Somali Cable News

Somali Cable News Welcome to the Official Somali Cable News which is a Media Outlet, and a Property of Somali Media Empire (SME)

Somali Cable News

Horn Cable News

Mogadishu Life

Somali Wired News

Somali Bulletin

Somali Mobile News

Somali National News

Somali National Post

Somali National Journal

Somali Federal Radio

Somali Federal TV

Somali Federal News

Somali Media Empire

Wargeyska Dalka

Somali Newspaper

Mogadishu Bulletin

Somali Gazette

Somali Digital News

Mogadishu Wired

Mogadishu Daily News

Mogadishu

City News

Mogadishu City Journal

Mogadishu City Press

Mogadishu Times

Mogadishu Post

Mogadishu Media

Mogadishu Bulletin

Somali Magazine

Somalia ICT

Somali Consultancy

Mogadishu Bookstore

Mogadishu Multimedia

Somali Business Consultants

Somali ICT Engineers

Somali Hotels Associations

Mogadishu City Tourism

somaligasoline.com

Somali Petrol

Somaliland Gazette

Somaliland Magazine

Puntland Gazette

Puntland Magazine

Jubbaland Gazette

Jubbaland Magazine

Somali Private Sector Tourism

Mogadishu Tour Guide

Mogadishu Wifi

Mogadishu Wireless

Mogadishu Photography

Mogadishu Bank

Somali Insurance

Somali Publisher

Somali Petroleum Company

Somali Gasoline Company

Somali Spare Parts

Breezybooklog1Breezybook

Bulbbook

Myidbook

unifysoftwareslUniifysoftwares

WARARKA MAANTA 21ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Yaa  ka ooynaaya E-Visa   ? Maxuu yahay khilaafka Hirshabe...
10/21/2025

WARARKA MAANTA 21ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa ka ooynaaya E-Visa ? Maxuu yahay khilaafka Hirshabeele, Koonfur Galbeed Iyo Dowladda ? Yaa diiday inuu sameeyo Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 21ka Oktoobar 2025

Jubbaland State 21ka Oktoobar 2025 Waxaan maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland (JISA), xaruntan ayaa si casri ah loo dhisay, isla markaana lagu maalgeliyay canshuurta shacabka Jubaland.
Xaruntan cusub waxay ka tarjumaysaa dadaalka joogtada ah ee Dowladda Jubaland ee ku aaddan xoojinta amniga, horumarinta hay’adaha dawliga ah, iyo dhismaha awood dowladnimo oo waarta.
Waxaan si gaar ah ugu bogaadinayaa hoggaanka Hay’adda JISA iyo dhammaan howlwadeenada kala duwan oo si hufan uga soo dhalaalay waajibaadkooda shaqo, muujiyayna dadaal, daacadnimo, iyo go’aan adag oo ku aaddan ilaalinta nabadda iyo horumarka Jubaland.
Muqdisho 21ka Oktoobar 2025 Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta soo xiray tababar ku saabsanaa Hannaanka Diyaarinta Miisaaniyadda, oo muddo laba maalmood ah ka socday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.
Tababarkan oo ay ka qayb galeen agaasimayaasha guud iyo howlwadeennada Wasaaradda, ayna bixinayeen khubaro ka socday mashruuca SJGAP ee uu taageero Midowga Yurub, ayaa lagu baranayay habraacyada la xiriira fulinta iyo warbixinta miisaaniyadda, xaddidaadda kharashaadka, isla-xisaabtanka, iyo qorshaynta ku saleysan waxqabadka, iyadoo la xoojinayay fahamka iyo adeegsiga nidaamyadaas.
Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo barnaamijyada tababarrada iyo kobcinta aqoonta shaqaalaha, si loo hubiyo in qorshaynta iyo diyaarinta miisaaniyadda Wasaaradda ay si buuxda ula jaanqaado howlaha mudnaanta u leh qaranka iyo dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha difaaca dalka.
Muqdisho 21ka Oktoobar 2025 Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa soo gabagabeysay aqoon is-weydaarsi ay soo agaasintay iyadoo kaashaneysa Ururka Jaamacadda Carabta kaas oo socday mudo saddex maalmood ah waxaana loo qabtay qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha dalka iyo qaybaha kala duwan ee ururrada dhallinyarada.
Ujeeddada barnaamijku oo ahaa in lagu dhiirrigeliyo fahamka dhallinyarada ee isbeddelka bulshada sidoo kalana la xoojiyo aqoonta ku saabsan Himilada Horumarka Waara (SDGs) ayaa waxaa munaasabada xiritaanka ku sugnaa Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha mudane Maxamed Cabduqaadir Cali iyo wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Dr Cali Xaaji.
Wasiir Maxamed Cabduqaadir oo munaasbada xiritaanka ka hadlay ayaa Dhallinyarada u ballanqaaday in Wasaaraddu siin doonto fursado ka qeybgal barnaamijyada dhallinyaarda ay Jaamacadda Carabtu qabato, xitaa kuwa lagu qabto dalka dibadiisa,Isagoo ku bogaadiyay dhallinyarada dadaalkooda iyo ka-qaybgalka aqoonta la xiriirta horumarinta bulshada.
Ugu dambayn, ardayda iyo dhalinyarada ka faa’iideysatay aqoon is-weydaarsiga ayaa lagu guddoonsiiyay shahaadooyin iyo bilado ay bixisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS.

