Shabelle News in Somalia

Shabelle News in Somalia Welcome to the Officia Shabelle News Center in Somalia

WARARKA MAANTA 16ka Juun 2025Su’aalaha Maanta: Maxay ka qayliyeen shacabka  ? Yaa argagixisada   u magacaabay Wasiiro? M...
12/16/2025

WARARKA MAANTA 16ka Juun 2025
Su’aalaha Maanta: Maxay ka qayliyeen shacabka ? Yaa argagixisada u magacaabay Wasiiro? Maxaa loo bilaabay wasiiro isku-beddelka cusub? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub Seddex magaceedu ku bilaawdo “J”? Yaa diiday inay shacabka helaan Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Koonfur Galbeed 16ka Juun 2025 Madaxweynaha Dowladd goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Kulliyada Tababarka Ciidamada Turkiga ee Turksom S/Gaas Sebahattin.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa kale ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed.
Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo barnaamijyada tababarka, kor u qaadista xirfadaha ciidanka iyo la wadaagidda khibradaha la xiriira sugidda amniga.
Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay doorka Dowladda Turkiga ee taageerada dib-u-dhiska Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo la adkeeyay baahida loo qabo wada-shaqeyn dhow oo lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo la-dagaallanka khataraha amni ee ka jira dalka.
Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga labada dal uu yahay mid saldhig u ah nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska hay’adaha amniga.
Dhankiisa, Taliyaha Kulliyada Turksom S/Gaas Sebahattin ayaa muujiyey sida ay Dowladda Turkiga uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka, tayeynta ciidanka iyo adkeynta wada-shaqeynta amni.
Muqdisho 16ka Juun 2025 Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo loo haysto inuu ku dilay habeen h**e degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ahaa oo ku shaqeysanaayay mooto Bajaaj.
Eedeysanahan oo ay gacanta kusoo dhigan ciidanka Booliiska ee ka howlgala degmada Deyniile ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Axmed Geedi oo ku eedeysan dilka marxuum lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Abuukar Maxamed, kaasoo aanan wali la aasin meydkiisa kuna jira Firinjeer.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in eedeysanahan si deg deg ah loo horkeeni doono cadaaladda.
“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Saldhigga Degmada Dayniile ayaa gacanta ku dhigay eedeysane S/le Cabdullaahi Axmed Geedi, oo ku eedeysan inuu Degmada Dayniile ku dilay marxuum C/risaaq Abuukar Maxamed, oo ahaa wade mooto bajaaj, eedeysanaha ayaa ku jira gacanta booliska, waxaana loo gudbin doonnaa maxk**adda ku shaqada leh” ayaa lagu yiri warka kasoo saaray Taliska qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir.
Ninkan Booliiska uu soo bandhigay ayaa loo heysta dilka wiil dhalinyaro ahaa oo la sheegay in isaga iyo xaaskiisa dhawaan safar isugu diyaarinayeen dalka Mareykanka, maadama ay ka mid noqdeen kumanaan qof oo nasiibka u helay baqtiya nasiibka Lottery-ga oo ay Mareykanka sanad waliba fursad u siiyaan kumanaan qof oo ku kala nool daafa caalamka.
Muqdisho 16ka Juun 2025 Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku dhawaaqay in ciidamadiisu ay mar kale duqeyn cirka ah ka fuliyeen Soomaaliya, xilli maamulka Trump uu sii wado duqeyihii ugu badnaa ee uu Soomaaliya ka fuliyo.
AFRICOM ayaa sheegtay in duqeynta la fuliyay 14-kii Diseembar, isla markaana lagu bartilmaameedsaday ururka al-Shabaab, meel qiyaastii 30 mayl dhanka waqooyi-bari kaga beegan magaalada Kismaayo.
Taliska AFRICOM ma bixin faahfaahin kale oo ku saabsan duqaynta, maaddaama uu horraantii sanadkan joojiyay wadaagista xogta khasaaraha iyo qiimeynta waxyeellada rayidka.
“Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo ammaanka hawlgallada socda,” ayay AFRICOM ku tiri warsaxaafadeed.
