Somali Cable News

Somali Cable News Welcome to the Official Somali Cable News which is a Media Outlet, and a Property of Somali Media Empire (SME)

Somali Cable News

Horn Cable News

Mogadishu Life

Somali Wired News

Somali Bulletin

Somali Mobile News

Somali National News

Somali National Post

Somali National Journal

Somali Federal Radio

Somali Federal TV

Somali Federal News

Somali Media Empire

Wargeyska Dalka

Somali Newspaper

Mogadishu Bulletin

Somali Gazette

Somali Digital News

Mogadishu Wired

Mogadishu Daily News

Mogadishu City News

Mogadishu City Journal

Mogadishu City Press

Mogadishu Times

Mogadishu Post

Mogadishu Media

Mogadishu Bulletin

Somali Magazine

Somalia ICT

Somali Consultancy

Mogadishu Bookstore

Mogadishu Multimedia

Somali Business Consultants

Somali ICT Engineers

Somali Hotels Associations

Mogadishu City Tourism

somaligasoline.com

Somali Petrol

Somaliland Gazette

Somaliland Magazine

Puntland Gazette

Puntland Magazine

Jubbaland Gazette

Jubbaland Magazine

Somali Private Sector Tourism

Mogadishu Tour Guide

Mogadishu Wifi

Mogadishu Wireless

Mogadishu Photography

Mogadishu Bank

Somali Insurance

Somali Publisher

Somali Petroleum Company

Somali Gasoline Company

Somali Spare Parts

Breezybooklog1Breezybook

Bulbbook

Myidbook

unifysoftwareslUniifysoftwares

WARARKA MAANTA 4ta Sebteembar 2026 Su’aalaha Maanta::Yaa diyaarad ku weeraray guriga Taliye Shubka? Maxaa ka socda Baydh...
09/04/2026

