Somali National Post

Somali National Post Welcome to the Somali National Post (SNP)
is a property of Somali Media Empire

Somali Cable News

Horn Cable News

Mogadishu Life

Somali Wired News

Somali Bulletin

Somali Mobile News

Somali National News

Somali National Post

Somali National Journal

Somali Federal Radio

Somali Federal TV

Somali Federal News

Somali Media Empire

Wargeyska Dalka

Somali Newspaper

Mogadishu Bulletin

Somali Gazette

Somali Digital News

Mogadishu Wired

Mogadishu Daily News

Mogadishu

City News

Mogadishu City Journal

Mogadishu City Press

Mogadishu Times

Mogadishu Post

Mogadishu Media

Mogadishu Bulletin

Somali Magazine

Somaliland News

Somaliland Magazine

Somaliland Bulletin

Somaliland Gazette

Puntland News

Puntland Magazine

Puntland Gazette

Jubbaland Magazine

Jubbaland Gazette

Galmudug Gazette

Galmudug Magazine

Somalia ICT

Somali Consultancy

Mogadishu Bookstore

Mogadishu Multimedia

Somali Business Consultants

Somali ICT Engineers

Somali Hotels Associations

Mogadishu City Tourism

Somaliland GazetteSomaliland Magazine

Puntland Gazette

Puntland Magazine

Jubbaland Gazette

Jubbaland Magazine

Somali Private Sector Tourism

Mogadishu Tour Guide

Mogadishu Wifi

Mogadishu Wireless

Mogadishu Photography

Mogadishu Bank

Somali Insurance

Somali Publisher

Somali Petroleum Company

Somali Gasoline Company

somaligasoline.com

Somali Petrol

Somali Spare Parts

Breezybooklog1Breezybook

Bulbbook

Myidbook

unifysoftwareslUniifysoftwares

Muddo kororsi waa waajib, Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh waxuu xaq u leeyahay haddii ay mucaaradka diidaan qof iyo cod,...
10/23/2025

Muddo kororsi waa waajib, Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh waxuu xaq u leeyahay haddii ay mucaaradka diidaan qof iyo cod, in loogu daro muddo sannad ama laba sanno si uu dalka u gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah taasoo laga wada qaban doono gudaha dalka iyo dibadda oo ay jaalliyado farabadan oo Soomaali ah ay ku nool yihiin. Dowladda Dan-Qaran waxay qabatay shaqooyin itus oo itaabsii ah marka khaladaadka yar yar iyo hammiga mucaaradka waxaa ka weyn ka shaqaynta danta guud iyo nabadgelyada dadka iyo dalka.
Waa nasiib-darro weyn in ay maamul goballeedyada dalka ka dhisan aysan si wada-jira ula shaqaynayn Dowladda Federaalka Soomaaliya ayagoo dadka maamulladaas maamula ama hoggaamiya ay kaliya siyaasadda ka dhex fiirsadaa/ka dhex ugaarsadaan wixii danahooda shaqsi ahaaneed ay ku gaari karaan tan 1991dii ilaa iyo maanta.
waxay u baahan tahay siyaasiyiin iyo shacab ka wada shaqeeya danta guud iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed oo aan u shaqaynayn shisheeye iyo shisheeye kalkaal kuwaasoo umalaynaya inay weligood khaldi karaan Ummada Soomaaliyeed oo dulqaad farabadan soo muujinaysay muddo 35 sanno ah.
Illaahay ha laga baqo oo dib hanoo celinina siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxda Dowladda Dan-Qaran!

Waad Mahadsan Tihiin Dhamaantiin,
Qoraa Dr. Badal W. Kaariye

WARARKA MAANTA 23ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Yaa diiday inuu baaro kiiskii lagu dilay Kornayl Ikraam Ta...
10/23/2025

