10/27/2025
WARARKA MAANTA: 27th Oktoobar 26, 2025
Su’aalaha Maanta: Maxuu isku-casili rabaa Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “Dhaweeye/Waariykoow” oo ku fashilmay inuu tago degaanada uu matalo? Maxaa ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? 1. Waa diiday inuu sameeyo 2. Waa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah 3. Waa diiday inuu dalka u sameeyo lacag Soomaali mar labaad asagoo Madxweyne ka ah dalka ? 4. Waa diiday inay Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada si wada-jir ah u shaqeeyaan 5. Waa diiday inuu mucaaradka si fiican ula dhaqmo 6. Waa diiday in shacabka la caawiyo, waxuuna ugu daray barakicin iyo dhac joogta ah 7. Waa diiday inay labada aqal si wada-jir ah u shaqeeyaan si ay ula xisaabtamaan xukuummadda 8. Waa diiday inuu hantida dadweynaha si sharciga waafaqsan u naadiyo 9. Waxay Dowladda Soomaaliya ku soo uruurtay qoyskiisa iyo in yar oo luflufka ka hara xadaaya 10. Waxuu hadda raadinayaa muddo koroorsi laba sanno ah! Ha wiqleyso!
Kigale 27th Oktoobar 26, 2025 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah uga bilaabatay magaalada Kigali, caasimadda dalka Rwanda.
Wasiirku wuxuu booqasho sharafeed ku tagay Xarunta Xusuusta Kigali (Kigali Memorial) iyo Matxafka Ololaha Lagaga Hortagay Xasuuqa ee ku yaalla Baarlamaanka Rwanda halkaas oo uu xusuus iyo tixgelin u muujiyay dhibbanayaasha xasuuqii 1994 ee lagu laayey dadka Tutsiga.
Rwanda ayaa ka mid ah dalalka ka soo kabtay dagaalladii sokeeye ee burburiyay dalkooda, waxayna maanta tusaale u tahay sida dib-u-heshiisiin, nabad iyo midnimo qaran lagu gaari karo horumar waara. Xasuuqii dalkaas ka dhacay sanadkii 1994 waxaa ku geeriyooday ku dhowaad hal Milyan oo qof, halka malaayiin kalena ay barakac iyo dhibaatooyin kale la kulmeen.
Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Rwanda, iyadoo labada dal ay ka wada shaqeynayaan horumarinta nabadda, horumarka iyo iskaashiga gobolka.
Muqdisho 27th Oktoobar 26, 2025 Sidee garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee sharciga la shaqeeya u kordhin karaan sharcinimada garsoorka guud ahaan Soomaaliya?
Tani waxay ahayd ujeeddada tababar muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Kismaayo oo ay khubaro dhanka garsoorka ah oo ka socday UNTMIS u fidiyeen 20 xubnood oo ka tirsan shaqaalaha maxk**adaha Jubaland, xafiiska xeer ilaaliyaha guud, booliska, asluubta iyo Wasaaradda Caddaaladda.
Ka qaybgalayaashu waxay ka doodeen sidii ay shaqsi ahaan iyo si wadar ahaanba ah uga qayb qaadan lahaayeen is-aaminaad ka dhex abuurmata hay'adaha sharciga iyo bulshada, iyo bixinta adeegyada caddaaladda ee khuseeya dadka oo ka jawaabaya baahiyaha bulshooyinka iyo shuruudaha sharciga.
Muqdisho 27th Oktoobar 26, 2025 Wasiirka Gaadiidka ee Yemen, Dr. Cabdisalaam Xamid, ayaa magaalada caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Cadan, kulan kula yeeshay safiirka Soomaaliya ee Yemen, Cabdulhakiim Maxamed, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada gaadiidka badda iyo hawada.
Wasiir Xamid ayaa kulanka ka sheegay in xiriirka taariikheed, bulsho iyo siyaasadeed ee u dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya uu yahay mid qoto dheer oo soo jireen ah, isla markaana labada dal ay leeyihiin dano iyo xiriir wadaag ah oo ku saleysan dhinacyada bulshada, dhaqaalaha iyo amniga.