si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya,Caalamka iyo madadaalo nagu soo biir

WARARKA MAANTA 20ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta: Yaa diiday inuu sameeyo     Madxweyne Mudane Xassan “Dhuus...
10/20/2025

WARARKA MAANTA 20ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta: Yaa diiday inuu sameeyo Madxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 20ka Oktoobar 2025 Sugidda amniga xudduuduhu waa masuuliyad wadareed iyo ajende qaran oo saameyn ku leh jiritaanka iyo madaxbannaanida dalkeenna, taas oo qof walba laga doonayo in uu kaalintiisa ka qaato, si looga hortago dhaqdhaqaaqyada sharci-darrada ah, sida tahriibka, hubka sharci darrada ah, daroogada iyo kooxaha argagixisada ee dhibaatada ku ah dalkeenna iyo dalalka dariska nala ah.
Si aan ugu jawaabno mudnaanta ay leedahay sugidda amniga xudduudaha dalka, waxna uga qabanno arrintan muhiimka ah, waxaan shalay isugu yeeray Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Hey'adda Socdaalka iyo Jinisyadda, innaga oo diiradda saarnay qaabka ugu habboon oo loo xaqiijin karo amniga xudduudaha dalka.
Puntland Carmo – Oktoobar 19, 2025: Khuburo aqoon -yahan ah ayaa maanta aqoonkororsi kooban u qabtay ciidamada ku jira Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay Taliyaha Kulliyadda Tababarka Booliska, General Muuse Xasaas, Agaasimaha guud ee madaxtooyada dowlada Puntland Maxamed Jama Abdiraxman (MJ),xubnaha saraakiisha Pmpf iyo saraakiil kale oo ka tirsan booliska, kuwaas oo si diirran u soo dhaweeyay khubarada tababarka bixisay.
Sidoo kale intuu socday Aqoonkororsiga waxaa soogaaray goobta Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Amniga & DDR-ta ee Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamud Axmed(Axmed Qaxiye) isagoo ciidanka ku dhiirigaliyay muhiimada Tababarkan dowladda Puntland uleedahay.
Aqoonkororsiga ayaa diiradda lagu saaray muhimadda aqoonta, xirfadda, iyo anshaxa boolisnimo, si loo helo ciidamo boolis ah oo xirfad iyo karti u leh gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla.
Dowladda Puntland ayaa weli dadaal ugu jirta tayaynta iyo tababarka ciidanka booliska, si loo xaqiijiyo amni iyo kala dambeyn waarta oo lagu gaadho horumar iyo dowladnimo buuxda.
— DHAMMAAD —
Muqdisho 20ka Oktoobar 2025 Sheeko sheegisto waa aalad awood badan oo lagu horumariyo fikradaha laguna dhiso isfahamka iyo wadajirka bulshooyinka dhexdooda iyo dhexdooda, gaar ahaan dunida casriga ah ee maanta sida xawliga ah u kobcaysa oo ay Soomaaliya ku jirto.
Garoowe dhawaan, UNTMIS ayaa Wasaaradda Warfaafinta Puntland ku taageertay qabashada kulan 3 maalmood socday oo ku saabsanaa sheeko-sameynta iyo wax-soo-saarka dhanka warbaahinta, 30 dhallinyaro ah oo leh hibo hal-abuur waxna ku qora baraha bulshada iyo suxufiyiin ayaa ka qayb-galay tababarka, kaasoo lagu bartay casharro ku saabsan xirfadaha farsamada iyo wacyi-gelinta ku saleysan anshaxa muhimadda ay u leeyihiin soo saarista sheekooyinka dhijitaalka ah si ay ku dheehantahay mas'uuliyad, run-sheegnimo iyo saameyn waxtar leh.
Libya 20ka Oktoobar 2025 Ciidanka gaarka ah ee 444-aad ee dalka Libya ayaa ku guuleystay hawlgal samatabixin ah oo lagu soo badbaadiyay 23 muwaadin oo Soomaaliyeed oo 13 dumar ah iyo 10 rag ah iskugu jiray, kuwaas oo la sheegay in si sharci darro ah loogu haystay xarun ay gacanta ku hayeen koox burcad ah.
Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu fuliyay kadib markii la helay xog sirdoon oo tilmaamaysay halka lagu hayo muwaadiniintaasi.
Xarunta lagu hayay dadka ayaa lagu sheegay in ay tahay goob ay isticmaasho koox burcad ah oo ajnabi ah, kuwaasoo ku hawlanaa falal la xiriira afduubka iyo dhibaateynta dadka.
Intii lagu guda jiray hawlgalka, ciidanku waxay gacanta ku dhigeen shan (5) qof oo ka tirsan kooxda burcada ah, kuwaas oo dhammaantood haysta dhalashada Soomaaliya, Waxaa lagu eedeeyay in ay mas'uul ka ahaayeen afduubka iyo cabsi gelinta qoysaska dadka la afduubay, iyagoo lacag madax furasho ah uga dalbanayay si ay ugu sii daayaan.
Ciidamada 444-aad ayaa sheegay in dadkii la badbaadiyay loo gudbiyay xarumo caafimaad si loo siiyo daryeel caafimaad kadib tacadiyadii ay la kulmeen.
Muqdisho 20ka Oktoobar 2025 Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska hordhaca ah ee cod-bixiyeyaasha gobolka Banaadir, iyagoo sheegay in 923,220 qof ay iska diiwaangeliyeen 16-ka degmo ee h**ey loogu asteeyay caasimadda Muqdisho.
Xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho ayay guddigu ku soo bandhigeen natiijada, taasoo muujinaysa in 99.53% diiwaangelinta ay sax ahayd, halka 0.47% laga helay khaladaad ama is-dul-yaal (duplicates).
Diiwaangelinta oo socotay muddo shan bilood ah ayaa lagu qabtay 56 xarumood oo ku yaalla guud ahaan Muqdisho.
Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa ku tilmaamay guushan mid taariikhi ah, isagoo xusay in ay tahay markii ugu horreysay muddo ku dhow 50 sano oo si ballaaran dad looga diiwaangeliyo Muqdisho.
“Waa guul qaran, 923,220 muwaadin ayaa is-diiwaangeliyay, Waxaa mahad gaar ah leh dowladda Federaalka oo bixisay dhaqaalaha, sugnaanta amniga, iyo wada-shaqeynta maamulka gobolka Banaadir,” ayuu yiri guddoomiyaha.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa isna ammaan u jeediyay dadaalka shacabka iyo doorkooda muwaadinimo, isagoo xusay in tirada dadka is-diiwaangeliyay ay marqaati u tahay kalsoonida shacabka ee hanaanka doorasho.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Hoosh), ayaa ballan qaaday in dowladda aysan faragelin doonin hannaanka doorashada, isagoo sheegay in diiwaangelintu ay tahay tallaabo aysan cidna hor istaagi karin.
Waqooyi Barri 20ka Oktoobar 2025 Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Cali (Firdhiye), ayaa magacaabay Golihiisa Wasiirrada oo ka kooban 21 xubnood, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.
Liiska wasiirrada cusub ayaa waxaa ku jira hal haweeney, halka qaar kalena ay yihiin xildhibaano iyo wasiiro h**e uga tirsanaa maamulka Puntland.
Madaxweyne Firdhiye ayaa sidoo kale dib u soo celiyay qaar kamid ah wasiirradii h**e ee maamulka SSC-Khaatumo, isagoo sheegay in magacaabistu ay tahay mid lagu dhisayo xukuumad isku dhafan oo waafaqsan baahida bulshada.
Weli lama magacaabin wasiir ku-xigeennada iyo wasiiru-dowlayaasha maamulka, waxaana la filayaa in lagu dhawaaqo maalmaha soo socda.
Ka hor magacaabista Golaha Wasiirrada, Madaxweyne Firdhiye iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Abwaan Cabdirashiid ayaa isku khilaafay saami qeysbiga Golaha xukuumadda, inkastoo markii dambe xal laga gaaray.
Isla maanta ayaa lagu wadaa in la dhaariyo xubnaha wasiirrada oo intooda badan ay ku sugan yihiin magaalada Laascaanood.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 19ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u tagi doon...
10/19/2025

