09/17/2025
WARARKA MAANTA 17ka Siteembar, 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa mooshinka lagu ridi doonaa? Yaase shacabka dhibay oo burburiyey noloshooda? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 17Ka Siteembar 2025 Hadii ay ku dhaaftay – La-soco qaybtii ugu dambeysay ee barnaamijka Tubta Nabadda oo aan ku xuseynno Maalinta Caalamiga ah ee Dimuqraadiyadda. Waxaa marti noogu ah Saadaad Maxamed Nuur Caliyo, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya, iyo Cusmaan Muxyadiin Shaatax oo ah Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, oo ka hadlaya hayaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, guulaha, caqabadaha iyo himilooyinka ku aaddan mustaqbalka.
Muqdisho 17Ka Siteembar 2025 Guddoomiye Muungaab “maamulka iyo bulshada ku nool Degmada Howlwadaag waxaan uga mahadcelinayaa dhismaha 12 wado ee interlock ah iyo horumarka guud ee ka socda Degmada”
Muqdisho 18Ka Siteembar 2025 Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka Cddaaladda iyo Wadajirka (JSP) Mudane Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa soo xiray tababbar socday muddo 3 maalmood ah oo Xarunta Dhexe ee Ururka loogu qabtay in ka badan 150 xubno oo isugu jiray wakiillada degmooyinka Gobolka Banaadir iyo hawlwadeennada Xafiiska Xoghayaha.
Tababbarka oo ay bixiyeen khubaro aqoon durugsan u leh mowducyada laga hadlayay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, qaybaha maareynta xisbiyada, xirfadaha hoggaaminta suuban iyo maareynta ololaha doorahooyinka.
Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa xiritaanka tababbarka Xoghayaha Tababbarka iyo Cilmibaarista Mudane; Dr. Xuseen Cali Axmed, Xoghayaha Isku xirka Dowlad Goboleedyada Mudane Xil. Maxamed Ibraahim Macallimuu, Guddoomiyaha Garabka Haweenka ahna Wasiir Kuxigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Xildh. Aamino Xuseen Cali, Agaasimaha Xisbiga JSP Cabdullaahi Sheekh Xuseen (Ashcari) Iyo Wakiilka Gobolka Banaadir Maxamed Dhuubow Nuur
Muqdisho 17Ka Siteembar 2025 Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta abaalmariyay geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee guusha taariikhiga ah ka gaaray dagaalkii lagu jebiyay Khawaarijta Al-Shabaab, kadib munaasabad lagu qabtay degmada Ceel-Dheer.
Munaasabadda ayaa isugu jirtay duceynta geesiyaashii shahiiday, dhiirigelin iyo abaalmarino la guddoonsiiyay ciidamadii guusha ka soo hooyay dagaalka, iyada oo ay goob-joog ahaayeen saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka iyo maamulka degmada Ceel-Dheer.
Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa geesiyaasha Qaranka guddoonsiiyay billado iyo abaalmarino kala duwan, isaga oo xusay in tallaabadan ay tahay mid lagu muujinayo mahadnaq qaran oo ku aaddan geesinimada ay muujiyeen Ciidanka Xoogga Dalka ee ka adkaaday kooxaha Khawaarijta ah.
Muqdisho 17Ka Siteembar 2025 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay in mashruuca biyo-xireenka Itoobiya uu saameyn weyn ku yeelanayo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dalalka ay wabiga Niil maro sida Masar iyo Suudaan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in arrintani ay tahay mid xasaasi ah oo u baahan wada-hadal iyo iskaashi dhaxalgal ah si loo gaaro xal waara oo ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada ay arrintu quseyso.
Isagoo la hadlayey telefishinka Al-Arabiy, ayuu madaxweynuhu caddeeyey in xiriirka Itoobiya uusan wax saameyn ah ku yeelaneyn xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya la leedahay Masar.
Waxa uu carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo nabadda iyo horumarka gobolka, iyadoo aan la abuurin xiisado hor leh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Masar ay si weyn u taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka ciidamada, taageerada logistiga, iyo xoojinta amniga, Tani waxay muujinaysaa xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya labada dal iyo sida ay uga go’an tahay dowladda Masar inay ka qayb qaadato dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.
Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale sheegay in wararka sheegaya in dagaal uu ka dhex qarxi karo Itoobiya iyo Ereteriya ay yihiin shaki iyo mala-awaal aan sal lahayn, isagoo sheegay in aysan jirin calaamado muujinaya in dagaal soo fool leeyahay.
Dhanka kale, madaxweynaha ayaa iftiimiyey xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya la leedahay Boqortooyada Sacuudiga, xiriir soo jiray qarniyo badan, Waxa uu sheegay in labada dal ay hadda wadaan dadaallo cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga, iyo horumarka.
si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya,Caalamka iyo madadaalo nagu soo biir