL ayaa sheegay in go’aankan uu ka dhashay caro ay qaaday Puntland, kaddib markii qaar ka mid ah ciidamadii iyo saraakiishii ku sugnaa gobolladaas ay ku biireen maamulka cusub, isla markaana ay diideen inay ku shaqeeyaan awaamiirta dowladd goboleedka Puntland.
Ciidamada laga joojiyay mushaharka waxaa kamid ah kuwo hoos yimaada madaxweyne ku-xigeenkii h**e ee Puntland, Axmed Karaash, oo kamid ah siyaasiyiinta door weyn ku lahaa dhismaha maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Saraakiisha ciidamadaas ayaa dhawaan kulan la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor, oo kasoo jeeda gobolka Sool, iyagoo ka codsaday in uu wax ka qabto go’aanka lagu joojiyay mushaharkooda iyo raashinkooda.
Waxay sheegeen in muddo saddex bilood ah aysan helin wax mushaar iyo raashin ah, isla markaana ay ka fiirsanayaan tallaabooyin ay qaadaan, oo ay ku jirto in ay jidgooyooyin dhigtaan haddii aan laga jawaabin cabashadooda.
Dhawaan ayay ahayd markii maamulka Puntland uu sidoo kale mushaarkii iyo adeeggii ka goostay ciidanka guutada Danab oo uu hoggaamiyo Gen. Jimcaale Jaamac Takar, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku xiran yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Carta Djibout Oktoobar 31, 2025 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in la joogo waqtigii Soomaaliya ay si buuxda uga gudbi lahayd nidaamka 4.5, kaas oo uu ku tilmaamay mid waqtigiisii dhammaaday, islamarkaana caqabad ku ah dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan sinnaanta iyo cadaaladda.
Madaxweynaha oo ka hadlayay arrimaha siyaasadda iyo dib-u-habaynta nidaamka dowladeed, ayaa xusay in nidaamka 4.5 uu Soomaaliya kusoo caana maashay, balse uu ahaa xal ku-meelgaar ah oo lagu soo gudbay xilli adag oo dalku burbursanaa.
“4.5 wuxuu yimid maalin aysan Soomaalidu waxba haysan, wuxuuna ahaa xal labo sano ku-meelgaar ah oo lagu soo gudbo, Laakiin waqti dheer ayuu naga soo qaatay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in si loo dhaafo nidaamkaas ay lagama maarmaan tahay in laga saaro siyaasadda danaha shakhsiga iyo qofka, isagoo sheegay in qofku is beddeli karo, balse waddanku u baahan yahay in la abuuro nidaam mideeya ummadda oo ku dhisan hufnaan iyo cadaalad.
“Si aan uga gudubno 4.5 waa in aan meesha ka saarno siyaasadda qofka, Soomaaliya maanta waxay qaaday wadadii toosnayd ee dunida, si ay ula jaanqaado nidaamyada casriga ah ee dawladnimada,” ayuu raaciyay Madaxweynaha.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkaan maanta ka jeediyay Magaalada Carta oo ah meesha lagu soo unkay nidaamka 4.5 kadib shir weyne dib u heshiisiineed oo Dowladda Jabuuti ay ugu qabatay qabaailka Soomaaliya si loogu dhiso Dowlad KMG ah.

Enjoy the videos and music that you love, upload original content and share it all with friends, family and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA: 30ka Oktoobar 26, 2025Su’aalaha Maanta: Maxaa ka cusub  ,   oo muddo kororsi la isku yeertay Madaxweye M...
10/30/2025

WARARKA MAANTA: 30ka Oktoobar 26, 2025
Su’aalaha Maanta: Maxaa ka cusub , oo muddo kororsi la isku yeertay Madaxweye Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” Iyo Madaxweyne Mudane Ismaaciil “Kaligii-Talis”? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Dan-Qaran”? Yaa koobi ku shaqeeynaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Meeqo mashruuc oo been ah ayaa beesha caalamka laga saxiixday oo aan weli xisaabtooda la helin? Yaa warbaahinta qasbay inaysan soo gudbin?Maxaa ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? 1. Waa diiday inuu sameeyo 2. Waa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah 3. Waa diiday inuu dalka u sameeyo lacag Soomaali mar labaad asagoo Madxweyne ka ah dalka ? 4. Waa diiday inay Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada si wada-jir ah u shaqeeyaan 5. Waa diiday inuu mucaaradka si fiican ula dhaqmo 6. Waa diiday in shacabka la caawiyo, waxuuna ugu daray barakicin iyo dhac joogta ah 7. Waa diiday inay labada aqal si wada-jir ah u shaqeeyaan si ay ula xisaabtamaan xukuummadda 8. Waa diiday inuu hantida dadweynaha si sharciga waafaqsan u naadiyo 9. Waxay Dowladda Soomaaliya ku soo uruurtay qoyskiisa iyo in yar oo luflufka ka hara xadaaya 10. Waxuu hadda raadinayaa muddo koroorsi laba sanno ah! Ha wiqleyso!
