Somali Federal TV

Somali Federal TV Welcome to the Somali Federal TV Somali Federal Radio is a Property of Somali Media Empire (SME)
www.somalifederaltv.com/
www.somalifederaltv.net

WARARKA MAANTA 13ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta Yaa keenay mooshinka xilka qaadista Madaxweynaha? Yaa soo x...
10/13/2025

WARARKA MAANTA 13ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta Yaa keenay mooshinka xilka qaadista Madaxweynaha? Yaa soo xiray wariyaasha? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 13ka Oktoobar 2025 Hoggaanka Wacyigelinta iyo anshaxa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Wacyigin ku Saabsan isticmaalka Qaldan ee Baraha Bulshada u sameeyey Ciidanka Boliiska ee ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaana soo jeediyey Sheekh Kaahiye
Muqdisho 13ka Oktoobar 2025 Madaxweynihii h**e ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u cambaareeyay xarig maanta loogu geystay Saldhiga degmada Waabari ee magaalada Muqdisho Agaasimaha Himilo TV Axmed Maxamed Aaden iyo Agaasime ku xigeenkiisa Khadar Cabdiraxiin Ibraahim.
Shariif Sheekh Axmed ayaa war qoraal ah uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inuu ka xun yahay xariga dowladda u geysatay madaxda Himilo Tv, wuxuuna dalbaday in si deg deg ah loo sii daayo Agaasimaha Himilo TV iyo ku xigeenkiisa.
“Waxaan aad uga xumahay tacadiyada joogtada ah ee lagu hayo warbaahinta gudaha kuwaas oo maalin walba la diiwaangeliyo iyadoo la isku dayayo in la aamusiyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Magaalada Muqdisho" ayuu yiri madaxweyne h**e Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynahii h**e ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa madaxda dowladda ugu baaqay ilaalinta Dastuurka dalka oo uu sheegay inuu si buuxda u dammaanad qaadayo warbaahinta xorta ah.
“Madaxda dowladda iyo Hay’addaha amniga waxaa saaran waajib qaran, maadama dastuurka dalkeenu uu si buuxda u damaanad qaadaya Warbaahinta xorta ah iyo badqabka Wariyaha" ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Ugu dambeynti xariga Agaasimaha Himilo TV iyo ku xigeenkiisa waxaa sidoo kale si weyn u cambaareeyay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Muqdisho 13ka Oktoobar 2025 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐨𝐲𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪𝐮𝐥 𝐈𝐧𝐬𝐚𝐚𝐧𝐤 𝐉𝐅𝐒 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐞𝐞𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐐𝐨𝐲𝐬𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐥𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi oo casuumaad rasmi ah ka heshay dhigeeda wadanka aan walaalaha nahay ee dowladda Qatar ayaa maanta kulan rasmi ah la yeelatay Wasiiradda Wasaaradda Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska dalkaasi H.E. Buthaina Bint Ali Al Jabr Al Nuaimi. Kulanka u dhaxeeyay labada Wasaaradood waxaa looga wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen sidii labada Wasaaradood ay isaga kaashan lahaayeen Arrimaha Qoyska, horumarinta Haweenka iyo daryeelka carruurta.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS ayaa la wadaagtay dhigeeda hormarka ay ku talaabsatay dowladeenna Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda ay hogaamiso, iyadoo la wadaagtay hormarro badan oo lagaga dayan karo Soomaaliya . Dhanka kale, Wasiiradda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee dalka Qatar ayaa la wadaagtay Wasiiradda iyo wafdigeeda qeybaha ay ka koobantahay Wasaaradeedu, hay’adaha hoos yimaada iyo sida ay ugu adeegaan bulshadooda iyadoo soo bandhigtay hormarro badan oo looga dayan karo.
Labada Wasiir ayaa isla gartay in la abuuro iskaashi u dhaxeeya labada Wasaaraddood, taasoo la isku weeydaarsanayo arrimo badan oo ay kamid yihiin in la is weeydaarsado wixii khibrad iyo aqoon kororsi ah, iyo sidoo kale in lagasii baaraan d**o sidii loo sameyn lahaa heshiis isfagarad oo u dhaxeeya labada Wasaaradood mustaqbalka dhaw.
Ugu dambeyntii, Wasiiraadda martida loo yahay ayaa wafdiga Wasiiradda ku maamuustay qado Sharaf.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska H.E. Khadija Al-makhzoumi ayaa uga mahad celisay soo dhaweynta diiran ee ay u sameeysay Wasiiraddu iyada iyo wafdigeeda, iyadoo sidoo Kalena bogaadisay in labada Wasaaradood ay yeeshaan iskaashi rasmi ah mustaqbalka dhaw, ka horna labada Wasaaradood ay kasii wada shaqeeyaan hawlaha mudnaanta gaarka ah leh oo ay wadaagaan.
𝘿𝙃𝘼𝙈𝙈𝘼𝘼𝘿
Addis Ababa 13ka Oktoobar 2025 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho shaqo oo heer sare ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bole International Airport, waxaana halkaas ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Ali sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.
Kadib soo dhoweyntii, labada hoggaan ayaa si toos ah ugu gudbay Qasriga Qaranka ee magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay ku yeesheen kulan gaar ah oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah labada dal, gaar ahaan, Xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, Kor u qaadista iskaashiga horumarineed, Ixtiraamka wadajirka ah ee madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee labada dal iyo Xasilinta gobolka Geeska Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa isla meel dhigay baahida loo qabo iskaashi sal adag ku dhisan oo ku dhisan derisnimo wanaagsan, dan-wadaag iyo horumar wadajir ah.
Booqashadan ayaa imaneysa iyadoo ay jiraan dadaallo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo labada dhinac ay danaynayaan iskaashi dhanka amniga, dhaqaalaha, isgaarsiinta, iyo horumarka guud ee gobolka.
Waxaa la filayaa in madaxda labada dal ay sii wadaan wadahadallo dheeraad ah oo la xiriira mashaariic horumarineed iyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada waddan ee dariska ah.
Waxaa jiray warar sheegaya in mas'uuliyiintaan ay isla soo hadal qaadi doonaan arrimo ay qeyb ka tahay Jubaland iyo xalka khilaafka u dhaxeeya Dowladda iyo Maamulkaasi,sidoo kale waxaa miiska saaran qorshaha Jubaland cusub in la dhiso taas oo ay dowladda Ethiopia ay aad uga walaacsan tahay.

