Somali Digital Report

Somali Digital Report Welcome to the Somali Digital Report!

WARARKA MAANTA 7da Sebteembar 2026 Su’aalaha Maanta::Maxaa ku dhacay Madaxwetbe h**e Xassan? Yaa isbitaal geeyey? Yaa di...
09/07/2026

WARARKA MAANTA 7da Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta::Maxaa ku dhacay Madaxwetbe h**e Xassan? Yaa isbitaal geeyey? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho 7da Sebteembar 2026 Maanta waxaan kulan muhiim ah oo xambaarsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) la yeeshay madaxda ka socotay ururka oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Howlgalka OIC ee Soomaaliya Danjire Mudane Maxamed Bamba M. Boba iyo masuuliyiin kale, waxaana ka wada hadalnay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta iyo taageerada OIC ee Soomaaliya.
Waxaan sidoo kale warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dalka, horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta doorashooyinka Qof iyo cod ee ka qabsoomay qaybo badan oo kamid ah dalka.
Waxaan uga mahadceliyaa OIC taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu taageerayo dowlad-dhiska, nabadda iyo horumarka dalka
Muqdisho 7da Sebteembar 2026 Qaar ka mid ah xubnaha ka qeybgelaya Shirweynaha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (𝐒𝐭𝐫𝐚𝐭𝐞𝐠𝐢𝐜 𝐂𝐨𝐦𝐦𝐮𝐧𝐢𝐜𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐅𝐨𝐫𝐮𝐦 𝟐𝟎𝟐𝟔).
Shirweynahan oo isu keenaya qeybaha kala duwan ee warbaahinta, dowladda, khubaro iyo daneeyayaal kale ayaa diiradda lagu saari doonaa mustaqbalka warbaahinta Soomaaliya iyo doorka isgaarsiinta istiraatiijiga ah ee xilligan casriga ah.
Hal-ku-dhigga Shirweynaha: “Qaabeynta Mustaqbalka Warbaahinta Soomaaliya ee Xilligan Casriga ah”
Muqdisho 7da Sebteembar 2026 Xafiiska EUCAP ee Puntland ayaa si guul leh u soo gabagabeeyay Tababar ku saabsan Isgaarsiinta Raadiyaha Badda, kaas oo loo qabtay 16 sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Badda Puntland, lana qabtay inta u dhaxaysay 24 Agoosto ilaa 3 Sebtembar 2026.
Tababarku waxa uu xoojiyay xirfadaha wax-ku-oolka ah ee ka-qaybgalayaasha ee ku aaddan isgaarsiinta raadiyaha badda, iyadoo lagu bartay Nidaamka Caalamiga ah ee Isgaarsiinta Degdegga ah iyo Badbaadada Badda (GMDSS), nidaamyada raadiyaha VHF, HF iyo MF, qalabka EPIRB-ka ee lagu ogaado laguna diro goobta xaaladaha degdegga ah, qalabka SART ee loogu talagalay Hawlgallada Raadinta iyo Samatabbixinta, NAVTEX, iyo habraacyada isgaarsiinta xaaladaha khatarta, degdegga iyo badbaadada, iyo sidoo kale xeerarka iyo nidaamyada sharciyeed ee khuseeya.
Iyadoo loo marayo layliyo wax-ku-ool ah oo VHF ah, ka-qaybgalayaashu waxay ku dabaqeen habraacyada caadiga ah ee isgaarsiinta xaaladaha hawlgallada joogtada ah iyo kuwa degdegga ah. Dhammaan 16-ka sarkaal waxay heleen Shahaadada Isgaarsiinta Raadiyaha ee Masaafada Gaaban (Short-Range Certificate – SRC), taas oo muujinaysa aqoontooda iyo kartidooda ku aaddan isticmaalka raadiyaha VHF ee isgaarsiinta badda, isla markaana gacan ka geysanaysa xoojinta u-diyaargarowga hawlgallada badbaadada iyo amniga badda ee Puntland.
