Somali Bulletin

Somali Bulletin Welcome to the Somali Bulletin. Somali Bulletin is a media outlet which is a part of Somali Media Empire.

Somali Cable News

Horn Cable News

Mogadishu Life

Somali Wired News

Somali Bulletin

Somali Mobile News

Somali National News

Somali National Post

Somali National Journal

Somali Federal Radio

Somali Federal TV

Somali Federal News

Somali Media Empire

Wargeyska Dalka

Somali Newspaper

Mogadishu Bulletin

Somali Gazette

Somali Digital News

Mogadishu Wired

Mogadishu Daily News

Mogadishu

City News

Mogadishu City Journal

Mogadishu City Press

Mogadishu Times

Mogadishu Post

Mogadishu Media

Mogadishu Bulletin

Somali Magazine

Somalia ICT

Somali Consultancy

Mogadishu Bookstore

Mogadishu Multimedia

Somali Business Consultants

Somali ICT Engineers

Somali Hotels Associations

Mogadishu City Tourism

somaligasoline.com

Somali Petrol

Somaliland Gazette

Somaliland Magazine

Puntland Gazette

Puntland Magazine

Jubbaland Gazette

Jubbaland Magazine

Somali Private Sector Tourism

Mogadishu Tour Guide

Mogadishu Wifi

Mogadishu Wireless

Mogadishu Photography

Mogadishu Bank

Somali Insurance

Somali Publisher

Somali Petroleum Company

Somali Gasoline Company

Somali Spare Parts

Breezybooklog1Breezybook

Bulbbook

Myidbook

unifysoftwareslUniifysoftwares

WARARKA MAANTA 13ka Juun 2024Su’aalaha Maanta: Maxay tahay fariinta hanjabaad ah ee uu soo diray baxsad Dembiile Fahad Y...
12/13/2025

