SNTV Live

SNTV Live Welcome to the SNTV Live. This Page is Official Property of the Somali Media Empire (SME), & it's pa

WARARKA MAANTA 14ka Sebteembar 2026 Su’aalaha Maanta::Yaa Abgaal yiri waa dad-qalato? Maxuu Raysal Wasaare h**e Xamsa u ...
09/14/2026

WARARKA MAANTA 14ka Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta::Yaa Abgaal yiri waa dad-qalato? Maxuu Raysal Wasaare h**e Xamsa u yiri dadka dilay wiilkii askariga ahaa waa dad-qalato? Yaase boobsuy shacabka ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho 14ka Sebteembar 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda u Aqoonsaday Wasaaradda Labaad ee Ugu Waxqabadka Wanaagsan Xukuumadda DanQaran
Muqdisho, Soomaaliya | 14 Sebtembar 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Shiikh, ayaa guddoonsiiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Cabdisalaani, abaalmarin lagu maamuusaayo in Wasaaradda ay tahay Wasaaradda labaad ee ugu waxqabadka wanaagsan Dowladda Federaalka Soomaaliya sannadkan.
Abaalmarintaan ayaa lagu bixiyey bandhigga sanadlaha ah ee isla xisaabtanka dowladda, kaas oo lagu qiimeynayey waxqabadka hay’adaha dowladda iyo heerka ay ku fuliyeen qorshayaashii iyo bartilmaameedyadii loo dejiyey sannadka 2026.
Madaxweynaha ayaa Wasiirrada ku boorriyey inay sii xoojiyaan waxqabadka, isla markaana ay ka faa’iideystaan natiijooyinka la gaaray sannadkaan.
Wasiir Abdisalaan Cabdi Cali ayaa abaalmarintaan u hibeeyay dhammaan shaqaalaha Wasaaradda iyo Safaaradaha iyo Ergooyinka Soomaaliya ee dibadda, isaga oo ku tilmaamay abaalmarintaan mas’uuliyad ka weyn inay tahay guul la gaaray.
Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in Wasaaraddu sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinaayo siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo u adeegidda muwaadiniinta Soomaaliyeed gudaha dalka iyo dibaddiisaba.
Muqdisho 14ka Sebteembar 2026 Ganacsatada Soomaaliya ayaa bilaabay inay raadiyaan marinno kale oo maraakiibta ah, iyadoo xiisadaha amni ee ka taagan marinka Bab al-Mandab iyo marin-biyoodka Hormuz ay saameyn ku yeesheen isu-socodka badeecadaha iyo ganacsiga gobolka. Shirkadaha Soomaaliyeed ayaa caadiyan badeecooyinka uga soo dhoofsada Aasiya iyagoo sii mara dalalka Khaliijka sida Imaaraadka Carabta, Cumaan iyo Sacuudiga. Hase yeeshee, qaar ka mid ah ganacsatada ayaa hadda isku dayaya inay adeegsadaan marinno toos ah, iyadoo xiisadaha gobolka ay kordhiyeen walaaca laga qabo isu-socodka xamuulka.
“Xiisadaha ka jira marinka Bab al-Mandab iyo sidoo kale kuwa ka jira marinka Hormuz ayaa si xun noo saameeyay,” ayuu yiri Maxamed Cali Nuur, Maareeyaha Dekedda Muqdisho. Wuxuu sheegay in dekeddu ay tallaabooyin qaaday si looga fogaado carqaladahaas, isla markaana ay dhoofiyeyaasha kala shaqeysay sidii loo heli lahaa marinno kale.
“Markii ugu horreysay, waxaan si toos ah uga keenay Sri Lanka markab siday sonkor,” ayuu yiri, isagoo xusay in tallaabadan ay noqon karto istiraatiijiyad ka dhalatay xiisadaha gobolka.
Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay iyo Sacuudiga ayaa muddo 12 sano ah dagaal kula jiray Xuutiyiinta. Xiisaddii ugu dambeysay ee colaadda ayaa soo afjartay xabbad-joojin inta badan joojisay dagaalladii sokeeye ee Yemen tan iyo 2022. Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa Axaddii sheegay in in ka badan 85,000 oo qof ay barakaceen tan iyo bilowgii bishan, iyadoo in ka badan 2,000 oo qof ay gaareen Jabuuti oo deris la ah Soomaaliya.
Dekedda Muqdisho oo ah mid mashquul badan ayaa weli qaabilaysa maraakiib sida raashinka iyo badeecooyinka kale. Soomaaliya waxay si weyn ugu tiirsan tahay ganacsiga badda si ay u hesho badeecooyin badan oo maalinle ah. Isbeddellada ku yimaada marinno maraakiibta ayaa ugu dambayn saameyn kara suuqyada gudaha, maadaama safarro dheer ama marinno adag ay sababi karaan kororka kharashaadka gaadiidka iyo dib-u-dhacyo.
Kabtan Cali Jemdi, oo asal ahaan ka soo jeeda Suuriya kana shaqeeya daabulka xamuulka sonkorta, ayaa sheegay in hubanti la’aanta ka jirta gobolka ay walaac ku abuurtay maraakiibta isticmaasha marinno ganacsi oo muhiim ah.

Eritrea 14ka Sebteembar 2026 Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Osman Saleh, ayaa sheegay in dalkiisu walaac ka qabo qorshe kasta oo Israa’iil ay joogitaan milatari ka samaysato Somaliland, isaga oo su’aal geliyey sababta ay Israa’iil u doonayso saldhig milatari oo ku yaalla Geeska Afrika. Saleh oo wareysi gaar ah siiyey Middle East Eye (MEE) ayaa sheegay in Eritrea ay aragto isu-soo-dhawaansho sii kordhaya oo u dhexeeya Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta, gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha Geeska Afrika. Wuxuu sheegay in labada dhinac ay h**e ugu midoobeen danahooda Somaliland.
