09/18/2026
WARARKA MAANTA 18ka Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta: Maxuu ninkii Soomaali heshiis ah dunnidda la heeshiis ah yiri Madaxweyne h**e Xassan oo maanta xitaa abtiyadiis Xawaadle aan la heshiis ahayn? Maxaa loo dulminayaa Digil Iyo Mirifle Madaxbanaanidooda? Maxuuse Madaxweyne h**e Xassan waxba uga qaadi waayi , Iyo ? Yaase boobsay shacabka ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Aserbajan 18ka Sebteembar 2026 Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Azerbaijan, Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow ayaa magaalada Baku kaga qeybgalay munaasabadda 15-sano guurada Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Azerbaijan (AIDA), isagoo qeyb ka ahaa dood-wadaag ku saabsan iskaashiga horumarineed iyo gargaarka bani’aadannimo.
Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Azerbaijan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, tiknoolajiyadda, beeraha iyo dhisidda awoodda hay’adaha, isagoo sidoo kale xusay horumarka Soomaaliya ka sameyneyso dib-u-dhiska hay’adaha iyo kobcinta dhaqaalaha.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Azerbaijan mudane Jeyhun Bayramov, ayaa ugu dambeyn shahaado sharaf guddoonsiiyay arday Soomaaliyeed oo ka mid ah ardayda Barnaamijka Deeqda Waxbarasho ee Heydar Aliyev ku jooga dalkaas, ka dib horumar muuqda iyo guulo la taaban karo oo ay gaareen.
Muqdisho 18ka Sebteembar 2026 Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay hawshii Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo hoos imanayay Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), iyadoo dowladda ay sheegtay inay si buuxda ula wareegtay mas’uuliyadda ajandaha xuquuqul insaanka ee dalka. Tallaabadan ayaa soo afjareysa marxalad muddo dheer socotay oo Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka taageeraysay ilaalinta, horumarinta iyo u doodista xuquuqul insaanka, iyadoo mas’uuliyadda hawlahaasi ay hadda si toos ah ugu wareegayso hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in geeddi-socodka lagu soo afjaray hawsha xafiiska uu ka dhashay wada-hadallo iyo dadaallo ay dowladda Soomaaliya ka wadday Muqdisho, Geneva iyo New York.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Ambassador Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hormuud ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo lahaanshaha qaran ee ajandaha xuquuqul insaanka, iyadoo ay ka qeyb qaateen mas’uuliyiin, khubaro iyo shaqaalaha wasaaradda.
Dowladdu waxay sheegtay in go’aannada lagu xoojinayo hay’adaha qaranka, horumarka Soomaaliya ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay iyo awoodda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ay qeyb ka ahaayeen sababaha keenay in mas’uuliyadda si tartiib ah loogu wareejiyo hay’adaha Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Shirweynihii Qaran ee Xuquuqul Insaanka ee Maarso 2025 ayaa lagu tilmaamay inuu door ka qaatay dejinta aragti qaran oo ku saabsan ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xiritaanka xafiiska Qaramada Midoobay uusan ka dhignayn in la soo afjaray shaqada xuquuqul insaanka, balse uu yahay bilowga marxalad cusub oo hay’adaha Soomaaliyeed ay si toos ah u qaadanayaan masuuliyadda ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda muwaadiniinta.
Mas’uuliyadda cusub ayaa la imanaysa baahida loo qabo in hay’adaha qaranku xoojiyaan awooddooda, isla-xisaabtanka iyo u hoggaansanaanta waajibaadka dastuuriga ah iyo heshiisyada caalamiga ah ee Soomaaliya.
Dowladda ayaa tallaabadan ku tilmaantay marxalad cusub oo Soomaaliya ay si weyn ugu yeelanayso lahaanshaha iyo hoggaaminta ajandaha xuquuqul insaanka, iyadoo taageerada caalamiga ah lagu wajahayo xoojinta awoodda hay’adaha qaranka.
Soomaaliya Iyo Pakistab 18ka Sebteembar 2026 Wafdi heer sare ah oo ka socday Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay booqasho 10 maalmood ah oo uu ku tagay Pakistan, taas oo looga gol lahaa in Soomaaliya ay wax ka barato khibradda Pakistan ee dhijitaaleynta adeegyada dadweynaha iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada dhijitaalka ah ee dowladda. Wafdiga waxaa hoggaaminayay Abdiwali Ali Abdulle, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Soomaaliya (NIRA), waxaana ka mid ahaa mas’uuliyiin sare oo ka socday NIRA, Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo hay’ado kale oo maaliyadeed iyo kuwa horumarineed.
Booqashada ayaa si wadajir ah waxaa u soo qabanqaabiyay xafiisyada Soomaaliya iyo Pakistan ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP).
Intii uu socday barnaamijku, mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay kulamo la yeesheen hay’adaha Pakistan ee ka shaqeeya aqoonsiga dhijitaalka ah, dowladnimada dhijitaalka ah, ilaalinta bulshada, canshuuraha, lacag-bixinta dhijitaalka ah iyo adeegyada muwaadiniinta.
