Wargeyska Maanta

Wargeyska Maanta Ku Soo Dhawaada Wargeyska Maanta Wargeyska Maanta waxaa iska leh:
http://www.somalimediaempire.so/

WARARKA MAANTA: 28th Oktoobar 26, 2025Su’aalaha Maanta: Maxay beesha caalamka ugu baaqday inuu iscasilo Madaxweyne Mudan...
10/28/2025

WARARKA MAANTA: 28th Oktoobar 26, 2025
Su’aalaha Maanta: Maxay beesha caalamka ugu baaqday inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye:? Yaa warbaahinta qasbay inaysan soo gudbin?Maxaa ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? 1. Waa diiday inuu sameeyo 2. Waa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah 3. Waa diiday inuu dalka u sameeyo lacag Soomaali mar labaad asagoo Madxweyne ka ah dalka ? 4. Waa diiday inay Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada si wada-jir ah u shaqeeyaan 5. Waa diiday inuu mucaaradka si fiican ula dhaqmo 6. Waa diiday in shacabka la caawiyo, waxuuna ugu daray barakicin iyo dhac joogta ah 7. Waa diiday inay labada aqal si wada-jir ah u shaqeeyaan si ay ula xisaabtamaan xukuummadda 8. Waa diiday inuu hantida dadweynaha si sharciga waafaqsan u naadiyo 9. Waxay Dowladda Soomaaliya ku soo uruurtay qoyskiisa iyo in yar oo luflufka ka hara xadaaya 10. Waxuu hadda raadinayaa muddo koroorsi laba sanno ah! Ha wiqleyso!
Muqdisho 28th Oktoobar 26, 2025 GUDDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR AHNA DUQA MUQDISHO OO SHIR-GUDDOOMIYEY KULANKA DEGMOOYINKA GOBOLKA BANAADIR.
Muqdisho, Oktoobar 28, 2025: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Amniga, oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka iyo guddoomiyeyaasha 20 ka degmo ee caasimadda.
Kulanka todobaadlaha ah ayaa looga hadlay Dardargelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo degmooyinka gobolka, Xoojinta wadashaqeynta iyo isku xirnaanta maamullada degmooyinka, Ka hortagga falalka amni-darrada dhaliya sida Maandooriyaha iyo la-dagaallanka burcadda abaabulan ee weerada ku gambada.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoosta ka xarriiqay in ilaalinta nabadda iyo degganaanshaha ay aasaas u tahay horumarka guud ee dalka, islamarkaana maamulkiisu uu diiradda saarayo gaaridda in bulshadu nabad ku leddo.
Shirka ayaa soo saaray in la sii joogteeyo tallaabooyinka lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo difaaca shacabka ku nool caasimadda iyo daafaheeda, si' aan loo wiiqin kobaca iyo horumarka magaalo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
DHAMMAAD
Muqdisho 28th Oktoobar 26, 2025 GUDDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR AHNA DUQA MUQDISHO OO GUDDOOMIYEY SHIRKA AMNIGA CAASIMADDA
Muqdisho, Oktoobar 28, 2025: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta guddoomiyey shirka Amniga oo lagu gorfeeyay xaaladda caasimadda iyo guud ahaan gobolka Banaadir.
Shirka oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Liibaan Aadan, iyo Taliyeyaasha guutooyinka Militariga ee ka shaqeeya taageerada booliska ee loo yaqaan Bolisiya Militaaro, ayaa lagu guudmaray; Dardargelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo degmooyinka gobolka, Kordhinta wadashaqeynta iyo isku xirnaanta hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka. Ka hortagga falalka amni-darrada iyo abuuridda jawi nabadeed oo shacabka loogu adeego si hufan.
Shirka ayaa adkeeyey: In la xoojiyo joogteynta is-dhexgalka iyo xog-wadaagga hay’adaha amniga, In la dar-dargeliyo hawlaha ka hortagga falalka nabadgelyo-darrada, iyadoo xoogga la saarayo degmooyinka istaraatiijiga ah ee caasimadda, gaar ahaan xak**aynta kooxaha dambiyada abaabulan gaysta.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ku nuuxnuuxsaday in nabadgelyada iyo xasilloonida caasimaddu ay saldhig u tahay horumarka guud ee dalka, isla markaana maamulka gobolka ay ka go’an tahay inuu la shaqeeyo dhammaan hay’adaha amniga.