WARARKA MAANTA 23ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa diiday inuu baaro kiiskii lagu dilay Kornayl Ikraam Taxaliil Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa doorasho bug ah qabsan raba? Yaa diiday inuu sameeyo Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa Guddoomiye u doortay Maama Jawaahir Baarqab? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 23ka Oktoobar 2025 Ciidanka Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan Ururka Galayr, ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanada Ceel Lahelay iyo Dhaban-dhulkuheys ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay khasaare culus ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in lagu dilay ugu yaraan shan xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, halka kuwo kale oo badan lagu dhaawacay, kuwaas oo uu ku jiro horjoogihii Al-Shabaab ee ka howlgalayay aagga Ceelgaras.
Warbaahinta Qaranka sheegtay in Howlgalka uu qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha nabadda iyo nolosha shacabka diidan, waxaana la sheegay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad dagaal oo ay ka tageen cadowgu markii ay ka carareen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.
Wararka ka imaanaya deegaanka ayaa tilmaamaya in dhaq-dhaqaaqyo ciidan weli ka socdaan tuulooyin dhowr ah oo hoos taga Ceelgaras, iyadoo ciidanku ay wadaan baadi-goob iyo nadiifin ay kaga hortagayaan in Al shabaab dib ugu soo laabto.
Saraakiishu waxay bulshada ku nool deegaannadaas ugu baaqeen inay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo nabadda waarta ee Galmudug.
Muqdisho 23ka Oktoobar 2025 Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku xiray sii deynta maxaabiista ciidamada Somaliland ee ay gacanta ku hayaan, in la gaaro heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaaddii ka dhacday gobolka Sool.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi, oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in maxaabiista la sii daayo iyada oo aan heshiis rasmi ah laga gaarin dagaalladii Laascaanood.
“Ma sii deynayno maxaabiis sabab la’aan. Qaar ka mid ah maxaabiista waxay ku lug leeyihiin dambiyo culus, waxaana suuragal ah in la horkeeno maxkamad si loogala xisaabtamo xasuuqii iyo barakacintii loo geystay shacabka Laascaanood,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Dr. Aadan ayaa sheegay in haddii wadahadal dhab ah dhaco oo Somaliland ay ogolaato heshiis nabadeed, ay diyaar u yihiin in la sii daayo maxaabiista ay gacanta ku hayaan. “Laakiin inta Somaliland aaminsan tahay inay dhulkan xoog ku qabsan karto, ma suurtoobi karto in maxaabiis la kala wareego,” ayuu raaciyay.
Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in maamulkoodu u h**ey u sii daayay 25 maxbuus, oo uusan garanayn waxa lagu beddeshay sii deyntooda. Wuxuu xusay in maamulka Waqooyi Bari uusan ku faraxsanayn in muddo saddex sano ah maxaabiis la kala haysto, eeddana wuxuu dusha ka saaray Somaliland oo diiddan wada hadal sida uu sheegay.
Hadalka guddoomiyaha ayaa imaanaya xilli warar soo baxaya ay sheegayaan in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu doonayo in maamulka Waqooyi Bari ay ku wareejiyaan Dowladda Federaalka maxaabiista Somaliland, si loo abuuro kalsooni.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo bishii July ee sanadkan safar ku tagay Laascaanood, ayaa ku guulaystay inuu kala wareego maamulkii SSC-Khaatumo 25 maxbuus oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland, kuwaas oo lagu sii wareejiyay maamulka Somaliland.
Dhawaan, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in maxaabiista labada dhinac la kala hayo la sii daayo, si loo xoojiyo nabadda iyo dib u heshiisiinta gobolka.
Muqdisho 23ka Oktoobar 2025 Ciidanka Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan Ururka Galayr ayaa caawa deegaanada Ceelahelay iyo Dhaban-dhulkuheys ee gobolka Galgaduud ka fuliyey howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyey cadowga Khawaarijta ah.
Saraakiisha hoggaamineysa Ciidanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey inay dileen ugu yaraan shan dhagarqabe, iyagoo howlgalkaas ku dhaawacay maleeshiyaad kale oo horjoogihii Khawaarijta ee aagga Ceelgaras uu ku jiro.
Howlgalka ayaa weli ka socda tuulooyin u dhow deegaanka Ceelgaras, waxayna dhagarqabayaashii Khawaarijta isaga carareen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.
Muqdisho 23ka Oktoobar 2025 Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray digniin adag oo ku socota xildhibaanada si joogto ah uga maqnaada fadhiyada Baarlamaanka iyagoo aan lahayn cudur daar sax ah ama fasax caafimaad, kaddib markii laba fadhi oo todobaadkan qorshaysnaa ay baaqdeen sababo la xiriira quorum la’aan.
Habdhoowraha Golaha Shacabka, Maxamed Cabdullaahi Nuux, ayaa fadhigii maanta ka akhriyey magacyada xildhibaanadii ka maqnaa kulamadii h**e, isagoo sheegay in tallaabadan lagu xaqiijinayo isla xisaabtan iyo masuuliyad.
Baarlamaanka Federaalka ayaa caadiyan isugu yimaada saddex jeer usbuucii, Sabti, Isniin, iyo Arbaco, hase yeeshee labadii fadhi ee ugu dambeeyay ayaa la joojiyey sababo la xiriira tirada xildhibaanada oo aan buuxin shuruudda quorum-ka, kaliya hal fadhi ayaa si guul leh u qabsoomay toddobaadkan.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa marar badan ku booriyay xildhibaanada in ay si joogto ah uga soo qaybgalaan fadhiyada, si loo horumariyo howlaha sharci dejinta iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah.
Waxaa sidoo kale lagu wargeliyay in magacyada xildhibaanada aan soo xaadirin lagu magacaabi doono fadhiyada soo socda si loo muujiyo cidda ka gaabisay shaqada Baarlamaanka.
Digniintan ayaa muujineysa sida ay muhiimka u tahay ka-qaybgalka joogtada ah ee xildhibaanada, maadaama maqnaanshaha badan uu dhaawacayo waxqabadka iyo shaqo gudashada hay’adda sharci dejinta ee dalka.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in ay go’aansadeen in ay si dhab ah u daba-galaan xildhibaan kasta oo aan waajibaadkiisa gudan, si loo hubiyo in Golaha Shacabka uu si buuxda u shaqeeyo.
Muqdisho 23ka Oktoobar 2025 Ka-qaybgalka siyaasadda haweenku waa shardi aasaasi u ah sinnaanta iyo dimoqraadiyadda dhabta ah - iyadoo la taageerayo dadaallada noocan oo kale ah ee Soomaaliya, ayey UNTMIS dhowaan iskaashi la sameysay Ururka Suxufiyiinta Galmudug (Galja) waxaana magaalada Dhuusamareeb lagu qabtay aqoon-is-weydaarsi labo maalmood ah oo ku saabsanaa qoondada haweenka ee 30% ee baarlamaanka dalka.
Tababarkan ayaa waxaa isugu yimid 30 suxufi iyo wakiilo ka socday bulshada rayidka ah oo ka kala yimid guud ahaan Galmudug si kor loogu qaado fahamkooda iyo soo tebinta iyo u ololeynta sidii haweenku ay si siman uga qayb qaadan lahaayeen hannaanka siyaasadda.