Wafdiga ayaa sidoo kale ka bartay khibradda Pakistan ee ku saabsan sidii isbeddelka dhijitaalka ah looga dhigi lahaa mid loo dhan yahay, ammaan ah, isla-xisaabtan leh, isla markaana ku saleysan dhowrista xuquuqda aadanaha. Waxaa tusaale ahaan la soo bandhigay tallaabada Golaha Senate-ka Pakistan uu ugu gudbay nidaamka Baarlamaanka aan waraaqaha ku shaqeyn ee loo yaqaan e-Parliament.
Abdiwali Ali Abdulle ayaa sheegay in booqashadu ay Soomaaliya siisay fursad ay kaga faa’iidaysato waayo-aragnimada Pakistan, isla markaana ay aqoonsato hababka lagu dabaqi karo xaaladda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Pakistan ay leedahay khibrad muhiim ah oo ku saabsan aqoonsiga dhijitaalka ah, maaliyadda dhijitaalka ah, adeegyada ilaalinta bulshada iyo isku-xirka nidaamyada kala duwan. Dhanka kale, ayuu tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay khibrad dhinaca lacagaha mobilka iyo adeegsiga degdegga ah ee adeegyada dhijitaalka ah, taas oo iyaduna casharro u noqon karta Pakistan.
Ka qaybgalayaasha ayaa sidoo kale ansixiyay Qorshaha Waxqabadka Iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan, kaas oo qeexaya meelaha ay labada dhinac sii wadi doonaan wada shaqaynta.
Qorshahan ayaa diiradda saaraya aqoonsiga aasaasiga ah iyo aqoonsiga sharci, kaabayaasha dhijitaalka ah ee adeegyada dadweynaha iyo dowladnimada, isku-xirka nidaamyada, xog-isweydaarsiga ammaan ah, ka-qaybgalka maaliyadeed iyo maaliyadda dadweynaha ee dhijitaalka ah.
Jama Hassan, oo ah la-taliyaha safaaradda Soomaaliya ee Pakistan, ayaa sheegay in barnaamijku Soomaaliya siiyay faham muhiim ah oo ku saabsan nidaamka aqoonsiga ee Pakistan iyo adeegyada ballaaran ee e-dowladeed.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga shaqeynaya uusan ku koobnayn lambar ama kayd xogeed oo keliya, balse uu muhiim yahay in nidaamyada aqoonsiga lagu xiro adeegyada dadweynaha ee ay muwaadiniintu u baahan yihiin.
Dhankiisa, Dr. Samuel Rizk, wakiilka joogtada ah ee UNDP Pakistan, ayaa sheegay in aqoonsiga sharci uu saldhig u yahay dowlad loo dhan yahay, maadaama uu dadka u fududeeyo helitaanka adeegyada dowladda, ilaalinta bulshada iyo fursadaha maaliyadeed.
Rizk ayaa sheegay in iskaashiga UNDP iyo Hay’adda Aqoonsiga Qaranka Pakistan (NADRA) uu gacan ka geystay in in ka badan hal milyan oo haween ah ay helaan dukumentiyada aqoonsiga.
Maraykanka 18ka Sebteembar 2026 Mareykanka ayaa fuliyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xarun hub iyo rasaas lagu kaydin jiray oo ku taalla deegaanka Markad ee buuraha Al-Madow iyo Golis ee waqooyi-bari Soomaaliya. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, howlgalka ayaa lagu qaaday xarumo ay Al-Shabaab u adeegsanaysay kaydinta hubka iyo rasaasta, kuwaas oo sida ay sheegeen loogu talagalay taageeridda hawlgallada kooxda iyo weerarrada ay ka fuliso Soomaaliya.
Puntland ayaa sheegtay in howlgalka lagu fuliyay iyadoo lala kaashanayo hay’adaheeda ammaanka. lama shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waqtiga iyo habka loo fuliyay weerarka.
Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanka uu kordhiyay howlgallada militari ee ka dhanka ah kooxaha argigixisada ee ka howlgala Soomaaliya. AFRICOM waxay bishii Sebtembar 2026 xaqiijisay duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya.
Puntland ayaa sheegtay in burburinta goobaha lagu kaydiyo hubka ay qayb ka tahay dadaallo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaa, laguna carqaladeynayo sahayda iyo awoodda kooxda ay ku qorsheyn karto kuna fulin karto weerarro.
Puntland ayaa sheegtay in ay AFRICOM h**e uga wada hadleen xoojinta iskaashiga la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish ee buuraha Cal-Madow iyo Cal-Miskaad.
Iskaashigan ayay sheegtay inuu yahay qayb ka mid ah dadaal muddo dheer soconaya oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab, looga hortago inay hesho goobo ay ku dhuumato iyo in la taageero xasilloonida Puntland.
Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.