09/08/2026
WARARKA MAANTA 8da Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta::Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho 8da Sebteembar 2026 Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania Marwo Dr. Samia Suluhu Hassan oo uu uga Tacsiyadeynayo geerida ku timid Seygeeyda Marxuum Hafidh Ameir Hassan oo ku geeriyooday dalka Tanzania .
“Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, Marwo Dr. Samia Suluhu Hassan, Qoyskeeda iyo Carruurteeda iyo guud ahaan shacabka iyo Dowladda Tanzania oo aan uga tacsiyadeynayo geerida ku timid Marxuum Hafidh Ameir Hassan” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo Tacsi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
----DHAMMAAD-
Muqdisho 8da Sebteembar 2026 Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la dardargeliyo qorshaha lagu fidinayo waddada isku xirta Isiolo iyo Mandera, taas oo laga sii gudbinayo gudaha Soomaaliya, si loo abuuro marin cusub oo ganacsi, isgaarsiineed iyo amni oo isku xira dalalka Geeska Afrika. Arrintan ayaa soo baxday kadib kulan magaalada Nairobi ku dhex maray safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jabril Cabdulle, iyo xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Waddooyinka Kenya, Joseph Mbugua.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in la dhiso guddi farsamo oo wadajir ah, kaas oo dardar gelinaya wada-hadallada ku saabsan in Soomaaliya lagu daro mashruuca Horn of Africa Gateway Development Project (HoAGDP) ee uu maalgeliyo Bangiga Adduunka.
Sidoo kale, Soomaaliya iyo Kenya waxay isla garteen in la qabto kulan heer sare ah oo labada dal ah, kaas oo lagu sii ambaqaadayo qorshaha hirgelinta mashruuca.
Safiir Jabril Cabdulle ayaa soo dhaweeyey ka mid noqoshada Soomaaliya ee mashruucan, isagoo sheegay in uu xoojin doono isku xirnaanta labada dal.
“Mashruucan wuxuu fududeyn doonaa ganacsiga xuduudaha, wuxuu horumarin doonaa isku xirka fiber-optic-ga gobolka, wuxuuna furi doonaa fursado dhaqaale oo badan oo ay ka faa’iideystaan bulshada labada dal,” ayuu yiri.
Qorshahan ayaa waddada Isiolo-Mandera siinaya muhiimad ka ballaaran sidii h**e, iyadoo mashruucu muddo sanado ah ka socday waqooyi-bari Kenya, balse ay caqabado amni iyo kuwo hirgelin ahi dib u dhigeen qaybo ka mid ah.
Bangiga Adduunka ayaa sannadkii 2020 ansixiyey maalgelin dhan $750 milyan oo loogu talagalay mashruuca HoAGDP, kaas oo diiradda saaraya waddo dhererkeedu yahay 740km oo isku xirta Isiolo iyo Mandera.
Mashruuca waxaa markii h**e qorshihiisu ahaa in la casriyeeyo 365km oo waddada ah iyo 30km oo waddooyin kale oo ku xirma, iyadoo sidoo kale lagu dari doono kaabayaal fiber-optic ah, xarumaha xuduudaha iyo nidaamyo lagu fududeynayo maamulka iyo ganacsiga xuduudaha.
Amniga ayaa ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla mashruuca, gaar ahaan deegaannada waqooyi-bari Kenya. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in la xoojiyey tallaabooyinka amni si loo ilaaliyo shaqaalaha iyo howlaha dhismaha.
Puntland 8da Sebteembar 2026Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka digay in kooxaha burcad-badeedda ee ka howlgala xeebaha gobolka ay xiriir la leeyihiin shabakado dambiilayaal ah oo gaara ilaa Yemen. Maxamed Jaamac, oo ah taliyaha Ciidanka Ilaalada Badda ee Puntland, ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay hadda awood u leeyihiin inay weerarro ka fuliyaan masaafo ka fog xeebaha Soomaaliya, iyagoo adeegsanaya doonyo dheereeya iyo hub ay ka mid yihiin qoryaha lidka diyaaradaha iyo gantaallada garabka laga tuuro.
Digniinta Puntland ayaa ku soo beegmaysa xilli ay soo badanayaan weerarrada burcad-badeedda ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed. Sanadkan ayaa la diiwaangeliyey weerarro ka badan kuwii sanadihii u dambeeyey.
Ugu yaraan 5 markab ayaa haatan lagu haystaa xeebaha degaanada Puntland. Burcad badeedda ayaa dalbaday lacago furasho ah oo malaayiin ah.