UK 30ka Oktoobar 26, 2025 Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa digniin adag u dirtay maraakiibta ganacsiga ee isticmaala marin-biyoodka u dhow xeebaha Soomaaliya, kaddib markii lagu arkay dhaqdhaqaaqyo shaki leh oo ay sameynayeen doonyo shiraac ah, kuwaas oo la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin shabakadaha tahriibinta ee ay taageerto Iran.
War-saxaafadeed ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in la helay warbixin ku saabsan dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn oo ka dhacay badda u dhow magaalada Garaacad, oo qiyaastii 106 mayl badeed u jirta magaalada Eyl.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in ciidamada deegaanka ay qabteen mid ka mid ah labada doon ee la tuhunsanaa, halka tan kale ay baxsatay.
UKMTO waxay sheegtay in baaritaannada socda ay ku saabsan yihiin arrintaas, iyadoo ku boorrisay dhammaan maraakiibta ganacsiga ee maraya biyaha u dhow xeebaha Soomaaliya iyo kuwa gobolka inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, ayna si degdeg ah ugu soo wargeliyaan dhaqdhaqaaq kasta oo shaki leh xafiisyada UKMTO ama xafiiska howlaha badda ee Soomaaliya.
Warbixino amni oo dhowaan soo baxay ayaa tilmaamaya in doonyahan lagu tuhunsan yahay inay qayb ka yihiin shabakad tahriibin ah oo hub iyo daroogo u gudbisa kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, taas oo xiriir dhow la leh Iiraan.
Sidoo kale, xogahaasi waxay muujinayaan in ay sii xoogeysaneyso iskaashiga u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab, oo ah laanta Al-Qaacidda ee Soomaaliya.
Khubarada amniga ayaa sheegaya in maadaama la adkeeyay kormeerka iyo la-dagaallanka tahriibka tooska ah ee u dhexeeya Iran iyo Yemen, shabakadaha ay maamulaan Iiraan, Xuutiyiinta, iyo Al-Qaacidda ay u wareegeen isticmaalka xeebaha Soomaaliya iyo Suudaan, si ay uga dhigtan meel dhexe oo loogu sii gudbiyo hubka iyo daroogada taasoo muujinaysa halis cusub oo ku soo korortay amniga badda gobolka.
Jubbada Hoose 30ka Oktoobar 26, 2025 Ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland oo garab ka helaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgalo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada is kaashanaya ayaa howlgalada si gaar ah uga sameeyay deegaanada kala ah Qoraxey, Siirey, Farbulaay, Turdho, Yiirey, Janaale Jaay iyo Maleyley, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Jamaame.
Howlgaladaan laga fuliyay deegaanadaan dhowrka ah ee ka tirsan Jubbada Hoose ayaa lagu dilay ilaa 18 xubnood oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana sido kale lagu dhaawacay 32 kale oo kale, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay maamulka Jubbaland.
Howlgaladaan oo ahaa kuwa isugu jiray cir iyo dhul ayaa sidoo kale ciidamadu waxay ku burburiyeen godad ay ku dhuumaalaysanayeen kooxda Al-shabaab oo ku yaalay dhulka howdka ah.
Ciidamada Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa maamukka Jubbaland ayaa inta badan si wadajir ah deegaanada Jubbaland uga fuliya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
UK 30ka Oktoobar 26, 2025- Nin Soomaali ah oo magangalyo doon ah, kana diiwaangashan afar dal oo Yurub ah, ayaa qirtay inuu dilay mulkiilaha maqaayad ku taallay magaalada Derby ee dalka Ingiriiska, kaasoo lagu toogtay gudaha bangi ku yaalla bartamaha magaalada bishii May.
Haybe Cabdiraxmaan Nuur, oo 47 jir ah, ayaa qirtay inuu dilay Gurvinder Singh Johal intii lagu jiray maxk**adayntiisa oo ka dhacday Derby Crown Court bishii Agoosto, waxaana shalay lagu sii dhageystay xukunkiisa halkaas oo lagu soo bandhigay muuqaallo CCTV ah oo muujinaya weerarka.
Weerarku wuxuu dhacay 6-dii May abbaaro 2:32 duhurnimo, wax ka yar laba saacadood kaddib markii Nuur uu wacay hay’ad samafal oo taageerta muhaajiriinta, isagoo ku hanjabay inuu dili doono 500 qof ka hor inta uusan isdilin.