si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya,Caalamka iyo madadaalo nagu soo biir

WARARKA MAANTA 12ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta Yaa amray in la soo xiro Madaxweynihii h**e Mudane Shiikh S...
10/12/2025

WARARKA MAANTA 12ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta Yaa amray in la soo xiro Madaxweynihii h**e Mudane Shiikh Shariif Iyo dhammaan Mucaaradka jooga? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 11ka Oktoobar 2025 Beeraha ayaa weli ah laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo wax ka badan 60% ka ah wax soo saarka guud. Iyada oo leh ku dhawaad 9 milyan oo hektar oo dhul beereed ah, waaxdani waxa ay leedahay awood la taaban karo oo lagu dhaqaajinkaro horumarka, xoojinta sugnaanta cuntada, iyo taageerada hab-nololeedka.
Waxaa halkan ka muuqda, muuqaalka hawada sare ee dhul beereedka Golweyn, ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Muqdisho 11ka Oktoobar 2025 Xoghayaha Guud ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) Mudane Cabduraxmaan Maxamed Xuseen ayaa shir guddoomiyay kulanka caadiga ah ee Guddiga Fulinta oo maanta ku qabsoomay Xarunta Dhexe ee Ururka.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahayeen xoghayayaasha kala duwan ee Guddiga Fulinta ayaa lagu soo qaaday qodobbo ay ka mid yihiin dardargalinta hawlaha Ururka oo ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha diyaargarowga doorashada qof iyo codka ah iyo dhaqangalinta istaariitijiyadaha lagu hagayo hawlahaas.
Muqdisho 11ka Oktoobar 2025 Maanta oo ku beegnayd Maalinta Caalamiga ah ee Gabdhaha Adduunka ayeey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha kula dabaal dagtay gabdhaha dada yar ee isboortiga kulan ciyaareed lagu maamusayay 11 October.
Agaasimaha Waaxda Horumarinta Gabdhaha Da’yarta Marwo Ramla Cusmaan Shariif ayaa ka qeybgashay ciyaar kubadda cagta ah oo ay gabdhaha da’yarta Soomaaliyeed ku xusayeen maalintan muhiimka ah ee ka tarjumaysay hal-abuurka, dhiirranaanta iyo kartida gabdhaha Soomaaliyeed ee ku jira safka h**e ee isboortiga iyo horumarka bulshada.
“Maalintaan aan ku xusayno awoodda, riyada iyo geesinimada gabdhaha Soomaaliyeed waa mid noo wada muhiim ah ,” sidaas waxaa tiri Agaasime Ramla Cusmaan Shariif oo halkaasi ka hadashay.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ku howlan in si wadajir ah loo xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo gabdhaha dhallinyarada ah, si ay u helaan fursado siman oo ay ku hormariyaan xirfadahooda isboorti iyo mida hoggaamineedba.
Muqdisho 11ka Oktoobar 2025 Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer ku tegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka khawaarijta ee muddo halkaas ku dhuumaaleysanayay.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa ciidamada geesiyaasha ah iyo kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM ku ammaanay dadaalkooda iyo guulaha isdaba-joogga ah ee ay ka gaareen howlgalka “Duufaanta Aamusan” ee lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah ee Al-Shabaab.
Sidoo kale, Taliyaha iyo mas’uuliyiinta la socday ayaa kulan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka degmada Awdheegle, iyagoo ka wada hadlay qorshaha xasilinta degmada, dib u dejinta shacabka, soo celinta noloshii caadiga ahayd, iyo xaqiijinta amniga deegaanka.
Muqdisho 11ka Oktoobar 2025 Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku biiraysa Baarlamaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika (EALA), taas oo la sheegay in ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda federaalka ee ku aaddan in dalku si buuxda uga mid noqdo urur goboleedkan.
Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka, ayaa magacaabay guddi gaar ah oo ka shaqeyn doona xulista iyo doorashada xildhibaanada ku matali doona Soomaaliya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.
Guddigan oo uu guddoomiye ka yahay Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), ayaa waxaa ku-xigeen u ah Senatar Zamzam Ibraahim Cali. Xubnaha kale waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), Senatar Iftiin Xasan Iimaan (Baasto), iyo Xildhibaan Guuleed Bihi Cabdi.
Guddiga ayaa loo xil saaray inay soo xulaan musharaxiinta u tartamaya xubinnimada baarlamaankaas, sidoo kale ay diyaariyaan liiska xubnaha buuxiyay shuruudaha, ka dibna u gudbiyaan Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay uga gutaan waajibaadkooda.
Guddoomiyayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku amray guddiga inay si degdeg ah u bilaabaan shaqadooda, iyadoo dowladdu ballanqaadday in la fududeyn doono dhammaan arrimaha ku xeeran howlgalka guddigan.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta matalaadda siyaasadeed ee Soomaaliya ee gobolka Bariga Afrika, isla markaana muujineysa in dalka uu ku socdo waddadii isdhexgalka iyo iskaashiga goboleed.