Shirka ayaa kusoo dhammaaday in la sii wado tallaabooyinka lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo difaaca shacabka ku nool caasimadda iyo nawaaxigeeda, iyadoo la ilaalinayo ku dhaqanka sharciga iyo kala dambaynta.
DHAMMAAD
Hirshabelle 28th Oktoobar 26, 2025 Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa wareegto uu kasoo saaray xafiiskiisa ku sameeyay isbeddel ballaaran oo ku saabsan qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada maamulkaas.
Wareegtada Madaxweynaha ayaa lagu saleeyay qodobada 56-aad iyo 57-aad ee Dastuurka Hirshabeelle, kuwaas oo u oggolaanaya Madaxweynaha inuu magacaabo ama beddelo xubnaha Golaha Wasiirrada marka ay jirto baahi shaqo ama mid hufnaan.
Isbeddelkan ayaa taabanaya afar wasaaradood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyo Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha.
Madaxweynaha ayaa magacaabay wasiirrada cusub ee kala ah: Baashi Cabdi Maxamed oo loo magaaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada, Saalax Maxamed Xasan oo noqonaya Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Keyraadka Biyaha.
Sidoo kale waxaa la magacaabay Cabdikariim Nuur Xasan (Doob-yare) oo noqonaya Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska iyo Cumar Maxamed Soomane oo loo magacaabay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha
Isbeddelkan ayaa lagu sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo waxtarka iyo hufnaanta shaqada ee Golaha Wasiirrada Hirshabeelle, si loo dardar-geliyo adeegyada bulshada iyo horumarinta dowladnimada.
Yurub 28th Oktoobar 26, 2025 Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda lagu magacaabo DTM (Displacement Tracking Matrix) ayaa muujisay in inta u dhaxaysay Janaayo ilaa Agoosto 2025, ay 5,435 muhaajiriin Soomaali ah gaareen Yurub, iyagoo u soo maray badda iyo dhulka.
Warbixintan ayaa waxay muujinaysaa koror gaaraya saddex jibbaar marka loo eego tiradii la diiwaangeliyey isla muddadaas sanadkii 2024.
Muhaajiriinta Soomaaliyeed ayaa lagu arkay dhammaan waddooyinka waaweyn ee ay dadka ku galaan Yurub, waxaana ugu badan kuwa u soo gudbay Talyaaniga iyagoo isticmaalay Badda Mediterranean-ka. Qayb kale oo badan ayaa iyaguna gaartay Isbaanish iyagoo u soo maray Galbeedka Mediterranean-ka, halka qaar kale ay tageen Giriigga iyo Qubrus oo ay u soo mareen Waddada Bari ee Mediterranean-ka. Qaar yar ayaa sidoo kale gaarey Jasiiradaha Canary ee Isbaanish iyagoo isticmaalay Waddada Atlantic ee Galbeedka Afrika.
Warbixinta ayaa tilmaamaysa in Soomaalidu hadda ka yihiin ku dhawaad afar boqolkiiba dhammaan muhaajiriinta soo gaaray Yurub sanadkan 2025, taasoo ka dhigaysa inay yihiin mid ka mid ah qowmiyadaha ugu badan ee Afrika ka yimaada.
Hay’adda DTM ayaa sheegtay in xogtan lagu salaynayo sahanno ay ka samaysay Spain iyo Talyaaniga, balse Giriigga weli laguma samayn sahanno rasmi ah. Sidaa darteed, xogta la xiriirta Waddada Bari ee Mediterranean-ka laguma darin warbixintan, balse waxaa lagu dari doonaa sida hay’addu sheegtay marka cilmi-baaristu sii socoto.
Khabiirro ku takhasusay arrimaha socdaalka ayaa sheegay in kororka tirada muhaajiriinta Soomaaliyeed ay la xiriirto sababo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin amni darrada ka jirta Soomaaliya, shaqo la’aanta, iyo rajo xumada mustaqbalka gudaha dalka. Qoysas badan ayaa sheegay in ay rajeynayaan nolol ka wanaagsan Yurub, inkastoo safarka badda uu khatar weyn ku yahay noloshooda.
Muqdisho 27th Oktoobar 26, 2025 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Xalay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ku qaadeen fariisin ciidanka dowladda ku leeyihiin degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay kontoroolka lagu magacaabo Buurta Cali Janaale oo ah mid ka mid ah kontoroolada laga ilaaliyo amniga Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, waxaana halkaas labada dhinac ku dhexmaray dagaal xoogan oo mudo ku dhaw 30 daqiiqo socday.