WARARKA MAANTA 13ka Juun 2024
Su’aalaha Maanta: Maxay tahay fariinta hanjabaad ah ee uu soo diray baxsad Dembiile Fahad Yaasiin Xaaji “Daba-Naasle”? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub Seddex magaceedu ku bilaawdo “J”? Yaa diiday inay shacabka helaan Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho 13ka Juun 2024 Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay akhrinta iyo turxaan-bixinta Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-Bixinta Qaran.
Kulanka maanta oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga, Sanatar Ibraahim Awgaab Cismaan, ayaa diiradda lagu saaray dulmar guud iyo falanqayn qoto dheer oo lagu sameeyay qodobada uu ka kooban yahay sharcigan, si loo hubiyo in sharcigu waafaqsan yahay baahiyaha dhaqaale ee dalka iyo badqabka nidaamka lacag-bixinta.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.
Muqdisho 13ka Juun 2024 Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa maanta furay Kalfadhiga 35-aad ee Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF), heerka guddiyada farsamo, kaas magaalada Muqdisho ka socon doona inta u dhexeysa 13 ilaa 18-ka bishan December.
Xoghayaha ayaa tilmaamay in muddada uu socdo shirkan diiradda lagu saari doono horumarinta awoodda Ciidamada Heeganka Afrikada Bari, ka doodista qorshayaasha howleed ee sanadaha 2025–2026, miisaaniyadda EASF, warbixinada xisaab-xirka, iyo warbixinada guddiyada u xilsaaran qiimeynta saameynta colaadaha ka jira dalalka gobolka.
Sidoo kale, maalmaha soo socda waxaa kulamo yeelan doona Taliyeyaasha Ciidamada dalalka ku bahoobay EASF, kuwaas oo uu xigi doono shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalkan
Soomaaliya ayaa martigelineysa sannadkan markii labaad shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), taas oo mar kale muujinaysa kaalinta muuqata ee Soomaaliya ka qaadanayso xoojinta nabadda, amniga, iyo iskaashiga difaaca ee dalalka gobolka Afrikada Bari.
Muqdisho 13ka Juun 2024 Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa xalay si rasmi ah u shaaciyay in 20 Urur Siyaasadeed ay soo dhameystireen musharaxiinta kaga qaybgelaysa doorashada Golaha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu soo xirmay hanaankii qabashada ee liiska musharaxiinta.
Waxaa doorashada horaantii sanadkan isku diiwaan geliyay 61 Urur Siyaasadeed, waxaana guddiga doorashooyinka Qaranka uu 24-kii bishii ee sanadkan November ku kordhiyay mudo laba toddobaad ah waqtiga k**a dambeysta ah ee ururadu ku soo gudbin karaan xubnaha ku metelaya doorashada, taasoo ka bilaabaneysay 25-kii November, kuna ekeyd 10-kii December oo ku beegneyd Arbacadii lasoo dhaafay.
“Waxaan si rasmi ah u shaacinaynaa inuu xirmay hanaanka qabashada Liiska Murashaxiinta Ururada Siyaasadda, kaasoo ku bilowday 12, kadibna gaaray 18, ugu dambayna kusoo xirmay 20 Urur Siyaasadeed oo si rasmi ah u soo gudbiyay Liiska Murashaxiintooda Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka Qaranka.
Talaabadan ayaa ah ka dhigan in inta badan Ururada Siyaasadda ay ka hareen ka qayb galka doorashada golaha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir oo lagu wado in 25-ka bishan ay ka qabsoomto Magaalada Muqdisho.
Jubbaland 13ka Juun 2024 Ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose ka fuliyay howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab.
Howlgalkaan ciidanka Daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen magaalada Qooqaani ayaa ahaa mid lagu xaqiijinaayay amniga guud ee magaaladaas iyo deegaanada ku dhadhaw.
Taliyaha amniga magaalada Qooqaani Maxamuud Aadan Xasan Gaaboow oo howlgalkan hoggaaminayay ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkan uu qayb ka ahaa dadaalada joogtada ah ee lagu sugayo xasilloonida iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-shabaab.
Taliye Gaaboow ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan ay ku sifeynayeen wadooyinka muhiimka ah ee soo gala iyo kuwa ka baxa magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanada ay kooxdu ku dhuumaaleysanayaan.
"Ujeedada howlgaladan ay tahay in la adkeeyo amniga iyo in bulshada amnigooda la xaqiijiyo ee ku safra wadooyinka Qooqaani ka baxa iyo kuwa soo gala, gaar ahaan meelaha ay ku dhuumaaleeysanayaan kooxaha Khawaarijta ah ee caadeeystay inay Shacabka dhibaateeyaan" ayuu yiri Taliyaha amniga magaalada Qooqaani Maxamuud Aadan Xasan Gaaboow.
Gabagabadii howlgaladan ayaa ka mid noqonaya howlgalo ciidanada Jubbaland ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe oo ay ku doonayaan in kooxda Al-shabaab kaga xureeyaan deegaano iyo degmooyin ay kaga sugan yihiin goboladaas.
Puntland 13ka Juun 2024 Ciidamada Badda Puntland ee PMPF, ayaa degmada Eyl ku qabtay doon lagu soo qabtay xeebaha degmadaas, taas oo sidday budooyin iyo walxo kala duwan oo loo adeegsado samaynta qaraxyada halista ah.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in walxaha la qabtay ay isugu jireen noocyo kala duwan oo kiimikooyin ah, kuwaas oo inta badan loo isticmaalo farsamaynta qaraxyada waxyeellada ba’an geysta. Doonta la qabtay waxaa saarnaa toddoba (7) ruux, kuwaas oo laba ka mid ah ay yihiin muwaadiniin u dhashay dalka Yemen, halka shanta kale ay Soomaali yihiin.
Dhammaan dadka saarnaa doonta iyo walxihii la socdayba waxay hadda ku jiraan gacanta ciidamada PMPF, iyadoo la bilaabay baaritaanno lagu ogaanayo halka ay walxahaasi ka yimaadeen, halka ay ku wajahnaayeen, iyo cidda ka dambeysay.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay sheegtay inay burburisay in ka badan boqol (100) xarumood oo ay kooxda Daacish ku lahayd buuraha Calmiskaad, kuwaas oo ay u adeegsan jirtay saldhigyo iyo goobo istiraatiiji ah.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland, Jeneral Muumin Cabdi Shire, ayaa sheegay in la burburiyay hubkii, keydkii, iyo warshado halis ah oo ay Daacish u adeegsan jirtay soo saarista walxaha qarxa iyo qorshaynta weerarro ka dhan ah amniga Puntland.
Dhanka kale, warbixin dhowaan ay soo saartay Machadka West Point ee dalka Mareykanka ayaa helay caddeymo muujinaya wada-shaqayn ka dhex jirta kooxda Xuutiiyiinta Yemen iyo Daacish-ta Soomaaliya.
Sida lagu sheegay warbixintaas, Daacish ayaa Xuutiiyiinta ka hesha tababaro la xiriira sirdoonka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo farsamooyin qaraxyada.
Qaramada Midooway 13ka Juun 2024 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii si aqlabiyad buuxda ah u cusboonaysiiyay muddada shaqo ee guddiga kormeeraya cunaqabataynta saaran kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya.
Dhammaan 15-ka xubnood ee Golaha ayaa u codeeyay ansixinta go’aankan, kaas oo kordhinaya oggolaanshaha baaritaannada maraakiibta badda si loo dhaqan geliyo xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya, mamnuucidda dhoofinta dhuxusha, iyo xakameynta qalabka qaraxyada gacanta lagu sameeyo (IEDs), illaa 30-ka Nofeembar 2026.
Go’aanka ayaa sidoo kale xaqiijinaya in cunaqabataynaha kale ee jira oo ay ku jiraan mamnuucidda safarka, xayiraada hantida, iyo hubka ay sii ahaanayaan kuwo aan waqti ku xaddidnayn.
James Kariuki, ku-simaha safiirka Britain ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in Golaha Ammaanku uu muujiyay wada-shaqeyn dhaxalgal ah intii lagu jiray wada-xaajoodyada, taas oo horseedday in la gaaro is-afgarad buuxa.
Kariuki wuxuu ku tilmaamay ansixinta go’aanka mid xoojinaysa dadaallada lagu ciribtirayo helitaanka hubka ee Al-Shabaab, lagu carqaladeynayo ilaha dhaqaale ee kooxda, isla markaana lagu taageerayo Dowladda Soomaaliya si ay u xoojiso awooddeeda amni.
Al-Shabaab ayaa in ka badan 16 sano waday kacdoon hubeysan oo ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si joogto ah u beegsanaysa ciidammada ammaanka, mas’uuliyiinta dowladda iyo shacabka rayidka ah.
Bishii la soo dhaafay, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la fuliyay 220 duqeyn oo bartilmaameed ah, kuwaas oo tan iyo bishii Febraayo lagu dilay 868 dagaalame ah, tallaabadaas oo muujinaysa kororka cadaadiska militari ee lagu saarayo kooxaha argagixisada ah.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