Sida laga soo xigtay xogta la helayo, kooxaha burcad-badeedda ayaa sidoo kale mararka qaar adeegsanaya maraakiib ay h**e u qafaasheen, iyagoo ka dhigaya saldhigyo ay ka abaabulaan weerarro cusub oo ka dhaca meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.
Muqdisho 8da Sebteembar 2026 Booliska magaalada Karachi ayaa xiray tiro ka mid ah qoysaska badmaaxiinta Pakistan, kuwaas oo mudaharaad ka dhigayay bannaanka xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan, iyagoo dalbanayay in si degdeg ah loo soo badbaadiyo eheladooda oo ay afduubteen burcad-badeed Soomaali ah. Qoysaska ayaa tan iyo habeenkii Axadda fadhiyay bannaanka xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku taalla Shahrah-e-Faisal, iyagoo dowladda Pakistan ugu baaqayay inay qaaddo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xaqiijinayo sii-deynta badmaaxiinta.
Warbaahinta Pakistan ayaa sheegtay in 10 muwaadiniin Pakistani ah ay ka mid yihiin 17-ka qof ee shaqaalaha markabka MT Honour 25, oo ay burcad-badeeddu qabsadeen 21-kii Abriil xilli uu marayay biyaha u dhow Soomaaliya.
Markabka oo wata calanka Palau ayaa sida lagu sheegay warbixinta lagu qabsaday meel ka baxsan xeebaha Puntland.
Qoysaska mudaharaadayay ayaa sheegay inay si nabad ah ugu tageen xarunta wasaaradda si ay dowladda uga dalbadaan in la dedejiyo dadaallada lagu soo daynayo eheladooda.
Booliska ayaa markii dambe farageliyay mudaharaadka, waxaana la xiray qaar ka mid ah dadkii bannaanbaxa ka qeybgalayay.
Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa sheegay in boolisku adeegsadeen awood iyo ul, iyagoo dalbaday in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan dadka la xiray.
Qoysaska ayaa muujiyay walaac sii kordhaya oo ku saabsan xaaladda badmaaxiinta, kuwaas oo muddo bilo ah gacanta ugu jira kooxaha afduubka ka geysta xeebaha Soomaaliya.
Waxay dowladda Pakistan ugu baaqeen inay xoogga saarto dadaallada lagu xaqiijinayo badbaadada badmaaxiinta iyo sidii loogu soo celin lahaa dalkooda.
image.png
Muqdisho 8da Sebteembar 2026 Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalkiisa, isagoo sheegay in madax-bannaanida Jabuuti iyo awoodda ay u leedahay inay si madaxbannaan go’aannadeeda u gaadho ayna ahayn wax gorgortan laga geli karo. Madaxweyne Geelle ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Cali-Sabiix, kaddib markii uu soo dhammaaday shir siyaasadeed oo saddex maalmood socday oo ay yeesheen xubnaha Xisbiga Isu-soo-baxa Shacabka ee Horumarka (RPP) ee talada dalka haya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Jabuuti ay xoogga saarayso ilaalinta madax-bannaanida go'aan-qaadashadeeda, xoojinta amniga gudaha iyo dhowrista isku-duubnida bulshada, xilli Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas ay ka jiraan loollan siyaasadeed iyo mid amni oo sii kordhaya.
“Arrimaha gudaha Jabuuti waxaa iska leh shacabka iyo dowladda Jabuuti. Uma oggolaan doonno cidna inay farageliso ama ku soo xadgudubto arrimaheenna gudaha,” ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladdiisu sii wadi doonto maalgelinta waxbarashada, horumarinta xirfadaha iyo tayeynta awoodda muwaadiniinta Jabuuti, si loo dhiso dal isku filan oo awood u leh inuu si madaxbannaan uga jawaabo caqabadaha mustaqbalka.
Hadallada Madaxweynaha Jabuuti ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas ay ka jiraan loollan xooggan oo ay ku lug leeyihiin dalal iyo quwado shisheeye, kuwaas oo dano amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ku leh gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Geelle si gaar ah uma magacaabin cida ama dalka uu uga digayay faragelinta. Sidoo kale muu sheegin dal ama dhinac ay dowladdiisu xilligan khilaaf siyaasadeed ama diblomaasiyadeed kala dhexeeyo. Sidaas darteed, lakiin waxa si adag u diide farogalin kasta oo shisheeye.
Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.