...

WARARKA MAANTA 11ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta Maxay beesha caalamka ugu baaqday inuu iscasilo Madaxweyne ...
10/11/2025

WARARKA MAANTA 11ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta Maxay beesha caalamka ugu baaqday inuu iscasilo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Boosaaso 11ka Oktoobar 2025 Warbixin ay si wadajir ah u daabaceen wargeyska The Guardian iyo warbaahinta Kolombiyada ee La Silla Vacía ayaa shaacisay in saldhig militari oo Imaaraadku ku leeyahay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari loo adeegsado meel lasii mariyo dagaalyahannada Kolombiyaanka ee loo diray dagaalka ka socda Suudaan.
Mid ka mid ah dagaalyahannada Kolombiyada, oo magaciisa loo qariyey sababo amni, ayaa sheegay in safarkiisu uu ka bilowday magaalada Bogotá ee Kolombiya, halkaas oo uu ku saxiixay heshiis uu bishii ku qaadanayo $2,600. Kaddib waxaa la geeyay Itoobiya, waxaana lagu sheegay in tallaabada xigta ay ahayd safar uu ku tagay saldhig Imaaraadku leeyahay oo ku yaalla Boosaaso, ka hor inta aan loo gudbin magaalada Nyaala ee Suudaan.
Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inay maalgelin iyo hub siinayaan ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ee dagaalka kula jira ciidanka dowladda Suudaan, inkastoo eedeymahaas ay Abu Dhabi si joogto ah u beeniso.
Warbixintu waxay muujineysaa in Boosaaso ay noqotay meel istiraatiiji ah oo ay Imaaraadku u adeegsadaan hawlgalladooda milatari ee gobolka, taas oo sare u qaaday su’aalo ku saabsan doorka Soomaaliya ee dagaalka Suudaan iyo isticmaalka dhulkeeda ujeeddooyin ciidan oo aan daahfurneyn.
Saldhigga Boosaaso, oo Imaaraadku dhisay dhowr sano ka hor, waxaa markii h**e loo sheegay inuu u adeegayo tababarka ciidamada badda Puntland, balse marar badan ayaa la sheegay in uu noqday xarun militari oo Imaaraadku si madax-bannaan u maamulo.
Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer lagu eedeeyay inay maalgelin iyo hub siinayaan RSF, inkasta oo ay si joogto ah u diidaan eedeymahaas. Warbixintan cusub ayaa dib u soo noolaysay su’aalihii ku saabsan doorka Imaaraadka ee dagaalka Suudaan iyo sida ay Puntland uga war hayso ama uga oggol tahay in dhulkeeda loo adeegsado hawlgallo ciidan oo qarsoodi ah.
Jubbaland 11ka Oktoobar 2025 Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Jubbaland ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay si kulul ugu cambaareeyeen waxa ay ku sheegeen damac siyaasadeed oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku doonayo in lagu wiiqo nidaamka Federaalka iyo maamulka Jubbaland.
War-saxaafadeedka oo si adag u dhaliilaya Madaxweynaha, ayaa xusay in la helay xog ku saabsan in Xasan Sheekh Maxamuud uu wado qorsheyaal lagu faragelinayo maamulka Jubbaland, taasoo ujeedkeedu yahay in la burburiyo nidaamka dowlad goboleedka Jubbaland.
Xildhibaannadu waxay sheegeen in Madaxweynaha uu dib u bilaabay dhaqamadii muddadii xilheyntiisa h**e ee 2012–2017, xilligaas oo ay dhacday faragelin uu ku sameeyay deegaano badan oo ka tirsan Jubbaland, taasoo keentay khasaare naf iyo maalba leh.
Waxay si gaar ah uga digeen, In uu wado duullaan ciidan iyo faragelin siyaasadeed oo ka dhan ah maamulka Jubbaland, In la wiiqo awoodda Maamul Goboleedka Jubbaland iyadoo la abuurayo maamul cusub.
Sidoo kale mudanayaashaan ayaa sheegay in Dowladda ay wado kicinta colaado beeleedyo si loo wiiqo wadajirka bulshada iyo in ay ciidanka qaranka u adeegsato dagaal siyaasadeed.
