SNTV Live

SNTV Live Welcome to the SNTV Live. This Page is Official Property of the Somali Media Empire (SME), & it's pa

WARARKA MAANTA: 2da Diseembar 2025Su’aalaha Maanta: Yaa diidi kara Tuugadii “Nabar Iyo Naxdin ama   Iyo  ” inay awoodi w...
12/02/2025

WARARKA MAANTA: 2da Diseembar 2025
Su’aalaha Maanta: Yaa diidi kara Tuugadii “Nabar Iyo Naxdin ama Iyo ” inay awoodi waayeen warbaahin ay beentooda ku buunbuuniyaan? Ma ogaadeen inay shacabka Soomaaliyeed mar dembe khaldi karin? Maxay ku fashiilantay Dowladda “Dan-Qaran” Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye” mise Raysal Wasaare Mudane Xamsa “Dhaweeye/Warikoow”? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuurka? Yaa beddelay dastuurka dalka? Maxuu u amray Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” in argagixisada la siiyo kaarka aqoonsiga ID Cards? Maxay isku dagaaleen Madaxweyne h**e Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Fahad Yaasiin “Daba-Naasle”? Yaa diiday inuu sameeyo Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Dastuuriga Ha wiqleyso!
Muqdisho 2da Diseembar 2025 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo naxdin leh oo Xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay shilkan gaari waxa ku dhintay haweeney la sheegay inay ahayd sano 60 jir, taasoo lagu magacaabi jiray Maryan Maxamuud Culusow, waxaana ku dhaawacmay afar ruux oo kale.
Gaarigan oo ahaa kuwa waa weyn ee Xamuulka ah, islamarkaana siday rar badan ayaa gudaha u galay haweeneyda dhimatay hoygeeda iyo Maqaaxi ku dhaganeyd gurigeeda, kadib markii la sheegay in gaariga uu darawalka ka waayay Bareega.
Xiliga uu shilkan dhacayay ayaa la sheegay in darawalka uu damacsanaa inuu kala wareego, hayeshee uu bareega ka waayay gaariga, kadibna uu dhexda ka galay guriga ay ku sugnayd Marxuumada iyo Maqaaxida.
Shilkaan gaari ayaa noqonaya todobaadkan gudahiisa kii labaad ee geysta khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo 28-kii bishii dhamaaday sidan oo kale hal qof uu ku dhintay shil gaari Xamuul ahaa oo ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada ayna ku dhaawacmen 2 ruux oo kale.
Ugu dambeyntii shilalka ay ku lugta leeyihiin gawaarida Xamuulka qaada ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo kordhay magaalada Muqdisho, taasoo loo sababeyo darawalada qaarkood oo aan isku hubin gaadiidkooda iyo kuwa khibradooda hooseyso.

Somaliland 2da Diseembar 2025 Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa shalay xabsiga dhigay siyaasi Jaamac Shabeel, oo dhawaan booqasho ku tagay magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, isaga oo sheegay inuu nabad ka dhex-dhalinayo Somaliland iyo maamulka Waqooyi Bari ee dhawaan halkaasi laga aas-aasay.
Jaamac Shabeel, oo aad uga soo horjeeday siyaasaddii Madaxweynihii h**e ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku galay dagaalkii Laascaanood, isla markaana u ololeyn jiray in labada dhinac ay wadahadlaan, ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacay fal ka dhan ah jiritaanka Somaliland.
“Ciidanka Booliska JSL ayaa maanta gacanta ku soo dhigay eedaysane Jaamac Shabeel oo ku eedaysan arrimo kasoo horjeeda qaranimada, xadgudubna ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo dhawaanahan ku hawlanaa…” ayaa lagu yidhi warbixin kasoo baxday booliiska. “Eedaysanaha waxa si degdeg ah loo horgeyn doonaa hay’adaha garsoorka ee dalka.”
“Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu digniin adag u dirayaa dhammaan dadka ku hawlan falalka xadgudubka ku ah jiritaanka qaranimada Somaliland.”
Jaamac Shabeel ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Laascaanood waxa uu kulamo la qaatay siyaasiyiinta iyo bahda dhaqanka ee Waqooyi Bari, isaga oo kala hadlay sidii loo fududayn lahaa wadahadallo toos ah oo dhex mara Somaliland iyo maamulkaasi, iyo in maxaabiista la is dhaafsado.
Jaamac Shabeel waxa uu h**e u sheegay in Somaliland aanay gaadhi karin xadka ay sheeganayso haddii dadka deegaanku aanay raalli ka ahayn, isaga oo marar badan laga qabtay hadallo uu ku durayo Somaliland. “Qaranka aad sheegaysaan muxuu ahaa? Oo yaa aqoonsan?” ayuu dhawaan ka sheegay Horyaal TV, isaga oo ku doodayay in Somaliland iyo Waqooyi Bari ay garba-siman u wada hadlaan.
H**e waxa Hargaysa loogu xidhay fanaanka Cabdirisaaq Anshax, oo safar ku tagay Laascaanood, iyada oo saacado uu ku xayirnaa madaarka Cigaal ee Hargaysa uu xorriyadiisa dib u helay, isaga oo raalli-gelin ka bixiyay safarkiisa oo uu ku tilmaamay mid aanu fasax uga helin xukuumadda.
