12/11/2025
WARARKA MAANTA 11ka Juun 2024
Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaarah cusub? Yaa diiday inay shacabka helaan Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho 11ka Juun 2024 Waxaan booqday degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, waxaana i wehliyay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. booqashada waxaan diiradda ku saarnay ololaha wacyigelinta doorashada, oo bulshada lagu xusuusinayo muhiimadda ka-qaybgalka codbixinta iyo ilaalinta amniga.
Intii aan joognay degmada, waxaan la kulanay maamulka, dhallinyarada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, annagoo ka wada hadlay xoojinta amniga, doorashada, doorka muwaadinka, iyo muhiimadda codkoodu u leeyahay horumarka dalka.
Muqdisho 11ka Juun 2024 Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley IV.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaqiijinta iskaashi bani’aadannimo oo wax-ku-ool ah, xilli Maraykanku ahaa deeq-bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya dhinaca gargaarka tobankii sano ee la soo dhaafay, isagoo bixiyay in ka badan USD 7 bilyan oo gargaar iyo kaalmo horumarineed ah.
Kulanka ayaa sidoo kale xoogga lagu saaray sidii Washington mar kale door muuqda uga qaadan lahayd iskaashiga lagu wajahayo abaarta hadda ka taagan dalka iyo caqabadaha bani’aadannimo ee sii kordhaya.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa safaaradda iyo Dowladda Maraykanka kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ku aaddan howlgallada bani’aadannimo iyo guud ahaan dadaallda muddada dheer ah ee geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Sanaag 11ka Juun 2024 Guddi loo xilsaaray baarista dilkii Nabadoon Cumar Cabdullaahi Axmed ayaa soo saaray warbixin dhamaystiran oo ku saabsan dhacdadii lagu dilay caaqilka, taas oo ay ku caddeeyeen xogihii ay ururiyeen hay’adaha amniga Puntland iyo marag-furistii la helay.
Warbixin rasmi ah oo ay soo saareen guddigan ayaa lagu sheegay in Caaqil Cumar uu 13-kii September 2025 ka baxay magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag, isaga oo u socdaalayay degmada Badhan, si uu uga qayb galo wada-hadal lagu xallinayey khilaaf u dhexeeyay laba beelood oo deegaanka ah. Guddiga baaristu waxay caddeeyeen in Caaqilka uu ka tirsanaa guddi nabadeed oo uu hoggaaminayay Suldaan Cabdisalaan.
Guddiga waxay sheegeen in Caaqil Cumar uu ahaa caaqil si rasmi ah uga diiwaangashan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, isla markaana door muuqda ku lahaa nabadaynta iyo waanwaanta bulshada gobolka Sanaag.
Hay’adaha amniga Puntland, oo ay ka mid yihiin CID-da iyo nabadsugiddu, ayaa warbixintan ku caddeeyay inuusan marxuumku lahayn wax gal dambiyeed ah ama kayd ku jira diiwaanada amniga. Dadka deegaanka oo goobta joogay ayaa iyaguna xaqiijiyay in Caaqil Cumar uu kaligiis watay gaarigiisa markii la beegsaday.
Guddigu wuxuu soo bandhigay haraagii gantaallada lagu garaacay iyo sawirradii laga qaaday goobta weerarka, kuwaas oo muujinaya nooca hubka la isticmaalay, iyadoo sidoo kale la soo bandhigay gaarigii uu watay oo ahaa nooca Suzuki. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in taliska AFRICOM uu qirtay duqeyntii lagu dilay caaqilka.
Baaritaanka DNA-da ee la sameeyay ayaa si cad u muujiyay in goobta uu ku dhintay hal qof oo lab ah, taas oo waafaqsan xogta kale ee baarista.
Guddiga ayaa ugu dambayn sheegay in Caaqil Cumar uu ahaa shaqsi nabadeed oo bulshada u adeegayay, isla markaana uusan lahayn wax eed dambiyeed ah oo ka diiwaangashan hay’adaha amniga. Gobalka
Jubbada Hoose 11ka Juun 2024 Warar dheeraad ah ayaa laga helaya howlgal saacadihii lasoo dhaafay ciidanka hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku sugnaa degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Qoraalka NISA laguma faahfaahin inta uu dhan yahay khasaaraha ka dhashay howlgalka laga fuliyay degmada Jilib, marka laga soo tago in lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab.
Si kastaba ha ahaate bayaanka NISA ayaa lagu xusay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, islamarkaasna dhawaan soo gudbin doonaan faahfaahino intaan ka dheeraad ah.
Ugu dambeyntii howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo sidaan oo kale saacadihii la soo dhaafay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka NISA iyo saaxiibada Caalamka laga fuliyay tuulada Jambaluul oo hoostagta degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo lagu dilay horjooge ka tirsana kooxda iyo 12 xubnood oo kale.
Muqdisho 11ka Juun 2024 Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, (Cali Balcad) ayaa si adag u beeniyay eedeymaha sheegaya in hub ka baxa gudaha Soomaaliya uu gaarayo dalalka deriska.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in waddanka Soomaaliya uu isaga la tacaalayo sidii loo joojin lahaa hubka sharci darrada ah ee kaga soo gudba dhinaca Yemen.