Ugu dambeyn, xildhibaannadu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kale in lagu xalliyo khilaafaadka taagan si wadahadal ah, loona midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Jubbaland 11ka Oktoobar 2025 Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo haatan ku sugan gobolka Gedo, ayaa si adag u dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay in ay wado qorshe halis gelinaya amniga, adeegyada bulshada, iyo xasiloonida gobolka.
Sida lagu daabacay boga Warbaahinta Jubaland, Warbixin dheer oo uu siiyey mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa Madaxweyne ku-xigeenku kaga warbixiyay xaaladda bini’aadantinimo ee kasii dareysa qaybo kamid ah Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo.
Waxa uu sheegay in tallaabooyinka ay qaaday Dowladda Federaalka sida xayiraadda garoomada diyaaradaha, joojinta mashaariic horumarineed, iyo faragelinta maamulka deegaanka ay keentay dhibaatooyin ba’an oo saameyn ku yeeshay nolosha shacabka.
“Waxaa muuqata in Villa Soomaaliya ay si ula kac ah u wado qorshe lagu duminaayo nidaamka Federaalka ee dastuuriga ah, taasoo khatar ku ah midnimada ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.
Wuxuu inta ku daray in “shakhsiyaad dano gaar ah wata aysan noqon karin kuwa go’aamiya masiirka shacabka reer Gedo.”
Kulanka fogaan-aragga ah oo uu la yeeshay Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray dadaallada dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee muddo dheer colaaddu ka dhex jirtay, gaar ahaan degmada Luuq.
Waxaa la isku raacay in bil gudahood la qabto gogol nabadeed, si loo dhiso kalsoonida bulshada, iyadoo Qaramada Midoobay ay ballanqaadday taageero buuxda oo arrimahaasi la xiriira.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu dambeyn baaq u diray waxgaradka Jubbaland, isaga oo ugu yeeray in ay mideeyaan codkooda si ay u difaacaan xuquuqda iyo masiirka gobolka Gedo, kana hortagaan, sida uu sheegay, faragelinta gardarrada ah ee Dowladda Soomaaliya.
Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa xilli khilaafka u dhexeeya Dowladaha Federaalka iyo Jubbaland uu mar kale cirka isku shareeray, iyadoo gobolka Gedo uu mar kale noqday xarunta xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya.
Muqdisho 11ka Oktoobar 2025 Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada maamulka Hirshabeelle ayaa lagu mamnuucay in garoomada diyaaradaha deegaanada Hirshabeelle kasoo dagaan diyaarado hub iyo ciidan sida.
Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in la mamnuucay in diyaaraduhu soo qaadan ciidan iyo hub toona, islamarkaana digniintan si rasmi ah loo gaarsiiyay dhamaan hay’adaha, shirkadaha iyo agencies-ka ka howlgala garoomada diyaaradaha ee hoos yimaada deegaanada maamulka Hirshabelle.“Waxa si adag loo mamnuucay in diyaarado ciidan hubeysan ama kuwa sida hub iyo qalab milatari sharci darro ah ay soo galaan garoomada diyaaradaha, iyadoo aan la marin nidaamka iyo habraaca dowladda HirShabelle,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday maamulka Hirshabelle.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirshabeelle ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku caddeysay in ficil kasta oo noocaas ah uu yahay jebin sharci iyo khatar amni, islamarkaana cid kasta oo lagu helo ama lagu tuhmo arrintan laga qaadi doono talaabo adag.
“Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay mar kale ku celinaysaa in aan la aqbali doonin diyaarad kasta oo hub ama ciidan wadata oo aan la ogayn” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirshabeelle.
Amarkaan kasoo baxay Hirshabelle ayaa kusoo aadaya, iyadoo siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda deegaanada maamulkaas ay daraynayaan hoggaanka maamulkaasi, islamarkaana ay doonayaan iney ciidan iyo hub la tagaan si ay u abuuraan cadaadis siyaasadeed.