12/12/2025

WARARKA MAANTA 12ka Juun 2024
Su’aalaha Maanta: Yaa soo weeraray ? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub Seddex magaceedu ku bilaawdo “J”? Yaa diiday inay shacabka helaan Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho 12ka Juun 2024 Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta (SFF), Cali Cabdi Maxamed Shiinno, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Tartanka Kubadda Cagta Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uu dib u bilaaban doono bilowga sanadka 2026, kaddib labo sano oo hakad ku yimid.
Shiinno ayaa xaqiijiyay in isku-aadka tartanka la qaban doono 22-ka December 2025, halka kulammada rasmiga ah ay bilaaban doonaan 24-ka January 2026 sida xiriirka uu qorsheenayo.
Madaxweynaha SFF ayaa sheegay in tartanka oo dhan ay si toos ah u maamuli doonto Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, iyadoona Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka ay yeelan doonto taageero farsamo.
Tani waxay muujinaysaa isku-duwid heer qaran ah oo lagu doonayo in tartanka laga dhigo mid nidaamsan oo xirfad leh.
Cali Shiinno ayaa xusay in sanadkan ay markii ugu horreysay ka qaybgali doonto Maamulka Waqooyi Bari, taas oo kor u qaadaysa tirada maamullada tartamaya.
Tartankii ugu dambeeyay ee heer dowlad-goboleed waxa la qabtay January 2024, waxaana ku guuleystay Galmudug, oo ka adkaatay dhiggeeda Banaadir kadib ciyaaro aad u xiiso badan oo ay labada dhinac soo bandhigeen.
Tartankaas waxaa aad loo xusay ciyaaryahannadii dhalinyarada ahaa ee ka soo muuqday, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ku biiray kooxo heer sare ah oo gudaha dalka ka ciyaara.
Tartankaasi waxaa muuqatay in Maamulka Puntland uu doorbiday inuusan ka qaybgelin tartanka, taasoo la sheegay inay sabab u tahay khilaafaad siyaasadeed oo kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hiiraan 12ka Juun 2024 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo galinkii dambe ee Shalay ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan deegaanka Dhoqor oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baledweyne.
Howlgalkan oo ay fuliyeen xubno ka tirsan Macawiisleeyda ayaa la sheegay in lagu dilay laba xubnood oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab.
Ragga fuliyay howlgalkaan oo la sheegay iney ahayeen sadax ruux ayaa ku guuleystay in sidoo kale horay u qaataan hubkii ay wateen labada xubnood ee ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.
Howlgalkan ka dhacay deegaanka Dhoqor oo ku yaala jiinka wabiga Wabiga Shabeelle, islamarkaana Baledweyne qiyaas ahaan u jira 25 KM ayaa si weyn looga hadal haya magaalada Baledweyne iyo nawaaxigeeda.
Ma ahan markii ugu h**eysay oo howlgal noocaan oo kale ah Macawiisleeyda gobolka Hiiraan ku beegsadaan xubnaha kooxda Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.
Ugu dambeyntii howlgalkan ayaa qeyb ka noqonaya howlgalada ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan ay ku beegsanayaan xubnaha Al-shabaab ee dib u qabsaday inta badan deegaanada ku yaala bariga gobolka Hiiraan.
Puntland 12ka Juun 2024 Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, General Muumin Cabdi Shire, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Puntland ay burburiyeen in ka badan boqol xarumood oo ay kooxda Daacish ku lahayd buuraha Calmiskaad.
Taliyaha ciidanka Booliiska oo ka warbixinayay sanad kaddib howlgalka Hillaac, wuxuu tilmaamay in howlgalka lagu baabi’iyay dhammaan dagaalamaayaashii muhiimka u ahaa kooxda Daacish, isagoo xusay in kooxdu ay lumisay ku dhowaad 85% awooddeedii ciidan.
Wuxuu sidoo kale sheegay in la burburiyay hubkii, keydkii, iyo warshadihii khatarta lahaa ee ay kooxda u adeegsan jirtay soo saarista walxaha qarxa iyo qorshaynta weerarrada.
Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in la burburiyay xaruntii ugu khatarta badnayd ee tiknoolojiyadda iyo kiimikada ee kooxda Daacish, taas oo ay ku sugnaayeen khubaro ajnabi ah, kuwaas oo qaarkood si gaar ah loogu soo tababaray howlaha farsamada ee weerarrada.
Muumin Cabdi Shire wuxuu sheegay in Puntland ay waddo dadaal xooggan oo ay kaga hortagayso kooxaha argagixisada, isla markaana ay jiraan waddamo saaxiib ah oo ka caawiyay dhinaca macluumaadka iyo farsamada howlgalka guuleystay.
Ugu dambeyntii, taliyaha ayaa tilmaamay in howlgalladan ay kooxda Daacish geliyeen xaalad sida weyn hoos ugu dhacday awooddii ay h**e u lahayd, isla markaana ay ka baaba’day cabsi badan oo ay bulshada ku abuuri jireen.
Shabelle Hoose 12ka Juun 2024 Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saakay wiil dhalinyaro ahaa loogu deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Ilyaas Cismaan Xasan, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata Moto Fekonta.
Dilka wiilka dhalinyarada ah ayaa lala xariirinaya aargoosi aano qabiil ah, waxaana geystay koox hubeysan oo si deg deg ah dilka kadib goobta uga baxsatay.
Ehelada marxuum Ilyaas Cismaan Xasan ayaa dalbaday in lasoo qabto kooxdii dishay wiilkooda, islamarkaana loo soo taago Maxk**adda si cadaaladda oo mariyo.
Dilka marxuumkan dhalinyarada ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose mudooyinkan dambe xasilooneyd kadib xabad joojin la kala dhex dhigay maleeshiyo beeleed halkaasi ku dagaalamay.
Ma jirto ilaa hada war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka maamulka iyo laamaha amaanka ee deegaanka Yaaqbariweyne oo ku aadan dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka ee markale dib uga soo cusboonaaday Yaaqbariweyne.
Muqdisho 12ka Juun 2024 Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa xalay si rasmi ah u shaaciyay in 20 Urur Siyaasadeed ay soo dhameystireen musharaxiinta kaga qaybgelaysa doorashada Golaha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu soo xirmay hanaankii qabashada ee liiska musharaxiinta.
Waxaa doorashada horaantii sanadkan isku diiwaan geliyay 61 Urur Siyaasadeed, waxaana guddiga doorashooyinka Qaranka uu 24-kii bishii ee sanadkan November ku kordhiyay mudo laba toddobaad ah waqtiga k**a dambeysta ah ee ururadu ku soo gudbin karaan xubnaha ku metelaya doorashada, taasoo ka bilaabaneysay 25-kii November, kuna ekeyd 10-kii December oo ku beegneyd Arbacadii lasoo dhaafay.
“Waxaan si rasmi ah u shaacinaynaa inuu xirmay hanaanka qabashada Liiska Murashaxiinta Ururada Siyaasadda, kaasoo ku bilowday 12, kadibna gaaray 18, ugu dambayna kusoo xirmay 20 Urur Siyaasadeed oo si rasmi ah u soo gudbiyay Liiska Murashaxiintooda Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka Qaranka.
Talaabadan ayaa ah ka dhigan in inta badan Ururada Siyaasadda ay ka hareen ka qayb galka doorashada golaha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir oo lagu wado in 25-ka bishan ay ka qabsoomto Magaalada Muqdisho.
Nairobi 12ka Juun 2024 Shir saddex maalmood ah oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa noqday madal lagu qaabeeyay siyaasadda cusub ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) u dejisay Kormeerka iyo Qiimaynta. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay dalalka taageeray siyaasaddan cusub iyo qaab-dhismeedka hirgelinteeda.
Shirka oo ay ka qeyb galeen khubaro iyo mas’uuliyiin ka kala socday dalalka gobolka, waxaa Soomaaliya u metelay Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Siciid Nuur. Waxa uu madasha ka jeediyay warbixin ku saabsan dadaallada Soomaaliya ay ka sameysay dhisidda nidaam ku dhisan xog iyo dabagal hufan.
Intii shirku socday, dalalka ka qeybgalay ayaa loo soo bandhigay siyaasadda cusub ee Kormeerka iyo Qiimaynta, oo diiradda saareysa sidii wadajir loogu horumarin lahaa isla-xisaabtanka, dabagalka waxqabadka, iyo hagaajinta adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha.
Wufuudda ka kala timid dowladaha gobolka ayaa bogaadiyay ka-qaybgalka firfircoon ee Soomaaliya iyo aragtiyaha ay soo bandhigtay, kuwaas oo lagu tilmaamay kuwo kor u qaaday fahamka ku saabsan dhismaha nidaamyo taageera go’aan qaadasho cad iyo mid maamul oo hufan.
Dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika ayaa ugu dambayn isku raacay in siyaasadda cusub iyo qaab-dhismeedka fulinteeda loo gudbiyo Golaha Wasiirrada ee ururka, si ay u ansixiyaan. Tallaabadan waxaa loo arkaa mid muhiim u ah mideynta iyo xoojinta nidaamka Kormeerka iyo Qiimaynta ee guud ahaan gobolka.
https://www.youtube.com/watch?v=b8t1XzSb4es