“Waxay h**e ugu midoobeen Somaliland,” ayuu Saleh u sheegay MEE, isaga oo xusay in mas’uuliyiinta Somaliland ay si furan u muujiyeen xiisaha ay u qabaan joogitaan milatari oo Israa’iil ku yeelato Somaliland.
“Waa inaan isweydiinnaa sababta ay Israa’iil ugu ordayso inay gacanta ku dhigto Geeska Afrika? Maxay ugu baahan tahay saldhig Somaliland ku yaalla?” ayuu yidhi Saleh.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Eritrea ay h**e u diidday joogitaanka safaaradda Israa’iil ee Asmara, isaga oo xusay in go’aankaasi aanu ka dhignayn in Eritrea ay colaad u qabto Israa’iil, balse ay ahayd doorasho siyaasadeed oo ay qaadatay.
“Waxaan go’aansannay inaanan doonayn safaaraddooda halkan. Annagu Israa’iil colaad uma qabno, laakiin waxaan go’aansannay inaanan ka doonayn wax xidhiidh ah,” ayuu Saleh yidhi.
Dhinaca kale, Saleh wuxuu si adag u dhaliilay joogitaanka Imaaraadka Carabta ee dekedaha gobolka, isaga oo ku eedeeyay Abu Dhabi inay Afrika ka waddo waxa uu ku tilmaamay “gumaysi dhinaca dekedaha ah”. Wuxuu sheegay in Imaaraadku uu dano ganacsi iyo kuwo milatari ku leeyahay meelo kala duwan oo gobolka ah, oo ay ku jirto Berbera.
“Waa maxay sababta Imaaraadku dekedo ugu leeyahay meel kasta oo gobolka ah?” ayuu Saleh yidhi, isaga oo su’aal geliyey in ujeeddadu tahay oo keliya dhaqaale.
Warbixinta MEE waxay xustay in shirkadaha Imaaraadka ee DP World iyo AD Ports ay dano ama maamul ku leeyihiin xarumo dekedood oo ku yaalla dalal iyo deegaano ka tirsan gobolka, oo ay Somaliland ka mid tahay. Imaaraadku, dhinaciisa, wuxuu h**e u diiday eedeymaha sheegaya inuu Afrika ka wado qorshe “gumaysi” ah.

Muqdisho 14ka Sebteembar 2026 Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa ku dhawaaqay inuu soo gabagabeynayo shaqadiisii Muqdisho, isagoo sheegay inuu u gudbayo xil cusub oo uu ka qaban doono magaalada Skopje ee Waqooyiga Macedonia. Aktaş oo safiir ka ahaa Soomaaliya tan iyo Maarso 2024 ayaa sheegay in uu sharaf weyn u arkayay ka shaqeynta xoojinta xiriirka labada dal, isagoo tilmaamay in iskaashiga Türkiye iyo Soomaaliya uu dhaafsiisan yahay danaha labada dhinac, isla markaana uu saameyn ku leeyahay gobolka iyo bulshada caalamka.
Safiirka ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayay ay Türkiye iyo Soomaaliya iska kaashadeen dhinacyo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, amniga, waxbarashada, caafimaadka, gargaarka bani'aadamnimada iyo dhisidda awoodda farsamo.
Waxa uu sidoo kale xusay maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, kobaca dhaqaalaha buluugga ah iyo hydrocarbons-ka, isagoo sheegay in arrimahaasi ay gacan ka geysanayaan kordhinta fursadaha ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku horumarin karaan mustaqbalkooda.
Safiirka ayaa u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed sida ay isaga, qoyskiisa iyo shaqaalaha safaaradda ugu soo dhaweeyeen Soomaaliya, isagoo sheegay in intii ay dalka joogeen ay mar walba dareemayeen inay gurigooda joogaan.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 13ka Sebteembar 2026 Su’aalaha Maanta::Yaa Madaxweyne h**e Xassan Shiikh u bixiyey “Dhuuso-Fooxiye”? Yss ...
09/13/2026

WARARKA MAANTA 13ka Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta::Yaa Madaxweyne h**e Xassan Shiikh u bixiyey “Dhuuso-Fooxiye”? Yss boobsuy shacabka ? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho 13ka Sebteembar 2026 Magaalada Muqdisho oo dhan, goobo cusub iyo kuwo dib loo casriyeeyay oo dadweynuhu isticmaalaan ayaa qayb ka noqonaya muuqaalka isbeddelaya ee magaalada — iyagoo bulshada siinaya goobo ay isugu yimaadaan, ku ciyaaraan, ku abuuraan waxyaabo cusub, kuna wada xiriiraan.
Goobahan waxay ka dhigan yihiin wax ka badan horumarinta kaabeyaasha iyo dhismayaasha. Waxay abuuraan fursado loogu talagalay isdhexgalka bulshada, muujinta dhaqanka, madadaalada iyo nolol-maalmeedka, taas oo gacan ka geysanaysa xoojinta xiriirka bulshada iyo kobcinta dareenka nolol magaalo oo loo wada dhan yahay.