si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya,Caalamka iyo madadaalo nagu soo biir

WARARKA MAANTA 22ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Yaa doorasho bug ah qabsan raba? Yaa diiday inuu sameeyo  ...
10/22/2025

WARARKA MAANTA 22ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa doorasho bug ah qabsan raba? Yaa diiday inuu sameeyo Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 22ka Oktoobar 2025 Maxkamadda Degmada Dharkeenley ayaa soo saartay amar rasmi ah oo lagu soo xirayo Maxamed Cabdullaahi Siyaad, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Yaaqshiid, kadib markii uu si toos ah u weeraray xarunta Maxkamadda, isagoo sida lagu sheegay warqadda maxkamadda, si cad u hor istaagay amar maxkamadeed.
Sida ku cad waraaqda amarka soo qabashada ee ay soo saartay Maxkamadda Dharkeenley (Ref: M.D.Dh.Ref.15/2025), Maxamed Cabdullaahi Siyaad ayaa lagu eedeeyay in uu sameeyay falal ka dhan ah sharcig, sida, Hor istaag amar maxkamadeed, Aflagaado iyo hanjabaad, Weerar uu si toos ah ugu qaaday xarunta maxkamadda isagoo wata ciidamo iyo hub sharci darro ah
Wararka la helayo ayaa sheegaya in falka weerarka uu yimid kadib markii maxkamaddu ay qabatay, dacwad ka dhan ah Maxamed Cabdullaahi, taasoo ku saabsanayd in uusan bixin kirada guri uu ka deganaa degmada Dharkeenley, taas oo keentay muran sharci ah oo la horgeeyay maxkamadda.
Maxkamadda ayaa sheegtay in uu si buuxda ugu xadgudbay qodobbada kala ah 263, 267, 268 iyo 269 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (XCS), kuwaas oo quseeya falal liddi ku ah amniga, hanjabaadda, iyo caqabadeynta fulinta amar maxkamadeed.
Guddoomiyaha Maxkamadda Dharkeenley, Dr. Maxamed Aadan Cusmaan, ayaa ku amray Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Dharkeenley in uu si degdeg ah u soo xiro Maxamed Cabdullaahi Siyaad, loona keeno maxkamadda si dacwaddiisa loo qaado.
Waxaa weli la sugayaa war rasmi ah oo kasoo baxa maamulka gobolka ama dowladda hoose ee Muqdisho oo ku saabsan falka eedeysanaha iyo tallaabada laga qaadayo.
Muqdisho 22ka Oktoobar 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in la dhiso deked cusub oo masaafo dhan 35 km u jirta magaalada Muqdisho, si loo xoojiyo ganacsiga badda loona yareeyo ciriiriga dekedda Muqdisho ee hadda jirta.
Dekeddan cusub ayaa sida dowladdu sheegtay waxay qeyb ka noqon doontaa qorshe ballaaran oo lagu casriyeynayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, sida dhismaha garoon diyaaradeed oo caalami ah iyo aag ganacsi oo gaar ah.
Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Maxamed Cali Nuur, oo wareysi siiyay warbaahinta Alcaraby ayaa sheegay in dekedda hadda jirta ay noqotay mid kaalin muhiim ah ka ciyaarta dhaqaalaha Soomaaliya iyo ganacsiga gobolka.
Maareeyaha dekeddu wuxuu sheegay qorshayaasha horumarineed ee cusub inay gacan ka geysan doonaan in dakhliga dekeddu uu gaaro $500 milyan sanadkiiba sanadka 2030, taasoo abuuri doonta sida uu sheegay in ka badan 25,000 shaqo oo toos ah iyo kuwo dadban.
Dhawaan, Dekedda Muqdisho ayaa lagu qiimeeyay dekedda ugu wanaagsan Bariga Afrika, iyadoo kaalinta labaad ka gashay dalalka Sahel iyo Saxaraha, sida lagu muujiyay warbixin kasoo baxday qiimaynta waxqabadyada dekedaha oo uu soo saaray Bangiga Adduunka.
Si kastaba, ciriiriga maraakiibta waaweyn ayaa weli ah caqabad, taasoo ka mid ah sababaha keentay qorshaha deked cusub. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay xoogga saareyso ilaalinta badeecadaha la soo dejiyo, ka hortagga badeecooyinka sharci-darrada ah iyo kuwa waqtigoodu dhacay, iyo joojinta isku dayada tahriibka daroogada, taasoo xoojinaysa ammaanka dhaqaalaha iyo caafimaadka dalka.