Inkasta oo Somaliland iyo maamulka Waqooyi Bari aanay hadda ku jirin dagaal toos ah, haddana waxa u dhexeeya xiisad mar kasta dagaal isku baddali karta, iyadoo ciidamada labada dhinac ay weli is horfadhiyaan. Sidoo kale labada dhinac weli kuma ayna guulaysan inay is waydaarsadaan maxaabiis tiro badan oo ay kala haystaan.
Muqdisho 2da Diseembar 2025 Waxaa xarunta dhexe ee xisbiga Himilo Qaran lagu soo gabogabeeyay aqoon-kororsi ku saabsanaa hoggaaminta, maamul-wanaaga, doorashooyinka iyo amniga qaranka, waxaana cashirrada bixinayay Dr. Anwar Cabdifitaax Bashiir
Aqoon-korarsigaan oo ay ka faa'iideysteen dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa waxaa soo xiray Madaxweynihii h**e ee dalka, ahna hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta sarre ee xisbiga.
Madaxweynihii h**e ee dalka ayaa dhallinyarada ku boorriyay ka qaybgalka tababarada nuucaan ah ee kor loogu qaadayo fahamkooda ku aadan maamulka, siyaaasadda iyo arrimaha bulshada.
Jubbaland 2da Diseembar 2025 Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku yimid Jubaland.
Intii uu socday kulanka, oo ay Madaxweynaha ku wehliyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah, ayaa si qoto dheer looga wadahadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha amniga, taageerada Dowladda Maraykanka ee mashaariicda horumarineed, iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Muqdisho 2da Diseembar 2025 Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Dhuxiloowayaa maanta si rasmi ah u furay tababar sare oo ku saabsan Baarista Dukumentiyada, Ogaanshaha Aqoonsiga Isku-ekaanshaha (Impostor Detection), iyo Tusayayaasha Hab-dhaqanka Shaqsiga oo socon doona muddo 3 maalmood ah.
Agaasimaha Guud ayaa sheegay in tababarkan uu daba socdo safarkii uu isaga iyo wafdigiisu ku tageen Boqortooyada Ingiriiska, iyo booqashadii ay Muqdisho ku yimaadeen mas’uuliyiinta ka socday Home Office-ka UK. Wuxuu xusay in iskaashigan uu muujinayo adkeynta xiriirka labada dal iyo dardar-gelinta tiirarka lagu dhisayo tayeynta shaqaalaha iyo horumarinta adeegyada socdaalka iyo amniga xuduudaha dalka.
Dowladaha, Maraykanka, Jarmalka, Switzeland, Norway, Sweden iyo Denmark ayaa h**ey uga taageeray tababaro muhiim ah saraakiisha Hay’adda, kuwaas oo kor u qaaday awoodda maamulka socdaalka sharciyeysan iyo sugidda amniga xuduudaha dalka. Iskaashiyadan ayaa dhisaya awood iyo khibrad mideysan oo lagu xoojinayo adeeg bixinta Hay’adda.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA: 1da Diseembar 2025Su’aalaha Maanta: Yaa fashilay Dowladda “Dan-Qaran” Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye”...
12/01/2025

WARARKA MAANTA: 1da Diseembar 2025
Su’aalaha Maanta: Yaa fashilay Dowladda “Dan-Qaran” Madaxweyne Xassan “Dhuuso-Fooxiye” mise Raysal Wasaare Mudane Xamsa “Dhaweeye/Warikoow”? Yaa amray in la siiyo kaarka aqoonsiga? Maxayse tahat wadashaqaynta ka dhexeysa Shabab Iyo Dowladda ? Yaa kamid ah argagixisada ee goalaha Wasirrada, lamaha Amniga Iyo Agaasimayaasha ? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuurka? Yaa beddelay dastuurka dalka? Maxuu u amray Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” in argagixisada la siiyo kaarka aqoonsiga ID Cards? Maxay isku dagaaleen Madaxweyne h**e Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Fahad Yaasiin “Daba-Naasle”? Yaa diiday inuu sameeyo Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Dastuuriga Ha wiqleyso!
Muqdisho 1da Diseembar 2025
Nairobi 1da Diseembar 2025 WAREEGGII koowaad ee wada hadalkii kooxda argagixisada Al-Shabaab iyo kooxda Dam Jadiid ee Xasan ayaa soo dhammaaday.
Dowladda Qadar ayaa farriimaha u kala qaadeysay labada dhinac.
Wada hadalka oo muddo jiidatamay waxaa sidoo kale qeyb ku lahaa odayaal qabiilada iyo xubno ganacsato ah.
Qodobo la isku mari waayay:
- Kooxda Dam Jadiid iyo Shabaab waxay ka wada hadleen inay dowladda wada qeybsadaan, iyo in maleeshiyaadka Shabaab ay toos u noqdaan ciidamada.
- Shabaab waxaa loo jeediyay inay Al-Qaacida ka goostaan, ayna ku dhawaaqaan inaysan qeyb ka ahayn. Qodobkaan waxaa la sheegayaa in Shabaabka dhexdooda ku kala qeybsan yihiin.
Qadar waxay rabtaa in 50% dowladda Xamar la siiyo Shabaabka, halka Shabaabka ay dalbanayaan wax ka badan intaas.