Iyadoo loo marayo UN-Habitat Soomaaliya, Qaramada Midoobay waxay taageertaa dadaallada lagu abuurayo goobo dadweyne oo ammaan ah, si fudud loo heli karo, isla markaana loo dhan yahay, kuwaas oo qayb muhiim ah ka ah dhismaha bulshooyin adkaysi leh iyo mustaqbal ka nolol wanaagsan magaalooyinka Soomaaliya ee sii koraya.
Sawirkan wuxuu muujinayaa carruur ku ciyaaraya doon lagu dhex raacayo Beerta Darusalaam ee Muqdisho.
Muqdisho 13ka Sebteembar 2026 Hoggaanka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ay hoggaaminayso Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, ayna weheliyaan Xoghayaha Joogtada ah iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, ayaa ka qeybgalay kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ee la xiriira la-xisaabtanka iyo qiimeynta ballanqaadyadii Xukuumadda Dan-Qaran.
Intii uu socday kulanka, Wasaaradda Waxbarashada iyo masuuliyiinta ka socotay waxaa lagu bogaadiyey waxqabadka ay ka muujiyeen fulinta ballanqaadyadii iyo qorshayaashii Xukuumadda Dan-Qaran muddadii afarta sano ee la soo dhaafay, iyadoo si gaar ah loo xusay dadaallada Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta iyo tayeynta adeegyada waxbarashada dalka.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu dardargelinayo qorshayaasha waxbarashada qaranka, iyadoo xoogga la saarayo isla-xisaabtan, hufnaan, qorsheyn iyo waxqabad muuqda oo bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’iideysato.
Muqdisho 13ka Sebteembar 2026 𝐑𝐀’𝐈𝐈𝐒𝐔𝐋 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐄 𝐗𝐀𝐌𝐒𝐀 𝐎𝐎 𝐋𝐀-𝐗𝐈𝐒𝐀𝐀𝐁𝐓𝐀𝐍 𝐈𝐘𝐎 𝐐𝐈𝐈𝐌𝐄𝐘𝐍 𝐊𝐔 𝐒𝐀𝐌𝐄𝐄𝐘𝐀𝐘 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀
Muqdisho, Soomaaliya,
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la-xisaabtan iyo qiimeyn ku sameeyay Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saaray waxqabadka wasaarad kasta iyo heerka laga gaaray qorshayaashii iyo ballanqaadyadii loo dejiyay.
Qiimeyntan ayaa lagu eegay shaqooyinkii qabsoomay intii lagu jiray sanadkan, caqabadihii jiray, fursadaha jira iyo meelaha u baahan in wax laga beddelo ama la dardargeliyo.
Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta waxay qeyb ka tahay nidaamka la-xisaabtanka iyo qiimeynta waxqabadka hay’adaha dowladda, iyadoo ay muhiim tahay in qorshayaasha Wasaaradda lagu fuliyo hannaan leh cabbir cad, isla-xisaabtan iyo natiijooyin la xaqiijin karo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasiirrada, Agaasimeyaasha Guud iyo hawlwadeennada farsamada kula dardaarmay inay dardargeliyaan shaqada qaranka, si loo gaaro hadafyada dowladda, loona kordhiyo adeegyada iyo waxqabadka hay’adaha dowladda.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in nidaamka qiimeynta waxqabadka dowladda loo sii horumarinayo, iyadoo la adeegsanayo hab dijitaal ah oo fududeynaya la socodka qorshayaasha, cabbiridda natiijooyinka iyo qiimeynta waxqabadka Wasaaradaha.
Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta waxay muhiimad gaar ah siinaysaa qorsheynta, la-xisaabtanka iyo cabbiridda waxqabadka, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha iyo mashaariicda Wasaaradda ay keenaan natiijooyin muuqda oo waafaqsan qorshaha dowladda iyo danta guud.

Muqdisho 13ka Sebteembar 2026 Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor iyo Ciidanka Gaarka ah, ayaa sheegay inay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kula wareegeen gacan-ku-haynta deegaanka Geel-gub iyo saldhigyo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka ayaa waxaa ka qeyb qaatay Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Guutada 12-aad ee Ciidanka Gaarka ah iyo Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ciidanka ayaa sheegay in goobaha ay la wareegeen ay h**ey u maamuli jireen Al-Shabaab, kuwaas oo muddo ku sugnaa deegaannadaasi.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallo militari oo ciidamada Soomaaliya ay ka wadaan qaybo ka mid ah Shabeellaha Dhexe, iyadoo ujeeddadu tahay in dib looga riixo Al-Shabaab laguna ballaariyo deegaannada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in howlgalka uu sidoo kale ku wajahan yahay soo celinta amniga iyo maamulka dowladda, iyo in shacabka ku nool deegaannadaasi ay helaan xasillooni iyo adeegyo dowladeed.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobollada ay kooxdu weli ku leedahay saldhigyo iyo goobo ay ka abaabusho weerarrada.
DDSI 13ka Sebteembar 2026 Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee Deegaanka Soomaalidu ay muddo dheer soo mareen halgan isdaba joog ah oo ay ku doonayeen xuquuqaha aasaasiga ah iyo xorriyadda. Madaxweyne Mustafe ayaa qoraal uu ku baahiyay boggiisa Facebook ku sheegay in kumannaan qof ay naftooda iyo laxaadkooda ku waayeen halgannadii kala duwanaa ee loo galay xuquuqda shacabka, isaga oo xusay in shacabka laftoodu ay ahaayeen kuwa ugu badan ee dhibaatada iyo khasaaraha ka dhashay halgannadaas qaaday.
Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay jirin sabab dood looga dhigo in halgannadii shacabka ay sax ahaayeen ama khalad, maadaama sida uu sheegay, urur keliya aanu si gaar ah u wadin halganka, balse shacabka ay qayb weyn ku lahaayeen oo ay khasaaraha ugu badan qaadeen.