WARARKA MAANTA 4ta Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta::Yaa diyaarad ku weeraray guriga Taliye Shubka? Maxaa ka socda Baydhabo? Maxuu ku fashilmay shirkii amniga ee ka socda? Yaa fashilay shirka amniga ee ka furmay? Maxay Madaxweyne h**e Xassan Iyo Raysal Wasaare h**e Xamsa u diideen inay furaan shirka amniga? Yaa dhacay shacabka ? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Sweden 4ta Sebteembar 2026 "Si aan kor ugu qaadno codka Soomaalida sagalootiga ah uguna doodo xuquuqdooda sanadkan doorashada Sweden waxaan u tartamayaa doorashada dalkaas ka dhaceysa".
Murashax Warda Cabdulqaadir Abuukar oo u tartamaysa doorashada gobolka kana tirsan Xisbiga Guduudan ee dalkaas.
Gedo 4ta Sebteembar 2026 Taliyahii h**e ee Ciidanka Asluubta, Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo garan ogyahay Taliye Shub oo xalay duqayn lagu beegsaday Guriga uu ku degen yahay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa lagu warramayaa in laga daweynayo dhaawac soo gaaray.
Dhaawacyo ka dhashay firirka duqaynta lagu beegsaday oo gaaray qaybo kamid ah jirkiisa ayaa loo geeyay mid kamid ah goobaha Caafimaadka Degmada Dooloow si looga soosaaro una helo daryeelka uu u baahan yahay.
Muuqaallo laga soo duubay Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo Baraha Bulshada lagu faafiyay waxaa ka muuqday isaga oo la daweynayo isla markaana kiiskiisa ay gacanta kula jiraan dhaqaatiirta Isbitaalka la geeyay.
Dhinaca kale waxaa socda raadinta xogaha duqayntaas iyo cidda ka dambaysa maadaama aanay jirin cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas oo la sheegay in uu ahaa duqayn diyaarad sida xogaha la helayo ay sheegayaan.
Taliyihii h**e ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa markii xilkaas laga qaaday oo Baydhabo laga qabsaday Maamulkii Laftagareen waxa uu saldhig ka dhigtay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
UK 4ta Sebteembar 2026 Sagal Cabdi-Wali, oo ah haweeney asal ahaan Soomaali ah, ayaa laga yaabaa inay u tartanto kursiga baarlamaanka ee deegaanka Holborn iyo St Pancras ee magaalada London, doorashada ku celiska ah ee dhawaan qabsoomi doonta, kursigaas ayaa waxa h**e uu u haystay Ra’iisul Wasaarihii h**e ee Ingiriiska, Keir Starmer. Sagal waxay Ingiriiska timid horraantii sagaashamaadkii iyadoo carruur ahayd, kaddib markii qoyskeedu Soomaaliya uga soo qaxay dagaalkii sokeeye iyo macaluushii dalka ka jirtay sida ay qortay warbaahinta The Telegraph.
Waxay muddo dheer taageere u ahayd Xisbiga Shaqaalaha ee Ingiriiska. Sannadkii 2022 ayay markii ugu horreysay noqotay xubin laga soo doorto Golaha Deegaanka Camden, waxaana hadda ay tahay hoggaamiyaha golahaas.
Sagal waxay sidoo kale h**e u ahayd guddoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee deegaanka Holborn iyo St Pancras, oo ahaa deegaanka uu Keir Starmer xildhibaan ka ahaa.
Haddii Xisbiga Shaqaaluhu u doorto inay noqoto musharraxa, Sagal waxay u tartami kartaa kursiga baarlamaanka, waxaana suuragal ah inay la tartanto Zack Polanski oo ka tirsan Xisbiga Cagaaran.
Deegaanka Holborn iyo St Pancras ayaa muddo dheer ahaa meel uu Xisbiga Shaqaaluhu ku xooggan yahay, balse doorashada ku celiska ah ayaa la filayaa inay noqoto tartan xiiso leh.
Muqdisho 4ta Sebteembar 2026 Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa si rasmi ah uga soo horjeesatay hindise-sharciyeedka dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in hindisahaasi uu ka hor imaanayo dastuurka iyo awoodaha Jubaland. Bayaan ay soo saartay Wasaaraddu ayaa lagu sheegay in hindise-sharciyeedka Golaha Culimada Soomaaliyeed, oo ay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya gudbisay, uu yahay arrin la xiriirta diinta iyo arrimaha bulshada, kuwaas oo sida ay Jubaland sheegtay ka mid ah awoodaha ay dastuur ahaan u leedahay dowlad-goboleedyada.
Wasaaraddu waxay sheegtay in Dastuurka Jubaland iyo heshiisyada lagu dhisay nidaamka federaalka Soomaaliya ay siinayaan dowlad-goboleedyada awood ay ku maamulaan arrimaha la xiriira diinta iyo bulshada, iyadoo tilmaantay in arrimahaasi aysan ahayn kuwo si gaar ah loogu koobay Dowladda Federaalka.
Jubaland ayaa sidoo kale ka digtay in hindisaha lagu dhisayo Golaha Culimada Soomaaliyeed uu saameyn ku yeelan karo madaxbannaanida iyo awoodaha hay'adaha diinta ee dowlad-goboleedyada, iyadoo ugu baaqday hay'adaha ay khusayso inay dib u eegaan hindisaha.
