MK Somali Tv

MK Somali Tv tmedia news and advertising

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guddaha Somaliland Mudane, Maxamed Kaahin Axmed iyo Badhasaabka Gobolka Sool Cabdikariim Aad...
01/09/2022

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guddaha Somaliland Mudane, Maxamed Kaahin Axmed iyo Badhasaabka Gobolka Sool Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye, ayaa dadweynaha reer Laascaanood, kula shaaheeyey badhtamaha magaalad Laascaanood.

Nabadgelyada magaalada Laascaanood, ayaa ah mid boqol kiiba boqolka, iyada mudadii uu ku sugnaa Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland uu aad uga shaqeeyey kor u qaadista ammaanka magalaada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool.

Siyaasiin madax banaan ayaa bogaadiyey go’aankii madaxweynaha ee furista ururada siyaasada Somaliland, waxaanay cambaree...
12/13/2021

Siyaasiin madax banaan ayaa bogaadiyey go’aankii madaxweynaha ee furista ururada siyaasada Somaliland, waxaanay cambareeyey talaabada hogaanka mucaaridka ku diideen furista ururada.

Siyaasi Saleebaan Xaglo Toosiye
Siyaasi Mustafe Shiine
Siyaasi Maxamuud Saleebaan Ramax
Siyaasi Cabdilaahi Habane
Siyaasi Yusuf Cismaan Garas

12/13/2021

Xisbiga KULMIYE oo caddeeyey mowqifkiisa ku Aaddan Furista Ururrada Siyaasadda

Hargeysa:13/12/2021(Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa shaaca ka qaaday in ay si rasmi ah u furan yihiin ururradii siyaasadeed, islamarkaana muwaadiniinta arrintaas danaynaya ay waajib ku tahay inay u diyaargaroobaan furashada ururrada oo ah xuquuq ay leeyihiin.

Guddoomiye Axmed Cabdi-dheere oo maanta saxaafadda kula hadlay xarunta guud ee xisbiga, ayaa si cad u sheegay inay waajib tahay in la ixtiraamo Dastuurka iyo shuruucda dalka, isaga oo intaas ku daray in muddo-xileedkii axsaabta qaranku dhammaaday, xisbi ahaanna ay diyaar u yihiin inay ururradaas tartankooda ka qaybgalaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Haddaanu KULMIYE nahay horena waannu u galnay tartan iyada oo ururro la yahay, immikana diyaar baannu u nahay,Toban sannadood baa laga dhigay muddo-xileedka ururrada, waana sharci oo cid sharciga is hortaagi kartaa ma jirto mucaaridkuna way og yihiin, shacabkuna way og yihiin, taas wax muran ah oo ka taaganina ma jirto, Ururraduna way furan yihiin, waxana uu xeerku qorayaa in lix bilood ka hor ururradu is diiwaangeliyaan.”

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen waxa uu axsaabta kale ee qaranka usoo jeediyey inay tartanka furmay ee ururrada u diyaar garoobaan, isaga oo madaxweynaha qarankana ku tilmaamay Ilaaliyaha koowaad ee Dastuurka iyo sharciga dalka, waxana uu yidhi, “Waxanu diyaar u nahay inaanu tartankaas ururrada ka qaygalno, xisbiyada kalena waa inay u diyaar garoobaan, waxa kale oo aannu diyaar u nahay inaanu doorashadii madaxtooyada diyaar u nahay, madaxweynuhu waa Dastuur ilaaliyaha koowaad, waana waxa loo doortay, qof kasta oo reer Somaliland ahna waxa ku waajib ah inuu ilaaliyo Dastuurka iyo xeerarka dhaqangalay.”

Guddoomiyuhu waxa uu hoggaamiyayaasha Axsaabta mucaaridka ah uga digay inay shacabka marin habaabiyaan, kana waantoobaan hadallada macno-darrada ah ee bulshada ku dhego barjeynayaan, isaga oo caddeeyey inaanu madaxweyne u tartami Karin murrashax aan ururkiisu kasoo bixin tartanka ururrada siyaasadda ee haatan furmay,“Ururrada waa la furayaa, ninkii aan isku hubin inuu xisbigiisu soo baxayow inaad madaxweyne u tartantoba ma aha, inaad madaxweyne isu sharraxdo waxa ka horreeya in ururkaagu soo baxo,” ayuu yidhi guddoomiye Axmed Cabdi-dheere.