...

WARARKA MAANTA 10ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta  Maxuu jaggadda Madaxweynaha ugu fashilmay Madaxweyne Mudan...
10/10/2025

WARARKA MAANTA 10ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta Maxuu jaggadda Madaxweynaha ugu fashilmay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba iib ka dhigtay Jaamacad Iyo Qabuuro? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 10ka Oktoobar 2025 Annagoo xuseynna Maalinta Adduunka ee Caafimaadka Dhimirka, oo loo dabbaald**o 10-ka Oktoobar, waxaan toddobaadkan Barnaamijka 𝗧𝘂𝗯𝘁𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 uga hadleynnaa caafimaadka dhimirka, oo ah xaalad xasaasi ah oo saameysa dad badan oo Soomaaliyeed.
Qaybta koowaad, Cabdikaafi Cabdullaahi oo ah sarkaal Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO u qaabbilsan Caafimaadka Maskaxda ayaa ka hadlaya muhiimadda ay Maalintan leedahay, isagoo ka hadlaya baahiyaha degdegga ah ee caafimaadka dhimirka ee ay qabanaan bulshooyinka Soomaaliyeed ee ay saameyeen colaadda, barakaca iyo abaarta. Cabdikaafi wuxuu kaloo qeexayaa tallaabooyinka lagu xaqiijinayo sidii lagu heli lahaa taageero caafimaadka dhimirka iyo dadaallada QM ee lagu ballaarinayo adeegyada caafimaadka dhimirka iyo adeegyada bulshada iyo nafsadda.
Qaybta labaad, Saynab Axmed Nuur, oo ah Maareeyaha Caafimaadka Dhimirka ee Qaranka, ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, ayaa bixinaysa macluumaad ku saabsan xaaladda caafimaadka dhimirka Soomaaliya ee haatan. Waxay nooga sheekeyneysaa sida qorshayaasha dawladda iyo barnaamijyada ula tacaalayaan caqabadaha, iyadoo sidoo kale is dul taagaysa dadaallada Wasaaradda ee la rabo in lagu kordhiyo helitaanka xirfadlayaal tababaran iyo xarumo caafimaad oo qaabbilsan dhimirka, gaar ahaan deegaannada miyiga iyo kuwa ay dagaallada saameeyeen. Ugu dambayn, waxay kaloo hoosta ka xarriiqaysaa muhiimadda la dagaallanka ceebeynta ka dhanka ah dadka qaba xaaladaha caafimaadka dhimirka iyadoo la marayo la falgelidda iskuullada, madaxda diinta, warbaahinta iyo goobaha shaqada.
Waxaa barnaamijka soo jeedinaya Faa’isa Cabdi iyo Cabdicasiis Diiriy
DDSI 10ka Oktoobar 2025 Waa Madaxwaynihii Koobaad Ee Aragti Soomaalinimo Deegaanka Ku Maamula
"Madaxwayne Mustafe, waxaan kala kulanay wax ka wayn wixii aan ugu tagnay, taasoo ah inuu yahay Madaxwayne leh hami iyo rabitaan ah in umada soomaaliyeed uu cadaalad iyo sinaan ku maamulo, waana arin siwayn aan u bogaadinayo.
"Madaxwayne Mustafe, waxa uu noo sheegay in rabitaankiisu uu yahay midnimo soomaaliyeed, iyo horumar, taasoo hada ka muuqata deegaanka soomaalida, oo markii u horaysay laga hirgaliyay mashaariic waawayn, laguna guulaystay in khayraadkiisa lasoo saaro.
"Waa markii 1aad ee deegaanka Soomaalidu uu yeesho hogaan aaminsan midnimo soomaaliyeed iyo in maamulka iyo Horumarkaba lawada yeesho".
Suldaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Good
Muqdisho 10ka Oktoobar 2025 Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay heshiiskii xabad joojinta ahaa ee Magaalada Sharma Al-Sheekh eedalka Masar ku dhexmaray Israa’iil iyo Ururka Xamaas, kadib dagaalo khasaare badan geystay io u dhaxeeyay labadaan dhinac labadii sano ee lasoo dhaafay.