Shabaab waxay muddo dheer dadkooda ku soo dhex darsanayeen qeyb kasta oo dowladda Xamar ka jirta ah, waxayna hadda aaminsan yihiin in la joogo waqtigii ay waxkasta la wareegi lahaayeen.
Wargeyska The Observer ee UK ayaa 27kii November qoray in Shabaabka ay qarka u saaran yihiin inay dowladda dhan la wareegaan iyaga oo gudaha ku sugan.
Muqdisho 1da Diseembar 2025 "Did you know that air air air aircraft is the safest way of transport?" ICAO Levels have played a significant role in the development of aviation safety over the past 80 years.
Join us as we celebrate !. """""
Watch below the message of the general manager of the Somali civil aviation agency Mr. Ahmed Moallin Hassan on the occasion of the international day of aviation on December 7, 2025.
Galmudug 1da Diseembar 2025 Galmudug Oo Ka Hor Timid Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dawladda Galmudug ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku caddeyneyso in aysan jirin wax sharci ah oo kasoo baxay koox sheeganeysa magaca Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka oo baraha bulshada ku faafiyey in ay ka qeybgalayaan tartanka doorashada golayaasha deegaanka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in arrintaasi ay baalmarsan tahay shuruucda iyo habraacyada ururada siyaasadda ee ka diiwaangashan Galmudug, isla markaana baaritaan lagu hayo cidda ka dambeysay tallaabadaas.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay wargelisay dhammaan ururada siyaasadda ee la diiwaangeliyey inay sugaan inta laga ansixinayo hanaanka ay ku geli doonaan ololaha doorashada, taasoo ku xiran oggolaanshaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
War-saxaafadeedkan ayaa muujinaya in Dawladda Galmudug ay si toos ah uga hor timid koox isku dayday inay ku metelaan Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo arrintaas ku tilmaamtay mid sharci-darro ah.
Muqdisho 1da Diseembar 2025 Muujinta Magaalada Dhusamareeb maanta, saraakiil sar-sare oo ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobey ee UNTMIS iyo UNSOS iyo Dowladda Galmudug oo uu ugu h**eeyo Madaxweyneheeda Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoor Qoor’, ayaa ka qayb galay munaasabad ay Galmudug kala wareegaysay Qaramada Midoobey qalab iyo dhismayaal.
“Dareenka midnimada ee Qaramada Midoobay iyo taageerada ay u hayso shacabka Galmudug ayaa ah aasaaska bud dhigga xarumahan , sida bulukeetigu ugu yahay dhismahanba… Qaramada Midoobay waxay sii ahaan doontaa saaxiibka Galmudug iyadoo sii maraysa UNTMIS ilaa xiritaankeeda sanadka soo socda, sidoo kalena, iyadoo loo marayo hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay, waxaan sii wadi doonnaa ka-qayb galkayaga iyo taageeradayada aan u hayno shacabka iyo dowladda Galmudug, xilli ay ku raad joogaan nabadda, xasilloonida, ammaanka, iyo horumarka,” Ayuu Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan, u sheegay dadkii isugu yimid Dhuusamareeb.
Nairobi 1da Diseembar 2025 Waxaan xalay magaalada Nairobi kaga qeybgalay munaasabadda Baalfurka buugga taariikhiga ah ee " Baadigoobkii Nabadda Geeska". Kaas oo uu qoray Amb Mohamed Abdi Afey. Munaasabadda oo ahryd mid si weyn loo soo abaabulay, ayna ka soo qeybgaleen masuuliin kala duwan oo ka socday dalalka Somalia iyo Kenya.
Amb. Afey oo ah masuul qeyb weyn ka soo qaatay dib u heshiisiinta iyo dowlad dhiska Soomaliya muddadii 25ka aheyd, waxuu buugiisa si qoto dheer uga hadlayaa soo yaalka geedi socodkii iyo dadaaladii dib u dhiska dowladeed laga soo bilaabo shirkii Carta, kii Embagati ilaa iyo maanta.
Amb Mohamed Abdi Afey waxuu mudan yahay runtii in lagu abaalmariyo laguna amaanno waxqabadkii uu ku garab istaagayey had iyo jeer walaalihiisa Soomaaliyeed.
Koonfur Galbeed 1da Diseembar 2025 Muujinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka codsaday DFS inay gacanta u soo geliso xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo ku eedaysan kicinta dagaal beeleedyada ka aloosan deegaamo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Xildhibaan Jeesow ayaa horay ugu eedeeyey ciidanka maamulka Koonfur Galbeed inay haween iyo carruur ku laayeen Yaaq-biriweyne isagoo ugu baaqay beeshiisa inay la dagaalamaan ciidamada maamulkaasi.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA:30ka Nofeembar 2025Su’aalaha Maanta: Maxuu   ka dhex billaaway Madaxweyne H**e Farmaajo “Been-Hawaas” igu...