Ninkaan ayaa h**ey codsigiisa magangalyada loo diiday afar maalmood gudahood kadib markii la ogaaday in uusan lahayn sabab sharci ah oo uu magangelyo ku dalbado, maaddaama uusan ahayn qof la tahriibiyey. Waxaana lagu soo rogay xabsi magangalyo ah oo mamnuucaya inuu shaqeeyo.
Dacwad oogaha ayaa sheegay in ninkan uu h**ey uga galay dambiyo badan dalal Yurub ah ka hor inta uusan gaarin Ingiriiska. Dalka Talyaaniga, waxaa lagu xukumay hal sano oo xabsi shuruudaysan ah bishii May 2023 kaddib markii lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin dhaca, weerar dhaawac keenay iyo iska caabin boolis.
Booliiska Faransiiska, Luxembourg, iyo Jarmalka ayaa sidoo kale xabsiga dhigay dambiyo fudud sida xatooyo dukaameed, inkastoo aanu ku xukunmin dalalkaas.
Muqdisho 30ka Oktoobar 26, 2025 Nidaam cadaaladeed oo isla xisaabtan leh ayaa muhiim u ah xaqiijinta sareynta sharciga Soomaaliya oo dhan – khubaro dhanka asluubta ah oo ka socotay UNTMIS ayaa dhowaan ka taageeray Wasaaradda Caddaaladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kulan ay isku soo dubarideen waaxda cadaaladda dembiyada ee Dawlad Goboleedka xubinta ah Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa ka soo qaybgalay 17 daneeye oo ka kala socday Wasaaradda, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, Booliska, Asluubta iyo Ururka Qareenada si ay uga doodaan arrimaha ay kamid yihiin ciriiriga xabsiyada, waxaana la sameeyay xalal wax ku ool ah oo wax looga qabanayo caqabadaha la ogaaday.
Muqdisho 30ka Oktoobar 26, 2025 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabad lagu xusayo 25-sano guuradii ka soo wareegtay Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee lagu qabtay magaalada Carta sanadkii 2000.
Shirkii Carta ayaa lagu xasuusan doonaa aasaaskii Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, isla markaana wuxuu saldhig u noqday dib u soo noolaynta hay’adihii dowladeed ee dalka kaddib burburkii sanadkii 1991.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa martigelinaya munaasabadda, waxaana uu ku maamuusay madaxda Soomaaliyeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah ee ka qeybgalaya xuskan taariikhiga ah iyo daahfurka xarunta cusub ee Dib-u-heshiisiinta Geeska Afrika, oo loo bixiyay Taallada Nabadda ee Carta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo dalka Jabuuti kulamo gaar ah la qaadan doona Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxda kale ee sare ee dowladda Jabuuti, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xiriirka labada dal, iskaashiga amniga iyo ganacsiga.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo munaasabadda xuska, isaga oo kaga hadli doona guulihii iyo casharradii ay Soomaaliya ka dhaxashay shirkii dib-u-heshiisiinta Carta, iyo sida uu u horseeday dowladnimo casri ah oo ku dhisan midnimo iyo wadajir.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA: 29th Oktoobar 26, 2025Su’aalaha Maanta: Maxay ku fashilantay xukuummadda “Dan-Qaran”? Yaa koobi ku shaqe...
10/29/2025

WARARKA MAANTA: 29th Oktoobar 26, 2025
Su’aalaha Maanta: Maxay ku fashilantay xukuummadda “Dan-Qaran”? Yaa koobi ku shaqeeynaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Meeqo mashruuc oo been ah ayaa beesha caalamka laga saxiixday oo aan weli xisaabtooda la helin? Yaa warbaahinta qasbay inaysan soo gudbin?Maxaa ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? 1. Waa diiday inuu sameeyo 2. Waa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah 3. Waa diiday inuu dalka u sameeyo lacag Soomaali mar labaad asagoo Madxweyne ka ah dalka ? 4. Waa diiday inay Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada si wada-jir ah u shaqeeyaan 5. Waa diiday inuu mucaaradka si fiican ula dhaqmo 6. Waa diiday in shacabka la caawiyo, waxuuna ugu daray barakicin iyo dhac joogta ah 7. Waa diiday inay labada aqal si wada-jir ah u shaqeeyaan si ay ula xisaabtamaan xukuummadda 8. Waa diiday inuu hantida dadweynaha si sharciga waafaqsan u naadiyo 9. Waxay Dowladda Soomaaliya ku soo uruurtay qoyskiisa iyo in yar oo luflufka ka hara xadaaya 10. Waxuu hadda raadinayaa muddo koroorsi laba sanno ah! Ha wiqleyso!
