09/11/2026
WARARKA MAANTA 11ka Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta::Halkee qabsadeen Xuutiyiinka Yaman? Maxay u aqoonsatay maamulka ? Maxaa ka cusub siyaasadda ? Maxuu ka cusub DGKG? Maxuu Madaxweyne h**e Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu ciidan siiyo Shiikh Aadan Madoobe? Maxuu ka kashifay Siyaasiga caanka ah Sakariye Xaaji Maxamuud “Jeeni-Haar”? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho 11ka Sebteembar 2026TALISKA NISA: Sida aan xog ku helnay, waxaa muddo aan la arkin agaasimihii hay'adda NISA ee sirdoonka Soomaaliya, Mahad Salaad, kaas oo sida xoguhu nagu soo gaareen u baxay xannuun dhanka wadnaha ah oo haleelay.
Sida aan tabinnay bishii h**e, Mahad Salaad ayaa khilaaf xooggan kala dhexeeyaa Xasan Sheekh, iyadoo kulamada madaxtooyada laga joojiyay Mahad sabab lagu sheegay inuu halis ku yahay amaanka Xasan.
Ilaha ayaa sheegaya in Mahad uu u safray dalka dibaddiisa si uu u raadsado baaritaan dhanka wadnaha.
Dhanka kale, Xasan Sheekh oo isaga laftiisa labo maalmood ku qaatay isbitaal ku yaalla Belgrade, Serbia ayaa shalay ugu laabtay Muqdisho.
Israel 11ka Sebteembar 2026 Israa’iil ayaa si cad u muujisay inay taageerayso dadaalka Itoobiya ugu jirto helitaanka marin-badeed ku yaalla Badda Cas, iyadoo Safiirka Israa’iil u fadhiya Itoobiya, Avraham Neguise, uu sheegay in taageerada arrintani ay tahay siyaasadda rasmiga ah ee Israa’iil. Neguise oo wareysi siiyay Hay’adda Wararka Itoobiya (ENA) oo xarunteedu tahay Addis Ababa, ayaa sheegay in Israa’iil ay garab taagan tahay Itoobiya dadaalkeeda ku aaddan helitaanka marin-badeed.
“Israa’iil waxay arrintan ku garab taagan tahay Itoobiya. Tani waa siyaasadda cad ee Israa’iil,” ayuu yidhi safiirku. Safiirka ayaa sheegay in Israa’iil ay u aragto helitaanka marin-badeedka Itoobiya arrin la xidhiidha xasilloonida dhaqaale iyo amni ee gobolka Badda Cas, isaga oo xusay in xoojinta Itoobiya ay faa’iido u yeelan karto amniga gobolka.
“Xoojinta iyo awood-siinta Itoobiya iyo abuurista xasilloonida Badda Cas waxay dan u tahay dhammaan dhinacyada, mana aha oo keliya dan Itoobiya,” ayuu Neguise ku sheegay wareysiga.
Waxa uu sheegay in marin-badeedku Itoobiya ka caawin karo xoojinta dhaqaalaha, ilaalinta madaxbannaanideeda iyo kaalin weyn oo ay ka qaadato amniga gobolka. Si kastaba ha ahaatee, safiirku ma sheegin deked gaar ah oo Israa’iil taageerayso, mana caddayn in taageeradu ku saabsan tahay marin ganacsi, saldhig ciidan oo badeed ama heshiis kale.
Neguise ayaa sidoo kale xoogga saaray muhiimadda amniga Badda Cas, isaga oo sheegay in khataraha ka jira marin-biyoodkaasi ayna saameyn toodu ku koobnayn dalalka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, balse ay saamayn karaan dhaqaalaha caalamka. “Haddii Badda Cas ayna xasilloonaan oo ay argagixisadu weerarro ka geysanayso, ma aha oo keliya Geeska Afrika ama Bariga Dhexe; dhaqaalaha adduunka oo dhan ayay dhibaatayn doonta,” ayuu yidhi.
Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab ayaa ah mid ka mid ah marinnada ganacsi ee ugu muhiimsan dunida, maadaama uu isku xidho Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Kanaalka Suweys. Weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay u geysteen maraakiibta ganacsiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay carqaladeeyay isu-socodka ganacsiga, taas oo ku khasabtay qaar ka mid ah maraakiibta inay maraan waddooyin dheer oo ku wareegsan koonfurta Afrika.
Safiirka Israa’iil ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu Itoobiya la wadaago khibraddiisa ku saabsan la-dagaallanka argagixisada iyo wax ka qabashada khataraha amni, isaga oo ku dooday in amniga iyo horumarka dhaqaale ay si dhow isugu xidhan yihiin.
Puntland 11ka Sebteembar 2026 Puntland ayaa sheegtay in qorshaha lagu banneynayo goobaha iyo dhulalka dowladda ee magaalada Boosaaso uusan la mid ahayn tallaabooyinka ka socda Muqdisho ee burburita dhismayaasha dadweynaha. Puntland waxay sheegtay in dhulka dowladda dib loogu soo celinayo gacanta dowladda si loogu adeego danaha guud.
Guddoomiyaha degmada Boosaas, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in maamulka uu muddo bilo ah waday qorshe lagu banneynayo xarumaha iyo goobaha ay dowladdu leedahay, kuwaas oo uu sheegay in qaar ka mid ah muddo dheer ay gacanta ugu jireen dad gaar ah.