WARARKA MAANTA 19ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta Maxuu Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” u tagi doonaa Laascoonod, Dowlad Waqooyi Bari? Yaa dhacay shacabka u diiday inuu u dhiso Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Muqdisho 19ka Oktoobar 2025
Jigjiga 19ka Oktoobar 2025 Xisbiga Barwaaqo waxa uu ku howlan yahay sidii guulo looga gaadhi lahaa dhinacyada kala duwan ee horumarineed – Mudane Aadam Faarax
‎Qiimaynta warbixinta waxqabadka rubaca 1-aad ee Sanad miisaaniyadeedka 2018-ka ee Xisbiga Barwaaqo ayaa si rasmi ah uga firmay xarunta xisbiga ee Magaalada Addis Ababa.
‎Madashan oo si habsami leh uga socota xarunta dhexe ee Xisbiga Barwaaqo ee dalka isla markaana socon doona mudo laba maalmood ah ayaa waxa furay Madaxweyne ku xigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee Xisbiga Barwaaqo Mudane Adem Faarax iyadoo aay kasoo qaybgaleen madaxda waaxyaha xisbiga Barwaaqo ee dalka, madaxda laamaha kala duwan ee deegaanada iyo madax kale.
‎‎Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo, Mudane. Adem Faarax oo khudbad ka jeediyay madasha dib u eegista waxqabadka xisbiga ee rubaca koowaad ayaa sheegay in xisbigu uu ku jiro socdaal guul ah oo dhinac walba ah, isagoo sharaxaad ka bixiyay shanta qodob ee udub-dhexaadka u ah guusha xisbiga.
‎Waxa uu sheegay in xisbigu guulo badan ka soo hoyay in qorshaal horumarineed loo dajiyo Itoobiya iyo xisbiguba; iyado ay socdaan dadaal lagu doonayo in lagaga faa'iidaysto dhammaan awoodaha fikradda wadajirka; laguna salaynayo xaqiiqada dhabta ah ee goob kasta ka jirta oo leh aragti dhab ah loogana shaqeynayo si deg deg ah oo ku dhisan hal abuur iyadoo caqabadaha loo badalayo Fursado dhaxalgal ah.
‎Madashani ayaa inta aay socoto Waxaa si qoto dheer loogu qiimeyn doonaa guulihii uu xisbigu gaadhay 3-dii bilood ee lasoo dhaafay iyadoo dhinaca kale diirada lasaari doono waxyaabihii aan qabsoomin iyo caqabadaha Jira.
Jigjiga 19ka Oktoobar 2025 Xisbiga Barwaaqo ayaa xaruntiisa dhexe ka furay shir laba maalmood soconaya oo lagu qiimeynayo waxqabadka rubuca koowaad ee sannadka miisaaniyadda 2018. Shirka waxaa ka qaybgalay madaxda sare ee xisbiga, oo uu ka mid yahay Mudane Aadan Faarax, Madaxwayne ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo lehna awood Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen, madaxda waaxaha, iyo hoggaamiyeyaasha laamaha xisbiga ee deegaannada dalka.
Mudane Aadan Faarax oo ka hadlay shirkan ayaa sheegay in xisbigu si guul leh u wado hawlihiisa iyo barnaamijyadiisa, isaga oo xusay shanta tiir ee lagu dhisay guusha, kuwaas oo ah:
1. In si weyn loogu heellan yahay jihada dalka iyo xisbigu u socdaan,
2. In la mideeyo awoodaha iyo kartida dadka si wadajir ah,
3. In la qaato aragti dhaqan-ku-salaysan oo dhab ah, iyadoo la eegayo xaaladdaha dhabta ah ee deegaan kasta,
4. In loo shaqeeyo xawli ah,oo xirfad iyo hal-abuur ku dheehan tahay.
5. Iyo in fursadaha laga abuuro tijaabooyinka iyo caqabadaha la kulmo.
Shirkan wuxuu xoogga saaraya in si qoto dheer loo lafaguro guulaha iyo caqabadaha, iyadoo la dejinayo xeelado lagu xoojinayo waxqabadka lana saxayo meelaha ay galdalooladu ka jiraan, si loo gaaro is-afgarad iyo midnimo siyaasadeed.

