06/10/2026
WARARKA MAANTA 10ka Juun 2026
Su’aalaha Maanta: Yaa Koonfur Galbeed doorasho ka qabanaaya? Yaa Madaxweyne sharci darro ah ah maanta ka ah ? Yaa dastuurkii dalka beddeshay Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa si sharci-darro ah ku jooga Madaxtooyadda “Dhuuso-Fooxiye” Madaxweyne Xassan? Yaa maanta xirxiraaya qofkii runta sheega? Yaa diiday inuu dhiso maqaamka ? Maxay xukuummadda Kutaanta/Dhiqlaha” ee Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” u amartay in muddo korarsi ah la sameeyo? Yaa noqday Madaxweyne iyo Raysal Wasaare ku fashilmay hogganka dalka maanta? Maxay beesha caalamka u diiday inay wax dhaqaallo ah iiso Dowladda Soomaaliya? Maxuu ku fashilmay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “OG-360 Dhaweeye” oo ay xukuummaddiisa ku fashilantay hogganka dalka iyo la shaqaynta beesha caalamka taasoo dhaqaallihii u diiday inay siiso xukuummadda “Dhiqlaha/Kuntaanta? Yaa Soomaali iyo beesha caalamka la wadashaqayn kara? Ha wiqleyso!
𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝐉𝐮𝐮𝐧 𝟏𝟎, 𝟐𝟎𝟐𝟔: Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport ee Magaalada Muqdisho kaga qeyb galay Munaasabad lagu soo dhaweynayay Garsoore heer caalami Omar Abdulkadir Artan oo saakay dalka dib ugu soo laabtay.
Garsoore Omar Abdulkadir Artan, ayaa loo aqoonsanyahay midka sannadkan ugu wanaagsan garsoorka kubadda cagta Afrika, iyadoona uu qeyb ka yahay Garsooreyaasha heer caalami ee loo xushay in ay dhex-dhexaadiyaan Cayaaraha Kubadda Cagta Adduunka ee (World Cup)-ka, balse dowladda mareykanka ayaa ka hor istaagtay in uu galo dalkooda, taasi oo sababtay in saakay uu dalka dib ugu soo laabto.
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda soo dhaweynta, ayaa waxa uu Garsoore Omar Abdulkadir Artan, ku amaanay sumcadda uu ku dhex leeyahay isboortiga caalamka, waxa uuna sheegay in uu yahay shaqsi magac usoo hoyay dalkiisa iyo dadkiisa, isla markaana ay garab taagan yihiin.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
Puntland 10ka Juun 2026 Garoowe: Shirka daahfurka Qorshaha Istaraatiijiyadda 3aad ee Caafimaadka Puntland 2026–2030 ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe.
Shirkan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Caafimaadka Puntland, waxaa ka qaybgalaya masuuliyiin dowladeed, bahda caafimaadka, hay’adaha taageera caafimaadka, iyo daneeyayaasha ka shaqeeya horumarinta adeegyada caafimaadka Puntland.
Qorshahan cusub ayaa diiradda saaraya xoojinta maamulka caafimaadka, ballaarinta helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh, diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah, iyo dhisidda nidaam caafimaad oo adkaysi leh, loo siman yahay, isla markaana waara.
Muqdisho 10ka Juun 2026 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar, iyagoo ka wada hadlay dadaallada lagu doonayo sii-deynta muwaadiniinta Pakistan ee saaran markabka MT Honour 25.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Wasiir Cabdisalaam ayaa xaqiijiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo badqabka iyo sii-deynta degdegga ah ee dadka saaran markabkaasi.
Labada masuul ayaa sidoo kale isku raacay in la sii wado wada-shaqeyn dhow iyo isgaarsiin joogto ah ilaa xal laga gaarayo xaaladda markabka.
Dhanka kale, wasiirradu waxay soo dhaweeyeen heerka wanaagsan ee xiriirka Soomaaliya iyo Pakistan, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal iyo horumarinta danaha wadaagga ah ee u dhexeeya Muqdisho iyo Islamabad.
Wadahadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu raadinayo xal loogu helo xaaladda markabka MT Honour 25 iyo shaqaalaha saaran.