Sanadkii 2024, dekedda Muqdisho ayaa laga soo dajiyay, lagana dhoofiyay ku dhawaad 2 milyan oo tan oo badeecooyin ah, oo kala ah; cuntada, shidaalka, qalabka dhismaha, iyo dhoofinta xoolaha iyo kalluunka.
Xudur 22ka Oktoobar 2025 Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa Xalay fiidkii h**e howlgal qorsheysnaa oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay duuleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Ciidamada ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay meel qiyaas ahaan u jirta degmada ilaa 8 KM, halkaas oo la tilmaamay in kooxdu ka waday abaabulka weerar ay doonayeen iney geystaan gudaha magaalada Xudur.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay ilaa 10 xubnood oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab, kadib dagaal culus oo waqti koobnaa halkaas ku dhexmaray labada dhinac.
"Ciidanka Xoogga Dalka oo helay xogta cadawga oo ahayd dhaq-dhaqaaqa Khawaarijta ayaa si degdeg ah uga hortagay dhagartii ay maleeshiyaadku wadeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo sababay khasaare culus oo soo gaaray kooxda, ciidamada ayaa dilay in ka badan 10 dhagarqabe" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.
Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle sare Maxamed Yariis ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalka sidoo kale ciidamadu kusoo furteen hub kala duwan oo ay ka mid yihiin qoryaha nooca culus ee BKM ah iyo AK47.
Taliye Maxamed Yariis ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaani uu qeyb ka yahay dadaalada joogtada ah ee la doonayo in dalka looga ciribtiro maleeshiyaadka Al-shabaab, islamarkaana ciidanku ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.
Muqdisho 22ka Oktoobar 2025 Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, ayaa sheegay in xiritaanka Hay’adda Maraykanka u qaabilsanayd Horumarinta Caalamiga ah (USAID) ay saameyn weyn ku yeelatay dhaqaalaha dalka.
Hodan Cusmaan oo ah madaxa bangiga, taasoo hadal ka jeejisay shirkii Financial Times Africa Summit ee London, ayaa sheegtay in hakinta gargaarka Maraykanku ay sababtay hoos u dhac weyn oo ku yimid dhaqdhaqaaqa ganacsiga, ururinta canshuuraha, iyo wax soo saarka guud ee gudaha.
Waxay intaas ku dartay in qaybaha sida caafimaadka, waxbarashada, iyo barnaamijyada horumarinta ay si gaar ah u dhaawacmeen, taasoo daciifisay ganacsiyada maxalliga ah isla markaana gaabisay maalgashiga adeegyada muhiimka ah.
Madaxa bangigu waxay xustay in saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay hakinta gargaarku aysan ku koobnayn dowladda kaliya, balse ay si toos ah u saameysay bulshooyinka ku tiirsanaa shaqooyinka iyo mashaariicda laga maalgeliyo gargaarka dibadda.
Hakinta gargaarka ayaa timid kadib go’aankii Madaxweyne Donald Trump ee horraantii sanadkan, kaasoo ahaa dhimista miisaaniyadda gargaarka dibadda iyo xidhitaanka USAID.
Hodan Cusman ayaa tilmaamtay in Soomaaliya ay u baahan tahay in la xoojiyo nidaamyada dakhliga gudaha iyo in la soo jiito maalgashi gaar ah si loo yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka caalamiga ah.
Waxay sheegtay in Bangigu uu qorsheynayo istaraatijiyado cusub oo dhiirrigeliya ganacsiga iyo maalgelinta maxalliga ah, hase yeeshee waxay sheegtay in dib u dhisidda kalsoonida maalgashadayaasha ay qaadan doonto waqti.
http

si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya,Caalamka iyo madadaalo nagu soo biir

WARARKA MAANTA 21ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Yaa  ka ooynaaya E-Visa   ? Maxuu yahay khilaafka Hirshabe...
10/21/2025

WARARKA MAANTA 21ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa ka ooynaaya E-Visa ? Maxuu yahay khilaafka Hirshabeele, Koonfur Galbeed Iyo Dowladda ? Yaa diiday inuu sameeyo Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 21ka Oktoobar 2025