Wuxuu sheegay in maanta la gaaray xaruntii h**e ee booliiska, iyadoo qorshuhu yahay in maalmaha soo socda la gaaro xarumo kale oo ku yaalla magaalada.
Sida uu sheegay, goobaha dowladda ee la baneeyo dib looguma celin doono shaqsiyaad ama ganacsato, balse waxaa loo qorsheynayaa in ay qeyb ka noqdaan goobaha dadweynaha iyo qorshaha lagu hagaajinayo bilicda Boosaaso.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dib-u-habaynta magaalada ay bilaabatay bilo ka hor, iyadoo laga soo bilaabay agagaarka xarunta dowladda hoose, isla markaana qorshuhu ku fidayo waddada dheer ee magaalada ku xirta garoonka diyaaradaha.
Muqdisho 11ka Sebteembar 2026 MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR
Muqdisho, Sabteembar 10, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 1-aad, Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Cutubyo ka tirsan Guutada 21-aad ee Gorgor, kuwaasi oo dhowaan soo dhammaystay tababar heer sare ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixinno ka dhageystay Taliska iyo saraakiisha ciidamada, isaga oo mid mid u booqday xafiisyada Taliska, deegaanka ciidamada, Isbitaalka Qaybta iyo xarumaha saadka, isla markaana u kuurgalay xaaladda guud ee ciidamada, adeegyada ay helaan iyo diyaar-garowgooda hawlaha qaranka.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka ciidamada Gorgor ee difaaca dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna ka shaqeeyaan xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ah xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah Khawaarijta .
Ugu dambaun, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dowladda iyo shacabka Türkiye uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay ka geystaan dib-u-dhiska, tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhismaha iyo horumarinta cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgo
Muqdisho 11ka Sebteembar 2026 Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista Faysal Aadan Xasan oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya, halka Maxamed Yuussuf Maxamed loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Hay’adda.
Magacaabista labada mas’uul ayaa timid kaddib soo-jeedin uu Golaha Wasiirrada u gudbiyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Abdirahman Beenebeene, iyadoo lagu saleynayo Sharciga Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya.
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa sheegtay inay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ka shaqaynaysay dhismaha hay’addan oo loo asteeyay inay door ku yeelato dhiirrigelinta iyo soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo kan caalamiga ah.
Wasiir Beenebeene ayaa soo dhaweeyay ansixinta magacaabista labada mas’uul, isagoo sheegay in Wasaaraddu muddo saddex sano ah dadaal ugu jirtay dhismaha Hay’adda.
“Waxaan si kal iyo laab ah Golaha Wasiirrada uga mahadcelinayaa ansixinta magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya, Faysal Aadan Xasan, iyo Agaasime Ku-xigeenka Hay’adda, Maxamed Yuussuf Maxamed,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu labada mas’uul u rajeeyay guul, isagoo ka dalbaday inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.
Hay’adda ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka shaqeyso hagaajinta jawiga maalgashiga, fududeynta adeegyada maalgashadayaasha iyo abuurista hannaan maalgashi oo si wanaagsan uga shaqeeya Soomaaliya.
Sharciga lagu dhisay Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya ayaa soo maray Golaha Wasiirrada, labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha, iyadoo ugu dambeyn uu Madaxweynaha saxiixay.
Hay’adda waxaa si rasmi ah loogu dhisay Sharciga Lr. 43 ee 15 Diseembar 2025, kaas oo saldhig sharci u ah hawlaheeda iyo waajibaadka loo igmaday.
Muqdisho 11ka Sebteembar 2026 Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ayaa sheegay in dowladda federaalku ay weli diyaar u tahay wada-hadal ay la yeelato mucaaradka, si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan doorashada la filayo in dalka ka dhacdo sannadka soo socda iyo arrimaha dastuuriga ah. Wasiirka oo wareysi siiyay mid kamid ah warbaahinta Carabta ayaa sheegay in dowladda aysan wax caqabad ah ku qabin in mucaaradka lala fariisto miiska wada-hadalka, isagoo xusay in kulamo dhowr ah ay h**ey u dhex mareen labada dhinac.
Wuxuu sheegay in kulamadaas lagu heshiiyay qodobo qaar, halka qodobo kalena ay weli muran ka taagan yahay, kuwaas oo uu sheegay in labada dhinac ay ka wada shaqeyn doonaan sidii xal loogu heli lahaa. “Dowladda Soomaaliya waxay ahayd oo weligeed ahaan doontaa mid u furan wada-hadalka arrimaha aasaasiga ah, oo ay ka mid yihiin arrimaha dastuurka iyo doorashada federaalka ee soo socota,” ayuu yiri wasiirku.
Si kastaba, Cabdifataax Qaasim wuxuu sheegay in waxa dowladda ay diiddan tahay ay yihiin isku dhacyo hubeysan, qalalaase iyo tallaabooyin wax u dhimaya xasilloonida dalka.
Wasiirku wuxuu ku eedeeyay mucaaradka inay mararka qaar u dhaqaaqaan dhinaca sii hurinta khilaafaadka siyaasadeed, halka dowladda, sida uu sheegay, ay doorbidayso in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal.
Wuxuu ugu baaqay mucaaradka inay dowladda kala shaqeeyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo sheegay in dhinacyada siyaasadda ay ku kala aragti duwanaan karaan, balse ay tahay inay ka mideysnaadaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan.
Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.