09/13/2026
WARARKA MAANTA 13ka Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta::Yaa Madaxweyne h**e Xassan Shiikh u bixiyey “Dhuuso-Fooxiye”? Yss boobsuy shacabka ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho 13ka Sebteembar 2026 Magaalada Muqdisho oo dhan, goobo cusub iyo kuwo dib loo casriyeeyay oo dadweynuhu isticmaalaan ayaa qayb ka noqonaya muuqaalka isbeddelaya ee magaalada — iyagoo bulshada siinaya goobo ay isugu yimaadaan, ku ciyaaraan, ku abuuraan waxyaabo cusub, kuna wada xiriiraan.
Goobahan waxay ka dhigan yihiin wax ka badan horumarinta kaabeyaasha iyo dhismayaasha. Waxay abuuraan fursado loogu talagalay isdhexgalka bulshada, muujinta dhaqanka, madadaalada iyo nolol-maalmeedka, taas oo gacan ka geysanaysa xoojinta xiriirka bulshada iyo kobcinta dareenka nolol magaalo oo loo wada dhan yahay.
Iyadoo loo marayo UN-Habitat Soomaaliya, Qaramada Midoobay waxay taageertaa dadaallada lagu abuurayo goobo dadweyne oo ammaan ah, si fudud loo heli karo, isla markaana loo dhan yahay, kuwaas oo qayb muhiim ah ka ah dhismaha bulshooyin adkaysi leh iyo mustaqbal ka nolol wanaagsan magaalooyinka Soomaaliya ee sii koraya.
Sawirkan wuxuu muujinayaa carruur ku ciyaaraya doon lagu dhex raacayo Beerta Darusalaam ee Muqdisho.
Muqdisho 13ka Sebteembar 2026 Hoggaanka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ay hoggaaminayso Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, ayna weheliyaan Xoghayaha Joogtada ah iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, ayaa ka qeybgalay kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ee la xiriira la-xisaabtanka iyo qiimeynta ballanqaadyadii Xukuumadda Dan-Qaran.
Intii uu socday kulanka, Wasaaradda Waxbarashada iyo masuuliyiinta ka socotay waxaa lagu bogaadiyey waxqabadka ay ka muujiyeen fulinta ballanqaadyadii iyo qorshayaashii Xukuumadda Dan-Qaran muddadii afarta sano ee la soo dhaafay, iyadoo si gaar ah loo xusay dadaallada Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta iyo tayeynta adeegyada waxbarashada dalka.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu dardargelinayo qorshayaasha waxbarashada qaranka, iyadoo xoogga la saarayo isla-xisaabtan, hufnaan, qorsheyn iyo waxqabad muuqda oo bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’iideysato.
Muqdisho 13ka Sebteembar 2026 𝐑𝐀’𝐈𝐈𝐒𝐔𝐋 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐄 𝐗𝐀𝐌𝐒𝐀 𝐎𝐎 𝐋𝐀-𝐗𝐈𝐒𝐀𝐀𝐁𝐓𝐀𝐍 𝐈𝐘𝐎 𝐐𝐈𝐈𝐌𝐄𝐘𝐍 𝐊𝐔 𝐒𝐀𝐌𝐄𝐄𝐘𝐀𝐘 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀
Muqdisho, Soomaaliya,
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la-xisaabtan iyo qiimeyn ku sameeyay Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saaray waxqabadka wasaarad kasta iyo heerka laga gaaray qorshayaashii iyo ballanqaadyadii loo dejiyay.
Qiimeyntan ayaa lagu eegay shaqooyinkii qabsoomay intii lagu jiray sanadkan, caqabadihii jiray, fursadaha jira iyo meelaha u baahan in wax laga beddelo ama la dardargeliyo.
Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta waxay qeyb ka tahay nidaamka la-xisaabtanka iyo qiimeynta waxqabadka hay’adaha dowladda, iyadoo ay muhiim tahay in qorshayaasha Wasaaradda lagu fuliyo hannaan leh cabbir cad, isla-xisaabtan iyo natiijooyin la xaqiijin karo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasiirrada, Agaasimeyaasha Guud iyo hawlwadeennada farsamada kula dardaarmay inay dardargeliyaan shaqada qaranka, si loo gaaro hadafyada dowladda, loona kordhiyo adeegyada iyo waxqabadka hay’adaha dowladda.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in nidaamka qiimeynta waxqabadka dowladda loo sii horumarinayo, iyadoo la adeegsanayo hab dijitaal ah oo fududeynaya la socodka qorshayaasha, cabbiridda natiijooyinka iyo qiimeynta waxqabadka Wasaaradaha.
Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta waxay muhiimad gaar ah siinaysaa qorsheynta, la-xisaabtanka iyo cabbiridda waxqabadka, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha iyo mashaariicda Wasaaradda ay keenaan natiijooyin muuqda oo waafaqsan qorshaha dowladda iyo danta guud.
Muqdisho 13ka Sebteembar 2026 Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor iyo Ciidanka Gaarka ah, ayaa sheegay inay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kula wareegeen gacan-ku-haynta deegaanka Geel-gub iyo saldhigyo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka ayaa waxaa ka qeyb qaatay Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Guutada 12-aad ee Ciidanka Gaarka ah iyo Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ciidanka ayaa sheegay in goobaha ay la wareegeen ay h**ey u maamuli jireen Al-Shabaab, kuwaas oo muddo ku sugnaa deegaannadaasi.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallo militari oo ciidamada Soomaaliya ay ka wadaan qaybo ka mid ah Shabeellaha Dhexe, iyadoo ujeeddadu tahay in dib looga riixo Al-Shabaab laguna ballaariyo deegaannada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in howlgalka uu sidoo kale ku wajahan yahay soo celinta amniga iyo maamulka dowladda, iyo in shacabka ku nool deegaannadaasi ay helaan xasillooni iyo adeegyo dowladeed.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobollada ay kooxdu weli ku leedahay saldhigyo iyo goobo ay ka abaabusho weerarrada.