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaal walba oo lagu gaari karo nabadda Falastiin iyo Dowlad awood leh oo ay yeeshaan dadka reer Falastiin. “Soomaaliya waxa ay rajayneysaa in heshiiskaan uu noqdo mid tallaabo dhab ah loo qaaday dhinaca Nabadda iyo caddaaladda oo dhammeystiran si Shacabka Falastiin uga baxaan silica amni darrada, xiisadda gobolkana u degto” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujisay inuu si dhab ah u dhaqan gali doono heshiiskaan Xamaas iyo Isra'iil wada gaareen, islamarkaana uu ka duwanaan doono heshiisyadii h**e ee fashilmay iyo kuwa waqti kooban socday.
Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sida cad u garab istaagay in dadka reer Falastiin ay helaan dowladd la aqoonsan yahay, waxaana xusid mudan in Soomaaliya kursiga Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay ku fadhiso sanadkaan iney ku difaacday qadiyadda Falastiin iyada oo ku baaqday in xabada la joojiyo.
Puntland State 10ka Oktoobar 2025 Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobollada Bari iyo Ras’asayr ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee Dagmadda Baargaal.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Degmada Baargaal waxaa ka qaybgalay Barasaabka Gobolka Ras’asayr, Maamulka Degmada, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Intii uu socday kulanka, bulshada rayidka ah waxay fursad u heleen in ay su’aalo toos ah weydiiyaan Xildhibaannada, kuwaas oo si hufan uga jawaabay su’aalihii iyo tabashooyinkii lasoo jeediyay.
Dhinaca kale, waxaa laga soo jeediyey waxqabadka Golaha Wakillada ee ku aaddan Xeer-dejinta, Korjoogteynta Hay'adaha dawlaha iyo Matelaadda
-DHAMMAAD-
Wixii faah-faahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland
Puntland State 10ka Oktoobar 2025 Ciidanka Ilaalada Canshuuraha Puntland ayaa gacanta ku dhigay doonyo kaluumeysi oo si sharci-darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Puntland.
Hawlgalka oo socday muddo toddobo cisho ah, ayaa si qorsheysan loogu fuliyay qaybo kala duwan oo ka mid ah xeebaha Puntland. Intii uu socday waxaa lagu soo qabtay asida ay sheegtay wasaaraddu far doonyood oo kaluumeysi sharci-darro ah, kuwaas oo ay lahaayeen ajaaniib.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa lagu sheegay in saddex ka mid ah doomahaasi ay lahaayeen muwaadiniin Yemeniyiin ah, halka midda afraadna laga leeyahay dalka Iran. Sidoo kale, saddex huuri oo kaabayaal u ahaa kaluumaysiga sharci-darrada ah ayaa iyaguna lagu qabtay hawlgalka.
Labo kamid ah doomaha ay leeyihiin Yemeniyiinta ayaa durbaba la horgeeyay Maxkamadda Degmada Baargaal, taas oo ku ridday ganaax lacageed iyo xukuno kale oo waafaqsan shuruucda Puntland ee la xiriira kaluumaysiga sharci-darrada ah.
Dhinaca kale, hal doon iyo saddex huuri oo ay leeyihiin Yemeniyiinta iyo midda laga leeyahay dalka Iran, oo ay wateen 45 shaqaale ajaanib ah, ayaa loo soo wareejiyay magaalada Boosaaso, si loo horkeeno Maxkamadda.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Ciidanka Ilaalinta Canshuuraha Puntland ayaa digniin adag u diray ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ajaanibta ah ee si sharci-darro ah uga kalluumeysanaya xeebaha Puntland.
Sidoo kale, Puntland waxay ku goodisay in cid kasta oo is-hortaagta ciidamada ama adeegsanaysa maleeshiyaad hubeysan si ay uga hortagto howlgalka, laga qaadi doono tallaabo adag oo sharci ah, iyadoo la horgeyn doono hay’adaha garsoorka iyo amniga.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 9ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta Maxay la soo shaqa tageen Ciyaalkii buunbuus Iyo laaluushka ...
10/09/2025