Jubbaland State 21ka Oktoobar 2025 Waxaan maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland (JISA), xaruntan ayaa si casri ah loo dhisay, isla markaana lagu maalgeliyay canshuurta shacabka Jubaland.
Xaruntan cusub waxay ka tarjumaysaa dadaalka joogtada ah ee Dowladda Jubaland ee ku aaddan xoojinta amniga, horumarinta hay’adaha dawliga ah, iyo dhismaha awood dowladnimo oo waarta.
Waxaan si gaar ah ugu bogaadinayaa hoggaanka Hay’adda JISA iyo dhammaan howlwadeenada kala duwan oo si hufan uga soo dhalaalay waajibaadkooda shaqo, muujiyayna dadaal, daacadnimo, iyo go’aan adag oo ku aaddan ilaalinta nabadda iyo horumarka Jubaland.
Muqdisho 21ka Oktoobar 2025 Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta soo xiray tababar ku saabsanaa Hannaanka Diyaarinta Miisaaniyadda, oo muddo laba maalmood ah ka socday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.
Tababarkan oo ay ka qayb galeen agaasimayaasha guud iyo howlwadeennada Wasaaradda, ayna bixinayeen khubaro ka socday mashruuca SJGAP ee uu taageero Midowga Yurub, ayaa lagu baranayay habraacyada la xiriira fulinta iyo warbixinta miisaaniyadda, xaddidaadda kharashaadka, isla-xisaabtanka, iyo qorshaynta ku saleysan waxqabadka, iyadoo la xoojinayay fahamka iyo adeegsiga nidaamyadaas.
Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo barnaamijyada tababarrada iyo kobcinta aqoonta shaqaalaha, si loo hubiyo in qorshaynta iyo diyaarinta miisaaniyadda Wasaaradda ay si buuxda ula jaanqaado howlaha mudnaanta u leh qaranka iyo dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha difaaca dalka.
Muqdisho 21ka Oktoobar 2025 Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa soo gabagabeysay aqoon is-weydaarsi ay soo agaasintay iyadoo kaashaneysa Ururka Jaamacadda Carabta kaas oo socday mudo saddex maalmood ah waxaana loo qabtay qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha dalka iyo qaybaha kala duwan ee ururrada dhallinyarada.
Ujeeddada barnaamijku oo ahaa in lagu dhiirrigeliyo fahamka dhallinyarada ee isbeddelka bulshada sidoo kalana la xoojiyo aqoonta ku saabsan Himilada Horumarka Waara (SDGs) ayaa waxaa munaasabada xiritaanka ku sugnaa Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha mudane Maxamed Cabduqaadir Cali iyo wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Dr Cali Xaaji.
Wasiir Maxamed Cabduqaadir oo munaasbada xiritaanka ka hadlay ayaa Dhallinyarada u ballanqaaday in Wasaaraddu siin doonto fursado ka qeybgal barnaamijyada dhallinyaarda ay Jaamacadda Carabtu qabato, xitaa kuwa lagu qabto dalka dibadiisa,Isagoo ku bogaadiyay dhallinyarada dadaalkooda iyo ka-qaybgalka aqoonta la xiriirta horumarinta bulshada.
Ugu dambayn, ardayda iyo dhalinyarada ka faa’iideysatay aqoon is-weydaarsiga ayaa lagu guddoonsiiyay shahaadooyin iyo bilado ay bixisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS.

si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya,Caalamka iyo madadaalo nagu soo biir

WARARKA MAANTA 20ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Yaa diiday inuu sameeyo     Madxweyne Mudane Xassan “Dhuus...
10/20/2025