WARARKA MAANTA 11ka Juun 2024Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaarah cusub? Yaa diiday inay shacabka   helaan ...
12/11/2025

WARARKA MAANTA 11ka Juun 2024
Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaarah cusub? Yaa diiday inay shacabka helaan Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho 11ka Juun 2024 Waxaan booqday degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, waxaana i wehliyay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. booqashada waxaan diiradda ku saarnay ololaha wacyigelinta doorashada, oo bulshada lagu xusuusinayo muhiimadda ka-qaybgalka codbixinta iyo ilaalinta amniga.
Intii aan joognay degmada, waxaan la kulanay maamulka, dhallinyarada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, annagoo ka wada hadlay xoojinta amniga, doorashada, doorka muwaadinka, iyo muhiimadda codkoodu u leeyahay horumarka dalka.
Muqdisho 11ka Juun 2024 Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley IV.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaqiijinta iskaashi bani’aadannimo oo wax-ku-ool ah, xilli Maraykanku ahaa deeq-bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya dhinaca gargaarka tobankii sano ee la soo dhaafay, isagoo bixiyay in ka badan USD 7 bilyan oo gargaar iyo kaalmo horumarineed ah.
Kulanka ayaa sidoo kale xoogga lagu saaray sidii Washington mar kale door muuqda uga qaadan lahayd iskaashiga lagu wajahayo abaarta hadda ka taagan dalka iyo caqabadaha bani’aadannimo ee sii kordhaya.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa safaaradda iyo Dowladda Maraykanka kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ku aaddan howlgallada bani’aadannimo iyo guud ahaan dadaallda muddada dheer ah ee geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Sanaag 11ka Juun 2024 Guddi loo xilsaaray baarista dilkii Nabadoon Cumar Cabdullaahi Axmed ayaa soo saaray warbixin dhamaystiran oo ku saabsan dhacdadii lagu dilay caaqilka, taas oo ay ku caddeeyeen xogihii ay ururiyeen hay’adaha amniga Puntland iyo marag-furistii la helay.
Warbixin rasmi ah oo ay soo saareen guddigan ayaa lagu sheegay in Caaqil Cumar uu 13-kii September 2025 ka baxay magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag, isaga oo u socdaalayay degmada Badhan, si uu uga qayb galo wada-hadal lagu xallinayey khilaaf u dhexeeyay laba beelood oo deegaanka ah. Guddiga baaristu waxay caddeeyeen in Caaqilka uu ka tirsanaa guddi nabadeed oo uu hoggaaminayay Suldaan Cabdisalaan.
Guddiga waxay sheegeen in Caaqil Cumar uu ahaa caaqil si rasmi ah uga diiwaangashan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, isla markaana door muuqda ku lahaa nabadaynta iyo waanwaanta bulshada gobolka Sanaag.
Hay’adaha amniga Puntland, oo ay ka mid yihiin CID-da iyo nabadsugiddu, ayaa warbixintan ku caddeeyay inuusan marxuumku lahayn wax gal dambiyeed ah ama kayd ku jira diiwaanada amniga. Dadka deegaanka oo goobta joogay ayaa iyaguna xaqiijiyay in Caaqil Cumar uu kaligiis watay gaarigiisa markii la beegsaday.
Guddigu wuxuu soo bandhigay haraagii gantaallada lagu garaacay iyo sawirradii laga qaaday goobta weerarka, kuwaas oo muujinaya nooca hubka la isticmaalay, iyadoo sidoo kale la soo bandhigay gaarigii uu watay oo ahaa nooca Suzuki. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in taliska AFRICOM uu qirtay duqeyntii lagu dilay caaqilka.
Baaritaanka DNA-da ee la sameeyay ayaa si cad u muujiyay in goobta uu ku dhintay hal qof oo lab ah, taas oo waafaqsan xogta kale ee baarista.
Guddiga ayaa ugu dambayn sheegay in Caaqil Cumar uu ahaa shaqsi nabadeed oo bulshada u adeegayay, isla markaana uusan lahayn wax eed dambiyeed ah oo ka diiwaangashan hay’adaha amniga. Gobalka
Jubbada Hoose 11ka Juun 2024 Warar dheeraad ah ayaa laga helaya howlgal saacadihii lasoo dhaafay ciidanka hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku sugnaa degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Qoraalka NISA laguma faahfaahin inta uu dhan yahay khasaaraha ka dhashay howlgalka laga fuliyay degmada Jilib, marka laga soo tago in lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab.
Si kastaba ha ahaate bayaanka NISA ayaa lagu xusay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, islamarkaasna dhawaan soo gudbin doonaan faahfaahino intaan ka dheeraad ah.
Ugu dambeyntii howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo sidaan oo kale saacadihii la soo dhaafay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka NISA iyo saaxiibada Caalamka laga fuliyay tuulada Jambaluul oo hoostagta degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo lagu dilay horjooge ka tirsana kooxda iyo 12 xubnood oo kale.