Dooxa 19ka Oktoobar 2025 Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Yuusuf Maxmaed ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kulan doceed kula yeeshay Prof. Dr. Vedat Işikhan, Wasiirka Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay dhameystirka iyo fulinta heshiiskii h**ey ay u gaareen labada wasaaradood, kaas oo lagu ballamay in si rasmi ah saxiixisu dhawaan ka dhaco dalka Turkiga. Heshiiskaas, oo ay Golaha Wasiirrada Soomaaliya ansixiyeen bishii July 2025, wuxuu diiradda saaraya shaqo-abuurka, shaqo-siinta, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha.
Sidoo kale, labada masuul ayaa isla garteen in tababaro aqoon-kororsi ah loo fidiyo shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, si ay uga faa’iideystaan aqoonta iyo khibradda Turkiga ee la xiriirta horumarinta awoodda shaqaalaha iyo maamulka shaqooyinka bulshada.
Ugu dambeyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya, Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada ee Turkiga, Prof. Dr. Vedat Işikhan, soo dhoweynta diirran iyo sida uu mar walba uga go’an yahay xoojinta iskaashiga iyo walaaltinimada ka dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Muqdisho 19ka Oktoobar 2025 Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga toddobaad, kulankiisa 3-aad, kaas oo ajandihiisu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka.
Ugu horrayn, Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda iyo Garsoorka Aqalka Sare, Sanatar Naciima Xasan Gadhwayne, ayaa Sanatarrada la wadaagtay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka, iyadoo tilmaamtay toosin, sixid iyo siiqaaynba lagu sameeyay qaar ka mid ah qodobada Hinde-sharciyeedka.
Intaas kaddib, Sanatarrada Aqalka Sare ayaa guda galay doodda Hindise Sharciyeedka, iyagoo ka dhiibtay aragtiyadooda iyo talooyinka ku aaddan qodobada sharciga. Qaar ka mid ah Sanatarada ayaa xusay in ay jiraan qodobo u baahan wax ka beddel iyo sixitaan si loo sii adkeeyo hirgelinta sharciga.
Guddoomiye Timacadde, oo kulanka soo xiray, ayaa ku bogaadiyay Sanatarrada Aqalka Sare iyo Guddiga Caddaaladda iyo Garsoorka sida xilkasnimada leh ee ay uga go’an tahay gudashada waajibaadkooda sharci dejineed. Wuxuuna faray Guddiga in ay is waafajiyaan doodaha iyo soo jeedinta Sanatarrada, si dib loogu soo celiyo Golaha, ugana gudbo akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka.
DHAMMAAD
Muqdisho 19ka Oktoobar 2025 Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed, kaas oo lagu eedeeyay in uu si arxan darro ah xaaskiisa ugu dilay toorey.
Dilkan foosha xun ayaa ka dhacay xaafad ka tirsan Degmada Garasbaaley, waxaana markiiba howlgal degdeg ah bilaabay ciidamada booliska, kuwaas oo ugu dambeyn ku guuleystay inay soo qabtaan eedeysanaha.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliska, Abshir ayaa haatan ku jira xabsiga saldhigga Garasbaaley, waxaana lagu wargeliyay in dacwadiisa loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo.
Booliska ayaa sheegay inay sii wadi doonaan baaritaannada la xiriira falkaasi, iyagoo bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xakameeyo dambiyada noocan oo kale ah ee kusoo kordhaya magaalada Muqdisho.
Dhacdadan ayaa cabsi iyo dareen murugo leh ku reebtay bulshada deegaanka, iyagoo dalbanaya in cadaaladda si degdeg ah loo horkeeno eedeysanahaasi.
Muqdisho 19ka Oktoobar 2025 Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Omar Ali Abdi, ayaa booqasho ku tagay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yusuf Raage, si ay qiimeyn ugu sameeyaan xaaladda amniga iyo tan bini’aadantinimo ee degmadaasi oo dhowaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.
Mas’uuliyiinta ayaa kormeeray goobo muhiim ah oo ay burburiyeen argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo ay ka mid yihiin guryo dadweyne, iskuullo, xarumo caafimaad iyo kaabayaal tamar oo ay bulshada deegaankaasi ku tiirsanayd, sida nidaamka cadceedda ku shaqeeya ee korontada.
Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in shacabka Awdheegle ay wajahayaan duruufo adag oo bini’aadantinimo, kuwaas oo u baahan gurmad degdeg ah.
Wuxuu xusay in booqashada ay qeyb ka tahay dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto garab istaagga shacabka laga xoreeyay gacanta Al-Shabaab.
“Dowladdu waxay u heelan tahay inay ka shaqeyso dib u dhiska deegannada laga xoreeyo cadowga, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad iyo nolol sharaf leh,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha.
Dhanka kale, Wasiiru-dowlaha iyo Taliyaha CXDS ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay geesinimada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo garab istaagga ay bixiyaan saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan ciidamada AUSSOM, oo gacan weyn ka geystay nabadeynta iyo xasillinta deegaannada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