Kooxda ayaa weerarkeeda ku bilaawday baasukeyaal, kadibna waxaa xigay dagaal fool ka fool oo lasoo warinayo inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaartay labada dhinac, hayeeshee anan la ogeyn inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.
Kontoroolka la weeraray waxaa deganaa ciidanka Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo ciidanka Polizia Militare kala shaqeeya amniga kontoroolada laga soo galo magaalada Muqdisho.
War koobaan oo kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska Haramcad ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay fashiliyeen hoobiyeyaal ay Shabaabku doonayeen inay kusoo tuuraan gudaha magaalada.
“Hawlgalka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Qabuuraha Kaxda iyo deegaanka Maracadde oo koonfur kaga beegan Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska Haramcad.
Warka kasoo baxay Haramcad Laguma sheegin cid wax ku noqotay weerarka Xalay ka dhacay degmadaasi, gaar ahaan kontoroolka Buurta Cali Janaale, halkaas oo marar kala duwan horay weeraro uga geysteen kooxda Al-shabaab.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA: 27th Oktoobar 26, 2025Su’aalaha Maanta: Maxuu isku-casili rabaa Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ...
10/27/2025

WARARKA MAANTA: 27th Oktoobar 26, 2025
Su’aalaha Maanta: Maxuu isku-casili rabaa Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre “Dhaweeye/Waariykoow” oo ku fashilmay inuu tago degaanada uu matalo? Maxaa ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? 1. Waa diiday inuu sameeyo 2. Waa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah 3. Waa diiday inuu dalka u sameeyo lacag Soomaali mar labaad asagoo Madxweyne ka ah dalka ? 4. Waa diiday inay Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada si wada-jir ah u shaqeeyaan 5. Waa diiday inuu mucaaradka si fiican ula dhaqmo 6. Waa diiday in shacabka la caawiyo, waxuuna ugu daray barakicin iyo dhac joogta ah 7. Waa diiday inay labada aqal si wada-jir ah u shaqeeyaan si ay ula xisaabtamaan xukuummadda 8. Waa diiday inuu hantida dadweynaha si sharciga waafaqsan u naadiyo 9. Waxay Dowladda Soomaaliya ku soo uruurtay qoyskiisa iyo in yar oo luflufka ka hara xadaaya 10. Waxuu hadda raadinayaa muddo koroorsi laba sanno ah! Ha wiqleyso!
Kigale 27th Oktoobar 26, 2025 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah uga bilaabatay magaalada Kigali, caasimadda dalka Rwanda.
Wasiirku wuxuu booqasho sharafeed ku tagay Xarunta Xusuusta Kigali (Kigali Memorial) iyo Matxafka Ololaha Lagaga Hortagay Xasuuqa ee ku yaalla Baarlamaanka Rwanda halkaas oo uu xusuus iyo tixgelin u muujiyay dhibbanayaasha xasuuqii 1994 ee lagu laayey dadka Tutsiga.
Rwanda ayaa ka mid ah dalalka ka soo kabtay dagaalladii sokeeye ee burburiyay dalkooda, waxayna maanta tusaale u tahay sida dib-u-heshiisiin, nabad iyo midnimo qaran lagu gaari karo horumar waara. Xasuuqii dalkaas ka dhacay sanadkii 1994 waxaa ku geeriyooday ku dhowaad hal Milyan oo qof, halka malaayiin kalena ay barakac iyo dhibaatooyin kale la kulmeen.
Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Rwanda, iyadoo labada dal ay ka wada shaqeynayaan horumarinta nabadda, horumarka iyo iskaashiga gobolka.
Muqdisho 27th Oktoobar 26, 2025 Sidee garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee sharciga la shaqeeya u kordhin karaan sharcinimada garsoorka guud ahaan Soomaaliya?
Tani waxay ahayd ujeeddada tababar muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Kismaayo oo ay khubaro dhanka garsoorka ah oo ka socday UNTMIS u fidiyeen 20 xubnood oo ka tirsan shaqaalaha maxk**adaha Jubaland, xafiiska xeer ilaaliyaha guud, booliska, asluubta iyo Wasaaradda Caddaaladda.
Ka qaybgalayaashu waxay ka doodeen sidii ay shaqsi ahaan iyo si wadar ahaanba ah uga qayb qaadan lahaayeen is-aaminaad ka dhex abuurmata hay'adaha sharciga iyo bulshada, iyo bixinta adeegyada caddaaladda ee khuseeya dadka oo ka jawaabaya baahiyaha bulshooyinka iyo shuruudaha sharciga.