Muqdisho 29th Oktoobar 26, 2025

Muqdisho 29th Oktoobar 26, 2025 Xisbiga Social Democrats ee dalka Sweden ayaa u gudbiyay Wasiirka Socdaalka, Johan Forssell, guddiga dastuuriga ah ee baarlamaanka si loo baaro eedeymo ku saabsan lacag lagu sheegay in dowladdiisu ay siisay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo fududeeyo tarxiillada muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Warbixin uu daabacay wargeyska Dagens Nyheter (DN) ayaa lagu sheegay in dowladda Sweden ay bixisay 5 milyan oo krona (qiyaastii nus milyan dollar ah), lacagtas oo la sheegay in lagu wareejiyay saddex mas’uul oo sare oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Afhayeenka arrimaha dibadda ee Xisbiga Social Democrats, Morgan Johansson, ayaa ku tilmaamay lacagtaas “musuq toos ah” iyo “lacag laaluush ah” oo lagu siiyay “dowlad Islaami ah,” sida uu hadalka u dhigay.
Hase yeeshee Wasiirka Socdaalka Johan Forssell ayaa iska difaacay eedeymaha, isagoo sheegay in heshiiska uu ahaa “is-kaashi muhiim ah” oo loogu talagalay in lagu hubiyo in dembiilayaasha khatarta ah dib loogu celiyo dalalkooda hooyo.
Forssell ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in lacagtaas aysan ahayn gargaar bani’aadamnimo, balse ay qayb ka ahayd iskaashi u dhexeeya dowladda Sweden iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Qaramada Midoobay.
Wasiirka ayaa sheegay in tirada dadka lagu tarxiilay dalalkooda ay korortay 60% tan iyo markii xukuumaddiisu talada qabatay, inkasta oo uusan caddeyn tirada dadka si gaar ah loogu celiyay Soomaaliya.
Muqdisho 29th Oktoobar 26, 2025 𝗛𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗮𝗳𝘁𝗮𝘆 – La-soco qaybtii ugu dambeysay ee barnaamijka 𝗧𝘂𝗯𝘁𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮, oo aan ku xusnay Maalinta QM iyo 80-guurada ka soo wareegatay aasaaskii QM, waxaana marti noogu ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Daa’uud Aweys Jaamac iyo Jo Nickolls, Madaxa Xafiiska Iskuduwaha Horumarinta iyo Gargaarka Bini’aadannimada QM ee Soomaaliy. Waxay ka hadlayaan iskaashiga QM iyo Soomaaliya, saameynteeda ku aaddan horumarka guud ee dalka muddooyinkii la soo dhaafay iyo qorshayaasha mustaqbalka, caqabadaha waawayn iyo arrimaha hortabinta leh si loo xoojiyo iskaashiga, iyo qodobbo kale oo badan.
Muqdisho 29th Oktoobar 26, 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi horumarineed oo ka badan €75 milyan. Heshiiska waxaa u kala saxiixay labada dowladood Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), iyo Madaxa Waaxda Bariga Afrika ee Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Jarmalka (BMZ), Julia Hanning.
Heshiiskan, oo socon doona muddo labo sano ah oo ka bilaabanaya 2026-ka, ayaa la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), waxa uuna diiradda saaraya: Beeraha iyo nidaamyada cuntada, Waxbarashada, shaqo-abuurka iyo xirfadaha farsamada (TVET), Biyaha iyo maaraynta biyo-gelinta, iyo Adkaysiga iyo isbeddelka cimilada.
Heshiiska cusub wuxuu ka dhashay wadahadallo laba maalmood socday oo ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo ay yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ka socday Dowladda Jarmalka. Wuxuu sidoo kale daba socday heshiiskii labada dal ay kala saxiixdeen 2023, Sida ay sheegtay Wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya.
“Iskaashigan wuxuu xoojinayaa mudnaanta NTP, gaar ahaan shaqo-abuurka, adeegyada aasaasiga ah, iyo adkaysiga cimilada.” ayuu yiri Wasiir Beenebeen.
Dhankeeda, Ms. Hanning ayaa caddeysay in “Jarmalku ka go’an tahay dhiirigelinta barnaamijyo saameyn leh oo kaabaya adeegyada iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.”