...

WARARKA MAANTA 17ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta Yaa noqday Madaxweyne tuug ah oo xitaa tagi karin gobalada ...
10/17/2025

WARARKA MAANTA 17ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta Yaa noqday Madaxweyne tuug ah oo xitaa tagi karin gobalada dalka Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” ? Yaa dhacay shacabka u diiday inuu u dhiso Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
Waqooyi Barri 17ka Oktoobar 2025 Caasimadda dowlad goboleedka waqooyi Bari Laascaanood oo u Diyaar Garowday Soo Dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka socda diyaar garow xooggan oo ku aaddan soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo la filayo inuu dhawaan soo gaaro magaalada.
Boorar waaweyn oo ay ku xardhan yihiin sawirrada Madaxweynaha ayaa lagu dhejiyey waddooyinka muhiimka ah ee magalada Laascaanood, taasoo muujinaysa xamaasadda iyo qiimaha ay shacabka iyo dowlad goboleedku u hayaan booqashada madaxweynaha.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in madaxda qaar ka mid ah maamul-goboleedyada dalka ay qeyb ka noqdaan socdaalka madaxweynaha, iyagoo ka soo qayb galaya xafladda caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dowlada waqooyi Bari -, madaxwyane Abdiqadir ahmed owcali firdhiye, iyo madaxwayne ku-xigeenkiisa. Mudane Abdirashiid Yusuf
Socdaalkan ayaa ah mid taariikhi ah oo xambaarsan muhiimad siyaasadeed iyo mid bulsho,
Muqdisho 17ka Oktoobar 2025 Waxaan kulan miro-dhal ah la yeeshey wafdi sare oo ka socday Midowga Yurub, oo ay hoggaaminayay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabbilsan Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro. Waxaan ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo igmaday, waxaana ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ku dhisan saaxiibtinimo, is-ixtiraam iyo dan-wadaag.
Waxaan kala wareegnay deeq qalabeyn oo loogu talagalay Xarunta Iskuduwidda Samatabixinta Dhibanayaasha Badda (Maritime Rescue Coordination Center – MRCC).
Lawareegidda qalabkan casriga ah ayaa kala saxiixdey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Axmed Yuusuf Cabdulle iyo Madaxa EUCAP, Mudane Kestutis Lancinskas.
Xukuumadda Dan-qaran waxaa ka go’an kobcinta dhakhliga gudaha si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale.
Ethiopia 17ka Oktoobar 2025 Qoraal lagu daabacay bogga Ethiopian Broadcasting Corporation (EBC) ayaa la soo dhigay maalmo kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka soo noqday safar uu ku tegay magaalada Addis Ababa.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in Itoobiya ay ku wareegsan yihiin biyo, balse dadkeedu laga hor istaagay marin badeed.
Abiy wuxuu sheegay in shacabka Itoobiya ay muddo dheer waayeen xuquuqdooda sharci ee ay ku lahayeen arrinta Badda Cas, isagoo tilmaamay in waqtigii lagu saxi lahaa khaladkaas uu hadda yimid.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Itoobiya aysan dooneyn dagaal, balse ay sii wadi doonto in ay ka hadasho arrimaha Badda Cas iyo Webiga Niil, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa qeexaya mustaqbalka iyo horumarka dalkeeda.
Ra’iisul Wasaaruhu sidoo kale wuxuu sheegay in Itoobiya ay leedahay sheegasho sharci ah oo ku saabsan Badda Cas, taasoo salka ku haysa taariikh, juqraafi, dhaqaale iyo xiriir qowmiyadeed, isagoo xusay in arrintan ay gaartay xilli go’aan adag loo baahan yahay.
South Africa 17ka Oktoobar 2025 Waxaa aad u sii kordhaya beegsiga lagu haya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan deegaanada hoostaga magaalada Cape town.
48 saacadood gudahood ayaa muwaadinkii labaad lagu dilay Koonfur Afrika, gaar ahaan deegaanka Khayelitsha oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalo xeebeedka Cape town.
Nuur Maxamed Mahdi oo loo yaqiinay Faroole ayaa burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ku dileen gudaha goobtiisa ganacsi oo ku taalay deegaanka Khayelitsha.
Habeen h**e ayay aheyd markii burcadan hubeysan ay ku dileen deegaanka Philippi muwaadin lagu magacaabi jiray Shool Maxamed Cadde oo ka mid ah dhalinyarada sida weyn looga yaqiinay gobolka Western Cape
Dilka muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa imaanaya, iyadoo 48 saacadood ee lasoo dhaafay burcada hubeeysan Koonfur Afrikanka ah ay kordhiyeen weerarada ay ku beegsanayaan ganacsiyada Soomaalida ku leeyihiin magaalooyinka kala duwan ee dalkaasi Koonfur Afrika.
Shalay galinkii dambe ayay aheyd markii burcada hubeysan ay weerar ku dhaawaceen laba ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Tuulada Nyanga oo ka tirsan Magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika.
Irland 17ka Oktoobar 2025 Booliska Ireland (Gardaí) ayaa baaritaan ballaaran ku haya dhacdo naxdin leh oo ka dhacday xarun lagu hayo carruurta magangalyo-doonka ah oo ku taalla deegaanka Donaghmede ee magaalada Dublin, halkaas oo uu ku dhintay wiil 17-jir ah oo u dhashay Ukraine kadib weerar toorey ah.
Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Vadym Davydenko, waxaana la xaqiijiyay inuu si halis ah ugu dhaawacmay dagaal tooreyadeysan oo la sheegay inuu ka dhex qarxay isaga iyo wiil kale oo Soomaaliyeed oo isla xaruntaas ku noolaa.
Davydenko ayaa si degdeg ah loola cararay isbitaal balse dhaawacyadii uu qabay darteed ayuu u geeriyooday.
Wararka hordhaca ah ee ay boolisku bixiyeen ayaa muujinaya in dagaalku uu salka ku hayo khilaaf gaar ah oo dhex maray labada dhallinyaro.
Inta lagu guda jiray is-maandhaafka, haweeney ka tirsan shaqaalaha xarunta iyo wiil kale ayaa sidoo kale dhaawacyo fudud soo gaaray, iyadoo xaaladdooda lagu sheegay mid deggan oo aan halis ahayn.
Wiilka Soomaaliyeed ee lagu tuhunsan yahay falka ayaa isna gaaray dhaawac yar, waxaana haatan lagu daweynayaa isbitaal ay ilaalinayaan booliska.
Weli lama shaacin magaciisa sababo la xiriira da'diisa iyo xaaladda baaritaanka oo wali socda.
Afhayeen u hadlay Booliska Ireland ayaa sheegay in la bilaabay baaritaan dhammeystiran oo lagu ogaanayo sababaha keenay falkan foosha xun, wuxuuna intaas ku daray in dadkii goobta ku sugnaa laga qaaday warbixino si loo helo sawir buuxa oo ku saabsan dhacdada.
Dhanka kale, Safaaradda Ukraine ee Dublin ayaa la shaqeyneysa hay’adaha Ireland si loogu fududeeyo dib u celinta maydka Davydenko looguna taageero qoyskiisa tacsi iyo caawimaad sharci ah.
Dhacdadan ayaa si weyn u gilgishay bulshada deegaanka iyo hay’adaha u dooda xuquuqda carruurta magangalyo-doonka ah, iyadoo dad badan ay isweydiinayaan su’aalo la xiriira amniga xarumaha lagu hayo carruurta aan la socon waalidkood.
Booliska ayaa ku booriyay qof kasta oo hayya xog dheeraad ah in uu la soo xiriiro saldhigga Garda ee Raheny si ay uga caawiyaan baaritaanka socda.