Weerarkan wuxuu noqonayaa ugu yaraan duqeyntii 112-aad ee Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya sanadkan, taas oo ka badan 11 jeer tirada duqeymihii uu Mareykanku ka fuliyay dalka 2024.
Trump ayaa jabiyay rikoorka duqeymaha sanadlaha ah ee Soomaaliya, kaas oo Madaxweyne Trump uu dhigay xilligii ugu horreeyay ee uu xilka hayay sanadkii 2019, markaas oo ay gaareen 63 duqeyn.
Duqeyntii ugu dambeysay ayaa timid iyadoo ay jireen warar sheegaya khasaare rayid oo ka dhashay hawlgallo dhowaan ay fuliyeen Mareykanka iyo ciidamo uu taageero, kuwaas oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya.
Toddobaadkii h**e, warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in in ka badan 30 qof oo rayid ah lagu dilay weerar lagu qaaday tuulo u dhow Muqdisho, kaas oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu Mareykanku tababaray.
15-kii Nofeembar, duqeymo cirka ah oo Mareykanku fuliyay iyo ciidamo dhulka ah oo Soomaali ah oo uu taageero Mareykanku ayaa bartilmaameedsaday tuulada Jamaame oo u dhow Kismaayo.
Weerarkaasi waxaa lagu dilay ugu yaraan 11 qof oo rayid ah, oo ay ku jireen toddoba carruur ah, sida lagu sheegay warbixin ay baahisay Drop Site News.
Mareykanka ayaa sidoo kale duqeymo ka wada gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo in ka badan kala bar duqeymaha Mareykanka ee sanadkan laga fuliyay. Mareykanku wuxuu taageeraa ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish.
Muqdisho 16ka Juun 2025 Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, ayaa walaac ka muujiyay qorshayaal la doonayo in goobaha waxbarashada sida dugsiyada, machadyada iyo jaamacadaha laga dhigo goobaha codbixinta doorashooyinka soo socda, iyagoo ka digay in arrintaasi ay khatar ku tahay dhexdhexaadnimada waxbarashada iyo badbaadada ardayda.
War-saxaafadeed uu Midowga soo saaray wuxuu ku sheegay inay si dhow ula socdaan arrimaha siyaasadeed ee la xiriira hanaanka doorashooyinka, iyagoo dareensan isku-dayo isa soo taraya oo lagu doonayo in xarumaha waxbarashada loo adeegsado ujeeddooyin doorasho iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed.
Midowga Jaamacadaha wuxuu ku tilmaamay tallaabadan “tusaale khatar ah” oo dhaawacaya madaxbannaanida hay’adaha waxbarashada.
Goobaha waxbarashada looma dhisin inay noqdaan fagaaro doorasho,” ayaa lagu yiri bayaan-ka, iyadoo la adkeeyay in dugsiyada iyo jaamacaduhu ay ahaadaan meel ka madax-bannaan siyaasadda, kuna go’an waxbarasho, cilmi-baaris iyo horumar qaran.
Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed wuxuu sheegay in isticmaalka xarumaha waxbarashada ee doorashooyinka ay halis amni gelin karto ardayda, macallimiinta iyo maamulka, gaar ahaan marka la eego jawiga siyaasadeed ee nugul. Sidoo kale, ururku wuxuu ka digay in arrintani carqaladeyn karto jadwalka waxbarashada, dib u dhigi karto imtixaannada, isla markaana saameyn taban ku yeelan karto caafimaadka maskaxeed ee ardayda.
Midowga wuxuu xusay in hawlaha doorasho ee ka dhaca goobaha waxbarashada ay sidoo kale ku xad-gudbi karaan xuquuqda carruurta, maaddaama ay u nuglaan karaan cabsi, hanjabaad ama rabshado.
Midowga Jaamacadaha wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada inay si degdeg ah uga laabtaan go’aannada lagu doonayo in goobaha waxbarashada looga dhigo xarumo doorasho, isla markaana ay hay’adaha doorashooyinka raadiyaan goobo rayid ah oo aan carqaladeyn waxbarashada.
Waxay sidoo kale ka codsatay Wasaaradda Waxbarashada iyo hay’adaha amniga inay qaadaan tallaabooyin cad oo lagu ilaalinayo dugsiyada iyo jaamacadaha inta lagu jiro xilliga doorashooyinka.