Isagoo ka hadlay gabagabada tababarka, Khadar oo ka mid ahaa ka-qaybgalayaasha ayaa la wadaagay waayo-aragnimadiisa:
“Tababarku waxa uu kordhiyay kalsoonidayda ku aaddan isticmaalka raadiyaha VHF iyo sida saxda ah ee looga jawaabo isgaarsiinta la xiriirta badbaadada, xaaladaha degdegga ah iyo xaaladaha khatarta. Xirfadahan waxay iga caawin doonaan inaan si wax-ku-ool ah ula xiriiro oo aan isku dubbarido hawlgallada joogtada ah, gaar ahaan marka ay jiraan xaalado degdeg ah iyo hawlgallada raadinta iyo samatabbixinta.”
………..
The EUCAP Field Office Puntland successfully concluded a Maritime Radio Communications Training for 16 Puntland Maritime Police Force (PMPF) officers, held from 24 August to 3 September 2026.
The training strengthened participants’ practical skills in maritime radio communications, covering the Global Maritime Distress and Safety System (GMDSS), Very High Frequency (VHF), High Frequency (HF) and Medium Frequency (MF) radio systems, Emergency Position-Indicating Radio Beacons (EPIRBs), Search and Rescue Transponders (SARTs), NAVTEX, and distress, urgency and safety procedures, alongside relevant legal and regulatory frameworks.
Through practical VHF exercises, participants applied standard communication procedures in routine and emergency scenarios. All 16 officers received the Short-Range Certificate (SRC), demonstrating competence in maritime VHF radio communications and contributing to stronger operational readiness for maritime safety and security in Puntland.
Speaking at the end of the training, trainee Khadar shared his experience: “The training improved my confidence in using VHF radio communications and responding correctly to safety, urgency, and distress communications. These skills will help me communicate and coordinate more effectively during routine operations and, especially, in emergency and search and rescue situations.”
Muqdisho 7da Sebteembar 2026 Golaha Amniga Qaranka Israa’iil ayaa soo saaray digniin cusub oo ku saabsan khataraha amni ee Israa’iiliyiinta iyo Yuhuudda ku wajahan meelaha ka baxsan Israa’iil, oo Somaliland ku jirto, iyaga oo sheegay in Xuutiyiintu ay doonayaan in ay beegsadaan Israa'iiliyiinta u socda Somaliland. Sida ay baahisay i24NEWS, Golaha ayaa sheegay in kooxaha argagixisadu ay kordhiyeen dadaallada ay ku beegsanayaan Israa’iiliyiinta iyo Yuhuudda, iyadoo khatartu ay ka jirto dalal iyo gobollo kala duwan oo caalamka ah.
Goluhu waxa uu Somaliland, Urdun, Qatar iyo Masar, oo ay ku jirto Jasiiradda Sinai, ku daray dalalka leh heerka 4-aad ee digniinta safarka, isaga oo kula taliyay muwaadiniinta Israa’iil inay gebi ahaanba ka fogaadaan dalalkan iyo goobahan.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in kooxo ay ka mid yihiin Xisbullah, Xamaas, Daacish iyo Al-Qaacida ay weli wadaan hanjabaado iyo baaqyo ka dhan ah Israa’iiliyiinta iyo Yuhuudda.
Golaha ayaa intaa ku daray in Xuutiyiintu ay sidoo kale ku baaqeen in la waxyeelleeyo Israa’iiliyiinta ku sugan Somaliland iyo meelo kale oo Afrika ah, taas oo ay ku sababeeyeen joogitaanka Israa’iil ee qaaradda.
Digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Golaha Amniga Qaranka Israa’iil uu sheegay in ay dunida ka kordheen weerarrada ay fuliyaan shaqsiyaad kaligood ah oo badhtilmaameedsanaya Israa’iiliyiin iyo Yuhuud.

Jubbaland 7da Sebteembar 2026 Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Kismaayo, xarunta ku-meelgaarka ah ee Jubaland, iyagoo muujiyay caro ka dhan ah Dowladda Turkiga, kaddib dhacdadii ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo. Dibadbaxayaasha ayaa ku eedeeyay Turkiga inuu ku lug lahaa duqeyn diyaaradeed oo la sheegay in lagu bartilmaameedsaday taliyaha sare ee ciidamada, General Mahad Abdirahman Aden, oo loo yaqaan General Shub.