11/30/2025

WARARKA MAANTA:30ka Nofeembar 2025
Su’aalaha Maanta: Maxuu ka dhex billaaway Madaxweyne H**e Farmaajo “Been-Hawaas” igu sawir qof kasta xitaa naafada? Yaa dilay Kornayl Ikraam Taxilli “Udgoon”? Yaa been iyo buunbuunis dembe kaayeelaaya? Yaa amray in la siiyo kaarka aqoonsiga? Maxayse tahat wadashaqaynta ka dhexeysa Shabab Iyo Dowladda ? Yaa kamid ah argagixisada ee goalaha Wasirrada, lamaha Amniga Iyo Agaasimayaasha ? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuurka? Yaa beddelay dastuurka dalka? Maxuu u amray Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” in argagixisada la siiyo kaarka aqoonsiga ID Cards? Maxay isku dagaaleen Madaxweyne h**e Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Fahad Yaasiin “Daba-Naasle”? Yaa diiday inuu sameeyo Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Dastuuriga Ha wiqleyso!
Muqdisho 30ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Muujinta farshaxanku waa hab muhiim u ah ilaalinta dhaqanka iyo qaabeynta sida bulshooyinka ay isku qeexaan.
Laga bilaabo gabayada ilaa farshaxanka , guud ahaan Soomaaliya, shaqada hal-abuurka leh waxay wadataa xasuus iyo macno u kala gudba jiilal kala duwan – Qaramada Midoobay waxay la shaqeysaa kooxaha farshaxanka ee deegaanka si ay u taageerto goobaha lagu qiimeeyo hiddaha dhaqanka iyo farshaxanka.
Sawirkan waxaa ka muuqda, farshaxaniiste da’yar oo Soomaali ah oo ka shaqeynaya shaqadiisa farshaxan, magaalada Baydhabo, ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Muqdisho 30ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Madaxda Ogaadeen waxaa laga rabaa inay Marxuumka Sareeye Gaas Madaxweyne Mudane Maxamed Siyaad Barre ka raalligeliyaan waxa uu kula kacay Raysal Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre "Dhaweeye" "Warikoow" ama "Marxuumka" kaasoo u gefay shacabka asagoo waxba ula harin shaqsi dadka, iyo dalka wax u qabtay oo xitaa asaga iyo Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh "Dhuuso-Fooxiye" wax soo baray ilaa dugsi hoose, dugsi dhere iyo ilaa heer jaamacadeed ayagoo weli lacag gunno ah oo ay wax ku gataan la siin jiray xilligii ay dhigan jireen dugsiyada iyo jaamacadda, Yaa diidi kara inuu Rayasal Wasaare Xamsa maanta Soomaaliya ka noqdo Raysal Wasaare waxaa ansixisay, sharciyeysay Dowladdii Kacaanka ee uu hoggaaminaayey Sareeye Gaas Madaxweyne Mudane Maxamed Siyaad Barre Allaha u Naxariisto!
Puntland 30ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Guddiga doorashada Puntland ayaa shaaciyay in doorashada madaxtinimada ee soo socota lagu qaban doono hab baarlamaani, kaddib markii ay xeerka doorashooyinka ka saareen in shacabka si toos ah u doortaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Qodobkan ayaa markii h**e lagu daray dastuurka Puntland ka gadaal markii dastuurka lagu sameeyay wax ka beddelkii bishii Luulyo 2023, taas oo beddeshay nidaamkii h**e ee ahaa in madaxda ay doortaan baarlamaan ku yimid codka dadweynaha.
Laba sano kaddib, guddiga doorashada ayaa markale soo jeediyay in dib loogu laabto nidaamkii h**e, iyagoo ku sababeeyay xaaladda siyaasadeed ee Puntland oo aan u saamaxeyn in shacabku ay si toos u doortaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Arrintan oo weli ku jirta marxalad wadatashi ah, ayaa dhalisay khilaaf iyo dood siyaasadeed oo u dhexeeysa xisbiyada Puntland. Qaar ka mid ah xisbiyada ayaa soo dhaweeyay talada guddiga, halka kuwo kalena ay si adag uga soo horjeesteen in dib loogu noqdo nidaamkii h**ey looga guuray.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayaa ka digay in haddii aan si degdeg ah xal looga gaarin muranka ka taagan qodobkan, ay mugdi gelin karto qabsoomidda doorashada qof iyo cod ee loo qorsheeyay 2029.
Juxa ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in xeerarka doorashooyinka lagu dhameeyo waqti h**e si loo xaqiijiyo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo aan dib-u-dhac iyo qalalaase siyaasadeed la kulmin.
Puntland oo jirta 27 sano weli kuma guulaysan in ay ka guurto nidaamka qabaliga ah ee lagu soo doorto madaxda maamulka, inkastoo saddx sano ee ugu dambeysay lagu guulaystay in doorashooyinka golayaasha degaanka laga dhigo qof iyo cod.
30ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Wafdi ka socday Safaaradda Soomaaliya, uuna hogaamiyay Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa booqasho shaqo ku tagay Jaamacadda Umma, oo ah Jaamacad waxbarasheeda ku dhisan tahay diinta Islaamka, isla markaana ay wax ku bartaan arday Soomaaliyeed oo aad u tiro badan.
Kulan ay wafdigij Danjiraha la qaateen Guddoomiyaha Jaamacadda, Dr. Xalima Saado Abdillahi, oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay sidii loo horumarin lahaa hababka aqbalaaada ardayda Soomaaliyeed ee baahiyaha gaarka ah leh, iyo sidoo kale loo xoojin-lahaa nidaamyada taageerada ay jaamacadda siiso ardeyda hada dhigato Jaamacadda si loo hubiyo in ardeyda Soomaaliyeed helaan waxbarasho tayo leh.
Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa u jeediyay hoggaanka jaamacadda mahadcelin balaaran isaga oo uga mahadceliyay dadaalkooda la xiriira daryeelka ardayda, hagidda tacliimeed ee heerka sare ah ee la siiyo ardeydeena, iyo deeqaha waxbarasho ee sanadlaha ah ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed.
Danjire Jabril ayaa balan qaaday in uu dabal ku sameeyn doono ardey badan oo la siiyay deeq waxbarasho laakiin wali ku xayiran gudaha Soomaaliya mudo bilo ah.
Kismaayo 30ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱10ka bisha Disembar waxaa magaalada Kismaayo ka furmi doona madashii ugu weyneyd ee siyaasadeed.
Magaaladii xeebta Calanley caanka ku ahayd, waxay martigalin doontaa Soomaali oo dhan, waxaa laga arrinsan doonaa dhismaha Jamhuuriyadda Saxda ee Soomaaliya.
Wax ka yar toddobaadyo koonfurta Soomaaliya waxay u jiheysan doontaa jiho cusub!

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA:29ka Nofeembar 2025Su’aalaha Maanta: Yaa   amray in la siiyo kaarka aqoonsiga? Maxayse tahat wadashaqaynt...
11/29/2025

WARARKA MAANTA:29ka Nofeembar 2025
Su’aalaha Maanta: Yaa amray in la siiyo kaarka aqoonsiga? Maxayse tahat wadashaqaynta ka dhexeysa Shabab Iyo Dowladda ? Yaa kamid ah argagixisada ee goalaha Wasirrada, lamaha Amniga Iyo Agaasimayaasha ? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuurka? Yaa beddelay dastuurka dalka? Maxuu u amray Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” in argagixisada la siiyo kaarka aqoonsiga ID Cards? Maxay isku dagaaleen Madaxweyne h**e Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Fahad Yaasiin “Daba-Naasle”? Yaa diiday inuu sameeyo Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Dastuuriga Ha wiqleyso!
Muqdisho 29ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Wasiirka Wasaaradda Md Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la yeeshay safiirka Dowladda Japan u fadhiya dalka Soomaaliya Ambassador Matsuura Hiroshi ayaga oo kulankooda kaga wada hadlay dadaalada ay dowladda Japan ugu jirto arrimaha horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed si gaar ah mashruuca National Youth Service oo ah mashruuc balaaran oo ay mardhow bilaabi doonto Wasaaradda.
Safiirka ayaa soo dhaweeyay qorsheyaasha ballaaran ee Wasaaradda kuwaas oo lagu horumarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed asaga oo tilmaamay in dowladda Japan ay diyaar u tahay kala shaqeynta Wasaaradda ee arrimaha dhallinyarada.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda oo ay kulanka ku wehliyaan Agaasimaha Qorsheynta Md. Xamza Cabdiwahaab iyo La taliyaha arrimaha mashaariicda W***y Murithi ayaa safiirka kaga mahadceliyay qaabilaaddiisa iyo sida uu usoo dhaweeyay barnaamijyada lagu hormarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed.
Muqdisho 29ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Qaramada Midoobay waxay dooneysaa inay maqasho aragtida dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku saabsan arrimaha ugu muhiimsan ee saameeynaya iyaga, iyo sidii QM ay u xoojin lahayd ka-qaybgal waxtar leh iyo wada-hadalka loo dhan yahay.
Haddii aad xiisaynayso sahanka:
- Waxaa lagu heli karaa af-Soomaali iyo Ingiriisi labadaba
- Wuxuu u furan yahay dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed
- Wuxuu xirmayaa 30-ka Noofambar 2025
Aragtidaadu waxay ka caawin doontaa Qaramada Midoobay inay dhisto wada-hadallo macno leh oo lala yeesho dhallinyarada, iyo inay qaabayso iskaashiga mustaqbalka ee bahda QM ay la yeelan doonto Soomaaliya.
Waxaan rajeyneynaa inaan maqalno codkaaga!
Muqdisho 29ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa magaalada Nairobi uga qeybgalay shir heer wasiir ah oo dalalka IGAD uga arrinsanayeen Hirgelinta Baaqa Nairobi ee Arrimaha Qaxootiga
Mudane wasiir Cali Xoosh oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Qaxootiga, Dadka soo guryo noqday, Barakacayaasha iyo dhibaatooyinka Banii’aadnimada, isbadalka cimillada iyo abaaraha ay keenaan.
“Inkasta oo ay jiraan caqabado, haddana Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an hirgelinta mabaadi’da iyo himilooyinka Baaqa Nairobi. Sanadihii la soo dhaafey, waxaan si joogto ah uga shaqeynay in ballanqaadyadaas loo beddelo xalal wax ku ool ah oo kor u qaada nolosha qaxootiga, barakacayaasha, dadka soo laabanaya iyo bulshadda gudaha dalka” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaiya mudane Cali Xoosh.