Jubbaland 16ka Juun 2025 Kismaayo, caasimadda ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa maanta si rasmi ah u soo dhaweysay wafdigii ugu horreeyay ee ka qaybgalaya shirka Mucaaradka Soomaaliya, kaas oo la filayo in si rasmi ah loo furo berri oo Arbaco ah, kuna beegan 17-ka bisha Diseembar.
Wafdiga maanta gaaray magaalada Kismaayo waxaa hoggaaminayay xoghayaha Madasha Samatabixinta Soomaaliya, Maxamed Aadan Koofi, waxaana Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Maxamed Ibraahim Oogle, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland.
Wasiir Maxamed Ibraahim Oogle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirka uu socon doono muddo afar maalmood ah, laga bilaabo 17-ka ilaa 20-ka Diseembar.
Waxa uu xusay in shirka diiradda lagu saari doono dhammaystirka qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo falanqaynta xaaladda siyaasadeed ee kala guurka ah ee uu dalku marayo.
Dhankiisa, Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in shirka Kismaayo uu yahay mid muhiim u ah marxaladda adag ee siyaasadeed ee Soomaaliya ku jirto.
“Maanta waxaan gaaray magaalada Kismaayo oo dhowaan uu ka furmi doono shirka dhammaystirka dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, Inta uu shirku socdo, waxaa laga arrinsan doonaa qodobo muhiim u ah xaaladda murugsan ee dalka,” ayuu yiri Koofi, isagoo uga mahadceliyay maamulka iyo shacabka Jubbaland soo dhaweynta iyo martigelinta shirka.
Wararka laga helayo Kismaayo ayaa tilmaamaya in maamulka Jubbaland uu si weyn u adkeeyay amniga iyo diyaar-garowga guud, maadaama la filayo in maalmaha soo socda ay magaalada gaaraan hoggaamiyeyaal mucaarad ah oo h**e xilal sare uga soo qabtay dowladda federaalka.
Xubnaha mucaaradka ayaa shirka Kismaayo ku tilmaamay fursad taariikhi ah oo ay si wadajir ah isugu imanayaan kadib muddo dheer oo wadatashi iyo is-xog-ogaal ah.
Inta lagu guda jiro shirka, ka qaybgalayaasha ayaa la filayaa in ay yeeshaan kulamo furan iyo kuwo albaabadu u xiran yihiin, kuwaas oo lagu lafa-guri doono jihada siyaasadeed ee dalka, caqabadaha dhanka dowladnimada iyo aragtidooda ku aaddan isbeddellada siyaasadeed ee socda.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa martigeliyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka inta ay ku sugan yihiin Kismaayo, iyadoo shirka uu imanayo xilli ay Soomaaliya ka taagan yihiin doodo siyaasadeed oo xooggan iyo baahi loo qabo madal mideysa aragtida mucaaradka ee arrimaha qaranka gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka.
Maamulada Dalka 16ka Juun 2025 Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay ka qeyb geli doonin tartanka kubadda cagta Dowlad Goboleedyada dalka, iyagoo sabab uga dhigay maamul-xumo, isla xisaabtan la’aan iyo taageero la’aan ay ku eedeeyeen Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.
Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug ayaa si cad ugu eedeeyay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cali Shiino, inuu ku fashilmay gudashada waajibaadkiisii shaqo, isla markaana uusan lahayn awood iyo sharciyad uu ku maamulo tartanka heer qaran.
Waxay sheegeen in Cali Shiino uu gabay mas’uuliyaddii ka saarnayd horyaalada iyo tartamada kala duwan, sidoo kalena uu warbaahinta ka sheegay eedeymo aan sal iyo raad lahayn oo ku saabsan in maamul goboleedyadu aysan wax taageero ah siin xiriirrada ka dhisan.
Dhinaca kale, Maamulka Jubaland ayaa isna si rasmi ah u diiday ka qeybgalka tartankan, iyadoo Guddoomiyaha Ururka Kubadda Cagta Jubaland, Axmed Cabdullaahi Axmed (Qaldaan), uu shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kismaayo ku sheegay in xiriirka kubadda cagta Soomaaliya uusan siin wax taageero farsamo ah, sida tababaro, qalab sports iyo horumarinta ciyaartoyda.