Dr. Xamid ayaa tilmaamay in wasaaradda gaadiidku ay diyaar u tahay kobcinta ganacsiga iyo is-dhaafsiga dhaqaalaha ee labada dal, iyadoo sidoo kale diyaar u ah in ay taageerto furitaanka duulimaadyo toos ah oo ay sameeyaan shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed, isla markaana la siiyo rukhsado hawlgal oo ka faa’iideynsan doonaan labada shacab.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Yemen ay qorsheyneyso in ay iibsato laba diyaaradood oo yar-yar oo loogu talagalay duulimaadyada gudaha, kuwaas oo sidoo kale loo adeegsan karo safarada u dhaxeeya Yemen iyo Soomaaliya iyo dalalka kale ee gobolka.
Intaa waxaa dheer, Wasiir Xamid ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee u dhaxeeya dekedaha labada dal, iyo in la iska kaashado la dagaalanka tahriibka hubka iyo badeecooyinka sharci-darrada ah ee ka imaanaya qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika loona gudbinayo Yemen.
Dhankiisa, safiirka Soomaaliya ee Yemen, Cabdulhakiim Maxamed, ayaa uga mahadceliyay dowladda Yemen iyo wasaaradda gaadiidka dadaallada ay ku xoojinayso iskaashiga labada dal, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii adkeynta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga labada dowladood.
Hiiraan 27th Oktoobar 26, 2025 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo Xalay fiidkii h**e ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan ku qaadeen fariisimo kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaanka Goobo oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada Macawiisleyda ayaa la sheegay in dhowr jiho ay ka weerareen maleeshiyaadka ku sugna deegaanka Goobo, islamarkaana uu halkaasi ku dhexmaray labada dhinac dagaal aad u xoogana oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Ciidanka Macawiisleyda ayaa lasoo wariyay iney u suura gashay iney cagta mariyaan fariirinkii kooxdu ku laheyd duuleedka Waqooyi ee deegaanka Goobo, islamarkaana khasaare xoogan lagu gaarsiiyo Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarka Xalay Macawiisleyda ku qaadeen deegaanka Goobo oo ah deegaan istaraatiiji ah, kaasoo isku xira gobolada Hiiraan iyo Galguduud.
Ciidanka Macawiisleeyda beesha Xawaadle ayaa mudooyinkan dambe deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ka waday abaabulo ku aadan sidii kooxda Al-shabaab ay dib uga saari lahaayeen deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.
Maraykanka 27th Oktoobar 26, 2025 Laba xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka (House of Representatives) ayaa ku baaqay in Waaxda Caddaaladda Mareykanka ay baaritaan ku samayso dhalashada Ilhaan Omar, oo ka soo jeedda Soomaaliya.
Arrintaan ayaa la sheegay inay qayb ka tahay dib-u-eegis guud oo lagu samaynayo dhalashada dadka u soo guuray islamarkaasna la siiyay muwaadiniyadda Mareykanka.
Xildhibaan Randy Fine (R-Fla.) ayaa sheegay in baaritaanku ka bilowdo musharraxa duqa magaalada New York Zohran Mamdani, oo uu ku eedeeyay in uu jabiyay xeerarka muwaadiniyadda, isagoo xusay in sidoo kale Ilhaan Omar ay mudan tahay in la baaro.
Fine ayaa sheegay in dadka qaarkood ay dalka u yimaadeen si ay u burburiyaan, isagoo ku baaqay in dadka si khaldan u helay dhalashada Mareykanka laga laabto muwaadiniyadooda oo dib loo celiyo.
Dhankiisa, Andy Ogles (R-Tenn.) ayaa sidoo kale taageeray baaqa, isaga oo Mamdani ku tilmaamay shakhsi shuuci ah oo khatar ku ah dalka, isla markaana dalbaday in la baaro Ilhaan Omar, isagoo tixraacaya mowqifkeeda siyaasadeed ee marar badan dhaliilay siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.
Ilhaan Omar, oo matasha gobolka Minnesota (Degmada 5aad), waxay ka soo qaxday Soomaaliya intii uu socday dagaalkii sokeeye, waxaana ay sannadkii 2018 noqotay mid ka mid ah labadii haween ee Muslimiinta ahaa ee ugu horreeyay ee lagu doorto Kongareeska Mareykanka.
Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka weli k**a aysan hadlin dalabka baaritaanka ee ay xildhibaanadu codsadeen.
Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.