Wasiir Beenebeene ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Jarmalka taageerada joogtada ah, halka Julia Hanning ay xustay in Soomaaliya iyo Jarmalka uu ka dhexeeyo iskaashi dhinacyo badan leh. Soomaaliya iyo Jarmalka waxaa ka dhexeeya xiriir iskaashi iyo saaxiibtinimo oo soo socday in ka badan 60 sano.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA: 28th Oktoobar 26, 2025Su’aalaha Maanta: Maxay beesha caalamka ugu baaqday inuu iscasilo Madaxweyne Mudan...
10/28/2025

WARARKA MAANTA: 28th Oktoobar 26, 2025
Su’aalaha Maanta: Maxay beesha caalamka ugu baaqday inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye:? Yaa warbaahinta qasbay inaysan soo gudbin?Maxaa ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? 1. Waa diiday inuu sameeyo 2. Waa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah 3. Waa diiday inuu dalka u sameeyo lacag Soomaali mar labaad asagoo Madxweyne ka ah dalka ? 4. Waa diiday inay Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada si wada-jir ah u shaqeeyaan 5. Waa diiday inuu mucaaradka si fiican ula dhaqmo 6. Waa diiday in shacabka la caawiyo, waxuuna ugu daray barakicin iyo dhac joogta ah 7. Waa diiday inay labada aqal si wada-jir ah u shaqeeyaan si ay ula xisaabtamaan xukuummadda 8. Waa diiday inuu hantida dadweynaha si sharciga waafaqsan u naadiyo 9. Waxay Dowladda Soomaaliya ku soo uruurtay qoyskiisa iyo in yar oo luflufka ka hara xadaaya 10. Waxuu hadda raadinayaa muddo koroorsi laba sanno ah! Ha wiqleyso!
Muqdisho 28th Oktoobar 26, 2025 GUDDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR AHNA DUQA MUQDISHO OO SHIR-GUDDOOMIYEY KULANKA DEGMOOYINKA GOBOLKA BANAADIR.
Muqdisho, Oktoobar 28, 2025: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Amniga, oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka iyo guddoomiyeyaasha 20 ka degmo ee caasimadda.
Kulanka todobaadlaha ah ayaa looga hadlay Dardargelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo degmooyinka gobolka, Xoojinta wadashaqeynta iyo isku xirnaanta maamullada degmooyinka, Ka hortagga falalka amni-darrada dhaliya sida Maandooriyaha iyo la-dagaallanka burcadda abaabulan ee weerada ku gambada.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoosta ka xarriiqay in ilaalinta nabadda iyo degganaanshaha ay aasaas u tahay horumarka guud ee dalka, islamarkaana maamulkiisu uu diiradda saarayo gaaridda in bulshadu nabad ku leddo.
Shirka ayaa soo saaray in la sii joogteeyo tallaabooyinka lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo difaaca shacabka ku nool caasimadda iyo daafaheeda, si' aan loo wiiqin kobaca iyo horumarka magaalo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
DHAMMAAD
Muqdisho 28th Oktoobar 26, 2025 GUDDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR AHNA DUQA MUQDISHO OO GUDDOOMIYEY SHIRKA AMNIGA CAASIMADDA
Muqdisho, Oktoobar 28, 2025: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta guddoomiyey shirka Amniga oo lagu gorfeeyay xaaladda caasimadda iyo guud ahaan gobolka Banaadir.
Shirka oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Liibaan Aadan, iyo Taliyeyaasha guutooyinka Militariga ee ka shaqeeya taageerada booliska ee loo yaqaan Bolisiya Militaaro, ayaa lagu guudmaray; Dardargelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo degmooyinka gobolka, Kordhinta wadashaqeynta iyo isku xirnaanta hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka. Ka hortagga falalka amni-darrada iyo abuuridda jawi nabadeed oo shacabka loogu adeego si hufan.
Shirka ayaa adkeeyey: In la xoojiyo joogteynta is-dhexgalka iyo xog-wadaagga hay’adaha amniga, In la dar-dargeliyo hawlaha ka hortagga falalka nabadgelyo-darrada, iyadoo xoogga la saarayo degmooyinka istaraatiijiga ah ee caasimadda, gaar ahaan xak**aynta kooxaha dambiyada abaabulan gaysta.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ku nuuxnuuxsaday in nabadgelyada iyo xasilloonida caasimaddu ay saldhig u tahay horumarka guud ee dalka, isla markaana maamulka gobolka ay ka go’an tahay inuu la shaqeeyo dhammaan hay’adaha amniga.
Shirka ayaa kusoo dhammaaday in la sii wado tallaabooyinka lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo difaaca shacabka ku nool caasimadda iyo nawaaxigeeda, iyadoo la ilaalinayo ku dhaqanka sharciga iyo kala dambaynta.