Wasaaradda ayaa ugu dambeyn sheegtay inay si cad u qaadacayso hindise-sharciyeedka, waxayna tilmaantay in haddii la meel mariyo uu saameyn ku yeelan karo awoodaha dastuuriga ah ee dowlad-goboleedyada iyo qaab-dhismeedka federaalka Soomaaliya.
Muqdisho 4ta Sebteembar 2026 Ciidamo ka tirsan Taliska Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xabsiga Dhexe ee Xamar ee magaalada Muqdisho, iyagoo cabasho ka muujinaya xuquuqda shaqaalaha iyo mushaharka oo ay sheegeen in aysan qaadan muddo laba sano ah. Qaar ka mid ah ciidamada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muddo dheer ay shaqeynayeen iyagoo aan helin mushaharkooda, iyagoo dowladda Soomaaliya ka dalbaday in si degdeg ah looga jawaabo cabashadooda lana bixiyo xuquuqdooda.
Ciidamada ayaa sheegay inay h**ey dhowr jeer u gudbiyeen cabashadooda madaxda ay khuseyso, balse aysan weli helin jawaab ay ku qancaan.
Mid ka mid ah ciidamada ayaa sheegay in ay muddo labo sano ah u shaqeynayeen dowladda, isagoo xusay in ay yihiin askar Soomaaliyeed oo u taagan sugidda amniga iyo difaaca qaranka.
“Labo sano ayaan xuquuq la’aan ku shaqeynaynay. Waxaan jecelnahay inaan amniga difaacno oo aan qaranka u shaqeyno. Askar Soomaaliyeed ayaan nahay, dhalinyaro Soomaaliyeed ayaan nahay,” ayuu yiri mid ka mid ah ciidamada.
Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in tallaabada ay waddooyinka ku xireen ay tahay mid ay doonayaan in dowladda Soomaaliya ay jawaWaxay sheegeen in madaxda dowladda iyo dhinacyada ay khuseyso loo gudbiyay cabashadooda, balse aysan weli helin cid si rasmi ah uga jawaabta. ab rasmi ah kaga bixiso xaaladdooda.
Muqdisho 4ta Sebteembar 2026 Soomaaliya ayaa ku baaqday in dalalka Geeska Afrika ay ka gudbaan ballanqaadyada siyaasadeed, una dhaqaaqaan tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu dhisayo hal aag dhaqaale oo wadaag ah, kaas oo fududeynaya ganacsiga iyo isu-socodka badeecadaha gobolka. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Danjire Jamaal Mohamed Hassan, ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga ee dalalka ku mideysan Hindisaha Geeska Afrika (HoAI), isaga oo kulanka ku guddoomiyay magaca dalalka xubnaha ka ah hindisaha.
Wasiirku wuxuu sheegay in iskaashiga gobolka loo baahan yahay in laga dhigo mid natiijooyin muuqda u horseeda ganacsatada iyo shacabka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo isku-xirka dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika.
Waxa uu si gaar ah ugu baaqay in la ansixiyo lana hirgeliyo Qorshe-hawleedka Fududeynta Ganacsiga Gobolka ee 2026–2031, iyo in la dhiso Guddiga Goboleed ee Fududeynta Ganacsiga (RTFC), iyadoo dalalka xubnaha ka ah hindisaha looga baahan yahay inay waqtigooda ku soo magacaabaan wakiillada guddiga.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay ku baaqday in la xoojiyo isku-dubaridka dalalka xubnaha ah, la helo maalgelin ku filan, isla markaana ganacsatada iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay ay si dhab ah uga qayb qaataan hirgelinta qorshayaasha gobolka.
Wasiirrada ka kala socday Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Suudaan ayaa iyaguna taageeray qorshaha fududeynta ganacsiga iyo dhismaha guddiga gobolka.
Doodaha shirka ayaa xoogga lagu saaray horumarinta marinnada ganacsiga, fududeynta habraacyada kastamka, isku-xirka dekedaha iyo dalalka aan badda lahayn, casriyeynta xuduudaha iyo adeegyada dhijitaalka ah, iyo sidii ganacsatada loogu dari lahaa dadaallada lagu xoojinayo ganacsiga gobolka.
Dowladda Jarmalka oo ku hadlayay magaca saaxiibbada horumarinta ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ajendaha ganacsi ee gobolka, iyadoo carrabka ku adkaysay muhiimadda hoggaanka dalalka Geeska Afrika, isku-dubaridka taageerada farsamo iyo dhaqaale, iyo dejinta hannaan cad oo lagu fuliyo qorshayaasha la isla qaatay.
Wasiir Jamaal ayaa sheegay in himiladu tahay in Geeska Afrika uu noqdo meel dhaqaalaheedu isku xiran yahay, halkii dalalku ay kala qaybsanaan lahaayeen, si badeecadaha, adeegyada iyo fursadaha dhaqaale ay si fudud ugu kala gudbaan dalalka gobolka.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 3da Sebteembar 2026 Su’aalaha Maanta::Maxaa ka socda Baydhabo? Maxuu fashiilay Siyaasi Cabdi-Waal? Maxuu ...
09/03/2026

