11/07/2025
WARARKA MAANTA: 7da Nofeembar 2025
Su’aalaha Maanta: Maxay beesha caalamka ugu baaqday inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Maxuu Isbitaalka Banaadir hooyo dhalaysa dibadda ugu soo cayriyey? Meeqi Safiir/Denjire ayeey magaawday? Meeqo ciidanka xoogga dalka ayaa la dilay? Maxuu sheegay Raysal Wasaare Mudane Xamsa “Dhaweeye/Warikoow” Shacabkada ayaa maamulaynaa asagoo xitaa tagi karin dowlad Gobaleedyada uu dalka ku matalo? Maxay ku fashilantay xukuummadda “Dan-Qaran”? Yaa warbaahinta qasbay inaysan soo gudbin fashilkiisa? ?Maxaa ku fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? 1. Waa diiday inuu sameeyo 2. Waa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah 3. Waa diiday inuu dalka u sameeyo lacag Soomaali mar labaad asagoo Madxweyne ka ah dalka ? 4. Waa diiday inay Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada si wada-jir ah u shaqeeyaan 5. Waa diiday inuu mucaaradka si fiican ula dhaqmo 6. Waa diiday in shacabka la caawiyo, waxuuna ugu daray barakicin iyo dhac joogta ah 7. Waa diiday inay labada aqal si wada-jir ah u shaqeeyaan si ay ula xisaabtamaan xukuummadda 8. Waa diiday inuu hantida dadweynaha si sharciga waafaqsan u naadiyo 9. Waxay Dowladda Soomaaliya ku soo uruurtay qoyskiisa iyo in yar oo luflufka ka hara xadaaya 10. Waxuu hadda raadinayaa muddo koroorsi laba sanno ah! Ha wiqleyso!
Muqdisho 7da Nofeembar 2025 Toddobaadkan Barnaamijka 𝗧𝘂𝗯𝘁𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 waxaan ku falanqeyneynnaa sida Baraha bulshada loo adeegsan karo si loo taageero nabadda, midnimada, xuquuqda aadanaha iyo horumarka Soomaaliya – iyo sidii loo xaqiijin lahaa in warbaahinta bulshada loo adeegsado si mas’uuliyad leh.
Qaybta koowaad, Cabdishakuur Cali Axmed, Agaasimaha Waaxda Istiraatijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, ayaa ku sharraxaya sida Wasaaradda ay u dhiirrigelinayso in warbaahintan loo adeegsado si mas’uuliyad leh. Wuxuu qeexayaa dadaallada dawladda ee sare loogu qaadayo wacyiga, laguna xoojinayo adkaysiga bulshada ee ka dhanka ah kicinta onlaynka ee cunfiga iyo afkaarta wax kala qaybisa.
Qaybta labaad, Munasar Maxamed Cabdi, oo ah weriye leh in ka badan 2 milyan oo raacayaal Facebook ah, ayaa nala wadaagaya waayo-aragnimadiisa la xiriirta ahaanshihiisa isticmaale dijitaal oo khabiir ah. Wuxuu bixinayaa tusaalayaal la xiriira sida shaqadiisa ay u taageerto horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, isagoo sidoo kale wadaagaya aragtidiisa ku saabsan sida isticmaalayaasha baraha bulshada ee caanka ah, weriyeyaasha iyo muwaadiniinta caadiga ah ay warbaahinta bulshada uga dhigi karaa bar ku caan ah runta, horumarka iyo qaran dhiska.
Waxaa barnaamijka martigelinaya Faa’isa Cabdi iyo Cabdicasiis Diiriye.
Galmudug 7da Nofeembar 2025 Wararka ka imaanaya deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay goordhaw ku dileen halkaas laba nin oo shacab ahaa.
Maleeshiyaadka dilka geystay ayaa la sheegay iney kasoo jeedaan deegaan ahaan degmada Cabudwaaq, waxaana dilka uu yahay mid la xariira aargoosi aano qabiil ah.
Dableyda hubeysan ee fulisay dilka dadkaan shacabka ahaa ayaa si deg deg ah goobta isaga baxsaday, waxaana haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemaya deegaanka Huurshe iyo deegaanada ku dhadhaw.
Dilka labadaan ruux ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhacdooyinka la xirira dilalka aanoyinka qabiilka ah ay Todobaadyadii lasoo dhaafay kusoo kordhayeen deegaanada maamulka Galmudug kuwaas oo ilaa iyo hada aanan loo helin wax xal ah.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii deegaanka Guudoole ee gobolka Galgaduud aano qabiil darteed loogu dilay hooyo 80 sano jir aheyd, islamarkaana la dhaawacay wiilkeedii.