Wuxuu xusay in ka qeybgalka tartan aan lagu dhisin cadaalad iyo wada-shaqeyn dhab ah uusan dan ugu jirin Jubaland.
Dhanka Koonfur Galbeed, Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa lagu xaqiijiyay go’aanka qaadacaadda, Warsaxaafadeedkaas ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu, iyada oo kaashanaysa Xiriirka Kubadda Cagta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ay go’aansatay inaanay ka qeybgelin tartanka sababo la xiriira hufnaan la’aan, is-maandhaaf maamul iyo in aan la helin hannaan cadaalad ah oo lagu maamulo tartanka.
Sidoo kale warsaxaafadeedka Koonfur Galbeed ayaa lagu adkeeyay in wasaaraddu mar walba garab taagan tahay horumarinta isboortiga, dhiirrigelinta dhallinyarada, iyo ka qeybgalka tartamada mustaqbalka marka la helo nidaam hufan, isla xisaabtan iyo wada-shaqeyn dhab ah oo u dhaxeysa Xiriirka Qaranka iyo dowlad goboleedyada.
Go’aanka ay wada gaareen Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug ayaa kusoo beegmaya xilli ay jireen dooddo xooggan oo ku saabsan hannaanka maamulka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, taasoo dhalisay su’aalo badan oo la xiriira mustaqbalka tartamada heer dowlad goboleed iyo kalsoonida ciyaaraha dalka.
Muqdisho 16ka Juun 2025 Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada dalka kulan gaar ah kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga Dibadda ee dalka Sweden Benjamin Dousa.
Labada dhinac ayaa kulankooda uga wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Sweden iyo sidii loo sii xoojin lahaa.
"Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka laba-geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sweden iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, iyo kobcinta karaanka hay’adaha dowliga ah" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Wafdiga ka socday dowladda Sweden ayaa Madaxweynaha Soomaaliya warbixin ka siiyay sida ay diyaar ugu yihiin iney kaalin muhiim ah ka qaataan nabadda Soomaaliya iyo dib u dhiska dowladnimada.
Wafdiga dowladda Sweden ee uu hoggaaminayo Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga Dibadda ee dalka Sweden Mudane Benjamin Dousa ayaa dhankooda adkeeyay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii imaanshaha Soomaaliya ee wafdigan ka socda dalka Sweden ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmihii u dambeeyay Sweden waday dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo ay ka mid tahay tarxiilka qasabka ah ee lagu beegsanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dib looga soo celinayo dalkaasi, hayeshee wali war rasmi ah k**a soo saarin arinkaasi dowladda Soomaaliya.
Muqdisho 16ka Juun 2025 Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ka furmay Kalfadhiga 35-aad ee caadiga ah ee Guddiga Taliyeyaasha Difaaca iyo Amaanka ee ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF).
Kulankan oo noqonaya kii labaad ee sanadkan gudahiisa Soomaaliya martigeliso ayaa waxaa daah furay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cumar Cali Cabdi.
Wasiir Cumar Cali ayaa khudbad uu ka jeediyay furitaanka shirkan ku muujiyay sida ay shacabka Soomaaliya u farxad gelineyso martigelinta shirkan heer gobol ah, isagoona xusay in talaabadan muujinayso kalsoonida sii kordhaysa ee lagu qabo horumarka ay sameyneyso Soomaaliya iyo doorka ay ku leedahay amniga gobolka.
Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in amniga dalalka Bariga Afrika uu yahay mid isku xiran, islamarkaana lama huraan tahay in si wadajir ah looga jawaabo caqabadaha amni ee ka jira gobolka iyo guud ahaan caalamka.
Wasiirka waxuu xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda iyo ka qayb galka ciidanka Heeganka Afrikada Bari, isagoo xusay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah dhawaab u ansixiyay Sharciga Aasaaska EASF.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kula dardaarmay ka qayb galayaasha shirka inay doodahooda kasoo saaraan go’aano wax ku ool ah iyo natiijooyin wax ku biirin kara xoojinta nabadda, amaanka iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dalalka ku bahoobay ciidanka Heeganka Afrikada Bari.