WARARKA MAANTA 3da Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta::Maxaa ka socda Baydhabo? Maxuu fashiilay Siyaasi Cabdi-Waal? Maxuu ku fashilmay shirkii amniga ee ka socda? Yaa fashilay shirka amniga ee ka furmay? Maxay Madaxweyne h**e Xassan Iyo Raysal Wasaare h**e Xamsa u diideen inay furaan shirka amniga? Yaa dhacay shacabka ? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho 3da Sebteembar 2026 Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Aqalka Sare ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, si ay ugu kuurgalaan hannaanka shaqo iyo doorka Golaha ee nidaaminta mihnadda caafimaadka dalka.
Kormeerkan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga, Senatar Dr. Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle), ayaa diiradda lagu saaray dhowrista tayada adeegyada caafimaadka, ku-dhaqanka shuruucda mihnadda caafimaadka, tayada dawooyinka, badqabka adeegyada Isbitaallada, iyo habraacyada lagu hubiyo aqoonta iyo kartida xirfadlayaasha caafimaadka dalka.
Intii uu kormeerku socday, xubnaha Guddigu waxay maamulka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka ka dhageysteen warbixin ku saabsan hannaanka shaqado, waajibaadka iyo doorka ay ku leeyihiin nidaaminta mihnadda caafimaadka, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha horumarineed.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah waajibaadka Guddiga ee la-xisaabtanka, dabagalka iyo kor-joogteynta hay’adaha caafimaadka, iyadoo ujeeddadu tahay dardargelinta dhowrista tayada iyo shuruucda caafimaadka dalka, si loo hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeeg caafimaad oo hufan, tayo leh, islamarkaana ammaan a
Muqdisho 3da Sebteembar 2026 Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Hon. Maxamed Faarax Nuux, ayaa ka hadlay munaasabadda xarig-jarka Shirkadda Diyaaradaha SalamAir, oo laga leeyahay dalka Cumaan, taas oo muddo dhowr iyo soddon sano ah kadib maanta duulimaad ka bilowday Muqdisho iyo Muscat ee dalka Cumaan
Muqdisho 3da Sebteembar 2026 Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in waaxda amnigu ay isticmaasho in ka badan 60% miisaaniyadda qaranka, iyadoo dalka uu isku diyaarinayo in ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga marka uu dhammaado howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya bisha December. Agaasimaha Guud ee Amniga Gudaha, Maxamed Xasan Shire, ayaa sheegay in xaaladdaasi ay dowladda ku qasbeyso inay dib u eegto habka loo maareeyo kharashaadka ciidamada iyo hay’adaha amniga, si loo daboolo baahiyaha dhaqaale ee sii kordhaya.
Shire oo ka hadlayay shir looga hadlayay arrimaha amniga ayaa sheegay in xoojinta isku-duwidda hay’adaha amniga ay tahay arrin muhiim u ah wax-ku-oolnimada hay’adaha amniga Soomaaliya.
Wuxuu yiri:“Arrinta kale ee aan maanta shirkan kaga hadalnay waa habka isku-duwidda. Xoojinta habka isku-duwiddu waxay muhiim u tahay wax-ku-oolnimada hay’adaha amniga.”
Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo dhaqaale waara oo lagu daboolo baahiyaha ciidamada iyo hay’adaha amniga, “Ugu dambayn, arrintu waxay ku saabsan tahay awoodda dhaqaale. Awoodda lagu maalgelin karo amniga waa arrin muhiim ah xilligan, gaar ahaan iyadoo howlgalka Midowga Afrika uu halkan ku dhammaanayo bisha December, ciidamada Soomaaliyeedna laga filayo inay la wareegaan mas’uuliyadda amniga,” ayuu yiri Shire.
Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya ay qorshe cad ka yeelato sidii ay u dabooli lahayd baahiyaha miisaaniyadeed ee ciidamada amniga marka ay mas’uuliyadda amni si buuxda ugu soo wareegto dowladda, Sida uu sheegay Shire, dowladda ayaa sidoo kale wada qorsheyaal lagu doonayo in lagu yareeyo kharashaadka aan loo baahnayn, isla markaana lagu kordhiyo hufnaanta hay’adaha amniga.
Puntland 3da Sebteembar 2026 Puntland ayaa ku dhawaaqday in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto haysashada, soo gelinta, iibinta ama isticmaalka hub sharci-darro ah gudaha deegaanadeeda. Go’aankan ayaa kasoo baxay shir amni oo uu magaalada Boosaaso ku guddoomiyey Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo looga hadlay xaaladda amni ee gobolka Bari iyo xoojinta tallaabooyinka lagu xakameynayo hubka sharci-darrada ah.
Puntland waxay sheegtay in hay’adaha amniga iyo caddaaladda loo xilsaaray inay si adag u fuliyaan go’aanka, iyadoo hub kasta oo sharci-darro ah oo la qabto ay dowladda la wareegayso.
Tallaabadan ayaa sidoo kale khuseysa dadka lagu helo inay hub sharci-darro ah soo geliyaan Puntland, ka ganacsadaan ama isticmaalaan, iyadoo dowladda ay sheegtay in laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.
Go’aanka ayaa imanaya iyadoo maamulka Puntland uu isku dayayo inuu yareeyo faafitaanka hubka sharci-darrada ah iyo khatarta uu ku yeelan karo amniga bulshada, gaar ahaan colaadaha beelaha iyo falalka amni-darrada ah.
Muqdisho 3da Sebteembar 2026 Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Golaha Shacabka iyo Xukuumadda, si waafaqsan Dastuurka, shuruucda dalka iyo danaha shacabka Soomaaliyeed, loona dardargelin lahaa shuruucda mudnaanta u leh howlaha Qaran ee horyaalla Golaha.