Qaar ka mid ah dadka bannaanbaxa dhigay ayaa gubay calanka Turkiga, halka kuwo kale ay siteen sawirro lagu muujinayay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo gacmihiisa dhiig lagu sawiray. Qaar ka mid ah boorarka ay wateen dibadbaxayaashu waxaa ku qornaa: “Uma baahnin Erdoğan.”
Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo muujinaya isbeddelka dareenkooda ku aaddan Türkiye.
“Waxaan horay u jeclayn Erdoğan iyo Türkiye, laakiin hadda waan necbannahay,” ayay ku dhawaaqeen qaar ka mid ah dibadbaxayaasha.
Waxay sidoo kale cambaareeyeen waxa ay ku tilmaameen isku day lagu doonayay in lagu dilo General Shub, iyagoo sheegay in diyaarado militari oo Turki ah loo adeegsaday hawlgalka.
Mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland iyo siyaasiyiin dhaliilsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa h**ey u sheegay in diyaaradaha ku lug lahaa dhacdada Doolow ay ahaayeen kuwo ay maamusho ama ka yimid Türkiye.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa, dhankeeda, beenisay in duqeyn cirka ah ay ka dhacday goobta lagu sheegay dhacdada, halka Dowladda Turkiga aysan si rasmi ah u xaqiijin wax ku lug lahaansho ah.
Dhanka kale, in ka badan kun qof oo ka tirsan bulshada degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa isugu soo baxay bannaanbax ay kaga soo horjeedaan waxa ay ku tilmaameen faragelin shisheeye iyo ku lug lahaanshaha Turkiga ee arrimaha gudaha Soomaaliya.
Dibadbaxayaasha ayaa ku baaqay in la ilaaliyo madax-bannaanida, midnimada iyo go'aanka shacabka Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in arrimaha gudaha dalka ay tahay in Soomaalidu si madax-bannaan uga tashato.
Bannaanbaxyadan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo muranka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland, gaar ahaan arrimaha la xiriira Gedo, amniga iyo khilaafka siyaasadeed ee dalka.
Wasiirka Haweenka Jubaland ayaa sheegay in maamulka uusan aqbali doonin weerarro ay fulinayaan diyaarado ay leeyihiin dalal shisheeye.
“Ma aqbalayno in dadkeenna iyo deegaankeenna lagu soo weeraro diyaarado ay leeyihiin dalal shisheeye,” ayay tiri.
Wasiirka Warfaafinta Jubaland ayaa isna sheegay in maamulka uu ka hortagi doono waxa uu ku tilmaamay duullaan lagu soo qaadayo Jubaland.
“Duullaan nooc walba leh oo Jubaland lagu soo qaado horay ayaa loogu fashilmay, haddana waa lagu fashilmay. Idanka Alle, Xasan iyo xulafadiisa waan ka guulaysan doonnaa,” ayuu yiri.
Guddoomiyaha degmada Kismaayo ayaa sheegay in shacabka iyo maamulka Jubaland ay diyaar u yihiin inay difaacaan jiritaanka dowladnimada Jubaland iyo waxa uu ku tilmaamay sharafkooda.
Wasiirka Amniga Jubaland ayaa dhankiisa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay wiiqday dowladnimadii iyo wax-wada-lahaanshihii dalka, isagoo sheegay in Jubaland ay diyaar u tahay inay iska difaacdo dowladda dhexe iyo waxa uu ku tilmaamay “gumaystaha cusub”.
Dibadbaxyada Kismaayo iyo Afmadow ayaa muujinaya sida ay dhacdada Doolow u saameynayso aragtida qaybo ka mid ah bulshada Jubaland ee ku aaddan Türkiye.

Muqdisho 7da Sebteembar 2026 Markabka dagaalka ee Ciidamada Badda Türkiye TCG Göksu (F-497) ayaa ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, iyadoo markabkan uu qeyb ka yahay Kooxda Hawlgalka Ciidamada Badda Türkiye ee Soomaaliya (Somali Turkish Naval Task Group). Markabkaan ayaa Muqdisho soo gaaray Sabtidii, 5 Sebtembar, isla markaana uu ku xirtay Dekedda Muqdisho.