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 15ka Juun 2025Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa argagixisada   u magacaabay W...
12/15/2025

WARARKA MAANTA 15ka Juun 2025
Su’aalaha Maanta: Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub? Yaa argagixisada u magacaabay Wasiiro? Maxaa loo bilaabay wasiiro isku-beddelka cusub? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub Seddex magaceedu ku bilaawdo “J”? Yaa diiday inay shacabka helaan Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!
Muqdisho 15ka Juun 2025 GUDDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR AHNA DUQA MUQDISHO OO DHAGAX-DHIGAY MASHAARIIC MUHIIM U AH DADWEYNAHA CAASIMADDA
Muqdisho, Diseembar 15, 2025: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u ah horumarinta adeegyada dowlad-hoose, kuwaas oo laga hirgelinayo Degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu dhagax-dhigay mashruuca Dhismaha iyo Dayactirka Xarumaha Taliska Ciidanka Ilaalinta Xamar, Xarunta Waaxda Dhismaha Waddooyinka, iyo Xarunta Waaxda Diiwaangelinta Dadweynaha (Anagraphy) ee Dowladda Hoose ee Xamar.
Mashruucyadani waxay laf-dhabar u yihiin tayeynta adeegyada dadweynaha, kobcinta amniga, iyo casriyeynta nidaamka maamul ee caasimadda. Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa xusay in dhismaha xarumahan uu ka tarjumayo go’aanka adag ee Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan hagaajinta hufnaanta adeegyada, xoojinta diiwaangelinta dadweynaha, iyo dhismaha kaabayaal dowladeed.
Waxa uu xusay in muddo dheer aan xarumahan la dayactirin, isagoo hoosta ka xarriiqay in 'gacanna doorasho lagu galayo; gacanna amniga lagu sugayo iyo joogteynta horumarinta iyo dib u dhiska.'
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka ee Xamar, Guddoomiyaha Degmada Shingaani iyo mas'uuliyiin kale.
Muqdisho 15ka Juun 2025 Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u daahfurtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka ee SDG-yada iyo Warbixinta Tilmaamayaasha Tamarta ee SDG-7.
Labadan warbixin waxay xoojinayaan saldhigga xogta iyo caddaynta qaran, iyagoo isu keenaya xog rasmi ah oo muujinaysa heerka horumarka iyo caqabadaha ka jira tilmaamayaasha muhiimka ah ee deegaanka iyo tamarta. Tani waxay gacan ka geysanaysaa qorshayn wax-ku-ool ah, adeeg-bixin hufan, iyo go’aanno maalgashi oo ku salaysan xog sax ah.
Daahfurkani wuxuu muujinayaa horum laga sameeyay adeegsiga xogta maamulka ee wasaaradaha (administrative data) ee warbixinta qaranka, wuxuuna door weyn ka qaadanayaa diyaar-garowga Soomaaliya ee Voluntary National Review (VNR) 2026.
SNBS waxay uga mahadcelinaysaa dhammaan wasaaradaha iyo bah-wadaagta ka qayb qaatay bixinta xogta, taageerada farsamo, iyo wada-shaqeynta suurtagelisay warbixinnadan.
Muqdisho 15ka Juun 2025 Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u daahfurtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka ee SDG-yada iyo Warbixinta Tilmaamayaasha Tamarta ee SDG-7.
Labadan warbixin waxay xoojinayaan saldhigga xogta iyo caddaynta qaran, iyagoo isu keenaya xog rasmi ah oo muujinaysa heerka horumarka iyo caqabadaha ka jira tilmaamayaasha muhiimka ah ee deegaanka iyo tamarta. Tani waxay gacan ka geysanaysaa qorshayn wax-ku-ool ah, adeeg-bixin hufan, iyo go’aanno maalgashi oo ku salaysan xog sax ah.
Daahfurkani wuxuu muujinayaa horum laga sameeyay adeegsiga xogta maamulka ee wasaaradaha (administrative data) ee warbixinta qaranka, wuxuuna door weyn ka qaadanayaa diyaar-garowga Soomaaliya ee Voluntary National Review (VNR) 2026.