WARARKA MAANTA 9ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta Maxay la soo shaqa tageen Ciyaalkii buunbuus Iyo laaluushka ugu shaqayn jiray warbaahintii “ iyo ” Ama Nabar Iyo Naxdin”? Yaa wax walba iib ka dhigtay Jaamacad Iyo Qabuuro? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 9ka Oktoobar 2025 Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah hogaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dib loo dhigay bannaanbax la qorsheeyay inuu maanta ka dhaco magaalada Muqdisho kaa oo ay Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo Dowladda ay ka heshiiyeen.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in go'aankan uu yimid kadib markii ay yeesheen kulan wadajir ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, guddigii dhex-dhexaadinta ee mucaaradka iyo dowladda, iyo mas’uuliyiin ka socday hay’adaha ammaanka sida Taliyeyaasha Nabad Sugidda iyo Booliska.
Labada dhinac ayaa isla gartay in la sameeyo guddiyo farsamo oo si wadajir ah uga shaqeeya abaabulka bannaanbaxa si nabad ah u dhaca.
“Waxaan isla qaadanay in la dhiso hannaan amni iyo isfahan ku saleysan si shacabka u banaanbaxaya aysan u la kulmin wax dhibaato ah, dowladda na waxaa laga sugayaa in ay ilaaliso xuquuqda muwaadiniinta,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Bannaanbaxa dib loo dhigay ayaa markii h**e loogu talagalay in lagu muujiyo sida mucaaradku uga soo horjeedo barakicinta dadka shacabka ah ee ku noolaa dhulal ay dowladdu leedahay, kuwaas oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.
Muqdisho 9ka Oktoobar 2025 Dhinacyada Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo Dowladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in banaanbaxa dib loo dhigay uu ku qabsoomo 10-ka maalmood ee soo socda, waxaana dib udhaca ku keenay ay ahayd sababo la xiriira arrimo amni oo ka dhashay weerarkii dhawaan ka dhacay saldhigga Godka Jilacow.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in go'aankan uu yimid kadib markii ay yeesheen kulan wadajir ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, guddigii dhex-dhexaadinta ee mucaaradka iyo dowladda, iyo mas’uuliyiin ka socday hay’adaha ammaanka sida Taliyeyaasha Nabad Sugidda iyo Booliska.
Labada dhinac ayaa isla gartay in la sameeyo guddiyo farsamo oo si wadajir ah uga shaqeeya abaabulka bannaanbaxa si nabad ah u dhaca.
“Waxaan isla qaadanay in la dhiso hannaan amni iyo isfahan ku saleysan si shacabka u banaanbaxaya aysan u la kulmin wax dhibaato ah, dowladda na waxaa laga sugayaa in ay ilaaliso xuquuqda muwaadiniinta,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Bannaanbaxa dib loo dhigay ayaa markii h**e loogu talagalay in lagu muujiyo sida mucaaradku uga soo horjeedo barakicinta dadka shacabka ah ee ku noolaa dhulal ay dowladdu leedahay, kuwaas oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.
Israa’iil Iyo Xamaas 9ka Oktoobar 2025 Israa’iil iyo Xamaas ayaa heshiis is afgarad oo hordhac ah ku wada gaaray magaalada Sharma shiikh ee dalka Masar, kadib wada hadalo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Masar, Turkiga iyo Qatar.
Heshiiskaan is afgarad ayaa imaanaya kadib laba sano oo dagaalo lagu hoobtay ay ka socdeen marinka Gaza, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Israa’iil iyo xoogaga hubeysan ee Xamaas.
Warsaxafadeed ay soo saartay Xamaas ayaa lagu xaqiijiyay in la gaaray heshiiskan xabad joojin ah, kaddib wada hadalo adag oo ay dhinacyada ku dhexmaray magaalada Sharma Shiik ee dalka Masar.
Qodobada ugu muhiimsan ee heshiiskaan lagu sheegay waxaa ka mid ah in ciidamada Israa’iil inay gabi ahaanba ka baxaan marinka Gaza iyo in la fuliyo is weydaarsi maxaabiis si loo soo afjaro dagaalka lagu hayo shacabka Falastiin.
Wadahadaladan ayaa ku yimid qorshe uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxayna u gogol xaareysa in la joojiyo dagaalka iyo in la furo waddooyin la marsiiyo gargaarka bani’aadannimo.
Ugu dambeyntii dagaalka mudada labada sano ah u dhaxeeyay Israa’iil iyo Xamaas waxaa lagu dilay in ka badan 70 kun oo ka mid ahaa shacabka reer Falastiin, kadib duqeymo aanan loo meel dayan oo ay Israa’iil ku garaaceysay labadii sano ee la soo dhaafay dadka ku nool Gaza.
Muqdisho 9ka Oktoobar 2025 Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda, oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan saraakiisha Booliska ee ka howl-gasha Caasimadda ee uu hormuudka u yahay Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir,Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda amniga iyo howlgaladii toddobaadkii tegay, iyadoo lagu falanqeeyay qorshayaasha lagu xoojinayo amniga guud ee Caasimadda.
Taliyaha ayaa saraakiisha ku ammaanay dadaalkooda, ku booriyay inay ka hortagaan musuqmaasuqa, korna u qaadaan feejignaanta, isla markaana saldhigyada iyo goobaha Booliska qurxiyaan si bulshada loogu adeego si hufan oo kalsooni leh.
— DHAMMAAD —
Muqdisho 9ka Oktoobar 2025 Dr. René Brosius oo ka socda Jaamacadda Bayreuth ee dalka Germeny, ayaa si rasmi u daah-furay maalinta 2aad ee shirka.