Mudane Wasiir Cali Xoosh waxaa uu ka hadlay oo kale shuruucda ay Soomaaliya sameysay oo howshan xalkeeda qeyb ka ah sida; ansixinta Sharciga Qaxootiga iyo Magangalyo-doonka bishii Sebtembar 2023 iyo Sharciga Barakacayaasha Gudaha (IDP Bill) oo isna la meel mariyay bishan, taas oo nidaamkeenna qaran u dhoweysay heerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Xoosh waxuu dalalka IGAD usoo jeediyey in laga wada shaqeeyo amniga gobolka, la iskana kaashado kor u qaadista adeegyada kaabayaasha ee hormarka keenaya.
Muqdisho 29ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb galay Madasha Wasiirrada Beeraha Adduunka ee sanadkan, kaasi oo hal ku dhiggiisu ahaa “Ka hortagga luminta cuntada iyo biyaha iyo ilaalinta mustaqbalkeenna”.
Wasiirka waxa uu madasha ka jeediyay khudbad ujeedkeedu ahaa in la qaado tallaabo degdeg ah oo caalami ah si wax looga qabto khataraha isa soo taraya ee amni-darrada cuntada iyo biyo yarida.
Wasiirku waxa uu madasha ka sheegay saameynta sii kordhaysa ee isbeddelka cimilada, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay durba la tacaalayso abaaro soo noqnoqda, hoos u dhaca wax-soosaarka beeraha, iyo yaraanta biyaha. Wuxuu ku adkeeyay in yareynta khasaaraha cuntada iyo biyaha ay maanta tahay waajibaad deegaan, dhaqaale, iyo bini’aadannimo, iyadoo ay Soomaaliya ka go’an tahay hirgelinta Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay A/RES/74/209, kaas oo ku baaqaya in dunida oo dhan ay xoojiso dadaallada lagu dhimayo khasaaraha cuntada iyo biyaha si loo gaaro horumar waara.
Muqdisho 29ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 28-ka November, 2025
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladdu ay mas’uul ka tahay ilaalinta arrimaha tiir dhexaadka u ah jiritaanka bulshada oo ay ugu horreeyaan diinta, dhaqanka, afka, amniga iyo kobcinta nolasha shacabka.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Labaad ee Warqadda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo muddo laba maalmood ah ka socday Caasimadda Muqdisho.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Bahda Cadaaladda Soomaaliya, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay ilaalinta sareynta sharciga.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu fiican Afrika ee sannadka 2025 oo ay guddoonsiiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar oo ka dhacday Garoonka Ciyaaraha Muqdisho.
6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikradda Xagjirka (P/CVE).
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa dalka Marooko uga qeybgaley Madasha Sanadlaha ah ee MEdays.
8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee (NIRA), kaas oo sannadkan diiradda lagu saarayo horumarinta iyo casriyeynta adeegga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirweynaha Koowaad ee Bahda Caddaalladda, oo looga hadlay horumarinta sharciga, isla xisaabtanka, iyo xoojinta kalsoonida ay bulshadu ku qabaan hey’adaha garsoorka.
10- Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Axmed Xasan Yuusuf u magacaabey inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda.
11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, oo ka furmay magaalada Luanda ee dalka Angola.
12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa ka qeyb-galay kalfadhiga 21-aad ee Shirweynaha Guud ee UNIDO oo ka socda magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
13- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa furay tababar loo qabtay xirfadlayaasha ka shaqeeya nidaamka caddaaladda carruurta.
14- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud ayaa soo xiray kulan heer sare ah oo ay yeesheen Guddiga Hagista Barnaamijka Caddaaladda iyo Asluubta.
15- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa daahfuray Xarunta Luqadaha iyo Tarjumaadda ee Wasaaradda.
16- Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa magaalada Marrakech kaga qaybgalay Shirka 93-aad ee INTERPOL, halkaas oo looga hadlay amniga caalamiga ah, ka hortagga dembiyada xudduudaha, la dagaallanka scam-yada, iyo habraacyada casriga ah ee Interpol.
17- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa si rasmi ah u daah-furay Mashruuca cusub oo lagu magacaabo Somalia Productive, Resilient, and Inclusive Growth (SPRING) oo uu maalgalinayo Bangiga Adduunka.
18- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah isaga diiwaan geliyay xarunta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee magaalada Gaalkacyo, gobolka Mudug.
19- Wasiirka Amniga Gudaha General Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Munir Karaloğlu.
20- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qaabilay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr.Hideki Matsunaga.
21- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa si rasmi u daahfuray Shirweynaha Xalalka Horumarineed kaasi oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara.
22- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa'uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa khudbad ka jeediyay Shirka 55-aad ee Golaha Wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira, isagoo xusay horumarka Soomaaliya, doorashooyinka ka dhacaya dalka iyo qadiyadda Falastiin.
23- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 34-aad ee Golaha Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO), oo si rasmi ah uga furmay magaalada London.
24- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Al-Makhzoumi ayaa Muqdisho ka furtay ololaha 16-ka maalmood ee la dagaallanka tacaddiyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha, kaas oo si xooggan uga socon doona guud ahaan dalka.
25- Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa kormeeray shaqooyinka ka socda xarumaha Waxbarashada ee dowladdu u qorsheysay in lagu siiyo koronto bilaash ah oo laga dhalinayo cadceedda.
26- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka degaanka ayaa degaanka Cali Heele ee Galgaduud, ku dilay Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal, oo ka mid ahaa horjoogeyaasha sare ee argaxisada Al Shabab, kadib hawlgal halkaasi ka dhacay.
27- Hey’adda NISA ayaa degaanka Cumar Beere ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dishay horjoogihii argagixisada Al-Shabaab Xasan Siidoow Xuseen iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa, kaas oo ka mas’uul ahaa abaabulka qaraxyada iyo weerarrada amni-darrada ee gobolka.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA:28ka Nofeembar 2025Su’aalaha Maanta: Yaa kamid ah argagixisada   ee goalaha Wasirrada, lamaha Amniga Iyo ...
11/28/2025

WARARKA MAANTA:28ka Nofeembar 2025
Su’aalaha Maanta: Yaa kamid ah argagixisada ee goalaha Wasirrada, lamaha Amniga Iyo Agaasimayaasha ? Yaa diiday inuu sameeyo Maxkammadda Dastuurka? Yaa beddelay dastuurka dalka? Maxuu u amray Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye” in argagixisada la siiyo kaarka aqoonsiga ID Cards? Maxay isku dagaaleen Madaxweyne h**e Farmaajo “Been-Hawaas” Iyo Fahad Yaasiin “Daba-Naasle”? Yaa diiday inuu sameeyo Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa diiday inuu sameeyo Dastuuriga Ha wiqleyso!
Muqdisho 28ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo saakay aroortii h**e ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shilkan ayaa yimid kadib markii gaari nooca xamuulka qaada ah oo kasoo baxay dekada weyn ee Muqdisho uu ku dhacay Mooto Bajaaj mareysay wadada oo ay saaranayeen sadax ruux.
Sadaxda ruux ee saarna Bajaajta ayaa la xaqiijiyay in mid ka mid ah uu geeriyooday, iyadoo labada ruux ee kale uu soo gaaray dhaawac culus, kuwaas oo loo qaaday xarumaha caafimaadka magaalada Muqdisho.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in darwalkii waday gaariga Xamuulka ah uu isaga baxday goobta uu shilka ka dhacay, islamarkaana haatan ay baadi goob ugu jiraan ciidamada amaanka sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayeen.
Shilkaan saakay ka dhacay Isgoyska Jubba ayaa sababay in mudo kooban uu xirmo dhaqdhaqaaqii isku socodka wadadaas, waxaana xusid mudan shilalka noocan oo kale ah inta badan loo sababeeyo khibrad yarida darawalada qaar oo gaadiidka si xad dhaaf ah u kaxeeya, taasina ay keento inay lumiyaan xakamaynta gaariga marka ay wajahaan xaalado halis ah.
DDSI 28ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Haweenka iyo hablaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa wajahaya nooc cusub oo tacadiyo ah, kuwaas oo ay horseedeen aaladaha dhijitaalka ah, sida in lagu rakaateeyo muuqaallo laga duubay.
Agaasimaha Waaxda Carruurta iyo Dumarka ee Xafiiska Haweenka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Suhuura Xasan Cumar, oo waraysi gaar ah siisay BBC Somali, ayaa ka warbixisay dambiyada loo adeegsado aaladaha casriga ah ee haweenka iyo hablaha lagu beegsado.
“Way jiraan kiisaskan, hadda ma badna, laakiin hordhac way jiraan. Hadda kiis la xukumay ayaa jira oo 7 sano iyo dhowr bilood lagu xukumay, kaasoo khuseeya fiidiyow laga duubay gabdho; kuwa kale oo sidan oo kale u socda oo nidaamka ku jira way jiraan,” ayay tidhi Suhuur.
Waxay sheegtay in wali bulshadu aanay si weyn ugu baraarugsanayn khatarta baraha bulshada iyo telefoonada casriga ah, kuwaas oo laga yaabo in lagu rakaateeyo muuqaallo si qarsoodi ah loo duubay, ama sawirro gaar kuu ah oo si aan ku talo-gal ahayn u baxa.
“Tusaale ahaan, gabadh ayaa xidhiidh lala samaynayaa; marka uu waqti socdo waxa aad arkaysaa gabadhii oo fiidiyowyo iyo sawirro laga codsanayo, waxaana dhici karta in lagu rakaateeyo,” ayay Suhuur hadalkeeda ku dartay.
Waxay sheegtay in hablaha dacwadaha furta ee isdifaaca ay weli aad u yar yihiin Deegaanka Soomaalida, balse ay jiraan hablo aad u badan oo sawirro iyo muuqaallo khaas ah laga hayo oo lagu rakaateeyo, kuwaas oo albaabada gadaashooda ku dhibaataysan.
Waxay intaas ku dartay in maalmihii u dambeeyay, oo lagu jiro 16-ka Cisho ee u Dhaqdhaqaaqa Tacadiyada Ka Dhanka ah Haweenka iyo Hablaha, ay xafiisku qaadayeen tallaabooyin wacyigelin bulsho ah oo ku saabsan tacadiyada loo adeegsado telefoonada, isla markaana ay si gaar ah ula kulmayaan qaybaha bulshada ee kala duwan.