Muqdisho 10ka Juun 2026 Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa dib ugu laabtay Soomaaliya kadib markii loo diiday fursaddii uu kaga qayb geli lahaa Koobka Adduunka, iyadoo ay tani noqon lahayd markii ugu horreysay ee garsoore Soomaali ahi dhexdhexaadiyo ciyaar ka tirsan tartanka ugu weyn kubbadda cagta dunida.
Cartan ayaa lagu sagootiyay garoonka diyaaradaha ee Istanbul, halkaas oo taageerayaal iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ay ku macasalaameeyeen kahor safarkiisa. Waxaa Muqdisho ka socda diyaar garow xooggan oo lagu soo dhoweynayo.
Garsooraha ayaa haystay fiisihii uu ku geli lahaa Maraykanka si uu uga qayb galo hawlaha la xiriira Koobka Adduunka, balse dowladda Maraykanka ayaa ka hor istaagtay inuu dalkaasi galo, sida ay sheegeen mas'uuliyiin iyo hay'adaha ku lugta leh arrinta.
Isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters garoonka diyaaradaha Istanbul, Cartan ayaa sheegay inuu niyad wanaagsan ku laabanayo dalkiisa, inkastoo uu seegay fursad taariikhi ah.
“Waxaan dareemayaa wanaag. Waxaana u mahadcelinayaa FIFA sida ay ii caawisay iyo umadda Soomaaliyeed sidoo kale. Sidaa darteed waan ku mahadinayaa FIFA iyo CAF sidoo kale,” ayuu yiri Cartan.
Cartan ayaa rajaynayay inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee dhexdhexaadiya kulan ka tirsan Koobka Adduunka.
Afhayeen u hadlay FIFA ayaa sheegay in Cartan uusan awoodin inuu ka qayb galo tababarrada iyo dhexdhexaadinta ciyaaraha tartanka, kadib markii dowladda Maraykanka ay dhammaadkii toddobaadka u diiday gelitaanka dalkaasi.
Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay samaysay dadaallo diblomaasiyadeed oo ay kula xaajoonaysay Maraykanka iyo FIFA si loogu oggolaado Cartan inuu galo dalkaasi, balse dadaalladaasi aysan miro dhalin.
Mas'uuliyiinta Soomaaliya ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga xun yihiin dhacdada, iyagoo ku tilmaamay inay niyad-jab ku tahay garsooraha iyo guud ahaan bahda ciyaaraha Soomaaliyeed.
Baydhabo 10ka Juun 2026 Waxaa maanta lagu wadaa saacadaha soo socda in magaalada Baydhabo ay ka qabsoonto doorashada hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida uu h**e u shaaciyay Guddiga Doorashooyinka maamulkaasi. Doorashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ammaanka magaalada si weyn loo adkeeyay, isla markaana la geliyay xaalad bandow ah si loo sugo amniga inta ay socoto geeddi-socodka codbixinta.
Labada musharrax ee cabashada ka muujiyay hanaanka doorashada, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdicasiis Maxamed (Jawaari), ayaa xalay khudbado ay ku soo bandhigayeen barnaamijyadooda siyaasadeed ka jeediyay Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed. Si kastaba, weli lama oga xalka ay ku qanceen ee laga gaaray tabashooyinkii ay ka qabeen habraaca doorashada.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo si weyn loogu tirinayo musharraxa ay taageersan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka mid ah tartamayaasha ugu cadcad. Wuxuu weli hayaa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mana jirto ilaa hadda wax war ah oo ku saabsan inuu iska casilayo xilkaas.
Dhanka kale, Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay bandow maalmeed laga hirgeliyay Baydhabo inta lagu jiro doorashada. Laamaha ammaanka ayaa la faray inay xoojiyaan sugidda amniga isla markaana ka hortagaan wax kasta oo sababi kara qalalaase ama falal amni darro.
Qoraal kasoo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in adeegyada gurmadka degdegga ah ay sii shaqeyn doonaan si loogu adeego dadka xanuunsan iyo haweenka uurka leh ee u baahan daryeel caafimaad.
Sidoo kale, ciidamada ammaanka ayaa lagu amray inaan la ridin rasaas dabaal-deg la xiriirta natiijada doorashada, halka shacabka looga baaqay inay laamaha ammaanka la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta khataro ama falal amni darro oo ay dareemaan.
Doorashadan ayaa si weyn isha loogu hayaa, iyadoo natiijadeedu saameyn ku yeelan karto jihada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo xiriirka maamulkaasi la leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.