Sidoo kale, Safaaradda Türkiye ee Muqdisho ayaa maanta sheegtay inay booqatay TCG Göksu, iyadoo safaaraddu ku tilmaantay markabka inuu yahay qayb ka mid ah Taliska Kooxda Hawlgalka Ciidamada Badda Türkiye ee Soomaaliya, waxayna kulan la yeelatay ciidamada badda ee Turkish-ka ee saaran markabka.
Markabkaan TCG Göksu h**ey ayuu uga mid noqday maraakiibta Türkiye ee ilaalinaya hawlgallada badda Soomaaliya, Bishii July 2026, Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay xaqiijisay in TCG Göksu, TCG Gelibolu iyo TCG Bartın ay ilaalinayeen markabka shidaal-baarista Çağrı Bey iyo maraakiibta taageerada ee Korkut, Altan iyo Sancar.
Hawlgalku wuxuu la xiriiraa baaritaanka shidaalka Soomaaliya ee Curad-1, oo ka socda xeebaha Soomaaliya.
Soo noqoshada TCG Göksu ee Muqdisho waxay ku soo beegmaysaa xilli xiriirka difaaca, amniga badda iyo tamarta ee Soomaaliya iyo Türkiye uu sii xoogeysanayo, Türkiye waxay sidoo kale dhawaan kordhisay muddada howlgalka ciidamadeeda ee Soomaaliya laba sano oo kale, taasoo u oggolaanaysa inay sii waddo taageerada milatari iyo tababarka ciidamada Soomaaliya
Muqdisho 7da Sebteembar 2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay dib-u-soo-noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacay xeebaha Puntland, iyadoo sheegtay in tan iyo bishii Agoosto 2026 ay kordheen weerarrada lagu qaadayo maraakiibta ganacsiga ee ku sugan Gacanka Cadmeed. Dowladdu waxay sheegtay in weerarradaasi ay khatar ku yihiin maraakiibta iyo shaqaalahooda, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah oo aan shuruud ku xirnayn loo sii daayo dhammaan badmaaxiinta gacanta ugu jira kooxaha burcad-badeedda.
Ciidamada Soomaaliya ayaa sii wada hawlgallada ka dhanka ah shabakadaha burcad-badeedda ee ka howlgala badda iyo berriga. Hawlgalkii ugu dambeeyay ee arrintan la xiriira ayaa dhacay 29-kii Agoosto, kaas oo lagu xoreeyay markabka xamuulka ee MV Lutuf, iyadoo ciidamada Soomaaliya ay iska kaashadeen hawlgalkaas.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay inay sii wadi doonto Dowladda iskaashiga dhinaca amniga badda, ayna doonayso in la xoojiyo isku-duwidda hay’adaha amniga iyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya, si wax looga qabto dhibaatada burcad-badeednimada.
Waxay sidoo kale soo dhaweysay taageerada dalalka saaxiibka ah ee dhinaca amniga badda, iyadoo ku baaqday in la qaado tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu ilaalinayo sharciga Soomaaliya, laguna xakameynayo kalluumaysiga sharci-darrada ah iyo falalka kale ee wax u dhimaya amniga iyo xuquuqda madaxbannaanida Soomaaliya.
Ugu dambayn, Wasaaradda waxay ku baaqday in la xoojiyo heshiiska iyo iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka burcad-badeednimada, iyadoo sheegtay in dhammaan dhinacyada ay tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo burburin lahaa shabakadaha burcad-badeedda, loona xaqiijin lahaa in xeebaha Soomaaliya ay noqdaan kuwo ammaan u ah maraakiibta iyo isu-socodka badda.

Nyd de videoer og den musik, du holder af, upload originalt indhold, og del det hele med venner, familie og verden på YouTube.

WARARKA MAANTA 6da Sebteembar 2026 Su’aalaha Maanta::Maxuu yahay shirka isgaarsiinta ah ee   ka furmaya? Yaa shirkan isg...
09/06/2026

WARARKA MAANTA 6da Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta::Maxuu yahay shirka isgaarsiinta ah ee ka furmaya? Yaa shirkan isgaarsiinta lacag mashruuc ku cunnaaya? Yaa dhacay shacabka ? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho 6da Sebteembar 2026 Marka aan dagaalka ku jirno, waa in aan maanka ku haynaa in waxa la isku haysto ay tahay quluubta iyo maskaxda shacabka, qofkii quluubta shacabka hanta ayaa dagaalka ku guulaysanaya, Sidaas darteed, ilaalinta badqabka rayidka waxay qayb ka tahay guusha; guuldarraduna waxay bilaabataa marka badqabka rayidku meesha ka baxo, shacabkuna kaa fogaado."
— Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud
Addis Sababa 6da Sebteembar 2026Soomaaliya oo noqotay dalka 50-aad ee ku biira AfCFTA
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya si rasmi ah ugu gudbisay Midowga Afrika dukumentiga ansixinta Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).
Wasiirku wuxuu sheegay in tallaabadan ay Soomaaliya ka dhigeyso dalka 50-aad ee xubin rasmi ah ka noqda Heshiiska AfCFTA, isaga oo ku tilmaamay arrin taariikhi ah oo muhiim u ah kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga dalka.
Sida uu wasiirku sheegay, heshiisku wuxuu ganacsatada Soomaaliyeed u abuuri karaa fursado cusub oo ay ku gaaraan suuqyada dalalka Afrika, iyadoo dowladda ay hadda diiradda saari doonto hirgelinta waajibaadka heshiiska iyo u diyaarinta ganacsatada Soomaaliyeed sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen fursadaha uu abuurayo
Muqdisho 6da Sebteembar 2026 Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryam Qasim Ahmed, ayaa magacaawday Agaasime-waaxeedyada hoos ku xusan:
• Maqdis Cabdullaahi Cumar – Agaasimaha Waaxda Kormeerka, Cilmi-baarista iyo Warbixinnada
• Maxamed Xasan Abshir – Agaasimaha Waaxda Ilaalinta, Horumarinta iyo Tababarka Xuquuqul Insaanka
• Cabdirisaaq Xasan Macallin – Agaasimaha Waaxda Cabashooyinka, Baaritaannada iyo Adeegyada Sharciga
• Cabdiraxmaan Aadan Maxamed – Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo (ICT)
Guddoomiyaha waxay kula dardaarantay Agaasime-waaxeedyada cusub inay waajibaadkooda u gutaan si hufan oo xilkasnimo leh, una hoggaansamaan mabaadii’da daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo madaxbannaanida Guddiga, si loo xoojiyo doorka Guddiga ee ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee dalka
Muqdisho 6ta Sebteembar 2026 WASIIRKA GAASHAANDHIGGA IYO TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO KA QAYB GALAY KULAN LOOGA HADLAYAY ILAALINTA BADQABKA RAYIDKA
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka qayb galay kulan ay soo agaasintay Wasaaradda Gaashaandhigga, kaas oo looga hadlayay xoojinta ilaalinta badqabka iyo amniga shacabka rayidka ah xilliyada ay socdaan howlgallada ciidanka iyo colaadaha hubeysan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa tallaabooyinka lagu ilaalinayo dadka rayidka ah, iyadoo la dhowrayo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo masuuliyadda ciidanka ee ilaalinta shacabka.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada lagu wacyigeliyo ilaalinta xuquuqda rayidka, gaar ahaan xilliyada ay socdaan howlgallada amni iyo kuwa ka dhanka ah kooxaha hubeysan.
Maraykanka 6da Sebteembar 2026 Maraykanka ayaa la sheegay inuu kordhinayo hawlgallada cirka iyo joogitaankiisa militari ee Puntland, iyadoo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ay 3-dii Sebtembar hawlgallo sahamin ah ka sameeyeen buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari. Sida ay saraakiil amni oo Puntland ah u sheegeen warbaahinta Drop Site, diyaaradaha ayaa hawlgallo ka fuliyay deegaannada Togga Miraale iyo Togga Baalade, kuwaas oo loo arko goobo ay ku xooggan yihiin dagaalyahannada kooxda ISIS.
Saraakiishu waxay sheegeen in diyaaradaha Maraykanku ay gudaha Togga Baalade ku arkeen dagaalyahanno looga shakisan yahay ISIS oo la socday gaari dameer, kaddibna ay duqeymo ka fuliyeen agagaarka deegaanka abbaaro 8:30 fiidnimo.
Hawlgalladan ayaa imanaya xilli Washington ay qorsheynayso inay ballaariso saldhig militari oo cusub oo laga dhisayo magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen saraakiisha amniga Puntland.