Waxa uu sidoo kale dhaliilay shaqsiyaad sheegta inay si gaar ah ugu suntan yihiin halgankii shacabka, isaga oo sheegay in dad badan oo aan wax urur ah ka tirsanayn ay ku waayeen eheladooda halgannadii hubaysnaa.
“Waa qalad markaa in ashqaas hoggaamin urur sheeganaysa ay sheegato inay iyagu si gaar ah ugu suntan yihiin halgankii ummadda,” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe, isaga oo hadalkiisa loo fasiran karo in uu la hadlayo madaxda Jabhada ONLF, garabka dibad jooga ah
Waxa uu su’aal ka keenay sida, sida uu hadalka u dhigay, qaar ka mid ah dadka sheegta inay halganka metelaan ay ugu doodi karaan inay ka sarreeyaan qoysas xubnohoodii ku waayay halgannadii h**e, isaga oo tusaale u soo qaatay dad uu sheegay inay qurbaha ku haystaan carruurtooda, isla markaana dhaqaale lagu ururiyo magaca halganka ku maareeyaan noloshooda.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in halgan kasta ay ku jiraan dad uu ku tilmaamay geesiyaal si dhab ah uga qayb qaatay, iyo kuwo uu ku eedeeyay inay magaca halganka uga faa’iidaystaan dano gaar ah.
Isaga oo si gaar ah u dhaliilaya kooxo uu sheegay inay shacabka ku maaweeliyaan “sheeko-xariir”, ayuu ku eedeeyay qaar ka mid ah dadkaas inay hadda taageerayaan ama doonayaan isbahaysi ay la sameeyaan dhinacyo uu sheegay inay h**e u dhibaateeyeen shacabka.
“Halganka dhabta ah uma baahna aflagaado iyo been-abuur. Wuxuu u baahan yahay xeelad iyo xikmad,” ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar.
Muqdisho 13ka Sebteembar 2026 Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay sannadka 2027 markii ugu horreysay dayax-gacmeed u diri doonto hawada sare, isagoo xusay in Turkigu uu kala shaqeynayo Soomaaliya mashaariic la xiriira hawada sare. Safiirka ayaa sheegay in qorshahan laga fulin doono deegaanka Warsheekh, halkaas oo uu tilmaamay in laga sameyn doono xarun loogu talagalay hawlaha la xiriira dayax-gacmeedyada iyo cilmi-baarista hawada sare.
“Shan ama toban sano ka hor haddii aan dhihi lahaa maalin uun Soomaaliya dayax-gacmeed ayay hawada sare u diri doontaa, waxaa laga yaabaa in dad badan ay nagu qosli lahaayeen,” ayuu yiri safiirku.
Wuxuu sheegay in horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda uu tusaale u yahay isbeddellada Soomaaliya ka socda, isagoo xusay in maanta Muqdisho ay ku sugan yihiin diblomaasiyiin ajnabi ah oo qaarkood ay carruurtooda la yimaadeen, kuwaas oo wax ka barta gudaha magaalada.
Safiirka ayaa sidoo kale ka hadlay hawlaha baaritaanka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee ka socda xeebaha Soomaaliya. Waxa uu sheegay in kooxo ka shaqeynaya baaritaanka khayraadka shidaalka ay xilligan ku sugan yihiin badda Soomaaliya.
“Waxaan rajeynayaa markaan war wanaagsan oo ku saabsan natiijada baaritaanka shidaalka la helo inaad na xusuusataan,” ayuu yiri.
Dhanka kale, safiirku wuxuu sheegay in maraakiib kalluumeysi oo ka imaanaya Turkiga ay bisha Oktoobar bilaabi doonaan inay yimaadaan Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo kalluumeysiga iyo dhaqaalaha ku tiirsan badda.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si weyn uga faa’iideysan karto dhaqaalaheeda buluugga ah, isagoo tilmaamay in kalluumeysiga iyo khayraadka badda ay noqon karaan ilo muhiim ah oo dhaqaale.
Safiirka ayaa intaas ku daray in iskaashiga labada dal uusan ku ekaan doonin hawada sare, shidaalka iyo kalluumeysiga, balse ay sidoo kale qorsheynayaan mashaariic waaweyn oo dhinacyada macdanta, beeraha, waddooyinka iyo isku xirka magaalooyinka Soomaaliya.
“Waxyaabaha aan maanta ka hadalnay waa wixii aan ilaa hadda qabanay, laakiin riyooyinkeenna iyo yoolalkayagu intaas way ka weyn yihiin,” ayuu yiri safiirka.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 12ka Sebteembar 2026 Su’aalaha Maanta::Maxuu Madaxweyne h**e Xassan Shiikh u khiyaamay Xawaadle? Maxay   ...
09/12/2026

WARARKA MAANTA 12ka Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta::Maxuu Madaxweyne h**e Xassan Shiikh u khiyaamay Xawaadle? Maxay u aqoonsatay maamulka ? Maxaa ka cusub siyaasadda ? Maxuu ka cusub DGKG? Maxuu Madaxweyne h**e Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu ciidan siiyo Shiikh Aadan Madoobe? Maxuu ka kashifay Siyaasiga caanka ah Sakariye Xaaji Maxamuud “Jeeni-Haar”? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho 12ka Sebteembar 2026 WARSAXAAFADEED
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
Taliska Ciidanka XDS, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada, qoyska, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan CiidankaXDS, geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum D/le Axmed Shire Xuseen, oo ka tirsanaa Ciidanka XDS.