Muqdisho 11ka Juun 2024 Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, (Cali Balcad) ayaa si adag u beeniyay eedeymaha sheegaya in hub ka baxa gudaha Soomaaliya uu gaarayo dalalka deriska.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in waddanka Soomaaliya uu isaga la tacaalayo sidii loo joojin lahaa hubka sharci darrada ah ee kaga soo gudba dhinaca Yemen.
Isagoo ka hadlayay Forum-ka Doha ee 23-aad, ayuu wasiirku u sheegay Al Jazeera Net in aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in hub Soomaaliya ka baxa uu gaaro gacmaha Xuutiyiinta ama cid kale oo gobolka ka tirsan.
Wasiir Cali Balcad ayaa wuxuu yiri “Eedeymahaas ma aha kuwo sax ah Hubka kaliya ee socdaalkiisu la og yahay waa kan ka yimaada Yemen ee u soo gudba Soomaaliya, Ma jiro wax war ama xog muujinaya in hub Soomaaliya uga ambabaxo dhinaca Xuutiyiinta, annaga ayaana dagaal ugu jirna in aan taas joojino.”
Wuxuu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ku dadaalayso in ay xoojiso xiriirka ay la leedahay waddamada gobolka, ayna ka shaqaynayso nabad iyo iskaashi dhab ah oo ka hirgala Geeska Afrika.
Maraykanka 11ka Juun 2024 Elon Musk, madaxa shirkadaha Tesla iyo SpaceX, ayaa baraha bulshada gaar ahaan X ka dhaliyay dood xoogan kadib markii uu ku eedeeyay Ilhaan Cumar “khiyaano qaran”, isaga oo ka jawaabaya muuqaal ay ka muuqatay Ilhaan oo la hadlaysay taageerayaal Soomaaliyeed oo ku nool Minnesota sanadkii 2024.
Muuqaalkan oo si weyn ugu wareegay internet-ka, ayaa laga maqlayaa Ilhaan Omar oo ka hadleysa arrimaha ku saabsan khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan qorshaha Itoobiya ee dhisashada saldhig badeed oo ay ka hesho Somaliland.
Ilhaan ayaa hadalkaas ku balanqaaday inay “u istaagi doonto difaaca danaha Soomaaliya”, islamarkaana ay Washington ku riixi doonaan inay “sida aan rabno u dhaqanto.”
Elon Musk, oo dib u faafiyay muuqaalkaas Arbacadii, ayaa ku qoray X: “Tani waxay u egtahay khiyaano qaran.” Hadalkiisa ayaa si degdeg ah u faafay, waxaana ka dhashay dood kulul oo u dhaxeysa taageerayaasha Ilhaan iyo kuwa Musk.
Ilhaan Omar ayaa hadalladan markii h**e jeedisay Janaayo 2024, iyada oo ka jawaabeysay xiisadda cirka isku shareertay ee ka dhalatay heshiiskii hordhaca ahaa ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Somaliland.
Ilhaan ayaa markaas ku adkeysatay inay ka shaqeyn doonto sidii loo ilaalin lahaa midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Inkasta oo taageerayaal badan oo Soomaali ah ay u arkeen hadalkeeda mid ujeedkiisu yahay difaaca danta dalkooda, hadalka Musk ayaa kor u qaaday dood siyaasadeed qaran oo ku saabsan doorka xubnaha Congress-ka ee arrimaha dibedda iyo xiriirkooda bulshada ay matalaan.
Muqdisho 11ka Juun 2024 Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Booliiska iyo kuwa Milatariga ee Dowladda Soomaaliya laga saaray dhinacyada lagu eedeeyay askaraynta carruurta ee goobaha dagaalka.
Tallaabadan ayaa waxaa Qaramada Midoobay ku tilmaantay guul weyn oo muujineysa sanado badan oo shaqo ah oo ay dowladda Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheedu qabteen.
Warbixinta Qaramada Midoobay ee la xiriirta carruurta iyo colaadda Soomaaliya, oo loo gudbiyay Golaha Ammaanka, ayaa muujisay heerka xadgudubyada loo geysto carruurta iyo dadaallada lagu hortagayo.
Sida lagu sheegay warbixinta, 8,493 xadgudubyo ah ayaa laga diiwaan galiyay Soomaaliya intii u dhaxaysay 2021 illaa 2024. Waxaa 6,801 kamid ah xadgudubyadaas loo geystay carruur. Xadgudubyada ugu badan waxaa ka mid ah, askaraynta carruurta, afduubka carruurta iyo dilka carruurta.
Al-Shabaab ayaa mas’uul ka ah 66% dhammaan xadgudubyada la xaqiijiyay, iyadoo kordhisay qorista carruurta iyo marin-habaabin lagu sameeyo masjidyo iyo dugsi Qur’aan oo ku yaalla deegaannada ay ka taliyaan. Carruurta la qoray waxaa ka mid ahaa kuwo ay da’doodu tahay 8 sano.
Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo askaraynta carruurta, lana ilaaliyo iskuullada iyo xarumaha caafimaadka, si loo xoojiyo nidaamyada ka hortagga xadgudubyada.
In kasta oo horumar la gaaray, Qaramada Midoobay waxay ka digtay in Al-Shabaab weli mas’uul ka yahay inta badan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dalka, oo ay ku jiraan dilal, afduub, iyo weeraro loo geysto shacabka, shaqaalaha gargaarka iyo hay’adaha dowladda.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA: 10ka Diseembar 2025Su’aalaha Maanta: Yaa   ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Mudane Xass...
12/10/2025