Muqdisho 27th Oktoobar 26, 2025 Wasiirka Gaadiidka ee Yemen, Dr. Cabdisalaam Xamid, ayaa magaalada caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Cadan, kulan kula yeeshay safiirka Soomaaliya ee Yemen, Cabdulhakiim Maxamed, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada gaadiidka badda iyo hawada.
Wasiir Xamid ayaa kulanka ka sheegay in xiriirka taariikheed, bulsho iyo siyaasadeed ee u dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya uu yahay mid qoto dheer oo soo jireen ah, isla markaana labada dal ay leeyihiin dano iyo xiriir wadaag ah oo ku saleysan dhinacyada bulshada, dhaqaalaha iyo amniga.
Dr. Xamid ayaa tilmaamay in wasaaradda gaadiidku ay diyaar u tahay kobcinta ganacsiga iyo is-dhaafsiga dhaqaalaha ee labada dal, iyadoo sidoo kale diyaar u ah in ay taageerto furitaanka duulimaadyo toos ah oo ay sameeyaan shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed, isla markaana la siiyo rukhsado hawlgal oo ka faa’iideynsan doonaan labada shacab.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Yemen ay qorsheyneyso in ay iibsato laba diyaaradood oo yar-yar oo loogu talagalay duulimaadyada gudaha, kuwaas oo sidoo kale loo adeegsan karo safarada u dhaxeeya Yemen iyo Soomaaliya iyo dalalka kale ee gobolka.
Intaa waxaa dheer, Wasiir Xamid ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee u dhaxeeya dekedaha labada dal, iyo in la iska kaashado la dagaalanka tahriibka hubka iyo badeecooyinka sharci-darrada ah ee ka imaanaya qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika loona gudbinayo Yemen.
Dhankiisa, safiirka Soomaaliya ee Yemen, Cabdulhakiim Maxamed, ayaa uga mahadceliyay dowladda Yemen iyo wasaaradda gaadiidka dadaallada ay ku xoojinayso iskaashiga labada dal, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii adkeynta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga labada dowladood.
Hiiraan 27th Oktoobar 26, 2025 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo Xalay fiidkii h**e ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan ku qaadeen fariisimo kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaanka Goobo oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada Macawiisleyda ayaa la sheegay in dhowr jiho ay ka weerareen maleeshiyaadka ku sugna deegaanka Goobo, islamarkaana uu halkaasi ku dhexmaray labada dhinac dagaal aad u xoogana oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Ciidanka Macawiisleyda ayaa lasoo wariyay iney u suura gashay iney cagta mariyaan fariirinkii kooxdu ku laheyd duuleedka Waqooyi ee deegaanka Goobo, islamarkaana khasaare xoogan lagu gaarsiiyo Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarka Xalay Macawiisleyda ku qaadeen deegaanka Goobo oo ah deegaan istaraatiiji ah, kaasoo isku xira gobolada Hiiraan iyo Galguduud.
Ciidanka Macawiisleeyda beesha Xawaadle ayaa mudooyinkan dambe deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ka waday abaabulo ku aadan sidii kooxda Al-shabaab ay dib uga saari lahaayeen deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.
Maraykanka 27th Oktoobar 26, 2025 Laba xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka (House of Representatives) ayaa ku baaqay in Waaxda Caddaaladda Mareykanka ay baaritaan ku samayso dhalashada Ilhaan Omar, oo ka soo jeedda Soomaaliya.
Arrintaan ayaa la sheegay inay qayb ka tahay dib-u-eegis guud oo lagu samaynayo dhalashada dadka u soo guuray islamarkaasna la siiyay muwaadiniyadda Mareykanka.
Xildhibaan Randy Fine (R-Fla.) ayaa sheegay in baaritaanku ka bilowdo musharraxa duqa magaalada New York Zohran Mamdani, oo uu ku eedeeyay in uu jabiyay xeerarka muwaadiniyadda, isagoo xusay in sidoo kale Ilhaan Omar ay mudan tahay in la baaro.
Fine ayaa sheegay in dadka qaarkood ay dalka u yimaadeen si ay u burburiyaan, isagoo ku baaqay in dadka si khaldan u helay dhalashada Mareykanka laga laabto muwaadiniyadooda oo dib loo celiyo.
Dhankiisa, Andy Ogles (R-Tenn.) ayaa sidoo kale taageeray baaqa, isaga oo Mamdani ku tilmaamay shakhsi shuuci ah oo khatar ku ah dalka, isla markaana dalbaday in la baaro Ilhaan Omar, isagoo tixraacaya mowqifkeeda siyaasadeed ee marar badan dhaliilay siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.