Taliska Ciidanka XDS wuxuu si gaar ah uga tacsiyeynayaa dhammaan bahda Ciidanka XDS geerida askariga Soomaaliyeed ee lagu dilay deegaanka Calaag, isagoo Ilaahay uga baryaya Marxuumka inuu naxariistiisa waarta siiyo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo.
Marxuum Axmed Shire Xuseen wuxuu ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo gudanayay waajib qaran oo uu ugu adeegayay dalkiisa iyo dadkiisa. Geeridiisa waxay murugo iyo tiiraanyo ku tahay qoyskiisa, bahda Ciidanka XDS iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in baaritaanno lagama maarmaan ah oo ku saabsan dhacdadan ay socdaan, waxaana la qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka ku habboon ee waafaqsan sharciga iyo nidaamka Ciidanka, si loo xaqiijiyo xaqiiqada dhacdada, loona ogaado cid kasta oo ku lug leh.
Taliska wuxuu adkeynayaa in sharafta, karaamada iyo xuquuqda askariga Soomaaliyeed la dhowro, isla markaana aan la aqbali karin fal kasta oo wax u dhimaya nolosha, karaamada iyo amniga xubnaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa ciidan qaran oo u adeegaya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, kana sarreeya kala qoqobka ku saleysan heyb, qolo ama deegaan. Sidaas darteed, ilaalinta nolosha iyo sharafta askariga Soomaaliyeed waa waajib qaran oo wada saaran dhammaan shacabka iyo hay’adaha dowladda.
Ugu dambeyn, Taliska Ciidanka XDS wuxuu mar kale tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska iyo ehelada Marxuum D/le Axmed Shire Xuseen, wuxuuna Ilaahay uga baryayaa inuu Marxuumka ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, eheladiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Muqdisho 12ka Sebteembar 2026 Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay sannadka 2027 markii ugu horreysay dayax-gacmeed u diri doonto hawada sare, isagoo xusay in Turkigu uu kala shaqeynayo Soomaaliya mashaariic la xiriira hawada sare. Safiirka ayaa sheegay in qorshahan laga fulin doono deegaanka Warsheekh, halkaas oo uu tilmaamay in laga sameyn doono xarun loogu talagalay hawlaha la xiriira dayax-gacmeedyada iyo cilmi-baarista hawada sare.
“Shan ama toban sano ka hor haddii aan dhihi lahaa maalin uun Soomaaliya dayax-gacmeed ayay hawada sare u diri doontaa, waxaa laga yaabaa in dad badan ay nagu qosli lahaayeen,” ayuu yiri safiirku.
Wuxuu sheegay in horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda uu tusaale u yahay isbeddellada Soomaaliya ka socda, isagoo xusay in maanta Muqdisho ay ku sugan yihiin diblomaasiyiin ajnabi ah oo qaarkood ay carruurtooda la yimaadeen, kuwaas oo wax ka barta gudaha magaalada.
Safiirka ayaa sidoo kale ka hadlay hawlaha baaritaanka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee ka socda xeebaha Soomaaliya. Waxa uu sheegay in kooxo ka shaqeynaya baaritaanka khayraadka shidaalka ay xilligan ku sugan yihiin badda Soomaaliya.
“Waxaan rajeynayaa markaan war wanaagsan oo ku saabsan natiijada baaritaanka shidaalka la helo inaad na xusuusataan,” ayuu yiri.
Dhanka kale, safiirku wuxuu sheegay in maraakiib kalluumeysi oo ka imaanaya Turkiga ay bisha Oktoobar bilaabi doonaan inay yimaadaan Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo kalluumeysiga iyo dhaqaalaha ku tiirsan badda.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si weyn uga faa’iideysan karto dhaqaalaheeda buluugga ah, isagoo tilmaamay in kalluumeysiga iyo khayraadka badda ay noqon karaan ilo muhiim ah oo dhaqaale.
Safiirka ayaa intaas ku daray in iskaashiga labada dal uusan ku ekaan doonin hawada sare, shidaalka iyo kalluumeysiga, balse ay sidoo kale qorsheynayaan mashaariic waaweyn oo dhinacyada macdanta, beeraha, waddooyinka iyo isku xirka magaalooyinka Soomaaliya. “Waxyaabaha aan maanta ka hadalnay waa wixii aan ilaa hadda qabanay, laakiin riyooyinkeenna iyo yoolalkayagu intaas way ka weyn yihiin,” ayuu yiri safiirka.

Muqdisho 12ka Sebteembar 2026 Dhawaan magaalada Muqdisho, khubaro ka socotay Booliska iyo Xuquuqda Aadanaha UNTMIS ayaa ka taageeray booliska Soomaaliyeed aqoon-is-weydaarsi socday muddo saddex maalmood ah oo ku saabsanaa Ilaalinta Carruurta Xilliyada Colaadaha Hubaysan. Aqoon-is-weydaarsiga waxaa ka qaybgalay 40 sarkaal oo haween ah oo ka tirsan Waaxda Dembi-baarista.
Waxa uu xoojiyay aqoon-is-weydaarsigan awoodda saraakiisha booliska si ay uga hortagaan lixda xadgudub ee waaweyn ee ka dhanka ah carruurta xilliyada colaadaha hubaysan, iyo in ay qaadaan tallaabooyinka ku habboon marka la soo sheego xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda carruurta.
