09/20/2026
WARARKA MAANTA 20ka Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaare cusub kadib xisbiga oo raba xunka dalka inay si sharci-darro ku sii joogaan? Maxuu kashiay Madaxweyne h**e Mudane Shiikh Shariif oo runta ka sheegay Madaxweyne h**e Mudane Xassan Shiikh oo fashil iyo xukun xoog raba inuu Madaxtooyada ku joogo? Maxuuse Madaxweyne h**e Xassan waxba uga qaadi waayi , Iyo ? Yaase boobsay shacabka ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho 20ka Sebteembar 2026 Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saxiixay Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha.
Amarkan wuxuu xoojinayaa dadaallada lagu hor istaagayo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, gaar ahaan kuwa ka dhaca xilliyada colaadaha, iyadoo la adkeynayo ilaalinta xuquuqda, karaamada iyo badqabka haweenka, sidoo kale wuxuu dadejinayaa waajibaadyo cad oo la xiriira ka hortagga, soo-sheegidda, baaritaanka iyo wax-ka-qabashada kiisaska tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, iyadoo la raacayo shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ilaalinta dadka rayidka ah xilliyada colaadaha.
Saxiixa Amarka ah ee Taliyaha wuxuu ka dhashay wada-shaqeyn iyo dadaallo joogto ah oo ay wadeen Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta ee UNTMIS iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Tacaddiyada lagula kaco haween xiliyada Colaadaha, kuwaas oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kala shaqeynayay sidii ka hortagga iyo wax-ka-qabashada tacaddiyada ka dhanka ah haweenka xilliyada colaadaha.
Muqdisho 20ka Sebteembar 2026 Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.
Booqashadan ayaa daba socota booqashadii Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, uu 4-tii Agoosto 2026 ku tagay dalka Pakistan, taas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.
Inta ay dalka ku sugan yihiin, wafdiga ayaa kulamo la yeelan doona Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, kuwaas oo looga wada hadli doono sii xoojinta iskaashiga labada ciidan iyo horumarinta wada-shaqeynta dhinaca difaaca cirka.
Booqashadu waxay qeyb ka tahay dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga ee lagu xoojinayo iskaashiga difaaca ee dalalka saaxiibka ah, si loo taageero dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Soo dhaweynta wafdiga waxaa ka qeybgalay saraakiil iyo xubno ka tirsan jiilka cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Maraykanka 20ka Sebteembar 2026Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa soo bandhigtay hindise sharciyeed cusub oo lagu doonayo in ku dhowaad 140 bilyan oo dollar oo loo qoondeeyay hay'adaha socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha loogu wareejiyo bulshooyinka ay saameeyeen hawlgallada ICE. Hindisaha oo loogu magac daray "Make ICE Pay Act" ayaa yimid kadib markii la soo gabagabeeyay hawlgalka Operation Metro Surge ee gobolka Minnesota.
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in lacagta loo adeegsan karo soo kabashada bulshooyinka ay saameeyeen hawlgallada socdaalka, iyadoo xustay in Minneapolis oo keliya hawlgalku ku yeeshay saameyn dhaqaale oo ay ku qiyaastay ku dhowaad 700 milyan oo dollar.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka xafiiska Ilhaan Cumar, sharcigu wuxuu lacagahaas u weecin karaa dadaallo dib loogu taageerayo bulshooyinka ku yaalla gobollada ay saameeyeen hawlgallada ICE iyo CBP.
Gobollada lagu xusay hindisaha waxaa ka mid ah California, Minnesota, Illinois, Louisiana, Maine, North Carolina iyo Oregon.
Lacagta ayaa, haddii sharcigu dhaqan galo, loo adeegsan karaa gargaar dhaqaale, kharashaadka hawlgalka, taageerada hay'adaha waxbarashada iyo adeegyada taageerada nafsaaniga ah ee dadka ay hawlgalladu saameeyeen.
Hindisaha ayaa sidoo kale oggolaanaya in lacagaha loo adeegsado baaritaanno iyo guddiyo lagu diiwaangelinayo saameynta hawlgallada, iyo sidoo kale dadaallo xusuusin iyo diiwaangelin ah.
Muqdisho 20ka Sebteembar 2026 Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay in dhismayaal laga sameeyay marinadii dabiiciga ahaa ee biyaha roobka ee Muqdisho ay xannibayaan qulqulka biyaha, taasoo sare u qaadi karta khatarta fatahaadaha xilli la filayo roobab culus oo la xiriira El Niño. Digniintan ayaa ka soo baxday kulan ka dhacay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), kaas oo looga hadlayay saameynta roobabkii dhawaan ka da’ay Muqdisho iyo diyaar-garowga roobabka la filayo.