Puntland 7da Nofeembar 2025 Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyada maamulka Puntland ayaa si adag loogu beeniyay in Puntland ay ku lug leedahay dagaalada sokeeye ee ka socda dalka Suudaan.
Puntland ayaa iska fogeysay wararka la xariira in garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso laga qaado duqeymaha diyaaradeed ee Suudaan ka dhaca iyo inay martigeliyaan Kooxaha Calooshood u shaqaystayaasha ah oo ay maalgaliso Imaaraadka Carabta.
Warsaxafadeedka kasoo baxay Puntland ayaa sidoo kale lagu xusay ineysan jirin sabab keeni karta ku lug lahaanshiyaha dagaalada sokeeye ee Suudaan, islamarkaana dalkaas uu yahay dal walaal la ah Soomaaliya.
"Dawladda Puntland waxay si cad u beeninaysaa inay wax lug ah ku leedahay dagaalka sokeeye ee ka socda Dalka Sudan iyo in garoonka (Airport) Boosaso looga duulo Dalka Sudan, waxayna Puntland si adag ugu cambaaraynaysaa Dawladda Federaalka ah oo dacaayad ceebayn ah iyo eedayn aan sal lahayn Puntland ku wadda" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Puntland.
Puntland ayaa sidoo kale tilmaamtay in warka kasoo yeeray dowladda Fedaraalka uu yahay mid dacaayad riqiis ah oo lagu magac xumaynayo, islamarkaana lagu xagal daacinayo guulaha taariikhiga ah oo ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argaggixisada Caalamiga ah ee ka dagaalamayay buuraha Cal miskaad ee Gobolka Bari.
Ugu dambeyntii Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyada Puntland ayaa kusoo aadaya, iyadoo laba maalin ka hor dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay shaacisay in garoonka Boosaaso ay ka duulaan diyaarado aada dalka Suudaan, hayeeshee aanan la xaqiijin karin waxa ay geeyaan dalka Suudaan oo dagaalo qaraar ka socdaan.
Muqdisho 7da Nofeembar 2025 Muuqaalka hooyada ku ummulaysay ardaaga h**e ee cusbitaal Banaadir waa mid qarracan iyo qalbijab ah. Wuxuu muujinayaa masuuliyaddarro naxariis la’aan, iyo dareen ka baxsan bani’aadantinnimada. In hooyooyinka danyarta ah jidka ku ummulaan, kuwa kalana la barakiciyo, halka qaar kalana kaarka aqoonsiga saqdhexe saf u galaan oo waddooyinka ku hoydaan ma aha oo keli ah in xuquuqdoodii muwaaddinnimo lagu tuntay ee waxa lagu xadgudbay sharftoodii iyo dadnimadoodii.
Sidee ayey ku dhici kartaa in hooyo ummulaysa cisbitaal dawladdu leedahay laga xirto, ka dibna lacag lagu sandulleeyo, iyada oo ay dawladdu cashuur ka qaaddo guri, ganacsi, iyo gaadiid walba oo jidka maraya. Maxaa sabab u ah, maxaa se lagu fasiri karaa silica hooyooyinka?
Waxaa sabab u ah rageenna, kuwa ay u dhaxeen iyo ubadka ay dhaleen ama ehelkooda ah oo dulmiga ku daawanaya. Waxaan u kala baxnay kuwa danysi afqabtay, kuwo fulaynimo la aamusan iyo kuwo ka dan la’ oo aad mooddo in uu dal kale ku nool yahay ama dulmigu haleeli doonin.
Baraarug bilow ah
Shalay ciyaartii kamaddanbaysta ahayd ee dhexmartay degmooyinka Hawlwadaag iyo Warsheekh, Madaxweynaha markii lagu wargeliyey in lagu oriyey, lana tuuryeeyey Duqii Muqdisho iyo Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir, in uu ka cabsaday in uu dadwaynaha salaamo, ka dib waa kii illinka danbe ee VIP-da boobay ee si qarsoodi ah loo bixiyey. Tani waxay tilmaamaysaa baraarug cusub iyo sida shacabku u karhay maamulka dhiigmiiradka ah. Waana tusaale muujinaya marka shucuubta qalbigoodu ku diiddo, ee ku nacdo.