Muqdisho 12ka Sebteembar 2026 Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Liban Obsiye, ayaa magaalada Salvador, ee dalka Brazil uga qaybgalay Shir Goboleedka Wasaaradaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada, oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin iyo khubaro ka kala socday dalal Afrika iyo Koonfurta America. Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga khibradaha iyo fursadaha lagu xoojin karo abaabulka iyo maalgelinta wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada, iyadoo sidoo kale laga hadlay caqabadaha dalalku kala kulmaan helitaanka maalgelinta cimilada Maaliyadda.
Intii uu socday kulanka saddexda maalmood ah, waxaa looga hadlay habab kala duwan oo lagu heli karo maalgelinta cimilada, oo ay ka mid yihiin dakhliga gudaha, Iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo leeyahay (PPP), maalgelinta khataraha musiibooyinka. Agaasimaha Sanduuqa Cimilada Qaran,Liban Obsiye ayaa dalalka iyo Hey'addaha kala duwaj ee shirka ka qeybgalay la wadaagay khibradda Soomaaliya ee maalgelinta cimilada, isagoo iftiimiyey guulaha la gaaray, caqabadaha jira iyo baahida loo qabo in maalgelinta si wax-ku-ool ah loogu jiheeyo dalalka nugul ee ay si weyn u saameeyeen isbeddelka cimiladu.
“Soomaaliya oo ka mid ah dalalka sida weyn ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada, waxaan fursad u helay inaan la wadaago khibraddeenna, guulaheenna iyo caqabadaha naga haysta maalgelinta cimilada. Waxaan sidoo kale sharaxay sida aan u qaadanayno hab ay Dowladda iyo Bulshadu si wadajir ah uga qayb qaataan xoojinta adkeysiga iyo dhisidda mustaqbal waara.” Ayuu yiri Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Liban Obsiye.
Shir Goboleedkaan, ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah, hal-abuurka iyo wadaagista khibradaha si loo kordhiyo maalgelinta iyo xalalka waara ee wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada. Shirka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay isdhexgalka heer Goboleed iyo is -is-weydaarsiga khibradaha ku saabsan Cimilada Cagaaran iyo maalgelinta.
Waxaa shirkaan oo ah meertada 2aad si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Hey’adda Horumarinta Faransiiska, Wasaaradda Maaliyadda ee Brazil, Bangiga Horumarinta Koonfurta America (IDB), iyo Machadka Dhaqaalaha Cimilada (Institute for Climate Economics).

Muqdisho 12ka Sebteembar 2026 Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Hagar Dabageed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga baxay ballan uu h**e ula galay waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Xawaadle, kaas oo ahaa in beeshu qaadato hoggaanka Hirshabeelle doorashada soo socota. Yuusuf Dabageed oo ka hadlay kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Xawaadle ayaa sheegay in guddi uu hoggaaminayay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, oo ay ku jireen siyaasiyiin, ganacsato iyo waxgarad, ay muddo saddex bilood ah ka hor arrintan kala hadleen madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu sheegay in Xawaadle ay taageereen Hirshabeelle, ayna ballanqaadeen in aysan mucaarad ku noqon dowladda federaalka, iyadoo beddelkeedana laga filayay in beesha loo tixgeliyo hoggaanka maamulka marka ay timaaddo waqtigii isbeddelka.
Sida uu sheegay Dabageed, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii dambe la kulmay xubno ka tirsan guddiga, wuxuuna u sheegay in kursiga madaxweynaha Hirshabeelle la siinayo Xawaadle.
Dabageed wuxuu sheegay in saddex bilood kaddib uu madaxweynuhu si gaar gaar ah ula kulmay isaga iyo siyaasiyiin kale, isagoo u sheegay in ballantii Xawaadle uu ka baxay, isla markaana uu kursiga Hirshabeelle siiyay Cali Guudlaawe.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa sheegay in arrintaasi ay ku noqotay lama filaan, maadaama uu filayay in Xasan Sheekh, oo uu ku tilmaamay masuul si fiican u yaqaan xaaladda Hirshabeelle, uu ilaalin doono ballantii h**e.
“Waxaan u qabay madaxweyne aan ballankiisa ka bixi doonin,” ayuu yiri Dabageed, isagoo sheegay inuu aaminsanaa in madaxweynuhu uusan beddeli doonin heshiis uu h**e ula galay waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Xawaadle.
Dabageed ayaa sidoo kale sheegay in markii uu arrinta kala hadlay madaxweynaha, Xasan Sheekh uu ku adkeystay in ballantii Xawaadle uu ka baxay.
“Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaan kusoo kala tagnay,” reer abtigay waxba uma hayee kursiga iga nabad-doonee. “Haddaan kasoo helo intaad geenee,” ayaan iri. “Cali Guudlaawe siinaa,” ayuu yiri. Madaxweynaha uma badin,” waxaan iri, “nin yahow, k**a nabad-doonayn karo. Nin iga dambeeya oo Xawaadle ah oo ka nabad-doonayn kara inuu jiro u malayn maayo,” ayuu yiri Madaxweyne-ku-xigeenka Hirshabeelle.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 11ka Sebteembar 2026 Su’aalaha Maanta::Halkee qabsadeen Xuutiyiinka Yaman? Maxay   u aqoonsatay maamulka ...