Kulanka waxaa guddoomiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali Hoosh, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka gobolka Banaadir, culimo, bulshada rayidka ah iyo ganacsatada.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Bashiir Maxamed Jaamac, (Bashiir Goobbe) ayaa sheegay in dhagxaan iyo caqabado kale oo laga dhisay agagaarka waddada isku xirta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo safaaradda Turkiga ay xannibayaan marinkii dabiiciga ahaa ee biyuhu mari jireen.
Wuxuu sheegay in fatahaad h**e oo ka dhacday deegaankaas ay ku dhinteen laba qof, isagoo ka digay in haddii marin-biyoodka la sii xannibo ay xaaladdu saameyn karto ku dhowaad 40 qoys oo halkaas ku nool, isla markaana ay kordhin karto khatarta fatahaadaha iyo korontada.
Bashiir Goobbe ayaa ku baaqay in dhagxaanta iyo caqabadaha kale laga qaado marinada biyaha ama dib loo habeeyo, si biyuhu si ammaan ah ugu gudbaan iyada oo aan waxyeello loo geysan dhismayaasha ku dhow.
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca amniga iyo siyaasadda, Maxamed Axmed Diriye Yabooh, ayaa sheegay in dowladda hoose ay waddo gurista biyaha fariistay waddooyin muhiim ah oo Muqdisho ku yaalla.
Hase yeeshee, wuxuu sheegay in tallaabooyinka hadda la qaadayo ay yihiin kuwo ku-meel-gaar ah, isaga oo xusay in isbitaallo, jaamacado, hay’ado dowladeed, xarumo gaar loo leeyahay iyo shaqsiyaad ay dhiseen caqabado gooyay marinadii ay biyuhu h**e ugu qulquli jireen.
“Haddii biyaha loo oggolaan lahaa inay maraan jidkoodii h**e, meelahaas kuma urureen,” ayuu yiri Yabooh.
Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan, ayaa ku baaqay in la sameeyo qorsheyn iyo dhaqaale gaar ah oo loogu diyaar-garoobo roobabka la filayo, isagoo sidoo kale soo jeediyay in SoDMA ay noqoto hay’adda ugu weyn ee bixisa digniinaha cimilada iyo xogta musiibooyinka.
Muqdisho 20ka Sebteembar 2026Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalka laga xaqiijiyay jiritaanka ama inuu leeyahay kheyraad macdaneed muhiim ah oo ay ka mid yihiin uranium, lithium iyo cobalt, kuwaas oo uu ku tilmaamay qayb ka mid ah khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu magaalada Muqdisho ka furayay Madasha Maaliyadda Horumarinta Soomaaliya, oo diiradda lagu saaray kobcinta dhaqaalaha, soo jiidashada maalgashiga iyo xoojinta ilaha dakhliga dalka.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad dabiici ah oo ballaaran, oo ay ku jiraan macdanta dhulka hoostiisa, kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, balse loo baahan yahay khibrad, maalgashi iyo iskaashi caalami ah si si buuxda looga faa’iidaysto.
“Maanta dunidu waxay si weyn u danaynaysaa macdanta, gaar ahaan waxa loo yaqaan macdanta dhifka ah. Haddii ay tahay uranium, lithium, cobalt iyo kuwo kale oo badan oo dunidu hadda raadineyso, waxaa la xaqiijiyay inay Soomaaliya ku jiraan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay xoogga saarayso abuurista jawi ku habboon in maalgashadayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ah ay dalka ku soo laabtaan.
Wuxuu tilmaamay in kalsoonida maalgashadayaasha ay ku xiran tahay xasillooni, sharciyo cad iyo hay’ado awood u leh inay si hufan u shaqeeyaan, Arrintaas ayuu ku xiray horumarinta warshadaha, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo nidaamyada fududeynaya ganacsiga.
Madasha Maaliyadda Horumarinta Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay qorshayaal dowladda ay sheegtay inay ujeeddadoodu tahay ballaarinta kobaca dhaqaalaha, kordhinta maalgashiga iyo dhisidda saldhigyo dhaqaale oo horseeda horumar waara.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si rasmi ah uma xusin halka rasmiga ah ee macdantaasi laga helay iyadoo dowladda hadda ku howlan tahay soo saarista shidaalka.
Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.