WARARKA MAANTA 20ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa diiday inuu sameeyo Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 20ka Oktoobar 2025 Sugidda amniga xudduuduhu waa masuuliyad wadareed iyo ajende qaran oo saameyn ku leh jiritaanka iyo madaxbannaanida dalkeenna, taas oo qof walba laga doonayo in uu kaalintiisa ka qaato, si looga hortago dhaqdhaqaaqyada sharci-darrada ah, sida tahriibka, hubka sharci darrada ah, daroogada iyo kooxaha argagixisada ee dhibaatada ku ah dalkeenna iyo dalalka dariska nala ah.
Si aan ugu jawaabno mudnaanta ay leedahay sugidda amniga xudduudaha dalka, waxna uga qabanno arrintan muhiimka ah, waxaan shalay isugu yeeray Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Hey'adda Socdaalka iyo Jinisyadda, innaga oo diiradda saarnay qaabka ugu habboon oo loo xaqiijin karo amniga xudduudaha dalka.
Puntland Carmo – Oktoobar 19, 2025: Khuburo aqoon -yahan ah ayaa maanta aqoonkororsi kooban u qabtay ciidamada ku jira Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay Taliyaha Kulliyadda Tababarka Booliska, General Muuse Xasaas, Agaasimaha guud ee madaxtooyada dowlada Puntland Maxamed Jama Abdiraxman (MJ),xubnaha saraakiisha Pmpf iyo saraakiil kale oo ka tirsan booliska, kuwaas oo si diirran u soo dhaweeyay khubarada tababarka bixisay.
Sidoo kale intuu socday Aqoonkororsiga waxaa soogaaray goobta Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Amniga & DDR-ta ee Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamud Axmed(Axmed Qaxiye) isagoo ciidanka ku dhiirigaliyay muhiimada Tababarkan dowladda Puntland uleedahay.
Aqoonkororsiga ayaa diiradda lagu saaray muhimadda aqoonta, xirfadda, iyo anshaxa boolisnimo, si loo helo ciidamo boolis ah oo xirfad iyo karti u leh gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla.
Dowladda Puntland ayaa weli dadaal ugu jirta tayaynta iyo tababarka ciidanka booliska, si loo xaqiijiyo amni iyo kala dambeyn waarta oo lagu gaadho horumar iyo dowladnimo buuxda.
— DHAMMAAD —
Muqdisho 20ka Oktoobar 2025 Sheeko sheegisto waa aalad awood badan oo lagu horumariyo fikradaha laguna dhiso isfahamka iyo wadajirka bulshooyinka dhexdooda iyo dhexdooda, gaar ahaan dunida casriga ah ee maanta sida xawliga ah u kobcaysa oo ay Soomaaliya ku jirto.
Garoowe dhawaan, UNTMIS ayaa Wasaaradda Warfaafinta Puntland ku taageertay qabashada kulan 3 maalmood socday oo ku saabsanaa sheeko-sameynta iyo wax-soo-saarka dhanka warbaahinta, 30 dhallinyaro ah oo leh hibo hal-abuur waxna ku qora baraha bulshada iyo suxufiyiin ayaa ka qayb-galay tababarka, kaasoo lagu bartay casharro ku saabsan xirfadaha farsamada iyo wacyi-gelinta ku saleysan anshaxa muhimadda ay u leeyihiin soo saarista sheekooyinka dhijitaalka ah si ay ku dheehantahay mas'uuliyad, run-sheegnimo iyo saameyn waxtar leh.
Libya 20ka Oktoobar 2025 Ciidanka gaarka ah ee 444-aad ee dalka Libya ayaa ku guuleystay hawlgal samatabixin ah oo lagu soo badbaadiyay 23 muwaadin oo Soomaaliyeed oo 13 dumar ah iyo 10 rag ah iskugu jiray, kuwaas oo la sheegay in si sharci darro ah loogu haystay xarun ay gacanta ku hayeen koox burcad ah.
Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu fuliyay kadib markii la helay xog sirdoon oo tilmaamaysay halka lagu hayo muwaadiniintaasi.
Xarunta lagu hayay dadka ayaa lagu sheegay in ay tahay goob ay isticmaasho koox burcad ah oo ajnabi ah, kuwaasoo ku hawlanaa falal la xiriira afduubka iyo dhibaateynta dadka.
Intii lagu guda jiray hawlgalka, ciidanku waxay gacanta ku dhigeen shan (5) qof oo ka tirsan kooxda burcada ah, kuwaas oo dhammaantood haysta dhalashada Soomaaliya, Waxaa lagu eedeeyay in ay mas'uul ka ahaayeen afduubka iyo cabsi gelinta qoysaska dadka la afduubay, iyagoo lacag madax furasho ah uga dalbanayay si ay ugu sii daayaan.
Ciidamada 444-aad ayaa sheegay in dadkii la badbaadiyay loo gudbiyay xarumo caafimaad si loo siiyo daryeel caafimaad kadib tacadiyadii ay la kulmeen.
Muqdisho 20ka Oktoobar 2025 Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska hordhaca ah ee cod-bixiyeyaasha gobolka Banaadir, iyagoo sheegay in 923,220 qof ay iska diiwaangeliyeen 16-ka degmo ee h**ey loogu asteeyay caasimadda Muqdisho.
Xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho ayay guddigu ku soo bandhigeen natiijada, taasoo muujinaysa in 99.53% diiwaangelinta ay sax ahayd, halka 0.47% laga helay khaladaad ama is-dul-yaal (duplicates).
Diiwaangelinta oo socotay muddo shan bilood ah ayaa lagu qabtay 56 xarumood oo ku yaalla guud ahaan Muqdisho.
Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa ku tilmaamay guushan mid taariikhi ah, isagoo xusay in ay tahay markii ugu horreysay muddo ku dhow 50 sano oo si ballaaran dad looga diiwaangeliyo Muqdisho.
“Waa guul qaran, 923,220 muwaadin ayaa is-diiwaangeliyay, Waxaa mahad gaar ah leh dowladda Federaalka oo bixisay dhaqaalaha, sugnaanta amniga, iyo wada-shaqeynta maamulka gobolka Banaadir,” ayuu yiri guddoomiyaha.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa isna ammaan u jeediyay dadaalka shacabka iyo doorkooda muwaadinimo, isagoo xusay in tirada dadka is-diiwaangeliyay ay marqaati u tahay kalsoonida shacabka ee hanaanka doorasho.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Hoosh), ayaa ballan qaaday in dowladda aysan faragelin doonin hannaanka doorashada, isagoo sheegay in diiwaangelintu ay tahay tallaabo aysan cidna hor istaagi karin.
Waqooyi Barri 20ka Oktoobar 2025 Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Cali (Firdhiye), ayaa magacaabay Golihiisa Wasiirrada oo ka kooban 21 xubnood, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.
Liiska wasiirrada cusub ayaa waxaa ku jira hal haweeney, halka qaar kalena ay yihiin xildhibaano iyo wasiiro h**e uga tirsanaa maamulka Puntland.
Madaxweyne Firdhiye ayaa sidoo kale dib u soo celiyay qaar kamid ah wasiirradii h**e ee maamulka SSC-Khaatumo, isagoo sheegay in magacaabistu ay tahay mid lagu dhisayo xukuumad isku dhafan oo waafaqsan baahida bulshada.
Weli lama magacaabin wasiir ku-xigeennada iyo wasiiru-dowlayaasha maamulka, waxaana la filayaa in lagu dhawaaqo maalmaha soo socda.
Ka hor magacaabista Golaha Wasiirrada, Madaxweyne Firdhiye iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Abwaan Cabdirashiid ayaa isku khilaafay saami qeysbiga Golaha xukuumadda, inkastoo markii dambe xal laga gaaray.
Isla maanta ayaa lagu wadaa in la dhaariyo xubnaha wasiirrada oo intooda badan ay ku sugan yihiin magaalada Laascaanood.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 19ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u tagi doon...
10/19/2025