SNBS waxay uga mahadcelinaysaa dhammaan wasaaradaha iyo bah-wadaagta ka qayb qaatay bixinta xogta, taageerada farsamo, iyo wada-shaqeynta suurtagelisay warbixinnadan.
Muqdisho 15ka Juun 2025 GUDDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR AHNA DUQA MUQDISHO OO DHAGAX-DHIGAY MASHAARIIC MUHIIM U AH DADWEYNAHA CAASIMADDA
Muqdisho, Diseembar 15, 2025: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u ah horumarinta adeegyada dowlad-hoose, kuwaas oo laga hirgelinayo Degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu dhagax-dhigay mashruuca Dhismaha iyo Dayactirka Xarumaha Taliska Ciidanka Ilaalinta Xamar, Xarunta Waaxda Dhismaha Waddooyinka, iyo Xarunta Waaxda Diiwaangelinta Dadweynaha (Anagraphy) ee Dowladda Hoose ee Xamar.
Mashruucyadani waxay laf-dhabar u yihiin tayeynta adeegyada dadweynaha, kobcinta amniga, iyo casriyeynta nidaamka maamul ee caasimadda. Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa xusay in dhismaha xarumahan uu ka tarjumayo go’aanka adag ee Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan hagaajinta hufnaanta adeegyada, xoojinta diiwaangelinta dadweynaha, iyo dhismaha kaabayaal dowladeed.
Waxa uu xusay in muddo dheer aan xarumahan la dayactirin, isagoo hoosta ka xarriiqay in 'gacanna doorasho lagu galayo; gacanna amniga lagu sugayo iyo joogteynta horumarinta iyo dib u dhiska.'
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka ee Xamar, Guddoomiyaha Degmada Shingaani iyo mas'uuliyiin kale.
DHAMMAAD
Muqdisho 15ka Juun 2025 Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdilaahi Shiikh Ismaaciil ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeybqaataan doorashada taariikhiga ah ee qof iyo cod ah.
General Fartaag ayaa sheegay in 57 sano kadib ay suurtagashay in muwaadinku si toos ah u doorto cidda matali doonta, taas oo ah guul weyn oo u soo hoyatay dowladnimada iyo dimuqraadiyadda dalka. Wuxuu xusay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay si buuxda uga go’an tahay sugidda amniga si doorashadu ugu dhacdo si nabad ah, xor ah, oo hufan.
Wasiirku wuxuu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay soo qaataan kaararkooda codbixinta, kana faa’iideystaan xaqooda dastuuriga ah, kuna codeeyaan qofka ay u arkaan inuu si daacad ah ugu matali karo danaha shacabka iyo mustaqbalka dalka.
‘Maanta waa maalin taariikhi ah, codkiinnuna waa mas’uuliyad iyo awood. Ka mid noqda taariikhda maanta la qorayo,’ ayuu yiri Wasiirka.”**

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

WARARKA MAANTA 14ka Juun 2024Su’aalaha Maanta: Yaa argagixisada   u magacaabay Wasiiro? Maxaa loo bilaabay wasiiro isku-...
12/14/2025

WARARKA MAANTA 14ka Juun 2024
Su’aalaha Maanta: Yaa argagixisada u magacaabay Wasiiro? Maxaa loo bilaabay wasiiro isku-beddelka cusub? Yaa noqon doona Raysal Wasaaraha cusub Seddex magaceedu ku bilaawdo “J”? Yaa diiday inay shacabka helaan Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”?? Yaa argagixisada Shabaab u magaabay jaggooyin sar-sare sida wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasumayaal Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa beddelay dastuurka dalka Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa wax walba beecinaaya Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa dastuurka beddelay Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Yaa gabdho u iib geeyey Carabta Madaxweyne Mudane Xassan “Dhuuso-Fooxiye”? Ha Wiqleyso!

Muqdisho 14ka Juun 2024 Marka haweenku ay wax hoggaamiyaan kana shaqeeyaan waaxda amniga, bulshooyinku waxay noqdaan kuwo ammaan ah, hay’adahuna waxay noqdaan kuwo xooggan sidoo kale dadaallada nabadduna waxay sii xoogaystaan.