DHAMMAAD
Hirshabelle 28th Oktoobar 26, 2025 Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa wareegto uu kasoo saaray xafiiskiisa ku sameeyay isbeddel ballaaran oo ku saabsan qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada maamulkaas.
Wareegtada Madaxweynaha ayaa lagu saleeyay qodobada 56-aad iyo 57-aad ee Dastuurka Hirshabeelle, kuwaas oo u oggolaanaya Madaxweynaha inuu magacaabo ama beddelo xubnaha Golaha Wasiirrada marka ay jirto baahi shaqo ama mid hufnaan.
Isbeddelkan ayaa taabanaya afar wasaaradood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyo Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha.
Madaxweynaha ayaa magacaabay wasiirrada cusub ee kala ah: Baashi Cabdi Maxamed oo loo magaaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada, Saalax Maxamed Xasan oo noqonaya Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Keyraadka Biyaha.
Sidoo kale waxaa la magacaabay Cabdikariim Nuur Xasan (Doob-yare) oo noqonaya Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska iyo Cumar Maxamed Soomane oo loo magacaabay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha
Isbeddelkan ayaa lagu sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo waxtarka iyo hufnaanta shaqada ee Golaha Wasiirrada Hirshabeelle, si loo dardar-geliyo adeegyada bulshada iyo horumarinta dowladnimada.
Yurub 28th Oktoobar 26, 2025 Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda lagu magacaabo DTM (Displacement Tracking Matrix) ayaa muujisay in inta u dhaxaysay Janaayo ilaa Agoosto 2025, ay 5,435 muhaajiriin Soomaali ah gaareen Yurub, iyagoo u soo maray badda iyo dhulka.
Warbixintan ayaa waxay muujinaysaa koror gaaraya saddex jibbaar marka loo eego tiradii la diiwaangeliyey isla muddadaas sanadkii 2024.
Muhaajiriinta Soomaaliyeed ayaa lagu arkay dhammaan waddooyinka waaweyn ee ay dadka ku galaan Yurub, waxaana ugu badan kuwa u soo gudbay Talyaaniga iyagoo isticmaalay Badda Mediterranean-ka. Qayb kale oo badan ayaa iyaguna gaartay Isbaanish iyagoo u soo maray Galbeedka Mediterranean-ka, halka qaar kale ay tageen Giriigga iyo Qubrus oo ay u soo mareen Waddada Bari ee Mediterranean-ka. Qaar yar ayaa sidoo kale gaarey Jasiiradaha Canary ee Isbaanish iyagoo isticmaalay Waddada Atlantic ee Galbeedka Afrika.
Warbixinta ayaa tilmaamaysa in Soomaalidu hadda ka yihiin ku dhawaad afar boqolkiiba dhammaan muhaajiriinta soo gaaray Yurub sanadkan 2025, taasoo ka dhigaysa inay yihiin mid ka mid ah qowmiyadaha ugu badan ee Afrika ka yimaada.
Hay’adda DTM ayaa sheegtay in xogtan lagu salaynayo sahanno ay ka samaysay Spain iyo Talyaaniga, balse Giriigga weli laguma samayn sahanno rasmi ah. Sidaa darteed, xogta la xiriirta Waddada Bari ee Mediterranean-ka laguma darin warbixintan, balse waxaa lagu dari doonaa sida hay’addu sheegtay marka cilmi-baaristu sii socoto.
Khabiirro ku takhasusay arrimaha socdaalka ayaa sheegay in kororka tirada muhaajiriinta Soomaaliyeed ay la xiriirto sababo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin amni darrada ka jirta Soomaaliya, shaqo la’aanta, iyo rajo xumada mustaqbalka gudaha dalka. Qoysas badan ayaa sheegay in ay rajeynayaan nolol ka wanaagsan Yurub, inkastoo safarka badda uu khatar weyn ku yahay noloshooda.
Muqdisho 27th Oktoobar 26, 2025 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Xalay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ku qaadeen fariisin ciidanka dowladda ku leeyihiin degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay kontoroolka lagu magacaabo Buurta Cali Janaale oo ah mid ka mid ah kontoroolada laga ilaaliyo amniga Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, waxaana halkaas labada dhinac ku dhexmaray dagaal xoogan oo mudo ku dhaw 30 daqiiqo socday.
Kooxda ayaa weerarkeeda ku bilaawday baasukeyaal, kadibna waxaa xigay dagaal fool ka fool oo lasoo warinayo inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaartay labada dhinac, hayeeshee anan la ogeyn inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.
Kontoroolka la weeraray waxaa deganaa ciidanka Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo ciidanka Polizia Militare kala shaqeeya amniga kontoroolada laga soo galo magaalada Muqdisho.