Ilhaan Omar, oo matasha gobolka Minnesota (Degmada 5aad), waxay ka soo qaxday Soomaaliya intii uu socday dagaalkii sokeeye, waxaana ay sannadkii 2018 noqotay mid ka mid ah labadii haween ee Muslimiinta ahaa ee ugu horreeyay ee lagu doorto Kongareeska Mareykanka.
Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka weli k**a aysan hadlin dalabka baaritaanka ee ay xildhibaanadu codsadeen.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA: 26th Oktoobar 26, 2025Su’aalaha Maanta: Maxaa ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? 1....
10/26/2025

WARARKA MAANTA: 26th Oktoobar 26, 2025
Su’aalaha Maanta: Maxaa ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? 1. Waa diiday inuu sameeyo 2. Waa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah 3. Waa diiday inuu dalka u sameeyo lacag Soomaali mar labaad asagoo Madxweyne ka ah dalka ? 4. Waa diiday inay Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada si wada-jir ah u shaqeeyaan 5. Waa diiday inuu mucaaradka si fiican ula dhaqmo 6. Waa diiday in shacabka la caawiyo, waxuuna ugu daray barakicin iyo dhac joogta ah 7. Waa diiday inay labada aqal si wada-jir ah u shaqeeyaan si ay ula xisaabtamaan xukuummadda 8. Waa diiday inuu hantida dadweynaha si sharciga waafaqsan u naadiyo 9. Waxay Dowladda Soomaaliya ku soo uruurtay qoyskiisa iyo in yar oo luflufka ka hara xadaaya 10. Waxuu hadda raadinayaa muddo koroorsi laba sanno ah! Ha wiqleyso!
Muqdisho 26th Oktoobar 26, 2025 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku adkeeyey madaxda iyo howlwadeennada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, muhiimadda ay leedahay adkeeynta shuruucda socdaalka, hufnaanta adeegyada muwaadiniinta iyo la dagaallanka tahriibka, argagixisada iyo socdaalka sharci darrada ah.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay go’aansatay in la xoojiyo nidaamka amniga xuduudaha, si looga hortago in danbiilayaal ama kooxo khatar ku ah amniga ay si fudud ku soo galaan dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey guulaha muuqda ee ay gaartay Hay’adda Socdaalka, gaar ahaan hannaanka casriyeynta ee bixinta dal-ku-galka elektaroonigga ah (e-Visa), iyo hirgelinta nidaamka cusub ee PISCES, kaas oo ah nidaam casri ah oo lagu maamulo xuduudaha iyo aqoonsiga dadka, una adeegsanaya xogaha biometric-ga sida faraha iyo aqoonsiga wejiga.
Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa sheegay in madaxweynaha uu faray in la adkeeyo nidaamka e-Visa, isla markaana la kordhiyo tayada iyo amniga Passporka Soomaaliyeed, si uu ula jaanqaado heerarka caalamiga ah.
Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markii uu kormeer ku tagay xarunta Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya wxaana uu halkaas warbixino kaga dhageystay howlwadeenada Hay'adda kuwaasi oo la wadaagay howsha ka socota Hay'adda Socdaalka.
Muqdisho 26th Oktoobar 26, 2025 Dowladda Masar ayaa dhamaystireysa diyaar garowga ay ciidamada ugu dirayso Soomaaliya, si ay uga qaybqaataan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSSOM).
Wafdi ciidan oo ka socday Masar ayaa toddobaadkan booqday magaalada Muqdisho, taasoo qayb ka ah qorshaha Qaahira ee ku aaddan ka-qaybgalka howlgalka.
Warbixin uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay soo saaray bishii Abriil 2025 ayaa muujisay in ku dhowaad 1,100 askari oo Masri ah ay ka qaybqaadan doonaan hawlgalka AUSSSOM.
Booqashada wafdiga ayaa timid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Masar iyo Itoobiya, kaddib markii bishii h**e si rasmi ah loo furay mashruuca Biyaha Webiga Niil ee Itoobiya — Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) — kaas oo Qaahira ku tilmaantay inuu halis ku yahay sahayda biyaha ee dalka Masar.
Itoobiya lafteedu waxay hawlgalka AUSSSOM ku biirisay 2,500 askari. Hawlgalkan ayaa beddelay hawlgalka ATMIS ee Midowga Afrika horaantii sanadkan, waxaana la qorsheeyay inuu socdo ilaa sannadka 2028.
