12/12/2025
WARARKA MAANTA 12ka Juun 2024
Su’aalaha Maanta: Yaa soo weeraray ? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub Seddex magaceedu ku bilaawdo “J”? Yaa diiday inay shacabka helaan Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho 12ka Juun 2024 Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta (SFF), Cali Cabdi Maxamed Shiinno, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Tartanka Kubadda Cagta Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uu dib u bilaaban doono bilowga sanadka 2026, kaddib labo sano oo hakad ku yimid.
Shiinno ayaa xaqiijiyay in isku-aadka tartanka la qaban doono 22-ka December 2025, halka kulammada rasmiga ah ay bilaaban doonaan 24-ka January 2026 sida xiriirka uu qorsheenayo.
Madaxweynaha SFF ayaa sheegay in tartanka oo dhan ay si toos ah u maamuli doonto Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, iyadoona Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka ay yeelan doonto taageero farsamo.
Tani waxay muujinaysaa isku-duwid heer qaran ah oo lagu doonayo in tartanka laga dhigo mid nidaamsan oo xirfad leh.
Cali Shiinno ayaa xusay in sanadkan ay markii ugu horreysay ka qaybgali doonto Maamulka Waqooyi Bari, taas oo kor u qaadaysa tirada maamullada tartamaya.
Tartankii ugu dambeeyay ee heer dowlad-goboleed waxa la qabtay January 2024, waxaana ku guuleystay Galmudug, oo ka adkaatay dhiggeeda Banaadir kadib ciyaaro aad u xiiso badan oo ay labada dhinac soo bandhigeen.
Tartankaas waxaa aad loo xusay ciyaaryahannadii dhalinyarada ahaa ee ka soo muuqday, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ku biiray kooxo heer sare ah oo gudaha dalka ka ciyaara.
Tartankaasi waxaa muuqatay in Maamulka Puntland uu doorbiday inuusan ka qaybgelin tartanka, taasoo la sheegay inay sabab u tahay khilaafaad siyaasadeed oo kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hiiraan 12ka Juun 2024 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo galinkii dambe ee Shalay ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan deegaanka Dhoqor oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baledweyne.
Howlgalkan oo ay fuliyeen xubno ka tirsan Macawiisleeyda ayaa la sheegay in lagu dilay laba xubnood oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab.
Ragga fuliyay howlgalkaan oo la sheegay iney ahayeen sadax ruux ayaa ku guuleystay in sidoo kale horay u qaataan hubkii ay wateen labada xubnood ee ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.
Howlgalkan ka dhacay deegaanka Dhoqor oo ku yaala jiinka wabiga Wabiga Shabeelle, islamarkaana Baledweyne qiyaas ahaan u jira 25 KM ayaa si weyn looga hadal haya magaalada Baledweyne iyo nawaaxigeeda.
Ma ahan markii ugu h**eysay oo howlgal noocaan oo kale ah Macawiisleeyda gobolka Hiiraan ku beegsadaan xubnaha kooxda Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.
Ugu dambeyntii howlgalkan ayaa qeyb ka noqonaya howlgalada ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan ay ku beegsanayaan xubnaha Al-shabaab ee dib u qabsaday inta badan deegaanada ku yaala bariga gobolka Hiiraan.
Puntland 12ka Juun 2024 Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, General Muumin Cabdi Shire, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Puntland ay burburiyeen in ka badan boqol xarumood oo ay kooxda Daacish ku lahayd buuraha Calmiskaad.
Taliyaha ciidanka Booliiska oo ka warbixinayay sanad kaddib howlgalka Hillaac, wuxuu tilmaamay in howlgalka lagu baabi’iyay dhammaan dagaalamaayaashii muhiimka u ahaa kooxda Daacish, isagoo xusay in kooxdu ay lumisay ku dhowaad 85% awooddeedii ciidan.
Wuxuu sidoo kale sheegay in la burburiyay hubkii, keydkii, iyo warshadihii khatarta lahaa ee ay kooxda u adeegsan jirtay soo saarista walxaha qarxa iyo qorshaynta weerarrada.
Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in la burburiyay xaruntii ugu khatarta badnayd ee tiknoolojiyadda iyo kiimikada ee kooxda Daacish, taas oo ay ku sugnaayeen khubaro ajnabi ah, kuwaas oo qaarkood si gaar ah loogu soo tababaray howlaha farsamada ee weerarrada.
Muumin Cabdi Shire wuxuu sheegay in Puntland ay waddo dadaal xooggan oo ay kaga hortagayso kooxaha argagixisada, isla markaana ay jiraan waddamo saaxiib ah oo ka caawiyay dhinaca macluumaadka iyo farsamada howlgalka guuleystay.