War koobaan oo kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska Haramcad ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay fashiliyeen hoobiyeyaal ay Shabaabku doonayeen inay kusoo tuuraan gudaha magaalada.
“Hawlgalka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Qabuuraha Kaxda iyo deegaanka Maracadde oo koonfur kaga beegan Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska Haramcad.
Warka kasoo baxay Haramcad Laguma sheegin cid wax ku noqotay weerarka Xalay ka dhacay degmadaasi, gaar ahaan kontoroolka Buurta Cali Janaale, halkaas oo marar kala duwan horay weeraro uga geysteen kooxda Al-shabaab.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA: 27th Oktoobar 26, 2025Su’aalaha Maanta: Maxuu isku-casili rabaa Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ...
10/27/2025

WARARKA MAANTA: 27th Oktoobar 26, 2025
Su’aalaha Maanta: Maxuu isku-casili rabaa Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “Dhaweeye/Waariykoow” oo ku fashilmay inuu tago degaanada uu matalo? Maxaa ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? 1. Waa diiday inuu sameeyo 2. Waa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah 3. Waa diiday inuu dalka u sameeyo lacag Soomaali mar labaad asagoo Madxweyne ka ah dalka ? 4. Waa diiday inay Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada si wada-jir ah u shaqeeyaan 5. Waa diiday inuu mucaaradka si fiican ula dhaqmo 6. Waa diiday in shacabka la caawiyo, waxuuna ugu daray barakicin iyo dhac joogta ah 7. Waa diiday inay labada aqal si wada-jir ah u shaqeeyaan si ay ula xisaabtamaan xukuummadda 8. Waa diiday inuu hantida dadweynaha si sharciga waafaqsan u naadiyo 9. Waxay Dowladda Soomaaliya ku soo uruurtay qoyskiisa iyo in yar oo luflufka ka hara xadaaya 10. Waxuu hadda raadinayaa muddo koroorsi laba sanno ah! Ha wiqleyso!
Kigale 27th Oktoobar 26, 2025 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah uga bilaabatay magaalada Kigali, caasimadda dalka Rwanda.
Wasiirku wuxuu booqasho sharafeed ku tagay Xarunta Xusuusta Kigali (Kigali Memorial) iyo Matxafka Ololaha Lagaga Hortagay Xasuuqa ee ku yaalla Baarlamaanka Rwanda halkaas oo uu xusuus iyo tixgelin u muujiyay dhibbanayaasha xasuuqii 1994 ee lagu laayey dadka Tutsiga.
Rwanda ayaa ka mid ah dalalka ka soo kabtay dagaalladii sokeeye ee burburiyay dalkooda, waxayna maanta tusaale u tahay sida dib-u-heshiisiin, nabad iyo midnimo qaran lagu gaari karo horumar waara. Xasuuqii dalkaas ka dhacay sanadkii 1994 waxaa ku geeriyooday ku dhowaad hal Milyan oo qof, halka malaayiin kalena ay barakac iyo dhibaatooyin kale la kulmeen.
Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Rwanda, iyadoo labada dal ay ka wada shaqeynayaan horumarinta nabadda, horumarka iyo iskaashiga gobolka.
Muqdisho 27th Oktoobar 26, 2025 Sidee garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee sharciga la shaqeeya u kordhin karaan sharcinimada garsoorka guud ahaan Soomaaliya?
Tani waxay ahayd ujeeddada tababar muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Kismaayo oo ay khubaro dhanka garsoorka ah oo ka socday UNTMIS u fidiyeen 20 xubnood oo ka tirsan shaqaalaha maxk**adaha Jubaland, xafiiska xeer ilaaliyaha guud, booliska, asluubta iyo Wasaaradda Caddaaladda.
Ka qaybgalayaashu waxay ka doodeen sidii ay shaqsi ahaan iyo si wadar ahaanba ah uga qayb qaadan lahaayeen is-aaminaad ka dhex abuurmata hay'adaha sharciga iyo bulshada, iyo bixinta adeegyada caddaaladda ee khuseeya dadka oo ka jawaabaya baahiyaha bulshooyinka iyo shuruudaha sharciga.
Muqdisho 27th Oktoobar 26, 2025 Wasiirka Gaadiidka ee Yemen, Dr. Cabdisalaam Xamid, ayaa magaalada caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Cadan, kulan kula yeeshay safiirka Soomaaliya ee Yemen, Cabdulhakiim Maxamed, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada gaadiidka badda iyo hawada.
Wasiir Xamid ayaa kulanka ka sheegay in xiriirka taariikheed, bulsho iyo siyaasadeed ee u dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya uu yahay mid qoto dheer oo soo jireen ah, isla markaana labada dal ay leeyihiin dano iyo xiriir wadaag ah oo ku saleysan dhinacyada bulshada, dhaqaalaha iyo amniga.