09/11/2026

WARARKA MAANTA 11ka Sebteembar 2026
Su’aalaha Maanta::Halkee qabsadeen Xuutiyiinka Yaman? Maxay u aqoonsatay maamulka ? Maxaa ka cusub siyaasadda ? Maxuu ka cusub DGKG? Maxuu Madaxweyne h**e Xassan Shiikh “Dhuuso-Fooxiye” u diiday inuu ciidan siiyo Shiikh Aadan Madoobe? Maxuu ka kashifay Siyaasiga caanka ah Sakariye Xaaji Maxamuud “Jeeni-Haar”? Yaa diiday inuu dhiso Madaxweyne h**e Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiiday inuu dhiiso Maxkammadda Dastuurihga ah oo sharci-darro ku fadhiya ? Yaa diiday inuu djiso oo boobay sacabka xitaa qabuura ka badbaadi waayeen? Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee ? Maxuu yahay heshiisyada ay Dowladdaha caalamka la galeen Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira? Maxay Dowladdaha deriska ah ugu diideen fisooyin dalka ku gel ah qoyskiisa iyo wasiirada xilkoodu dhammaaday ee dowladda ?
Muqdisho 11ka Sebteembar 2026TALISKA NISA: Sida aan xog ku helnay, waxaa muddo aan la arkin agaasimihii hay'adda NISA ee sirdoonka Soomaaliya, Mahad Salaad, kaas oo sida xoguhu nagu soo gaareen u baxay xannuun dhanka wadnaha ah oo haleelay.
Sida aan tabinnay bishii h**e, Mahad Salaad ayaa khilaaf xooggan kala dhexeeyaa Xasan Sheekh, iyadoo kulamada madaxtooyada laga joojiyay Mahad sabab lagu sheegay inuu halis ku yahay amaanka Xasan.
Ilaha ayaa sheegaya in Mahad uu u safray dalka dibaddiisa si uu u raadsado baaritaan dhanka wadnaha.
Dhanka kale, Xasan Sheekh oo isaga laftiisa labo maalmood ku qaatay isbitaal ku yaalla Belgrade, Serbia ayaa shalay ugu laabtay Muqdisho.
Israel 11ka Sebteembar 2026 Israa’iil ayaa si cad u muujisay inay taageerayso dadaalka Itoobiya ugu jirto helitaanka marin-badeed ku yaalla Badda Cas, iyadoo Safiirka Israa’iil u fadhiya Itoobiya, Avraham Neguise, uu sheegay in taageerada arrintani ay tahay siyaasadda rasmiga ah ee Israa’iil. Neguise oo wareysi siiyay Hay’adda Wararka Itoobiya (ENA) oo xarunteedu tahay Addis Ababa, ayaa sheegay in Israa’iil ay garab taagan tahay Itoobiya dadaalkeeda ku aaddan helitaanka marin-badeed.
“Israa’iil waxay arrintan ku garab taagan tahay Itoobiya. Tani waa siyaasadda cad ee Israa’iil,” ayuu yidhi safiirku. Safiirka ayaa sheegay in Israa’iil ay u aragto helitaanka marin-badeedka Itoobiya arrin la xidhiidha xasilloonida dhaqaale iyo amni ee gobolka Badda Cas, isaga oo xusay in xoojinta Itoobiya ay faa’iido u yeelan karto amniga gobolka.
“Xoojinta iyo awood-siinta Itoobiya iyo abuurista xasilloonida Badda Cas waxay dan u tahay dhammaan dhinacyada, mana aha oo keliya dan Itoobiya,” ayuu Neguise ku sheegay wareysiga.
Waxa uu sheegay in marin-badeedku Itoobiya ka caawin karo xoojinta dhaqaalaha, ilaalinta madaxbannaanideeda iyo kaalin weyn oo ay ka qaadato amniga gobolka. Si kastaba ha ahaatee, safiirku ma sheegin deked gaar ah oo Israa’iil taageerayso, mana caddayn in taageeradu ku saabsan tahay marin ganacsi, saldhig ciidan oo badeed ama heshiis kale.
Neguise ayaa sidoo kale xoogga saaray muhiimadda amniga Badda Cas, isaga oo sheegay in khataraha ka jira marin-biyoodkaasi ayna saameyn toodu ku koobnayn dalalka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, balse ay saamayn karaan dhaqaalaha caalamka. “Haddii Badda Cas ayna xasilloonaan oo ay argagixisadu weerarro ka geysanayso, ma aha oo keliya Geeska Afrika ama Bariga Dhexe; dhaqaalaha adduunka oo dhan ayay dhibaatayn doonta,” ayuu yidhi.
Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab ayaa ah mid ka mid ah marinnada ganacsi ee ugu muhiimsan dunida, maadaama uu isku xidho Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Kanaalka Suweys. Weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay u geysteen maraakiibta ganacsiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay carqaladeeyay isu-socodka ganacsiga, taas oo ku khasabtay qaar ka mid ah maraakiibta inay maraan waddooyin dheer oo ku wareegsan koonfurta Afrika.
Safiirka Israa’iil ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu Itoobiya la wadaago khibraddiisa ku saabsan la-dagaallanka argagixisada iyo wax ka qabashada khataraha amni, isaga oo ku dooday in amniga iyo horumarka dhaqaale ay si dhow isugu xidhan yihiin.
Puntland 11ka Sebteembar 2026 Puntland ayaa sheegtay in qorshaha lagu banneynayo goobaha iyo dhulalka dowladda ee magaalada Boosaaso uusan la mid ahayn tallaabooyinka ka socda Muqdisho ee burburita dhismayaasha dadweynaha. Puntland waxay sheegtay in dhulka dowladda dib loogu soo celinayo gacanta dowladda si loogu adeego danaha guud.
Guddoomiyaha degmada Boosaas, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in maamulka uu muddo bilo ah waday qorshe lagu banneynayo xarumaha iyo goobaha ay dowladdu leedahay, kuwaas oo uu sheegay in qaar ka mid ah muddo dheer ay gacanta ugu jireen dad gaar ah.