Ugu dambeyntii, taliyaha ayaa tilmaamay in howlgalladan ay kooxda Daacish geliyeen xaalad sida weyn hoos ugu dhacday awooddii ay h**e u lahayd, isla markaana ay ka baaba’day cabsi badan oo ay bulshada ku abuuri jireen.
Shabelle Hoose 12ka Juun 2024 Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saakay wiil dhalinyaro ahaa loogu deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Ilyaas Cismaan Xasan, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata Moto Fekonta.
Dilka wiilka dhalinyarada ah ayaa lala xariirinaya aargoosi aano qabiil ah, waxaana geystay koox hubeysan oo si deg deg ah dilka kadib goobta uga baxsatay.
Ehelada marxuum Ilyaas Cismaan Xasan ayaa dalbaday in lasoo qabto kooxdii dishay wiilkooda, islamarkaana loo soo taago Maxk**adda si cadaaladda oo mariyo.
Dilka marxuumkan dhalinyarada ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose mudooyinkan dambe xasilooneyd kadib xabad joojin la kala dhex dhigay maleeshiyo beeleed halkaasi ku dagaalamay.
Ma jirto ilaa hada war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka maamulka iyo laamaha amaanka ee deegaanka Yaaqbariweyne oo ku aadan dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka ee markale dib uga soo cusboonaaday Yaaqbariweyne.
Muqdisho 12ka Juun 2024 Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa xalay si rasmi ah u shaaciyay in 20 Urur Siyaasadeed ay soo dhameystireen musharaxiinta kaga qaybgelaysa doorashada Golaha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu soo xirmay hanaankii qabashada ee liiska musharaxiinta.
Waxaa doorashada horaantii sanadkan isku diiwaan geliyay 61 Urur Siyaasadeed, waxaana guddiga doorashooyinka Qaranka uu 24-kii bishii ee sanadkan November ku kordhiyay mudo laba toddobaad ah waqtiga k**a dambeysta ah ee ururadu ku soo gudbin karaan xubnaha ku metelaya doorashada, taasoo ka bilaabaneysay 25-kii November, kuna ekeyd 10-kii December oo ku beegneyd Arbacadii lasoo dhaafay.
“Waxaan si rasmi ah u shaacinaynaa inuu xirmay hanaanka qabashada Liiska Murashaxiinta Ururada Siyaasadda, kaasoo ku bilowday 12, kadibna gaaray 18, ugu dambayna kusoo xirmay 20 Urur Siyaasadeed oo si rasmi ah u soo gudbiyay Liiska Murashaxiintooda Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka Qaranka.
Talaabadan ayaa ah ka dhigan in inta badan Ururada Siyaasadda ay ka hareen ka qayb galka doorashada golaha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir oo lagu wado in 25-ka bishan ay ka qabsoomto Magaalada Muqdisho.
Nairobi 12ka Juun 2024 Shir saddex maalmood ah oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa noqday madal lagu qaabeeyay siyaasadda cusub ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) u dejisay Kormeerka iyo Qiimaynta. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay dalalka taageeray siyaasaddan cusub iyo qaab-dhismeedka hirgelinteeda.
Shirka oo ay ka qeyb galeen khubaro iyo mas’uuliyiin ka kala socday dalalka gobolka, waxaa Soomaaliya u metelay Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Siciid Nuur. Waxa uu madasha ka jeediyay warbixin ku saabsan dadaallada Soomaaliya ay ka sameysay dhisidda nidaam ku dhisan xog iyo dabagal hufan.
Intii shirku socday, dalalka ka qeybgalay ayaa loo soo bandhigay siyaasadda cusub ee Kormeerka iyo Qiimaynta, oo diiradda saareysa sidii wadajir loogu horumarin lahaa isla-xisaabtanka, dabagalka waxqabadka, iyo hagaajinta adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha.
Wufuudda ka kala timid dowladaha gobolka ayaa bogaadiyay ka-qaybgalka firfircoon ee Soomaaliya iyo aragtiyaha ay soo bandhigtay, kuwaas oo lagu tilmaamay kuwo kor u qaaday fahamka ku saabsan dhismaha nidaamyo taageera go’aan qaadasho cad iyo mid maamul oo hufan.
Dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika ayaa ugu dambayn isku raacay in siyaasadda cusub iyo qaab-dhismeedka fulinteeda loo gudbiyo Golaha Wasiirrada ee ururka, si ay u ansixiyaan. Tallaabadan waxaa loo arkaa mid muhiim u ah mideynta iyo xoojinta nidaamka Kormeerka iyo Qiimaynta ee guud ahaan gobolka.
Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.