Soomaaliya, Qaramada Midoobey waxay la shaqaysaa hay’adaha Qaran si ay u ballaaariyaan siyaabaha kala duwan ee guusha ay ku gaari karaan haweenka xiran dirayska, ayagoo siinaya xirfado, iyo kalsoonidii loo baahnaa si loo qaabeeyo bulsho ka qayb galkeedu sareeyo oo lah qaab dhismeed ammaan oo la xisaabtan leh.
Sawirkan waxaa ka muuqda, askar haween ah oo ka tirsan ciidanka Puntland oo ku jira tabobar ay UNTMIS taageertay oo ka dhacay Garoowe.
Muqdisho 14ka Juun 2024 Munaasabadda Xarig-Jarka Masraxa Prof. Shariif Saalax ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Muqdisho 13-12-2025: – Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah u daah-furtay Masraxa Shariif Saalax, munaasabad ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen madax sare oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, hoggaanka jaamacadda, masuuliyiin ka socday bahada waxbarasho, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray masraxa, isagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay horumarinta kaabayaasha waxbarashada sare iyo kaalinta ay jaamacaduhu ku leeyihiin kobcinta aqoonta, dhaqanka iyo hal-abuurka dhallinyarada. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu bogaadiyay dadaalka ay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ugu jirto tayeynta waxbarashada iyo dhismaha xarumo casri ah oo u adeega ardayda iyo bulshada.
“Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waa hoggaamiye, waxaa ay hoggaamisaa Tacliinta sare ee dalka, Waxaana rajeynayaa in ay noqoto hoggaamiye wanaagsan, si ay booskaas u buuxisana waxaan ku dadaali doonaa in aan hormarinno”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa
Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in masraxan loo bixiyay magaca Prof. Shariif Saalax uu yahay xusuus-reeb iyo aqoonsi loo sameeyay doorkii taariikhiga ahaa ee lahaa. Wuxuu intaas ku daray in masraxa lagu qaban doono shirarar cilmiyeedyo, tababarrada iyo bandhigyada dhaqanka oo muhiim u ah bulshadeena.
Wasiiro iyo marti sharaf kale oo ka hadlay munaasabadda ayaa si qoto dheer uga warramay muhiimadda isku dheellitirka waxbarashada, hal-abuurka iyo cilmi-baarista, aqoonta iyo dhaqanka, iyagoo carrabka ku adkeeyay in dhismaha masraxyada noocaan ah auu door weyn ka qaataan kor u qaadista tayada waxbarashada, dhiirrigelinta cilmi-baarista, iyo dhowrista hiddaha iyo dhaqanka, isla markaana ay xoojiyaan kaalinta jaamacadaha ee horumarinta bulshada.
Ugu danbayn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u soo xiray munaasabadda, isagoo mar kale ku celiyay ballanqaadka dowladda ee ku aaddan taageeridda waxbarashada sare iyo horumarinta hay’adaha tacliinta dalka.
Muqdisho 14ka Juun 2024 Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka Soomaaliya (NIEBC) ayaa sheegay in ku dhawaad 200,000 codbixiye ay heleen kaararkooda codbixinta, inkastoo ku dhawaad hal milyan oo qof ay iska diiwaan geliyeen doorashada golaha deegaanka ee Banaadir ee soo socota.
Dib-u-dhacyada jadwalka doorashada iyo kaararka maqan ayaa abuuray walaac ku saabsan in qaar ka mid ah codbixiyeyaasha iska diiwaan galay laga hor istaagi karo inay ka qayb qaataan doorashada 25-ka December.
Si kastaba ha ahaatee, guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ka jawaabay walaacyadaas isagoo sheegay in inta badan cabashooyinka la xiriira kaararka aan la bixin la xalliyay,” inkastoo tiro yar oo diiwaangashan ay weli sugayaan kaarkooda.
Markii la weydiiyey in dadka haysta shahaadooyinka diiwaangelinta ku meel gaarka ah, balse aan weli helin kaarkooda codbixinta, loo oggolaan doono inay codeeyaan, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guddigu uusan hayn awoodda ugu dambeysa ee arrintaas.
Sida ku cad xeerarka hadda jira, kuwa aan haysan kaar codbixin ma codeyn karaan. Si kastaba ha ahaatee, guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa intaa ku daray in haddii xisbiyada siyaasadeed ay si wadajir ah u go’aamiyaan in dadka haysta kaarka ku meel gaarka ah la oggolaado inay codeeyaan, guddigu uu diyaar u yahay inuu fududeeyo habkaas.