...

WARARKA MAANTA 16ka Oktoobar 2025 Sir Culus!Su’aalaha Maanta Yaa diidi kara in Diinta Kirishtaanka/Masxeegi   lagu xukum...
10/16/2025

WARARKA MAANTA 16ka Oktoobar 2025 Sir Culus!
Su’aalaha Maanta Yaa diidi kara in Diinta Kirishtaanka/Masxeegi lagu xukummi doono? Yaa xildhibaanno u doortay dadkii warbaahinta ka dhahay laguma xukummi doono Diinta Islaamka? Yaa dhacay shacabka oo diiday inuu dhiso Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuuriga ah Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” oo beddelay dastuurkii dalka? Yaa diiday in la dhiso Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa ogolaaday inay qoysaskiis iyo qaraabadiisa inay dhacaan hantida dadweynaha Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa maanta diidan inay shiraan mucaaradka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wakhtiga ka dhammaan rabaa oo doorasho cod iyo qof qaban doona Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay Taliyaha Nabad Sugida laba jeer Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa baabi’iyey Ciidanka Xoogga Dalka Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye”? Ha wiqleyso!
South Africa 16ka Oktoobar 2025 Wararka naga soo gaaraya deegaanka Philippi oo ka mid ah deegaanada hoostagta magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xalay halkaas lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed.
Allah u naxariiste marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Shool Maxamed Cadde, kaasoo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee sida weyn looga garanaayay deegaanka Philippi dalkaasi Koonfur Afrika.
Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa lagu dilay gudaha goobtiisa ganacsi uu ku lahaa deegaanka Philippi, waxaana dilka geystay burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas, kuwaas oo horay u sii qaatay lacagaha uu u shaqeeyay muwaadinka iyo agab kale oo fudud.
Burcada dilka fulisay ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta, waxaana saacado kadib dilkiisa gaaray goobta ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo sameeyay baaritaan kooban oo aysan ka soo bixin wax matiijo ah.
Si kastaba ha ahaate marka la gaaro bilaha dhamaadka sanadka waxaa dalka Koonfur Afrika si weyn u siyaada dilka, dhawaaca iyo dhaca loogu geysto deegaanada dalkaas muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u shaqo tagay, mana jirto cid wax ka qabaneysa dhibaatooyinka loo geysto.
Madagaskar 16ka Oktoobar 2025 Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa ku dhawaaqay qorshe ballaaran oo dowladda Soomaaliya ay ku doonayso iney kala bar uga dhigto ku-tiirsanaanta shidaalka dibadda laga keeno ee korontada laga dhaliyo, taasoo lagu beddelayo tamar laga dhaliyo qoraxda muddo saddex sano gudahood ah.
Wasiir Bidhaan oo ka hadlayay madasha Somali Winners Forum (BGS25) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa tilmaamay horumar la taaban karo oo laga sameeyay qaybta korontada dalka, taasoo uu sheegay inay si weyn uga mahadcelinayaan shirkadaha Soomaaliyeed ee gaar loo leeyahay.
"Waxaa la gaaray horumar weyn oo lagu sameeyay qaybta korontada Soomaaliya, waana dadaal ay hirgaliyeen shirkadaha Soomaaliyeed, Waxaan si weyn uga mahadcelinayaa shirkadahan oo markii dowladda burburtay qaaday masuuliyadda, una istaagay inay iftiin siiyaan bulshadeenna," ayuu yiri Wasiir Bidhaan.
“Maalgashigooda, oo gaaraya ku dhowaad hal bilyan oo doolar, ayaa si weyn uga qayb qaatay iftiiminta dalka.” ayuu sii raaciyay warkiisa
Sida ay muujinayaan tirakoobyada rasmiga ah, hadda ku dhowaad 85% korontada laga isticmaalo Soomaaliya waxaa laga dhaliyaa shidaal dibadda laga keeno.
Wasiir Bidhaan wuxuu sheegay in wasaaraddu ay ka shaqaynayso sidii sanadka 2028, ugu yaraan 50% tamarta dalka looga dhigi lahaa mid laga helo qoraxda, si loo gaaro hannaan tamareed oo waara, nadiif ah, oo la awoodi karo.