WARARKA MAANTA: 10ka Diseembar 2025
Su’aalaha Maanta: Yaa ka dhigay dalka ugu musuqmaasuqa badan Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa fashilay “Dowladda Dan-Qaran”? Meeqo Wasiir oo ah ayaa ku jira Golaha Wasiirada Dan Qaran? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuurka? Yaa beddelay dastuurka dalka? Yaa warbaahinta iska dhex caynaaya? Meeqo Wasiir ayeey Shabab ku leeyihiin xukuummadda Dan-Qaran? Maxuu u amray Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” in argagixisada la siiyo kaarka aqoonsiga ID Cards? Maxay isku dagaaleen Madaxweyne h**e Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Fahad Yaasiin “Daba-Naasle”? Yaa diiday inuu sameeyo Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Dastuuriga Ha wiqleyso!
Muqdisho 10ka Diseembar 2025 Waxaan Maanta hortagay Golaha Shacabka, halkaas oo aan uga jeediyay khudbad ku saabsan Hindise-sharciyeedka Ciidanka Booliska Soomaliyeed
Waxaan khudbaddayda ku sharaxay muhiimadda uu sharcigani u leeyahay dalka, gaar ahaan kor u qaadista amniga iyo xirfadaha hay’adaha amniga ee Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaan xildhibaanada sharafta leh u faahfaahiyay in hindisahan uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo dhismaha iyo tayeynta amniga dalka.
Ugu dambeyn, waxaan xildhibaanada ku booriyay in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, isla markaana ay ansixiyaan hindise-sharciyeedkan muhiimka ah, maadaama uu door weyn ka qaadanayo xasilloonida iyo horumarka dalka.
Muqdisho 10ka Diseembar 2025 Haddii 𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗮𝗳𝘁𝗮𝘆– La-soco qaybtii ugu dambeysay ee barnaamijka 𝗧𝘂𝗯𝘁𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 si aad u dhageysatid Saciida Maxamed Xaashi, Guddoomiyaha Ururka Haweenka iyo Carruurta ee Marwo iyo Maxamed Bashiir Cumar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya kuwaas oo ka hadlaya haweenka Soomaaliya iyo ka qaybgalkooda siyaasadda, saameynta ay ku leeyihiin nabadda iyo horumarka Soomaaliya, iyo sidii lagu gaari lahaa qoondada metelaadda ee 30 boqolkiiba ee doorashooyinka soo socdo.
Muqdisho 10ka Diseembar 2025 Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye
Muqdisho, Arboco, 10 Diseembar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo sii wada kulamada uu la leeyahay ergada diblumaasiyadda fadhigoodu yahay dalka ayaa maanta qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka Mudane Makhail Golovanov.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa safiirka uga xog waramay xaaladda guud ee dalka sida amniga iyo horumarada laga sameeyay dowlad-dhiska, baahinta adeegyada dowladda iyo kaalinta sii kordhaysa ee dowladda Soomaaliya ku yeelatay qeyb ka noqoshada maslaxada adduunka.
Waxa sidoo kale kulanka looga hadlay xiriirka diblumaasiyadeed iyo kan iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal. Sidoo kale Mudane Xamse ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dadka ay abaaraha saameeyeen, iyo jawaabaha ugu habboon ee laga bixin karo.
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka Mudane Makhail Golovanov ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha iyo dowladda Soomaaliya sida diirran ee xiriirka ku socdo, isaga oo intaas ku daray in ay sii balaarin doonaan xiriirada.
Kulanka Ra’iisul Wasaaraha waxaa joog-boog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo warbixin tirakoobyo leh diyaariyay, iyo sidoo kale Xoghayeyaasha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale.
Boorama 10ka Diseembar 2025 Madax-dhaqameedka gobolka Awdal ayaa maanta ku dhawaaqay in amniga magaalada ay si buuxda ugu wareejiyeen ciidamada booliiska, kadib maalmo ay dhallinyaro gadoodsani gacanta ku hayeen magaalada.
Suldaan Dhawal, oo warbaahinta la hadlay kadib kulan ay isaga iyo salaadiintu la yeesheen hay’adaha amniga, ayaa sheegay in ay ogolaadeen in ciidamadu ay amniga dib ula wareegaan.
“Waxaynu ognahay in aanu nidhi ciidamadu magaalada haka baxaan dhammaantood, annaga oo aan kala reebin booliis iyo millateri. Amarkaas waa la qaatay, sideedii ayeyna u dhacday… Maanta waxaan sheegaynaa, amrayna, in ay saldhigyada tagaan oo magaalada amnigeeda ilaaliyaan, cid ugu tagtana ayayna jirin,” ayuu yidhi Suldaan Dhawal.