Sulayman Moamed Mohamud is the Somali Attorney-General Ahmed Isse Gutale is the Somali Auditor-general

DEG DEG: Siyaasi Cabdi Waal Oo Si Adag Uga Hadlay Dhulboobka Ka Soc...

WARARKA MAANTA 2da Sebteembar 2026 Su’aalaha Maanta:Maxay kashiftay Guddoomiyihii h**e Xaliimo Yareey? Yaa fashilay shir...
09/02/2026

WARARKA MAANTA 2da Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta:Maxay kashiftay Guddoomiyihii h**e Xaliimo Yareey? Yaa fashilay shirka amniga ee ka furmay? Maxay Madaxweyne h**e Xassan Iyo Raysal Wasaare h**e Xamsa u diideen inay furaan shirka amniga? Yaa dhacay shacabka ? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho 2da Sebteembar 2026 La-taliyaha amniga qaranka Madaxweynaha Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa sheegay in howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM uusan Soomaaliya uga bixi doonin si kedis ah, balse bixitaankiisa lagu salayn doono qorshe ay dowladda Soomaaliya kula wareegayso mas’uuliyadda amniga dalka. Danjire Aweys ayaa sheegay in qorshaha kala-guurka amniga Soomaaliya uu soo bilowday sanaddii 2022, kaddib qiimeyn wadajir ah oo dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ku sameeyeen awoodda dowladda ee ay kula wareegi karto hawlihii ay hay’adaha Qaramada Midoobay dalka ka wadeen.
Waxa uu sheegay in qiimeyntaas lagu go’aamiyay in Soomaaliya si tartiib ah ula wareegto mas’uuliyadaha kala duwan, iyadoo mudnaanta la siinayo siyaasadda, sharciga iyo caddaaladda, ka hor inta aan si buuxda loo soo afjarin howlgalka gaarka ah ee Qaramada Midoobay.
Danjiraha ayaa sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu sannadkii 2025 ansixiyay qorshaha loogu talagalay in Soomaaliya ay 31-ka Oktoobar 2026 si rasmi ah ula wareegto hawlihii ay UNTMIS ka wadday dalka.
“AU-SOM dalka k**a bixi doonto,” ayuu yiri Aweys, isaga oo xusay in bixitaanka ciidamada Midowga Afrika lagu saleeyn doono hadba sida ay dowladda Soomaaliya ugu diyaar garowdo la wareegidda amniga.
Waxa uu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in ay si buuxda ula wareegto amniga dalka, balse muddada kala-guurka ay ku xirnaan doonto horumarka laga sameeyo dagaallada iyo tayeynta ciidamada Soomaaliyeed.
Aweys ayaa tilmaamay in haddii ciidamada dowladda iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab si wanaagsan loo xoojiyo, ay suuragal tahay in mas’uuliyadda amniga lagu wareego muddo ka gaaban qorshaha hadda la dejiyay, halka haddii xaaladdu sidaas ku sii adkaato ay qaadan karto waqti dheeraad ah.
La-taliyaha amniga qaranka ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha dowladda uusan ku koobnayn amniga oo keliya, balse uu isku xirayo amniga, caddaaladda iyo horumarinta dhaqaalaha, isaga oo ku dooday in saddexdaas arrimood ay yihiin saldhigga xasilloonida Soomaaliya.
Muqdisho 2da Sebteembar 2026 Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Kormeeray Tiyaatarka Qaranka.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa kormeeray xarunta Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo ay ka socotay qiimeyn lagu sameynayo xaaladda xarunta iyo baahiyaha dayactir iyo dib u habeyn.
Kormeerka waxaa goob joog ka ahaa Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdullaahi Cusmaan Guurre iyo xubno ka tirsan maamulka, kuwaas oo Wasiirka iyo injineerada la wadaagay warbixin ku saabsan xaalada xarunta iyo baahiyaha dayactir ee jira.
Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’an tahay dib u dayactirka iyo horumarinta Tiyaatarka Qaranka, si uu mar kale u noqdo xarun qaran oo lagu kobciyo fanka, suugaanta, dhaqanka, wacyigelinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dhawaan la bilaabi doono hawlaha dib u dayactirka iyo dib u habeynta Tiyaatarka Qaranka, si xaruntani mar kale ugu soo noqoto kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahayd nolosha faneed iyo dhaqameed ee dalka.
Muqdisho 2da Sebteembar 2026 Cali Balcad oo wareysi siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in Bayaanka Ankara uu labada dal dib ugu xaqiijiyay ixtiraamka madax-bannaanida, midnimada, madaxbannaanida dhuleednimada midba midka kale. Sida uu sheegay, heshiiskaasi ayaa hadda ah qaabka lagu maamulayo xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wasiiru-dawluhu wuxuu sheegay in Itoobiya ay heli karto marin la isku halayn karo oo ay badda uga soo gasho Soomaaliya, balse arrintaasi ay tahay in lagu saleeyo heshiisyo ganacsi oo labada dhinacba faa’iido u leh, isla markaana lagu fuliyo awoodda iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
“Waxaan markaas bilownay wada-xaajoodyo farsamo oo Itoobiya iyo Soomaaliya u dhexeeya, kuwaas oo uu Turkigu dhexdhexaadinayay,” ayuu yidhi Cali Balcad, isagoo xusay in wada-hadalladaasi ay muujiyeen in la heli karo waddo sharci ah oo lagu dabooli karo baahida Itoobiya ee marin ganacsi oo badeed, iyadoo aan waxba loo dhimayn madax-bannaanida Soomaaliya.Sida uu sheegay, natiijada wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya waxay muujinayaan in danaha Itoobiya ee helitaanka marin badeed lagu xallin karo qaab ganacsi iyo diblomaasiyadeed, halkii lagu fulin lahaa heshiisyo ay Soomaaliya u aragto inay wax u dhimayaan madax-bannaanideed
Belgrade 2da Sebteembar 2026 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay shirka Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn (NAM) oo maanta ka furmay magaalada Belgrade ee dalka Serbia. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunidu wajahayo, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo wadajirka caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in colaadaha, argagixisada, xiisadaha juqraafi-siyaasadeed iyo isbeddelka cimiladu ay yihiin qaar ka mid ah caqabadaha waaweyn ee maanta horyaalla dunida, kuwaas oo u baahan iskaashi iyo xalal wadajir ah.
Xasan Sheekh ayaa shirka uga warramay horumarka Soomaaliya iyo dadaallada dowladda federaalka ee ku aaddan xasilloonida, dib u dhiska hay’adaha dowladeed iyo horumarinta dalka.
Waxa uu uga mahadceliyay bahwadaagta caalamiga ah taageerada ay Soomaaliya si joogto ah u siiyaan, isagoo sheegay in iskaashiga caalamiga ahi uu muhiim u yahay dadaallada dalka loogu dhisayo nabad iyo xasillooni waarta.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale caddeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay mabaadi’da Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn, gaar ahaan dhowrista madaxbannaanida dalalka, midnimada dhuleed, caddaaladda iyo sinnaanta.
Muqdisho 2da Sebteembar 2026 Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, ayaa sheegay in ciidamo la geeyay xarunta baarlamaanka, isla markaana albaabada laga xiray, xilli ay xildhibaannadu isku diyaarinayeen inay bilaabaan kalfadhiga baarlamaanka. Gacal oo BBC uga warramay xaaladda ayaa sheegay in ciidamada weli ay ku sugan yihiin xarunta, isla markaana, sida ay iyagu sheegeen, ay amar ka haystaan Madaxweynaha Galmudug oo lagu joojinayo shaqada baarlamaanka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii ciidamada la keenay ay xildhibaannadu fasaxeen, balse ay markii dambe ogaadeen in amarka lagu xiray xarunta uu ka yimid dhinaca Madaxweynaha Galmudug, waxa uu shaaca ka qaaday in qaar ka mid ah xildhibaannada la xiriiray Madaxweynaha Galmudug ay u sheegeen inuu ku doodayo in doorasho lagu jiro, sidaas darteedna aan loo baahnayn in hay’adaha dastuuriga ah dib loo hawlgeliyo inta arrinta doorashadu taagan tahay.