Qorshaha saldhigga ayaa lagu dhawaaqay kaddib kulan 2-dii Agoosto magaalada Boosaaso ku dhexmaray Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayay Taliyaha Hawlgallada Gaarka ah ee AFRICOM, Major General Claude Tudor.
War kasoo baxay Puntland ayaa sheegay in Maraykanku ballaarin doono saldhiggiisa Boosaaso si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan iyo amniga badda ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Hase yeeshee, shan sarkaal oo amni oo Puntland ah ayaa Drop Site u sheegay in heshiisku ka weyn yahay sida lagu sheegay bayaanka rasmiga ah, ayna tahay in saldhigga cusub uu si toos ah uga howlgalo Boosaaso.
Sida ay saraakiishu sheegeen, Maraykanku hadda Boosaaso wuxuu ku leeyahay xafiis ay adeegsadaan AFRICOM iyo CIA, kaas oo isku xira ciidamada Puntland iyo xarunta AFRICOM ee Jabuuti marka loo baahdo taageero cirka ah.
Marka saldhigga cusub la dhammeeyo, saraakiishu waxay sheegeen in diyaaradaha Maraykanku ay duqeymaha iyo hawlgallada sahanka si toos ah uga bilaabi doonaan Boosaaso.
Buuraleyda Cal-Miskaad ayaa muddo ku dhow laba sano waxaa ka socday dagaal u dhexeeya ciidamada Puntland oo taageero ka helaya Maraykanka iyo dagaalyahannada ISIS.
Maraykanka ayaa xilligan kordhiyay duqeymaha iyo hawlgallada uu ka fulinayo Soomaaliya, iyadoo kooxda ISIS ay weli qaybo ka mid ah buuraha ku leedahay saldhigyo ay ku dhuumato.
Sida laga soo xigtay xogta New America ee lagu xusay warbixinta, Maraykanku wuxuu Soomaaliya ka fuliyay 205 duqeyn intii uu Donald Trump bilaabay muddadiisa labaad ee madaxtinimada, waxaana 53 boqolkiiba duqeymahaasi lala beegsaday ISIS.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Maraykanku qorsheynayo samaynta ciidan cusub oo maxalli ah oo ka howlgala Puntland, kaas oo la dagaallami doona kooxaha argigixixisada.
Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in Maraykanku uu mas'uul ka noqon doono mushaharka, qalabaynta iyo tababarka ciidamadaas, inkastoo tiradooda aan weli la go'aamin.
Qorshaha saldhigga cusub ee Boosaaso ayaa sidoo kale dhaliyay su'aalo la xiriira awoodda Puntland ee heshiisyada militari ee lala galo dalalka shisheeye.
Warbixintu waxay xustay in dastuurka Soomaaliya uu dhigayo in dowladda federaalka ay leedahay awoodda saxiixa heshiisyada ay Soomaaliya la gasho dowladaha iyo hay'adaha shisheeye.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 5ta Sebteembar 2026 Su’aalaha Maanta::Maxay Dowladda u inkirtay diyaarad ay ku weerartay guriga Taliye Sh...
09/05/2026

WARARKA MAANTA 5ta Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta::Maxay Dowladda u inkirtay diyaarad ay ku weerartay guriga Taliye Shubka? Maxaa ka socda Baydhabo? Maxuu ku fashilmay shirkii amniga ee ka socda? Yaa fashilay shirka amniga ee ka furmay? Maxay Madaxweyne h**e Xassan Iyo Raysal Wasaare h**e Xamsa u diideen inay furaan shirka amniga? Yaa dhacay shacabka ? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa kashifay mashuucyadii Shirkad ah Iyo Bangida Adduunka lagac lagu cunni jiray magaca ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Midowga Afrika 5ta Sebteembar 2026 Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa saaka xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ku qaabilay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo booqasho salaan iyo xushmad ah ku tagay xarunta. Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa Soomaaliya ugu hambalyeeyay ansixinta heshiiska lagu dhisay Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya ku xoojinaysa ka mid noqoshada suuqa qaaradda iyo horumarinta is-dhexgalka dhaqaale ee Afrika.
Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay fursado waaweyn oo ay kaga qayb qaadan karto ganacsiga iyo maalgashiga gudaha Afrika, isaga oo xusay taariikhda dheer ee ganacsi ee Soomaaliya, firfircoonida ganacsatada Soomaaliyeed iyo xiriirrada ganacsi ee taariikhiga ah ee ay Soomaaliya la leedahay dalalka Afrika iyo meel ka baxsan qaaradda.
Guddoomiyuhu sidoo kale wuxuu ammaanay horumarka Soomaaliya ay ka samaysay dhinacyada nabadda, amniga iyo xasillinta dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in nabad iyo xasillooni waarta ay muhiim u yihiin in Soomaaliya ay ka faa’iidaysato awooddeeda dhaqaale, horumar loo dhan yahay iyo is-dhexgalka gobolka.
Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa Guddoomiyaha Midowga Afrika warbixin ka siiyay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga ee Geeska Afrika, kaas oo Addis Ababa lagu qabtay, iyadoo lagu saleeyay qaabka Hindisaha Geeska Afrika.
Shirka waxaa ka qayb galay wasiirrada ganacsiga ee Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Koonfurta Suudaan, halka Suudaan iyo qaar ka mid ah hay’adaha horumarinta ay sidoo kale wakiillo ku lahaayeen.
Wasiirradu waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee gobolka, waxaana la isla eegay diyaarinta khariidad waddo oo lagu fududeynayo ganacsiga iyo samaynta hannaan isku-xirnaan goboleed oo wax looga qabanayo caqabadaha hortaagan ganacsiga.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyay horumarka ka socda dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin kororka kalsoonida maalgashadayaasha iyo kordhinta maalgashiga shisheeye.
Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay horumarradaasi, isaga oo sheegay in xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka iyo isku-xirka ganacsigu ay yihiin tiirar muhiim u ah nabad, xasillooni iyo barwaaqo waarta oo ka hanaqaadda Geeska Afrika.
Dhankiisa, Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa uga mahadceliyay Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee uu siiyo dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan xasillinta dalka.
Wasiirku wuxuu sidoo kale bogaadiyay dalalka ciidamada ku tabaruca howlaha nabad ilaalinta Soomaaliya, isagoo ku ammaanay dadaalkooda iyo naf-hurnimadooda ay ku bixiyaan taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay sii hesho taageerada Midowga Afrika iyo beesha caalamka, iyadoo dalka uu ku howlan yahay inuu si tartiib-tartiib ah ula wareego mas’uuliyad iyo lahaanshaha buuxa ee amniga qaranka iyo xasillinta dalka.
Puntland 5ta Sebteembar 2026 Maraykanka ayaa la sheegay inuu kordhinayo hawlgallada cirka iyo joogitaankiisa militari ee Puntland, iyadoo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ay 3-dii Sebtembar hawlgallo sahamin ah ka sameeyeen buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari. Sida ay saraakiil amni oo Puntland ah u sheegeen warbaahinta Drop Site, diyaaradaha ayaa hawlgallo ka fuliyay deegaannada Togga Miraale iyo Togga Baalade, kuwaas oo loo arko goobo ay ku xooggan yihiin dagaalyahannada kooxda ISIS.
Saraakiishu waxay sheegeen in diyaaradaha Maraykanku ay gudaha Togga Baalade ku arkeen dagaalyahanno looga shakisan yahay ISIS oo la socday gaari dameer, kaddibna ay duqeymo ka fuliyeen agagaarka deegaanka abbaaro 8:30 fiidnimo.
Hawlgalladan ayaa imanaya xilli Washington ay qorsheynayso inay ballaariso saldhig militari oo cusub oo laga dhisayo magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen saraakiisha amniga Puntland.
Qorshaha saldhigga ayaa lagu dhawaaqay kaddib kulan 2-dii Agoosto magaalada Boosaaso ku dhexmaray Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayay Taliyaha Hawlgallada Gaarka ah ee AFRICOM, Major General Claude Tudor. War kasoo baxay Puntland ayaa sheegay in Maraykanku ballaarin doono saldhiggiisa Boosaaso si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan iyo amniga badda ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Hase yeeshee, shan sarkaal oo amni oo Puntland ah ayaa Drop Site u sheegay in heshiisku ka weyn yahay sida lagu sheegay bayaanka rasmiga ah, ayna tahay in saldhigga cusub uu si toos ah uga howlgalo Boosaaso.