Waxay sheegeen in danta shacabka Borama ay ku jirto in ciidamada amnigu ay gacanta ku hayaan magaalada, iyaga oo tilmaamay in dhallinyaradu ay magaalada ka geysteen dambiyo ay ka mid tahay in ay dadka ka qaadeen baad.
“Dhallinyarada waxaan leenahay: ciidanka waad la shaqaynaysaan; danteenna ayaa ku jirtaa, horumarkeenna ayaa ku jira, amnigeenna ayaa ku jira,” ayuu yidhi mid ka mid ah salaadiinta.
Salaadiinta ayaa h**e u amray in ciidamadu ay magaalada ka baxaan, kadib markii uu dhacay isku dhac dhexmaray ciidamada iyo shacab ka cadhaysnaa munaasibadda Xeer Ciise ee la doonayay in Saylac lagu qabto. Hadda waxa socda dadaallo dib loogu soo celinayo nabadda.
Salaadiintu waxa kale oo ay amreen askar ka tirsan millateriga oo ka cadhootay, in ay dib ugu noqdaan xeryahoodii iyo ciidamadii ay ka tirsanaayeen. Waxay sidoo kale jabhadaha ku sugan nawaaxiga magaalada ugu baaqeen in ay meel iskugu yimaaddaan si loola xaajoodo.
Dhanka kale, salaadiin ka socda Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo uu hoggaaminayo Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiilwaal, ayaa soo gaadhay Somaliland sidii ay uga shaqayn lahaayeen in nabad laga dhex abuuro beelaha gobolka Awdal ee isku khilaafsan Xeer Ciise iyo lahaanshaha degmada Saylac.
Nairobi 10ka Diseembar 2025 Marka aad gasho Isbitaalka Jaamacadda Aga Khan ee Nairobi (AKUH), waxaa markiiba kuu muuqanaya jawi isku dhafan oo ka kooban hal-abuur, saxnaan, iyo rajo caafimaad oo casri ah. Wariyeyaal ka kala socday Soomaaliya, Itoobiya, Nigeria, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa muddo saddex maalmood ah safar warbaahineed oo gaar ah ku tegay isbitaalka, iyagoo si dhow u daawaday sida uu u shaqeeyo mid ka mid ah xarumaha caafimaad ee ugu hormuudsan Afrika.
Booqashada ayaa ku bilaabatay kulan lala yeeshay madaxda isbitaalka, kuwaas oo sharaxay himilada AKUH, iyo inay bixiyaan daryeel caafimaad oo heer caalami ah oo ka yareeyay dadka Afrikaanka baahida ay ugu safri jireen dalal kale si ay u helaan daaweyn takhasus sare ah.
Maamulaha Isbitaalka AKUH Nairobi, Rashid Khalani, ayaa sheegay in isbitaalku hoos yimaado Shabakadda Horumarinta Aga Khan (AKDN), isla markaana uu yahay hay’ad gaar loo leeyahay oo aan faa’iido doon ahayn.
“Ma jirto faa’iido loo qaybinayo saamileyda. Wax kasta oo dheeri ah waxa lagu maalgelinayaa tignoolajiyada, tababarka, iyo tayada daryeelka. Himiladeennu waa jawi caafimaad oo hubiya tayada, iyo helitaanka adeeg dhammeystiran,” ayuu yiri.
Maamulaha Isbitaalka AKUH Nairobi, Rashid Khalani
Qeybta qalliinka, wariyeyaashu waxay ku arkeen qolal badan oo qalliino adag lagu sameeyo, sida qalliinka kansarka, beerista xubnaha, qalliinka carruurta, iyo qalliinnada wadnaha. Dhakhaatiirta, borofeysaro, kalkaaliyayaal, iyo raadiyoolajis ayaa si wadajir ah uga shaqeeya hab isku dhafan oo hubiya badbaadada bukaanka.
Wariyeyaashu ayaa markaas u gudbay sheybaarka catheter-ka wadnaha (Cath Lab), halkaas oo lagu qabto howlo adag oo la xiriira dhibaatooyinka wadnaha iyo xididdada dhiigga. Qolka waxaa yaalla qalab casri ah oo soo qaada sawirro faahfaahsan, isla markaana awood u leh in lagu daaweeyo bukaanka iyada oo aan qaliin furan lagu samayn. Adeegyada ka socda qeybtaasi waxaa ka mid ah angioplasty, gelinta stent-yada, iyo hagaajinta garaaca wadnaha.
Qeybta kale ee muhiimka ahayd waxay ahayd daaweynta xaaladaha la xiriira kansarka. Qeybaha radiotherapy-ga iyo chemotherapy-ga ayaa muujiyay sida AKUH uga go’an tahay daryeel casri ah oo loogu talagalay bukaanada kansarka, iyadoo lagu bixiyo qorshayaal daaweyn oo gaar ah, mashiinno radiotherapy ah oo bartilmaameedsada burooyinka, PET-CT scans oo sax ah, iyo qalab kale casri ah.
Isbitaalka Jaamacadda Aga Khan (AKUH) ee Nairobi ayaa ahaa xaruntii ugu horreysay ee Bariga iyo Bartamaha Afrika keentay tignoolajiyada PET-CT, taas oo soo saarta sawir-qaadis horumarsan oo loo adeegsado ogaanshaha xaaladaha kansarka, wadnaha iyo maskaxda oo ay ku jiraan CT-ga gaarka ah ee PSMA-PET ee kansarka qanjirka 'prostate'.
Isbitaalka waxa uu leeyahay labo Cathlabs, wuxuuna bixiya adeegyo kala duwan oo casri ah sida Nuclear Medicine (SPECT CT), Linear Accelerators (LINACs), MRI, CT-Scan, neuro-navigation, mammogram, PCR Biofire, MALDI-TOF, iyo kuwo kale.