Soo dhaweyn kadib, wuxuu ka dhawaajiyey in iskaashiga iyo midnimada gobolka ay yihiin furaha lagu gaari karo horumar waara.
Sidoo kale, Dr. René wuxuu carrabka ku adkeeyay in aragtida mideysan ee wadajirka ah iyo is-fahamku ay yihiin furayaasha horseedaya kobaca guud, xasilloonida, iyo awoodda caalamiga ah ee Bariga Afrika.
Wuxuu ku booriyay dalalka xubnaha ka ah Ururka Bariga Afrika (EAC) in ay sii xoojiyaan wadashaqeynta ku aaddan dhaqaalaha, ganacsiga iyo hal-abuurka, taas oo gacan ka geysan doonta kobcinta nolosha bulshada iyo mustaqbalka jiilalka soo socda.
Muqdisho 9ka Oktoobar 2025 Maxaa dhacaya marka farshaxanku uu la jaanqaado xuquuqda aadanaha? Magaalaada Dhuusamareeb, iyadoo taageero laga helayo Qaramada Midoobay, ayaa farshaxaniin iyo arday Soomaaliyeed waxay ku xardheen laba dugsi sawir-gacmeedyo qurux badan - sawirro muujinaya qiimaha xuquuqda aadanaha iyo hiddaha dhaqanka, kuwaas oo hadda bilay xarumaha lagu xarnay sidoo kalana ah astaan dhiirigelineysa wadahadal.
Intii ay ku guda jirtay booqashadeedii ugu dambeysay ee Galmudug, Madaxa Kooxda Xuquuqda iyo Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee UNTMIS, Kirsten Young waxa ay ku dhiirigelisay ardayda iyo bulshada inay sii wadaan u adeegsiga farshaxanka goobaha dadweynaha si ay u muujiyaan hal-abuurka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.
Muqdisho 9ka Oktoobar 2025 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u beenisay warar dhawaan lagu baahiyey warbaahinta, kuwaasoo sheegayey in heshiis qarsoodi ah oo ku saabsan kaalmada horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta laga gaartay dalka Sweden, waxaana muran siyaasadeed weyn ka dhex dhalisay siyaasiyiinta Sweden.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in sheegashooyinkaas ay yihiin “been abuur, marin habaabin iyo kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.”
"Dowladda Soomaaliya waxay si cad u sheegtay in aysan jirin wax heshiis qarsoodi ah ama mid shuruudo ku xiran oo lala galay waddan kale, gaar ahaan mid ku saabsan dib-u-celinta muwaadiniinta ama qeybsiga kaalmada horumarineed" ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sida lagu xusay war-saxaafadeedka, iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sweden waa mid soo jireen ah, hufan, kuna dhisan ixtiraam wadaag iyo shuruucda caalamiga ah.
"Dhammaan wadashaqeynta labada dal waxay u martaa kanaallo diblomaasiyadeed rasmi ah iyadoo la marayo habraacyo ay la socdaan kormeerka golaha wasiirrada iyo hay’adaha dowliga ah ee la xisaabtanka leh" ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale caddeysay in dhammaan kaalmada horumarineed ee la siiyo dalka ay marto hannaan hufan oo ay maamulaan hey’adaha caalamiga ah sida Bangiga Adduunka, Qaramada Midoobay iyo nidaamka maaliyadeed ee dowladda dhexe.
War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyey in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida dalka iyo in la hubiyo in taageerada ay hesho shacabka Soomaaliyeed ay si cadaalad ah u gaarto.
Dhowaan ayay qaar kamid ah Warbaahinta Sweden ay tebiyeen in Xukuumadda Soomaaliya ay heshiis ay kuheleyso Malaayiin lacag ah ay la gashay Dowladda Sweden si Soomaalida dalkaasi dib loogu sooceliyo dalkooda.
Kampala 9ka Oktoobar 2025 ‎Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday heshiisyo cusub
‎Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) oo ka qaybgalaya shirkii 2-aad ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Uganda, oo ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda, ayaa la saxiixday wasiirada dhiggooda ah ee Dowladda Uganda dhowr hishiis oo lagu hormarinayo xariirka labada dal
‎Heshiisyadani maanta la saxiixay waxaa ka mid ah saddex heshiis isfahan (MoU) oo ku saabsan maamulka socdaalka, waxbarashada & isboortiska iyo Amniga labada dal.
‎Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”, iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay heshiisyadan.
‎Waxaa sidoo kale shirka ka qayb galay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Danjiraha Soomaaliya ee Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafe Sh. Cali Dhuxulow, iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha qaar.
‎Shirkan oo ah kii 2-aad ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Uganda ayaa sidoo kale looga dooday sidii loo horumarin lahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay ee labada dal, iyadoo madax ka socotay ganacsatada labada dhinac ay ka qayb galeen.
‎Dhanka kale labada dowladood waxa ay qorsheynayaan in la saxiixo heshiish ku saabsan shaqada kaasoo la doonayo inuu ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha labada dhinac iyo inuu fududeeyo helidda shaqooyinka si sharci ah.
‎Ugu dambeyntii waxaa sidoo kale laysku raacay in shirkan midka xiga lagu qabto Soomaaliya sanadka 2027.

si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya,Caalamka iyo madadaalo nagu soo biir

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Federal TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share