Waa markii ugu horraysay ee ciidamada Masar ay ka qaybqaataan howlgal nabad ilaalin ah oo ka socda Soomaaliya, iyadoo ATMIS ay h**e uga koobnayd ciidamada Itoobiya, Kenya, Burundi, Jabuuti iyo Uganda.
Bishii Agoosto 2024, Masar ayaa qalab ciidan geysay Soomaaliya, taas oo dhalisay walaac ay muujiyeen falanqeeyayaasha, kuwaas oo ka cabsi qabay in khilaafka Itoobiya iyo Masar uu isu beddelo dagaal ay ku galaan gudaha Soomaaliya.
Suleyman Dedefo, safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, ayaa toddobaadkan u sheegay warbaahinta Soomaaliyeed in Itoobiya aanay ku faraxsanayn joogitaanka ciidamada Masar ee Soomaaliya.
Muqdisho 26th Oktoobar 26, 2025 Ajendaha Haweenka, Nabadda iyo Amniga, ee la ansixiyay 25 sano ka hor, ayaa weli ah baaxad ahaan heer caalami ah isagoo si qoto dheer u khuseeya heerarka maxalliga ah. Soomaaliya, QM waxa ay sii waddaa in ay la shaqeyso hoggaamiyayaasha haweenka, bulshada rayidka ah, hay'adaha qaranka iyo la-hawlgalayaasha si loo horumariyo nabadda iyo dowlad loo dhan yahay.
Waxaa halkan ka muuqda, hoggaamiyayaasha bulshada rayidka ah ee haweenka Soomaaliyeed oo ka qayb qaadanaya wadatashi ay Qaramada Midoobay taageerto oo ka dhacaya Muqdisho.
Muqdisho 26th Oktoobar 26, 2025 GUDDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR AHNA DUQA MUQDISHO OO CASHO SHARAF U SAMEEYAY XILDHIBAANNO KA TIRSAN LABADA GOLE EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
Muqdisho, Oktoobar 25, 2025: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa casho sharaf ku maamuusay qaar ka mid ah xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku metela beesha Hawiye.
Kulankan oo ka dhacay hoyga Duqa Muqdisho ayaa lagu bogaadiyay waxqabadka muuqda ee maamulka gobolka ee ku aaddan horumarinta caasimadda Muqdisho.
Xildhibaannadii iyo masuuliyiintii ka qaybgalay kulanka ayaa si wadajir ah u amaanay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ee ku aaddan dowlad-dhisidda, nabadeynta, iyo horumarinta dalka.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu taageeray hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ee dalka ka dhacaya, taas oo loo arko tallaabo muhiim u ah xoojinta hannaanka dimoqraadiyadeed ee Soomaaliya, iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee si toos ah u metela shacabka.
Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa kaloo la isla qaatay in la xoojiyo midnimada umadda Soomaaliyeed, lana sii joogteeyo wadashaqeynta u dhaxeysa hay’adaha dowladda iyo shacabka, si dalka loogu hoggaamiyo nabad, cadaalad, iyo horumar waara.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa uga mahadceliyay xildhibaannada iyo mas'uuliyiinta ka soo qaybgalay kulanka, isagoo ku boorriyay dhammaan mas'uuliyiinta dowladda in ay sii xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo wadashaqeynta ku dhisan danta guud ee qaranka Soomaaliyeed.
DHAMMAAD
Maamiulka Somaliland 26th Oktoobar 26, 2025 Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in inkastoo ay Somaliland ka noqotay midowgii Soomaaliya 34 sano ka hor, haddana ay weli jiraan arrimo badan oo labada dhinac iskaga xidhan.
Madaxweyne Cirro wuxuu sheegay in waxyaabaha wali ay wadaagaan labada dhinac ay ka mid yihiin hawada iyo furayaasha taleefoonada, kuwaas oo loo baahan yahay in kala guristooda la dhamaystiro si si buuxda loogu kala baxo.
“Waxaynu ka war qabnaa in Soomaaliya aynu kala baxnay 18 May 1991, balse haddana weli waxbaa inaga dhexeeya oo u baahan in la kala saaro. Waxyaabahaas waxaa ka mid ah baasaaboorradii h**e, saamiga xajka, furayaasha taleefoonada iyo maamulka hawada,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Wuxuu intaas ku daray in Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland uu qaaday tallaabooyin dhowr ah, isla markaana uu rajeynayo in uu ku guuleysan doono in Somaliland ay si buuxda gacanta ugu dhigto maamulka hawadeeda.