Muqdisho 10ka Diseembar 2025 Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in wasaaraddu bilaawday tirakoob lagu samaynayo dugsiyada Qur’aanka, kuwaas oo intooda badan ku shaqeeya xaalado aan ku habboonayn waxbarashada carruurta.
Roobow ayaa sheegay in ujeeddada tirakoobkani tahay in lagu qiimeeyo xaaladda iyo baahiyaha dugsiyada Qur’aanka, si wasaaraddu u qorshayso miisaaniyad loo qoondeeyo, lana daboolo cabashooyinka muddooyinkan soo baxayay ee ku saabsan goobaha ay ku yaalliin dugsiyadan.
“Wasaaraddu waxay wadaysaa tirakoobka dugsiyada Qur’aanka, xataa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulankii culimada ka sheegay in kuwa badani ku yaalliin meelo aan ku habboonayn, Waxaan hubin doonaa macallimiinta iyo duruufahooda,” ayuu yiri Wasiir Roobow.
“Hore miisaaniyad looma qoondeyn, laakiin dowladda wixii ay awoodo ayay kaga qayb qaadan doontaa horumarintooda.” ayuu warkiisa sii raaciyey.
Sidoo kale, Wasiirka Awqaafta ayaa si adag u dhaliilay waalidiinta qaarkood oo uu sheegay in ay sameeyaan takoor u dhexeeya carruurta dhigata dugsiyada Qur’aanka iyo kuwa dhigta iskuulada caadiga ah, gaar ahaan dhanka labiska iyo daryeelka.
“Dadka qaarkood sidaan ayay u dhaqan yihiin, Tusaale ahaan, cunuga Qur’aanka dhigta waxaa lagu diraa dhar duug ah oo guriga yaal, halka cunuga iskuulka dhigta loo tolaayo dhar wanaagsan oo la feereeyo, Waxaan ka rabnaa waalidiinta in carruurtu ku qiimeeyaan waxbarashada Qur’aanka oo loo labbiso si sharaf leh,” ayuu ku daray.
Baydhabo 10ka Diseembar 2025 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo wado nadiifin ah oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ka sameeyeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee gobolka Baay.
Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamadu ku beegsadeen goobo iyo gabaadyo Al-shabaab ku laheyd deegaano dhowr ah oo u dhaxeeya Buurhakaba iyo Baydhabo oo la tilmaamay in kooxdu dadka shacabka ah ku dhibaateyn jireyn.
Howlgalkan oo uu hoggaaminayay Taliyaha guutada 8-aad ee qeybta 60-aad Gaashaanle Cali Maxamed Aadan ayaa sidoo kale ciidanku waxay wadada kaga saareen miinooyin halis ku ahaa dadka shacabka ah oo Al-shabaab ku aaseen wadooyinka muhiimka ah.
"Hawlgalka oo lagu bartilmaameedsaday sifeynta khawaarijta, ayaa ciidanku ka hortageen dhagaro ay khawaarijtu u diyaariyeen shacabka, iyagoo wadada ka saaray miinooyin halis gelin lahaa nolosha dadka iyo isu-socodka gaadiidka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka.
Taliyaha guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalka uu kusoo dhamaaday si guul ah, islamarkaana ay sii wadayaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud ahaan deegaanada gobolka Baay.
Maraykanka 10ka Diseembar 2025 Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo kulul ka jeediyay dadka tahriibayaasha Soomaaliyeed iyo xildhibaan Ilhan Omar intii uu socday kulan diiradda lagu saarayay hoos u dhigista kharashaadka nolosha ee dadka Mareykanka.
Madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer si gaar ah u bartilmaameedsaday muhaajiriinta Soomaaliyeed ee Minnesota, kadib warar sheegayay in qaar ka mid ah bulshadaasi lala xiriiriyay fadeexad musuqmaasuq oo ka dhacday gobolkaas.
Isagoo ka hadlayay Ilhaan Cumar ayuu yiri,” wax badan ma qabato, mar walba cabasho ayay la taagan tahay. Waxay ka timid dal ku jira xaaladda ugu liidata adduunka,” ayuu yiri Trump, iyadoo dadkii hoolka joogay ay taageero iyo qosol u muujiyeen.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in uu xilligii madaxtinimadiisii h**e hakad geliyay socdaalka ka imanayay dalal uu ku tilmaamay meelaha ay colaadaha iyo amni darridu ka jiraan, sida Afghanistan, Haiti, Soomaaliya iyo kuwo kale.
Wasiirka Amniga Gudaha Kristi Noem ayaa sheegtay in maamulka uu qorsheynayo ballaarinta mamnuucidda socdaalka, taasoo gaari karta in ka badan 30 dal, kaddib dhacdada toogashada.
Maamulka Trump h**ey ayuu u mamnuucay socdaalka ka imanaya 19 dal oo uu ku tilmaamay khatar amni iyo mid badbaado dadweyne, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Afghanistan, Burundi, Chad, Cuba, Jamhuuriyadda Kongo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Laos, Libya, Myanmar, Sierra Leone, Soomaaliya, Sudan, Togo, Turkmenistan, Venezuela iyo Yemen.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Bulletin posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share