Dr. Xamid ayaa tilmaamay in wasaaradda gaadiidku ay diyaar u tahay kobcinta ganacsiga iyo is-dhaafsiga dhaqaalaha ee labada dal, iyadoo sidoo kale diyaar u ah in ay taageerto furitaanka duulimaadyo toos ah oo ay sameeyaan shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed, isla markaana la siiyo rukhsado hawlgal oo ka faa’iideynsan doonaan labada shacab.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Yemen ay qorsheyneyso in ay iibsato laba diyaaradood oo yar-yar oo loogu talagalay duulimaadyada gudaha, kuwaas oo sidoo kale loo adeegsan karo safarada u dhaxeeya Yemen iyo Soomaaliya iyo dalalka kale ee gobolka.
Intaa waxaa dheer, Wasiir Xamid ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee u dhaxeeya dekedaha labada dal, iyo in la iska kaashado la dagaalanka tahriibka hubka iyo badeecooyinka sharci-darrada ah ee ka imaanaya qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika loona gudbinayo Yemen.
Dhankiisa, safiirka Soomaaliya ee Yemen, Cabdulhakiim Maxamed, ayaa uga mahadceliyay dowladda Yemen iyo wasaaradda gaadiidka dadaallada ay ku xoojinayso iskaashiga labada dal, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii adkeynta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga labada dowladood.
Hiiraan 27th Oktoobar 26, 2025 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo Xalay fiidkii h**e ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan ku qaadeen fariisimo kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaanka Goobo oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada Macawiisleyda ayaa la sheegay in dhowr jiho ay ka weerareen maleeshiyaadka ku sugna deegaanka Goobo, islamarkaana uu halkaasi ku dhexmaray labada dhinac dagaal aad u xoogana oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Ciidanka Macawiisleyda ayaa lasoo wariyay iney u suura gashay iney cagta mariyaan fariirinkii kooxdu ku laheyd duuleedka Waqooyi ee deegaanka Goobo, islamarkaana khasaare xoogan lagu gaarsiiyo Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarka Xalay Macawiisleyda ku qaadeen deegaanka Goobo oo ah deegaan istaraatiiji ah, kaasoo isku xira gobolada Hiiraan iyo Galguduud.
Ciidanka Macawiisleeyda beesha Xawaadle ayaa mudooyinkan dambe deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ka waday abaabulo ku aadan sidii kooxda Al-shabaab ay dib uga saari lahaayeen deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.
Maraykanka 27th Oktoobar 26, 2025 Laba xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka (House of Representatives) ayaa ku baaqay in Waaxda Caddaaladda Mareykanka ay baaritaan ku samayso dhalashada Ilhaan Omar, oo ka soo jeedda Soomaaliya.
Arrintaan ayaa la sheegay inay qayb ka tahay dib-u-eegis guud oo lagu samaynayo dhalashada dadka u soo guuray islamarkaasna la siiyay muwaadiniyadda Mareykanka.
Xildhibaan Randy Fine (R-Fla.) ayaa sheegay in baaritaanku ka bilowdo musharraxa duqa magaalada New York Zohran Mamdani, oo uu ku eedeeyay in uu jabiyay xeerarka muwaadiniyadda, isagoo xusay in sidoo kale Ilhaan Omar ay mudan tahay in la baaro.
Fine ayaa sheegay in dadka qaarkood ay dalka u yimaadeen si ay u burburiyaan, isagoo ku baaqay in dadka si khaldan u helay dhalashada Mareykanka laga laabto muwaadiniyadooda oo dib loo celiyo.
Dhankiisa, Andy Ogles (R-Tenn.) ayaa sidoo kale taageeray baaqa, isaga oo Mamdani ku tilmaamay shakhsi shuuci ah oo khatar ku ah dalka, isla markaana dalbaday in la baaro Ilhaan Omar, isagoo tixraacaya mowqifkeeda siyaasadeed ee marar badan dhaliilay siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.
Ilhaan Omar, oo matasha gobolka Minnesota (Degmada 5aad), waxay ka soo qaxday Soomaaliya intii uu socday dagaalkii sokeeye, waxaana ay sannadkii 2018 noqotay mid ka mid ah labadii haween ee Muslimiinta ahaa ee ugu horreeyay ee lagu doorto Kongareeska Mareykanka.
Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka weli k**a aysan hadlin dalabka baaritaanka ee ay xildhibaanadu codsadeen.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali National News Agency - SONNA Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share