WARARKA MAANTA 19ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u tagi doonaa Laascoonod, Dowlad Waqooyi Bari? Yaa dhacay shacabka u diiday inuu u dhiso Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 19ka Oktoobar 2025
Jigjiga 19ka Oktoobar 2025 Xisbiga Barwaaqo waxa uu ku howlan yahay sidii guulo looga gaadhi lahaa dhinacyada kala duwan ee horumarineed – Mudane Aadam Faarax
‎Qiimaynta warbixinta waxqabadka rubaca 1-aad ee Sanad miisaaniyadeedka 2018-ka ee Xisbiga Barwaaqo ayaa si rasmi ah uga firmay xarunta xisbiga ee Magaalada Addis Ababa.
‎Madashan oo si habsami leh uga socota xarunta dhexe ee Xisbiga Barwaaqo ee dalka isla markaana socon doona mudo laba maalmood ah ayaa waxa furay Madaxweyne ku xigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee Xisbiga Barwaaqo Mudane Adem Faarax iyadoo aay kasoo qaybgaleen madaxda waaxyaha xisbiga Barwaaqo ee dalka, madaxda laamaha kala duwan ee deegaanada iyo madax kale.
‎‎Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo, Mudane. Adem Faarax oo khudbad ka jeediyay madasha dib u eegista waxqabadka xisbiga ee rubaca koowaad ayaa sheegay in xisbigu uu ku jiro socdaal guul ah oo dhinac walba ah, isagoo sharaxaad ka bixiyay shanta qodob ee udub-dhexaadka u ah guusha xisbiga.
‎Waxa uu sheegay in xisbigu guulo badan ka soo hoyay in qorshaal horumarineed loo dajiyo Itoobiya iyo xisbiguba; iyado ay socdaan dadaal lagu doonayo in lagaga faa'iidaysto dhammaan awoodaha fikradda wadajirka; laguna salaynayo xaqiiqada dhabta ah ee goob kasta ka jirta oo leh aragti dhab ah loogana shaqeynayo si deg deg ah oo ku dhisan hal abuur iyadoo caqabadaha loo badalayo Fursado dhaxalgal ah.
‎Madashani ayaa inta aay socoto Waxaa si qoto dheer loogu qiimeyn doonaa guulihii uu xisbigu gaadhay 3-dii bilood ee lasoo dhaafay iyadoo dhinaca kale diirada lasaari doono waxyaabihii aan qabsoomin iyo caqabadaha Jira.
Jigjiga 19ka Oktoobar 2025 Xisbiga Barwaaqo ayaa xaruntiisa dhexe ka furay shir laba maalmood soconaya oo lagu qiimeynayo waxqabadka rubuca koowaad ee sannadka miisaaniyadda 2018. Shirka waxaa ka qaybgalay madaxda sare ee xisbiga, oo uu ka mid yahay Mudane Aadan Faarax, Madaxwayne ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo lehna awood Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen, madaxda waaxaha, iyo hoggaamiyeyaasha laamaha xisbiga ee deegaannada dalka.
Mudane Aadan Faarax oo ka hadlay shirkan ayaa sheegay in xisbigu si guul leh u wado hawlihiisa iyo barnaamijyadiisa, isaga oo xusay shanta tiir ee lagu dhisay guusha, kuwaas oo ah:
1. In si weyn loogu heellan yahay jihada dalka iyo xisbigu u socdaan,
2. In la mideeyo awoodaha iyo kartida dadka si wadajir ah,
3. In la qaato aragti dhaqan-ku-salaysan oo dhab ah, iyadoo la eegayo xaaladdaha dhabta ah ee deegaan kasta,
4. In loo shaqeeyo xawli ah,oo xirfad iyo hal-abuur ku dheehan tahay.
5. Iyo in fursadaha laga abuuro tijaabooyinka iyo caqabadaha la kulmo.
Shirkan wuxuu xoogga saaraya in si qoto dheer loo lafaguro guulaha iyo caqabadaha, iyadoo la dejinayo xeelado lagu xoojinayo waxqabadka lana saxayo meelaha ay galdalooladu ka jiraan, si loo gaaro is-afgarad iyo midnimo siyaasadeed.

