09/03/2026
WARARKA MAANTA 3da Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta::Maxaa ka socda Baydhabo? Maxuu fashiilay Siyaasi Cabdi-Waal? Maxuu ku fashilmay shirkii amniga ee ka socda? Yaa fashilay shirka amniga ee ka furmay? Maxay Madaxweyne h**e Xassan Iyo Raysal Wasaare h**e Xamsa u diideen inay furaan shirka amniga? Yaa dhacay shacabka ? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho 3da Sebteembar 2026 Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Aqalka Sare ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, si ay ugu kuurgalaan hannaanka shaqo iyo doorka Golaha ee nidaaminta mihnadda caafimaadka dalka.
Kormeerkan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga, Senatar Dr. Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle), ayaa diiradda lagu saaray dhowrista tayada adeegyada caafimaadka, ku-dhaqanka shuruucda mihnadda caafimaadka, tayada dawooyinka, badqabka adeegyada Isbitaallada, iyo habraacyada lagu hubiyo aqoonta iyo kartida xirfadlayaasha caafimaadka dalka.
Intii uu kormeerku socday, xubnaha Guddigu waxay maamulka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka ka dhageysteen warbixin ku saabsan hannaanka shaqado, waajibaadka iyo doorka ay ku leeyihiin nidaaminta mihnadda caafimaadka, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha horumarineed.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah waajibaadka Guddiga ee la-xisaabtanka, dabagalka iyo kor-joogteynta hay’adaha caafimaadka, iyadoo ujeeddadu tahay dardargelinta dhowrista tayada iyo shuruucda caafimaadka dalka, si loo hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeeg caafimaad oo hufan, tayo leh, islamarkaana ammaan a
Muqdisho 3da Sebteembar 2026 Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Hon. Maxamed Faarax Nuux, ayaa ka hadlay munaasabadda xarig-jarka Shirkadda Diyaaradaha SalamAir, oo laga leeyahay dalka Cumaan, taas oo muddo dhowr iyo soddon sano ah kadib maanta duulimaad ka bilowday Muqdisho iyo Muscat ee dalka Cumaan
Muqdisho 3da Sebteembar 2026 Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in waaxda amnigu ay isticmaasho in ka badan 60% miisaaniyadda qaranka, iyadoo dalka uu isku diyaarinayo in ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga marka uu dhammaado howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya bisha December. Agaasimaha Guud ee Amniga Gudaha, Maxamed Xasan Shire, ayaa sheegay in xaaladdaasi ay dowladda ku qasbeyso inay dib u eegto habka loo maareeyo kharashaadka ciidamada iyo hay’adaha amniga, si loo daboolo baahiyaha dhaqaale ee sii kordhaya.
Shire oo ka hadlayay shir looga hadlayay arrimaha amniga ayaa sheegay in xoojinta isku-duwidda hay’adaha amniga ay tahay arrin muhiim u ah wax-ku-oolnimada hay’adaha amniga Soomaaliya.
Wuxuu yiri:“Arrinta kale ee aan maanta shirkan kaga hadalnay waa habka isku-duwidda. Xoojinta habka isku-duwiddu waxay muhiim u tahay wax-ku-oolnimada hay’adaha amniga.”
Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo dhaqaale waara oo lagu daboolo baahiyaha ciidamada iyo hay’adaha amniga, “Ugu dambayn, arrintu waxay ku saabsan tahay awoodda dhaqaale. Awoodda lagu maalgelin karo amniga waa arrin muhiim ah xilligan, gaar ahaan iyadoo howlgalka Midowga Afrika uu halkan ku dhammaanayo bisha December, ciidamada Soomaaliyeedna laga filayo inay la wareegaan mas’uuliyadda amniga,” ayuu yiri Shire.
Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya ay qorshe cad ka yeelato sidii ay u dabooli lahayd baahiyaha miisaaniyadeed ee ciidamada amniga marka ay mas’uuliyadda amni si buuxda ugu soo wareegto dowladda, Sida uu sheegay Shire, dowladda ayaa sidoo kale wada qorsheyaal lagu doonayo in lagu yareeyo kharashaadka aan loo baahnayn, isla markaana lagu kordhiyo hufnaanta hay’adaha amniga.
Puntland 3da Sebteembar 2026 Puntland ayaa ku dhawaaqday in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto haysashada, soo gelinta, iibinta ama isticmaalka hub sharci-darro ah gudaha deegaanadeeda. Go’aankan ayaa kasoo baxay shir amni oo uu magaalada Boosaaso ku guddoomiyey Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo looga hadlay xaaladda amni ee gobolka Bari iyo xoojinta tallaabooyinka lagu xakameynayo hubka sharci-darrada ah.
Puntland waxay sheegtay in hay’adaha amniga iyo caddaaladda loo xilsaaray inay si adag u fuliyaan go’aanka, iyadoo hub kasta oo sharci-darro ah oo la qabto ay dowladda la wareegayso.
Tallaabadan ayaa sidoo kale khuseysa dadka lagu helo inay hub sharci-darro ah soo geliyaan Puntland, ka ganacsadaan ama isticmaalaan, iyadoo dowladda ay sheegtay in laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.
Go’aanka ayaa imanaya iyadoo maamulka Puntland uu isku dayayo inuu yareeyo faafitaanka hubka sharci-darrada ah iyo khatarta uu ku yeelan karo amniga bulshada, gaar ahaan colaadaha beelaha iyo falalka amni-darrada ah.
Muqdisho 3da Sebteembar 2026 Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Golaha Shacabka iyo Xukuumadda, si waafaqsan Dastuurka, shuruucda dalka iyo danaha shacabka Soomaaliyeed, loona dardargelin lahaa shuruucda mudnaanta u leh howlaha Qaran ee horyaalla Golaha.
\
DEG DEG: Siyaasi Cabdi Waal Oo Si Adag Uga Hadlay Dhulboobka Ka Soc...