Isagoo ka hadlayay Forum-ka Doha ee 23-aad, ayuu wasiirku u sheegay Al Jazeera Net in aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in hub Soomaaliya ka baxa uu gaaro gacmaha Xuutiyiinta ama cid kale oo gobolka ka tirsan.
Wasiir Cali Balcad ayaa wuxuu yiri “Eedeymahaas ma aha kuwo sax ah Hubka kaliya ee socdaalkiisu la og yahay waa kan ka yimaada Yemen ee u soo gudba Soomaaliya, Ma jiro wax war ama xog muujinaya in hub Soomaaliya uga ambabaxo dhinaca Xuutiyiinta, annaga ayaana dagaal ugu jirna in aan taas joojino.”
Wuxuu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ku dadaalayso in ay xoojiso xiriirka ay la leedahay waddamada gobolka, ayna ka shaqaynayso nabad iyo iskaashi dhab ah oo ka hirgala Geeska Afrika.
Maraykanka 11ka Juun 2024 Elon Musk, madaxa shirkadaha Tesla iyo SpaceX, ayaa baraha bulshada gaar ahaan X ka dhaliyay dood xoogan kadib markii uu ku eedeeyay Ilhaan Cumar “khiyaano qaran”, isaga oo ka jawaabaya muuqaal ay ka muuqatay Ilhaan oo la hadlaysay taageerayaal Soomaaliyeed oo ku nool Minnesota sanadkii 2024.
Muuqaalkan oo si weyn ugu wareegay internet-ka, ayaa laga maqlayaa Ilhaan Omar oo ka hadleysa arrimaha ku saabsan khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan qorshaha Itoobiya ee dhisashada saldhig badeed oo ay ka hesho Somaliland.
Ilhaan ayaa hadalkaas ku balanqaaday inay “u istaagi doonto difaaca danaha Soomaaliya”, islamarkaana ay Washington ku riixi doonaan inay “sida aan rabno u dhaqanto.”
Elon Musk, oo dib u faafiyay muuqaalkaas Arbacadii, ayaa ku qoray X: “Tani waxay u egtahay khiyaano qaran.” Hadalkiisa ayaa si degdeg ah u faafay, waxaana ka dhashay dood kulul oo u dhaxeysa taageerayaasha Ilhaan iyo kuwa Musk.
Ilhaan Omar ayaa hadalladan markii h**e jeedisay Janaayo 2024, iyada oo ka jawaabeysay xiisadda cirka isku shareertay ee ka dhalatay heshiiskii hordhaca ahaa ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Somaliland.
Ilhaan ayaa markaas ku adkeysatay inay ka shaqeyn doonto sidii loo ilaalin lahaa midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Inkasta oo taageerayaal badan oo Soomaali ah ay u arkeen hadalkeeda mid ujeedkiisu yahay difaaca danta dalkooda, hadalka Musk ayaa kor u qaaday dood siyaasadeed qaran oo ku saabsan doorka xubnaha Congress-ka ee arrimaha dibedda iyo xiriirkooda bulshada ay matalaan.
Muqdisho 11ka Juun 2024 Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Booliiska iyo kuwa Milatariga ee Dowladda Soomaaliya laga saaray dhinacyada lagu eedeeyay askaraynta carruurta ee goobaha dagaalka.
Tallaabadan ayaa waxaa Qaramada Midoobay ku tilmaantay guul weyn oo muujineysa sanado badan oo shaqo ah oo ay dowladda Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheedu qabteen.
Warbixinta Qaramada Midoobay ee la xiriirta carruurta iyo colaadda Soomaaliya, oo loo gudbiyay Golaha Ammaanka, ayaa muujisay heerka xadgudubyada loo geysto carruurta iyo dadaallada lagu hortagayo.
Sida lagu sheegay warbixinta, 8,493 xadgudubyo ah ayaa laga diiwaan galiyay Soomaaliya intii u dhaxaysay 2021 illaa 2024. Waxaa 6,801 kamid ah xadgudubyadaas loo geystay carruur. Xadgudubyada ugu badan waxaa ka mid ah, askaraynta carruurta, afduubka carruurta iyo dilka carruurta.
Al-Shabaab ayaa mas’uul ka ah 66% dhammaan xadgudubyada la xaqiijiyay, iyadoo kordhisay qorista carruurta iyo marin-habaabin lagu sameeyo masjidyo iyo dugsi Qur’aan oo ku yaalla deegaannada ay ka taliyaan. Carruurta la qoray waxaa ka mid ahaa kuwo ay da’doodu tahay 8 sano.
Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo askaraynta carruurta, lana ilaaliyo iskuullada iyo xarumaha caafimaadka, si loo xoojiyo nidaamyada ka hortagga xadgudubyada.
In kasta oo horumar la gaaray, Qaramada Midoobay waxay ka digtay in Al-Shabaab weli mas’uul ka yahay inta badan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dalka, oo ay ku jiraan dilal, afduub, iyo weeraro loo geysto shacabka, shaqaalaha gargaarka iyo hay’adaha dowladda.
Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.