“Inagu Soomaaliya dagaal kulama jirno, Soomaali nacayb iyo cuqdadna ma qabno. Aayaheena ayaynu ka tashanay inaga oo xor ah, sida aynu xor ugu biirnay 1960-kii ayaynu xor ugu go’nay 18 May 1991. Hadda waa in kala gurashadaasi noqotaa mid ceeb la’aan ah,” ayuu yidhi.
Madaxweyne Cirro wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay inay ku mashquusho arrimaheeda gudaha, sida maamul-goboleedyada oo uu sheegay inay “kala irdhoobeen,” isla markaana dowladdu ay ku guul darreysatay inay mideyso.
“Arrintoodu waxay la mid tahay islaantii xaabada qaadi kari weyday ee tidhi ‘mid kale iigu soo dara’,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.
Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga cadhootay nidaamka dal-ku-galka danabaysan ee dowlada Soomaaliya soo rogtay, kaas oo dadka reer Somaliland ku khasbaya inay dal-ku-galka (visa) Soomaaliya soo qaataan marka ay u socdaan Somaliland.

✔ Subscribe ✔ Share ✔ Like ✔Suldaanka Tv Channel You Can Get This Channel Somali Update News 24 Hours Daily #.

WARARKA MAANTA 25ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Yaa raba inuu Madaxweynaha   Mr. Saciid Deni xilka lagu tu...
10/25/2025

WARARKA MAANTA 25ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa raba inuu Madaxweynaha Mr. Saciid Deni xilka lagu tuuro? Yaase diiday inuu sameeyo Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa Guddoomiye u doortay Maama Jawaahir Baarqab? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 25ka Oktoobar 2025 Adeeg waxtar leh oo ay xirfadi ka muuqato oo ay bixiyaan Ciidanka Asluubta ayaa ah aas-aaska hannaanka sareynta sharciga ee dalka. Sidaas darteed, magaalada Muqdisho ayaa dhowaan lagu qabtay kulan ay taageertay Qaramada Midoobay, kaas oo lagu horumarinayay nidaam asluub oo ammaan ah isla markaana dhowraya bini’aadannimada guud ahaan Soomaaliya.
Khubaro ka socotay UNTMIS iyo UNODC ayaa qabtay aqoon-is-weydaarsi farsamo oo socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo ay ka qayb galeen 20 xubnood oo ka kala socday Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ciidanka Asluubta iyo bulshada rayidka ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa agabka tababarka, si wadatashi dheeraad ah loola yeesho Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Muqdisho 25ka Oktoobar 2025 Ciidanka Booliiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga Garasbaaley ee magaalada Muqdisho ayaa ku gacanta kusoo dhigay rag ku eedeysan iney dhac u geysanayeen dad shacabka ah.
Ragaani oo ah laba nin oo ka tirsan askarta ciidanka dowladda ayaa la qabtay iyagoo ku guda jiray fal dhac ah oo ka geeynayeen waaxda Siinka dheer ee degmada Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.
War kooban oo kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ragaan ku eedeysan dhaca dadweyne loo gudbin doono maxk**adaha ku shaqada leh kiiskooda.
Labada askari ee lagu soo qabtay falka dhaca ah ayaa lagu kala magacaaba Dable Mustaf Niisaam Maxamed iyo Dable Anas Maxamed Muumin, kuwaas oo ku labisna dareeska ciidamada dowladda.
Taliska ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho iney la shaqeeyaan ciidamada amniga, islamarkaana ay soo gudbiyaan wax kasta oo ku saabsan falalka amni darrada ah, si loo sugo amniga guud ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Soo qabashada ragaan dhaca dadweyne ku eedeysan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ciidamada amaanka magaalada Muqdisho ay si weyn u kordhiyeen howlgalada ay uga hortagayaan dhibaatooyinka loo geysto dadka ku nool qeybaha kala duwan ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Puntland 25ka Oktoobar 2025 Shir maalmo u socday isimada dhaqanka ee Gobolka Bari ee magaalada Boosaaso ayaa lagu soo gabagabeeyay war murtiyeed ay kaga hadlayeen xaaladda guud ee Puntland iyo tan gaarka ah ee gobolka Bari.
Isimada ayaa kulankooda diiradda ku saaray midnimada ummadda Soomaaliyeed, xaaladda siyaasadeed ee Puntland, howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad, cabashada kaluumaysatada iyo adeegyada bulshada ee magaalada Boosaaso.