Isbeddelkan tamarta ee ay dowladda ku dhaqaaqeyso wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu taageerayo koboca dhaqaalaha, ilaalinta deegaanka iyo adkaysiga isbeddelka cimilada.
Qorshahan wuxuu qeyb ka yahay mashruuca Somalia Electricity Sector Recovery Project (SESRP) iyo Qorshaha Isbeddelka Qaran ee 2025–2029 oo mudnaanta siinaya horumarinta tamarta la cusboonaysiin karo iyo ballaarinta kaabayaasha korontada dalka.
Jarmalka 16ka Oktoobar 2025- Jarmalka ayaa soo saaray digniin safar oo ku socota muwaadiniintiisa sugan ama u safraya dalka Kenya, isagoo uga digay khatar sii kordheysa oo la xiriirta weerarrada argagixisada, gaar ahaan meelaha dadku ku badan yihiin sida hoteellada, suuqyada waaweyn, iyo goobaha gaadiidka dadweynaha.
Digniintan ayaa lagu sheegay in gobollada ku dhow xadka Soomaaliya sida Lamu ay yihiin meelaha ugu halista badan, maaddaama ay ka jiraan kooxo argagixiso.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarnalka ayaa tiri,“Waxaa jira khatar sii kordheysa oo weerarro argagixiso ka dhaca Kenya. Kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay weerarro ka gaysan doonto Kenya, si ay uga aarguddo ka qaybgalka ciidanka Kenya ee howlgalka AUSSOM.
Waxa kale oo lagu daray in weerarro h**e u dhacay iyo kuwo la fashiliyey ay muujinayaan sida ay argagixisadu ugu go’an tahay weerarro kale. Goobaha halista ugu badan waxaa lagu sheegay, dhismayaasha dowladda, hoteellada, baararka iyo maqaayadaha, suuqyada waaweyn, kaniisado, gaadiidka dadweynaha sida basaska, doonida, garoomada diyaaradaha, iyo goobaha kale ee dadku ku badan yihiin.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka waxay magacowday dhowr gobol oo dalka Kenya ah oo ay ku jiraan Baringo, Laikipia, Samburu, Turkana, iyo West Pokot, kuwaas oo aan ammaan ahayn in la aado.
Waxay si adag uga digay in la safro meel kasta oo 100 km u jirta xadka Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Lamu, iyo safarro aan muhiim ahayn oo loo tago jasiiradaha Lamu iyo Manda.
Muwaadiniinta Jarmalka ayaa lagu boorriyay inay isticmaalaan duulimaadyada hawada marka ay u safarayaan Lamu Archipelago.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in dadka Jarmalka ee ku sugan ama u socda gobollada xeebaha, gaar ahaan meelaha fog, ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, maaddaama ay jirto khatar afduub iyo weerarro.
Kampala 16ka Oktoobar 2025 ‎Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa Hindiya kula kulmay Kampala
‎Kampala, 15 Oktoobar 2025 – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta kulan kula yeeshay dhiggiisa dowladda Hindiya, Mudane Kirti Vardhan Singh, magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
‎Kulankan oo ay goobjoog ka ahayd Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa diiradda lagu saaRray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya.
Dooloow 16ka Oktoobar 2025 Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Lugta Ciidamada Faderaalka Khaalid ayaa lagu wadaa inay mardhwo ka degaan garoonka Dolow Itoobiyo, Wefdiga ayaa saaka h**e iskudayay inay ka soo degaan garoonka Dolow Soomaaliya, balse waa loo diiday. Saraakiisha wefdiga hogaamineyso oo ka codsaday Itoobiyo inay garoonka u fududeyso, balse Itoobiyo ayaa sheegtay inaysan damaanaqadi karin amnigooda madaaama garoonka uu gacanta ku hayo Maamulka Jubbaland, taa badalkeeda ay ogalanayaan inay ka soo degaan garoonka Dolow Itoobiyo.
Labada dal saraakiil ka socoto ayaa halkaasi shir sacaado kooban ah ku yeelandono waxayna wefdiga ku kala laabandonan Muqdisho iyo Adisababa. Magaalada Dolow Soomaaliya ayaa amnigeeda aad lo adkeyay sacaadihii u danbeyay kuwaas oo lagu arkayay ciidamada Jubbaland oo xaqiijinayo amniga garoonka iyo iridaha laga soo galo magaalada.

si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya,Caalamka iyo madadaalo nagu soo biir

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Cable News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share