Wuxuu sheegay in maanta la gaaray xaruntii h**e ee booliiska, iyadoo qorshuhu yahay in maalmaha soo socda la gaaro xarumo kale oo ku yaalla magaalada.
Sida uu sheegay, goobaha dowladda ee la baneeyo dib looguma celin doono shaqsiyaad ama ganacsato, balse waxaa loo qorsheynayaa in ay qeyb ka noqdaan goobaha dadweynaha iyo qorshaha lagu hagaajinayo bilicda Boosaaso.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dib-u-habaynta magaalada ay bilaabatay bilo ka hor, iyadoo laga soo bilaabay agagaarka xarunta dowladda hoose, isla markaana qorshuhu ku fidayo waddada dheer ee magaalada ku xirta garoonka diyaaradaha.
Muqdisho 11ka Sebteembar 2026 MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR
Muqdisho, Sabteembar 10, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 1-aad, Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Cutubyo ka tirsan Guutada 21-aad ee Gorgor, kuwaasi oo dhowaan soo dhammaystay tababar heer sare ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixinno ka dhageystay Taliska iyo saraakiisha ciidamada, isaga oo mid mid u booqday xafiisyada Taliska, deegaanka ciidamada, Isbitaalka Qaybta iyo xarumaha saadka, isla markaana u kuurgalay xaaladda guud ee ciidamada, adeegyada ay helaan iyo diyaar-garowgooda hawlaha qaranka.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka ciidamada Gorgor ee difaaca dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna ka shaqeeyaan xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ah xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah Khawaarijta .
Ugu dambaun, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dowladda iyo shacabka Türkiye uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay ka geystaan dib-u-dhiska, tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhismaha iyo horumarinta cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgo

Muqdisho 11ka Sebteembar 2026 Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista Faysal Aadan Xasan oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya, halka Maxamed Yuussuf Maxamed loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Hay’adda.
Magacaabista labada mas’uul ayaa timid kaddib soo-jeedin uu Golaha Wasiirrada u gudbiyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Abdirahman Beenebeene, iyadoo lagu saleynayo Sharciga Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya.
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa sheegtay inay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ka shaqaynaysay dhismaha hay’addan oo loo asteeyay inay door ku yeelato dhiirrigelinta iyo soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo kan caalamiga ah.
Wasiir Beenebeene ayaa soo dhaweeyay ansixinta magacaabista labada mas’uul, isagoo sheegay in Wasaaraddu muddo saddex sano ah dadaal ugu jirtay dhismaha Hay’adda.
“Waxaan si kal iyo laab ah Golaha Wasiirrada uga mahadcelinayaa ansixinta magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya, Faysal Aadan Xasan, iyo Agaasime Ku-xigeenka Hay’adda, Maxamed Yuussuf Maxamed,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu labada mas’uul u rajeeyay guul, isagoo ka dalbaday inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.
Hay’adda ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka shaqeyso hagaajinta jawiga maalgashiga, fududeynta adeegyada maalgashadayaasha iyo abuurista hannaan maalgashi oo si wanaagsan uga shaqeeya Soomaaliya.
Sharciga lagu dhisay Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya ayaa soo maray Golaha Wasiirrada, labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha, iyadoo ugu dambeyn uu Madaxweynaha saxiixay.
Hay’adda waxaa si rasmi ah loogu dhisay Sharciga Lr. 43 ee 15 Diseembar 2025, kaas oo saldhig sharci u ah hawlaheeda iyo waajibaadka loo igmaday.
Muqdisho 11ka Sebteembar 2026 Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ayaa sheegay in dowladda federaalku ay weli diyaar u tahay wada-hadal ay la yeelato mucaaradka, si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan doorashada la filayo in dalka ka dhacdo sannadka soo socda iyo arrimaha dastuuriga ah. Wasiirka oo wareysi siiyay mid kamid ah warbaahinta Carabta ayaa sheegay in dowladda aysan wax caqabad ah ku qabin in mucaaradka lala fariisto miiska wada-hadalka, isagoo xusay in kulamo dhowr ah ay h**ey u dhex mareen labada dhinac.
Wuxuu sheegay in kulamadaas lagu heshiiyay qodobo qaar, halka qodobo kalena ay weli muran ka taagan yahay, kuwaas oo uu sheegay in labada dhinac ay ka wada shaqeyn doonaan sidii xal loogu heli lahaa. “Dowladda Soomaaliya waxay ahayd oo weligeed ahaan doontaa mid u furan wada-hadalka arrimaha aasaasiga ah, oo ay ka mid yihiin arrimaha dastuurka iyo doorashada federaalka ee soo socota,” ayuu yiri wasiirku.
Si kastaba, Cabdifataax Qaasim wuxuu sheegay in waxa dowladda ay diiddan tahay ay yihiin isku dhacyo hubeysan, qalalaase iyo tallaabooyin wax u dhimaya xasilloonida dalka.
Wasiirku wuxuu ku eedeeyay mucaaradka inay mararka qaar u dhaqaaqaan dhinaca sii hurinta khilaafaadka siyaasadeed, halka dowladda, sida uu sheegay, ay doorbidayso in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal.
Wuxuu ugu baaqay mucaaradka inay dowladda kala shaqeeyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo sheegay in dhinacyada siyaasadda ay ku kala aragti duwanaan karaan, balse ay tahay inay ka mideysnaadaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SNTV Live posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SNTV Live:

Shortcuts

Share