Dooxa 19ka Oktoobar 2025 Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Yuusuf Maxmaed ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kulan doceed kula yeeshay Prof. Dr. Vedat Işikhan, Wasiirka Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay dhameystirka iyo fulinta heshiiskii h**ey ay u gaareen labada wasaaradood, kaas oo lagu ballamay in si rasmi ah saxiixisu dhawaan ka dhaco dalka Turkiga. Heshiiskaas, oo ay Golaha Wasiirrada Soomaaliya ansixiyeen bishii July 2025, wuxuu diiradda saaraya shaqo-abuurka, shaqo-siinta, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha.
Sidoo kale, labada masuul ayaa isla garteen in tababaro aqoon-kororsi ah loo fidiyo shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, si ay uga faa’iideystaan aqoonta iyo khibradda Turkiga ee la xiriirta horumarinta awoodda shaqaalaha iyo maamulka shaqooyinka bulshada.
Ugu dambeyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya, Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada ee Turkiga, Prof. Dr. Vedat Işikhan, soo dhoweynta diirran iyo sida uu mar walba uga go’an yahay xoojinta iskaashiga iyo walaaltinimada ka dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Muqdisho 19ka Oktoobar 2025 Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga toddobaad, kulankiisa 3-aad, kaas oo ajandihiisu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka.
Ugu horrayn, Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda iyo Garsoorka Aqalka Sare, Sanatar Naciima Xasan Gadhwayne, ayaa Sanatarrada la wadaagtay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka, iyadoo tilmaamtay toosin, sixid iyo siiqaaynba lagu sameeyay qaar ka mid ah qodobada Hinde-sharciyeedka.
Intaas kaddib, Sanatarrada Aqalka Sare ayaa guda galay doodda Hindise Sharciyeedka, iyagoo ka dhiibtay aragtiyadooda iyo talooyinka ku aaddan qodobada sharciga. Qaar ka mid ah Sanatarada ayaa xusay in ay jiraan qodobo u baahan wax ka beddel iyo sixitaan si loo sii adkeeyo hirgelinta sharciga.
Guddoomiye Timacadde, oo kulanka soo xiray, ayaa ku bogaadiyay Sanatarrada Aqalka Sare iyo Guddiga Caddaaladda iyo Garsoorka sida xilkasnimada leh ee ay uga go’an tahay gudashada waajibaadkooda sharci dejineed. Wuxuuna faray Guddiga in ay is waafajiyaan doodaha iyo soo jeedinta Sanatarrada, si dib loogu soo celiyo Golaha, ugana gudbo akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka.
DHAMMAAD
Muqdisho 19ka Oktoobar 2025 Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed, kaas oo lagu eedeeyay in uu si arxan darro ah xaaskiisa ugu dilay toorey.
Dilkan foosha xun ayaa ka dhacay xaafad ka tirsan Degmada Garasbaaley, waxaana markiiba howlgal degdeg ah bilaabay ciidamada booliska, kuwaas oo ugu dambeyn ku guuleystay inay soo qabtaan eedeysanaha.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliska, Abshir ayaa haatan ku jira xabsiga saldhigga Garasbaaley, waxaana lagu wargeliyay in dacwadiisa loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo.
Booliska ayaa sheegay inay sii wadi doonaan baaritaannada la xiriira falkaasi, iyagoo bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xakameeyo dambiyada noocan oo kale ah ee kusoo kordhaya magaalada Muqdisho.
Dhacdadan ayaa cabsi iyo dareen murugo leh ku reebtay bulshada deegaanka, iyagoo dalbanaya in cadaaladda si degdeg ah loo horkeeno eedeysanahaasi.
Muqdisho 19ka Oktoobar 2025 Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Omar Ali Abdi, ayaa booqasho ku tagay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yusuf Raage, si ay qiimeyn ugu sameeyaan xaaladda amniga iyo tan bini’aadantinimo ee degmadaasi oo dhowaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.
Mas’uuliyiinta ayaa kormeeray goobo muhiim ah oo ay burburiyeen argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo ay ka mid yihiin guryo dadweyne, iskuullo, xarumo caafimaad iyo kaabayaal tamar oo ay bulshada deegaankaasi ku tiirsanayd, sida nidaamka cadceedda ku shaqeeya ee korontada.
Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in shacabka Awdheegle ay wajahayaan duruufo adag oo bini’aadantinimo, kuwaas oo u baahan gurmad degdeg ah.
Wuxuu xusay in booqashada ay qeyb ka tahay dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto garab istaagga shacabka laga xoreeyay gacanta Al-Shabaab.
“Dowladdu waxay u heelan tahay inay ka shaqeyso dib u dhiska deegannada laga xoreeyo cadowga, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad iyo nolol sharaf leh,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha.
Dhanka kale, Wasiiru-dowlaha iyo Taliyaha CXDS ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay geesinimada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo garab istaagga ay bixiyaan saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan ciidamada AUSSOM, oo gacan weyn ka geystay nabadeynta iyo xasillinta deegaannada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

...

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali National Post posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share