Warmurtiyeed kasoo baxay shirkooda ayay ugu baaqeen madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleedba in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, isla markaana la hormariyo danaha guud ee dadka iyo dalka.
Isimadu waxay sheegeen inay si dhow ula socdaan isbeddellada siyaasadeed ee ka socda Puntland, ayna muhiim tahay in isimada dhaqanka Puntland ay isugu yimaadaan shir degdeg ah si loogu gogol xaaro shirweynaha saamileyda Puntland, maaddaama uu isbeddel ku yimid nidaamkii Puntland lagu dhisay 1998-kii.
Dhinaca amniga, isimadu waxay bogaadiyeen howlgalka uu maamulka Puntland ka wado buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, iyagoo Alle uga baryay naxariis intii ku dhimatay iyo caafimaad degdeg ah dhaawacyada, iyagoo maamulka ugu baaqay in la daryeelo askarta ku dhaawacantay iyo agoomaha askarta geeriyootay.
Isimadu waxay ka hadleen cabashooyinka kasoo yeeraya kaluumaysatada xeebaha Puntland, kuwaas oo sheegay in ay dhibaato ku hayaan jirriif sharci darro ah oo halis geliyay noloshooda iyo hantidooda. Waxay ugu baaqeen Puntland in ay si degdeg ah wax uga qabato arrintaas.
Ugu dambayn, waxay madaxda sare ee Puntland ku booriyeen inay wax ka qabtaan cabashooyinka shacabka Boosaaso ee la xiriira qiimaha sare ee biyaha iyo korontada, isla markaana ay magaalada Boosaaso siiyaan qeyb kamid ah dakhliga dekedda Boosaaso si loogu adeegsado horumarinta kaabayaasheeda dhaqaalaha.
Dhanka kale, Xasan Shire Abgaal, oo kamid ah mucaaradka Puntland, ayaa soo dhoweeyay bayaanka ay soo saareen isimada dhaqanka ee gobolka Bari. Wuxuu sheegay in uu bogaadinayo war murtiyeedka isimada oo ka hadlayay xaaladda Puntland iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.
Wuxuu intaas ku daray inuu ka codsanayo isimada dhaqanka ee Puntland inay taageeraan qabsoomidda shir weyn oo la isku imanayo, maadaama uu isbeddel ku yimid heshiiskii aas-aaska Puntland ee 1998-kii.
Muqdisho Iyo Addis Ababa 25ka Oktoobar 2025 Dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika, iyadoo shirkii 11-aad ee Madasha Sare ee Tana ee Amniga Afrika uu diiradda saaray doorka istiraatiijiga ah ee gobolkaasi ku leeyahay arrimaha amniga iyo horumarka qaaradda.
Maalintii ugu horraysay ee shirka, oo lagu qabtay magaalada Bahir Dar ee waqooyiga Itoobiya, ayaa lagu falanqeeyay arrimaha amniga iyo iskaashiga dalalka gobolka, iyadoo hoggaamiyeyaashu ku baaqeen in la dardar geliyo tallaabooyinka wadareed ee lagu xoojinayo nabadda iyo horumarka.
Aqoonyahano iyo mas’uuliyiin heer sare ah ayaa ka qeyb galay shirka, waxaana madasha ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Ambassador Hadera Abera, oo sheegay in Itoobiya ay door muuqda ka ciyaartay ilaalinta amniga iyo nabadda gobolka.
Ambassador Hadera ayaa hoosta ka xarriiqay in Itoobiya ay sii wadi doonto doorkeeda muhiimka ah ee ku aaddan dhiirrigelinta nabadda iyo iskaashiga dalalka deriska ah.
“Itoobiya waxay sii xoojin doontaa kaalinteeda muhiimka ah ee nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika,” ayuu yiri Hadera.
Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Ali Mohamed Omar, ayaa faahfaahiyay dadaallada ay Soomaaliya waddo ee dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo sugidda nabadda kaddib sanado badan oo colaado ah.
Sidoo kale, Wakiilka Ururka IGAD ee Midowga Afrika, Maureen Achieng, ayaa soo bandhigtay kaalinta sii kordheysa ee IGAD ee ku aaddan fududeynta wadahadallada, xallinta khilaafaadka iyo kor u qaadidda midnimada dalalka Geeska Afrika.

✔ Subscribe ✔ Share ✔ Like ✔Wardoon Waxaad ka heleysaa Wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 24 SaacNagu soo biir oo Subscribe saar ChanalkeenaDEG D...

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wargeyska Maanta posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Our Story

Wargeyska Maanta waxaa iska leh: