Wargeyska Maanta

Wargeyska Maanta Ku Soo Dhawaada Wargeyska Maanta Wargeyska Maanta waxaa iska leh:
http://www.somalimediaempire.so/

WARARKA MAANTA 31ka Agoosto 2026 Su’aalaha Maanta: Yaa sharciga khaniisiinta/qoomu-luudka keenay in laga ansixiyo golaha...
08/31/2026

WARARKA MAANTA 31ka Agoosto 2026
Su’aalaha Maanta: Yaa sharciga khaniisiinta/qoomu-luudka keenay in laga ansixiyo golaha shacabka? Yaa shacabka bacakiciyey? Yaa dhacay shacabka ? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Iran Agoosto 31ka 2026 Dawladda Iiraan ayaa maanta oo Isniin ah shaacisay in markab weyn oo siday shidaal uu dab xooggan ku qabsaday meel u dhow marinka muhiimka ah ee Hormuz, ka dib markii uu ku dhacay labo miino oo kuwa badda ah.
Sida ay werisay warbaahinta qaranka Iiraan, dhacdadan ayaa loo arkaa mid halis weyn ku ah badbaadada marinnada caalamiga ah ee tamarta, maadaama marinka Hormuz uu yahay wadnaha isku xira ganacsiga shidaalka dunida.
Gubashada markabkan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisaddu ay cirka isku shareertay, taas oo kordhinaysa cabsida laga qabo in dhibaatooyinkan ay saameyn ba’an ku yeeshaan dhaqaalaha caalamka iyo isu-socodka maraakiibta ee gobolka.
Muqdisho, Agoosto 31ka 2026 Xaqiiqda aan la qarin karin
Sababta keentay in Ra’iisul Wasaare Kheyre lagu dhaliilo arrimaha Wasaaradda Qorsheynta waxay tahay in dadkii khibradda iyo miisaanka lahaa ee talada iyo hagidda siin lahaa uu wasaaradda ka wada saaray.
Xilligii Wasiirradii Aynte iyo Jamaal, waxaa wasaaradda ka howlgeli jiray masuuliyiin iyo khubaro miisaan leh, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:
Asad – Agaasimihii Guud ee Wasaaradda.
Sharma’arke – Agaasimihii Statistics-ka.
Muse Mohamed – Agaasimihii Waaxda Qorsheynta.
Mohamed Dahir – Agaasimihii Xiriirka Caalamiga ah.
Zahra Abdi – Agaasimihii Xalka Waara iyo Horumarinta Reer Miyiga.
Mohamed Dhuuboow – oo door muhiim ah ku lahaa dhismaha Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya.
Agaasime Mo Shire – oo markii dambe u wareegay Wasaaradda Amniga.
Waxaa sidoo kale jiray eedeymo iyo hadal-heyn ku saabsan sababihii xilalka looga qaaday qaar ka mid ah masuuliyiintaas, oo ay ku jireen arrimo siyaasadeed iyo eex qabiil, halka Mo Shire-na lagu sheegay inuu wasaaradda uga baxay arrin la xiriirtay saxiixiisa oo uu siiyay malxiiskiisii doorashada xildhibaanimo, kaas oo maanta ah Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee wasaaradda.
Xaaladda hadda
Masuuliyiinta khibradda leh ee hadda lagu xuso wasaaradda waxaa ka mid ah nin h**e uga soo shaqeeyay Wasaaradda Qorsheynta Puntland oo hadda hoggaamiya Waaxda M&E, iyo Mohamed Wayaki, oo h**e u ahaa Agaasimaha Guud ee Statistics-ka Wasaaradda Gargaarka/SODMA.
Agaasimaha Guud ee hadda jooga Wasaaradda Qorsheynta, oo h**e uga soo wareegay Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa isna lagu tilmaamaa masuul aan si fudud loogu yeeri karin ama loo xisaabtami karin.
Dhaxalkii ay Wasiirradii Aynte iyo Jamaal ka tageen iyo nidaamkii ay wasaaradda ku dhiseen maanta si weyn looma xuso, iyadoo wasaaraddii ay dhiseen lagu eedeeyay inay ka leexatay shaqadeedii iyo haybaddii ay lahayd.
Xogta la hayo waxay sheegaysaa in Ra’iisul Wasaare Xamza uu ka gaabsado kormeerka joogtada ah ee wasaaradda, kadib markii uu arkay xaaladda ay ku sugan tahay. Waxaa xitaa la sheegay in qeyb ka mid ah wasaaradda loogu yeero “Qeybta Ergada Wasiirka”, taas oo lagu tilmaamay goob ay isugu yimaadaan koox isku deegaan ama xaafad ah oo aan lahayn xirfad ku filan, balse si uun uga faa’iideysta wasaaradda.
Talo soo jeedin
Si dib loogu soo celiyo sumcadda, shaqadii iyo hannaankii xirfadeed ee Wasaaradda Qorsheynta, khubaro lala tashaday waxay soo jeediyeen in wasaaradda lagu sameeyo dib-u-habeyn iyo Rebranding dhab ah.
Magacyada la soo jeediyay waxaa ka mid ah:
1. Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta
Ministry of National Planning and Development
2. Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Isbeddelka Dhaqaalaha
Ministry of National Planning and Economic Transformation
Ujeeddadu waa in wasaaradda dib loogu soo celiyo haybaddii, hannaankii xirfadeed iyo doorkeedii istiraatiijiga ahaa ee qorsheynta iyo horumarinta dalka
Jubbaland Agoosto 31ka 2026 Booliska magaalada Dhobley ayaa soo bandhigay nin lagu magacaabo Sheekh Cabdullaahi Cabdi Cali, kaas oo ciidamada ammaanku ku eedeeyeen inuu isku dayay inuu magaalada soo geliyo maandooriyaha loo yaqaan xashiishka.
Ciidamada ammaanka degmada Dhobley ayaa sheegay in eedeysanaha lagu qabtay hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada ammaanka, kaddib markii ay heleen xog ku saabsan isku day lagu soo gelinayo magaalada maandooriye.
Sida ay sheegeen ciidamada, howlgalka ayaa lagu qabtay qiyaastii 9 kiilo oo xashiish ah, oo la sheegay in eedeysanuhu doonayay inuu gudaha magaalada Dhobley soo geliyo.
Mas'uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in ay muddo hayeen xogta ku saabsan dhaqdhaqaaq la xiriira soo gelinta maandooriyaha, taas oo ugu dambeyn horseedday in la sameeyo howlgal lagu qabto eedeysanaha iyo maandooriyaha la tuhunsan yahay.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay in Sheekh Cabdullaahi Cabdi Cali uu h**ey ugu lug yeeshay kiis la xiriira ka ganacsiga maandooriyaha, isla markaana maxkamadda degmada Dhobley ay xilligaas ku xukuntay xabsi iyo ganaax.
Sida ay boolisku sheegeen, eedeysanaha ayaa markii uu dhammeystay muddadii xabsiga laga sii daayay, balse ciidamada ammaanka ayaa markale ku qabtay kiis ay ku tilmaameen inuu la mid yahay kii h**e.
Eedeysanaha ayaa hadda wajahaya baaritaan iyo tallaabooyin sharci, iyadoo la filayo in kiiska loo gudbiyo hay'adaha garsoorka si loo go'aamiyo mas'uuliyadda ka saaran eedeymaha loo jeediyay.
Muqdisho, Agoosto 31ka 2026 Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada qalabka sida ay howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan duleedka deegaanka Basra, oo ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Wasaaradda ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada Soomaaliya ay howlgalka ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan laba horjooge, isla markaana ay ka furteen hubkii ay wateen.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga, howlgalka ayaa weli socda, iyadoo ciidamada ay baacsanayaan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka firxaday goobta, si ay uga sifeeyaan deegaannada ku dhow Basra.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ujeeddada howlgalka ay tahay in la xaqiijiyo amniga iyo badqabka shacabka ku nool deegaannadaasi, iyadoo natiijada rasmiga ah ee howlgalka la shaacin doono marka uu soo dhammaado.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhisay howlgallada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo sheegtay inay doonayso inay dib ula wareegto deegaannada ay weli ka howlgalaan kooxda.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dhanka kale bogaadisay ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgallada, iyadoo sheegtay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaallada lagu xoreynayo deegaannada dalka ay sii socon doonaan.
Muqdisho, Agoosto 31ka 2026 Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa dalalka Carabta ugu baaqay inay adeegsadaan xidhiidhkooda iyo saamayntooda diblomaasiyadeed si looga hortago in aqoonsigii Israa'iil siisay Somaliland uu isu beddelo olole ay dalal kale ku aqoonsadaan Somaliland. Cali Maxamed Cumar oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in Soomaaliya ay xidhiidh toos ah la leedahay maamulka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, si ay uga muujiso sida ay uga soo horjeeddo aqoonsiga Israa'iil siisay Somaliland. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay si dhab ah ula socoto dood kasta oo ku saabsan aqoonsi cusub.
Wasiiru-dawluhu wuxuu sheegay in Israa'iil ay bishii December noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee aqoonsada Somaliland, kaddibna ay labada dhinac is-weydaarsadeen safiirro, iyadoo Somaliland ay safaarad ka furtay Qudus, halka Madaxweynaha Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tagay Israa'iil. Si kastaba, wuxuu sheegay, in aqoonsigaasi ilaa hadda ma aanu dhalin mowjad aqoonsiyo kale oo caalami ah.
Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ayna aqoonsiga Israa'iil u arkin tallaabo astaan ah oo keliya, balse ay rumaysan tahay in tallaabo kasta oo dibadeed oo lagu doonayo in wax looga beddelo midnimada Soomaaliya ay yeelan karto cawaaqib siyaasadeed iyo amni. Waxa uu sidoo kale xusay waxa uu ku tilmaamay ka-qaybgal diblomaasiyadeed iyo amni oo Israa'iil ay ku leedahay Somaliland, oo ay ku jirto caawinta tababarka ciidamada ammaanka.
Wasiiru-dawluhu wuxuu ka digay isku day kasta oo dal shisheeye uu ku doonayo inuu Soomaaliya ka sameysto joogitaan ciidan ama sirdoon oo aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka, isagoo sheegay in militaraynta arrinta Somaliland ay khatar ku noqon karto Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.
Isagoo ka hadlayay mowqifka dalalka Carabta, Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in jawaabtii degdegga ahayd ee Carabtu ka bixisay aqoonsiga Israa'iil ay muhiim ahayd, maadaama ay muujisay in go’aanka Israa'iil aanu waxba uga beddelin waxa uu ku tilmaamay is-afgaradka caalamiga ah iyo kan gobolka ee ku aaddan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso tallaabooyin ka baxsan cambaareyn oo keliya.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 30ka Agoosto 2026 Su’aalaha Maanta:Maxay ku fashilantay Wasaaradda Qorshaynta? Yaa doodan sax ah? Ma qof ...
08/30/2026

WARARKA MAANTA 30ka Agoosto 2026
Su’aalaha Maanta:Maxay ku fashilantay Wasaaradda Qorshaynta? Yaa doodan sax ah? Ma qof amniga qaranka ku fashilmay mise qof matalaaya xisbi sharci-darro ah? Yaa shacabka bacakiciyey? Yaa dhacay shacabka ? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho, Agoosto 30ka 2026 Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka hor akhriday laba Hindise Sharciyeed oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ah Hindise Sharciyeedka Sharciga Arrimaha Qoyska iyo Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, si Golaha Shacabku uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan ka doodista iyo ansixinta sharciyada.
Wasiiradda ayaa tilmaantay in labada Hindise Sharciyeed ay ka jawaabayaan baahiyo muhiim ah oo maanta ka jira bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta qoyska, daryeelka carruurta iyo dhowrista xuquuqdooda. Waxay xustay in Sharciga Arrimaha Qoyska uu door weyn ka qaadan karo xal u helidda caqabado iyo khilaafaadyo badan oo saameeya qoysaska Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah loo ilaalinayo carruurta nugul ee ku dayacma ama dhibaatooyin kala duwan kala kulma gudaha qoysaskooda.
Sidoo kale, Wasiiradda ayaa adkaysay muhiimadda Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, kaas oo saldhig u noqonaya xoojinta ilaalinta, daryeelka iyo dhowrista xuquuqda carruurta Soomaaliyeed. Waxay sheegtay in ansixinta labada sharci ay muhiim u tahay dhismaha qoys Soomaaliyeed oo sal adag leh, carruurtuna ay ku helaan nolol ammaan ah, daryeel iyo fursado ay si wanaagsan ugu koraan.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ugu baaqday inay ka gutaan waajibaadkooda qaran, isla markaana ay si mudnaan leh uga shaqeeyaan ansixinta Hindise Sharciyeedka Sharciga Arrimaha Qoyska iyo Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, kuwaas oo muhiim u ah xoojinta qoyska Soomaaliyeed, ilaalinta carruurta iyo horumarinta xuquuqul insaanka dalka
Muqdisho, Agoosto 30ka 2026Ninkaan idiin muuqda isagoo ku fashilmay inuu hoggaamiyo wasaaradda Qorsheynta ayuu caawa lasoo shirtay Somalia dhaqaalaheeda wuu kobcay iyadoo baahi loo dhimanayo oo waddankii Somalia aan laga qadeyn ba!
Isagoo isleh shaqo fiican qabo oo dhaliil ama sumcad xumey Ra'iisul wasaare Kheyre oo dadka la wadaagay in dhaqaalihii Somalia dhulka galay, ayuu lacag Qaranku leeyahay siiyey koox calooshood u shaqeystayaal ah oo katirsan Bankiga adduunka si loo beeniyo runtii Qaraareyd ee Kheyre dhaqaalaha Somalia ka sheegay.
Lacagtii waddanku lahaa ayuu laaluush ahaan u siiyey koox Bankiga adduunka ka shaqeysa, waxay soo qoreen Soomaaliya dhaqaalaha waa okay oo been ah.
Dalkan inta xilka iyo xoolaha dhacday ayaa qadaysa, Gaajo-Qaajo ayaa loogu dhimanayaa waddanka, si loo qariyo balaayadda dalkii ku habsatay ayuu u maalgaliyey in Somalia been loo daabaco.
Dadkii baahnaa lacagtooda in qoraal lagu iibsado waxaa sababay dadka Faaruqa ah ee xilka Wasaaradda Qorsheynta loo dhiibay.
Magaciisaba ka garo waa BEENE-BEENE, ruux kastoo liita haddii wasaarad muhiim ah loo dhiibo dalkan macluul baa ka dhacaysa, waayo ma qaban karaa shaqadii mudnaanta laheyd
Turkiga Agoosto 30ka 2026 Ciidamada Badda Turkiga oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay soo furteen markabka MV LATUF, oo ay burcad-badeeddu afduubteen 17-kii Agoosto, xilli uu marayay agagaarka xeebta Jiifle ee degmada Eyl, ee gobolka Nugaal. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, howlgalka oo socday muddo 10 maalmood ah ayaa lagu burburiyay afar doon oo la sheegay inay burcad-badeeddu adeegsanayeen, halka 14 qof oo lagu tilmaamay burcad-badeed lagu dilay howlgalka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Turkiga ay si buuxda ula wareegeen markabka MV LATUF, kaas oo hadda dib loogu soo celiyay gacanta kooxdiisii.
Howlgalkan ayaa, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga, ku salaysnaa heshiiska iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo xoojinaya wada shaqeynta labada dal ee ilaalinta xeebaha Soomaaliya, sugidda amniga badda iyo la dagaallanka burcad-badeednimada.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in burcad-badeednimadu tahay fal-dambiyeed culus oo horseedi kara ciqaab adag, iyadoo digniin u dirtay kooxaha ku lugta leh falalka burcad-badeednimada iyo cid kasta oo taageerta.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dib uga soo cusboonaadeen walaacyada la xiriira burcad-badeednimada xeebaha Puntland, iyadoo dhacdada markabka MV LATUF ay sidoo kale dhalisay su’aalo ku saabsan cidda ka dambeysa afduubka iyo xaaladda amni ee xeebaha Nugaal.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay Turkiga iyo dalalka kale ee saaxiibka ah si loo xoojiyo amniga xeebaha loogana hortago burcad-badeednimada.

Muqdisho, Agoosto 30ka 2026 Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankiisii ugu horreeyay ee Kalfadhiga 8-aad, iyadoo goluhu ansixiyay xubin cusub oo loo magacaabay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, isla markaana akhrintii koowaad loo gudbiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim ah. Kulanka waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde.
Ajandaha kulanka ayaa ka koobnaa saddex qodob oo kala ah ansixinta xubinta buuxinaysa booska ka bannaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, akhrinta koowaad ee hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada iyo akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Maryan Cali Abuukar, ayaa golaha horgeysay xubinta loo soo magacaabay Guddiga Xuquuqul Insaanka, iyadoo ka codsatay senatarrada inay siiyaan codka kalsoonida.
Senatarrada Aqalka Sare ayaa ugu dambayn ansixiyay xubinta cusub, taasoo noqonaysa xubin ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka.
Somaliland Agoosto 30ka 2026 Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan la yeeshay Xildhibaano dhawaan kasoo goostay Maamulka Waqooyi Bari, oo dhawaan gaadhay magaalada Hargaysa. Sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxweynaha, Cirro ayaa siyaasiyiinta Xildhibaanada h**e ahaa soo dhaweeyey, isagoo uga mahadceliyey go'aankooda ku aaddan inay dib ugu soo laabtaan Somaliland, isla markaana ka qayb qaataan nabadaynta, isku soo dhawaanshaha bulshada iyo horumarinta deegaannada ay ka soo jeedaan.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda amniga iyo xasilloonida bulshada, iyadoo Madaxweynaha uu sheegay in xukuumaddiisu mudnaanta siinayso wada-tashi, nabadgelyo iyo isu-soo-dhawaanshaha bulshada.
"Madaxweyne Cirro ayaa siyaasiyiinta u sheegay in Somaliland ay tahay dal iyo bulsho isku dan ah, isagoo xusay in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay inuu dareemo ka mid ahaanshaha iyo lahaanshaha Qaranka" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 29ka Agoosto 2026 Su’aalaha Maanta: Yaa shacabka   bacakiciyey? Yaa dhacay shacabka  ? Yaa noqon doona Ra...
08/29/2026

WARARKA MAANTA 29ka Agoosto 2026
Su’aalaha Maanta: Yaa shacabka bacakiciyey? Yaa dhacay shacabka ? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho, Agoosto 29ka 2026 Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim ayaa caawa ka qayb galay munaasabad lagu daahfuray xusuus-qorka Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo loo tarjumay luuqadda Carabiga.
Wasiir Cabdulfataax Qaasim ayaa bogaadiyay dadaalka loo galay tarjumaadda iyo faafinta xusuus-qorkan, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Ustaad Maxamuud Ciise Faarax oo buugga u tarjumay luuqadda Carabiga.
Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta, qorista iyo faafinta taariikhda Soomaaliyeed, Waxa uu tilmaamay in taariikhda la qoro ay door muhiim ah ka qaadato fahamka waayihii kala duwanaa ee dalka soo maray iyo dhisidda jiil garanaya taariikhda dalkiisa iyo halgankii loo soo maray dowladnimada Soomaaliy
Turkiga Agoosto 29ka 2026 Turkiye ayaa sii xoojinaysa joogitaankeeda militari ee Geeska Afrika, iyadoo laba markab oo kuwa ciidamada badda ah u dirtay biyaha Soomaaliya, isla markaana ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya kaddib afduubka maraakiibta oo ka socda biyaha Soomaaliya
Wasaaradda Difaaca Turkiye ayaa Khamiistii sheegtay in maraakiibta dagaalka TCG Kemalreis iyo TCG Yzb. Gungor Durmus ay booqan doonaan Jabuuti 3-da iyo 4-ta Sebtembar, iyagoo taageeraya Hawlgalka Ciidamada Badda Soomaaliya iyo howlgallada gaadiidka saadka ee Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa timid xilli walaac cusub laga muujinayo amniga maraakiibta ee xeebaha Soomaaliya, kaddib afduub dhawaan ka dhacay gudaha biyaha Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Turkiye, Zeki Akturk, ayaa sheegay in taageerada lagama maarmaanka ah la siinayo mas’uuliyiinta Soomaaliya, iyadoo arrintaas lala kaashanayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiye.
Akturk wuxuu sidoo kale sheegay in Ciidamada Howlgalka Soomaaliya ee Turkiye ay sii wadaan howlahooda, kuwaas oo ku saleysan heshiisyada laba geesoodka ah ee u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo awoodda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada iyo burcad-badeednimada.
Turkiye ayaa muddo ka badan toban sano kamid ahayd saaxiibbada militari ee ugu dhow Soomaaliya. Ankara waxay Muqdisho ku leedahay xarunta ugu weyn ee tababarka milatari ee ay dibadda ku leedahay, iyadoo sannadihii u dambeeyay ballaarisay iskaashiga dhinaca ciidamada badda, kaddib heshiis difaac oo muhiim ah oo ay la gashay Soomaaliya.
Joogitaanka maraakiibta Türkiye ee xeebaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Turkiga lagu eedeeyay in ay kalluumaysato ku dishay duqayn ay ka geysatay xeebaha maamulka Puntland.
Labadii todobaad ee ugu dambeeyay in ka badan 10 ayaa lagu dilay duqeymo ka dhacay xeebaha gobolka Nugaal ee Puntland. maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Turkiga inuu beegsaday kalluumaysato. Weli Turkiga si rasmi ah ugama hadlin eedda loo jeediyay inuu duqeeyay kalluumaysato.
Muqdisho, Agoosto 29ka 2026 Cagafyo ay ilaalinayaan ciidamo hubeysan ayaa habeenkii xaafadaha Muqdisho gala, guryahana dumiya—laakiin yaa la siiyaa dhulka marka shacabka laga saaro?
Garowe Online wuxuu iftiiminayaa qorshaha dhul-baneeynta Villa Somalia, halka ay ku dambeeyaan hantida dowladda, cidda ka faa’iidaysata iyo sida barakicinta shacabka uga hor imaan karto Dastuurka Soomaaliya iyo xeerarka caalamiga ah—xilli hay’adaha federaalku muddo-xileedkoodii dhammaaday.
Uganda Agoosto 29ka 2026 Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), General Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in dalkiisu si buuxda ciidamadiisa ugala bixi doono Soomaaliya 1-da Agoosto 2027, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay ciidamada Uganda qeyb ka ahaayeen hawlgallada amniga Soomaaliya. Kainerugaba ayaa qoraal uu Jimcihii ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in wixii ka dambeeya 1-da Agoosto 2027 aysan Soomaaliya ka sii howlgali doonin ciidamo ka tirsan UPDF.
Si kastaba, warbixinta People Daily waxay sheegtay in aan weli la caddeyn in taariikhda uu sheegay taliyaha ciidamada Uganda ay tahay go’aan rasmi ah oo ay ansixisay dowladda Uganda.
Uganda ayaa kamid ah dalalka ugu waaweyn ee ciidamo ku biiriyay howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya tan iyo 2007, iyadoo ciidamadeedu ay taageerayeen ciidamada Soomaaliya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli mustaqbalka Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) uu wajahayo hubanti la’aan dhaqaale iyo mid dhinaca saadka ah.
Maraykanka ayaa horay Midowga Afrika ugu wargeliyay inuusan maalgelin doonin taageerada saadka iyo hawlgallada AUSSOM wixii ka dambeeya 31-ka Diseembar 2026. Taageerada Qaramada Midoobay ee howlgalka ayaa kamid ah adeegyada muhiimka ah sida cuntada, biyaha, shidaalka, adeegyada caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.
Xaaladdan ayaa walaac ka dhex abuurtay Midowga Afrika iyo dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka, maadaama AUSSOM ay ku tiirsan tahay taageero caalami ah si ay howlaheeda u sii waddo.
Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ku dadaalaysay in ciidamadeeda ay si tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo dowladda federaalku ay ku celcelisay in joogitaanka ciidamada shisheeye uu yahay mid ku-meel-gaar ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa h**e u sheegay in Soomaaliya ay doonayso inay mustaqbalka ciidamadeeda si buuxda ugu filnaadaan difaaca dalka.
Hase yeeshee, kala-guurka ayaa wajahaya caqabado, iyadoo Al-Shabaab ay weli awood u leedahay inay weerarro ka fuliso qaybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Uganda waa mid kamid ah dalalka ugu muhiimsan ee ciidamada ku biiriya howlgalka, sidaas darteed ka bixitaankeeda ayaa kusoo beegmaya xilli AUSSOM ay raadineyso ilo cusub oo lagu maalgeliyo laguna taageero howlaheeda.

Waa Bogga Shaqsiga ah ee Noor Abdi ee kusoo dhawaada Gacmo Furan wa...

Wake up  ! Who created the      ? Why did the World Bank Group  preferred to fund the phony project of   Fraudster James...
08/28/2026

Wake up !
Who created the ? Why did the World Bank Group preferred to fund the phony project of Fraudster James Ayugi who claimed to be founding and implementing the in ? Who were two Somali paid consultants in his bogus project?

Well, as we know that the Founder of the Somali Digital Platform & the ICT of OSGIT was Ambassador Dr. Badal Kariye who established on September 30, 2002, and he has never ever applied for or sought any financial sponsorship from foreign governments or international NGOs
Ambassador Dr. Badal Kariye is an internationally prolific writer, journalist, security expert & ICT Consultant.

WARARKA MAANTA 27ka Agoosto 2026 Su’aalaha Maanta: Maxxa ka cusub  ? Yaa shacabka   bacakiciyey? Yaa dhacay shacabka  ? ...
08/27/2026

WARARKA MAANTA 27ka Agoosto 2026
Su’aalaha Maanta: Maxxa ka cusub ? Yaa shacabka bacakiciyey? Yaa dhacay shacabka ? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho, Agoosto 27ka 2026 Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Xarunta Dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Golaha Qaxootiga Norway (NRC), Mudane Jan Egeland.
Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha, fatahaadaha, colaadaha, barakaca, cunto-yarida iyo khatarta Super El Niño, iyo sidii loo xoojin lahaa u-diyaargarowga iyo ka jawaabista musiibooyinka.
Jan Egeland ayaa kormeeray xafiisyada iyo howlaha Xarunta SoDMA, isagoo u kuur-galay hawlaha Hay’adda ee digniinta h**e, gurmadka deg-degga ah iyo adkeysiga bulshada.
Muqdisho, Agoosto 27ka 2026 Wasiirka Horumarinta iyo Afrika ee UK, Kirsty McNeill, ayaa madaxda Soomaaliyeed ugu baaqday inay yeeshaan wada-hadal wax dhisaya oo xoojinaya midnimada dalka, isla markaana horseedaya horumar siyaasadeed iyo heshiis guud oo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya Baaqan ayaa yimid xilli wasiiraddu booqasho ku joogto Soomaaliya, iyadoo kulan ay Muqdisho kula yeelatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay kaga wada hadleen mudnaanta siyaasadeed iyo amni ee dalka.
McNeill ayaa carrabka ku adkaysay in horumar laga sameeyo wada-hadalka siyaasadeed iyo qorshaha kala-guurka amniga uu muhiim u yahay sii wadidda kalsoonida iyo taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya.
Wasiiraddu waxay sidoo kale sheegtay in UK ay weli ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto sidii loo gaari lahaa dal amni, xasillooni iyo barwaaqo leh.

Somaliland Agoosto 27ka 2026Xafiiska Somaliland ayaa taageeray Xafiiska Isku-xirka iyo Amniga Badaha Somaliland si loo qabto shirkiisa saddex-biloodlaha ah iyo wadatashi istiraatiiji ah oo heer qaran ah oo ku saabsan Maareynta Dhibaatooyinka iyo Adkaysiga, kaas oo ujeeddadiisu ahayd xoojinta isku-xirka iyo iskaashiga daneeyayaasha muhiimka ah ee qaybta badaha Somaliland.
Wadatashiga ayaa isu keenay daneeyayaal muhiim ah si ay uga wada hadlaan khataraha badda, ilaalinta kaabayaasha muhiimka ah, isku-duwidda xaaladaha dhibaatooyinka iyo sii wadidda adeegyada aasaasiga ah.
Doodaha ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray amniga internetka, hirgelinta Xeerka Amniga Maraakiibta iyo Dekedaha Caalamiga ah, isgaarsiinta dadweynaha, waajibaadka hay’adaha iyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta caalamiga ah.
Ka-qaybgalayaashu waxay aqoonsadeen isku-xirnaanta iyo ku-tiirsanaanta muhiimka ah, baahiyaha jira iyo tallaabooyinka mudnaanta leh ee la qaadi karo si loo xoojiyo u-diyaargarowga, loo wanaajiyo isku-duwidda xaaladaha dhibaatooyinka, loona kordhiyo adkaysiga qaybta badaha Somaliland.
IMO, Agoosto 27ka 2026 Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa ku baaqday in si degdeg ah wax looga qabto soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliya, xilli lix markab oo ganacsi iyo in ka badan 90 badmaaxiin ah lagu hayo gacanta kooxaha burcad-badeedda ee ka howlgala Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee IMO, Arsenio Dominguez, ayaa digniintan soo saaray kadib afduubkii markabka shidaalka qaada ee Seamull, oo sidoo kale loo yaqaan Sibu 1, kaas oo 20-kii Agoosto ay qabsadeen kooxo looga shakisan yahay inay yihiin burcad-badeed Soomaali ah.
Dominguez ayaa sheegay in afduubka markabkan uu ka dhigan yahay markabkii lixaad ee hadda gacanta ugu jira burcad-badeed iyo kooxo hubeysan, isagoo ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan badmaaxiinta la haysto.
Sida ay sheegtay Xarunta Isku-xirka Macluumaadka Badaha (JMIC), lix markab oo ganacsi ayaa weli lagu hayaa gacanta kooxaha afduubka geysta. Waxay kala yihiin Honour 25, Sward, Eureka, Asana, Lutuf iyo Seamull.
Laba ka mid ah afduubyadan ayaa dhacay toddobaadkan gudaheed. Markabka xamuulka ee Lutuf ayaa 17-kii Agoosto lagu qafaashay meel qiyaastii afar mayl-badeed u jirta xeebta Puntland, kaddib markii koox hubeysan ay dusha uga fuushay.
Saddex maalmood kaddib, lix nin oo hubeysan ayaa gudaha u galay Seamull xilli uu marayay Gacanka Cadmeed, qiyaastii 136 mayl-badeed bariga magaalada Al Mukalla ee Yemen. Kooxdu waxay la wareegtay markabka, waxayna u weecisay dhanka Soomaaliya.
Markabka oo culeyskiisu yahay 32,200 tan ayaa h**e loogu yaqaanay magaca Sibu 1. Waxaa la sheegay inuu diray fariin digniin ah oo ahayd “PIRATE ONBOARD HELP” ka hor inta uusan beddelin jihadiisa, waxaana hadda lagu soo waramayaa inuu ku xiran yahay meel ka baxsan xeebaha bari ee Soomaaliya.
Afduubyada cusub ayaa ku soo beegmaya xilli burcad-badeedda Soomaaliya, oo sanadihii u dambeeyay hoos u dhac weyn laga dareemayay, ay mar kale halis ku noqdeen maraakiibta isaga kala goosha Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.
JMIC ayaa sheegtay in dabeylaha xilliga monsoon-ka koonfur-galbeed ay weli adkeynayaan in burcad-badeeddu doonyo yaryar ku gaaraan meelaha aadka uga fog xeebaha, balse biyaha ku dhow xeebaha Soomaaliya ay siinayaan fursad ay kooxahaasi ku howlgalaan.
Afduubka Seamull, oo ka dhacay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale muujinaya in kooxaha burcad-badeeddu ay weli awood u leeyihiin inay gaaraan maraakiib ku sugan masaafo dheer.
Xoghayaha Guud ee IMO ayaa sidoo kale ku baaqay in dib loo xoojiyo iskaashiga ciidamada badda ee caalamka, isaga oo xusay in wada-shaqeyn caalami ah ay h**e ugaalin weyn uga qaadatay xakamaynta burcad-badeednimadii Soomaaliya.
Muqdisho, Agoosto 27ka 2026 Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira doorashadii ka dhacday dowlad-goboleedka Galmudug. Qoraal uu Guddigu soo saaray ayuu ku sheegay in go’aanka Maxkamadda Sare, oo ku taariikhaysan 24-ka Agoosto 2026, uu khuseeyo murankii ka dhashay doorashadii isku-sidkanaa ee lagu qabtay Galmudug.
Guddiga ayaa sheegay inuu go’aankiisa ku saleeyay kaalinta dastuuriga ah ee Maxkamadda Sare, sarreynta sharciga iyo mabda’a ah in khilaafaadka doorashooyinka lagu xalliyo hannaan garsoor oo waafaqsan sharciga.
Sida uu Guddigu sheegay, Qodobka 73-aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare siinaya awoodda ay ku dhageysan karto, go’aan uga gaari karto, isla markaana xallin karto dacwadaha la xiriira doorashooyinka.
Bayaanka ayaa lagu yiri "Iyadoo taas laga duulayo, Guddiga Doorashooyinka ayaa si rasmi ah u aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ee ku saabsan doorashadii lagu qabtay Galmudug."

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wargeyska Maanta posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share