DDSI 13ka Sebteembar 2026 Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee Deegaanka Soomaalidu ay muddo dheer soo mareen halgan isdaba joog ah oo ay ku doonayeen xuquuqaha aasaasiga ah iyo xorriyadda. Madaxweyne Mustafe ayaa qoraal uu ku baahiyay boggiisa Facebook ku sheegay in kumannaan qof ay naftooda iyo laxaadkooda ku waayeen halgannadii kala duwanaa ee loo galay xuquuqda shacabka, isaga oo xusay in shacabka laftoodu ay ahaayeen kuwa ugu badan ee dhibaatada iyo khasaaraha ka dhashay halgannadaas qaaday.
Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay jirin sabab dood looga dhigo in halgannadii shacabka ay sax ahaayeen ama khalad, maadaama sida uu sheegay, urur keliya aanu si gaar ah u wadin halganka, balse shacabka ay qayb weyn ku lahaayeen oo ay khasaaraha ugu badan qaadeen.
Waxa uu sidoo kale dhaliilay shaqsiyaad sheegta inay si gaar ah ugu suntan yihiin halgankii shacabka, isaga oo sheegay in dad badan oo aan wax urur ah ka tirsanayn ay ku waayeen eheladooda halgannadii hubaysnaa.
“Waa qalad markaa in ashqaas hoggaamin urur sheeganaysa ay sheegato inay iyagu si gaar ah ugu suntan yihiin halgankii ummadda,” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe, isaga oo hadalkiisa loo fasiran karo in uu la hadlayo madaxda Jabhada ONLF, garabka dibad jooga ah
Waxa uu su’aal ka keenay sida, sida uu hadalka u dhigay, qaar ka mid ah dadka sheegta inay halganka metelaan ay ugu doodi karaan inay ka sarreeyaan qoysas xubnohoodii ku waayay halgannadii h**e, isaga oo tusaale u soo qaatay dad uu sheegay inay qurbaha ku haystaan carruurtooda, isla markaana dhaqaale lagu ururiyo magaca halganka ku maareeyaan noloshooda.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in halgan kasta ay ku jiraan dad uu ku tilmaamay geesiyaal si dhab ah uga qayb qaatay, iyo kuwo uu ku eedeeyay inay magaca halganka uga faa’iidaystaan dano gaar ah.
Isaga oo si gaar ah u dhaliilaya kooxo uu sheegay inay shacabka ku maaweeliyaan “sheeko-xariir”, ayuu ku eedeeyay qaar ka mid ah dadkaas inay hadda taageerayaan ama doonayaan isbahaysi ay la sameeyaan dhinacyo uu sheegay inay h**e u dhibaateeyeen shacabka.
“Halganka dhabta ah uma baahna aflagaado iyo been-abuur. Wuxuu u baahan yahay xeelad iyo xikmad,” ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar.
Muqdisho 13ka Sebteembar 2026 Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay sannadka 2027 markii ugu horreysay dayax-gacmeed u diri doonto hawada sare, isagoo xusay in Turkigu uu kala shaqeynayo Soomaaliya mashaariic la xiriira hawada sare. Safiirka ayaa sheegay in qorshahan laga fulin doono deegaanka Warsheekh, halkaas oo uu tilmaamay in laga sameyn doono xarun loogu talagalay hawlaha la xiriira dayax-gacmeedyada iyo cilmi-baarista hawada sare.
“Shan ama toban sano ka hor haddii aan dhihi lahaa maalin uun Soomaaliya dayax-gacmeed ayay hawada sare u diri doontaa, waxaa laga yaabaa in dad badan ay nagu qosli lahaayeen,” ayuu yiri safiirku.
Wuxuu sheegay in horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda uu tusaale u yahay isbeddellada Soomaaliya ka socda, isagoo xusay in maanta Muqdisho ay ku sugan yihiin diblomaasiyiin ajnabi ah oo qaarkood ay carruurtooda la yimaadeen, kuwaas oo wax ka barta gudaha magaalada.
Safiirka ayaa sidoo kale ka hadlay hawlaha baaritaanka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee ka socda xeebaha Soomaaliya. Waxa uu sheegay in kooxo ka shaqeynaya baaritaanka khayraadka shidaalka ay xilligan ku sugan yihiin badda Soomaaliya.
“Waxaan rajeynayaa markaan war wanaagsan oo ku saabsan natiijada baaritaanka shidaalka la helo inaad na xusuusataan,” ayuu yiri.
Dhanka kale, safiirku wuxuu sheegay in maraakiib kalluumeysi oo ka imaanaya Turkiga ay bisha Oktoobar bilaabi doonaan inay yimaadaan Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo kalluumeysiga iyo dhaqaalaha ku tiirsan badda.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si weyn uga faa’iideysan karto dhaqaalaheeda buluugga ah, isagoo tilmaamay in kalluumeysiga iyo khayraadka badda ay noqon karaan ilo muhiim ah oo dhaqaale.
Safiirka ayaa intaas ku daray in iskaashiga labada dal uusan ku ekaan doonin hawada sare, shidaalka iyo kalluumeysiga, balse ay sidoo kale qorsheynayaan mashaariic waaweyn oo dhinacyada macdanta, beeraha, waddooyinka iyo isku xirka magaalooyinka Soomaaliya.
“Waxyaabaha aan maanta ka hadalnay waa wixii aan ilaa hadda qabanay, laakiin riyooyinkeenna iyo yoolalkayagu intaas way ka weyn yihiin,” ayuu yiri safiirka.
Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.