Waxaad ogaataan aqoonteenna, xirfadeenna, waqtigeenna iyo tamarteenn oo la ababulay waxay noqon karaan awood madani ah oo si nabad ah dulmiga iyo dullaynta dhiigmiiratada la iskaga caabiyo, loolana xisaabtamo.
Haddiise habdhaqanka dhiigmaradka iyo cadaadisku sii socdo wuxuu sababi karaa qarax ay dhici karto inuu ina dhaxalsiiyo qalalaase aan cidna joojin karin, fidnadu daan la qabto ayey leedahay, ee dabo la qabto ma leh.
Dawladnimo waa in adeeg, amni, xuquuq xorriyad, sharaf, iyo fursad laga helo, laakiin gaajo, rajo la'aan, iyo caddaalad darro, lagu laray takrifal iyo dullaysi lama daawan karo. Waa in damiirku ina gubo.
Muqdisho 7da Nofeembar 2025 Dhacdo murugo leh ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho kadib markii hooyo Soomaaliyeed ay ku hor umushay iridda h**e ee Isbitaalka Banaadir, kaddib markii loo diiday adeeg caafimaad oo degdeg ah.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in hooyada ay markii h**e tagtay isbitaal kale oo magaalada ku yaalla, balse halkaas laga soo celiyay iyadoo xaaladdeedu halis tahay.
Markii dambe ayay timid Isbitaalka Banaadir oo ah goob caafimaad oo dowladeed, balse nasiib darro waxaa lagu amray in ay banaanka ku sugnaato, inkastoo ay ahayd xaalad degdeg ah.
Sida ay sheegeen dad goobta joogay, hooyadu ugu dambeyn waxay ku umushay albaabka weyn ee isbitaalka, iyadoo ay caawinaysay haweeney waayeel ah oo halkaas maraysay.
Ilmaha yar ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhashay xaalad adag, halka hooyaduna lasoo daristay dhiig bax daran.
Dad badan ayaa ku baaqay in arrintan si degdeg ah loo baaro, lagana qaado tallaabo sharci ah maamulka Isbitaalka Banaadir iyo shaqaalaha dayacay waajibkooda.
“Waa ceeb iyo dulmi weyn in isbitaal dowladeed oo loogu talagalay daryeelka hooyada iyo dhallaanka uu sidaan ugu dayaco muwaadiniintiisa,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka goobta joogay.
Dhacdadan ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, iyadoo loo arko tusaale kale oo muujinaya heerka hoose ee daryeelka caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed ay la tacaalayso, gaar ahaan hooyooyinka uurka leh.
Muqdisho 7da Nofeembar 2025 Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay bilowday baaritaan degdeg ah oo ku saabsan dhacdadii murugada lahayd ee hooyo Soomaaliyeed ay ku umushay iridda Isbitaalka Banaadir, kaddib markii loo diiday gurmad caafimaad oo degdeg ah.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka maanta oo ay taariikhdu tahay 07 November 2025, ayaa lagu sheegay in Wasiirka Caafimaadka XFS, Dr. Ali Haji Adam, uu amar ku bixiyay in si degdeg ah dib loogu eego CCTV-da isbitaalka, isla markaana laga soo ururiyo warbixin buuxda oo ka timaadda maamulka isbitaalka si loo xaqiijiyo sida ay wax u dhaceen.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay ka go’an tahay ilaalinta badbaadada Hooyada iyo Dhallaanka Soomaaliyeed, isla markaana ay muhiim tahay in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo dhacdadan, si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah.
Sidoo kale, qoraalka rasmiga ah ee Wasaaradda ayaa lagu xusay in haddii baaritaanka lagu ogaado in ay jirto dayacaad, khalad ama mas’uuliyad-darro ka timid dhinaca shaqaalaha ama maamulka Isbitaalka Banaadir, tallaabo sharci ah iyo mid maamul laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo mas’uuliyadda dhacdadaas.
Dhinaca kale, Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegayaan inuu gaaray muuqaalka hooyada Soomaaliyeed oo ku umushay laamiga hormara isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir oo aan helin daryeel caafimaad.
"Goluhu asaga oo kaashanaayo wasaaraddda Caafimaadka waxa uu baaritaan rasmi ah ku sameyn doonaa kiiskan, waxa uuna degdeg bulshada ula wadaagi doonaa natiijada baaritaanka, waxa uuna qaadi doona tallaabooyinka la gudboon, hadduu Alle idmo." Ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen.
Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.