Guddigu sidoo kale wuxuu ku dhawaaqay in maalinta doorashada la siin doono gaadiid bilaash ah codbixiyeyaasha, gaar ahaan dadka naafada ah, waayeelka, iyo kuwa la kulmi kara dhibaatooyin ku saabsan gaarista xarumaha codbixinta.
“Waxaan diyaarinay gaadiid gaar ah, taageero dheeri ah, iyo fududeyn buuxda si loo caawiyo qof kasta oo aan gaari karin xarumaha codbixinta,” ayuu yiri guddoomiyaha.
Inkastoo dib-u-dhacyo kala duwan la soo maray, guddigu wuxuu mar kale caddeeyay in doorashadu socon doonto, isagoo shacabka Banaadir u xaqiijiyay inay heli doonaan fursad ay ku codeeyaan.
Muqdisho 14ka Juun 2024 Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirrada.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Raysal wasaaraha ayaa xilka looga qaaday qaar ka mid ah wasiiradii h**e, waxaana sidoo kale lagu magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada.
Wareegtada waxaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya loogu magacaabay Danjire Jamaal Maxamed Xasan, waxaana xilkaas laga qaaday Wasiirkii h**e ee Wasaaraddan Xildhibaan Maxamuud Geesood.
Waxaa sidoo kale wareegtada lagu magacaabay Senatar Ayuub Ismaaciil Yuusuf inuu noqdo Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska, isagoona xilkaas kala wareegaya Wasiirkii h**e ee Wasaaraddam Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.
Wareegtadan waxa warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdinaasir Saxansaxo oo sheegay in magacaabistu ay dhaqan gashay, islamarkaana ay qeyb ka tahay dadaalada lagu dardargelinayo waxqabadka hay’adaha dowladda.
Ugu dambeyntii Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Wasiiradda cusub faray inay si deg deg ah xilalka ula wareegaan, islamarkaana ay la yimaadaan dadaal dheeraad ah oo la xariira dhanka shaqada.
Muqdisho 14ka Juun 2024 Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa abaal marin lacageed guddoonsiiyay laba dhalinyaro beeraley ah oo xubno ka tirsan maleeshiyaadka yaanbo kula dagaalamay.
Labadan dhalinyarada ah oo lagu kala magacaabo Salaad Maxamed Cali iyo Cabdi Cabdullaahi Cali ayaa la sheegay iney yaanbooyinkii ay beerta ku falanayeen ku dileen xubno ka tirsana Al-shabaab, islamarkaana hubkoodii horay uga soo furteen.
Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Dhexe Cali Axmed Xaashi Cali Cageey ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in Al-shabaab ay isku dayeen in lacago baad ah ay ka qaataan raggan, taasina ay keentay in yaanbooyinkoodii ku dagaalamaan.
“Dadka aan abaal-marinay waa laba dhalinyaro ah oo kasoo furtay cadowga laba qoray oo AK47 ah, ugana soo furtay Yaambada lagu fasho beeraha, arrintan waxay ka dhacday gudaha cadowga deegaan u dhow Booco, labada wiil ayay u yimaadeen, si ay baad uga qaataan, laakiin way iska dhiciyeen” ayuu yiri Taliye Cali Axmed Xaashi Cali Cageey.
Labada nin ee howlgalkan kasoo fuliyay gudaha deegaanka Dhoqor ee gobolka Hiiraan ayaa la guddoonsiiyay lacag $2000 oo doolar ah oo uu talisku sheegay iney tahay mid lagu dhiiragalinaayo ragaan dhalinyarada ah.
Horay sidaan oo kale dowladda Soomaaliya waxay u abaal marisay dad shacab ah oo ka hortegay dhibaatooyinka Al-shabaab, kuwaas oo qaarkood toos ugu biiray dagaalka xoreynta ah ee ka dhanka ah Al-shabaab.

1 Sheega Dee – Debate on Somali Political Challenges Welcome to Sheega Dee. In this video, we share a discussion between Somali religious leaders about polit...

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shabelle News in Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share