Hase yeeshee, Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in mowqifkaas uusan waafaqsanayn dastuurka Galmudug, isaga oo xusay in dastuurku dhigayo in hay’adaha dastuuriga ahi ay sii wataan waajibaadkooda ilaa xilka si rasmi ah loogu wareejiyo hay’adaha cusub, Waxa uu iftiimiyay in go'aanno la xiriira arrinta doorashada iyo xukun maxk**adeed oo ay aqbaleen dowladda federaalka iyo guddiga doorashada ay jiraan, kuwaas oo ay tahay in la fuliyo.
Gacal ayaa sheegay in isku darka arrimahaas iyo amarka lagu xiray baarlamaanka ay abuureen xaalad uu ku tilmaamay mid aan caadi ahayn oo ilaa hadda aan xal laga gaarin, waxa uu xusay in ilaa hadda aysan jirin natiijo cad oo ka soo baxday xiriirradii ay xildhibaannadu la sameeyeen Madaxweynaha Galmudug.
“Ilaa hadda ciidamadu way nagu dul sugan yihiin, amar ayayna, sida ay noo sheegeen, ka haystaan Madaxweynaha Galmudug,” ayuu yiri Gacal, Waxa uu sheegay in xaaladda amni ee gudaha baarlamaanka aysan ahayn mid khatar gaar ah ku ah isaga ama xildhibaannada, balse ay istaageen dhaqdhaqaaqii iyo shaqadii baarlamaanka.
Gacal ayaa sidoo kale sheegay inuusan awoodin inuu si toos ah ula xiriiro Madaxweynaha Galmudug, sababo la xiriira ciidamada ku hareeraysan xarunta, waxa uu khilaafka hadda taagan ku xiray muranka doorashada iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug.
Waxa uu sheegay in hay'adihii Galmudug ay muddo ku dhow shan bilood hakad ku jireen, kaddib khilaaf ka dhashay doorashada, taas oo uu sheegay inay ugu dambayn keentay in Madaxweynaha Galmudug uu tanaasul sameeyo, kadibna heshiis laga gaaro arrinta u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug.
Muqdisho 2da Sebteembar 2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni inuu hadalladiisa iyo mowqifkiisa ku dhiirrigelinayo burcad-badeedda inay madax-furasho ka dalbadaan maraakiibta ay afduubtaan. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in warqad uu soo saaray maamulka Puntland ay ku jirto difaac uu ku tilmaamay mid lagu taageerayo burcad-badeedda iyo bixinta lacagaha madax-furashada.
Fiqi ayaa sheegay in tallaabadaas ay fariin khaldan u dirayso kooxaha haysta maraakiibta, taas oo uu sheegay inay ku dhiirrigelin karto inay sii wadaan afduubka iyo dalbashada lacagaha madax-furashada.
“Lacag kasta oo la siiyo burcad-badeedda waxay sii maalgelinaysaa fal-dambiyeedkaas, waxayna ku dhiirrigelinaysaa inay maraakiib kale qabsadaan,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dowladaha ay maraakiibtoodu ku xayiran yihiin xeebaha Soomaaliya in aysan bixin lacag madax-furasho ah, isaga oo sheegay in lacagahaasi ay maalgelinayaan falalka burcad-badeednimada isla markaana ay kooxaha ku dhiirrigelinayaan inay maraakiib kale qabsadaan.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in la helo xal loogu sameeyo maraakiibta iyo doomaha ay burcad-badeeddu gacanta ku hayaan, balse uu ku adkeystay in aan kooxaha la siin lacag ay ku sii wataan howlahooda.
Dhanka kale, Fiqi ayaa Madaxweynaha Puntland ugu baaqay inuu kaalin muuqata ka qaato la dagaallanka burcad-badeednimada, isagoo xusay in Puntland ay leedahay ciidamo badeed iyo ciidamo ku sugan xeebaha oo muddo dheer taageero ka helayay beesha caalamka.