16-ka Cisho ee u Dhaqdhaqaaqa Tacadiyada Jinsiga Ku Salaysan, oo sannadkasta la xuso inta u dhaxaysa 25-ka November ilaa 10-ka December, ayaa adduunka oo dhan looga guntadaa sidii wax looga qaban lahaa tacadiyada ka dhanka ah haweenka. Halku-dhigga sannadkan wuxuu yahay: “Aynu u midoowno sidii loo cidhibtiri lahaa tacadiyada loo adeegsado aaladaha dhijitaalka ah ee ka dhanka ah haweenka iyo hablaha.”
Puntland 28ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, ayaa sheegay in ay cunaqabatayn xooggan saareen goobaha ay Daacish kaga harsan yihiin buuraleyda Calmíska, si looga jaro sahay kasta oo ay ku sii joogsan karaan.
Cabdifataax ayaa sheegay in meelaha ay Daacish ku dhuumaneyso si buuxda loo hareereeyay, ayna ka mid tahay qorshaha in laga xannibo raashiinka, shidaalka iyo adeegyadii kale ee gaari lahaa.
“Waxaa saaran dowladda iyo ciidankeeda culeys aad u weyn, waxaana ka mid ah in nimanka dhinac walba laga cunaqabateeyo oo aan waxba u gali karin, laguna hareereeysan yahay,” ayuu yiri
Wuxuu xusay in xubno kooban oo Daacish ah ay weli si dhuumaaleysi ah ugu sugan yihiin qaybaha hoose ee buuraha Calmíska, balse wuxuu sheegay rajo ka muujiyay in hawlgallada socda ay ku dhamaan doonaan muddo kooban.
Wasiirku wuxuu sidoo kale tilmaamay in juqraafiga deegaanka ay caqabad weyn ku noqotay ciidamada, maaddaama dhulku yahay mid si weyn u dhib badan oo aan gaadiidka culus geli karin. “Ciidamada waxaad ku aragteen inay ku socdaan Dameero, Awr iyo xataa lug, sababtoo ah waa meel aad u adag in si fudud loo gaaro,” ayuu yiri Cabdifataax.
Waxaa uu intaas ku daray in ay ciidamada khasab ku noqotay in ay adeegsadaan farsamooyin kala duwan oo ku habboon deegaannada buuraha ah, si loo xaqiijiyo in kooxdaasi gebi ahaanba laga saaro meesha ay ku dhuumaaleysanayaan.
Hadalka wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland ayaa kusoo aadaya xilli shalay ay ku beegnayd markii la qorsheeyay in lagu dhawaaqo in lasoo afjaray howlgalka Hilaac ee muddada sanadka ah lagula dagaalamayay ururka Daacish.
Qorshaha ayaa dib u dhacay sababa la xiriira madaxweyne Deni oo ku maqan dibadda. Si kastaba ha ahaatee, weli dagaalamayaa katirsan Daacish ayaa ku sugan Baallade oo Boosaaso u jira 20km. Dad badan ayaa maamulka Puntland uga digay in lagu dhawaaqo in lasoo afjaray Daacish, iyadoo aan weli laga nadiifin togga Baallade iyo degaanada ku dhow.
Muqdisho 28ka 𝗡𝗼𝗳𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 Waxaan toddobaadkan barnaamijka 𝗧𝘂𝗯𝘁𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 uga hadleynnaa xuquuqda dadka naafada ah ee ku nool Soomaaliya iyo baahida loo qabo in la kordhiyo ka qaybgalintooda dhammaan qaybaha nolosha.
Qaybta koowaad ee Barnaamijka, Adno Maxamed Maxamuud, Agaasimaha Xuquuqda Aadanaha ee Hay’adda Naafada Qaranka, Soomaaliya ayaa qeexaysa xaaladda ka qaybgalinta iyo ilaalinta xuquuqda loo simman yahay ee dadka naafada ah ee ku nool Soomaaliya. Adno waxay kale oo ka hadlaysaa caqabadaha waa wayn ee ay qabaan dadkas, iyo waliba xalka, iyo sababta ay muhiim u tahay xaqiijinta sharafta dadka naafada ah iyo in si buuxda loga qaybgaliya si loo tagaeero himilooyinka horumarineed ee ballaaran.
Qaybta labaad, Axmed Maxamed Jaamac, Guddoomiyaha Ururka Naafada Galmudug ayaa nala wadaagaya afkaar la xiriirta xaaladaha dhabta ah ee ay wajahayaan dadka naafada ah ee ku sugan Soomaaliya. Axmed wuxuu sharraxayaa isbaddallada degdegga ah ee saameyn la taaban karo samayn kara, isagoo sharraxaya sida hay’addiisa ay ula shaqayso dawladda Soomaaliya, hay’adaha maxalliga ah iyo bahwadaagta caalamiga ah si loo horumariyo xuquuqda naafada. Wuxuu kaloo noo sheegayaa sida tallaabooyinkas ay ka mid yihiin horumarinta adeegsiga goobaha dadweynaha iyo xoojinta wacyigelinta ay gacan uga gaysan karaan dhisidda deegaan loo dhan yahay oo taageero u leh dadka naafada ah.
Waxaa barnaamijka martigelinaya Faa’isa Cabdi iyo Cabdicasiis Diiriye.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SNTV Live posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SNTV Live:

Share