Sida ay saraakiishu sheegeen, Maraykanku hadda Boosaaso wuxuu ku leeyahay xafiis ay adeegsadaan AFRICOM iyo CIA, kaas oo isku xira ciidamada Puntland iyo xarunta AFRICOM ee Jabuuti marka loo baahdo taageero cirka ah.
Marka saldhigga cusub la dhammeeyo, saraakiishu waxay sheegeen in diyaaradaha Maraykanku ay duqeymaha iyo hawlgallada sahanka si toos ah uga bilaabi doonaan Boosaaso.
Buuraleyda Cal-Miskaad ayaa muddo ku dhow laba sano waxaa ka socday dagaal u dhexeeya ciidamada Puntland oo taageero ka helaya Maraykanka iyo dagaalyahannada ISIS.
Maraykanka ayaa xilligan kordhiyay duqeymaha iyo hawlgallada uu ka fulinayo Soomaaliya, iyadoo kooxda ISIS ay weli qaybo ka mid ah buuraha ku leedahay saldhigyo ay ku dhuumato.
Sida laga soo xigtay xogta New America ee lagu xusay warbixinta, Maraykanku wuxuu Soomaaliya ka fuliyay 205 duqeyn intii uu Donald Trump bilaabay muddadiisa labaad ee madaxtinimada, waxaana 53 boqolkiiba duqeymahaasi lala beegsaday ISIS.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Maraykanku qorsheynayo samaynta ciidan cusub oo maxalli ah oo ka howlgala Puntland, kaas oo la dagaallami doona kooxaha argigixixisada.
Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in Maraykanku uu mas'uul ka noqon doono mushaharka, qalabaynta iyo tababarka ciidamadaas, inkastoo tiradooda aan weli la go'aamin.


Muqdisho 5ta Sebteembar 2026 Madaxweynayaashii h**e ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul uga hadlay duqeyn habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo, taas oo lagu bartilmaameedsaday hoyga uu halkaasi ka deggenaa Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, taliyihii h**e ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in weerarka uu ahaa isku day lagu khaarajinayay Jeneraal Mahad, isaga oo si toos ah ugu eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ka dambeysay weerarka.
Madaxweynihii h**e ayaa sheegay in weerarku uu qayb ka yahay waxa uu ku tilmaamay “shirqoolo siyaasadeed oo si weyn loo abaabulay”, isagoo ku baaqay in hay’adaha ammaanka aysan ku lug yeelan khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.
Shariif ayaa sidoo kale cambaareeyay khasaaraha ka dhashay duqeynta, isaga oo ka digay in falalka noocan ah ay sii xoojin karaan khilaafaadka siyaasadeed isla markaana dhaawici karaan kalsoonida beesha caalamka ee ku aaddan dadaallada dib u dhiska hay’adaha ammaanka Soomaaliya.
Dhanka kale, madaxweynihii h**e Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu dhaawac kasoo gaaray weerarka drone-ka ee lagu qaaday hoygiisa. Farmaajo ayaa ku tilmaamay weerarka mid dhaawacaya dadaallada dowlad-dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay dowladda in si degdeg ah loo sameeyo baaritaan madax-bannaan oo lagu xaqiijinayo cidda ka dambeysay weerarka iyo ujeeddadiisa.
“Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed waa mid siyaasadeed, waxaana xal looga raadin karaa wadahadal iyo dib u heshiisiin,” ayuu yiri Farmaajo, isaga oo ka digay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo tallaabooyin rabshado wata ama beegsi siyaasadeed.
Weerarka Doolow ayaa kusoo beegmaya xilli uu dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed oo xooggan, gaar ahaan xaaladda Koonfur Galbeed iyo murannada u dhexeeya dowladda federaalka iyo dhinacyada siyaasadeed ee ka aragtida duwan.
Labada madaxweyne ee h**e waxay ku baaqeen in dhacdada Doolow lagu sameeyo baaritaan hufan oo madax-bannaan, si loo ogaado xaqiiqada weerarka, cidda ka dambeysay iyo mas’uuliyadda ka dhalan karta.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Digital Report posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share