12/13/2021

Sida ay noo xaqiiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, Alshabaab ayaa saakay la wareegay dagmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, iyagoo qabsaday xaruntii dagmada iyo saldhiga dagmada Matabaan.

Maamulkii ugu magacawnaa Hirshabeelle halkaas ayaa dibad joog ka ahaa muddooyinkii ugu dambeeyay, iyadoo taliyihii Booliiska Matabaan ku simo loogu magacaabay dagmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, isagoo soo dayacay amniga dagmada Matabaan.

12/13/2021

DegDeg: "Waa Sharci daro In Golaah Ay Ciidamo Soo galaan' Labaad Dhinacna waan waan baanu ka wadnaa."

Gudoomiye Ku xigeenka Kowaad Ee Golaha wakiilada Somaliland.

DEG DEG Alshabab oo la Wareegtay Degmada Matabaan
12/13/2021

DEG DEG Alshabab oo la Wareegtay Degmada Matabaan

Madaxwaynaha Koonfur Afrika,Cyril Ramaphosa ayaa laga helay caabuqa safmarenka ah ee Covid-19,waxaana lagu dabiibayaa me...
12/13/2021

Madaxwaynaha Koonfur Afrika,Cyril Ramaphosa ayaa laga helay caabuqa safmarenka ah ee Covid-19,waxaana lagu dabiibayaa meel gaar ah.

Abiye Ahmed oo xanuunka Ramaphosa ka hadlay ayaa yidhi: 'Walaalkay Ramaphosa waxaan u rajaynayaa caafimad degdega"

W-Q: Macalinka Soomaliyed(Ms)
VOSS TV

Al-Shabaab ayaa sheegtey in ay la wareegtey degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, badhatamaha Soomaaliya.Majiro wax war a...
12/13/2021

Al-Shabaab ayaa sheegtey in ay la wareegtey degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, badhatamaha Soomaaliya.

Majiro wax war ah oo weli ka soo baxay dhanka dowladda Soomaalida.

Rasaas ayaa ka dhacaysa gudaha xarunta Baarlamaanka Somaliland, iyadoo xildhibaannada qaar ay gacanta isula tageen.
12/13/2021

Rasaas ayaa ka dhacaysa gudaha xarunta Baarlamaanka Somaliland, iyadoo xildhibaannada qaar ay gacanta isula tageen.

Mooshinkii Xildhibaanada 28 ka muddane ay soo gudbiyeen oo sharciyaqaanada Gollaha Wakiiladu ku tilmaamen inaanu sharcig...
12/13/2021

Mooshinkii Xildhibaanada 28 ka muddane ay soo gudbiyeen oo sharciyaqaanada Gollaha Wakiiladu ku tilmaamen inaanu sharciga waafaqsanayn.

Sidaasi waxa warbaahinta u akhriyay Xoghayaha Gollaha wakiilada.

Golaha Wakiillada Somaliland weli kooram la’aan ayuu u furmi laayahay.Muxaafidka iyo Xildhibaano kale oo taabacsan ayaa ...
12/13/2021

Golaha Wakiillada Somaliland weli kooram la’aan ayuu u furmi laayahay.

Muxaafidka iyo Xildhibaano kale oo taabacsan ayaa weli Dibadda jooga.

Xildhibaanno ayaa gacan ka hadal dhexmaray kuwaas oo kala ah Xildhibaan Maxamed Khadar iyo Xildhibaan Khadar Guun.

Degdeg; Ciidamada Tigray-ga ayaa dib ula wareegay Magaalada Lalibela.Militariga Itoobiya ayaa habeenkii sabtidii iskaga ...
12/12/2021

Degdeg; Ciidamada Tigray-ga ayaa dib ula wareegay Magaalada Lalibela.

Militariga Itoobiya ayaa habeenkii sabtidii iskaga baxay Magaalada, sida ay goob joogayaal u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Qof goob jooge ah ayaa Reuters u sheegay in ciidamada Tigray-gu gudaha u soo galeen magaalada iyaga oo aan hal xabbad ah ridin..

Barre Cali Qaaje

Address

Washington D.C., DC

Telephone

+12025550175

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when MK Somali Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share