Banaadir Channel waa kanaal warbaahineed oo soo gudbiya wararka Soo...

WARARKA MAANTA 1da Sebteembar 2026 Su’aalaha Maanta:Maxuu kashifay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa?  Yaa shacabka   bacak...
09/01/2026

WARARKA MAANTA 1da Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta:Maxuu kashifay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa? Yaa shacabka bacakiciyey? Yaa dhacay shacabka ? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho 1da Sebteembar 2026 Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta gudbiyay mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh, iyagoo dalbanaya in xilka laga qaado. Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Belgrade kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Serbia, waxaana la filayaa in si rasmi ah uu ula kulmo Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vučić.
Wafdiga Soomaaliya waxaa sidoo kale ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisalaan Cali, oo isna magaalada Belgrade gaaray maanta.
Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirka oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujinaya sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay mabaadi’da aas-aaska u ah Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Xulufada Ahayn, oo ay ka mid yihiin dhowrista madax-bannaanida dowladaha, midnimada dhuleed iyo xalinta khilaafaadka si nabad ah.
Belgrade 1da Sebteembar 2026 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Qatar ay xoojinayaan iskaashigooda amni iyo difaac, isagoo tilmaamay in heshiiska iskaashiga difaaca ee labada dal uu gacan ka geysanayo dhismaha hay’ado amni iyo ciidan Soomaaliyeed oo xooggan oo xirfad leh. Xamsa Cabdi Barre oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Al Sharq ee Qatar ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Qatar uu galay marxalad cusub oo ku dhisan iskaashi istiraatiiji ah, kaas oo ay ku jiraan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, maalgashiga, amniga iyo difaaca.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Belgrade ee caasimadda Serbia, halkaas oo uu Soomaaliya uga qeybgeleyso shirka heerka sare ee Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Xulufada Ahayn (NAM), kaas oo 1-da ilaa 2-da September ka dhacaya dalka Serbia.
Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Belgrade kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Serbia, waxaana la filayaa in si rasmi ah uu ula kulmo Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vučić.
Wafdiga Soomaaliya waxaa sidoo kale ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisalaan Cali, oo isna magaalada Belgrade gaaray maanta.
Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirka oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujinaya sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay mabaadi’da aas-aaska u ah Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Xulufada Ahayn, oo ay ka mid yihiin dhowrista madax-bannaanida dowladaha, midnimada dhuleed iyo xalinta khilaafaadka si nabad ah.
Muqdisho 1da Sebteembar 2026 Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashooyinka isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle Guddiga ayaa sheegay in jadwalkan cusub uu yahay mid lagu beddelay jadwalkii h**e ee 25-kii July 2026, kaas oo doorashada lagu qorsheeyay in la qabto 20-kii Agoosto.
Sida uu dhigayo jadwalka cusub, maalinta codbixinta doorashada waxaa loo asteeyay 30-ka September 2026, iyadoo hawlaha doorashada ay bilaabanayaan horraanta bisha September.
Jadwalka GMDQS ayaa dhigaya in 2 September noqon doonto Shaacinta liiska hordhaca ah ee diiwaankada, 15 September ayaa ah Astaynta iyo shaacinta xarumaha iyo goobaha codbixinta halka 16ka September ay u qorsheeyeen Guddiga Diiwaangelinta iyo qaybinta kaararka codbixiyayaasha.
Qatar 1da Sebteembar 2026 Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso iskaashi muddo dheer ah oo ay la yeelato Qatar iyo dalalka Khaliijka, kaas oo aan ku koobnaan oo keliya maaraynta dhibaatooyinka, balse diiradda lagu saaro maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta, dekedaha, amniga cuntada iyo horumarinta dhaqaalaha.
Xamsa Cabdi Barre ayaa carrabka ku adkeeyay in madax-bannaanida, midnimada iyo dhul-wadaagga Soomaaliya aysan ahayn arrimo laga gorgortami karo, isagoo sheegay in dowladda federaalku ay diiddan tahay tallaabo kasta oo lagu waxyeelleynayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay xaaladda Somaliland, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay weli aaminsan tahay in khilaafaadka gudaha lagu xallin karo wada-hadal ay yeeshaan dhinacyada Soomaaliyeed, Wuxuu sidoo kale ka digay faragelinta dibadda iyo isku day kasta oo lagu doonayo in Soomaaliya loogu sameeyo xaqiiqo siyaasadeed oo cusub.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa mar kale caddeeyay mowqifka Muqdisho ee ku aaddan qorshe kasta oo lagu doonayo in Falastiiniyiin loogu soo raro Soomaaliya, Wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan noqon doonin dal kale oo Falastiiniyiinta lagu dejiyo, isla markaana aysan qayb ka noqon doonin qorshe lagu barakicinayo shacabka Falastiin ama lagu wiiqayo qaddiyaddooda.
Xamsa ayaa sheegay in shacabka Falastiin ay xaq u leeyihiin inay dalkooda ku noolaadaan xorriyad iyo sharaf.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ka hadlay amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isagoo walaac ka muujiyay xiisadaha gobolka iyo saameynta ay ku yeelan karaan maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah, Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay dejinta xiisadaha, wada-hadalka iyo xalalka diblomaasiyadeed, isagoo xusay in amniga marinnada badda uu muhiim u yahay Soomaaliya maadaama ay leedahay xeeb istiraatiiji ah oo ku taalla mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan dunida.
Muqdisho 1da Sebteembar 2026 Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa bilaabay baaritaan hordhac ah oo lagu hayo xubno ka tirsan ciidanka, kuwaas oo lagu eedeeyay inay baraha bulshada ku faafiyeen muuqaal muujinaya tacaddi loo geystay maxbuus dagaal, xilli ay ciidamadu wadeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab. Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in falkaasi uu si cad uga hor imaanayo xeerarka anshaxa ciidamada, nidaamka ciidan iyo shuruucda caalamiga ah ee dagaalka, gaar ahaan kuwa la xiriira ilaalinta xuquuqda maxaabiista.
Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa dhammaan askarta uga digay inay ku kacaan falal noocan oo kale ah, isagoo sheegay in tallaabooyin sharci iyo ciidan oo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ku xadgudubtay xeerarka dagaalka, xuquuqda maxaabiista iyo xuquuqda aadanaha.
Taliska ayaa sidoo kale xusay in baaritaanka socda lagu ogaan doono xaqiiqada dhacdada iyo cidda mas'uulka ka ah falka lagu muujiyey muuqaalka.
Si kastaba ha ahaatee, muuqaal maanta lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay maxbuus ka tirsan Alshabaab oo ay tacaddi xooggan u geysanayaan askar ciidanka dowladda ka tirsan, iyagoo bac madaxa u galinaya oo ku ceejinaya maxbuuska.
Muuqaalkan ayaa si weyn looga carooday, iyadoo ay soo baxeen baaqyo loo jeediyay dowladda oo ah in sharciga la horkeeno askarta falkaan foosha xun sameysay.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Cable News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share