10/16/2026
WARARKA MAANTA 16ka Oktoobar 2026
Su’aalaha Maanta:Yaa dalka lacag la’aan ka dhigay? Yaa dalka diiday in loo sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah? Goorma ayaa la soo qabanaa siyaasiyiinta mucaaradka ee jooga? z Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Datuuriga ah Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho 16ka Oktoobar 2026
Muqdisho 16ka Oktoobar 2026 Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay jadwalka doorashooyinka ay shaaciyeen Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kaas oo qeexaya qabashada doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka iyo tan madaxweynaha dalka. War-saxaafadeed ay xukuumaddu soo saartay Khamiista, 15-ka Oktoobar 2026, ayay ku sheegtay in jadwalkani yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo xoojinta dimuqraadiyadda dalka.
Xukuumaddu waxay sheegtay inay 18-kii bilood ee la soo dhaafay dadaal ugu jirtay sidii dhinacyada siyaasadda Soomaaliyeed ay heshiis uga gaari lahaayeen arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka.
Waxay sidoo kale caddeysay in wadatashiyada iyo wada-hadallada siyaasadeed ay sii socon doonaan, iyadoo sheegtay inay ka shaqaynayso sidii dadaalladaasi u horseedi lahaayeen is-afgarad ballaaran.
Muqdisho 16ka Oktoobar 202 Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka horyimid jadwalka doorashooyinka ee ay shaacisay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kaas oo dhigaya in doorashada Golaha Shacabka la qabto 15-ka Abriil 2027, halka doorashada madaxweynaha la qabanayo 15-ka May 2027. Shariif Sheekh Axmed ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid hal dhinac ah, isaga oo sheegay in hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah aan loo marin habraacyadii sharciga ahaa.
Wuxuu sheegay in uu Maxk**adda Sare u gudbiyay dacwad dastuuri ah oo uu ku dalbanayo in la buriyo wax-ka-beddellada dastuurka iyo tallaabooyinka ka dhashay, isaga oo ka digay in muranka siyaasadeed uu horseedi karo doorashooyin isbarbar socda, dib-u-dhac dowladeed iyo colaado sokeeye
Muqdisho 16ka Oktoobar 2026 Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ka horyimid jadwalka doorasho ee uu shalay ku dhawaaqay guddiga doorashada Soomaaliya. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in tallaabadan ay sii fogaynayso is-afgaradka siyaasadeed, isla markaana ay dalka u horseedi karto kala qaybsanaan iyo colaad hor leh, xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado amni, dhaqaale iyo bani’aadantinimo.
Wuxuu sheegay in khilaafka siyaasadeed uu kusoo aadayo xilli ay dalka ka jiraan colaado, argagixiso, gaajo iyo faqri, isaga oo sidoo kale ka digay saamaynta ay yeelan karaan khataraha fatahaadaha iyo isbeddellada juqraafi-siyaasadeed ee gobolka.
Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuusan si ku filan u tixgelin culaysyada dalka haysta iyo masuuliyadda ka saaran xal u heliddooda. Wuxuu ka digay in ku adkaysiga jadwalka doorashada uu abuuri karo xaalad ay dhinacyo kala duwan isku khilaafaan cidda hoggaanka dalka haysa.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in shan iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay, inkasta oo ay jireen khilaafaad siyaasadeed oo culus, haddana aan la isku khilaafin cidda madaxweynaha dalka ah, isaga oo sheegay in tallaabooyinka hadda la qaadayo ay halis gelin karaan saldhigga dowladnimada.
Muqdisho 16ka Oktoobar 2026Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa shaaciyey jadwalka taariikhda qabashada doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Guddigu waxa uu sheegay in jadwalkan loo dejiyey si waafaqsan qodobka 56-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya, qodobka 18-aad faqraddiisa labaad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, iyo qodobka 2-aad ee Sharciga Doorashooyinka, kuwaas oo dhigaya awoodda guddiga ee cayimista taariikhda doorashooyinka.
Sida ku cad jadwalka uu guddigu soo saaray, doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la qabanayaa 15-ka Abriil 2027, halka doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la qorsheeyey 15-ka May 2027.
Guddigu waxa uu sheegay in muddada xilhaynta madaxweynaha ay tahay shan sano, isla markaana ay ku bilaabato maalinta xilka loo dhaariyo.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa sidoo kale shaaciyey jadwalka hawlaha diyaarinta doorashooyinka iyo waqtiyada loo asteeyey qabsoomidda marxaladaha kala duwan.
Diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo codbixiyeyaasha: Waxaa la qorsheeyey in diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo codbixiyeyaasha muddada labadaatan iyo kow maalmood ah ay bilaabato 1-da November 2026, si loo xaqiijiyo ka qaybgalka bulshada ee doorashooyinka.
Soo gudbinta liisaska murashaxiinta labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka: Waxaa loo asteeyey 22-ka November 2026. Guddigu waxa uu sheegay in arrintani waafaqsan tahay qodobka 42-aad, faqraddiisa koowaad, ee Sharciga Doorashooyinka, kaas oo dhigaya in liisaska murashaxiinta doorashada la soo gudbiyo 120 maalmood ka hor maalinta doorashada.
Soo saarista liiska kumeelgaarka ah ee codbixiyeyaasha: Waxaa loo qorsheeyey 21-ka Janaayo 2027, iyadoo la raacayo qodobka 34-aad, faqraddiisa koowaad, ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka. Guddigu waxa uu sheegay in marka la dhammeystiro diiwaangelinta, guddigu soo saari doono liiska kumeelgaarka ah ee codbixiyeyaasha muddo laba bilood gudahood ah
Bilawga ololaha doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka: Waxaa loo asteeyey 27-ka Febraayo 2027, si waafaqsan qodobka 45-aad, faqraddiisa labaad, ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo dhigaya in ololaha la bilaabo 45 maalmood ka hor maalinta doorashada.
Soo saarista liiska k**a dambaysta ah ee codbixiyeyaasha: Waxaa loo qorsheeyey 15-ka Maarso 2027, iyadoo la raacayo qodobka 34-aad, faqraddiisa labaad, ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka. Guddigu waxa uu sheegay in marka la dhammeeyo sixitaanka iyo dib-u-eegista liiska kumeelgaarka ah, la soo saari doono liiska k**a dambaysta ah ee codbixiyeyaasha 30 maalmood ka hor maalinta doorashada.
Dhanka kale, guddigu waxa uu sheegay in uu shaacin doono hawlaha mudnaanta leh ee hirgelinta doorashooyinka iyo xilliyada loo asteeyey, si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka doorashooyinka ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiro heshiis ay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradku ka gaareen khilaafka siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka iyo dhammaadka muddo-xileedka hay’adaha dowladda. Wadahadalladii ay beesha caalamku garwadeenka ka ahayd ayaan ilaa hadda horseedin heshiis k**a dambays ah oo ay labada dhinac ku mideysan yihiin.
Sidaas darteed, jadwalka doorashooyinka ee guddigu shaaciyey ayaa ku soo beegmaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, iyadoo aan weli la gaarin is-afgarad lagu xallinayo arrimaha la isku hayo.
Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.